Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xaalada magaalada Buur Hakaba oo kacsan iyo dagaal laga cabsi qabo in uu mar kale ka dhex qarxo Alshabaab iyo Xisbul islaam

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buur Hakaba ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka jirto xiisad colaadeed oo aad u kacsan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in magaalada laga dareemayo dhaqadhaqaaq ciidan iyo bawda qaawis ciidameed waxaana gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamada Alshabaab oo raxanraxan u socda halka duleedka magaaladana ay tuban yihiin ciidamadii Xisbul islaam ee halkaas laga saaray.

Xiisadan ayaa ka dhalatay dagaalada soo noqnoqday ee magaalada ku dhexmaray Alshabaab iyo Xisbul islaam waxaana uu dagaalkii ugu dambeeyay ka dhacay halkaas shalay, dagaalkaas oo labada dhinac u geystay qasaaro nafeed.

halgankanet@gmail.com


Rumeyso ama ha rumeysan; idaacada Shabelle Radio oo ku guuleysatay abaalmarinta Xornimada saxaafada

$
0
0

Paris: Idaacada Shabelle Radio ee ka hawlgasha magaalada dagaalada u saaxiibka ah ee Muqdisho ayaa xaflad si heer sareysa loo soo yagleelay kana dhacday magaalada Paris lagu gudoonsiiyay abaalmarin.

Hay'ada Caalamiga ah ee Reportes Sans Frontieres oo ah hay'ada gudoonsiisay abaalmarintan idaacada Shabelle Radio ayaa idaacadan ku sifeysay "calaamad geesinimo", waxaana sidoo kale idaacadan loo aqoonsan yahay mid ka mid ah idaacadaha gaarka loo leeyahay kuwooda loogu qadarin ogyahay.

"Hagardaameynta joogtada ah ee ay ku hayaan xoogagga islaamiyiinta ah ee la dagaalama dowladda iyo madaafiicda ka soo dhacda dhanka ciidamada dowladda ee  marmar ku dhaca xarunta idaacada ka sokoow waxay weli u sii halgameysa sii jirtaanka shaqada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed" Reporters Sans Frontiers.

Cali Cabdiga Shabelle ayaa abaalmarintan ku tilmaamay "sharaf weyn" isagoo dhanka kale hoosta ka xariiqay in ay sii wadayaan halganka ay ugu jiraan hirgelinta Warbaahinta xor ah iyo weliba difaacida xuquuqul insaanka.

Idaacada Shabelle Radio ayaa hadda ka hawlgasha dhanka ay dowladu ka xukunto magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka soo qaxday Suuqa Bakaaraha oo ay maamuleen xoogaga dowladda ka soo horjeedaahi, xoogagaas oo idaacadihii la jaalka ahaa Shabelle sida Horn Afrik xoog kula wareegay.

halgankanet@gmail.com     

Dagaal culus oo saaka dib uga bilowday magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaal culus ayaa saaka ka bilowday magaalada Muqdisho.Dagaalka ayaa u dhaxeeya xoogaga Islaamiyiinta iyo ciidamada dowladda ku meelgaarka ah oo ay kaabayaan ciidamada midowga africa ee AMISOM.

Qaybo ka mid ah degmada Hodan ayaa dagaalku uu xoogiisa ka dhacayay, agagaarka tarebuunka.

Dagaalka ayaa si goos goos ah shalay iyo habeen hore dhacayay.

Ilaa lix qof, ayaa ku dhintay inta la og yahay dagaalka ilaa habeen hore.

20 qof ka badan ayaa la dhigay isbitaalada kala duwan ee magaalada Muqidisho.

Afhayeen u hadlay al-Shabaab, ayaa sheegay in ay
dagaalka kaga dileen ilaa 5 askari ciidamada AMISOM, kuwaasoo uu
sheegay in dhaawac dagaalka ka soo gaaray ay ugu dhinteen xerada Xalane
oo saldhig u ah ciidamada AMISOM.

Hase yeeshee, warkaas ma xaqiijin ciidamada
AMISOM, mana jiro war rasmi ah oo dagaalka ay ka soo saareen ciidamada
AMISOM ama kuwa dowladda ku meelgaarka ah.

 

Xarakada Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaaladii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Af hayeenka u qaabilsan xarakada Alshabaab dhinaca dagaalada Shiikh Cabdilcasiis abuu Muscab ayaa ka war bixiyay dagaaladii ugu danbeeyey ee ay la galeen ciidamada dawladda ku meel gaarka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Af hayeenka ayaa sheegey in dagaaladaasi ay qaadeen cutubyo ka tirsan xarakada shabaabul mujaahiddiin kuwaasoo uu sheegey inay weerar ku ekeeyeen fariisimo ciidamada dawladda iyo kuwa amisom ay ku lahaayeen degmada Hodan xaafadajeeda  isla markaana ay si weyn u naafeeeyeen difaacyadii ciidamada dawladda iyo kuwa amisom ee ku sugan fariisimadaa.
Abuu Muscab ayaa sheegey in tiro ciidamada AMISOM ah in ay halkaa ku dileen tiro kalena ay dhaawaceen isagoona sheegey wararka ay ka helayaan ilaha caafimaadka ee AMISOM in tiriada dhimashada ciidamada AMISOM ay gaareyso illa toban askeri waa siduu hadalka u dhigaye kuwaasoo uu sheegey in qaarkood ay ku dhinteen Isbitaalka AMISOM ee Xartuntii xalane.
Af hayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay la wareegeen fariisimo istiraatiiji ah oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda iyo waliba saanad millatery oo aad u fara badan.
Sheikh Cabdilcasiis ayaa u duceeyey ciidamada Xarakada shabaab isagoona ku booriyay in ay sii wadaan dagaalka inta cadowga soo duuley ay ka sifgeynayaan dalka waa siduu hadalka u yiriye.
Ma aha markii u horeeyey ee dhinacyada isaga soo hor jeeda siyaasadda dalka SOmalia ay guulo ka kala sheegtaan dagaalaa ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho iyadoo dhowaana afhayeen u hadlay AMISOM na uu sheegay iney guulo ka gaareen dagaal kan ka horreeyey oo ey ku qaadeen kuwa Alshabaab
In kastoo dhinaycadaasu ay guulo milatery sheeganayaan ayaan haddana waxaan jirin cid wax iska weeydiisa khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaraya dadka shacabka ah oo aan iyagu dagaalada wax shaqa ah ku lahayn.
halaganknet@gmail.com

Ciidamada Ivory Coast oo soo weerarary Alassane Outtara

$
0
0

Ciidamada Ivory Coast ayaa hareereeyay Hotel xarun u ah Alassane Outtara oo ah ninka ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ku dhawaaqeen inuu ku guulaystay doorashada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xabado la maqlay,dad goob joogayaal
ayaa sheegaya in ciidamada daacada u ah Laurent Gbagbo, inay
isticmaaleen qoryaha mashiinka laga rido oo baabuur la soo saaray si ay u
qabsadaan jidka aadaya hotelka uu degan yahay Alassane Outtara.

Askar hubaysan oo uu leeyahay Alassane Outtara
oo ay taageerayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ee Qaramada Midoobay
ayaa difaacaya Hotelka.

Laurent Gbagbo iyo Alassane Outtara ayaa
labadaba ku dhawaaqay inay yihiin madaxweynaha Ivory Coast doorashada
bishii hore ka dib.

Maxaad Ka Taqaanaa Jaamacadda Islaamiga ah ee dalka Malaysia? “Warbixin kooban + Daawo Sawirada”

$
0
0

Jaamacadda Caalamiga Islaamka ee Malaysia waa Jaamacad aad u weyn oo ku taalla dalka Malaysia, Jaamacadaan oo ku taalla dalka Malaysia ayaa waxaa dhaqaalo ahaan ku taageera 8 wadan oo ka tirsan wadamada Ururka Dalalka Islaamka (OIC), walow ay maamulaan dad u dhashay dalkaasi Malaysia.

Waxaa la furay 23, May, 1983, Jaamacadan ayaa laga rabay inay noqoto Jaamacad ardayda ay soo saarto yihiin kuwo dhaqan Islaam suuban leh, misena leh waxbarashada maadiga midii ugu danbeysay.

Kuliyadaha ay bixiso Jaamacada ayaa waxaa laga xusi karaa,

1. kuliyada dhaqaalaha
2. kuliyada qaanuunka
3. kuliyada handasada (nooc walbo)
4. kuliyada Diinta Islaamka oo ay hoos imadaan kuliyado badan oo ku saabsan diinta Islaamka sida fiqiga, usuusha, is bar bar dhigida diimaha, luqadaha carabiga, Ingiriiska, taariikhda, saykaloojiyada, siyaasada iyo dhaqanka
5. kuliyada dhismaha
6. kuliyada caafimaadka
7. kuliyada dawada
8. kuliyada kalkaaliyaasha
9. kuliyada sayniska
10. kuliyada sayniska caafimaadka

Jaamacadda waxay leedahay xarumo badan oo ku saabsan tamhiidiga ama foundation-ka iyo kuwo ku saabsan waxbarashada sare sida Masterka iyo PHD-ga, IIUM waxay leedahay sedex xarumood oo waaweyn.

Midda ugu weyn waxay ku taallaa duleedka caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur. Tan labaad waxay ku taallaa magaalada Kuatan oo ah meesha uu kasoo jeeda Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia ee iminka tallada haaya, xaruntaasi waxay maamushaa dhamaan wixii ku saabsan sayniska iyo caafimaadka, halka midda sedexaadna ay ku taallo magaalo ku dhegan Kuala Lumpur, waxayna maamushaa tamhiidiga ama foundation-ka.
 
Si kastaba ha-ahaatee Jaamacadaan oo mid caalami ah ayaa waxaa waxbarasho u joogga arday Soomaaliyeed oo ka kala yimid qeybo kamid ah dacalada caalamka.
 
Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
Kuala Lumpur Malaysia
laacib143@hotmail.com

Labo Codleyn, Caado Soomaali Cadibatey!. Q.3-aad. Qalinkii Bashiir M. Xersi

$
0
0

Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey!. Q.3-aad.

Qaybtii labaad ee qormada waxaan ku qaadaadhignay C/laahi Yuusf iyo C/laahi Sheekh Xasan, halkii ayaanna ka sii amba qaadaynaa, waxaanna sii qodqodayna qabriyada laba codleeyayaasha Soomaalida ka dhexbuuxa, Anagoo ka soo qaadanayna qaarkooda ugu yaabka badan, dhammaan way ka siman yihiin laba jidlaynta, iyo inay dadka maankooda ku ciyaaraan, taasna dadka ayaa ugu wacan, haddiise la dhihi lahaa: “Habaarqabe naga tag!”, ilama ahan inuu heer nagu dhexgaari lahaa, haddaanse maamuus gaara magac iyo mansab aanuu qalmin ugu darayno hubaal inuu halyey isu qaadan!


Waxaan qormadan uga hadlaynaa gudoomiyaha baarlamaanka, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dadka qaarkiis u yaqaaniin Shariif Sakiin, dadka qaarna u baxsheen Shariif la mood, waxaan ku bilaabinaynaa waraysi uu siisay mareegta weyn ee keydmedia, Isagoo yiri: "Anigu waxba ma soo baran!", noogana filan inaan wax badan ka dhahno heerkiisa tacliimeed, Isagoo raaciyey inuu ganacsado ahaa, meeshana ka saaray waxbarasho uu soo qatay iyo heer cilmiyeed uu gaaray!, haddana wuxuu doonayaa inuu hogaamiyo dal iyo dad, hogaamineey xaal qaado, waanse u soo laaban arintan!


