Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Marwada madaxweynaha oo  deeq gaarsiisay hooyo dhashay afar mataanno ah(Sawirro)

$
0
0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta deeq gurmad ah gaarsiiyey haweeney Soomaaliyeed oo dhashay Afar carruur  oo mataanno ah oo ku jira Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdsho.
Marwada madaxweynaha booqashada ay ugu tagtay Hooyo Soomaaliyeed oo afar Carruur ah dhashay waxaa ku wehliyey xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Somali, Marwada ayaa xog weysi la yeelatay Xaaladda Caafmaad ee ay ku sugan  tahay hooyada afarta carruurta ah dhashay oo saddex ka mid ah ay ka geeriyoodeen, mid ka mid ahna carruurtaasi uu weli ku jiro Isbtaalka ay gacanta ku hayaan Dhaqaatiirta Masaarida ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Xubnaha Marwada la socdey ay ku jireen Xildhibaanno, Haweenka gobolka Banaadir iyo maamulka degmada Hodan ayaa dhamaantood Marwada madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada ay  ugu timid hooyada Soomaaliyeed ee dhibaateysan, iyagoo sidoo kale shacbiga Soomaaliyeed ee uu ALLE wax siiyey  ug u baqay in ay ka qeyb qaataan gurmad u fidinta Hooyadaasi Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii marwada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Sahro Cumar Xasan ayaa uga ku ammaantay una mahadcelisay Dhaqaatiirta Masaarida ah dadaalka ay ku galeen in ay caawiyaan hooyada Soomaaliyeed ee afarta carruurta ah mar wada dhashay, sidoo kale waxa ay xustay in lagama maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay is gargaaraan waxa ayna ALLE uga bariday hooyada Soomaaliyeed ee Afarta mataanada ah dhashay in uu  caafmaad siiyo, iyagana ay garab taagan yihiin.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Madaxweynaha oo la kulmay Imaamka Guud ee Azhar ” SAWIRO”

$
0
0

Qaahira, 30 Disembar, 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshey Imaamka Guud ee Jaamacadda Azhar Al Sheikh Ahmad al Tayyib.
Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Imaamka uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo baahida loo qabo in Azhar ay soo celiso doorkeedii ay ku lahayd Soomaaliya.
Imaamka Al Azhar, Al Sheikh Ahmad al Tayyib, ayaa sheegay in Azhar diyaar u tahay inay gacan ka siiso Soomaaliya dhinacyada barashada diinta iyo culuunta kale ee maaddiga ah sida caafimaadka, sayniska iyo kuwo kale.
Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in Azhar baal dahab ah ay ka gashay taariikhda Soomaaliya, shacabkuna ay tabayaan macalimiintii, imaamyadii iyo khubaradii Azhar ee ka hawlgeli jirey dalka.
“Waa hubaal in Azhar oo si buuxda ugu soo laabata waddanka ay keeni karto in la soo afjaro jahwareerka xagga diinta ee dadkeenna ku dhacay 25-kii sano ee la soo dhaafay, si meesha looga saaro fikradaha qaldan ee shacabkeena kala geynaya. Waxaan nahay shacab Muslim ah, diinta islaamkuna waa diin nabadeed”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Imaamka Al Azhar ayaa ku boorriyey Soomaalidu in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabadda dalkooda, shacabkoodana ay u horseedaan nabad buuxda, sida diinta Islaamku ay qabto.
Kulanka waxaa kale oo ka hadley Wasiirrada Caddaaladda iyo Tacliinta Sare
ee Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha.
Dhammaad
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

R.Wasaare Cumar C/rashiid oo ka Tacsiyeynaya Geeridii ku timid Marxuum Guuleed Maxamed Siyaad Barre.

$
0
0

Muqdisho, 30, December, 2014… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya dhammaan qoyska,qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday allah ha-u- naxariistee Marxuum Guulleed Maxamed Siyaad Barre, oo ku geeriyooday magaalada Muscat ee dalka Oman.
Mudane Cumar C/rashiid, ayaa tilmaamay marxuumku in uu ahaa muwaadin jecel horrumarka iyo nabadda Soomaaliya, isla markaana ahaa shakhsi jecel in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.
“Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Guulleed Maxamed Siyaad Barre. ayuu yiri R.W Cumar oo dhinaca kale si gooni ah tacsi ugu diray qoyska reer Maxamed Siyaad Barre.—DHAMAAD—Ahmed-Nur Mohamed Warbaahinta Xafiiska R.W Mogadishu-Somalia Tel: +252-6155-02546 TwitterFacebook
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Hirgelinta Sharerecada yaa ka mas’uul ah?

$
0
0

Dadka Soomaaliyeed waxa ay Islaamka qaateen wax ka badan kun sano ka hor, waxayna jecelyihiin ku dhaqanka Islaamka iyo u hoggaansanka waxa uu farayo.
Dustuurka dalkeenna ayaa si cad u qeexaya in Islaamku yahay diinta kaliya ee dalka, wax kasta oo ka hor imaanayana ay baadil yihiin.
Baarlamaanka dalku waxa uu si aan loo kala harin ugu codeeyay hir gelinta shareecada Islaamka. Sidaas oo ay tahay kooxaha xag jirka ah ee magaca diinta ku qaraabta waxay diideen arrintaas , waxayna dagaal kula jiraan dowladda iyo shacakba Soomaaliyeed iyagoo ku doodaya inay shareecada hir gelinayaan.
Haddaba Hirgelinta shareecada yaa ka mas’uul ah? Ma dowladda mise kooxaha argagixisada ah ee banneystay dhiigga muslimiinta? Habkee ayaase loo marayaa ku dhaqanka Islaamka?
Waa mowduuca toddobaadkan uu ku saabsan yahay barnaamijkeenna Tubta Toosan oo uu marti noogu yahay Sheikh Cabdullaahi Axmed Garruun.
jQuery(document).ready(function($) {
$('#wp_mep_2').mediaelementplayer({
m:1
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen']
,audioWidth:400,audioHeight:30
});
});
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

30.12.2014. Warka Habeenimo Ee RadioHargeysa.

$
0
0

Ciidamada Sierre Leone oo sugaya kuwii badali lahaa

$
0
0

Kn: Ciidamada ka socda dalka Sierre Leone ee dhawaan magaalada Kismaayo loogu sameeyey xaflad sagootin ah ayaa lagu wadaa in ay dalka gabi ahaanba ka baxaan dalka bisha Janaayo oo ay labo maalmood naga xigaan.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada ay kaliya baxayaan marka lasoo diyaargareeyo ciidamada Itoobiya ee badali lahaa.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Itoobiya ee badali lahaa kuwa Sierre leone ay diyaarintooda marayso meel gabogabo ah.KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia: The Ogaden Region of Ethiopia – the Source of Heroes, Heroines and Scholars of Somalia

$
0
0

3 Al-Shabaab leaders killed in Somalia

$
0
0

SONYO Oo Taariikhda Markii Ugu Horraysay Hogaan Cusub U Dooratay Guddoomiye Iyo Ku Xigeen Ka Soo Jeeda Gobolada Awdal Iyo Sool

