Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shirkii labada maalmood socday ee Xsbul islaam oo soo gebgeboobay iyo Shiikh Aweys oo dagaal ka dhan ah Alshabaab ku dhawaaqay

$
0
0

Hogaanka Xisbul islaam oo ku shirsanaa deegaanka Ceelasha Biyaha labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxay kulankaas oo shalay gabal-dhicii soo dhamaaday ka soo saareen baaq dagaal oo ka dhan ah Alshabaab.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo shirkaas daadihinayay ayeey dad aad ugu dhow Sheekha ka soo xigteen in Xisbul islaam isku raaceen difaacida deegaanada kooban ee ku haray gacantooda gaar ahaan deegaanada ku yaal duleedka magaalada Muqdisho iyo weliba degmada Afgooye.

Ciidamada Xisbul Islaam ayaa heegan buuxa galay ka dib markii la dareemay in saldhigyadooda ay ku soo wajahan yihiin Xoogaga Alshabaab oo maalmo ka hor guluf weerar Xisbiga uga qabsaday magaalada Buur hakaba ee gobolka Bay.

Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in isku day lagu doonayay in xiisada u dhexeysa labadan kooxood lagu qaboojiyo uu meesha ka baxay ka dib markii Alshabaabku diideen in gorgortan ay ka galaan deegaanada ay Xisbul islaam ka qabsadeen.

halgankanet@gmail.com


Gaari looga shakiyey inuu hub u waday Xisbul Islaam oo lagu qabtay Ex-Control Afgooye

$
0
0

Gaari Nuuca xamuulka qaada ah oo ay lahaayeen Ciidanka  Dowlada ka soo galay dhanka Xisbul Islaam isla makaasan siday Hub farabadan ayaa saaka lagu qabtay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.


Gaarigan oo ay la socdeen Laba Askari ayaa looga shakiyey iney hub u gudbin rabeen ciidamada mucaaradka khaasatan Xisbul Islaam oo beryahan xiisadi kala dhexeyso kuwa Alshabaab.


Ciidanka Dowlada KMG ah Ee fadhiga ku leh Isgoyskaasi ayaa la sheegay iney ka shakiyeen gaarigan xamuulka ah walow dadka qaar sheegayaan in la sii siiyey digniin hoose kadib markii dad kale ogaadeen iney hubkan u wadaan ciidamada Xisbul Islaam ama Alshabaab.
Hubka saarnaa gaarigaasi ayaa u badnaa qorya gacmeedyo gaarayay 50-qori iyo rasaas sanaadiiq ka buuxday oo la doonayay in laga soo iibsado ciidamada Xisbul Islaam oo ku sugan duleedka magaalada Muqdisho.


G/sare Axmed Xasan oo ah sargaalka haysta Ciidanka ku sugan Ex-Control ayaa warbaahinta u cadeeyay in ay qabteen gaariga hubkaasi u waday islaamiyiinta markii lagala soo goostay xerooyinka Ciidanka.


Gaariga BG-ga ah ayaa waxaa laga lahaa Xerada Ciidanka Ee Villa Baydhabo oo shalay uu booqasho ugu tagay Madaxweyne Sheekh Shariif waxaana la aaminsan yahay in Hubkaasi shalay uu geeyay madaxweynaha xerada Ciidanka.


Inta badan Ciidanka Dowlada ayaa waxa ay iibsadaan hubka la siiyo waxaana ay askarta Dowlada iyo saraakiishooda ay yihiin kuwa iska war haya xiliga falalkaasi Iibsiga Hubka lagu dhaqaaqayo taasi oo dhaawac iyo dhabar jab ku ah awooda Dowlada.

Muwaadinin Soomaali ah oo maxkammad lagu saarayo Spain

$
0
0

Maxkmadda ugu sareysa waddanka Spain ayaa ku dhawaaqday inay maanta maxkamadeyneyso laba nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayen afduubka doon kalluumeysi oo laga lahaa waddanka Spain sanadkii 2009.

