Soomaalidii hore waxay ahaayeen kuwo guurka meela badan ka eega oo mararka qaarkood ninka guursanaya uusan gabadha uu guursanayo qiimeynteeda kaliya ku ekayne ay u wehlin jirtay inuu qiimeeyo qaddarinta ay waalidiinteed bulshada ku dhex leeyihiin oo culumada iyo ragga kalee reeraha magaca ku dhex lehaa gabdhahooda waa laga jeclaa kuwa kale ee aan waalidiintood bulshada laga dhex aqoonin, sidaasoo kale ayeyna gabadhu ragga u soo haasaawa tagaya ninkay rabto oogu qiimeynaysay, waloow aanan caashaqa xad dhaafka ah la xakameyn karin oo qofku hadduu qofka kale dhab u jeclaado uu hanashadiisa wax walba u huri jirey.
Waxyaalaha kaloo gabdhaha lagu qiimeyn jirey waxaa ka mid ahaa hooyo-wanaagga oo islaanta qiimaha badan ee reerka qaba kalsoonidooda hanata gabadheeda waa laga jeclaa gabdhaha kale oo waxaa la oran jiray (gabaru waa hooyadeed).
Siyaalahaas aan soo sheegay iyo kuwo kaloo badan awgood waxaa dhacaysay in gabar wanaag badan lagu ogyahay meel fog laga soo doonto. Haddaba waa baa nin wuxuu maqlay in gabar qiima badan ay meel fog ku nooshahay, taasoo uu ka mas’uul ahaa walaalkeed, in la shukaansadana uu ka mamnuucay oo uu waardiye adag ka hayey, rag badanoo ka soo doonayna uu u diiday ka dib markay ku wada dhaceen imtixaankii uu ka qaaday ee uu ku qiimeynayey garaadkooda.
Gabadha walaalkeed wuxuu ahaa nin reerkiisa ugaas u ahaa, hoggaamiye adagna ahaa oo ay u fududeyd helidda rag asaga ka amar qaata oo ciddii uu u xanaaqo uu ku dalban karayey. Ninkii guur-doonka ahaa ayaa socdaal dheer u soo galay hanashadii gabadha, una yimid walaalkeedi badraanka ahaa, salaan ka dibna u sheegay arrinki uu u socday.
Markii uu marti-sooray ayuu ninkii yimid ku yiri; ninyahoow warkayga waa midka meesha fog kugu soo gaaray, rag badanoo gabadhaas soo doontayna inay igu soo lug-go’een oo aan u wada diiday, waadna la socotaa inaan walaashay u doonayo nin ragannimadaydoo kale leh ee is-qiimee ama sheeg waxa aad walaashay ku mutaysan kartid.
Raggii kalee u imaan jiray warkiisa ayey ka xanaaqi jireen oo ayagoo careysan ayey hadalla kul-kulul ugu jawaabi jireen qaarkoodna ay oran jireen sideed noola hadlaysaa?, sida aan kuu qiimaynay noo qiimee iwm, hase yeeshee ninkii guur-doonka ahaa oo aan hadalki lagu yiri dhibsaninba baa yiri; shan arrimood oo rag haybaddiis ah baa ilaahay ii hibeeyey, maxay kala yihiin markii la yirina ku sii jawaabay:1 – Alla aqoon baan ahay, xumaanta iska dhawra, cibaadeysta oo ayna salaadi ka tageyn, walaashaa haddaan guursadana tu alle taqaannay noqon doontaa.2 – Aammin aan khiyaana aqooninna waan ahay oo walaashaa nafteeda iyo sharafteedaba si fiican ayaan u xafidi doonaa.3 – Fariid baan ahay haddii aan walaashaa guursadana fariiddo reer-abtigood wanaajiya ayaan rajeynayaa inay noo dhasho.4 – Deeqsi asagoo wax haysta aan agtiisa lagu qadayninna waan ahay, walaashaana inay deeqsiyaal noo dhali doontaan rajeynayaa.5 – Geesi ilaahay fulaynimo ka dheereeyeyna waan ahay oo haddii aan walaashaa guursado wiilal geesiyaal ah oo aad abti u noqoto ayaan rajeynayaa inuu alle na wada siiyo.
Gabadhii walaalkeed ayaa hadalladii ninka u bogay, si fududna rati ugu soo qabtay oo inta dhiil caano ah iyo dhiil biya ah kaliya u saaray, gabadhina farta ka saaray yiri: waa tan gabadhii oo waan ku siiyeye ratigaan iyo ayadaba isku kaxeyso.!
Ninkii guur-doonka ahaa ayaa damcay inuu yiraahdo siismo un baan rabaye kaa guddoomaye aan si qumman kaaga soo doonto oo odayaashaydii iyo yaradkiiba anoo sida aan kugu soo noqdo, hase yeeshee gabadhi walaalkeed waa diiday oo wuxuu yiri: fara-marnaan iiga noqon maysid oo yaradka gadaal baad iiga keenaysaaye waa inaad gabadha iga wadataa.
