Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dhaawac culus oo soo gaaray wasiir ka tirsan Maamulka AXMED MADOOBE !!!!

$
0
0

Addis-Ababa (Caasimada Online) - Wararka aan ka heleyno Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dabiibaayo wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Maamulka KMG Jubaland oo lagu magacaabo Abdirashiid Xasan Cabdi Nuur.
Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiir ku-xigeenkaasi uu dhaawac culus kasoo gaaray Shil gaari, waxaana lasoo warinayaa in xaaladiisu ay tahay mid kasoo reyneysa sidii hore, inkastoo la soo sheegayo inuu gaaray dhaawac culus.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa inoo xaqiijiyay in dhaawaca Wasiir ku-xigeenka uu yahay mid culus, balse iminka uu kasoo hagaagayo sidii hore, waxa ayna sheegeen in dhaawaca xoogiisa uu kasoo gaaray qeybta kore ee jirkiisa, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiintaasi.
Wasiirka ayaa xilligan lagu dabiibayaa cisbitaal Meletery oo ku yaala dalka Ethiopia waxa ayna saraakiisha Caafimaadka rajo wanaagsan ka muujinayaan dhaawaca soo gaaray Mas’uulkaasi.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kooxda Al-Shabaab oo isku ballaarisay degmo muhiima oo ka tirsan gobolka…

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al Shabaab, ayaa waxa ay xalay hawlgal ka sameeyen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Baardheere waa Degmada kaliya ay Shabaabku ka jooggaan Gobolkaasi Gedo.
Maleeshiyada Al Shabaab, ayaa fiidnimadii xalay isku ballaariyay wadooyinka Degmada Baardheere, iyagoo qaarkood wata gaadiidka dagaalka.
Maleeshiyada ayaa su’aalo weydiinaaya dadka qaar ee wadooyinka adeegsanaaya, waxaana la arkayaa inay wax ka weydiinayaan halka ay ka yimaadeen, waxa ay qabtaan iyo goobaha kale ay ku sii jeedaan.
Ilaa iyo hadda lama soo sheegin cid ay Shabaabka soo xir xireen, marka laga soo taggo hawlgalka dadka su’aalaha lagu weydiinaayo, ee ay ka wadaan wadooyinka Degmadaasi Baardheere.
Dhanka kale, tani waxay ku soo aadeysaa, xilli mintidiinta Al Shabaab ay toddobaadkii hore dhexdooda ku wada dagaalameen Degmadaasi, markii ay soo baxeen warar sheegaaya in Sakariye Ismaaciil Xersi, uu u gacangalay Ciidamada Dowladda Somaliya.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Israel oo Lacagtii Cashuurta ka Xannibtay Falastiin

$
0
0

Xog: R/W CC oo diiday liis gole wasiiro oo uu soo gudbiyey Xasan + Magacyada

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa iska diiday liis ay ku qoranaayeen golaha wasiirada cusub oo uu madaxweyne Xasan Shekeh u gudbiyey, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.
Liiskan ayaa magacyada ku jiray waxaa u badnaa rag aad ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku jiray golihii wasiirada ee xukuumadda Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo xildhibaano madaxweynaha ka caawiyey riditaankii cabdi Weli.
Magacyada ku jiray liiska waxa ka mid ah:-
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam
Maryan Cariif Qaasim
Faarax Sheekh Cabdulqaadir
Cabdiraxmaan Bayleh
Cabdikariim Xuseen Guuleed
Maxamed Cabdi Maareeye
Daahir Amiin Jeesow
Xuseen Cabdi Xalane
Saciid Jaamac Qoorsheel
Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil
Burci Maxamed Xamza
Daa’uud Maxamed Cumar, iyo qaar kale
Sida Caasimada Online loo sheegay, ra’iisul wasaaraha ayaa weydiiyey madaxweynaha in liiska uu usoo gudbiyey uu yahay amar ama talo soo jeedin, waxaana la sheegay in madaxweynaha ku jawaabay inuu yahay talo soo jeedin.
Si kastaba, ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay madaxweynaha inuusan aqbali karin liiskaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa sida ay wararku sheegayaan doonaya in wasiiradii iyo xildhibaanadii taageersanaa Cabdi Weli uu kusoo daro liiska wasiirada, uuna taas u arko mid wax isku soo dhoweyn karta, kana caawin karta in wasiirada la ansixyo.
Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay in kadib ay wado-hadallo meel dhexe isugu imaad ah u socdeen, lana filayo in wasiirada lagu dhowaaqo, inkasta oo aan la ogeyn inay xal gaareyn iyo in kale.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xog: Xildhibaanada Daarood iyo Dir oo wada qorshe dhabar jab ku ah XASAN