Labada nin ee Soomaalida oo la kala yiraahdo Cabdi Wali iyo Raage
Geesey Xaaji, ayaa waxa qabtay ciidamada badda ee Spain kadib laba
maalmood markii arrintu ay dhacday iyagoo ka tagayay xilligaasi doonta
ay qabsadeen.

Waxaa loo qaaday dalka Spain halkaasi oo xabsi lagu hayay magaalada Madrid.

Doonta iyo shaqaalaha saarnaa oo ahaa 36 ayaa la
sii daayay sanadkan horaantiisii markii laga bixiyay lacag madaxfurasho
oo dhan afar milyan .

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in Soomaalidan hadii lagu helo danbiga inay muteysanayaan xabsi gaaraya 222 oo xarig ah.

 

Afhayeenka AMISOM "Dagaaladii u dambeeyay waxaan ku dilnay sarkaal Alshabaab ka tirsan ciidamadeedanana waxaa soo gaaray dhaawacyo"

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada sheegta in ay Soomaaliya nabad ilaalin u jeegta ee AMISOM Bhuko ayaa saxaafada Muqdisho ka hawlgasha uga warbixiyay dagaaladii u dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay.

"Dagaaladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay waxay dadka ku dhintay u badan yihiin Soomaali marka laga soo tago askarta caadiga ahna waxay ciidamadeenu ku dileen dagaalladaas sarkaal ka tirsan Xarakatu Shabaab laakiin ma doonayo in aan hadda magaciisa sheego waxaana sidoo kale ku dhintay dhallinyaro badan,” Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Afhayeenka ciidamada AMISOM.

Mar uu dhanka kale afhayeenku ka hadlay qasaaraha soo gaaray ciidamadoodu ayuu sheegay in laba askeri ay ka dhaawacantay hase ahaateen dhaawacyada ay qabaan halistooda wax intaas dhaafsiiisan kama sheegin. 

Madaafiicdii shalay qasaaraha ba'an ka geysatay Suuqa weyn ee Bakaaraha ayuu afhayeenka dafiray in ciidamadoodu rideen isagoo ku celceliyay in hawlaha ay u joogaan Soomaaliya aysan ku jirin duqeynta shacabka iyo goobaha ay isugu yimaadaan.

Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka ee uu ku sheegay in ciidamadoodu aysan duqeyn Suuqa Bakaaraha ayaa ku soo aadaya xili shalay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo weliba qaar ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen in AMISOM madaafiic dhankooda ka soo dhacday ay dhibaatooyin waa weyn u geysteen Suuqa Bakaaraha iyo deegaanka ku xeeran dadka ku dhaqan.

halgankanet@gmail.com

fataawa Inhizaamiya7-2.rmvb( Xasaan Xuseen)

fataawa Inhizaamiya7-3.rmvb( Xasaan Xuseen)

Shilal baabuur oo dad ku dhinteen ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe

$
0
0

Waxaa dhimatay sadex ruux shan kale waa dhaawacantay ka dib markii laba gaari ay iskula dhaceen wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Labada gaari oo kala ahaa Caasi rakaab siday iyo Gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah ayaa sida dad goobjoogayaal ah ah laga soo xigtay waxay ka soo kala ambabaxeen Dekada magaalada Muqdisho iyo Suuqa Bakaaraha.

Warar aan la hubin oo hordhac ah ayaa sheegaya in gaariga weyn ee xamuulka siday uu joojiyaha goystay ka dibna ku dhacay gaariga Caasiga ah oo markaas wadada qarkeeda taagnaa.

Wadooyin burbursanaa ku dhowaad rubuc qarni iyo wadayaa aan xirfad wannaagsan laheyn ayaa intaba badan sababa shilalka lagu hoobto ee ka dhaca Soomaaliya.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya sadex qofood ay dhaawacmeen ka dib markii gaari nooca UD loo yaqaan uu ku qalibmay meel aan sidaas uga fogeyn Garoowe.

Gaarigan ayaa ka soo baxay magaalada Qardho wuxuuna ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ka hor inta uusan ku rogmin wadada.

halgankane@gmail.com    

Dowladda Mareykanka oo Cabdiraxmaan Faroolaha Puntland iyo Axmed Siilaanyaha Somaliland Washington ku casuuntay

$
0
0

Maamulka Mareykanka ee madaxweyne Obama ayaa labada nin ee kala hogaamisa maamulada kala mabda'a ah ee Somaliland iyo Puntland ugu yeertay Washinton.

Danjire Donald Yamamoto ayaa shaaciyay casuumaadan loo fidiyay labadan mas'uul inkastoo uu ka meermeeray in labada mas'uul ay is wadajir ah ula hadlayaan marka ay Mareykanka tagaan.

Laakiin Donald ayaa mar uu ka hadlay siyaasada Mareykanka ee ku aadan goboladan waxaa uu sheegay in Mareykanku uu maamuladan kala xaajoonayo danaha mandiqada iyadoon siyaasad ahaan kala googo'a Soomaalia laga hadleyn.

Isku soo wada duuboo waxaa la eegayaa waxa ka soo baxa dhaqdhaqaaqyadan uu Mareykanku ka wado Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com


WAR DEG DEG AH: Waxaa goor dhow lagu dilay agagaarka Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha laba nin

$
0
0

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray Suuq Bakaaraha ayaa sheegaya in waqti yar ka hor laba nin lagu dilay agagaarka masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Labadan Qofood oo aan weli meydkooda la aqoonsan ayaa waxaa toogtay sida dad meesha ka agdhowaa ay sheegeen koox bistoolado ku hubeysnaa kooxdaas oo meesha ka baxsaday falkan dilka ah ka dib.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle idmo.

halgankanet@gmail.com  

Farmaajo oo go'aano dhowr ah looga fadhiyo

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, ayaa waxaa soo wajahay arrimo dhowr ah oo ka dhex dhacay xukuumadda oo uu ku khasban yahay in uu ka qaato tallaabooyin si ay hawshu u kala socoto

Iyo si inta ay dowladda wada shaqeyntu kala dhexeyso ay u fahmaan dhabbaha uu doonayo in uu raaco.

Ma la mamnuucay hay'adaha samafalka?

Markii Wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumadda
cusub uu isku dayay in uu la kulmo hey'adaha gargaarka, waxaa dhacday in
qaar badani ay shirkii ka soo qeyb geli waayeen.

Wasiir ku xigeenka Go'aankiisii wuxuu noqday in uu ku dhawaaqo in hey'adahaas oo dhan laga mamnuucay hawshii ay dalka ka hayeen.

Taas waxay la yaab ku noqotay hey'adihii, dadkii
gargaarka ka heli jiray iyo dhammaan inta xog ogaalka u ah dhaqnka
wadashaqeynta ah ee ka dhexeeya dowladda Soomaalida iyo hey'adaha
gargaarka.

Aakhirkii Dowladda waxaa khasab ku noqotay in ay dib u gurasho ka sameyso go'aankaas.

Ma la baarayaa heshiiska Saracen?

Waxaa xigay warar soo ifbaxay oo muujinaya in
Dowladda TFG ay heshiis la gashay sharikad Ammaan oo gaar loo leeyahay
oo la yiraahdo Saracen.

Waxaa soo ifbaxay waraaq sida muuqata ay qoreen
ciidanka AMISOM oo ay ka muuqato sida ay ula yaabeen in Dowladdu ay soo
kireysatay hey'ad ammaanka qaabbilsan. AmISOM waxay waraaqdeeda ku
weydiineysaa TFG baahida keenta in hey'ad gaar loo leeyahay ay dowladdu
soo kireysato? Hawsha ay qaban doontaa waxa ay tahay? Nidaamka
hawlgalkoodu waxa uu noqonayo, sida iyaga iyo AMISOM ay u wada shaqeyn
doonaan iyo su'aalo kale oo badan.