$
0
0

“Kalsoonida Aad Na Siiseen Waxa Ay Muujinaysaa Wax Wada Lahaanshaheena. Taariikhda Cusub Ee SONYO Samaysay Waa Milgo Taariikhda Galaya Waxaanan Ku Dadaali Doonaa In Aan Xubnaha Maqan Keeno” Guddoomiyaha Cusub Ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali
Hargeysa (Waaheen)- Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa markii ugu horraysay taariikhda SONYO waxa maanta Hogaan cusub loogu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku Xigeen ka soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool, Kulan ballaadhan oo ka dhacay Hoolka cusub ee shirarka xarunta Dhexe ee Dalladda SONYO.Shirweynaha 7aad ee dalladda heer qaran ee SONYO oo muddo lab maalmood ah ka socday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxa ka soo qayb galay aqlabiyadda ururada ay ka kooban tahay dalladda SONYO iyada oo ay madasha doorashada ka maqnaayeen xubno yar, iyada oo ay goob-joog ahaayeen Guddoomiyaha dalladda SONYO iyo Ku Xigeenkiisa iyo badiba xubnaha Golaha Sare ee Lixaad ee xilkoodu dhammaaday.
Aqlabiyadda Ergooyinkii Madasha Hoolka Shirarka SONYO isugu yimid waxa ay ugu horrayn doorteen shir-guddoon ka kooban saddex xubnood kuwaasi oo hawsha shirweynaha kala wareegay Xubnihii Guddidda qabanqaabada oo uu Guddoomiye u ahaa Faysal Muxumed Madar (Qumuj) waxaanay shir-guddoonka shirku sidaa kula wareegeen habsami u socodkii hawsha shirka.
Ugu Horrayn waxa madasha Doorashada Hogaanka cusub ee SONYO hadalo dardaaran ah ka soo jeediyey Guddoomiyaha dalladda SONYO ee wakhtigiisu dhammaaday Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani kaasi oo xubnaha ergooyinka gobolada Somaliland isaga kala yimid dhammaantood kula dardaarmay in ay si caddaalad ah u codeeyaan mar walbana wax walba ka hor mariyaan masiirka dalladda SONYO 13-sanadood kadib oo u baahan in la sii dardar galiyo ee aan u baahnayn in carqalad lagu sameeyo maadaama SONYO tahay madashii iyo Milgihii umadda. “Waxaan maanta halkan u fadhinaa oo aan ka sheegaynaa in shirweynihii SONYO ee 7aad gabagabadiisii aan doonayno in aan halkan ku doorano hogaanka labada sanadood ee soo socda. Sharaf weyn ayay ii tahay in aqlabiyaddii dhammaan Gobolada Somaliland ay halkan fadhiyaan. Markii aan eegay Dastuurka SONYO sida uu dhigayo iyo ergooyinka aqlabiyadoodii in ay halkan fadhido waxaan sugayaa sharcinimada hogaanka doorashada halkan aan u fadhino. Dadaaladii SONYO soo gashay iyo wixii horumar ahaa ayaa sharaf noo ah waxaanan hogaanka cusub kula dardaarmayaa in ay halkaa ka sii qaadaan oo dhallinyarada u shaqeeyaan. Annaga ka gole ahaan waxa nugu waajiba in aanu wareejino xilkii iyo taladii aan idiin haynay kuna wareejin doono masuuliyiinta aad soo doorataan”.Intaa kadib waxa la guda galay in ay ergooyinka madasha fadhiyey doortaan 19-xubnood oo noqon doonta Hogaanka sare ee dalladda SONYO ee Toddobaad ee labada sanadood ee soo socota iyada oo markii ugu horraysay Gobolka SOOL loo kordhiyey xubnaha ay ku lahaan jireen Golaha sare oo dhammaa 2 xubnood doorkana laga dhigay 3 xubnood. Markii shirweynuhu u codeeyey 19 xubnood ee Golaha sare ee SONYO waxa doorasho aanay cidi isla soo sharrixin halkaasi cod aqlabiyad ah loogu doortay Mudane Siyaad Cumar Cali oo ka soo jeeda Ururada dhallinyarada Gobolka Awdal kaasi oo noqonaya Guddoomiyihii ugu horreeyey ee soo mara SONYO ee ka soo jeeda Gobolka Awdal. Intaa kadib xubnaha la doortay ee Golaha sare sida dastuurka SONYO dhigayo waxa ay iyagu iska dhex doorteen Guddoomiye ku xigeen kaasi oo doorasho aan cidi kula tartamin uu ku guulaystay Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka mid ah Ururada dhallinyarada ee Gobolka Sool gaar ahaan caasimadda Laascaanood, taasi oo noqotay taariikh kadib markii ugu horraysay 13-sanadood oo SONYO jirtay in markii ugu horraysay guddoomiye iyo ku xigeen ak soo kala jeeda Gobolada Awdal iyo Sool ay hogaanka u qabtaan dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO.
Guddoomiyaha cusub ee SONYO loo doortay Mudane Siyaad Cumar Cali oo madasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay ergooyinka kalsoonida siiyey isaga oo sheegay in uu dadaalkiisa oo dhan isugu gayn doono sidii uu SONYO halka ay maanta taagan tahay uga sii qaadi lahaa. “Sharaf weyn ayay ii tahay in aad codkiina i siiseen. Taariikh weyn ayaad samayseen iyada oo markii ugu horraysay aad doorateen xubno ka soo jeeda darafyada Somaliland tani waxa ay muujinaysaa wax wada lahaanshaheena. Waxa ay na siinaysaa kalsooni aan dhallinyarada ugu adeegno. Xubnaha kooban ee innaga maqnaaday waxaan ku dadaali doonaa in aan keeno SONYO. Dalladdani waa mid tisqaaday oo aan marnaba looga baqanayn in ay xagal daacdo. Waa ballan in aan xubnaha yar ee innaga maqan si sharaf leh kalsooniddooda u heli doono maadaama intii badnaydba na siiyeen”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee SONYO Md. Siyaad Cumar Cali.
Xasan Siciid oo ka mid ahaa golihii SONYO ee hore ahna xubin ka mid ah aasaasayaasha dalladda SONYO ayaa madasha keenay saddexdii xubnood ee kali ahaa ee ka maqnaa Golaha sare kuwaasi oo ka soo jeeda Ururada Hargeysa. Mudane Xasan Siciid waxa uu sheegay in isaga oo imtixaan xarunmta CSI kaga jira uu maqlay in shirkii sidan u dhacayo maadaama aqlabiyaddii sifo sharci ah isku raacday in badana uu xog ogaal u ahaa SONYO uu soo dhammeeyey xubno saddex ah oo Hargeysa ka dhinaa ahna xubnihii maqnaa kuwaasi oo sidaa ku buuxiyey dhammaanba tiradii Golaha sare ee SONYO.
Intaa kadib Guddoomiyaha xilka ka tagaya Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani oo hadalo dardaaran iyo hogo tusaalayn ah madasha doorashada ka soo jeediyey ayaa hogaanka cusub kula dardaarmay in ay dadaalkooda oo dhan isugu geeyaan sidii ay dalladda halka ay maanta taagan tahay uga sii qaadi lahaayeen isaga oo u duceeyey in ilaahay ku asturo xilkaa ballaadhan ee ay u qaadeen dalka iyo dadkoodaba.
Si kastaba ha ahaatee sida dastuurka dalladda SONYO dhigayo muddo 30 maalmood ah kadib ayuu Guddoomiyaha cusub Md. Siyaad xilka kala wareegi doonaa Guddoomiyaha Hore Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani.
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Nabad sugida Somaliya oo sheegtay in Maraykanku Dileen Madaxii Amniyaadka Alshabaab

$
0
0

Saakow(Waaheen) war ka soo baxay Sirdoonka Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in duqayntii ciidamadda Maraykanku ka geysteen Jubadda Dhexe lagu Dilay Madaxii Amniyaadka Alshabaab C/naasir Xasan Barakow oo ku magac dheeraa Tahliil.
Dilka Tahliil ayaa la sheegay in uu dhawaan xilka kala wareegay Madaxii Amniyaadka Sakariye Ismaaciil Xirsi, kaasoo dhawaan ciidamada Somaliya qabteen.
Xukuumadda Maraykanku illaa hada wax war ah kamay soo saarin Dilka, waxaanay sheegtay inay baadhitaan wali ku wado khasaaraha ka dhacay weerarkaasi.
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Pentagon confirms killing of high-ranking al-Shabaab member in Somalia