Markii uu ninkii guur-doonka ahaa gabadhi iyo ratigi labada dhiilood ay u saarnaayeen sidaas kaga soo ambabaxay ayuu ciidan hubaysan ka daba diray oo ku yiri: shantaas arrimood ee uu ii sheegtay mid waan ka ogaaday oo waa tan fariidnimada ahayd oo taasu run buu ku sheegay ee afartii kale ayaan doonayaa inaad ka soo xaqiijisaan ee:1 – idinkoo iska qarinaya oo u gagabbanaya daba socda, fiiriya inuu waqtiyada salaadda tukado oo haddii laba waqtiyoo is xiga ay ka tagaan waa beenaale oo markuu ila joogay kaliya ayuu is tus-tusnimo u tukunayaye gabadha iiga soo reeba, haddii uu ku dagaallamana dila, gabadhiyoo nabad ahna iiga soo celiya.2 – Haddii uu taas ku guuleysto, tan geesinnimada tijaabiya oo asagoo salaad ku jira, adinkoo dila dila leh oo hubkiinna u baacinaya cabsiiya oo haddii uu salaadda iska sii wato iyo haddii uu ka baxo laakiin dagaalkiinna u soo jeesto waa geesiye ha dilina oo wareysi beenbeen ah la gala, haddii uu cararo-se waa fulay ee gabadhana iiga soo celiya. Kooxdaas hore intaas ayuu si gaar ah faray. 3 – Kooxdii labaad oo kooxdi koobaad ka tira badan wuxuu u xil saaray tijaabadii deeqsinnimada oo wuxuu yiri: dhulkuu u socdo waa fog yahaye idinkoo iska qarinaya dushaas kala socda oo markii ay caanihi iyo biyihi ka go’aan ee ay meel ku yara nasanayaan ku soo baxa oo haddii ratiga uu wax xoola ka sito idiin qali waayo, waa bakhayl beenaale ahe marka meeshaas ay ku nasteen ay ka ambabaxaan gabadha iiga soo celiya, haddii uu ku dagaallamana dila. 4 – Labadi kooxoodna wuxuu si isku mid ah u faray; gabadhu kuma mehersanee haddii uu inuu galmoodo uu isku dayo ama aad maqashaan asagoo jamaac kala doodaya waa khaa’in oo ammaanadi ma uusan xafidine intuusan ka muraadsan gabadha iiga soo reeba, haddii uu ku dagaallamana dila.
Haddii intaasoo dhan uu ku wada guuleysto waa runloow ee isu sheega, una sheega inaan jeclahay inay igu soo noqdaan oo ay agtayda ku aqal-galaan ka dibna ayagoo reer ah ay goortay rabaan carrigiisi isula guuraan.
Ninkii tijaabooyinkii oo dhan buu ku guuleystay, waxaana asagi iyo gabadhiba lagu soo wada celiyey halkii ay iska soo wada raaceen oo uu meherkoodi iyo arooskoodiiba ka dhacay ayadoo qarashkii ku baxay, wadaadkii isku mehrinayey iyo aqalki loo dhisayba uu gabadha walaalkeed reerihiisi ka dhex diyaariyey.
Markii ay arooskii ka baxeen ayaa aqalkii loo raray, ciidan jidka sii marsiiya, gaadiidkana ka soo cesha la raaciyey.
Markii uu ninkii oo gabar iyo aqal dhan isku wata ciidan galbinayana ay la soo guri galeenayaa reerkiisi ay yaabeen oo isla intii colka la casuumayeyba boqolkii halaad iyo baarqabkoodii yaradka ahaa diyaariyey oo markii ay yara nasteen ninkii gabadha soo guursaday, dhawr ninoo soo raacday oo ehelkiisa ahaa iyo colkii oo geelii yaradka ahaa kaxaynaya ay dib u soo noqdeen oo inta xoolihi seeddigi la guddoonsiiyey, loona mahad-naqay, halkaas lagu soo macsalaameeyey.
Gabadhi iyo ninki si fiican bay u sii dhaqmeen, ubad badanna ilaahay baa kala siiyey.
Meeshay degganaayeen oo aad uga fogayd halka gabadhi walaalkeed degganaa darteed isma ayna arki jirin carruurti iyo reer abtigood, balse dusha kore ayey iskala socon jireen oo waalidiintood baa ooga warrami jiray, sidaasoo kale ayey reer abtiguna ahaayeen. Maalinkii danbe ayaa wiilki curadkooda ahaa oo barbaar noqday, wax badanna wanaaggii abtigiis iyo qisadii aabbihiis hooyadiis lagu siiyey in badan reerahooda ka dhex maqli jiray ayaa labadiisi waalid ku yiri; waxaan ka yaabayaa in anigoon abtigay arkin uu aniga iyo isaga midkeen geeriyoodo ee ilaa aan ka soo arkayo hawl danbe oo reerku leeyahay qaban maayo ee inaan abtigay soo arko ha la fasaxo, waana laga yeelay.