BBC waxaa iyaduna soo gaartay waraaq uu qoray,
Wasiirka Warfaafinta oo markaa ahaa Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, taas
oo uu ugu jawaabayo AMISOM.

Markii BBC ay la wediisay Wasiirka Arrimaha
Dibadda, waxa ay xukuumaddu kala socoto heshiiska iyo in uu faahfaahin
dadweynaha ka siin karo, waxaa uu ku jawaabay in ay dowladdu baaritaan
ku sameyn doonto heshiiska, inta ka horreysana waan wax war ah laga
bixin doonin. Wasiirka oo markaa joogay Addis Ababa, inkasta oo su'aalo
badan laga weydiiyay hesiiska, haddana waxaa uu ku soo celiyay isla
jawaabtaas.

Laakiin isla maalintaas, Wasiirka Warfaafinta oo
isagu joogay Washington ayaa idaacad kale u sheegay in heshiiska ay
dowladdu ka warqabto, faahfaahinna waa uu ka bixiyay.

Yaa Soomaalida uga wakiil ah New York?

Arrintaas oo weli taagan, ayaa haddana waxaa soo
ifbaxay khilaaf ka taagan Xafiiska Ergada Soomaaliya u fadhida Xarunta
Qaramada Midoobay ee New York.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxaa uu dib u soo magacaabay in Ciid Beddel uu noqdo ku xigeenka Madaxa Ergada Soomaaliya.

Ciid oo hadda ka hor laga fariisiyay hawshaas,
ayaa Dr. Cilmi Ducaale oo ah Madaxa Ergadu waxaa uu ka biyo diiday in uu
arrintaa siday tahay u meel mariyo, taas oo keentay in uu Wasiirka u
jawaabo una fasiro sababta.

Laakiin Ciid oo u shaqo tegey xafiiska iyada oo
aan Madaxa ergadu aqbalin ayaa waxay sababtay in booliiska New York loo
yeero si uu u xaqiijiyo in aan fal dambiyeed halkaas ka dhicin.

Laakiin arrintu waxay ka sii dartay markii
Wasiirka Arrimaha Dibaddu uu waraaq u qoray Xoghayaha Guud ee Qarammada
Midoobay oo uu u sheegay in Dr. Cilmi Ducaale, looga yeeray Muqdisho,
Ergadana uu mas'uul ka yahay Ciid Beddel. Warqaddaas oo aan Dr. Ducaale
weli u hoggaansamin.

Xalku waa maxay?

Marka la fiiriyo, Amarka Hey'adaha Samafalka
shaqada looga fariisiyay ee haddana isla markiiba laga noqday, Labada
Wasiir ee kala hadlay iyo khilaafka booliisku uu soo dhex galay ee ka
taagan New York, waa saddex arrimood oo culeyskooda leh oo ay dowladdu
iyadu gacanteeda ku samaysatay.

Waxayna muujinayaan dhowr arrimood.

Marka ugu horreysa waxay muujinayaan in saddexda
arrimood midkoodna aan go'aan mideysan looga qaadan fadhiga Golaha
Wasiirrada. Waxaa kale oo ay yihiin kuwo ugu yaraan weji gabax ku ah
dowladda, Ra'iisal Wasaarahana looga fadhiyo in uu ka qaato kaalin
hoggaamineed, oo dhibka hadda dhacayna uu ku xallinayo, kuna xaqiijnayo
in aan taas oo kale dib u dhicin.