$
0
0

WASHINGTON, Dec. 31 (Xinhua) -- The Pentagon confirmed Wednesday that a high-ranking member of the al-Shabaab militant group in Somalia was killed in a U.S. airstrike days ago. Tahlil Abdishakur, chief of al-Shabaab's intelligence and security wing, was ...
Weblinks: 

Somalia: 2014 sees weakened Al-Shabaab, newborn Somalia

$
0
0

Somalia, a troubled Horn of Africa nation that has not known peace since 1991, made significant military and economic headway in 2014. President Hassan Mohamud had promised that 2014 would see the end of Al-Shabaab, an Al-Qaeda-linked militant group that ...
Weblinks: 

US confirms killing Shebab intel chief in Somalia

$
0
0

WASHINGTON: The US military on Wednesday (Dec 31) confirmed killing the intelligence chief of Somalia's Shebab militants in an air strike this week, saying it dealt a setback to the Al-Qaeda-linked group. Somalia's government had already announced that the ...
Weblinks: 

U.S. says strike killed Somalia terrorist leader

$
0
0

(CNN)-- A U.S. airstrike has killed the head of intelligence and security for the Al-Shabaab terrorist organization in Somalia, Tahlil Abdishakur, the Pentagon said Wednesday. Unmanned aircraft fired Hellfire missiles at a vehicle carrying him near Saakow ...
Weblinks: 

SOMALIA: Duo Grenades Hurled to Radio Galkacyo slightly Wounds two Journalists

$
0
0

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns the double grenade attack at the Radio Galkacyo on Wednesday evening around 7:30pm local time by unknown assailants, in which two journalists were slightly wounded. The Journalists; Shiine Abdi ...
Weblinks: 


U.S. confirms drone strike killed al Shabaab leader in Somalia

$
0
0

Rear Admiral John Kirby, the Pentagon press secretary, said in a note on Twitter the department could now "confirm that Tahliil Abdishakur, chief of al Shabaab's intelligence and security wing, was killed in a U.S. air strike in Somalia on 29 December.
Weblinks: 

Pentagon confirms that airstrike killed a top al-Shabab leader in Somalia

$
0
0

WASHINGTON — The Pentagon says a U.S. drone strike in Somalia on Monday killed a senior leader of al-Shabab, an al-Qaida-affiliated group responsible for terrorist attacks in Somalia and neighboring Kenya. Confirmation came late Wednesday morning in a ...
Weblinks: 

Two journalists injured in grenade attack in Somalia

$
0
0

Two journalists have been wounded following grenade attack at a radio station in central Somalia. The journalists, working for Radio Galkacyo, suffered injuries when an unknown assailant hurled two grenades at the station's premises Wednesday evening ...
Weblinks: 

Pentagon confirms airstrike killed al-Shabab extremist group intelligence chief in Somalia

$
0
0

WASHINGTON – The Pentagon is confirming that a U.S. airstrike killed the intelligence chief of the al-Shabab extremist group in Somalia. In a brief statement Wednesday, the Pentagon said the strike killed Tahlili Abdishakur ('taw-leelee obdee-shawkoor ...
Weblinks: 

60 Soomaali ah ayaa Lagu Diley Koonfur Afrika 2014 – magacyadooda halkan ka akhri…

$
0
0

K/Afrika : Imisaa la diley ? Tirada Soomaalida la dilay Iyo Dukaamaha La Boobay 2014‏, Akhriso Magacyada ….
Tirada Soomaalida ee sanadka 2014 lagu diley dalka Koonfur Afrika yaa gaaraya heerkii ugu hooseyay marka loo eego tirakoobyo lagu kalsoonyahay oo la sameeyay sanadahii tagay, dhanka kale, dhaca iyo boobka ayaa heerkoodu aad u sareeyay, iyada oo ay dhaceen gabood falo kale oo aad u fara badan.
Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo kaashanaya Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka K/Afrika (Somali Community Board) oo uu horkacayay Gudoomiyaha Jaaliyada Md; Caamir Sheekh ayaa sameeyay tirakoob guud oo ku saabsan Soomaalida sanadkan dhamaday lagu waxyeeleyey dalkan Konfur Afrika. Tirada guud ee sanadkan la dilay ayaa gareeysa ku dhawaad 60 muwaadin oo soomaali ah iyadoo la dhawacay in ku dhow 28 qof, kuwaasi oo dhawacyo kala duwan ay kaso gaareen rasaas, toreey iyo gubniin hasa ahaate dadka la dilay dhamantood waxa ay ku dhinteen guud ahaan dalka oo dhan,
Sido kale ku dhawaad 330 goobood oo ganacsi ah ayaa la boobey, halka kuwa kalane la dhacay waxaana k/afrika mar waliba ka dhaca gabood falada ama tacadiyada ka dhanka ah ajaanibta dalkan ganacsiyada kala duwan ku leh oo ay soomaalida ugu horeeyso waxaana boobkii ugu darna uu sanadkan ka dhacay gobolka Guateng oo ah gobol barwaaqo sooran ah oo xarumaha dowlada ay ku yaalan sida Madaxtoyada.
Ganacsato badan oo soomaali ah ayaa waxay sabab u ahaayeen in dhacdooyinkii sanadkan dhamaday lagu wax yeleeyo kadib markii muwaadhiniin Soomaali ah ay gacan qaad ku waxyeeleeyeen dad u dhashay Koonfur Afrika, taasina ay ka dhalatay carro iyo gadood horseedey in Soomaalida la waxyeeleeyo.
Sababaha kale ee dhibaatooyinka loo tiirinayo waxaa ka mid ah is dhexgal la’aan Soomaalida iyo muwaadhiniinta, isfaham xumo, aqoon la’aanta luuqadaha maxaliga ah ee wadanka looga hadlo, iyo waliba Soomaalida oo aanan helin wacyigalin ku saabsan bulshada ay ku dhexnoolyihiin ama wax loo yaqaano (Orientation) ee la mariyo Soomaalida u haajiraya wadamadda Galbeedka.
Dhanka kale waxaa jira sababo kale oo ay ka midyihiin in ganacsiga ay Soomaalida ku jirto uu yahay ganacsiga obosiibada ah ama aanan dowladda u diiwaangashanayn, deegaanada ay ka ganacsadaan oo ah goobihii lagu karantiilo jirey dadka madoow xiligii midabtakoorka halkaasi oo ay ku badanyihiin dambiyadda, islamarkaasina ku yaryihiin saldhigyadda Police-ka.
Si kastaba, arrimaha waxaa uga sii daraya Soomaalida oo marka dambiyo laga galo aanan iyagu ku samaynin wax dabogal ah iyo waliba marqaati fur ah marka maxkamadda la keeno qofkii dambiga geystey, taasina ay keento in dambiilihii la siidaayo maadaamaa aysan jirin caddayn iyo cid ku marqaati kacaysa kadibna uu geysto dambiyo kale oohor leh, waxaanse marnaba la inkiri karin ajnabi nacaybka ku dhex bulaalay bulsh weynta Koonfur Afrika balse dowlada k/afrika oo muujisay feejignaan dheer iyo ka hortagid burcada ajaanibta weerarta ayaa u muuqata inay ku guleeystay inay xadidaan dhacdooyinkii foosha xumaa ee k/afrika mar waliba ka dhaci jiray iyado xabsiyo ku yaala k/afrika ay ku jiraan kooxo burcad ah oo danbiyo culus lagu helay sida beegsiga ajaanibta gaar ahaan soomaalida kuwa oo xabsi daa’in qaarkood lagu xakumay.
Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Dadkii Soomaalida ahaa Ee Sanadka 2014 Lagu Dilay Dalka K/Afrika.

