Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Labo dhalinyaro ah oo is masaafeeystay iyo wadaadkii isku mehriyey oo lagu tacziiray B/Weyne

$
0
0

Maxkamada Maamulka Xarakada Alshabaab Magaalada B/weyne ayaa ku fulisay Xukun Tacziir ah wiil iyo Gabar lagu eedeeyey in ay ismasaafeysteen, markii ay qirteen dhalinyaradaasi dambiga lagu oogay.
Qof saddexaad oo ka mid ah Saddexda qof la Tacziiriyey ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa Wadaadkii sida sharci darada ah isugu Mehriyey wiilka iyo gabadha, waxaana lagu fuliyey min 35 Karbaash.

Dadweyne fara badan waxay isugu soo baxeen goobta barxada ah ee xukunka Tacziirta ah lagu fuliyey, waxaana soo qabqabtay Saddexdaasi qofood Ciidamada Amaanka oo howlgalo ka sameeyey xaafadaha Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.


Secret documents confirm massive arms shipments to southern Sudan - Boston Globe

$
0
0

KHARTOUM, Sudan — It was September 2008 and a band of Somali pirates made a startling discovery. The Ukrainian freighter they had just commandeered in the Gulf of Aden was packed with weapons, including 32 Soviet-era battle tanks, and the entire arsenal was headed for the breakaway
government in southern Sudan. The Ukrainian and Kenyan governments
denied that, insisting that the tanks were intended for the Kenyan
military.

“This is a big loss for us,’’ said Alfred Mutua, a spokesman for the Kenyan government, at the time.

But
it turns out the pirates were telling the truth — and the Kenyans and
Ukrainians were not. According to several secret State Department cables
made public by WikiLeaks, the tanks not only were headed to southern
Sudan but were the latest installment of several underground arms
shipments. By the time the freighter was seized, 67 T-72 tanks had
already been delivered to bolster southern Sudan’s armed forces against
the government in Khartoum, an international pariah for its human rights
abuses in Darfur.

Bush
administration officials knew of the earlier weapons transactions and
chose not to shut them down, an official from southern Sudan asserted in
an interview, and the cables acknowledge that Kenyan officials had kept
US officials informed about the deal. But once the pirates exposed the
arms pipeline through Kenya, the Obama administration protested to the
Ukrainian and Kenyan governments, even threatening sanctions against
them, the cables show.

Vann
H. Van Diepen, a senior State Department official, presented the
Ukrainians with a sales contract that showed southern Sudan as the
recipient, according to a November 2009 cable from the US Embassy in
Kiev. When they dismissed it as a possible forgery, Van Diepen “showed
the Ukrainians cleared satellite imagery of T-72 tanks unloaded in
Kenya, transferred to railyards for onward shipment, and finally in
South Sudan,’’ the cable said, referring to the early deliveries of the
weapons. “This led to a commotion on the Ukrainian side.’’

The
revelations about the tanks — now sitting in Kenya, their fate unclear —
come at one of the most delicate times in Sudan’s history, with the
nation, Africa’s largest, on the verge of splitting into two. On Jan. 9,
southern Sudanese are scheduled to vote in a referendum for their
independence from northern Sudan, representing the end of a 50-year war.
Huge quantities of weapons have been flowing to both sides, mainly to
the north, turning the country into one of the most combustible on the
continent. Secretary of State Hillary Rodham Clinton recently called it
“a ticking time bomb.’’

While
Kenyan newspapers and other publications have written about the arms
shipment since the pirate episode, confirmation that the government of
southern Sudan was the recipient has raised concerns among diplomats
that the news could further inflame tensions.

Southern
Sudan, mostly Christian and animist, fought even before Sudan’s
independence in 1956 to split off from the Arab government in Khartoum.
More than 2 million people were killed and government-sponsored
militias, similar to those that raped and pillaged in Darfur, swept
across the region, razing villages and massacring civilians. In 2005,
the two sides signed a peace agreement, which granted the south autonomy
and the right to vote on secession next year. The agreement also allows
southern Sudan to buy arms to transform its guerrilla army into a
defense force, and the United States said that it has provided
communications and other “nonlethal’’ equipment and training to the
southern army, called the Sudan People’s Liberation Army.

Shiikh Atam; "Dagaalladan, waa kuwo ay abaabuleen maamullada Puntland iyo Galmudug, iyagoo amar ka haysta Mareykanka,"

$
0
0

Shiikh Maxamad Siciid Atamka la dagaala maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland ayaa dagaalada ka socda duleedka magaalada Gaalkacyo ku eedeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shiikha oo sabab u yeelayay eedeynta uu maamuladan u jeediyay ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay ku hawlan dib u hurinta colaad beeleedyadii Soomaalida horay ula haray, iyagoo hadana colaad ka dhex wado beelaha walaalaha ah ee wada deegaanka waa siduu hadalka u dhigaye.