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Dir iyo Daarood ayaa qoraal xambaarsan digniin culus u kala diraya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaarihiisa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, iyadoo la ogeysiinayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Ujeedada qoraalkan oo saxiixoodu ka socdo Muqdisho ayaa ah inaan beelahan loo xuli karin, loona doori karin wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha uga mid noqonaya Golaha wasiirada cusub, waxayna uga didayaan madaxda sare inay qortaan dad aan kalsooni ka heysan xildhibaannada labadaasi beel, isla markaasina aanay isku raacsaneyn. Waxay kaloo qoraaladooda ku caddeeyeen wixii xadgudub ah ee lagu sameeyo rabitaankooda inay ka hor jeesan doonaan.
Qoraalada oo saddexda xafiis ee ugu sareeya la gaarsiinayo ayaa waxaa si kala gaara u qoray inta badan xildhibaannada kasoo kala jeeda labadaasi beelood oo ka mida isbaheysiga kasoo horjeeda madaxweynaha ee la baxay “Golaha Badbaadinta Qaranka” oo ahaa xildhibaanadii taageeray Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed. Labadan beelood ayaa aqlabiyada ugu badan xildhibaanadooda waxay ka horjeedaan madaxweynaha iyo kooxdiisa Villa Somalia ka talisa.
Xildhibaannada kale ee beelaha Shanaad, Hawiye iyo Digil & Mirifle ee ka tirsan Isbaheysiga ayaa iyaga wada dadaal ay ku doonayaan inay qoraalo noocan oo kale ah soo saaraan.
Digniintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Ra’iisal wasaare CCC uu laalay iskana diiday liiskii xubnaha golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha, waxayna arrintu u muuqataa inay xoogeneyso mowqifka adag ee uu qaatay Ra’iisal wasaaraha.
Arrintan ayaa waxa ay caqabad xooggan ku noqon doontaa damaca madaxweynaha ee ah in xubno xeendaabkiisa ku jira uu ka dhigto wasiiro isaga un u shaqeeya, oo aan cid kale dhageysan.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

XOG: Xasan Sheekh oo laba daran mid dooro ay ka heysato golaha wasiirada

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa xaqiijinaaya in Madaxweyne Xasan uu ku jahwareersan yahay qaabka uu u kala xalin lahaa Sii haayaha wasaarada Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre iyo C/llahi Sambaloolshe oo isaguna horay usoo ahaa Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka Qaranka Somalia.
Labadaani Mas’uul oo hal beel kasoo wada Jeeda, ayaa waxa ay u wada tartamayaan ka mid ahaanshaha Xukuumada Cusub, iyadoona uu mid waliba uu kulamo gaar ah la qaadanaayo tiro Odayaal si ay uga helaan taageero, balse nasiib daro Madaxweyne Xasan oo arrintaani ku wareersan ayaa waxa uu labada Mas’uul faray in midkood loo soo Ogolaado in Xubinta beeshiisa loo magacaabo.
Beesha Xawaadle, ayaa iyaduna ku jah-wareersan oo ku kala qeybsan qofkii ay xulan lahaayeen, waxa ayna xubintooda la damacsan yihiin inay usoo wakiishaan Siyaasi kale, balse waxaa taasi hortaagan Madaxweyne Xasan oo isagu aan jecleysan in xilkaasi laga fogeeyo Labada mas’uul midkood.
Xulashada Labadaasi Mas’uul ee xilka isku heysto midkood, ayaa waxa ay hortaala Odayaasha Beesha, inkastoo Madaxweynaha uu ku jahwareersan yahay, maadama hal wasaarad aysan labadaani u qeybsamin.
Wwaxaan la saadalin karin halka ay arrintaani ku biyo shuban doonto, iyadoona madaxweynaha looga fadhiyo in labadaani Mas’uul midkood uu xukuumada cusub kusoo daro. Labada mas’uul ayaa si aad ah ugu dhow madaxweynaha, inkasta oo Sambaloolshe ay qaraabo xagga hooyada ah yihiin.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