January 27-2014 waxaa magalada Pretoria lagu dilay alla ha u naxaristee ganacsade Axmed Haadi Fareey oo si weyn magaladaasi looga yiqaanay.
January 29-2014 C/qaadir Maxamed Cumar waxaa lagu dilay xaafada New Brighton oo ay daganyihiin dadka madowga ah ee k/afrika,
February -20-2014-Magalada Durabn Ee Gobolka Kwazulu-natal Ayaa Xili fiid rag burcad ah oo hubeeysay dukaankiisa ku dhax dileen muwadin soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Osmaan Faantooy kaasi oo si weyn looga yiqanaya magaladaasi waxana burcad hubeysan oo ugu gashay dukaankiisa ay ku dhufteen ilaa sadax xabadood iyago ka baxsaday goobta markii ay dilka fuliyeen mana jirta wax dhaca ah oo ay burcad dukaanka u geysteen.
February 20-2014 Burcad k/afrikan ah ayaa magalada king williams town Ee Gobolka Eastern Cape xili habeen ah Ku dilay alla ha u naxaristee marxuum lagu magacaabi Jiray Abdi Budxul oo ahaa ganacsade soomaaliyeed kaasi oo dadka degaanka si weyn u garanayeen,
April 17-2014 Alla Ha U Naxariistee Marxuum Jeelle Maxamed Jeelle Oo Burcad Koonfur Afrikaan Ah Ay Ku Dileen Duleedka Magalada Port Elizabeth Ayaa Lagu Aasay Qaburaha Muslimiinta Ee Magaladasi Ku Yaala Iyado Aaska Lo Sameeyay Boqolaal Ganacsato Soomaali Ah Ay Ka Qeyb Galeen.
April 8-2014 Tuulada Soshanguve ee dhacda duuleedka magaalada Pretoriaee dalka Koofur afrika Waxa lagu dilay mawaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xakiin Faarax ( Carabey )
May 02-2014 Kooxo burcad k/afrikan ah ayaa labo ganacsata soomaali ah ku dilay tuulada mathulo ee duleedka magalada johannesburg waxaana lagu kala magacabi jiray Shaafici xasan nuur iyo Abdirsaq abdulahi xasan iyado kooxda burcad ay ku dhax toogteen dukaan ganacsi oo ay jogeen.
Sido kale alaha u naxariistee Budul Daahir Cabdi ayey burcad hubeeysan toogteen waxaana isla goobtaas lagu dhaawacay C/raxmaan Maxamed Faarax (Cabdiyare) magaalada Durban ee gobolka kuwazulu natal ee wadanka Koonfur Afrika
May 23, 2014 -kooxo burcad ah ayaa toogtay marxuum ganacsade Salaad Xagaleey waxaana burcadda dishay ganacsade Salaad Xagaleey la sheegay inay isku dayayeen inay dhacaan dukaan uu alaab u waday marxuum oo uu lahaa ganacsade Soomaali ah, waxaana la sheegay in marxuumka uu ku dhagay mid ka mid ah Burcadda,iyadoo uu kor ka toogtay mid ka mid ah Burcadda waxaana dilka saxafada u xaqiijiyay ganacsade Mustaf Cali Muudeey oo kamid ahaa ragii goobtay gaaray dilka kadib,
May 27/2014 Afar muwaadin oo soomaali ah ayaa lagu gubay degaanka Denver ee dhaca duleedka magalada Johannesburg ee dalka Koofur Africa.
Muwadinintan Soomaalida ah ee la gubay ayaa Dabka la qabadsiiyay kadib markii kooxo burcad ah ku weerareen dukaan ganacsi oo ay jogeen mawaadiniitaan
Gubniinka ayaa la sheegay in loo adeegsaday Nafto lagu daadiyay dukaanka ka hor inta aan Dabka lagu qabanin waxana amuurtan ay ka danbeeysay kadib markii muran uu so kala dhax galay milkiilaha gurga dukaanka uu ku yaala leh iyo ganacstada dukaanka laeyd taasi oo ugu danbeeyntii sababtay in dukaanka dab la qabadsiiyo xili ay muwadininta soomaalida a gudaha ku jireen.
09 June 2014 “marxuum Sharif Shukri,oo ahaa nin oday ah si weyne loo yiqaanay ayaa dad careeysan xili habeen ah si xun ugu dileen degaana Mamelodi ee duleedka caasimada pretoria isago gurmad ahaan ugu tagay ganacsato soomaali ah oo la boobayay dukaama ay lahayeen waxaana dilkiisa loo adeegsaday dhagax iyo garaacid loo geeystay kaasi oo meydkiisa xili subax ah laga helay dhul keyn ah oo degaana Mamelodi ku yaala ,waxaana islamarkiiba ka hadlay dilkaasi afhayeenka police-ka degaanka Mamelodi Col. Noxolo Kweza kaasi oo saxafada gudaha u xaqijiyay dilka sido kale waxaa dilka foosha xun si kulul ugu hadlay Huud Badru-Diin oo kamid ah raga u dooda xuquuqda jaaliyada soomaalida ee ku nool dalka k/afrika,iyado dilka foosha xun oo dad badan so xusuusiyay dil noocan oo kala ah oo sanadkii 2013 magalada port elizabeth ka dhacay oo loo geeystay Abdi Nasir Mahmoud Good oo dad,diisu aheyd 25-kaasi oo dhagax iyo baangad nafta looga qaaday,
June 23, 2014 Deegaanka Strand oo hoos tagta Magaalada Cape Town waxaa lagu dilay ganacsade soomaali ah oo caan ka ahaa magalada cape town kaasi oo lagu magacabi jiray xaamud sheikh axmed sheikh cali, oo dadiisa lagu sheegay 30 sano jir,burcada fulisay dilka wax dhac ah ma aysan u geeysan marxuumka iyagoona goobta ka baxsaday markii ay hubsadeen in uu geeriyoday marxuumkii ay gardarada ku maageen.
August 4, 2014 Tuulada Elsies ee duleedka magaalada cape town ee dalka koonfur Africa waxaa goob ganacsi ah horteeda lagu toogtay labada ganacsato soomaali ah ee kuwa oo lagu kala magacabi jiray jiray C/naasir Maxamed Tooxow iyo cabdi qani waxa ayna ka mid ahaayeen ganacsatada sida weyn looga yaqaano magaalada cape town ee dalka koonfur Africa waxaana lagu dhax toogtay gaari dhaxdiisa xili ay ku shekeysanayeen kaasi oo yaalay afaafka hore ee dukaankooda.
Qaar kamid ah ganacsatii soomaalida ah oo u gurmaday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Allaha u naxariistee C/naasir Maxamed Tooxow oo looyaqaanay c/naasir janagale iyo cabdi qani ay ka danbeeyeen rag gangistara ah oo xaafadasi si weyn looga yiqanay kuwa oo muda labo sano ka hor ay xurguf dhaxmartay taasi oo raga gangiska ah dacwo laga gudbiyay xabsi ay ku muteysteen iyago markii ay xabsiga so dhameysteen falkan dilka ah ku fuliyay soomaalidii dacweysay.
Isla Bishaas Tuulada Phillipi waxaa lagu dilay muwaadin soomaali ah iyado la dhawacay sadax kale waxaa saxafada u xaqijiyay gudoomiye ku xigeenka jaaliyada soomaalida cape town ee Save Somali Community, Cabdi Calas Guure, oo goobta gaaray waxaana uu sheegay in Wiilasha la dhaawacay Saddex ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato xiligaas gurmad cafimaadne lo fidiyay,
August 13 -2014/ Muwaadin Soomaali ah oo aan la garan wayay magaciisa ayaa meydkiisa laga heley duleedka magaalada Durban kaasi oo isna sida muuqato la khaarijiyay iyado si xun madax looga bur buriyay.
Sido kale horey dad Soomaali ah oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen balse la helay markii danbe meydkooda iyago la dilay waxaana sido kale ganacsade muda la waysanaa meydkiisa laga helay duleedka magalada Port Elizabeth kaasi oo gariga uu watay la gubay
14 August-2014, Tuulo hoos timaada magalada Port Elizabeth ee dalka k/afrika ayaa rag burcad ah oo hubeeysan xili fiid ah waxay ku toogteen dukaan uu ka shaqeyn jiray marxuum ganacsade C/fataax muxumed sh.c/laahi tahliil kaasi oo dhowr xabadood oo ay burcada ku dhifteen u geeriyooday,
Sep-11-2014 Duleedka magalada rastenburg waxaa lagu kharijiyay alla ha u naxarsitee ganacsade magaciisa lagu so koobay mukhtaar kaasi oo dilkiisa ay ka danbeyeen kooxo k/afrikaan ah
Oct 24 2014 ,marxuum Farah Dahir Badul oo 32-jir ah,ayaa lagu toogtay tuulo ku taala duleedka magalada durban iyado sido kale la dhawacay ganacsade lagu magacaabo Abdirahman Mohamed Farah oo 28-jir ah.waxaana arintaasi ka hadlay xiligaas Afhayeenka Boliska, Gaashaanle Thulani Zawane kaasi oo xaqiijiyey in labadaasi la toogtay, kadib, markii ay kooxo hubeysdan oo aan la aqoonin ay qori caaradiisa ku dhaceen hantidii iyo sigaarkii yiillay Dukaanka ragga Soomaalida ee mid la dilay, midna Isbitaalka la dhigay dhawac soo gaaray aawgeed,
October 23, 2014, waxaa degaanka isku raranka ah ee Khaalija kuna yaala magalada Cape Town lagu dilay marxuum Cali Axmed Cadow waxaana dilkiisa uu yimid kadib markii kooxo burcad ah oo dhac u geeysan rabay ay isku dayeen inay hadal ku qanciyaan balse rasaas lagu furay,
November 9, 2014 Magalada porta elizabeth waxaa lagu dilay alla ha u naxaristee oday soomaaliyeed oo caan ka ahaa magaladaasi kaasi oo muda dheer ku noola waxaana lagu magacabi jiray Xasan Faarax Maxamed.(Xasan Xuuf) oo da,diisane aheyd 65 jir burcad hubeeysan ayaa u sheegay in gaari uu laha ay rabaan inay ka iibsadaan kadibne inta ay meel banaan geysteen madax ka toogteen.
14-November 2014, Duleedka magalada Johannesburg waxaa lagu dilay alla ha u naxarsitee Marxuum cali shekeeye iyado sido kale dhawac halis ah lo geeystay muwaadin kale oo lagu magacabo cali madoobe waxaana weerarka geeystay rag hubeeysan oo sida la sheegay watay gaari yar oo nooca dheereya ah oo baxsaday markii ay weerarka fuliyeen,
29-November alla ha u naxarsitee abdisalaan muhudiin iyo Mohamed Hassan ayaa qoorta laga jaray iyago dilkooda lo adeegsaday toreey xili habeen ah kadib burcad k/afrikaan ah oo dukaan ay jogeen ugu galay.
Dec 17 2014 magalada Mthatha waxa lagu dilay allaha u naxariiste Marxuum Maxamad Cabdilahi Abdi xilli uu goobtiisa ganacsi ku sugnaa.
Dec /20 2014/ Ugu yaraan ilaa shan Qof ayaa lagu dilay Koonfur Africa Todobaad gudahiisa taasi oo walwal hor leh ku abuurtay ganacsatada Soomaalida, laba ka mid ah ayaa lagu dilay hal dukaan oo ku yaala tuulada Nashville ee magaalada Port Elezabeth ee Gobolka Eastern Cape halka laba kale iyagane lagu dilay Tuulooyinka Mashashaani iyo Blad Riva ee magaalada Polokwane ee Gobolka Limpopo halka midka kale isagane lagu dilay tuulo hoos timaada magaalada Cape Town ee Gobolka Western Cape.
Shantani ruun ayaa la xaqijiyay in si isku mid ah loo weeraray iyadoo falkaasi uu dhacayey xili danbe oo habeen ah oo ay hurdayeen Muwaadiniinta qaarkood iyo Xilli danbe oo Fiidkii ah iyadoo midkood lagu dhuftay 7 Xabo markii ay nafta ka bixi waysana ayey qoorta kaga jareen midi taasi oo argagax horleh ay ka qaadeen dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada Tuulooyinka.
Gudoomiyaha Jaaliyada Somali Community Board ee Gobolka Limpopo Mudane Daahir Hilowle Xasan oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee u gurmaday markii uu falkani dhacay isla markaana ka qeyb galay aaska marxuumiinta oo aan la xiriirnay ayaa sharxay qaabkii ay wax u dhaceen iyo sida ay jaaliyada u aragtay. Wuxuuna sheegay in labadani wiil dilkooda uu si isku mid ah u dhacay iyagoo la soo weeraray saq dhexe habeenkii iyagoo hurda.
Midka hore ayaa waxaa la jiifay wiil kale oo Soomaaliyeed oo markii tuugada ay soo dhaceen isla markaana ay dileen mid ka mid ah muwaadiniina ay kan kale ku amreen in uu keeno lacagta iyo waxyaabaha kale ee fudfudud sida kaararka taleefoonada lagu shubtay halka midka labaad isaga kaligiisa uu jiifay meeshana lagu dilay.
Sidoo kale laba muwaadin oo midkood ahaa milkiilaha dukaanka iyo midkale oo ka shaqeynayey ayaa isku meel lagu dilay iyadoo midkood la isugu daray toorey iyo xabad sida uu sharxayo Sheekh Shaakir oo ka mid ah Culumada ugu caansan magaalada Port Elezabeth isla markaana ka qeyb galay aaska marxuumiintani.
“Waxay aheyd Xili danbe ee fiidkii ah oo dukaanka albaada la isugu laabi rabay waxana la soo weearay laba nin iyo gabar Soomaaliyeed oo ku sugnaa dukaanka dabadeed waxaa la bilaabay in la dilo wiilasha gabadhiina halkaasi ayey ka baxsatay waxana la dilay labadii kale.
Marxuumiintani ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Sheekh Xasan, C/rashiid Cali, Yaasiin Xuseen Rooble, Saciid Ibraahim Mocalin iyo marxuumka kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey C/laahi Biibaaye Dhamaantood waxaa la dilay Todobaadkani waxaana lagu dilay Goobtooda ganacsi Mana Jirto cid loo soo qabtay dilalkaasi iyadoo booliska Koonfur Africa ay ilaa hadda daba gal ku hayaan dadkii falkaasi ka danbeeyey oo aanan jirin Raad loo raaco
28,Dec 2014 Degaanka karafontain ee magalada cape town kooxo burcad ah ayaa toogtay marxuum nuur bashiir xasan (Nuur Biindo )oo ahaa milkiile dukaan oo dadka degaanka si weyn u garanayeen waxaana burcada inta aysan dilin hajnabad u jeediyeen iyago u sheegay inay dili doonaan kuwa oo ugu danbeeyntii toogtay ,saacada kadib police-ka k/afrika oo goobta tagay ayaa su,aala weydiyay dadkii goobta joogay waxaana police-ka ay so bandhigeen sawiro ragii dilka fuliyay inay bar garanayaan kuwa oo mid kamid ah raadkiisa la helay ,
December 29, 2014-Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhagaweel ayaa lagu dilay magaalada Giyaani ee gobolka limpopo ee dalka Koonfur Afrika Kooxda dilka geeystay oo isu soo ekeysiiyay macaamiil wax ka iibsanaya dukaan uu ganacsadahaasi gadayay ayaa geystay dilka ganacsadahaas, kuwaasoo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday.
Sido kale guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Limpopo C/naasir Maxamed Sheekh ayaa saxaafadda u sheegay in la bar garanayo burcadda dishay marxuumkaasi, isla markaana ay la shaqeynayaan ciidamada Booliska si gacan loogu soo dhigo ragga dilay ganacsadahaas.,
Waxaa xusid mudan in ganacsato soomaali ah oo dhawacyo halis ah kaso gaareen burcad hubeeysan qaarkood u geeriyodeen halka kuwa kalane ay bogsadeen kadib daweeyn lala taacalay iyado dhacdooyinkan ay siyaaba kala duwan uga dhaceen daafaha wadanka oo idil,
Sanadkan sii dhamanaya soomaali badan ay sabab u ahayeen dilal kala duwan oo dhaxdooda ka dhacay iyado la xaqijiyay in tiro ku dhaw ilaa 12 soomaali ah ay dhaxdooda is dishay kuwa oo ka kala dhacay magalooyinka cape town,port elizabeth johannesbur,pretoria,durban iyo iyo gobolka limpopo.
Si kastaba Tirada guud ee sadaxdii sano ee laso dhaafay soomaalida lagu dilay dalka k/afrika ayaa waxay kor u dhaafeeysa 240 muwaadin soomaali ah kuwa oo isugu jira milkiilayaal dukaan,shaqaalo iyo dad garab ku xamalata ah waxaana lagu dilay daafaha dalka mii ilaa magaalo waxaana boob loo geeystay in ku dhow 700 boqol oo goobood oo ganacsi halka kuwa kala oo la dhacayna aysan tirakoob lahay.
Waxaa Sida Wada Jir Ah Warbixintan U Diyaariyay jaaliyada soomaaliyeed ee k/afrika (Somali Community Board) iyo Wariyayasha Kala Ah.
Omar Kiyow.
Abdulkhadir AhadOmarkiyow@gmail.comaxad57@gmail.com
Johannesburg –
K/Afrika
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live