Wadaadkan oo lagu tilmaamo in uu gacan saar la leeyahay Alshabaabka ayaa mar uu ka jawaabayay su'aal laga weydiiyay xiriirka kala dhexeeya Alshabaab ayaa ku jawaabay sidan: "Dadku waa walaalo, ma dhahayo xiriir lama lihin iyo waanu la leennahay, balse waan taageeranaynaa cid walba oo u taagan difaaca diinta."

Shiikh Atam iyo maamulka Puntland ayaa waxaa u dhexeysa colaad adag oo salka ku heysta sida la sheegayo deegaan iyo wax kala tabasho markii dambe isu rogtay kacdoon qabiil iyo mid diimeed oo isku laran.

halgankanet@gmail.com   

Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo baaq ku aadan Sanadka cusub soo saartey.

$
0
0

 بسم الله الرحمن الرحيم

 

Kalimadda hayadda culumada soomaaliyeed ee munaasabadda sannadka hijriga cusub 1432

الحمد لله،والصلاة والسلام على رسول الله،وبعد .

 

Hayadda culumada soomaaliyeed waxay ugu
tahniyadaynaysaa muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka
soomaaliyeed,sannadka cusub ee hijriga,waxayna ilaahay ka baryaysaa in
uu noqdo sannad khayr iyo barako:اللهم اهله علينا بالأمن والإيمان
والسلامة والإسلام,waxayna xusuusinaysaa :

 

1-is-badalka waqtigu,wuxuu ka mid yahay
aayadaha ilaahay,waana in lagu cibra qaato,loogana faa’iidaysto
gudashada xaqa ilaahay iyo kan aadanaha,iyo towbad dhab ah,ilaahay wuxuu
yiri:

 

وهو الذي جعل الليل والنهار خلفة لمن أراد
أن يذّكّر أو أراد شكورا”(الفرقان:62),Nabiguna-sallallaahu calayhi
wasallam,wuxuu yiri: “ilaahay wuxuu fidiyaa gacantiisa habeenkii si uu u
tooban keeno qofkii maalintii dambaabay,maalintiina wuu fidiyaa
gacantiisa si uu u toobad keeno qofkii dambaabay habeenkii,ilaa qorraxdu
ka soo baxdo meesha ay u dhacdo.”(waxaa wariyay muslim).

 

2-sannaduhu way socdaan ayadoo aysan
waxba is-badalin, ballamo badan na aan la oofin,marka sannadkaan ha
noqdo mid quluubta la hagaajiyo si acmaashu u hagaagto axwaashuna isku
badasho,ilaahayna wuxuu yiri:إن الله لايغير ما بقوم حتى يغيروا ما
بانفسهم”(الرعد:11)  .

 

3-sannadkan ayaa noo dhashay ayadoo wali
ay dhiigayaan dhaawaca muslimiintu,waxaana ugu laxow badan dhaawaca ay
gaysanayaan dad khayr raba laakiin jihadu ka khaldan tahay,marka ilaahay
ha laga baqo,wixii dhacayna ha lagu waano qaato,ummadana sida ha loo
dhaamo.

 

4-hayaddu waxay mar kale ugu baaqaysaa
dhinacyada soomaaliyeed ee dagaalka ku dhegan,in ay ka joogaan,kuna
cibra qaataan mirihii kharaaraa ee sannadkii tagay,kumanaankii
dhintay,dhaawacmay,barakacay,baduhu liqeen,bacaadku cunay,inta xabsiyada
lagu iloobay,gabdhaha sharaftooda waayay,iyo boqolaalka kun oo martida u
ah hayadaha kirishtaamaynta,marka waa in xisaabtooda ay dib ugu noqdaan
lana yimaadaan qorshe ay ummadda ku cayminayaan.

 

    Ilaahay ha ka qaado ummadda fitnada iyo dhibka.

 

وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 

Sh.Bashiir Axmed Salaad

Madaxa Hayadda Culumada Soomaaliyeed

Dagaal Saakay ka dhacay magaalada Muqisho iyo waxyeelo soo gaarteen dad shacab ah

$
0
0

Dagaal u dhexeeya ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku waxyeeloobeen dhinacyada dirirtu ka dhexeyso iyo dad rayid ah oo aan shuqul ku lahayn intaba.

Weerar ay Xarrakatul Shabaab ku qaaday saldhigyada AMISOM ee degmada Hodan, ayaa sababay inay dagaalladu qarxaan, waxaan wararka qaarkood ay sheegayaan in madfac ku dhacay degmada Howlwadaag uu sababay dhimashada laba qof iyo dhaaac intaas ka badan.

Dagaalka, ayaa ahaa mid ay barbar socdeen duqeymo culus, kuwaasoo ku dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ay halkaas ka geysteen, sidoo kalena lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ka socday dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidammada dowladda oo gacan ka helyay kuwa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab, waxaana dagaalladaas ku dhintay in ka badan 70-qof oo rayid ah, iyadoo tiro intaas ka badana ku dhaawacmeen.

Howlwadeenka gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho, ayaan sheegin wax dhaawacyo ah oo ay qaadeen, waxaana sidoo kale ka gaabsaday dagaalkaas inay ka hadlaan dhinacyada ay colaaddu u dhexeysay.

Xarrakatul Shabaab, oo inta badan Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya gacanta ku haysa ayaa waxay dagaallo xooggan kula jirtaa dowladda Soomaaliya oo iyagu maamul qeyb aan badneyn ka tirsan magaalada Muqdisho

Diyaarad hub farabadan sida oo lagu hayo garoonka diyaaradaha Hargeya ee Somaliland

$
0
0

Diyaarad nooca xamuulka hubka waaweyn iyo taangiyada ah ayaa saakay si kedis ah ugu soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Somaliland. Diyaaradan ayaa dad xog-ogaal ahi sheegeen iney sido hub farabadan oo lagu sameeyey dalka Ruushka iyada oo aan dhab ahaan loo ogeyn cidda loo waday.


Diyaarad ayaa masuuliyiin u hadashay maamulka Somaliland waxay sheegeen in ay ka timi dalka Uganda isla markaana ay saaran yihiin lix ruux oo labo kamid ah ay Koonfur Africa u dhasheen halka afarta kale u dhasheen Dalka Ruusha.


Masuuliyiinta Somaliland ayaa waxay sheegeen in Diyaaradan shaqaalaha saaran ay u sheegeen in ay shidaal la’aan soo foodsaartay isla markaana ay Magaalada Hargaysa u fariisatay in ay shidal ka qaadato walow ay ku adkaysanaayaan in aanay waydiisan ogolaansho ku aadan isticmaalka Garoonka Hargaysa.


Sidoo kale waxay sheegeen in diyaaradda ay saaran yihiin shixnaddo hub ah kuwaasi oo ay sheegeen in loo waday ama ay uga shaki qabaan in ay leeyihiin Ciidamada Badda Puntland ee Bossaso hawshoodu iminka ka socoto ama AMISOM ee muqdisho ku sugan.


Diyaaradda ayaa ah nooca waa weyn ee Taangiyada Xambaara waxaana la sheegay in lagu sameeyey dalka Ruushka, lixdii qof ee Diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay in loo taxaabay xabsiga ayna xir xireen Ciidamada Somaliland.


Majiro wax ar ah oo kasoo baxay dhinaca Dawladd goboleedka Puntland iyo ciidamada AMISOM ee ku aadan Diyaaradda Hargaysa fariisatay waxaana la filaayaa in ay ka hadlaan saacadaha soo aadan.

 

fataawa Inhizaamiya5-1.rmvb

fataawa Inhizaamiya5-2.rmvb


fataawa Inhizaamiya5-3.rmvb( Xasaan Xuseen)

fataawa Inhizaamiya5-4.rmvb( Xasaan Xuseen)

fataawa Inhizaamiya5-5.rmvb( Xasaan Xuseen)

fataawa Inhizaamiya5-6.rmvb( Xasaan Xuseen)

fataawa Inhizaamiya5-8.rmvb( Xasaan Xuseen)

fataawa Inhizaamiya5-9.rmvb( Xasaan Xuseen)

fataawa Inhizaamiya5-7.rmvb( Xasaan Xuseen)


fataawa Inhizaamiya6-1.rmvb( Xasaan Xuseen)

Calankii Soomaaliya oo dib looga taagay safaaradii Kenya SAWIRRO

$
0
0

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday xarunta  dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

Xafladda oo ay soo qabanqaabisay safaaradda ayaa waxaa loogu tala
galay in dib loogu taago calanka dalka oo si xaq darra ah uga maqnaa
mudoo 15 ah, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda
Soomaaliya, oo isugu jira xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada,
dublamaasiyiin, shaqaalihii hore ee ka soo shaqeeyay safaaradda
xilligii bari samaadka, fanaaniin, bahda saxaafadda iyo dad fara badan
oo deggan dalka Kenya.
Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka kenya Maxamed Calinuur Ameeriko
oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ugana mahadceliyay sidii ay u garab
istaageen xilligii ay dacwada socotay, ayaa sheegay in ay dib u furi
doonaan dacwo kale oo ah in dib loo dhiso guriga laguna soo celiyo sidii
uu ahaa mudo 15 ah ka hor, maadaama uu gurigu burburay, agabkii
asaasiga ahaana ay ka wada maqanyihiin.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda
batroolka tamarta iyo biyaha iyo macdanta C.raxmaan Yuusuf Faarax
Dujaana oo sheegay in uu arrinkaan billow u yahay soo celinta hanti
badan oo uu qaranku lahaa oo si qaldan loo iibsaday, ayna fariin u tahay
cid walba oo ku hamineysa in ay lunsato waxa dadka ka wada dhaxeeya oo
uu qaranku leeyahay.
Xildhibaanada munaasabadaan ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid
ahaa Mowliid Macaane, Dalxa iyo Ibaahin Yaroow, halka dublamaasiyiinta
ajnabiga ahna ay ka mid ahaayeenn safiirkii hore ee talyaaniga u
fadhiyay Soomaaliya oo khudbad dheer jeediyay aadna ugu hambalyeeyay
dowladda iyo shacabka Soomaaliya.
Xafladaan oo ahayd mid casiriye ah ayaa gebegabadii waxaa la saaray
calanka dalka oo loo qaaday heestii uu lahaa ee " Qolabaa calankeed"
waxaana saarar safiirka oo ay dhinac taagnaayeen dhamaan dadkii soo
xaadiray.
Calanku waxa uu ciishoonaa mudo dheer oo marba guri kira ah
uu ka dul babanayay, balse wixii maanta ka dambeeya wuu iloobi doonaa
oo waxa uu dib ugu soo laabtay booskiisii. " hantiyooy macaan waa midaan
hooy lagaa oraneyn"
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr1.jpg" border="0" />
Mowliid Macaane: wax badan ayaa haray
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr10.jpg" border="0" />
Qaar kamid ah dhalinyaradii ka soo qeyb galay oo farxad ka muuqaneyso
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr11.jpg" border="0" />
Fanaaniinta Nairobi calanka ku lebisan
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr12.jpg" border="0" />
Danjira ameerika oo u soo socdo dhanka albaabka, si uu usaaro calanka
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr13.jpg" border="0" />
Calankeena oo ka dul babanaya dhismaha safaaradda
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr14.jpg" border="0" />
Barbaarta gaashaaman oo ciyaaro dhaqameed bandhigaya
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr15.jpg" border="0" />

wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka tamarta iyo biyaha iyo macdanta C.raxmaan Yuusuf Faarax Dujaana

rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr16.jpg" border="0" />
Heeso wadani ah oo goobta laga qaaday
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr17.jpg" border="0" />
Astaanta qaranka oo lagu xardhay gidaarrada safaaradda
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr18.jpg" border="0" />
Safiir Ameeriko oo dhanr hidaha iyo dhaqanka ku lebisan
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr19.jpg" border="0" />
Ka soo qeyb galayaasha oo uu ka dhex muuqdo madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr2.jpg" border="0" />
Fanaaniinta oo u diyaarsan kicinta dareen wadaniyadeed
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr20.jpg" border="0" />
Safiirka oo jeedinaya Khudbad loogu talagalay munaasabadda
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr21.jpg" border="0" />
15 sano kadib ayuu booskiisa ku soo laabtay, waa mahad Alle
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr22.jpg" border="0" />
Joog oo jir.  looma kala harin in la sawirto
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr23.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr24.jpg" border="0" />
La taliyaha arimaha bulshada Safaarada C/sataar Xasan Cali iyo Xildhibaan Yaroow
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr25.jpg" border="0" />
Dalxa oo heestii Shanka roon qaadaya
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr3.jpg" border="0" />
Maxamed Cali Ameeriko:hantidii guriga dhex tiillay kama hareyno
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr4.jpg" border="0" />
in sha Allaah mar kale lama dejin doono
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr5.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr6.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr7.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr8.jpg" border="0" />
rel="lightbox" src="http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/dhr9.jpg" border="0" height="376" width="668" />
Alinur Salad
Nairobi Kenya

fataawa Inhizaamiya6-2.rmvb( Xasaan Xuseen)

fataawa Inhizaamiya6-3.rmvb( Xasaan Xuseen)

Alshabaab oo si xawli ah uga wada gobolada Bay iyo Bakool ururinta Zakada ka midka ah tiirarka islaamka

$
0
0

Maamulka Alshabaab ee ka arimiya degmooyinka Bay iyo Bakool ayaa bilaabay ururinta Zakada maadaama lagu guda jiro Bisha islaamka lagu amray in ay Zakada bixiyaan waaba haddii uu qofku hanti leeyahaye.

Degmooyin ay ka mid yihiin Bardaale iyo Diinsoor ayaa waxaa laga soo sheegayaa in Alshabaabku halkaas isugu keeneen xoolo aad u fara badan oo isugu jira geel lo' iyo ari intaba ka dib markii ay ka soo uruuriyeen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool halkaas.

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin cid ka hortimid hawlahan ay Alshabaabku ku ururinayaan Zakada sida dadka deegaanka laga soo xigtay.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live