CCC oo la kulmay BEESHA Mareexaan xilli la isku haysto wasaarad muhim ah

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa kulan muddo saacado ah qaatay uu la qaatay Odayaasha, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Beesha Mareexaan.
Kulanka oo dhacay shalay galab, ayaa arrimaha ay kaga hadleen waxaa ugu muhiimsan Gobolada Jubbooyinka, magacaabidda Golaha Wasiirada cusub iyo saamiga ay ku yeelan doonto beeshaasi.
Beesha Mareexaan, ayaa waxay si weyn u daneyneysaa inay hesho booska Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliya, waxayna ka soo horjeedaa in la siiyo mid ka mid ah beelaha kale ee Daarood, xilli la lee yahay Madaxweynaha Somaliya wuxuu la doonayaa Xuseen Cabdi Xalane, Sii Haayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu qaatay eedeymo ay u soo jeediyeen dhinacyadaasi, oo ah in uu ku lug lee yahay tallaabada Ciidamada Kenya ku yimaadeen Magaalada Kismaayo, inkastoo uu isku difaacay inaanay arrintu noqon sidii ay qorsheeyeen.
Sidoo kale wuxuu balanqaaday kolka uu soo dhiso Xukuumaddiisa in ciidan kale oo Midowga Afrika ka socdo la gayn doono Magaalada Kismaayo, si Ciidanka Kenya aynaan u noqon awooda Amisom ee ugu xoogan Jubbooyinka.
Waxa kaloo uu balanqaaday in wefdi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano loo diro doono Magaalada Kismaayo, si ay uga soo turxaan bixiyaan marxaladda dhabta ah ee ka jirto. Si Maamulka Jubba loo waafajiyo mid ay ummadu lee dahay, oo aynaan gaar ku noqon cid gooni ah.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, wuxuu sidoo kale sheegay in la dhiso doono Ciidanka Xooga Dalka oo qaab Federalism ah, uga hawlgala Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Ina C/rashiid, ayaa Beesha Mareexaan ka codsaday inay la shaqeyso Xukuumaddiisa, isagoo ku andacoonaaya in laga doonaayo inay dalka oo idil gaarsiiso, doorasho xalaal ah oo ka qabsoomta 20 bilood ka dib.
Kulankaan wuxuu noqonayaa noociisii ugu horeeyay oo Ra’iisal Wasaaruhu, uu la yeesho Beesha Mareexaan, tan iyo markii 17-kii bishii hore ee December loo soo magacaabay in uu noqdo Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda cusub.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DFS oo billaabeysay qorshe hoteellada Muqdisho saameyn doona iyo Ujeedka

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Onlline) – Wararka aan ka heleyn dhanka DF Somalia ayaa sheegaya in Laamaha Ammaanka DF Somalia, ay wadaan qorsho cusub oo ay ku xakameynayaan dhaqdhaqaaqyada Hoteelada Muqdisho.
DF ayaa waxaa la soo warinayaa inay damacsan tahay in gabi ahaan Hotelada Muqdisho ay ka howlgaliso shaqaale iyada u gaar ah oo la socda dhaqdhaqaaqyada dadka Jiifanaaya iyo kuwa ku shaahaya Hoteelka, kadib markii la Ogaaday in Alshabaab ay Magaalada Muqdisho ka degan yihiin Hoteelada.
Qorshahaani ayaa waxaa loo xilsaaray laamaha Ammaanka DF somalia, gaar ahaan Boliska iyo Nabadsugida oo iyagu ku shaqo leh Xaqiijinta Amaanka Muqdisho.
Shaqsiyaadka laga howlgalin doono Hoteelada ayaa muhiimadoodu noqon doonta inay koontoroolan Saraakiisha baxsadka ee Alshabaab, inkastoo aysan dowladu awoodin dhaqaalaha ku bixi kara dadka howlahaasi u qaban doona.
Arrintaani ayaa ka dambeysay kadib markii Maleeshiyaadka Alshabaab looga itaal roonaaday dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Xooga dalka oo dhawaan ka saaray goobo badan, sidaana kusoo galeen Magaalada Muqdisho.Caasimada OnllineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Amisom oo Xamar ka wadda arrin yaab leh oo ay dadka lacag uga qaadaneyso

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaano ay Sameysay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu ogaaday in Ciidamadda Howlgalka Nabad Ilaalinta Amisom ee ku sugan Magaaladda Muqdisho ay ku lug leeyihiin Koronto si sharci darro ah loogu xeray Dadka, kadibna lacag looga qaadanayo.
Afar Xarun oo ay Amisom ku leeyihiin Magaaladda Muqdisho ayaa siiya Adeega Korontada dadka jaarka la ah, ayaga oo ka qaatay lacag bil walba ah, sida Baaritaanka uu muujinayo.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa ka hela Amisom Korontada Sharci daradda waxana ay sheegeen dadkasi iney bixiyaan 10 ilaa iyo 30 dollar Bil kasta, taasi oo markii la isku geeyo lacag badan oo dheeri ah usoo xareysa ciidanka Amisom.
Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho, Xarunta Xalane, Safaaradii hore ee Mareekanka iyo Hotel Curaba oo ku yaalla Degmadda Xamar Weyne waa goobo kamid ah meelaha la magacabay oo ay Amisom ka siiso adeega Korontada Sharci Daradda dadka deegaanka Muqdisho.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sawirro: BEESHA MATAAN CABDULLE oo digniin & diidmo cusub soo saartay

$
0
0

Garas Bintow (Caasimada Online) – Mid kamid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe ayaa ka soo horjeestay nabadoon dhowaan lagu duubay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Kulan ka dhacay deegaanka Garas Bintow oo ay ka soo qeybgaleen oday dhaqameedyo, culumaa’udiin, siyaasiyiin, haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda beesha Mataan Cabdulle ayaa dadkii ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan nabadoonkii dhowaan lagu duubay degmada balcad oo sheegtay in uu nabadoon u yahay dadka degen deegaanka Geed Faqay ee ka tirsan degmada Balcad.
Nabadoon oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in beel aan lug ku lahayn deegaanka Geed Faqay ay sheegtaan in ay leeyihiin taasna ay tahay mid xadgudub ku ah beesha Mataan Cabdulle.
“Waxaan ugu baaqaynaa beesha duubatay nabadoonka in ay ka laabtaan sheegashada deegaanka Geed Faqay oo ah deegaan dadka degan ay yihiin Mataan Cabdulle balse dadka kale ee ku nool aan loo diidanayn inay ku noolaadaan isla markaana ku dhaqmaan.”ayuu yiri nabadoon oo ka hadlayay kulankan.
Dhowaan ayaa lagu duubay magaalada Balcad nabadoon ay leedahay beesha Shiikhaal oo qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda beeshaas ay degen yihiin deegaanka Geed Faqay.
Isha: Jowhar
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia rules out virus outbreak

$
0
0

Somalia's government has confirmed that there are no cases of the Ebola virus in the Horn of Africa nation. Health Minister Ali Mohammed Mohamud refuted local media reports that there was a suspected Ebola case in the town of Buulo Sharey in the lower ...
Weblinks: 

Suicide car bombing in Somalia kills four

$
0
0

A huge car bomb blast has shaken Somalia's capital Mogadishu after a suicide bomber struck an area close to the heavily-fortified international airport, killing four people. A Somali police official said the car bomber rammed an explosives-laden vehicle ...
Weblinks: 

Somalia: Southwest State leader unveils new cabinet

$
0
0

BAIDOA, Somalia Jan 4, 2015 (Garowe Online)-The President of Southwest State administration Sharif Hassan Sheikh Adan has unveiled a 20-member cabinet lineup on Sunday, Garowe Online reports. In a press statement released to the media, politicians and ...
Weblinks: 

Somalia: Suicide Bomber Attacks Troops in Capital

$
0
0

A suicide car bomber detonated his explosives near a convoy of elite Somali troops known as the Alpha Group in the capital, Mogadishu, killing at least four people, a Somali police officer said Sunday. The Shabab militant group claimed responsibility for ...
Weblinks: 

Aqoon-yahanada Koonfur Galbeed ee Dalka Masar oo Bayaan Cad Ka Soo Saaray Magacaabistii Gollaha Wasiirada ee 3-Gobol

$
0
0

Kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Qaahira Aqoonyahano Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey waxa lagu sheegey iney yihiin Wasiirada Dowlad-Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ee Sabtidii Shariif Xasan ku akhriyey Magacyadooda hoygii uu ka deganaa Baydhabo, kulankaani ayaa yimid kadib markii Caro badan laga dhaxlay waxaa uu ku kacay Shariif xasan sheekh aadan oo ah Madaxweynaha 3 Gobol ee Koonfur galbeed oo runtii umada degaankaasi degan soo xasuusiyey dhibaatadii ka dhacdey Goboladaasi tan iyo markii ay burburtey Dowladii dhexe oo beelaha uu wasiirada sida garasho la’aanta ah ugu taxay ay ku kala dembeeyen Burburka, dhaca, kusfiga iyo boobka Goboladasi iyo dadka deggan oo waliba Walidiintii ay laayeen aan caruurtoodi weli qaan gaarin.
Aqoonyahanada caawa kulmey ayaa waxay ku baqeen in si weyn looga hortago Mamulkaasi oo loo diido inuu ka shaqeeyo meel kamid ah Goboladaasi, waxay kaloo ku baaqeen in Aqoonyanada, Waxgaradka, Malaaqyada, Siyaasiyiinta deegaankaasina ay gutaan masuuliyada Akhlaaqeed ee ka saran Bulshadaasi oo mudada dheer ku dulman dhulkooda.
Aqoonyahanada ayaa ugu baaqay Wasiirada uu Magacaabey Shariif Xasan inta dhuulkaasi u dhalatey ee ka damqaneysa dadkooda kuna dambeeya damiir iyo garasho iney ay iska casilaan waxaasi oo u meel dayaan sharaftooda iyo bulshadooda oo aan la safan cadowga boobka u yimid dhulkooda oo ay manta taagantahay dawlad isku sheegii Salbalaar oo dadkii la saftey waagaasi aad ogtihiin Sharaftooda meeshii ay ku dambeysey.
Aqoonyahanadaani ayaa ugu baaqey dadka deegaankaasi kasoo jeeda ineysan ka aamusin dhibaatadaani ee wejiga cusub leh isla markaasina ay badantahay khatarteeda hada iyo Mustaqbalka dheerba.
Waxay hadalkooda kusoo gabo gabeeyeen Aqoonyahanadu in Shacabka reer Baydhabo oo looga bartey Geesinimo iyo in aan xaqooda umad kale loo hibeyn karin ay cod dheer ku diidaan waxaan meesha lagau dhodhoobay oo caalamka tusaan awoooda iyo rabitaanka Bulshada Baydhabo ayagoo ku cabiraya aragtidooda Mudaharaadyo Nabadeed oo gil-gila Baydhabo iyo guud ahaanba Magaalooyinka Gobolada Koonfur-galbeed.
DhamaadKala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Siyaasi WADDANI ka Tirsan Oo Ku Baaqay Tallaabo Dawladnimada Lid Ku ah

$
0
0

Burco (Somaliland.Org)- Badhasaab ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Mr. Guuleed Daahir Samatar oo haatan ah xubin ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shalay shacbiga Burco ugu baaqay in aanay bixin wax cashuur ah, arrintaasi oo ah mid gef ku ah qaranimada Somaliland.
“Waxaan bulshadda Burco ama gobolka Togdheer-ba ugu baaqayaa in aanay noqon cashuur bixiyeyaal oo ay joojiyaan maanta ayaa la leeyahay Madaxweynihii ayaa imaanaya Burco oo ay siigadda innagu qasayaan dawladii hoose Burco, waxba yaan lannagga nadiifin khashin iyo wado toona, waxaan leeyahay cashuurtii waxaa la siiyaa dad ee ka horyimaada oo cashuur dambe ha bixinina,”ayuu ku tiraabay Badhasaab ku xigeenkii hore ee Togdheer oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanu dhawaaqaasi dheg xumo iyo fadeexad kale ku yahay xisbiga WADDANI oo si laf jab ah u turjuntay macnaha mucaaridnimo.
Guuleed Daahir Samatar ayaa hore loogu xidhay sababo la xidhiidha inuu abaabulay falal nabad-gelyadda wax u dhimaya oo bulshadda gobolka kala geynaya, mana aha markii u horeysay ee uu sidan oo kale u hadlo.
XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Aas Loo Sameeyay Sarkaal Ka tirsanaa Booliska NY

$
0
0

Government of Somalia Dismisses Rumors of Ebola Outbreak

$
0
0

The government of Somalia has reassured its' residents that there was no outbreak of Ebola in the country, dismissing rumors that a man had brought the virus back with him from Guinea, where he runs a business. Health Minister Ali Mohamed Mohamud said, "As ...
Weblinks: 

Al Shabaab claims responsibility for Somalia bomb attack

$
0
0

Mogadishu, Jan. Jan 5: Somalia's Al Shabaab militant group has claimed responsibility for Sunday's suicide bomb attack in Somali, which killed at least 6 people and injured several others. "We are targeting convoy of special forces units Alpha Group, and ...
Weblinks: 

“Waa Fool Xumo In Mucaaridku ku Dagaalamaan Weftigii Wada Hadalada Ayaan Nalagu Darin”