Sidoo kale abtigiis ayaa dadka ka wareysan jiray carruurta walaashiis ay dhashay gaar ahaan wiilkoodaas curadka ahaa oo uu jeclaa inuu u caqli celiyo oo uu ku waaniyo siduu mas’uuliyadda reerka uu u weyn yahay ooga soo bixi lahaa, waxaase jirtay in markaas ka hor loo sheegay in uu iska roon yahay balse uusan aabbihiis raacin ama la mid ahayn, wuxuuna taas u fasirtay inuu doqon yahay ama uusan caqli badneyn, balse ay ka wadeen haddii asaga iyo aabbihiis la is barbar dhigo aabbihiis baa ka sita. Sidaas darteed ayuu ka yara walwalay in walaashiis haddii ninkeedu dhinto ay dayacanto, uuna jeclaystay inuu ka wardoono oo indhihiisa ku soo arko, sidaasna reerkiisi ooga soo anbabaxay.
Wiilki iyo abtigiis oo ayagoon iska warqabin uu dareen isku mida saameeyey, waligoodna aan is arkin ayaa waddadii dheerayd ee labadooda deegaan isku xiraysey midba dhinac ka soo qaaday. Abtigu haddii wiilkaas uu meel cidla ah ooga soo hor baxo ayadoon loo sheegin ayuu garanayaa, waayo wuxuu xafidsan yahay oo uu xog-warrankii badnaa ku helay midabkiisa, dhererkiisa, ballaciisa, xubnaha uu aabbihiis uga egyahay, xubnaha uu hooyadii uga egyahay, xitaa xubnaha uu asagaan abtiga ah uga egyahay, qaabka codkiisu u shanqaro iyo xitaa habka uu u labbisto iwm, wiilkuna sidaasoo kale ayuu abtigiis haddii uu ka soo hor baxo horay ka aqoonayaa oo wuxuu ka xafidsan yahay inta aan soo sheegay oo kale. Waxay ayagoon is ogeyn waddadi labada dhinac ka soo hayaanba meel dhexe ayey isaga hor-yimaadeen.
Markii ay labadii farasee ay kala iryanayeen isku ag-joojiyeen ayaa wiilki oo aad u farxay asagoo qoslaya oo abti leh faraski ka soo booday oo xaggii odaga u soo dhaqaaqay si uu isugu duubo.
Abtigii ayaa intuu waran ku soo taagay yiri; war ha abti-abti’leynine dib iiga joogso oo markuu wiilki istaagay ku yiri; waa kuma abtiga aad sheegayso?.
Yarki baa yiri abtigay hebel baad tahay, aniguna wiilkaagi hebel hebel ahaa baan ahay oo kun nin haddaad ku dhex jiri lahayd abtiyoow waan kaa dhex aqoon lahaa.
Abtigii oo la yaabay waxa wiilka looga sheegay iyo waxa uu kala kulmay ayaa imtixaankiisi iska sii watay oo ku yiri;1 – Xoolo maxaad ka leedahay?.2 – Xila maxaad ka leedahay?.3 – Xarrago maxaad ka leedahay?.
Wiilki ayaa asagoon maagmaagasho galin oo su’aalahaas ka wada jawaabayey yiri:1 – Xoolo intaaso neef oo geel ah, intaasoo lo’ ah iyo intaaso ari ah ayaan ka leeyahay.2 – Xilo xaas mar dhaweyd aan guursaday ayaan ka leeyahay.3 – Xarragana xamarkaan aan ku taagnahay ayaan ka leeyahay.
Abtigi oo jawaabihi wiilka aad oogu farxay baa inta qoslay yiri: war maandoow maxay beenta iigu sheegeen oo ay ii yiraahdeen wiilku aabbihiis ma raacin.
Wiilki oo dhankiisa ka farxay oo qoslayaa ku jawaabay: (abtiyoow barasho horteed ha i nicin), markaas ka dib ayey isku soo boodeen oo is dhun-dhunkadeen, oo dhankii wiilku ka yimid isu soo wada raaceen oo markay ayaama joogeen oo abtigii dadki si fiican loo kala baray ay wiilkii iyo hooyadiis abtigii soo raaceen oo wiilkina reer abtigiis si fiican u soo bartay, hooyadiisna ay walaaheed iyo reerahoodi oo ay muddo dheer kala maqnaayeen halkaas waqti kooban kula soo qaadatay oo dib loogu soo anbabixiyey oo ay gurigoodi ugu soo laabteen.Nin waayeel ahaa ayaa waa hore qisadaas iiga sheekeeyey iguna yiri waa midda ay ka dhalatay halhayska caanka ah ee ah (Barasho Horteed Ha I Nicin).
(Dhammaad).
W/Q: Maxamed Sheekh Cali.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks:
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk