Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ra’isul Wasaraaha Soomaaliya ee soo socda iyo Khudbadda uu ka hor akhrin doono Baaralamaanka oo la helay!!

$
0
0

Shacaka Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu dheg taagayaan Ra’isul Wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Qofka uu yahay, Qabiil kiisa, Aqoontiisa iyo garabkiisa siyaasadeed!!
Waxaa la iisooo diray liisas kala duwan oo Muqdishu lala dhex wareegaayo, waxaa kaloo jira magacyo qaar oo ku jira hal liis wax ka badan!!
Laakin Shacabka wali kuma baraarugsana: Muxuu qaban doonaa Ra’isul Wasaaraha Soo socda?! Maxay se qabteen labadii Ra’isul Wasaare ee isaga ka horeeysay?!!
Waxaan akhriyay oo dib u qoray Khudbadihii uu Madaxweyne Xasan ka jeediyay labadii mar ee uu Baarlamaanka hor keenay Ra’isul Wasaare si Baarlamaanka uu uga gado in ay ansixiyaan.
Waxaa kaloo aan akhriyay oo aan dib u qoray khudbadihii ay jeediyeen labadii Ra’isul Wasaare ee Saacid iyo Cabdiwali si Baarlamaanka kalsooni uga helaan, arinta la yaabka leh Labada Ra’isul Wasaare waxay u hadleen si isku mid ah iyo qaab isku mid ah!!
Akhristayaasha bogan iyo maqaalakan todobaadlaha ah waxaa ay mudan yihiin in ay la socdaan xaaladda dhabta ah iyo gunaanadka sheekada.
Hadaba halkan ka akhriso Khudbadda Ra’isul Wasaaraha Soo socda uu ka hor akhrin doono marka uu Madaxweyne Xasan hor keeno Baaralaamka, waxaa kaloo ku jira Barnaamijka siyaasadeed ee Ra’isul Wasaaraha taas oo dowlada Soomaaliya lagu maamuli doono labada sano ee soo socota!!Waxaa uu Ra’isul Wasaaraha cusub ka hadli doonaa Amniga, Arimaha gudaha iyo Federalism-ka, Garsoorka, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga!Amniga: Amaanka waxaa uu ka hadli doonaa: Soomaaliya oo nabad ah, ciidamada xooga in la dhiso kadibna Tababar iyo qalab la siiyo, in la tirtiro waxaa loogu yeero argagixisada, Sameynta Xeryo cusub, joogteynta Mushaaraadka ciidanka, yareynta fal dambiyeeyada, dhisida Booliiska iyo saldhigyada, gurmadyada, Nabad sugidda iyo kordhinta dhar cadka. Barnaamijyka Xasilinta iyo Xaqiijinta nabadda!!Fedelasim-ka: Waxaa uu ka hadli doonaa wanaajinta Xiriirka Dowladda iyo Dowlad goboleedyada, dib u heshiisiinta, Xuduudaha gobolada, hagaajinta sharciga maamul gobleedyada, sii wadidda wada hadalka dowladda Federaalka ah iyo Somaliland, diyaarinta doorasho madax banana 2016-ka, abuuris axsaab badan, gudiyo doorashooyin oo madax banana iyo arimo kale!!Garsoorka: Waxaa uu ka hadli doonaa Garsoor madax banaan, in muwaadinka helo nabad iyo amaan, sharciyadii horay u jiray oo la waafijinayo kuwa hadda, Dhisidda Maxakamadaha heerarka kala duwan,
Waxaa uu kaloo ka hadli doonaa Xuquuq aadanaha, in dadka helaan xuquuq loo siman yahay, xaqirid la’aan, xuqul-aadanaha Somaliya iyo QM, gudi Xuquuq aadano, dhowrista nolosha Maxbuuska, asluubta Ciidan iyo dayactirka, xananeyta aqwoonta iyo dabi jiifka!!
Diinta:
Waxaa uu soo qaadan doonaa ku dhaqanka Diinta, Aqoonta diinta iyo daryeelka xarumaha Masaajiyada iyo Culumada Soomaaliyeed!!Dhaqaalaha: Waxaa si qoto dheer uga hadli doonaa dhaqaalaha sida isgaarsiinta, Diyaaradaha, Tamarta, Beeraha, Dalxiiska, Macdanta iyo Shidaalka, Sharciga maalgalinta dibadda, Maareynta kheyraadka, abuuris shaqooyin, dib u jadinta qaxooti, kaalmeyn iyo siin deymo, Maalyadda iyo Cashuuraha, xisaabtan, xeerka caalamiga ee xisaabtanka, diyaarinta miisaaniyadda, qasnadda dhexe iyo lagacaha dowladda, gudiga fulinta ee Bankiga dhexe, Naqdida qaranka, ka faa’idaysiga hanitida qaranka, maamulka qansadaraasyada, shaqada iyo shaqaalaha, haydaha dowladda iyo arimo kale!!
Waxaa uu Ra’isul Wasaaraha soo hadal qaadi doonaa adeegyada bulshada sida Caafimaadka iyo WaxbarashadaCaafimaad: waxaa uu ka hadli doonaa in la helo Siyaasadda Caafimaadka oo Qaran, Sharciga Caafimaadka dadka, iyo ilaalinta dawooyinka, Aqoonta maamulka iyo shaqaalaha iyo arimo kale!!Waxbarashada: waxaa uu soo qaadan doonaa Tayeynya Manhajka iyo Macalinka, Siyaasadda waxbarashada dadka,Gudi imtixaanaad iyo xafiis imtixaanaad, dhismaha dugsiyada dalka, waxaa uu ka hadli doonaa Siyaasadda dowladda ee “Dugsiyada aada” inta arday ee lacag la’aan wax ku barato iyo arimo kale!!
Arimaha Dibadda:
ugu dambeyntii waxaa uu ka hadli doonaa Xiriirka arimaha dibadda, wanaajinta xiriirkaas, Diblomaasiyiinta Soomaalida oo la tababaro, xoojinta xiirka caalamka, dhowrista heshiiyada caalamka iyo ixtiraamka dowladaha dariska, waxaa uu u mahadcelin doonaa hay’adaha iyo dowladaha taageero Soomaaliya, isagoo ugu baaqi doona inay dhameystiraan taageeradooda!!
Ugu Dambeyntii, waxay Baarlamaanka ku ansixin doonaan cod aqlabiyad ah, Lakin ma oga Xildhibaanada in Khudbaddan oo kale uu horay u soo akhriyay Ra’isul Wasaare Shirdoon Saacid, waa ansixiyeen oo aan waxba laga qaba, Waxaa sidoo kale soo akhriyay Ra’isul Wasaare CabdiWali Sheekh, waa ansixiyeen oo waxba lagama qaban, mar sadaxaad ayaa loo akhrin doonaa, waxaan hubaa in aan wax laga qaban doonin!!
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

CEERIGAABO: DAGAAL BEELEED SAAKA KA QARXAY DEEGAANKA DHAABEEDA OO KU TAALA KOONFURTA SANAAG

$
0
0

Tiro dhowr ah ayaa ku dhaawacmay kuwo kalena khasaare kala duwan ayaa ka soo gaadhey dagaal saaka waaberigii ka qarxay deegaaka Dhaabeeda oo ku yaala koonfurta magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu ka bilaabmay khilaaf xaga daaqa ah ee deegaankaas,
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in muranka dhulkani uu soo jiitamayey mudo dheer hase yeeshee waxaa jirey isku day la doonayo in lagu qaboojiyo xaalada,
Isku dhaca oo u dhexeeya beelaha wada dega deegaankaas ayaa waxaa ilaa hada la sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo oo qudha.
waxaa jira iminka dedaal maamulka gobolku uu doonayo in uu ciidan ugu diro deegaankaas, sidoo kale cuqaasha iyo waayeelka ayaa iyaguna ka qayb qaadanaya dedaalkaas.
dhowaan ayay ahayd markii khilaafyo dhiig ku daatay lagu soo xaliyey deegaanka ceeryaan oo isna ka tirsan isla koonfurta gobolka,
waxaa intaa dheer in uu khasaaruhu isa soo tarayo.
inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in dhimasho soo kala gaadhey labada geesood hadana majiraan warar sax ah oo lagu kalsoonyahay oo xaqiijinaya tirada dhimashada.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

KOOXO DHALINYARO KA SOO JEEDA MAGAALADA YUBE EE GOBOLKA SANAAG OO BOOQDAY ISLA MAGAALADAAS

$
0
0

Magaalada Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa mudooyinkan danbe dhanka Waxbarashada guulo fiican ka samaynaysa, Magaalada Yubbe oo ah Magaalooyinka ku Yaala Cidhifka shishe ee Gobolka Sanaag, ayaa dhawaan waxa Booqasho ku Tegay Kooxo dhalinyaro ah oo isla Deegaanka ka soo Jeeda kuwaasi oo u Kuur Galay Heerka Aqooneed ee Magaalada Yubbe.
Magaalada Yubbe ayaa laysoran karaa waxay sanadahan danbe Meel Fiican ka Gaadhay Marxaladaha kala duwan ee Waxbarashada iyada oo dhawor Iskuul halkaasi laga Hir Galiyay sidoo kale Yubbe ayaa dhanka Caafimaadka Ka Gaadhay Guul iyada oo ay halkaasi ka furanyihiin Gooba Caafimaad.
Sidoo kale Magaalada Yubbe ayaa dhawaan waxa Laga Hir Galiyay Dugsi Sare kaasi oo ay dhismihiisa Gacan wayn ka Gasyteen Qurba Joogta Deegaanka waxana ay noo sheegeen dadka Hawshaasi la socday inay Jaliyada Emart-ku ay yihiin kuwa sida xooga ah uga qayb qaatay sidii Magaalada Yubbe ay dhanka Tacliinta uga Gaadhi lahayd Meel Fiican.
Maxamuud Maxamed Xasan oo ka mid ah Jaliyada Reer Yubbe ee Dubai ayaa la sheegay inay ka mid yahay raga ugu tunka wayn ee Kaalinta xoogan ka qaatay sidii Magaalada Yubbe looga Kabi lahaa dhanka Aqoonta.
Horay ayaa Magaalada Yubbe waxa uga jiray Iskuul lagu Barto Computer-ka kaasi oo ay ka Aflaxeen Arday aad u fara badan oo isugu jira Wilal iyo Gabdho, sidoo kale Mashruucaasi ayaa waxa Hir galiyay Nin Ka mid ah Jaliyada Yubbe ee Dalka Isu taga Emart-ka Carbta kaasi oo lagu Magcaabo C/qaadir Maxamed Xasan.
Sidoo kale Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay aad ugu baahanyihiin in wax lagala qabto sidii loo Dayac Tirilahaa Ceelasha Magaalada Laga Cabo oo dhanka Biya ha ka ah Ga Baabsi.
Magaalada Yubbe ayaa Modaa inay si Xawli ah ku soconayso marka Loo eego dhanka Hormarka Adeegyada Caafimaad iyo kuwa Waxbarashada,dhamaan Adeegyadaasi aan Kor ku sheegay Magaalada Yubbe kama aysan Helin dhanka Dawlada Somaliland iyo puntland  walibada Hay”addaha Balse waxa fuliyya Jaliyada Dibada oo iyagu Gar waaq saday inay Meel Fiican Gaadhsiiyeen Magaalada Yubbe
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xaal Mastuur Ma Leh, Xadgudubyada Dumarka

$
0
0

Kn: Sharciga ku saabsan ka hortaga xadgudubyada dumarka oo isna ka mid ah shuruucda baarlamaanka horyaala ayaa waxaa ku jira qodobo xasaasi ah oo mabnuuc ka dhigaya in kufsiga ama faroxumeynta dumarka lagu dhameeyo xaal mastuur, wuxuuna sharciga qasab ka dhigayaa in maxkamad la horkeeno qof kasta.
Laakiin waxaa wali sharcigani ka dhiman oo aanan lasoo hadal qaadin xadgudubyada ay dumarka u geystaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Dhibaatooyinka dumarka loo geysto ayaa aad ugu kordhey dalka, haddii ay ahaan lahayd kufsi ama dhibaatooyin kale oo uu xitaa dilka ku jiro.
Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii 7 dumar ah lagu diley degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool, 2 ka mid ah waxaa diley Alshabaab, 5 kalana waxaa aarsi ahaan u diley ciidamada dowladda maadaamaa dumarka ay ahaayeen kuwa u dhaxay rag Alshabaab ka tirsan.KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

12.12.2014.Warka Habeenimo

$
0
0

12.12.2014. Warka Galabnimo Ee Radio Hargeysa

$
0
0

Hindise sharciyeedka ammanka Kenya

$
0
0

Jaariyad jir dil geysatay oo la maxkamadeeyay

$
0
0

Heshiis laga gaari la'yahay isbadalka cimilada

$
0
0

Dhaqaalaha argagixisada

$
0
0

Chelsea,Manchester City iyo West Bromwich oo Badiyay “Sawirro”

$
0
0

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge 2-0 uga badisay kooxda Hull City.
Kooxda Chelsea ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii todobaad ee ciyaarta gool madax ah u dhaliyay ciyaaryahan Eden Hazard,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaaryahan Tom Huddlestone ayaa daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Hull City.
Ciyaaryahan Diego Costa ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Chelsea.
Ciyaaryahan Costa ayaa dhaliyay goolkiisii 12-aad ee horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga.
Kooxda Chelsea ayaa horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga ku hogaamineyso 39-dhibcood,halka kooxda Hull City ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.
Kooxda Leicester City ayaa waxaa garoonkeeda King Power Stadium 0-1 uga badiyay kooxda Manchester City.
Kooxda Manchester City ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Frank Lampard,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaaryahan Lampard ayaa dhaliyay goolkiisii 175-aad ee horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga.
Labaad kooxood ayaana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.
Kooxda Manchester City ayaa kaalinta labaad uga jirta horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 36-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.
Kooxda Sunderland ayaa garoonkeeda Stadium of Light barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda West Ham United.
Kooxda Sunderland ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay ciyaaryahan Jordi Gomez.
Ciyaaryahan Stewart Downing ayaa daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda West Ham United,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Labada kooxood ayaana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.
Kooxda West Ham United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 28-dhibcood,halka kooxda Sunderland ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 16-dhibcood.
Kooxda Burnley ayaa garoonkeeda Turf Moor 1-0 uga badisay kooxda Southampton.
Ciyaaryahan Ashley Barnes ayaa daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Burnley.
Kooxda Southampton ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda Burnley ay ku jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 15-dhibcood.
Kooxda Crystal Palace ayaa garoonkeeda Selhurst Park barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Stoke City.
Kooxda Crystal Palace ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan James McArthur.
Ciyaaryahan Peter Crouch ayaa daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Stoke City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Labada kooxood ayaana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.
Kooxda Crystal Palace ayaa horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 16-aad,waxana ay leedahay 15-dhibcood,halka kooxda Stoke City ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.
Kooxda West Bromwich Albion ayaa garoonkeeda Hawthorns 1-0 uga badisay kooxda Aston Villa.
Ciyaaryahan Kieran Richardson ayaa daqiiqadii 22-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Aston Villa.
Ciyaaryahan Craig Gardner ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda West Bromwich Albion.
Kooxda West Bromwich Albion ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 14-aad,waxana ay leedahay 17-dhibcood,halka kooxda Aston Villa ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo Faah faahin ka bixiyay Cida uu u dhexeeyo Dagaalka Dhuusa mareeb ka dhacay

$
0
0

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud Ee Dowladda Federaalka ah Ee Somalia Mudane Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo Maanta Shir Jaraa,id ku qabtay Magaalada Dhuusa Mareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud  oo Maanta Dagaalo ay ka dhaceen ayaa waxaa uu Faah Faahin ka Bixiyay  Dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb kaas oo Warar soo baxay ay sheegeen in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna uu u dhaxeeyay.
Gudoomiye Cirfo ayaa waxaa uu sheegay in Dagaalka ka dhacay Maanta Degmada Dhuusa Mareeb Ee Xarunta Gobolkaas iyo mid shalay Galinkii Dambe ka dhacay Degmada Guriceel  in uusan u dhaxeyn Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa Ururka Ahlu Sunna lkn Cida Dagaalku dhex maray ay tahay Ciidanka Dowladda iyo Kooxo Qaswadayaal ah oo sheeganaya Magaca Ahlu Sunna lkn aan ahayn.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Magaaladda Dhuusa mareeb xaaladeedu ay tahay mid dagan isla markaaana ay si Buuxda u maamulayaan Ciidamada Dowladda Federaalka ah Ee Somalia Kooxihii Weerarka ku soo qaaday Ciidamadana ay Magaalada ka saareen Isagoo ugu baaqay in ay qaska joojiyaan oo ay nabada qaataan.
Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii Maanta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Dowladda uu hal askari kaga Geeriyooday Dagaalkaas isla markaana dhinaca kalena ay jiraan Khasaaro Bulshada Gobolka ayuuna ugu baaqay in ay is Dajiyaan Amaankana ay Ciidanku Sugi Doonaan.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Bayern Munich, iyo FC Cologne oo Badiyay iyo Hertha Berlin oo Ka Badisay Borussia Dortmund

$
0
0

Kooxda Augsburg ayaa waxaa garoonkeeda SGL Arena 0-4 uga badiyay kooxda Bayern Munich.
Kooxda Bayern Munich ayaa afarta gool dhalisay qeybtii danbe ee ciyaarta,waxaana labo kamid ah u dhaliyay ciyaaryahan Arjen Robben,halka labada gool ee kale ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Mehdi Benatia iyo Robert Lewandowski.
Kooxda Bayern Munich ayaa horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ku hogaamineyso39-dhibcood,halka kooxda Augsburg ay horyaalka uga jirto kaalinta sedaxaad,iyadoo leh 24-dhibcood.
Kooxda Schalke 04 ayaa waxaa garoonkeeda Veltins-Arena 1-2 uga badiyay kooxda FC Cologne.
Kooxda FC Cologne ayaa waxaa qeybtii danbe ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Anthony Ujah iyo Matthias Lehmann oo dhaliyay gool rigoore ah.
Ciyaaryahan Leroy Sane ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka kaliya u dhaliyay kooxda Schalke 04.
Kooxda Schalke 04 ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 23-dhibcood,halka FC Cologne ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh 18-dhibcood.
Kooxda Hertha Berlin ayaa garoonkeeda Olympiastadion 1-0 uga badisay kooxda Borussia Dortmund oo ay xaaladu ku xuntahay.
Ciyaaryahan Julian Schieber ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Hertha Berlin.
Kooxda Hertha Berlin ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta 12-aad,waxana ay leedahay 17-dhibcood,halka kooxda Borussia Dortmund ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dowladda oo lagu amaanay meel marinta qorshe howleedka Qaran ee la dagaallanka xadgudubka “War-saxaafadeed”

$
0
0

13 December 2014. Khabiirka Madaxabanaan ee xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya, Mudane Bahame Nyanduga, ayaa maanta soo gebogabeeyay safarkiisi shaqo ee ugu horreeyay oo uu ku tegay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mr Nyanduga, oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Mudoobay uu magacaabay, ayaa loo xilsaaray inuu ku taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) horumarinta tayada iyo kaalmo farsamo oo ah dhinaca xuquuqda aadanaha.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Khabiirka Madaxabanaan wuxuu Dowladda Federaalka ku amaanay meelmarinta Qorshe Howleedka Qaran ee la-dagaallanka xadgudubka dumarka. Wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda horumarka tartiib-tartiibka ah ee xaaladda siyaasadda iyo amniga, hanaanka socda ee lagu dhisayo maamul-goboleedyada federalka iyo tallaabooyinka nabadaynta iyo xasilinta goobaha dhowaan  la xoreeyay, kuwaas oo dhamaantood ah tallaabooyin muhiim u ah gaarista hiigsiga 2016.
Mr Nyanduga wuxuu walaac ka muujiyay caqabadaha xagga tayada iyo dhaqaalaha ee hakinaya horumarka xoojinta hay’adaha garsoorka, caqabadahaas oo kaalin ka qaatay inay ballaarato kaalinta maxkamadaha milatariga oo maxkamadeeynaya dad rayid ah. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Dowladda inay ka soo baxdo ballanqaadki ay gashay oo ahaa inay hakiso adeegsiga ciqaabta dilka ah, kana mid ah hanaanka Dib-u-eegista Xilliyeysan ee Caalamiga ah. Iyadoo taa la eegayo, ayuu ku boorriyay Dowladda Federaalka inay ku dhaqaaqdo wadatashiyo degdeg ah oo lala sameeyo dadka arrintu khuseyso, kuwaas oo looga dan-leeyahay diyaarinta iyo soo gudbinta warbixinteeda bisha Oktoobar 2015 si loogu diyaar garoobo Dib-u-eegista Xilliyeysan ee Caalamiga ah sanadka 2016.
Khabiirka Madaxabanaan wuxuu yiri “Dowladda Federaalka, iyadoo kaashaneysa beesha caalamka, waxay u baahantahay in loo qoondeeyo dhaqaale ku filan oo lagu xoojiyo hay’adaha u xilsaaran sarreynta sharciga iyo in la xaqiijiyo in maamul goboleedyada ku-meelgaarka ah ay ka faa’iideystaan Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladdu waa inay ansixisaa sharciyada muhiimka ah ee xuquuqul insaanka caalamiga oo ay ka mid yihiin Heshiiska Xuquuqda carruurta iyo xeerkiisa ikhtiyaariga ah ee ku saabsan carruurta qeybta ka ah dagaallada hubeysan iyo Heshiiska Ciribtirka Dhamaan Noocyada Takooridda Ka-dhanka ah Haweenka (CEDAW).”
“Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa maamullada inay xaqiijiyaan in warbaahinta loo ogolaado xaqa ay u leeyhiin xorriyadda hadalka iyo sidoo kale in la xaqiijiyo amniga warfidiyeenada. Isla markaana, waxaa waajib ku ah Warbaahinta inay u tebiyaan wararka si xirfad oo mas’uuliyad ku dheehantahay,” ayuu raaciyay.
Khabiirka Madaxabanaan wuxuu ku boorriyay Dowladda Federaalka inay xaqiijiso in mabaadi’da iyo halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka lagu daro marka la gudbinayo sharciyada kala duwan, oo ay ka mid yihiin hindise sharciyeedka warbaahinta iyo midka ka-hortagga argagixisada. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo gudbiyo hindise sharciyeedka lagu sameeynayo hay’adda Qaran ee xuquuqda aadanaha.
Mr Nyanduga wuxuu booqday magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Garowe iyo Hargeysa sideedii maalmood ee safarkiisa shaqo uu ku guda jiray, wuxuuna wadahadallo la yeeshay Siihayaha Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee DFS, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo madax kale oo sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hogaamiye ku-xigeenka Labaad ee Maamulka Kumeelgaarka Jubba, Wasiirada Maamulka Kumeelgaarka Jubba, Madaxweynaha Maamulka Puntland, Wasiirro iyo madax sare oo ka tirsan Maamullada Puntland iyo Somaliland.
Khabiirka Madaxabanaan wuxuu sidoo kale shirar la qaatay Nicholas Kay, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), madax ka socotay hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya iyo weliba hay’adaha aan dowliga ahayn ee caalamiga ah ee kuwa dalka ka dhisan iyo Warbaahinta.
Mudane Nyanduga wuxuu ku talajiraa inuu booqasho labaad ku yimaado Soomaaliya ka hor inta uusan warbixintiisa iyo talooyinkiisa u gudbin Golaha Qaramada Mudoobay ee Xuquuqda Aadanaha bisha September 2015, taas oo looga danleeyahay in lagu kaalmeeyo Dowladda sidi ay u gudan lahayd waajibaadka ka saaran xuquuqda aadanaha.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga ilaalinta xuquuqda carruurta

$
0
0

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhanka kale mudaneyaal ka tirsan barlamaanka ay Mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka u gudbiyeen guddoonka.
Kalfadhiga shanaad kulankiisa 16-aad ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kulanka horyaalay labo ajande oo kala ah Akhrinta iyo ansixinta heshiiska carruurta oo uu aqbalay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 20-kii November sanadkii 1989-kii iyo Akhrinta labaad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.
Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo sharcigan u gudbisay baarlamaanka, isla markaana kulanka ka hor akhrisay marxaladihii uu soo maray ayaa ka codsatay in ay ansixiyaan.
Dood dheer kaddib mudaneyaasha baarlamaanku waxa ay meel mariyeen shaciga ilaalinta Xuquuqda Carruurta, waxaana 140 mudane ay haa ogolaatay, halka mudane ka tirsan baarlamaanka uu ka aamusay, mana jirn cid diiday, sidaasina uu ku meel maray.
Intaas kaddib waxa ay mudanayashu gudaha galeen in ay talooyin ka dhiibtaan Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ah, iyadoo ay jiraan Xildhibaanno soo jeediyay in la joojiyo hirgelinta Nidaamka Federaalka oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid wax u dhimaya aayaha Soomaaliya.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii kulanka ka sheegay mooshin ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka soo gudbiyeen oo su’aalo lagu weydiinayo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti dhowraha.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Mudaharaad Rabshada Wada Oo Boorama Ka Dhacay

$
0
0

Boorama(Awdalpress) 13.Dec.2014- Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo suldaan Abiibakar Cilmi Wabar Isla Markaasina lagaga  Horjeedo cadaalada darada ka jirta Maamulka Somaliland taasi oo ay banaanbaxayaashu ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageersan yihiin in Reer Awdal Gooni isaga taagaan Somaliland inteeda kale .
Banaanbaxani  ayaa saaka ku bilowday si nabadoon taasi oo ay ka qayb qaadanayeen dhalinyaro aad u faro badani taasina ay keentay in ciidamada booliska magaalada Boorama ayna soo dhex galin isla markasina ay ka fogaadaan dhalinyaradani hadlaysay oo ay ka muuqatay wajiyadooda cadho ,mudaharaadayaasha ayaa socod ku maray wadooyinka waaweyn ee magaalada Boorama gaar ahaan kuwa halbowlaha u ah magaalada Boorama waxaanay amshaxa ka dhigeen xafiiskii cashuuraha bari ee magaalada Boorama .
ciidamada booliska ayaa bilaabay in ay kala caydhiyaan dhalinyarada banaabaxaysay taasina ay sobabtay in ay dhalinyarada mudaharaadaysay ya marba marka ka dambeysa sii bataan oo ay qabsadaan dhamaanba wadooyinka magaalada dhexdiisa bara , booliskiina ay awood u waayaan in ay kala eryadaan .
ka dib ciidamada militariga Somaliland oo wata 5 baabuur oo ah kuwa la saaro guriga siikaawaha ay ayaa mar kaliya soo dhex galay kuwaasi oo adeegsaday rasaas nool nool wall0w aanay cid ku dhici taasina ay sobabtay rasaastu dhawaqa beesho .
isku soo wada duuboo waxaa ilaa imika ku sugan magaalada Boorama wefti wasiiro ah kuwaasi oo xal u raadinaya arinta ka qaraxday gobolada galbeedka Somaliland.
ugu dambeyntii ma jiraa masuuliyiin Gobol iyo mid degmo oo ka hadlay mudaharaadka ka dhacay magaalada Boorama.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiir Goodax oo ku baaqay in la joojiyo dagaallo ka dhacay Galgaduud

$
0
0

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku baaqay in si sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaallo saakay ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday marka uu maqlay dagaallo xalay iyo saakay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana uu odoyaasha dhaqanka ka codsaday inay gacan ka geystaan dajinta xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolkaasi.
Dagaalka ayaa saakay waxa uu ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan, kaasi oo geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay deegaanka Qandho

$
0
0

Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ayaa  Deegaanka Qandho oo hoostaga degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ku dilay macalin dugsi Qur’aan oo ka mid ahaa dadka deegaanka.`
Wariyaha Gobolka Hiiraan ee Warbaahinta Qaranka  Cabdishakuur Cusmaan Cali ayaa soo shegay in macalinka ay gowreceen Maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu Magacaabi jiray Macallin Maxamed Macallin Xuseen Cismaan, iyadoo meydka macalinka la soo dhigay tuulada Qandho oo qiyaastii 65 km u jirta degmada buulo-burde ee Gobolka Hiiraan
Wararka ayaa intaa ku daraya in aan la ogayn sababta ka dambeysa dilka macalinka, waxaana arrintaan walaac ka muujiyay dadka deegaanka oo ku tilmaamay falkan mid naxdin leh.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo hub ay wateen oo la soo bandhigay

$
0
0

Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay hub iyo rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaddib howlgal ay ka sameeyeen inta u dhexaysa gobollada Benaadir iyo Shabeelaha Hoose.
Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgalladan waxa ay ka sameeyeen deegaannada Ceel Jaale iyo Saqiire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose,  iyagoo gacanta ku dhigay sagaal maleeshiyaad iyo labo gaari oo nuuca raaxada ah, kuwaas oo dadka ay ku dhibaateyn jireen kooxda argagixisada Shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cusmaan oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada Nabad Sugidda ay u suurto geshay in gacanta ay ku soo dhigaan maleeshiyaadkan oo dhibaato u geysan jiray Shacabka.
“Waxaa sii socon doona howlgallada ay sameynayaan ciidamada Nabad sugidda oo kaa shanaaya wargelin uga timaada shacabka ku nool deegaanada ay ku harsanyihiin Al-shabaab” ayuu yiri Afhayeenka.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maxaa Ka Soo Baxay Kulamadii Ay Xildhibaanada Muqdisho Iyo Gollaha Guurtida K/galbeed Ku Yeesheen Baydhaba

$
0
0

Xildhibaanadii Dowlada Muqdisho ee heshiiska awood qeybsiga horey ula galay Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalin ka hor soo gaaray Magaalada Baydhaba, ayagoo sii wata kulumo gooni gooni ah oo ay la qaadanayaan Odayaasha ka haray Gollihii Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed.
Wada hadal dheer kadib waxaa la isku raacay in la dhameystiro heshiiskii Xamar kusoo kala dhexmarey Xildhabaanadii taageersanaa Dowlad Goboleedka K/galbeed iyo Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol Shariif Xasan.
Waxyaabaha La isla Gartay Maanta Waxaa Ka Mid Ah:-
1. In awood qeybsigii la bilaabo hadey ahaan laheyd Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiirada iyo Xildhibaanada.
2. In si deg deg ah lagu bixiyo lacag deyn aheyd oo horey loogu yeeshey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu Madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.
3. In si deg deg ah lagu celiyo deegan wadaagtii ka kala timid Lixda Gobol maadaama ay shaqeyn weyday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Intaa ka dib qorshahu waxa uu noqon doonaa in la sameeyo Xaflad balaaran oo si weyn loo soo agaasimayo ayna ka dhacdo Magaalada Baydhaba, taa oo ay kasoo qeybgali doonaan dhamaan Odayaashii Lixda Gobol, Xildhibaanada Heshiiska wax kawaday, Madaxweyne Madoobe Nuunow iyo Madaxweyne Shariif Xasan si loo soo afjaro wixii khilaafad ahaa ee u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Iskusoo wada duuboo waxaa muuqata inay soo afjarmayaan Khilaafaadkii iyo Fikir kala duwanaashihii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasoo lagu soo afjarayo in lagu midoobo Maamul ka kooban Seddax Gobol oo u wada dhaxeeya Soomaaliweyn.!!!
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com