Waraysiga wuxuu ku sheegay inuu dugsi quraan iyo dugsi hoose dhigtay kaliya, halkaa waxaa ka cad inuu aqoon dhigaal iyo barasho ka madaw yahay, baaritaan barbardhig iyo tirakoob warkood iskala her!, malaha waa meeshii laga dhihi jiray: “waxaan ka soo baxay jaamacadda waaya aragnimada!”, maadama la yiri: ’”dadku waa sadax, Maan ku Cirroole, Majo ku Cirroole, iyo Madax ku Cirroole!”, haddana sidaa iyadoo ah waxay u badnayd marka sidaa la dhahayey, inay jirtay kala dambayn iyo tixgalin gaara, qofi wax uusan aqoon u lahayn isuma taagi jirin, maantase waxaan taagannahay heer ah: “waan daadshay iyo afkaan ka dayray!” tabaray ba’.


Sida waraysigaba ku sheegay, siyaasadda wuxuu soo galay shirkii Kenya 2004, walina kuma xididaysan iska daa inuu ku dhex qaangaaree, haddana wacdaro ayuu dhigay, waxaana shirkaa loogu doortay gudoomiyaha Baarlamaanka, markaa wixii ka dambeeyey wuxuu siyaasadda uga jiray safka hore, wuxuu noqday xiddig aan dhicin iyo laacib aan caajisin, wuxuu ka dhex muuqday masraxyo badan, Isagoo intoodaba ku lahaa kaalin muuqata, wuxuu noqday joker meel walba gala, boos walbana buuxiya.


Waxaa khilaaf xooggan dhex maray Isaga iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf, bishii may 2005-tii ayuu u soo carooday magaalada Muqdisha, Isagoo soo dhawayn fiican ka helay Wadaadi halaagga horseeday{Maxkamadihii}, una noqday afhayeen iyo feker bixiye, wuxuu meelaha war wareego C/laahi Yuusuf iyo dawladdii empagathina dhaliilo, bishii June 2005-dii ayuu heshiis la galay madaxweyne C/laahi Yuusuf, heshiiskaa oo ka dhacay magaalada Saba ee dalka Yemen, loona arkay in Shariif Xasan Sheekh Aadan laaluush lagu harqiyey, haddaan si kale u dhahno wuxuu qaatay sandareerto siyuu ugu soo laabto xerada Xabaalbadiye{C/laahi Yuusuf}, mayee xerada xigaaalada Xabashida, heshiiskaas Xabashida waxaa wakiil uga ahaa dawladda Yemen oo ay ku bahoobeen wiiqidda Eretria, iyo inaan Soomaali xarig u xirmin!.


Baarlamaanka ayaa magaalada Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidmao shisheeye,  Shariif Xasan Sheekh Aadan ma sheegin in cod la qaaday iyo in kale, wuxuuse sheegay tirada diidday iyo tirada ogaalatay kaliya, waxaanna wada xasuusanna kal fadhigii caanka ahaa ee ka dhacay Kenya, march 2005-tii oo lagu diiday anxisinta ciidan shisheeye, kuraas iyo feerna la isu adeegsaday, in Shariif Xasan Sheekh Aadan labada kal fadhiba shir gudoominayey, malaha markan dambe waxaa saaqday sunta suuxiska xigaalada xabashida!


January, 2007-dii Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa laga xayuubiyey xilka gudoomiyaha baarlamaanka!, waxaana lagu badalay Sheekh Aadan Madoobe, hase yeeshee waa caadada Soomaalidee gaashaanka ayuu u daruuray, Isagoo diiday xil ka qaadistaa, kuna adkaystay inuu yahay gudoomiyaha xaqa ah ee baarlamaanka, waxaa isku soo beegmay xil ka qaadistiisa iyo jabkii wadaadadii halaagga{Maxkamadaha}, caraduu qaaday cirbiskuu ku dhuftay wuxuu ku tagay Eretria, oo markaa xudun iyo hoy u ahayd habqankii wadaada, wuxuuna wax ka hagay shirkii ka dhacay bartamihii bishii September sanadkii 200-7-dii.


Ka qayb galayaasha shirka waxay u badan naayeen habqankii wadaada, iyo haraagii Dawladda Empagathi sida Xuseen Caydiid iyo martigeenna Shariif Xasan Sheekh Aadan, qurbajoog iyo bulsho rayid oo aan naf buuran ku yeelan!, Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa loo doortay gudoomiyaha Shuurada, wuxuu dib u soo nooleeyey dadaalkiisa diiniga ahaa, ee uu ka riddoobay afka aan qurxinno {danaystay} markuu C/laahi yuusuf la heshiiyey!, haddana sidii yoo kale ayuu soo dhawayn fiican ka helay wadaadadii halaagga, waa yaab ma eegin laba wajiyeyntiisa, maalin inuu iyaga la joogo, maalinna C/laahi iyo xerta xabashida la joogo, ay u sii dheertay inuu gacantiis ku ansixiyey ciidamada Xabashidu inay soo galaan Sooomaaliya!, Indha ku gaardleey!


Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa lagu eedeeyaa inuu ka dambeeyey kala jabinta kooxdii Asmara, in kastoo aragtida wada hadliddu ahayd mid wanaagsan, haddana in mawqif la wada qaato waxaan suuraglin Shariif Xasan Sheekh Aadan, maadaama uu ka dhigay arinta dhan dagdag iyo diririg!, taa oo keentay in kooxda markii horaba is daajinaysay ay kala dagaagaan!, ujeedka uu lahaana  ahayd inuu xil muuqda iyo cad weyn goosta shirka ka dib, taana ay u suuragashay si fiicanna u fuliyey!, balse waa yaabe Shariif Xasan Sheekh Aadan maalin walba ma wuxuu ku jirayaa dabib maleegid iyo shirqool dhigid?.


Wuxuu xaadiray shirkii Djibouti, saaxiibkiis hore cadaygiisa maanta madaxweyne Shariif, ayuu la suuragaliyey inuu madaxweyne noqdo, Isna wuxuu u dhawaaday darta iyo dararta, waxaa loo dhiibay wasaaradda Maaliyadda, Adiguba lacag ma aragtay?!, wixii soo dhaca faraqa ayuu ku ritay, ganacsade ayuuba sheeganayee gaajada noocaan ah maxay ahayd? Wax jeebkiisa soo gala ma ahane wax ka baxa la waa!, waa meeshii laga yiri: “Qabri Qori saar ma ahane Qori ka Qaad malahan!”.