Dawladda oo Baadi goobaysa Hantidii Qaranka

$
0
0

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidaasi ka sheegay munaasibad loogu talagalay soo noqoshada guriga safaaradda Somalia ee Nairobi, Kenya.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan mas'uuliyiinta labada gole ee dowlada iyo marti sharaf kale ayaa waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Maxamed Cali Ameerika, oo isagu mahad celin ku aadan munaasabada loo sameeyay kadib, ka warbixiyay qaabkii ay u suuro gashay in mar kale dib loo hanto dhismihii safaarada soomaalidu ay ku lahayd magaalada Nairobi ee wadanka kenya iyo maraaxiladii loo soo maray guushaasi.

Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibadda ee dowlada kmg ah Maxamed Cali Xaamud oo ka mid ah mas'uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in marka laga soo tago safaarada Soomaalida ee Kenya ay jiraan hanti badan oo wadamada caalamka uga maqan shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in wasaaradaha arimaha dibadda iyo maaliyaddu ay u howl galaan qaabkii dib loogu soo celin lahaa hantidaasi oo uu tilmaamay wasiiru dowluhu in ay noocyo badan isugu jiraan .

Munaasabadan lagu qadarinayay dib u hanashada safaradii hore ee soomaaliya ee wadanka kenya ayaa waxaa ugu danbayntii ka hadlay raysul wasaaraha dowlada kmg ah Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) oo kadib mahad celin uu u jeediyay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya halkaasi ka sheegay in ay xukuumadiisu dadaal u galayso sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen dhamaan hantida ma guurtada ah ee shacabka soomaaliyeed ugu maqan caalamka intiisa kale .

Dib u hanashada dhismihii hore ee safaarada soomaalidu ay ku lahayd dalka kenya ayaa tan iyo intii uu dhawaan qorshahaasi hir galay, waxaa jiray soo dhawayn iyo bogaadin arintaasi ku saabsan ee ay muujinayeen qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadanka iyo dibadiisaba, iyadoo dowlada kmg ahina ay dhinaceeda talaabadaasi ku tilmaamtay guul u soo hoyatay guud ahaan umada Soomaaliyeed.

Dowlada KMG ah oo sheegtay inuu saakay bilowday qorshahii dagaalka boqolka maalmood

$
0
0

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo saakayla hadlayay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in dowladu ay bilawday holwlgal dhan ah mucaaradka taas oo uu ula jeedo dagaal.

C/shakuur Sheekh Xasan Faarax Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG Soomaaliya   ayaa sheegay in ay  bilaawday dowlada qorshihii ay balanqaaday oo ahaa in boqol maalin gudahooda ay wax badan kaga qabanayso magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ay rajaynayaan in muadaasin ay waxbadan ku qabtaan ciidamada dowada KMG Soomaaliya isla markaana gacanta dowlada ay dib ugu soo laabtaan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale uu sheegay in mudadaasi ka dib la qorshaynayo in ay dib ugu soo laabtaan magaalada dadkii horay kaga barakacay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay dowlada KMG Soomaaliya ay ka go’ansaty in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacdo wax walba oo dhibaato ku keeni kara.

Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu imanayaa xili dowlada KMG Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay wax ku qaban doonto mudo sex bilood gudahood ah.

Waxaa la sugayaa sida uu ku dhaqan gali karo hadalka dowlada xili haatan xoogaga mucaaradka ay maamulaan inta badan magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya.

Maamulkii Luuq ee Xisbul Islaam oo ku biiray Alshabaab

$
0
0

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xisbul Islaam lagala wareegay degmadaasi, taasoo ka danbeysay markii ay maleeshiyadii Xisbiga ee halkaasi ku sugneyd ay ku biireen ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay jireen wadahadallo ay yeesheen horjoogayaasha maleeshiyooyinka Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ee ku sugan Luuq, ka hor intii aysan ku biirin Al Shabaab.

Degmada Luuq ayaa ahayd meesha keliya ee ay maleeshiyada Xisbul Islaam kaga sugnaayeen gobolka Gedo, halka deegaannada kale ee gobolka ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab, marka laga reebo Degmada Dooloow oo ay maamusho Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah degmada keliya ee ku soo hartay gacanta Xisbul Islaam, halka degmooyinkii kale ee ay dalka uga sugnaayeen ay si tartiib tartiib ah ugala wareegtay kooxda Al Shabaab

Madaxweynaha Jabuuti oo ku booriyey aqoonyahanada Somaliyeed iney isu taagaan wax u qabashada dalkooda iyo dadkooda

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Jabuuti ayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay wax uga qaban lahaayeen xaalada murugsan ee daka Somalia.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalkaan ka sheegay shir ay aqoon yahanno Soomaaliyeed ku leeyihiin Dalka Jabuuti, wuxuuna intaa raaciyay in looga baahan yahay aqoon yahanka in uu waqti badan geliyo sidii loo heli lahaa Dowlad adag oo uu dalku yeesho.’

Madaxweyne Geelle ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan waddanka sida barakaca joogtada ah, dagaallada bulshada ku socda maalin kasta iyo duruurafaha dhaqaale ee heyta waddanka, wuxuuna aqoonyahanka ugu baaqay in ay waqti badan ku bixiyaan sidii looga bixin lahaa umadda dhibaatooyinkaasi ayagoo garab istaagaya dowladda KMG ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Aqoon yahanka kula dardaarmay in ay muujiyaan dowrkooda ku aaddan nabadeynta waddanka, iyo samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee dagaallada ku dhex jiray muddo dheer.

Barakac baahsan oo ka bilowday degmooyinka magaalada Muqdisho

$
0
0

Dadka tirada yar ee ku haray degmooyinka waqooyiga Muqdisho ayaa saaka waxa ay halkaasi ka wadaam barakac xooggan kadib markii dowladu iclaamisay dagaal boqol maalmood ah oo lagula wareego degmooyinka magaalada Muqdisho.

Saaka Degmada Karaan ayaa waxaa ka barakacay dad garaya ila iyo 20 qoys kuwaasi oo rajo ku nool ahaa isla markaan ka haray dadki kabarakaya 2 sano kahor degmada xiligii ay soo galeen Al-Shabab .

Degmooyinka saka laga cararaya maha degmada Kaaraan kale ee waxaa saka laga barakacayaa Degmada Shibis dhanka Shirkada NATIONLINK xarunteeda Shibis .

Dadka waxa ay ka cararayaan Dagaalka ay warbaahinya sheegtay in ay Dowlada so qadi doonto malinta Isniinta ah ee birita ah hase yeesha waxa ay xalay indha hooda ku arkeen gurmad Shabab ah oo laga geenay dhanka Sh/dhexe.

Si kastaba ha ahaatee Magalada Muqdisho ayaa gashay saan saan culaadeed kadib markii labada dhan ay idacadaha isku mariyeen in ay diyaar u yihiin dagaal kama midba midka kale uu Muqdisho kaga sarayo .


Alshabaab oo ciidamado soo dhoobay magaalada Muqdisho iyo dagaalo laga cabsi qabo

$
0
0

Ciidamda Taraafikada ee Al-Shabab ayaa xalay illaa iyo saakay ku howlan iney soo gudbiyaan ciidamo ka tirsan Alshabaab oo gurmad u ah kuwa jooga magaalada Muqdisho kadib dagaalo laga cabsi qabo iney ka dhacaan magaalada Muqdisho.

ciidamada taraafikada ee Alshabaab ayaa  waxa ay hakad galiyeen dhamaan gaadiidkii isticmalayay wada Ex-Koontarool Balcad halkaasi oo ay ka soo galayaan Ciidamo Gurmad ah oo lagu xoojinayo ciidamda Aaga hore ku jira .

Gawarida dagaalka oo jiidaya Madaafiic ayaa ka soo galay dhanka Shabaleda Dhexe kuwaasi oo soo gaaray xalay Fiidnimadani Magalada Muqdisho kuwaasi oo la geeyay isla durba laba Difaac oo ay Shabaab ku leeyihiin Degmada Hodan iyo Boondheere.

Ciidamadani la keenay Caawa waxa ay u badanyihiin ciidamda loo yaqaano Kumaantooska AL-Shabaab ama Saraakiisha Tababarada qaaska dhiiba kuwaasi oo laga soo kaxeeyay Xeryaha lagu tababarto ee Sh/Dhexe.

Dadka degaanka waqooyiga Muqdisho ayaa xaqiijiyay in caawa iyo saakay soo galeen magaalada ciidamo farabadan oo ka tirsan ALshabaab.

Ciidmadani ku soo qolqolaya Muqdisho ee Shabaabka ka tirsan ayaa waxa ay jawaab u yihiiin Asbuucii uu madaxweyne Shariif ku sugnaa Xerada Milatariga ee Villa Baydhaba halkaasi oo kula kulmay saraakiisha Ciidamda Militariga Dowalda Somaliya balan qaadena in ay wiiqayaan Al-Shabaab .

Ciidamada Itoobiya oo falal isugu jira Xasuuq iyo guryo gubis ka geystay dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku heysto

$
0
0

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay in ay dab qabadsiiyeen ku dhowaad Toban aqal oo ku kala yaal tuulooyinka Afmadoow iyo Gabagabo oo ka tirsan gobolka Qorraxey.

Itoobiyaanka ayaa dhanka kale si bareer ah Hooyo iyo Caruur ay dhashay ugu gubay aqab ay ku jireen waxaana sida wararku sheegayaan aqalkaas ku naf baxay Hooyadii oo Faadumo Cilmi lagu magcaabi jiray iyo labo carruur ah oo ay dhashay.

Wararku waxay intaas ku sii darayaan in Gabar labaatan jir ah ay iyana ku gubeen Itoobiyaanku aqal ay ku jirtay waxaana isla aqaladaas la gubay ku dhowaacmay dad aad u fara badan oo carruur iyo waayeel isugu jira.

Itoobiyaanka ayaa si arxan daro ah u xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka ay Itoobiyaanku xooga ku heystaan.

halgankanet@gmail.com

 

Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo laga cabsi qabo in ay saacadaha soo socda ku dagaalaan Suuqa Bakaaraha iyo dhaqadhaqaaqyo..

$
0
0

Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa laga so sheegayaa xiisad u dhexeysa xoogaga Alshabaab iyo Xisbul Islaam ee ka mideysan colaada kala dhexeysa dowladda Soomaaliya balse ku kala fog aragtida siyaasada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in ciidamo aad u fara badan ay Xisbul islaamku soo dhoobeen gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha halka Alshabaabkuna ay ciidamadoodi ku suganaa gudaha Suuqa heegan geliyeen.

Xiisadan oo u muuqata in ay daba socoto falkii dilka ahaa ee shalay gudaha Suuqaas loogu geystay laba ka mid ah ciidamada Xisbul islaam ayaa waxaa la filayaa in ay faraha ka baxdo dagaalna isu bedesho.

Waxaan oo dhan ayaa dhacaya xili dagaalo qasaaro nafeed geysty ay ku dhex mareen deegaanada ay gacanta sida wadajirka ugu hayaan xoogagani gaar ahaan gobolka Bay degamdiisa Buur hakaba.

Xiisadan iyo halka ay ku dambeyso dib ayaad uga bogan doontaan.

halgankanet@gmail.com

War deg deg ah: ururkii Xisbul Islaam oo ku biiray Alshabaab!!

$
0
0

Wararka aan ka heleyno magaalada Afgooey ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in maamulka Xisbul Islaam si toos ah ugu biireen ururka Alshabaab kadib shir markale ey halkaasi ku yeesheen saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka oo uu kamid ahaa Sh. Xassan Daahir.

