Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Heshiis laga gaaray cimilada

$
0
0

Japan oo doorasho qabatay

$
0
0

Xildhibaano lagu xiray Borame

$
0
0

14.12.2014 Barnaamijka Subax Wanaagsan Ee Radio Hargeysa.

$
0
0

Baarlamaanka Soomaaliya oo su'aalay xeer ilaaliyaha

$
0
0

Boliiska Turkiga oo xiray shaqaale TV

$
0
0

14.12.2014. Warka Subaxnimo Ee RadioHargeysa.

$
0
0

14.12.2014.Barnaamijka Caafimaadka.

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhiirigelinta Dhalinyarada Lagu Guddoon-siiyay Koob

$
0
0

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la guddoonsiiyay koob loogu maamuusay kaalinta uu ka qaato dhiirigelinta dhalinyarada dalka.
Madaxweynaha oo koobkaas lagu guddoonsiiyay xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ayaa waxa ku maamuusay muwaadin Xasan Waraabe-cadde oo ka mid dadka reer Somaliland ee u ololeeya horumarinta ciyaaraha dalka, muddo dheerna kasoo shaqaynayay arrimaha dhalinyarada.
Muwaadin Xasan Waraabe-cadde oo ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee garoomada kubadda cagta ee Somaliland dhiga rooga casriga ah ee dooga ah oo halkaas ka hadlay ayaa sharaxay sababta uu madaxweynaha ugu maamuusay koobka, waxaanu yidhi, “Mudane Madaxweyne aad iyo aad baanu kuugu mahad-celinaynaa waqtigaaga qaaliga ah iyo fursadda aad nasiisay, muddooyinkan dambe waxaanu ka qabanaynay garoomada kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa bulshada ka dhexeeyaba in mustaqbalka dhaw dhamaan garoomadaas oo ugu horeeyo Hargeisa Stadium rooga casriga ee dooga, iyadoo la dhigay garoomo ku yaalla magaalada Berbera. Maalintaan ku fikirayay in roog dhulka la keeno, waxaad nagu dhiirigeliseen adiga iyo xukuumaddaadu in dadka looga dhigo cashuur-dhaaf, waananu kuugu mahad-naqaynaa, waxa waajib ah intaad nooshahay inaanu annaguna qirno wixii loo qabtay dhalinyarada.”
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga mahad-celiyay muwaadin Xasan Waraabe-cadde koobka uu ku maamuusay, waxaanu sheegay in xukuumaddiisu ay sii wadeyso dhiirigelinta da’yarta dalka. “Sharaf weyn iyo qiimo weyn ayay noo tahay runtii doorka weyn ee ka qaadato Xasanaw ciyaaraha, garoomada iyo dhiirgelinta dhalinyarada, intaas annaguna ballan baanu kaa qaadaynaa inaanu gacan weyn kugu siino, wixii waajibkayaga ahna aanu ka qabano Insha Allah.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Gebogabadii waxa halkaas madaxweynaha lagu guddoon siiyay koobkaas uu ku maamuusay muwaadin Xasan Waraabe-cadde.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

(Dhagayso+Sawiro)Labo Beelod Oo Gaalkacyo Heshiis Ku Wada Gaaray

$
0
0

 Kulan balaaran oo ay Ka Soo Qayb Galeen Culimaaa,udiin,Odayaasha dhaqanka,siyaasinyin Dhalinyaro iyo Waxgaradka Ka Tirsan Qurba Joogta Galmudug ayaa Maanta Ka Dhacay Hotelka Fivestar Ee magaalada Gaalkacyo .Qabsoomida shirkaan ayaa waxaa fududeeyay Hay,adaha NORSOM Iyo GSA Waxaana looga gol lahaa Dhamaynta Madmadow yar oo dhexyaalay Labada Beelood Ee Reer Jalaf Iyo Reer Hilowle Oo Ka SooWada Jeeda beelweynta Sacad,Iaydoo uu Maanta furmay Wajigii Kowaad ee Shirkaa Isla markaana waxay Dhamaan Dhinacyadii Beeluhu ku Heshiiyeen in laga Gudbo Wixii Dhacay La isna Cafiyo,Waxaana madashii manta ka Dhacday Is maraxabayn iyo Is cafis Dhexmaray Qaybihii kala matalayay Labada Beelood.Shirkaan Oo Lagu wado in Maalinta Birito Ah Laga Soo saaro Qodobo La xariira Hirgalinta Heshiiska ayaa waxaa aad u soo Dhaweeyay Dhamaan Shacabka Galmudug Gaar Ahaan Kuwa ka Soo Jeeda Gobolada dhexe ee Dalka.DHAGAYSO CODADKA SHIRKA. C/KARIIN KOOFUROW
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/cabdi-kariin-koonfurow.mp3C/LAAHI CUMAR KAAHIYE MASUUL GSA http://hobyonet.com/wp-content/uploads/Cabdulaahi-cumar-kaahiye-oo-katirsan-JSA.mp3
 CUMAR SALAAD CILMI http://hobyonet.com/wp-content/uploads/Cumar-salaad-cilmi.mp3
 XASAN FAARAX BARE.http://hobyonet.com/wp-content/uploads/xasan-faarax-barre.mp3
 DAAWO SAWIRADA.XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440  
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Isku Aadka Wareega Labaad ee Koobka Champions League-ga oo Lagu Dhawaaqay

$
0
0

Isku Aadka wareega labaad ee koobka Champions League-ga ayaa maanta looga dhawaaqay xaruunta xiriirka kubada cagta ee UEFA oo ku taalo magaalada Nyon ee dalka Switzerland.
Kooxaha u soo baxay wareega labaad ee koobka Champions League-ga ayaa waxa ay isugu beegmeen sida socota.
 
Paris Saint-Germain
v
Chelsea
Manchester City
v
Barcelona
Bayer Leverkusen
v
Atletico Madrid
Juventus
v
Borussia Dortmund
Schalke 04
v
Real Madrid
Shakhtar Donetsk
v
Bayern Munich
Arsenal
v
Monaco
Basel
v
FC Porto
Lugta koowaad ee wareega labaad ee koobka Champions League-ga ayaa waxaa la ciyaari doonaa 1 7 iyo 18 bisha Feberuary,halka lugta labaad la ciyaari doono 24 iyo 25 bisha Feberuary.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DEG DEG: Cumar C/rashiid oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho, Loona Magacaabi Doono Ra’iisal Wasaare

$
0
0

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  saacadaha soo socda qorsheynaya inuu magacaabo Ra’iisal Wasaare, isbuuc kadib markii Baarlamaanka uu kalsoonida kala laabtay Ra’iisal Wasaaraha xilka ka degaya C/weli Sheekh Axmed.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan la filayo inuu Ra’iisal Wasaare u magacaabo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah Safiirka Dowladda Muqdisho u fadhiya Mareykanka, isagoo horay Ra’iisal wasaare u soo noqday.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Xasan Sheekh soo gaba gabeeyay wada tashiyadii la xiriiray soo magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo uu la lahaa Kooxda Damul Jadiid iyo la taliyeyaashiisa.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal hayay in labo xubnood midkood Xasan Sheekh u magacaabi doono Ra’iisal Wasaare sida Xuseen Cabdi Xalane iyo Cumar Cabdirashiid, balse ilo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegaya inay u badan tahay in Cumar C/rashiid la magacaabo.
Warar ay helayso Ishabaydhaba ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, si xilka Ra’iisul Wasaare loogu magacaabo.
Cumar C/rashiid oo sanadkii 2009-kii loo magacaabay Ra’iisal Wasaare dowladdii uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti ayaa is casilay 21-kii bishii September ee sanadkii 2010, kadib markii isaga iyo Madaxweynaha uu soo kala dhex galay khilaaf saameeyay hey’adihii dowladda.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha ee uu hogaaminayay Safiirka Cusub ee dowladaasi ay u soo magacowday Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga.
Sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maanta Madaxweyne Xasan uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Shiinaha ay u soo magacowday Muqdisho, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Safiirka sidii loo bilaabi lahaa mashaariicyo horumarineed oo Dowladdda Shiinaha ay ka fuliso Muqdisho.
Ugu Dambeyntii Safiirka Cusub Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Warsame Geel Jire oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya loo soo magacaabo, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal, iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhuusa-mareeb: Xabbad Joojin Lagu Heshiiyay

$
0
0

Odayaasha dhaqanka gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay heshiis xabbad-joojin ah dhex dhigeen dhinacyo ku dagaallamay degmada Dhuusamareeb iyo deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay kulamo la qaadanayeen labada dhinac, ayna isku afgarteen in si sharuud la’aan ah loo joojiyo xabbadda.
Ugaas Xasan ayaa xusay inaan la aqbali karin in xilligaan gobolka uu ka dhaco dagaal.
Wuxuu dhinacyada ujeediyay inay ixtiraamaan heshiiska, si xal looga gaaro colaadda ka jirta gobolka.
Odayaasha dhaqanka ayuu xusay inay ka go’an tahay xal u helidda colaaddaas.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

War Naxdin Leh: Dhageyso Hooyo Soomaaliyeed oo Gabar Ay Dhashay Ku Dishay Kaaraan

$
0
0

Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa dishay Gabadheeda, kadib markii la sheegay inay si xun u canaanatay gabadha oo ay garaacday.
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Yalaxoow ayaa xaqiijiyay in falka uu ka dhacay Xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.
Wuxuu sheegay in Hooyada gabadhaan dhashay ay canaananaysay gabadheeda, waxa ayna ku canaanananaysay nin gabadha qabay oo saddex mar ay kala tageen, hooyadana Gabadheeda ay usheegtay in ninkaasi wado uga furan oo ay ugu laabato uusan jirin, maadaama saddex mar ay kala tageen.
Ciidamada Booliiska ayaa gacanta ku dhigay Hooyada waxaana lagu haayaa Saldhiga Booliiska Kaaraan.
Meydka Gabadha dhimatay ayaa la sheegay in la geeyay Isbitaalka Digfeer ee duleedka Degmada Kaaraan.Ku Dhageyso Mobilkaga.Ku Dhageyso Mobilkaga.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


SIYAASIGU WAA KA ARKA DHAMAADKA KAAHA KA IFAYA HOGGA:! Maxamed Faarax

$
0
0

Fahamka macnaha Erayada Xisbiyada Siyaasadda Dumuquraadiga iyo Cod bixiyaha.
Siyaasadda Toggan iyo ta Taban:
Siyaasadda togan waxay qayb ka tahay oo lagu qeexaa farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax-qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, waana habka barshada, baadhida, tijaabinta, u  kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee dunida ka jira.
Mar kale, waxa loola jeedaa  awoodda iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama  nidaamka  ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa maamulka iyo aragti ee  xisbiyada siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu  hoggaasamaan siyaasadda maamulka dowladda. Sidoo kale mararka qaarkoodka  waxa loogu yeedhaa inay tahay  go’aan ama hadal ujeedo leh,  sida; siyaasadda dadka, ururrada,  kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo ama ay  tahay  mabda ‘hanuuniya go’aannada.
Siyaasadda Togan sidoo kale waxa barbar socda siyaasi, kaas oo lagu tilmaamo inuu yahay sarkaal loo qaabeeyey arrimaha muwaadiniint, loona  carbiyey cilmiga siyaasadda kaasoo ku shaqeeya xirfadda maareynta arrimaha muwaadiniinta.
Fahamka ama marka loo isticmaalo  sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay waxa lagu tilmaamaa inay tahay Siyaasadd Taban, waana farshaxan ilaaq ah, danno kuwaas oo loo eekaysiinaayo in lagu tartamayo mabaadi iyo hoggaamin loogaga faa’ideysto danno gaar ah,  dannaha caamka ah ee guud, ama ay tahayba  hab lagu  daydayo xanuunka, inkastoo ay  heli ogyihiin,  ha jirto ama yaanay jirinbee, marna waxa lagu qeexaa inay tahay farshaxan qabow oo lagaga urursanayo tijaarta kharashka tartanka ollolaha, codkana  dadka saboolka ah,  iyagoo waliba kala illaalinaya balanqaadkooda, sidoo kalena Siyaasiga Tabanina uu yahay  mid had iyo jeer ka fikiraya  doorashada soo socota, halka  Siyaasiga Togana uu ka fikirayo jiilka danbe.
 
Balse dadka qaarna waxay aminsan yihiin inuu yahay siyaasigu Dadka (codbixiyaha), sababtoo ah waa kuwo arka dhamaadka kaaha ka ifaya hogga, waanay u soo baxaan, waxaanay iibsadaan hogag badan, waana kuwa kala xusha musharaxiinta siyaasadeed ee xisbiyada.
 
In kastoo Dimuquraadiyadda lagu qeexo hab loogu tartamo siyaasadda awooda dalka taasoo dadku ay ku doortaan hoggaamiye ku hogaamiya nidaamka siyaasadeed ee dalka u dajisan, iyadoo loo marayo  awood siyaasadeed  iyo  nidaamka siyaasadeed ee la doortay inuu badelo xukuumada hab doorasho oo xor ah,
 
sidoo kale xisbiyadda siyaasadeed waa koox  ka mid ah dadka oo nidaamsan, iskuna duuban, kuwaas oo leh fikir iyo ujeeddo isku mid ah, una diyaarsan sidii murrashax ay dadweynuhu soo doorteen ugu guulaysan lahaa awooda dalka, inkastoo xisbiyadda qaarkood ay ku mashquulaan kooxo dano gaara leh oo dhaqdhaqaajiya bulshada, kuwaas oo jeclaysta inay awoodda siyaasaddeed ee dalka kula wareegaan hab doorasho ama hab kacdoon, laakiin xisbiyada qaarna ma jeclaystaan kooxahahaas danaha
gaarka ah leh, sababtoo ah waxay ka lumiyaan ujeedada ilaalinta awoodda qaran iyo xakamaynta geedi
socodka siyaasadda guud ee u dajisan Dastuurka qaab dhismeedka shaqo uu siiyey sharcigu. Inkastoo aynaan ku soo koobi karin qormo keliya badweynta siyaasadda, dumuquraadiyadda, xisbiyadda,  gabi-dhaclaynta dadka xanbaarsan siyaasadda togan iyo ta taban.
 
Haddaan u gundo dego maxsuulka qormadaydan waxaynu sidaa ku qiimayn doonaa ujeedada iyo barnaamijyada siyaasaddeed ee saddexda Xisbi qaran ee Somaliland.
Ujeedooyinka xisbiga iyo barnaamijka siyaasaddeed ee xisbiga “KULMIYE” ka sokow waxay Xukumaddii wakhtigaa jirtay ee uu hormoodka ka ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ay ku dhaliili jireen dhibaatooyin isbarkaday oo ah dhinaca  dhaqaalaha, siyaasadda iyo Arrimaha bulshada, iyagoo soo bandhigaya barnaamijkooda siyaasadeed  iyo qorshayaasha  ay ku hogaamin doonaan dalka haddii ay ku guulaystaan doorashada, taasina waa ta  u suuragalisay inay bulshada ka helaan taageero iyo codad badan, sababtoo ah waa  habka kaliyaata ee lagu doorto xisbiyada marna waa hab lagula xisaabtamo xisbiyada siyaasadda, iyaguna ay ku xisaabtamaan wixii uga qabsoomay iyo wixii aan uga  qabsoomin qorshayaasha barnaamijyadoodii siyaasadeed.
 
haddaba barmaamijka siyaasaddeed ee xisbiga “KULMIYE”waxa ka mid ahaa taabbo-gelinta madax-bannaanida  iyo ka mid-noqoshada ururrada caalamiga ah iyagoo ah dawlad la aqoonsan yahay, iyo inay dhisi doono bulsho casri ah oo ka xor ah faqriga, jahliga, dulmiga, keli-talisnimd,  guud ahaan maamul xumadda weji kasta oo ay leedahay, sidoo kalena ay dib-udhisid ku sameyn doonaan dhinacyadda  horumarinta adeegyada dadweynaha, sida wasaaradaha iyo hayadaha dowlada ee qaabilsan u khidmaynta bulshada, hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida wadooyinka dalka,wax-barashad, biyaha, caafimaadka, yagleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadi’da talo-wadaagga ee ka soo jeeda dhaqankeenna iyo  diinteenna suuban, baadi-goobka xal-u-helidda dhibaatooyinka gudaha ee ka aloosan meelo ka mid ah gobolada Bariga ee Somalailand, dib u habeynta  dhismaha  ciidanka darajadiisa  kala sarrayneed taasoo aasaas u ah kala dambaynta  ciidan milateriga, daryeelka dhul daaqsimeedka, curinta habab cusub oo lagu dhaqo xoolaha iyo soo noolaynta seera-daaqsimeedyada, qabashada biyo roobaadka (samaynta harooyin iyo biyo-xidheenno)  iyo hakinta biyaha, ka hortaga boholaha biyo mareenka ah, diyaarinta xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa, u-madax-bannaynta gudashada xilkiisa xafiiska Hantidhawraha Guud iyo horumarintiisaba, In la meel mariyo xeerka saxaafadda ee lam, 27/2004 ee ku salaysan qodobka 32 ee dastuurka, in la abuuro Hay’adda Qaranka Warbaahinta (Public Broadcasting Corporation) oo hoos imanaysa guddi madaxbanaan, sameynta xeerka anshax ku dhaqanka warbaahinta, in la kantaroolo adeegyada caafimaadka ee gaarka loo lee yahay, In la baadho isla markaana la ilaaliyo tayada dawooyinka dalka imanaysa,.….. La soco
 
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Reer Awdal Waa Adhaxda Somaliland, Waa asaaska Udubka Qaranimadda Somaliland”Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarad Xisbiga WADDANI

$
0
0

Hargaysa(Waaheen)-Gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamad Sidiiq ayaa si qoto dheer ugu hadlay xaalada cakiran ee gobolka Awdal sidaan waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu warbaahinta soo gaadhsiyay waxaanu u dhignaa Sidan:-
“Reer Awdal wa adhaxda somaliland, wa aasaaska in udubka qaranimadda somaliland, wa tiirarka jiritaanka somaliland midka ugu muhiiimsan. dhawaaqa suldaanka aan metelin bulshada ee aanay la fikirka mabda ahayn reer awdal way ku mahadsanyihiin, suldaanka salfudaydku qaadayna innu nabad wanaag doodiisa kusoo jeediya haboon. in la buunbuuniyo arinka o halkaa la gaadhsiiyaana wa garaad xumo  maamul xumo. shakhsi dhawaaqay jiritaanka somaliland wiiqi mayo, wa in arinka lo gala si masuuliyada. drake la xidhxidhaayo  dhallinyarada la kicinaayo wa in laga daya naxli ku beerida. hadalada kala fogayn kara bulshada walalha ah wa in laga txadiraa o an warbaainhta la marin wwdho marin habaabin kara bulshada samaha ku wada noolayd sooyalka badan”.
Xukuumaddu inay ciidan in cudud muujin karta colaad kala fogaansho bulsho adeegsataana wa madina lo baahnayn. nabad gelyada  xasiloonida waxa ku nool qofkasta nabadbaa nas la nuugo leh. qalalaasaha ka taagan gobolka awdal in late dejiyo degenaan o ay galan guurtida, salaadiinta  golaha dhaqanku aya muhiima.in an la siyaasadayn oo xukuumaddu ka dayso sida hada ay xalka ku wado aya lagama maarmaana. Reer awdal waxa la gudboon inay nabad gelyada ku dadaalan o ay dejiyaan xaaladda, Tabshooyinka jira e an ila hada laga garaabina in xukuuumaddu ka garawdo o la tixgeliyo cabashada odayaasha reer awdal wa waajib, car juuqdheh qori caaradiii hora wax loogu waayay maanta oo ay bulshadu kortayna waxba so kordhinmayso. xukuumaddu wa inay si masuuliyada o daacadnimo xilkasnimo ku ladhantahay you gashaa arinka awdal madaadam xukuumaddu amniga dalka masuul ka tahay.
Mudane madaxwayne waxa haboonaan lahayd inaad ka hadasho xaalada adag ee aan la dhayal san karin e dallku galay, weedhaada fariintaadu wa muhiim. waxa lagama maarmaana mdaxweyne inaad you ditto gudi dhaqan o ka madaxbaanan siyaasad. bari wan ognahay halka xaalkiisu maraayo dhayalsi xilkasnimo daro wata halka dhigtay, cidi cabanaysa in dhagaha laga furaystaa waxay dhaxal sin doonta dalka in lakala irdhioobo, umaddina waxay wax ku tahay wada hadalka isu tanaasulka.
Somaliland waxay halkaa kusoo gaadhay isu tanaasul, wada hadal is qiimayn waxaad moodaa in xukuumadda hada talada dalka haysaa doorka lumisay aanay u jajabnayn tixgelinta tabashooyinka, hadi lasyu garaabi waayana wa mid subxaanala. cadawga dalkeenu gees kasta wu jira, is qabsigeena ayo khilaafkeenuna wuxuu u yahay farxad. haday is fahmi waayana wa mid subxaanala. somaliland gul somaliland wadajir walalnimo.”
Gudoomiyah Garabka Dhalinyarad Xisbiga WADDANI
Maxamed Sidiiq Dhame
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Booliska Hong Kong oo Nadiifiyey Goobihii Mudaharaadada

$
0
0

Musharax Madaxweynenimada Ucid oo Hargeysa lagu soo dhaweyey iyo Ciidamo Boolis ah oo ka Horjoogsaday in uu Maro Wadda Hormarta Madaxtooyada.

$
0
0


Hargeysa(Waaheen) Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa ka dib markii uu safar kaga soo laabtay wadamada Dibada siiba Maraykanka iyo Ingiriiska oo uu muddo ka maqnaa.
Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa carqaladeeyay Soo dhaweynta Musharaxa ka dib markii ay ka hor istaageen in Musharaxa iyo Gaadiidka ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa maraan Jidka hor mara Madaxtoodayada islamarkaana lagu amray inay ka leexdaan Isgoyska Bari ee Madaxtooyada.
Musharaxa,Madaxda Kale ee Xisbiga iyo Taageerayaasha la socday ayaa wakhtigaaasi ku sii jeeday Xarunta dhexe ee Xisbiga Ucid oo ay ku sii sugayeen Dadweyne halkaasi ku soo dhaweynayay Musharaxa.
Booliska ayaa Rasaaseeyay Weftiga Ucid, iyadoo Ciidamo tiro badan oo RRU ahna lagu jaray jidka islamarkaana in Muddo ah halkaasi lagu hor taagnaa ilaa markii dambe lagu khasbay inay ka wareegaan jidad ka fog halkaasi.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa sheegay inay jiraan Dhaawacyo loo gaystay Taageerayaashooda iyo dad Boolisku xidhxidhay “Waxaanu Shacabka reer Somaliland ee wanaagsan u sheegaynaa in maanta Xukumaddu dhaawac iyo Khasaare u gaysatay Taageerayaasha Ucid  badhna ay xidhan yihiin. Shalay ayaanu warqad u qornay oo aanu u sheegnay inay Ciidanka Booliska iyo ka nabad galyada wadooyinkaba ay nala socodsiiyaan in musharaxu soo degayo. Waxaanu la socodsiinaynaa in haddii ay 24 Saac ku soo dayn waayaan aanu Jeelka kala soo bixi doono” ayuu yidhi Xoghayaha Ucid ee Warfaafintu.
Sidoo kalena ku xigeenka Musharaxa Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in Ciidanka amaanka lagu amray in Ucid Wadooyinka laga horjoogsado “Ciidanka Amniga waxaanu u haynaa abaal iyo wanaag, waxaa la siiyay amar ah in haddii markii hore Madaarada nalaga joojin jiray haddana nalaga joojiyo Dariiqyada. Waad arkaysaan dalkii halkuu marayo, Sharciyaddii dhulkay inooga dhacday, waxaa Xabsiyada ku xidhan XIldhibaanadii Bulshadu dooratay oo iyagoo aan Xasaanad laga qaadin oo aan Maxakamadi Xidhan Xabsiyada ku jira” ayuu yidhi Cabdirashiid.
Waa markii u horaysay ee Asxaabta Mucaaradka ah Boolisku ka hor istaago Jidka hor mara Madaxtooyada inkasta oo hore loogu diiday galista Madaarka iyo Bookhashada Gobolada, iyadoo aanay jirin wax mushkilad ah. Masuuliyiinta amaanka iyo Xukumadda toona kamay hadal arintan
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Booliska oo soo Gabagabeeyay Afduubkii Sydney

$
0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live