Inta aan ku guda jiray qoridda qormada, ayaan dulistaagay dacwad ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, sida uu qoray wargayska Al-ahraam, ee ka soo baxa dalka Masar, dacwaddan waxaa soo gudbiyey ganacsade Sudani ah, oo lagu magacaabo: Saadaq Maxamed Axmed, sheegayna in Shariif Xasan kala gooyey adduun dhan: 8 malyan oo dollar, oo qayb ka ahady amaah lacageed oo ganacsaduhu daymiyey dawladda Soomaaliya, si ay ugu sahasho samaynta lacagta cusub!, tanina waxay ii ahayd mid igu sii dhiiriso qormada qoristeeda.


Xoolihii uu uruuriyey iyo hantidii uu keydiyey, waxay u sahashay inuu dib ugu soo laabto gudoomahaya baarlamaanka, wuxuu caqabad ku noqday ansixinta Ra’isul wasaare Farmaajo, wuxuu is hortaagay in la siiyo codka kalsoonida, kana baxay heshiiskii codka fartaagga lagu siin lahaa, ujeedka uu kalaa ilama ahan inuu Soomaali ugu danaynayey? Dan gaara inay safka hore taal hubaal, haddana shisheeye kama marna sida aan qabo, ugu yaraan inaan xal la gaarin xaaladduna sidaan sii ahaato ayuu u xilsaaran yahay, maxaa yeelay ilama ahan in diidamada noocaa ah iyo madax adaygga intaa la eg wax kale riixi karaan!, C/laahi Yuusf bal dib u milicso, wuxuu u harjadayey oo dhan waxay ahayd, Xabashi keenis markuu keenay xaggee ku dambeeyey?!
Shariif Xasan Sheekh Aadan ma af dheera, ma hadal badana, micnaha uma badna inuu inta badan la hadlo saxaafadda oo waraysiyo dhiibo, haddana kollay qofkii nool oo dhaqmaya, ama ha hadlo ama ha aamusee ficil samayn iyo faruur nuuxin mid waa samayn, sidaa darted yaan la is oran kuma jiro laba codleeyayaasha, hadalkiisa waxaa nooga filan inta goor ee uu is rogrogay, isrogrogga waxaa dhaliya wa feker go’aan qaadasho iyo hadal, haba ahaado mid gaara oo qofka kaligii is waydaarsado!


Shariif Xasan marka Sakiin la yiri, waxaa looga jeeday sida uu wax u kala gooyo, waana soo xusnay inuu qayb weyn ku lahaa kala jabkii kooxdii Asmara, dabcan goynta inta dantiisa ka soo horjeedana kama marna meesha, dhanka kale marka la yiri: Shariif la moodna, waxaa looga jeeday inuusan noqon sidii loo maleeyey, dad badan ayaa laab la kac u tageeray, isna yiri: malaha wuxuu wataa magac Shariif, koofina madaxiisa kama dajeyo, qabqablana ma ahan, wadaad diin daliiliyana ma ahan, siyaasaddana kuma badnayne, armaa lagu degaa!, dhedo roob noqon waysay!


Shariif Xasan maanta wuxuu ku mashquulsan yahay siduu u cuuryaamin lahaa jaalkiis Madaxweyne Shariif, wuxuu ka wadaa magaalada Nairobi qorshe uu xilka uga tuuri rabo,  arintan waxaa ku la kaal ah Geeddi la soo Gamay!, dabcan dawlado Soomaaliya ku sii durjinaya dagaalkana way taageersan yihiin, waxaase nasiibdarro ah aqalkaad dhistay dib u dumiso, geedkaad beertay waraabisay godin u qaadato, waa dhaqanka Shariif Xasan, maxaa yeelay xilqabashada Sheekh Shariif Isagaa wax ka hirgaliyey, maantana wuu horjoogaa inay horay u socoto, ama dhanka kaluu ka soo jeesay walibana Isagoo majaxaabinaya, waa dhaqan aad u foolxun, marka la eego falceinta raadreebka dadka.


Guntii iyo gunaanadkii, ila eega inta goor ee Shariif Xasan is rogay, gudoomiye baarlamaan waxay isqabteen C/laahi Yuusuf, wuxuu u cararay Muqdisho ammaanay Wadaadadii halaagga, dhalecaynna dusha kaga tuuray qabqablayaashii, laba bil ka dib wuxuu la xirtay C/laahi Yuusuf, wuxuuna ansixiyey keenista ciidan shihseeye, Xabashi ugu horrayso, waxaa laga xayuubiyey xilka gudoomiyaha baarlamaanka, wuu isku dhajiyey, wuxuuna u janjeersaday mar kale dhankii wadaadadii halaagga horseeday, wuxuu noqday gudoomaha Shuurada, wuxu kala jabiyey kooxdii Asmara, wuxuu tagay Djibouti, wuxuu noqday wasiirka maaliyadda, wuxuu lunsaday hanti badan, wuxuu dib u noqday gudoomiyaha baarlamaanka, maantana wuxuu ku radjooga yahay Sh. Shariif, wax kaloo badanna waa dhiman yihiin.


Maanta waxay is hayaan saaxiibkiis madaxweyne Shariif, dacia dhaqaalana waa soo baxday, maxay isku neceen ma laba codlayntiisa? Mise ujeedkiisa gurracan ee aan lahayn Soomaalinimada? Mise dan hoose oo dhaqaale iyo awood siyaasadeed? Kollay warar badan waa laga yiri, balse waxaa muhim ah in la ogaado ninkan inuusann ahayn ninka la moodo, aamuskiisa wax badan ayaa u qarsan, Soomaalida ayaa tiri: “Dhurwaaga kan Aamusan iyo kan Qayliya waxaa daran kan Aamusan!”, sidaaa darted ma la heli doonaa dad Soomaalinimadu ku dambeysoo jaadadkan oo kale dabar gooya?.

F:G: fisha qaybta xigta ee qormada oo sii socon doonta.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Muranka maamulka Dekedda iyo Xaaladda Muqdisho

$
0
0

Xildhibaan Furuh, ayaa eedeeyay maamulka dekedda Muqdisho. Wuxuu ku eedeeyay lunsi daqliga deked. Hase yeeshee, maareeye ku xigeenka dekedda Ahmed Cabdi Kaariye ayaa beeniyay eedaha xildhibaanka.

 

Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, oo xilligii hogaamiye kooxeedyada
isaga iyo maleeshiyadiisu way maamuli jireen dekedda, ayaa eedaynta soo
jeediyay kadib markii isagoo ay la socdaan maleeshiyo jufadiisa ah ay
shalay galeen dekedda Muqdisho, oo uu sheegay in uu ka dalbaday in la
joojiyo howlaheeda inta xal laga gaarayo muranka ka taagan xaq u
qaybinta daqliga dekedda.

Wuxuu xildhibaanku sheegay in jufada
madaxwaynaha loo dhiibay maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha
daqliga ka soo xeroodana ay iyaga qaataan halkii wax loogu qaban lahaa
ummadda iyo dhismaha tas-hiilaadka magaalada Muqdisho.

Hadaba, Maareeye ku xigeenka dekedda Muqdisho
Axmed Cabdi Kaariye, oo BBC la soo xiriiray, ayaa eedaha uu xildhibaanku
soo jeediyay beeniyay.

Wuxuu kaloo sheegay in aysan xirnayd dekedda oo howlaheedii ay sidii caadiga ahayd u wadato.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxaa saaka ka
dhacayay rasaas iyo madaafiic culus oo kooxaha mucaaradka iyo ciidamada
dowladda oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ku dhexmaray qaybo ka mid ah
magaalada.

Goobaha caafimaadka, ayaan sheegin dhaawacyo la
soo gaarsiiyo, iyadoo aan la xaqiijin karin tirada rasmi ahaan dagaalka
ugu dhimatay ee rayidka iyo dhinacyada dagaalamaya toona.


Liibaan Cabdi Sahal waxaa magaalada Ceelbuur ku toogtay Alshabaab ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa Ahlu Sunna Waljamaaca

$
0
0

Fagaare ku yaal magalaada Ceelbuur ayaa waxaay Alshabaabku ku toogteen wiil lagu magacaabi jiray Liibaan Cabdi Sahal oo labaatan iyo laba jir agu sheegay da'diisa ka dib markii Maxkamad ay Alshabaabku leeyihiin xukun dil ah in lagu fuliyo amartay.

Wiilkan oo toogashiida ay u soo daawasha tageen dad aad u fara badan mas'uuliyiin Alshabaabka gobolka ka tirsan ay qudbado ka jeediyeen ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xukunkan ayeey Alshabaabku sida ay sheegeen u cuskadeen shareeacada islaamka sida qaadiga maxkamada degmada ee Alshabaabku sheegayna wiilkani waa qirtay in uu ka mid ahaa ciidamada ka soo horjeeda ururkooda.

Dadka deegaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay toogashada wiilkan waloow hadal waa halkiisee aysan jirin cid wax ka qaban karta xukunada noocan oo kale ah ee ay Alshabaabku ku fuliyaan cidii ay doonaan.

halgankanet@gmail.com 

Xafiiska Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland (Somaliliitto) oo madax doofaar qurmay hadiyad ahaan loogu diray

$
0
0

Xafiiska Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland  (Somaliliitto) oo ku yaal caasimada dalka Finland ee Helsinki ayaa waxaa loo diray Madax-Doofaar qurmay oo oo qaab hadiyayd oo kale loo soo xirxiray sida ay xaqiijiyeen Madaxda ururkaas qaarkood.

Cabdirashiid Cawad Diiriye, Afhayeenka Somaliliitto oo ka hadlay sida wax u dhaceen ayaa saxaafada dalka Finland u sheegay in Madaxan Doofaar boostada loo soo marsiiyay iyadoo laga soo boosteeyay dhanka magaalada Tampere ee isla wadanka Finland.

Afhayeenka ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Booliska loo yeeray markii ay arkeen in Madax Doofaar aad u qrumay loo soo diray Booliskuna wuxuu hadda wadaa baaritaan la xiriira dhacdadan afhayeenka Somaliliitto uu ku sifeeyay aflagaado iyo wax u dhimis caqiidada Islaamka.

"Dadka soo diray waxay ogyihiin in aan nahay dad Muslim ah oo aan doofaarka cunin, waana markii ugu horeysay ee Diinteena wax lidi ku ah sidan oo kale naloogu sameeyo" Afhayeenka Somaliliitto, Cabdirashiid Cawad Diiriye.

Dadka soo diray Boostadan ayaa waxay madaxa doofaar ka sokoow soo raaciyeen warqad yar oo ay ku qoran tahay "Waxaan idiin rajayaynaa Ciid Masiixi wannaagsan",dhanka hoose ee dhambaalkana waxaa ku saxiixnaa "Ku sida madaxa banaan u fekera"

Isku soo wada duuboo waxaa dhacdadan ka horeysay dhacdo kale oo sida muuqata si bareer ah daaqadaha isla xafiiska Somaliliitto loogu burburiyay waxaana la qiyaasayaa in kuwii ka dambeeyay soo dirista Madaxan Doofaar ay sidoo kalana ka dambeeyeen burbruintii daaqadaha xafiiska.

halgankanet@gmail.com 

 

Shiikh Xassan Daahir Aways: “Afgooye Waan Ku Dhimanaynaa Ama Waan Ku Guulaysanaynaa Difaaceeda”.

$
0
0

Iyadoo qaybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose ay isaga baxeen maanta Ciidamo katirsanaa Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa galabta Degmada Afgooye ee Gobolkaasi waxaa ka dhacay kulan dhexmaray hoggaamiyeyaasha Ururka Xisbul waxaana kulankaasi shir guddoominaayey Shiikh Xassan Daahir Aways Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam.
Shiikh Xassan Daahir Aways ayaa kulanka la qaatay masuuliyiinta kale ee Ururka Xisbul Islaam waxaana go’aan lagu gaaray in la’iska difaaco weerar kasta oo dhanka Al shabaab uga yimaada sida uu ahaa go’aanka kasoo baxay shirka Ururka Xisbul Islaam.
Sidoo kale Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aways ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka jira qaybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose dhowaana ka dhacay Degmada Buur-Hakaba uu yahay weerar qaawan oo ay Al shabaab kusoo qaaday Xisbul Islaam hase yeeshee ay siweyn isaga difaaci doonaan weerar kasta oo uga yimaada dhanka Al shabaab.
Shiikh Aways ayaa sidoo kale waxa uu Ciidamada Xisbul Islaam ugu baaqay in askari kasta uu difaac ahaado ilaa ay xabaddu kaga dhacdo ama ay ka guulaystaan isaga oo ugu baaqay in ay iska caabiyaan weerarrada uga imaanaaya dhinaca Xarakada Al shabaab.
Xaaladda Magaalada Afgooye ayaa galabta jawi kacsanaan ah ku jirta waxaana Deegaanada hoos yimaada ka jira cabsi dagaal iyadoo maanta Ciidamada Xisbul Islaam ay isaga baxeen Deegaanno uu kamid yahay Deegaanka Toora-Toorow oo ay isla durbadiiba la wareegeen Ciidamada Xarakada Al shabaab.
Sidoo kale qaybo kamid ah waddooyinka soo gala Degmada Afgooye ee Gobolka Shbaeellaha Hoose ayaa waxaa la dhigay Ciidamo farabadan oo katirsan Ururka Xisbul Islaam waxaana jira dhinaca kale Ciidamo katirsan Xarakada Al shabaab oo Deegaanno ka agdhow Degmada Afgooye fooda soo saaray.
Xarakada Al shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa horay ugu dagaalamay qaybo kamid ah Gobolada Jubbooyinka Bay, Bakool iyo Banaadir dagaalkii ugu dabeeyeyna waxa uu ka dhacay Degmada Buur-Hakaba kaasi oo Xisbul Islaam Degmadaasi looga qabsaday.
Sikastaba xaaladda Degmada Afgooye iyo Deegaanada kale ee ay Al shabaab iyo Xisbul Islaam ku wada sugan yihiin ayaa waxaa ka taagan cabsi la xiriirta dagaal labadaasi dhinac ka dhex qarxa.

xisho dhacdooyinka

Alshabaab oo u sheegay Xisbul Islaam "ama shariif ama shabaab"

$
0
0

Ururka hubeysan ee Alsabaab ayaa warar hoose oo aan heleyno waxa ey u sheegeen hoggaaamiyaha Xisbul Islaam "ama shabaab ama shariif" iyagoo aad moodo iney go'aansadeen iney baabiyaan awooda Xisbul Islaam ee haatan isugu soo ururtay magaalada Afgooye.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa la sheegay iney xalay shirar is daba joog ahi uga socday ceelasha biyaha iyadoo aan dhab ahaan la ogeyn waxa ey ka hadleen walow loo maleynayo iney dejinayeen khariiradii looga hortagi lahaa weerarka ku soo fool leh Afgooye oo haatan noqotay saldhiga ugu weyn ee XIsbigu gacanta ku hayo.

Shalay ayey ahayd markii Sh. Xassan Daahir Aways oo la hadlayey saraakiisha xisbul islaam uu sheegay iney ama     Afgooye difaacayaan ama ku dhimanayaan dagaalka iyadoo taas loo arkay in sabarkii ka dhammaaday Sheikha.

Ururka Alshabaab ayaa si xoog ah uga la wareegay meelo badan oo ka tirsan dalka ururka Xisbul islaam iyadoo ey ugu dambeysay magaalada Buur Hakaba, Bali doogle iyo Toora boora.

Si kastaba, waxaa la ogeyn halka uu ku dhammaan doono dagaalada haatan ka soo dhex cusboonaaday ururka XIsbul islaam iyo Alshabaab iyadoo arrintu mareyso ama shariif ama shabaab.

halgankanet@gmail.com

Tirokoob uu soo saaray mareykanka oo lagu sheegay tirada somalida Mareykanka

$
0
0

Tirakoob ka soo baxay xafiiska tirokoobka ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dadka asalkoodu somalida yahay ee ku dhaqan dalkaasi in ay kordheen sanadihii ugu danbeeyay.




Waaxda tira koobka dadka Mareykanka ayaa soo saartay tirada dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi inay gaarayaan in ka badan 85700 ruux halka ay mudo ka hor ahaayeen 10 kun oo qofood kuwaas oo dalkaas ku tagay qaab xoqootinimo ah.


Warbixinta ayaa intaa ku dartay in dadka ugu badan ay ku nool yihiin magaalada Minnesota ee gobalka miniyaabulis halka qaar kalana ay ku nool yihiin magaalooyinka kale oo ay ku jirto caasimada dalkaas ee Washington.




Waaxda tirakoobka dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay la socdaan dhaq dhaqaaqa Soomaalida ku dhaqan dalka mareykan islamarkaana ay ka shaqeeya laamaha kala duwan ee Xukuumada dalkaas.


Markii ay bur burtay Dowladii Milatariga 1991-dii waxaa dalka isaga cararay Soomaali badan oo gaaray wadamada caalamka gaar ahaan wadanka Mareykanka oo ay haatan halkaas ku haystaan nolol ka duwan mida Soomaaliya ka jirta.


Hogaamiye kooxeedyadii muqdisho intoodii badnayd oo kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

$
0
0

Inta badan hogaamiye kooxeedyadii dagaal oogayaasha soomaaliya ayaa bilaabay kullamo xariir ah oo ay ku yeeshaan Caasimada Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhex muuqday kullamadaasi hogaamiyayaal can ah.
Hogaamiye kooxeedyadan oo intooda badna ku biiray dowladda KMG ee soomaaliya, intooda badana ka tirsan Baarlamanka KMG ee soomaaliya ayaa bilaabay shir iyo isu imaansho muddooyinkan danbe aan looga baran.

Ilo ku sugan Muqdisho isla markaana xog ogaal u ah kullamada hogaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho yeelanayaan ayaa xaqiijiyey  qaarkood in ay samaysanayaan gaadiid dagaal iyo dib u soo noleynta ciidamo maleeshiyo beeleedyadii ka amar qaadan jiray bari kooxahaasi oo Muqdisho kala googooyay una diiday in ay yeelato hal nidaam.

Lama oga kullamada ay qaadanayaan hogaamiye kooxedyadii hore inay ka danbeyso markii maalin ka hor xildhibaan Furux ciidamo uu watay xireen dekadda Muqdisho, iyo in hogaamiye kooxeedyadan doonayaan mar kale dagaalo qaab beeleed ah ka bilaabaan degmooyinka Magaalada Muqdisho dibna u soo nooleeyaan Ciidamo ku dhisnaa beelo hogaamiye kooxeedyadaasi ka soo kala jeedaan.
  
Ugu danbeyntii kullan si guud u yeeshaan Hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya waxaa ugu danbeysay waqtigii dagaalada kula jireen Maxkamadihii Islaamka Soomaaliyeed, kullankana waxa uu noqonayaa kii labaad oo ay yeeshaan tan iyo fashilkoodii.

xigasho soomalinews.com

Madax Kenya oo denbi lagu soo oogay

$
0
0

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada, Louis Moreno Ocampo, ayaa magacaabay lix ruux oo Kenyan ah, oo loo haysto in ay mas'uul ka ahaayeen rabshadihii daba joogaydoorashadii 2008 oo ay ku dhinteen in ka badan 1200 oo ruux.

Waxaa ka mid ah Wasiirka shaqada laga joojiyay ee Wabarashada,
Walliam Ruto, oo Xeer Ilaaliyuhu uu ku tilmaamay in uu qorshe dembiyeen
uu dhigay isaga oo u adeegaya mucaaradka iyo RA'IISAL Wasaare xigeenka,
Uhuru Kenyatta, oo uu ku tilmaamay in uu qaban qaabiyay rabshadaha,
isaga oo u adeegaya xisbiga talada haya ee Madaxweyne Mwai Kibaki.

Dadka la eedeeyay waxay kala yihiin:

Fransis Muthaura- Madaxa Shaqaalaha Kenya

Uhuru Kenyatta- Wasiirka Maaliyadda

William Ruto- Wasiirkii Hore ee tacliinta sare

Henry Kosgey-Wasiirka warshadaha

Mohammed Hussein Ali- Taliyihii hore ee Booliska

Joshua Sang- Weriye ka tirsan idaacad ku hadasha afka kaelinjiinta oo la yiraahdo KASS.

 


Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Dr.Cabdiqaasim oo sheegay in mar ay ahaataba Maxkamad lasoo taagi doono ciidamada shisheeye iyo madaxda dowladda Kmg oo xasuuq ku haya shacabka reer Muqdisho.

$
0
0

Madaxweyhinii Hore ee Soomaaliya ee Dowladaii Carte lagu soo dhisey sanadkii 2000 Dr.Cabdi qaasim Salaad Xassan oo la hadlayey idacad ka howlgasha magalada Muqdisho isagoo ku sugan Qaahira Masar ayuu u shegay in uu ka xunyahay xasuuqa aan joogsiga lahayn ee ku socda shacabka magaalada Muqdisho ayna ku wadaan ciidamada Uganda iyo Burundi.
Xasuuqa ayuu ku macneyey Madaxweynhii hore DR Cabdiqaasin Salaaad Xasan in uu yahay mid aan wali ka dhicin mid ka mid ah caasimadaha caalamka sidaa darteedna ay jiri doonto ama dhici doonta in waqti aan dheereyn arintaasi maxkamad loo soo taago Madaxdda Soomaaliyeed iyo Ciidamada Shisheeye Sarakishooda iyo kuwa dowladda shacabka ku le’anaya magaalada Muqdisho oo aan wali cid ka hadashey jirin sida uu shegay xiligaan.
Waxaa kale Dr.Cabdiqaasin uu shegay cidda siyaasad ahaan ay Soomaaliya ka dagi la’dahay isgaoo ku tilmamey Mareykanka ay tahay cidda ay Soomaaliya ka harsan la’dahay iaydoo aan la garaneyn waxa ay si gaarka ah ugu kaalmeyneyso Dowladaha Ethiopia in aan soomaliya dowlada ka dhalan ayuu yiri isgoo shegay in ayadu ay soogalisey xiligii ciidamadeeda dalka soo galayeen xitaa hadan soo adeegsatey UGANDA iyo BRUNDI.
Masuuliyiinta dowladda Kmg ayuu ku tilmaamay kuwa aan waaya arag ahayn oo ku tusaale qaadan waayay wixii ay Itoobiya ka geysatay wadanka Soomaaliya intii ay ku sugneyd iaygoo aan dabagalna ku sameyn hadana ka aamusey waxyabaha tacadiya ah ee lagu sameynayo Shacabka Dulman.
Waxaana uu Ugu dambeyntii madaxweynihii Hore ee Soomaliya DR Cabdi qaasin mar kale ku celiyey in ciidamada shisheeye iyo masuuliyiinta Tfg-da uu ugu baaqayo in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan duqeynta ay ku wadaan shacabka aan waxba galabsan ee reer Muqdisho.
Xigasho dayniile

Dagaalo iyo duqeymo xigay oo shacab lagu laayey oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo
Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ku dagaalamay degmada Boondheere ee
magaalada Muqdisho.


Dagaaladaa oo ahaa kuwo aad u culus ayna barbar socdeen duqeymo ayaa
geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, si rasmi ahna looma
oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada iyo duqeymadaas.


Inta la arkay meydka Saddex qof ayaa ku dhimatay duqeymo ay ciidamada
AMISOM ka geysteen xaafadaha Waqooyiga Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay
tiro ka badan 10 ruux oo dad rayid u badan.


Dagaalada ayaa waxay bilowdeen kadib markii xoogagga Xarakada Al-shabaab
ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay degmadaas kaga sugnaayeen ciidamada
dowladda iyo kuwa AMISOM.

Fadhi lagu qaboojin rabay xiisadda ka dhex aloosan Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo baaqatay iyo shacabka barakacay oo cabsi la soo gudboonaatay

$
0
0

Saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam iyo Alshabaab ayaa la sheegay in shir ey ku balan sanaayeen uu baaq kadib waxa ey ku sheegeen cillad dhinaca farsamada ah.
Sh. Xassan Aways ayaa la sheegay inuu shalay galab la xiriiray madaxa gaashaandhiga ee Alshabaab Sh. Mukhtaar Roobow isagoo si gooni ah uga codsaday inuu joojiyo dagaalka uu ku sheegay inaan loo baahneyn inuu dhexmaro waxa uu ku sheegay mujaahidiinta.


Wararkan oo aan ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa la sheegay inuu aqblay Sh. Roobow inuu la kulmo Sh. Xassan isagoo sida la sheegay haatan ku sugan magaalada Muqdihsho.


Madaxa ururka Xisbul Islaam ayaa la sheegay inuu u magaacaabay madaxa dagaalada ey ugu magac dareen difaaca Afgooye Sh. C/qaadir Kumaandoos iyadoo la sheegay inuu isku duba riday ciidamadooda oo ey kamid yihiin qaar ka soo guuray Buur Hakaba iyo Tuura boora.


Dhanka kale odyaasha dhaqanka ayaa la sheegay inuu ka codsaday Sh. Xassan Daahir inuu la kala dhex galo labada dhinac iyagoo la sheegay iney wadaan dadaal arintaasi ku saabsan.


Waxaa la xusuustaa in Sh. Xassan Daahir markii uu ka soo noqday Eriteriya iney odayaal ugu tageen hoygiiisa ku yaalay Huriwaa iyagoo ka codsaday inuusan dagaal ka bilaabin magaalada Muqdisho iyagoo ku andacooday in wixii xoolo iyo xandho ey lahaayeen ey baabiyeen la dagaalankii ciidamada Xabashida ee dalka isku dayey iney qabsadaan. Sheikha ayaa la sheegay inuu ku gacan seyray isagoo odayaashii ku duran inaan jihaadku qabyaalad u baahneyn.


Waxaa nagu maqaala ah in oday kamid ah odayaasha uu ku yiri sheikha " haddii dagaal cusub aad ku bilawdo muqdisho waxaan u barakaceynaa dhinacyada magaalada Muqdisho sida Kaaraanta fog, Dayniile iyo Ceelasha biyaha haddii allaa alla yahay ha nooga daba imaanin isagoo arintaasi ku qoslay balse maanta sheikhu waxaa uu dhex degay dadkii ka barkacay magaalada Muqdisho oo markii uu imaanayey deganaa guryahooda iyadoo waliba laga cabsi qabo in markii kale korkooda lagu dagaalamo mar kale.


haddii aan dhib ka qabto maqaalkan ka jawaab

Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh AXmed "Ciidamada Dowladu waxay u diyaar yihiin dagaal kama dambeys ah"

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliyeed ee ku meel gaarka ah Shariif Shiikh Axmed ayaa daboolka ka qaaday in hadda ay ciidamada dowladiisu diyaar u yihiin dagaal cusub oo hor leh.

Shariif oo isagoo xiran dharka ciidamada shalay gabal-dhicii kula hadlayay warbaahinta Muqdishu qaarkood xarunta Villa Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada dowladu ay haatan u diyaargaroobeen dagaal sida uu sheegay dhowaan wax weyn ka bedeli doona ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu ku celceliyay in dulqaadkii ka dhamaaday haatanna ay dagaal u soo jeesteen si buu yiri ay dalka uga saaraan xoogaga nabadda diiday ee shisheeyaha argagixisada ah garabsanaya.

Hadalka shariifka ayaa ku soo aadaya xili ciidamo Reer Yurub ay carbiyeen oo Kun Askeri gaaraya ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho si ay u garab siiyaan ciidamada Dowladda ee haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

halgankanet@gmail.com 

Ciidamada AMISOM oo rasaas ku furay qaar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dhaawac soo gaaray askartaas askeri ka mid ah

$
0
0

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas aan loo meel dayin ooda uga qaaday gaari ay saarnaayeen qaar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya xili uu marayay agagaarka Daarta ZOPE ee KM5.

Wadihii gaariga ay ciidamada AMISOM ku fureen rasaasta ayaa sheegay in mid ka mid ah askartii gaariga saarneyd uu ku dhaawacmay rasaasta ka soo dhacday Ciidamada AMISOM halka gaarigiina uu soo gaaray burbur lixaad leh.

"Rasaasta markii ay nagu fureen ayeey iska dhaqaajiyeen, taasina waxay sababi kartaa wadashaqeyntii oo meesha ka baxda" Sidaas waxaa laga soo xigtay wadihii gaarigii ay saarnaayeen ciidamada dowladda ee ay rasaasta ku fureen AMISOM.

Hogaanka AMISOM iyo kan milteriga dowladda ayaan weli dhacdadan wax war ah ka soo saarin laakiin ciidamada AMISOM rasaasta waa isga furaan cid kasta oo ay ka shakkiyaan  waxaana xusid mudan in askarta Dolwadu aysan waxba ka qaban karin xitaa dhibaatada ay AMISOM iyaga ku hayaan.

halgankanet@gmail.com  

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live