Hargeysa(Waaaheen)Shirweynaha 4aad ee Ururka Shay-baadhistayaasha Somaliland oo ka furmay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, shirkaasi oo Socon doomo Mudo laba Cisho ah ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyinta ugu sareeya Ururka shaybaadhiistayaasha,Wasiirku xigeenka Caafimaadka, ergooyin Ururka oo ka yimid Gobolada iyo Marti sharaf Kale oo tiro badan.
Ugu horeyn waxa ujeedada shirka iyo qodobada lagaga hadli doono faah faahin ka bixiyey Agaasimaha Ururka Muxiyadiin Axmed Jibriil waxaanu yidhi “Shirwaynahani waa kii 4aad ee Ururka Mudo 2 Cisho ah ayuu Socon doonaa, Mudadaasi waxa lagu falan qayn doonaa wixii u soo qabsoomay mudadii uu jiray iyo Qorshaha Sanadaha Soo socda Ujeedada iyo Hiigsiga Ururka waxa intaa raaci doona oo aanu ugu talo galnay Xubnaha Gobolada ka yimid tobabar shan cisho socon doona oo aanu raacin doon, wasaarada Caafimaadkana aanu war galinay oo ay nagula socoto, shirkani wuxuu noqon doonaa mid aanu ku dooran doono Hogaan iyo Habsami u socodkiisa” ayuu yidhi Agaasimuhu
Gudoomiyaha Ururka khadar ibraahin Axmed oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaasi ayaa ka waramay mudadii uu Ururka SOMLA jiray iyo waxyaabaha u qabsoomay waxaanu ku bilaabay “Waxay ahayd laba sano ka hor markii Xilka naloo dhiibay, mudadaasina waxbadani way noo qabsoomeen, waxyaabaha ugu waawayn waxa ka mid ah qalabaynta xafiis dhamaystiran shaqaale mushahar qaatay, qaabdhismeedka ururka oo dhan, qorshaha shanta sano iyo Tobabarada shaqaalaha shaybaadka, Halkan waxaynu ugu talo galnay laba hawlood oo isa saaran, ta hore waa doorkii 4aad ee shirwaynaha ururka shaybaadhiistayaasha iyo Tobabar aanu ugu talo galnay xubnaha Gobolada ka yimid oo sabtida bilaabmi doona marka uu kani dhamaado” ayuu yidhi khadar ibraahin
Cabdixakiin Shirwac oo ka socday Ururka Umulisooyinka Somaliland ayaa ka waramay qiimaha ay Somailand ugu fadhiyaan Ururada Caafimaadku waxaanu soo jeediyey in taageero laga garab istaayo.
Maxamed Jaamac Ayaanle oo ka socday Hay’ada WHO qaybteeda Hargeysa oo hadlay furitaankii shirkaasi ayaa ka waramay doorka ay ka qaataan ka Hay’ad ahaan waxaanu kula dardaarmay inay Taxdar badan ka sameeyaan maadaama uu shaybaadhku yahay shay aad u adag.
Wasiirku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdan ayaa ku dheeraadii Kor u qaadida iyo tayeynta Shaybaadka waxaanay ku amaantay shhirka Ururkaasi “shirku waa muhiim inay Bulshadeena wixii xirfadlayaal ahi Ururo isku sameeyaan, markaa runtii aadbaan ugu mahad celinayaa, waxa kale oo loo baahan yahay aqoonta Caafimaadka waa wax malin walba is badala isku xidhnaanta Ururku waxa kale oo ay faa’iido u leedahay in lala socdo oo laga war hayo isbadalka Caafimaadka ee dunida ka dhacaya, waxaynu u haahan nahay inuu shaybaadhkeenu noqdo mi tayo leh” ayey tidhi Nimco Xuseen Qawdhan
Mudasir Xasan oo ka socday Xarunta Caafimaadka ee Needle Pathology ayaa isaguna ku dheeraaday shaybaadhka iyo noocyadiisa kala duwan waxaanu sheegay in ay dalka keeneen shaybaado hore loogu tagi jiray Dalka Dibadiisa waxa kale oo halkaasi Khudbado ka jeediyey Proffessoro ku hadlayey Afka Jaamacaha Dalka, Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha ahna Asaasayaashii Ururka SOMLA.
Ururka Shaybaadhiistayaashu wuxuu gaba bagabadii Halkaasi Ururku Shahaadooyin gudoonsiiyey Shaqsiyaadkii kaalmaha Firfircoonka qaatay Shaybaadhka Somaliland.
Dhinaca kale waxa shirkan lagu dooran doonaa mudada uu socdo Hogaanka Ururka ee Hogaamindoona.
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks:
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk