A.W.W. Cajaa’ibaadka dhulka iyo noolaha ku dhaqan ilaahay u ku abuuray ayaa waxaa ka mid ah in shay kasta uu leeyahay sameys u gaar ah oo uu u qaabeysan yahay oo Qaaraduhu isuma qaab eka, Dalalku isuma qaab eka, Gobolladu isuma qaab eka, deegaannada magaalooyinku isuma qaab eka, tuulooyinku isuma qaab eka, Baduhu isuma qaab eka, wabiyadu isuma qaab eka, nooluhu isuma qaab eka oo xitaa labada qof ee mataanaha ah ee isu eg markay isa soo garab istaagaan ayey kuu muuqanayaan inayna meel walba isa ekeyn, xitaa ashyaa’da ay dadku gacmahooda ku sameystaan ee ay shay’yaashii jiray ka dhex farsameeyaan isuma qaab eka oo waxaasoo dhan waa mucjisooyin noo caddeynayaa jiritaanka alle iyo weynida awooddiisa. Sidaas darteed ayaa magaalada Luuq waxay lahayd laba cajaa’ib oo ilaahay kaga gaar yeelay magaalooyinka kalee dalkeenna, waxayna labadaas cajiib kala yihiin:1 – Wabiga oo magaalada ku dul wareegsan, sida xero xoolaad oo kalena ku dul oodan.2 – Tan labaadna waa inta wareegga wabiga ka soo hartey oo illin ama irrid oo kale ahayd oo talyaanigi xilligi guumeysiga waddanka ka talin jirey uu darbi ka dhisay una sameeyey albaab weyn oo ganjeelle ahaa oo magaaladii dhameyd laga galayo.
Marar badan oo aan Luuq tagay ilaa 1990kii darbigaas iyo albaabkiisi geytka ama ganjeellaha ahaa wuu ka sii dhisnaa, sidii ay dagaallada sokeeye u dhaceense ma aanan arkin oo waxaa dhici karta in gadaashay wax iska baddeleen oo albaabkii magaalada la fujistay, darbigiina la dumiyey.
Haddaba labo qiso gaagaaban oo ku kala saabsan wabiga magaaladaas Luuq ku wareegsan iyo albaabkeeda laga galayo ayaan idiin hayaaye aan ku billaabo tan koowaad ee wabiga.
Nin asagu reer magaal ahaa, gobol fogna ka yimid ayaa waxuu soo degay magaalada Luuq. dhawr sano markuu degganaa ee uu noloshii magaalada la qabsaday ayaa waxaa ka daba yimid walaalkii oo reer baadiye ahaa. Gobolkii ay labadaas ninee walaalaha ahaa ka yimaadeen wuxuu ahaa mid aan wax wabi la yiraahdaba laga aqoonin oo dadkiisu ay xoola-dhaqato ahaayeen, Markii ceelasha dhulka laga qoday ee ay ka cabbayeen laga reebana waxaa deegaankooda ku yaallay togag (Waadiyo, Boholo) badan oo jufooyinka ama jeesaska dega ay qolo walba togga ay jiilaalki ku barbaxaan ee hareerihiisa degaan loo aqoonsanaa inay ayaga leeyihiin.
Xilliga ragaalki ah ee xilli-roobaadku sii dhammaanayo waxaa togoggaas sii dhex oolli jiray biyo meelo-meelo ku sii hara oo kuwii toggoodu biyaha ku raagaan ayaa la mudan jiray oo in toggooda lala cabbo lawediisan jirey.
Ninkii cusbaa ee walaalkiis u yimid oo xalay oo kale goor habeynnimo magaalada Luuq soo galay ayaa markuu waagi u baryey walaalkiis haybsaday, sidaas loogu geeyey.
Walaalkiis ayaa markuu martiqaadkii soo dhaweynta ahaa u fidiyey ee habeynkii xigay la iska kala seexday, subaxii ku sii xigay nin saaxiibkiis ahaa ku yiri waan shaqo tagayaa oo dukaankii yaraa baa iga dayacmayee, adaan shaqo haynine i caawi oo walaalkay intuu magaalada ka kala baranayo u wehel yeel, wad-wad oo magaalada kala tus-tus, si uu u kala barto oo hadhowto uu guriga kaligiis ooga bixi karo, uguna soo laaban karo ee uusan habaabin.
Ninkii cusbaa ee reer-miyiga ahaa ayaa ayadoo saaxiibkiisi cusbaa uu magaaladi kala tusayo arkay wabigii jubba ee reer-Luuq ay u yaqaanneen ganaane. Erayga (Ganaani) macnihiisu waa laalabitaanka shayga adag ama xooggan oo wabigu duuduubsanka uu magaalada ku dul wareegsanayo ayey tilmaameysaa, Luuqna macnaheeda waxaa laga wadaa (Laab) oo magaaladu inay tahay mid luuq ku jirta ayey tilmaameysaa.
Ninkii ayaa saaxiibkiisi cusbaa ee magaalada kala barayey su’aalay; Toggaan yaa leh.?
Ninkii kalaa ku jawaabay ilaahay baa iska leh.
Kii cusbaa baa yiri: war haddee inuu ilaahay dhulkoo dhan leeyahay waan ogahaye, Yaa togaan munaafacaadsada oo ku magacaaban.?
Nikii kalaa ku jawaabay lama kala laha oo adigaanba lagaama xigo.
Ninkii cusbaa oo magaaladi hadba dhinac loo dhex qaadsiinayey oo xaafad kasta markay ka dhex baxayaan uu meel kaloo isla wabigii ah la kulmayey ayaa meeshuu tagoba lahaa toggaanna yaa leh,? looguna jawaabayey lagaama xigo, una qaatay inuu wabiyaal badan oo kala duwan la tusay, ayaa xasuus dheer oogu noqday biyo yaraantii dhulkii uu ka yimid ka jirtay, isla mar ahaantaana walaalkiisi uu xiisahiisa safarka dheer u soo galay u carooday.
Guriga markay isugu yimaadeen dumaashidiis oo uu u marti ahaa oo uu ninkiidi horteeda oogu gacan qaadayo ayuu ka dhawrsanayaye, asagiyo saaxiibkiisi cusbaa oo magaaladi dhex soxda ayaa walaalkiis oo dukaankiisi ka soo rawaxay ka hor yimid, ka dibna uu ul bakoorad ahayd oo uu watay la dhacay, daqar iyo nabarro kalena gaarsiiyey.
Booliiskii talyaaniga ee barigaas degmada Luuq ka hawl-galayey oo meesha ka dhawaa oo dadkii ku soo yaacay arkay ayaa ku soo leexday oo markiiba meeshi ka katiinadeeyey, jeelkana u taxaabay.
Ninkii magaalada la qabsaday ee dukaankiisa iyo ganacsigiisi yaraa ku dadaalayey laba dhibaataa soo food saartay. Asagii waa dilan yahay oo dhaawac si uu ku danbeyn doono aanan la ogayn baa soo gaaray, walaalkiisi reer-baadiyaha ahaana waa xiran yahay, waqtigaasna waxaa talyaaniga u caado ahayd ninkii asal ahaan deegaan kale ka soo jeeda ee magaalo ama deegaan kale ku dagaallama ama wax ku dhex xada waxaa loo tarxiili jirey deegaanki ay reerihiisu u badnaayeen ama magaalo kale oo uusan qofna ka aqoon ayaa inta la geeyo lagu dhex siideyn jirey, oo ninkii xirnaa meel laga tuuri doono lama yaqaan.
Ninkii dakhranaa ayaa niman magaaldii kula noolaa oo ganacsataa la ahaa lacag dammin ahaan oobbigia looga dhigayo oo ninku inuusan baxsaninna ay dammaanad qaadayaan u soo dhiibay oo yiri ordoo ninkii xabsiga iiga soo sii daaya, wuxuu kaloona ku yiri: markaan soo sii deysaan intaadna ii keenin bal su’aala waxa uu igu dilay ee aan ba’shey.Ninkii reer-baadiyaha ahaa markii jeelki laga soo sii daayey ee la weydiiyey, maxaad ninka walaalkaa ah ku dishay ayuu yiri:War doofaarku ciddoodii waxay deggan tahay oo uu kaga yimid meel dhulka dhibic biyo ah ayna dul oollin, kolkaasuu meeshaas togoggeedu biyaha wada buuxaan inta arkay uusan cidna u soo sheegin oo iska dhex joogaa.!!
Taasu waxay ahayd qisadii ku saabsaneyd wabiga Ganaane ee magaalada Luuq ku ganaanan ee qisadii albaabkii degmada Luuq laga galayeyna waa tane bal sii yara akhri.
Nin baa jiri jirey bari madaxa ka xanuunsaday oo xanuunkii waallidu haleeshay, balse dib ka raystay, kuna noolaa xaafad magaalada ka baxsaneyd oo intii xorriyadda la haystay aas-aasantay oo buundada Luuq markii dhanka Gedo looga tallaabo ku taallay.
Ninkii wiiluu dhalay oo Xamar ku noolaa ayaa asagiina mar kaliya lagu arkay xanuunkii waallida, xaggiisana loo soo kaxeeyey si uu u baxnaaniyo. Ninkii oo xilligaas aqalkiisi yaraa hor taagnaa, telefoonno ma jirin oo horay wiilka arrintiisa looguma sii sheegine wiilkii oo gacmaha ka xiran ayaa mar kaliya un la soo hor istaajiyey. ka dib sidii inay laba fiilo is-taabteen oo kale ayey ilbiriqsigiiba maskaxdiisi is dhaaftay, waallidii uu horay ooga buskoodeyna ku soo degtay.
Dadkiyoo u haysta inuu caadigiisi miyirqabka ahayd yahay ayuu inta si kulul u eegay ku yiri: ka fura xarigga.