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku dooday in xisbiyada mucaaridka ahi ay muuqdaan qaar doonaya inay lugta qabtaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirku waxa uu ku baaqay in mucaaridka dalku ay xukuumadda u dabo-fadhiistan wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse aanay kaga dabo-qeylin xubno lagu daro ergada wada hadalada.Wasiirka oo shalay Xafiiskiisa ugu waramayay Wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu sheegay in ay gef iyo deel-qaaf tahay in qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka Somaliland ay yidhaahdaan hebel baa noo Musharax ah iyada oo uu sharaxan yahay Madaxeynihii Qaranku.
Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlayay aragtidii xisbiyada mucaaridka ahi ku naqdiyeen wada hadaladii ay dhawaan Jabuuti ku yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Horta Somaliland iyo Soomaaliya ugu ma horeeyaan laba dhinac oo wada hadla oo Qaranimadooda ka wada hadla in badan bay Adduunka ka soo dhacday ma maqalno, manaan maqli jirin, mana maqli doontid cid kale oo leh aanu tagno shirarkaa, cidaa Tallada loo doortay ee Qaranka hoggaamisa mooyaane, cida kale looma dooran, Qaranka talladiisa cid baa loo dhiibtay, bal dhinacan kale ee Soomaaliya ka socda imika haddii aad Akhrido ama Daawato Tv-yada, wali ma aragteen cid leh ha na laga qayb galiyo oo Mucaaridnimo ahaan ha na looga qaybgaliyo miyaynu u aragnaa? Waa maya”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa weeyaan tallada ciddaa loo dhiibtay ayaa leh hogaaminteeda, wixii uu Dastuurku ogolaa ayuun baa asaas innoo ah, meel aynu ka duulno, Qaranimadii aynu 1991-kii la soo noqonay ayaa Base-line (saldhig) inoo ah, inta kaa lagu taagan yahayba in Dadku ay ku taageeraan mooyee in ay kaga soo horjeestaan oo lagu mucaarido xubnaha weftigayaga nalaguma darin waa wax aad u fool xun. Ma habboona inaynu Innagu lugta jiidno xukuumadda, waana Qaranimadeenii oo aynu lugta jiidayno, taasina mid meesha ku jirta maaha.”
Wasiirka cadaaladda oo ka hadlayay murrashaxnimada madaxweynaha ee kalkiisa labaad ee dastuuriga ah, waxa uu yidhi “Waxa ay Ummadu wada ogtahay , Madaxweynuhuna uu si cad u sheegay in uu teeramka labaad ee uu Dastuurku u ogol yahay uu u sharaxan yahay Xisbi ahaana ilaa imika ma hayno cid leh Madaxweynaha ayaanu kula tartamaynaa Xisbiga gudihiisa ma ogi, cid kastoo oo hunguri leh waxay ka duulaysaa marka uu Madaxweynuhu labadiisaa teeram dhamaysto ee uu ka calaf qaado, marka ay sidaa tahay Doorashada u soo horaysa ee fooda innagu soo haysa ee qorshaysnayd bisha Juun 2015, haddii Madaxweynaha looga wada hadhay Xisbi ahaan ta innoo xigtaa waa shanta Sanno ee hadhay ugu yaraan markaa cid nolol ku gaadhi iyo duruufi waxay noqon doonto lama oga, markaa ta aynu ka hadlaynaa waxay noqonaysaa ugu yaraan 2020 iyo wixii ka dambeeya, markaa waxaan leeyahay 2020 maanta ka hadalkeeda meeshaba ma yaalo, markaa waxay ila tahay inta hadashay in badan oo aan hadlin oo la hubo in ay hunguri yeelan doonaan, baroortu waxa weeyi 2020 iyo wixii ka dambeeya waxay ila tahay Sarajooga yaynaan ku Ataxiyaadsan ee aynu Fadhiga isla gaadhno Xiligaa iyo wixii nool iyo Xaaladi waxay timaado aynu isla eegno.”
Wasiirka Cadaalada oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu ku kabay intaas “Awoodaa wax kala saarida Musharixiinta waxa iska leh Xisbiyada Goloyaashooda dhexe, ee Nin maanta sii hadlay iyo Nin bari hadli doona iyo Nin Shirka dhexdiisa maalinta uu furmo ku hadlaba xaq bay u leeyihiin inay isa soo taagaan laakiin waxaan leeyahay wakhtigeeda ha la gaadho, arrintana halaga daayo banaanka laga wad-wado ee Reeruhu leeyihiin Hebel baa noo sharaxan, waxaan qabaa deelqaaf baa ku jira.”
Somaliland.org/Hargeysa