Wararka ayaa intaasi ku daraaya in kulan maal mahan socday oo galabta kusoo gaba gaboobay Magaalada Afgooye ay Xisbul Islaam go’aansadeen in ay ku biiraan Al shabaab kadib markii shabaabku kusoo dhowaadeen meelo badan oo Afgooye ka agdhow isla markaana Xisbiga fursadu siiyeen in ku biiraan ama ay xoog ku muquuniyaan.

Shirka galabta soo gaba gaboobay ee natiijadiisu noqotay in ay Xisbul Islaam Al shabaab ku biiraan ayaa waxaa ka qayb galay hoggaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xassan Daahir Aways iyo hoggaamiyeyaal kale oo Xisbiga ka tirsan inkastoo aan ilaa iyo iminka la ogayn mawqifka uu qaatay Sheekh Aways, hase yeeshee waxaa loo badinaayaa in uu mari doono meesha ay ka mareen raggii ka horeeyey ee Al shabaab ku biiray inkastoo uusan marnaba taasi raalli ka ahayn Sheekh Xassan Daahir Aways.

Warka ayaa sidoo kale sheegaaya in Ciidamadii Xisbul Islaam ee ku sugnaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay galabta laga bilaabo yihiin Ciidamo hoostaga Xarakada Al shabaab iyadoo ay meesha ka baxeen Ciidamadii Xisbul Islaam.

Deegaanno kamid ah kuwa u dhexeeya Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo ay ceelasha biyaha kamid yihiin ayaa lafilaayaa in maamulada Ururka Xisbul Islaam ee Deegaanadaasi ka dhisan ay si toos ah ugu biiraan Xarakada Al shabaab maal maha soo aadan.

Maal mahii lasoo dhaafay ayaa labada Urur waxay dagaallo ku dhexmareen qaybo kamid ah Gobolka Baay iyadoo sidoo kale ay jireen xiisaddo ka jiray qaybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose, sidoo kale arrintan ayaa kusoo aaday xilli maanta Suuqa Bakaaraha laga dareemaayey xiisado u dhexeeya labada urur taasi oo timi kadib markii ay Shabaabku dileen mid kamid ahaa Ciidamada Xisbul Islaam.

Sikastaba maaha markii ugu horaysay oo uu Maamul katirsanaa kan Xisbul Islaam uu ku biiro Xarakada Al shabaab, galabnimadii shalay ayaa Maamulkii Xisbul Islaam ee Degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxay ku biireen Xarakada Al shabaab.

Dhaqdhaqaaqa ka hortagga qabyaaladda

$
0
0

Galbeedka Magaaladan London, xaafadda Hammersmith, waxaa xalay ka dhacday musaabad ay isugu yimaadeen in ka badan kun qof, oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan guud ahaan London.

 

rel="lightbox" src="http://wscdn.bbc.co.uk/worldservice/assets/images/2010/12/20/101220052342_koronto_cabdifitaax_226x170_koronto_nocredit.jpg" alt="Cabdifitaax iyo Koronto" width="226" height="170" />

Cabdifitaax oo u waramaya Cabdiraxmaan Koronto

Galbeedka Magaaladan London,
xaafadda Hammersmith, waxaa xalay ka dhacday musaabad ay isugu yimaadeen
in ka badan kun qof, oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ku
dhaqan guud ahaan London.

Waxaa isugu yeeray dhalinyaro ku midowday
dhaqdhaqaaqa Anti-Tribalism Movement, (ATM), oo ah urur ay sameeyeen
koox dhalinyaro ah oo ku nool magaaladan London.

Heeso, bandhig faneed iyo ruwaayad ka tarjumaysa
xumaanta ku dhaqanka qabiilka, iyo guud ahaan dhibaatada bulshada
Soomaalida ku haysata qurbaha iyo sidoo kale guud ahaan dhibaatooyinka
ka dhexjira qoysaska.

Cabdiraxmaan Koronto, ayuu uga waramay ujeedada ATM.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live