Markii xariggii gacmaha kaga xirnaa laga furay ayuu wiilki ku yiri: car wakaase iga fako, yarkiina inta ilka caddeeyey ku jawaabay: car i soo qabo, oradna isa sii daayey, aabbihiina ka daba booday oo wiilki cayrsaday. Wiilkiyoo leh: Car i soo qabo, odaygiyo ka daba leh: Car iga baxso iyo dadkii kaloo markay fahmeen in odaygiina ku dhuftay oo waashay, doonayana inay labadoodiba qab-qabtaan ayaa is baacsaday.
Wiilku waa labaatan jir dheereeya, odayguna nin da’da konton jirka ah oo aan waayeelnimo badan haynin buu ahaa, xanuun ayna daalki la dareemayninna waa hayaa, dadkii kalese markay in yar daba ordayeen ayey wada xuurtoodeen oo nin waliba sambabbadi dhuunta yimaadeen oo orod way ku soo gaari waayeen, ayagoo bidhaantoodi kor ka soo eeganayaa ayey marna ordayeen, marna soconayeen, halka labada xanuunsane is dhalay aad moodeysay inay orad yaroo jimicsi ah oo kale si sahlan u ordayeen. Ayagoo sidi isu cayrsanaya ayey buundadi iskala soo gudbeen.
Markay albaabkii magaalada Luuq laga geli jirey marayaan ayaa odaygi istaagay, wiilkiisi sii hor ordayeyna u yeeray, wiilki oo maxaa dhacay aabbe.? lehna ku soo laabtay. Odaygi baa yiri: aaway, xaggee bay magaaladi Luuq ahayd aadday,? waatanoo meeshiba albaab baa ka dhisane?. Wiilki baa yiri: waa taas oo magaaladii oo dhan halkaan bay ku xaresan tahay.
Odaygi oo sidii magaaladu ahaan jirtay ee uu ku yaqaannay xanuunka dartii la hilmaamay, aadna jawaabta wiilka ee danbe oola yaabay baa yiri: oo maxaa sidii xoolihi meesha ku xareeyey?. Wiilki baa yiri: edebdarro iyo basar-xumaa ku xareysay baan u maleynayaaye waa in iyaga la weydiiyo. intaas ka dib odaygi oo doonayey in dadkii reer-Luuq oo kulansan oon qofna ka maqneyn su’aashaas adag la weydiiyo ayaa go’aan degdeg ah qaatay oo cariish maqaaxi yar ahaa oo islaan dan yar ahayd ay canjeero ku iibin jirtay oo albaabka dhankiisa dibadda ah ka ag dhisnaa inta xaggiisi u dhaqaaqay dhistii labo uloodoo dhaadheeraa, xoogganaana ka soo siibtay, ayadoo islaanti lahayd ay ka daba qaylinayso, labadii ulood middoodna wiilkii uu dhiibay, kuna yiri: labo arrimood mid dooro, inaad albaabka istaagtid oo dadkii xoolay noqdeen, wax raaca ama daajiyey u baahan yihiine aad meeshaan ku hortid oo kuwa albaab ka galaya mooyaane kuwa ka baxaya aad halkaan ku hortaagnaatid, kii ku soo jiira ee inuu baxa isku dayana aad si fiican u garaacdid iyo inaad magaalada meesha oogu shisheysa inta tagtid aad dadka soo wada shabisid oo qofna aadan ka soo tagin.
Yarkii baa yiri: aabbo anaa kaa fudude waxaan doortay soo shabinta oo dadka soo kaxeynayee adigu horniinka qaabbilsanoow, oo markiiba odaygi uu ushii u baaciyey dhawrkii qofee markaas albaabka ka bixi rabay, ayagii oo argagaxeyna ay gadaal-gadaal u socdeen oo markuu ka istaagay ay meeshii tuurteen. odaygii oo hadallo hanjabaad ahaa oo in ciddii albaabka ka baxaysa uu garaaci doona ahayd ku hadlayey iyo wiilkiyoo ku sii lugaynaya jidkii magaalada galayeyna siina dhex qaadayey, dadka agmaraya ee horay iyo gadaal u kala socdayna aan taabaneyn, doonayeyna in halka oogu shisheeysa markuu tago uu dadka garaacista ku billaabo ayey dadkii ehaladooda ahaa ee ka soo daba ordayey soo gaareen oo intay lafahoodii ooga cabsadeen xafiiskii booliiska oo illinka aad ugu dhawaa askarti joogtay u sheegeen, kana codsadeen inay qabqabashadooda ka gacan siiyaan, askartii ayaana ayagoo koox ahaa labadoodiba soo qabqabtay oo ayagoo xirxiran sidaas qaraabadoodi ugu gacan geliyeen. wiilki oo caafimaaday anigaaba sanado ka dib indhahaygi ku arkay, odayga oo waagii u hooreysay ee uu xanuunsan jireyna asagoo xanuunsan aan arkay, waxaa la ii sheegay inuu markaan uu wiilkiisa naxdintu ka naxay darteed uu la xanuunsaday ka dibna uu mar kale caafimaaday, intii dagaallada sokeeye ay dhaceense wax yaqaanna oo ka warramaya ma aanan maqlin.
W/Q: Maxamed Sheekh Cali.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks:
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk