Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Warar Dheeraad ah Oo Ka Soo Baxay Weerarkii Baydhabo

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dablay hubaysani ay weerar ku qaaday xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana goobtaas ku geeriyooday illaa sideed qof.
Dadka weerarkan ku dhintay ayaa isugu jiray Saddex ka mid ah ciidamada amniga, laba Askri oo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee ku jira Hawl-galka Midawga Afrika ee AMISOM iyo saddex ka mid ahaa maleeshiyadii weerarka soo qaadday.
Guriga la weeraray ayaa ahaa dhismaha uu deggan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan isla markaana u ah xarunta uu ku shaqeeyo, waxaana wararku sheegayaan inuu ka badbaaday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan weerarkaasi.
Wareysiyo ay VOA weerarkan kala yeelatay  goob joogayaal iyo qaar ka mid ah sharaakiisha amaanka ee Magaalada , halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:http://www.voasomali.com/audio/267733
Source : VAO.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Rabshadaha Ferguson

$
0
0

Video : Peter Creste oo Aljazeera ku laabtay

$
0
0

Kn: Kadib markii 400 maalmood uu ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Masar, waxaa maanta markii ugu horeysey xarunta idaacadda la’iska arko ee Aljazeera dib ugu laabtay Peter Cresta oo ah wariye caan ah, muddo dheerna ka warami jirey arrimaha Soomaaliya.
Soo dhaweyn balaaran ayaa halkaasi loogu sameeyey, iyada oo daraasiin shaqaalaha Alshabaab ay sacab iyo alalaaso kusoo dhaweeyeen markii uu soo galay halka wararka laga akhriso.
KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Regional leader in Somalia survives assassination attempt

$
0
0

:President of South Western regional of Somalia Shariff Hassan Adan has survived an attack on the heavily –fortified presidential palace in Baidoa. The raid is believed to have started with a car bomb near the presidential palace compound, after which ...
Weblinks: 

Somalia: Al-Shabaab launches deadly attack on government offices in Baidoa

$
0
0

Mogadishu, Somalia (CNN)Islamic militants with the extremist group Al-Shabaab mounted a bloody attack Thursday on government administration offices in Baidoa, Somalia. Initial reports to police indicate that nine people, including four attackers, were ...
Weblinks: 

Somalia's Shebab stages suicide attack in key central town

$
0
0

Mogadishu (AFP) - Somalia's Al-Qaeda-affiliated Shebab militants on Thursday attacked a fortified area in the central town of Baidoa, home to a key regional government headquarters, United Nations compound and airport, security officials said. Officials ...
Weblinks: 

Maamulka Koonfur-galbeed oo ka warbixiyay weerarkii Baydhabo

$
0
0

Maamulka KMG ah Koonfur-galbeed, Soomaaliya ayaa ka warbixiyay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee maamulka. Wasiirka amniga ee maamulka, Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu gacanta ku dhigay laba ka tirsan kooxdii geysatay weerarka oo bad qaba, ayna baarayaan. Wasiirka ayaa tilmaamay inuusan jirin khasaare gaaray mas’uuliyiinta maamulka, magaaladuna ay [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo: Gudoomiyaha Kulmiye oo Si adag ula hadlay Mucaaridka

$
0
0

Weerar Cirka ah oo lagu Qaaday Sarkaal Alshabaab ah

$
0
0

Wasiir Maareeye: “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii Warbaahinta dalka loo horumarin lahaa.”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

$
0
0

ShareNairobi, 12 March 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye) oo labadan cisho joogey Nairobi ayaa maanta kulamo la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Safiirka Finland iyo Safiirka Japan oo uu kala hadlayey sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliya oo ay ku jirto warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo tan Dowladda.
Wasiir Maareeye ayaa yiri “Geed dheer iyo mid gaabanba waan u fuuleynaa sidii warbaahinta dalka looga horumarin lahaa dhinacyada tayeynta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo kor u qaadista xirfadaha weriyayaasha iyo shaqaalaha warbaahinta dalka.
Kulankii Safiirka Midowga Yurub Michelle Cervone D’urso ayaa ahaa mid si gaar ah looga hadlay arrimaha New Deal-ka, Vision 2016 iyo sidii Wasaaradda looga taageeri lahaa barnaamijyada wacyigelinta bulshada ee ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah. Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan hirgelinta mashruuca New Deal-ka iyo mashaariicda kale ee ay dalka ka hirgeliyeen oo uu ugu dambeeyey dayactirka waddada isku xirta Garowe iyo Galkacyo oo shalay la saxeexay. Safiirka Midowga Yurub ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay horumarka iyo doorka Wasaaradda Warfaafinta isla markaana ku dhiirigeliyey Wasiirka inuu sii xoojiyo wacyigelinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta dalka.
Safiirka Finland Ms Sofie From-Emesberger ayaa iyadana soo dhaweysay dadaalada Wasiirka iyo wasaaradda Warfaafinta.
Wasiirka ayaa Safiiradda uga mahadceliyey hirgelinta mashruuc lagu dayactirayo istuudiyaha SNTV iyo qalabeyntiisa oo dhowaan la dhameystirayo, iyo taageeradooda dhanka kor u qaadida tayada warbaahinta iyo wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye iyo Safiirka Japan H.E. Tatsushi Terada ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Wasiir Maareeye ayaa Japan uga mahadceliyey doorkooda Soomaaliya oo ay dalka Japan sanadihii la soo dhaafay labo shir ugu qabtay Soomaaliya isla markaasna dhanka kobcinta tayada shaqaalaha ay kala shaqeeyaan Soomaaliya iyo taageerada booliiska Soomaaliyeed. Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda wacyigelinta iyo doorka wasaaradda Warfaafinta iyo in horumarinta warbaahinta ay muhiim u tahay horumarka dalka.—DHAMMAAD—Share
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Djibouti president holds talks with Somalia PM

$
0
0

Sharmarke was accompanied by a strong delegation comprised of members of his government including Foreign Minister Abdisalam Hadliyeh, Transport Minister Ali Jama and Defense Minister Mohamed Ali Haga. An official source said the meeting between the two ...
Weblinks: 

QISO JACAYL OO KU WAANO QAADASHO MUDAN:-

$
0
0

Faiza waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib Faiza reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya. Faiza Waxeey ku noleed mudo qaxootiga kenya. Faiza markeey jirtay 18sano waxaa loo sameyay kaar (kaararka lagu dhoofo) oo ayada u gooni ah, waxaase laga saaray kaarka ehelkeedi eey kula jirtay. Mudo yar kaddish Faiza waxeey usoo dhooftay Marekanka, gobol somalidu eey ku yartahay. Markeey mudo yar marekanka joogtay baa Faiza waxaa ka helay wiil magaciisa la yiraahdo Feysal. Faiza waxeey aheyd gabar dheer, cas , qosol qurxoon leh, diin iyo dabeecadba Alle u dhameyay. Faiza Alle wuxuu siyay akhlaaq iyo dabecada wanaagsan, wiilkii arkaaba wuxuu ku qancayay adabteeda iyo diinteeda. Sidoo kale Feysal wuxuu ahaa wiil Jamacad dhameyay, wuxuuna heestay shaqo wanaagsan. Sidoo kale wuxuu ahaa wiil fur furan ehelkiisana u wanaagsanaa. Feysal muda badan baa waxa uu eegayay gabar qancisa,Balse nasiib wanaag Feysal marka uu arkay Faiza wuxuu la dhacay degnashaheeda iyo quruxdeeda. Feysal si wanagsan buu waxa uga codsaday Faiza in uu la shekeeysto ayudana ma eysan diidin oo wey ogolaatay codsigiisii. Faiza xilgaa waxa eey la degneyd qoys eey isku barteen kenya. Hase yeshee Feysal baa waxa uu u qaatay faiza in eey qoyskaa ka dhalatay. Faiza marna uma eysan shegin Feysal ehelkeeda iyo qabiikeedi maxaa yeelay faiza waxa eey ka dhalatay qabiil la heebsooco. Intaa kadib Feysal gabadhii aad buu u jeclaaday. Ilaa heer wuxuu gaaray in uu seexan waayo asigoon codkeedi maqlin. Feysal mar walba uu tukado waxa uu ku duceyn jiray Faiza, Allena waxa uu ka barin jiray in u calaf ugu daro. Sidoo kale wuxuu u gadi jiray hadiyado, Feysal mar walba waxa donayay inuu arko farxadeeda iyo qosolkeeda. Wuxuu Faiza ka ilaalin jiray in eey marna murugooto maxaa yeelay jeceylka uu u qabay baa aad weynaa.Hadey xanuunsato ma uusan sexan jirin ilaa u ka hubsado xaladeeda. Sidoo kale Faiza weey jeclaatay Feysal, Jaceylkeedu wuxuu ahaa Jaceyl xad dhaf ah oo waligeed aan so marin. Maxaa yeelay Feysal waxa u ahaa wiil darensiyay naxriis kalgaceel, sidoo kale waxa uu tusay kalsooni weyn. Faiza booskii reer keedii ayuu u galay Feysal maxa yeelay waqti walba iyo wax walba eey u baahato Feysal beey ka heli jirtay. Intaa kadib Feysal baa waxa u codsaday in uu Faizo guursado. Faiza baa arintii waxeey ku noqtay lama filaan, kadib baa waxeey dhahday waqti aan uga soo fikiro isii. Maalmo kadib waxa eey ku fikirtay in eey u sheegto ehelka eey kasoo jeedo inta eeysan ogalaan guurkiisa ka hor, balse jaceylkeedi baa ka tan badiyay. Intaa kadib Faiza waxa eey go’aansatay in eeysan u sheegin qabiilkeedi iyadoo ka carareyso in uu dhaawac soo gaaro jaceylkoodii. Feysal mar walba waxa uu kula kaftami jiray qabiilka uu u qaatay in eey tahay Faiza. Qalbiilkaas waxa ahaa qoyskii eey la deganeyd, ee ayadu ma eeysan aheyn.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo abaalmarinno lasiisay Fannaaniin iyo Suxufiyiin

$
0
0

Hey’ada Rural Aid and Development Organisation (Rado ) oo saldhigeedu yahay Wadanka Holland ayaa Abaalmarino kala duwan Gudoonsiisay Fanaaniin iyo Wariyaal,iyadoo Hayadu u garatay in Dadkaas ay yihiin dad wax u qabtay Bulshada islamarkaana ay mudanyihiin in la dhiirigaliyo.
Axmed Cabdi Guhaad oo ah Madaxa Hay’adaas ayaa shahaadooyinkaas abaalmarintaa Gudoonsiiyay Shaqsiyaadka iyo Ururada ay u garteen in ay mudanyihiin in la abaalmariyo,waxaana abaalmarintaas la siiyay Kooxada waayahay Cusub oo u gudoomay Digriyow sidoo kale waxaa la siiyay Ilkacase oo isna ah Fanaan qaada Heesha Raabka ah oo degan wadan Maraykanka,halka isla boqorka Dhaantada la siiyay Cali Dhaanto oo ka yimid Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya http://madashatv.com/?p=4507
Dhinaca warbaahinta waxaa abaalmarin la siiyay ururka Center For Media And Dialogue,waxaana abaalmarintaas u gudoomay Madaxa Hay’adaas Bile Gurxan Axmed,iyadoo sidoo kale wariyaasha abaalmarintaas gudoomay ay ku jiraan Agaasimaha TV Qaranka Soomaaliyeed SNTV ee Wadamada Benelux C/laahi Maxamed Xusseen Taajirow iyo Raage Cali dheere oo noqday Camerman iyo promotion-ka ugu fiican Wadanka Holland.
Gudoomiye Axmed Abdi Guhaad oo Xaflada Abaalmarinta lagu bixinayay ka hadlay ayaa sheegay in Hay’adiisu ay qabato waxabadan oo la xariira arimaha Bulashada, iyo waliba gargaarka dadka,isagoo xusay in shaqsiyaadkaan ay u garteen inay yihiin dad Bulshada wax u qabtay islamrkaan loo bahanyahay in cidkasta oo wax qabta la abaalmariyo si loo dhiiri galiyo.
Waxaa isna Halkgaas ka hadlay Bile Gurxan Axmed oo ah Gudoomiyaha Center For Media And Dialogue oo sheegay in ay ku faraxsanyiihin inay helaan abaalmarintaan,waxuuna xusay in ay taas ka turjumayso sida ay wariyayaashu u noqdeen kuwa wax tara bulshada
“Waxaan Tusaale u soo qaadan karaa wadankaan markii aan dhimid xafladaha iyo barnaamijyada ka dhaca waa yaraayeen,hada Magaaladaan Rotterdam waxay noqotay Magaalada ugu shidan Yurup,waayo Fanaaniin dadka caanka Bulshada ka ah kuli halkaan ayey yimaadaan,manta cidkasta barnaamij samaysanaysa Rotterdam ayay rabtaa in wax loogu qabto dadaalkaas maahan kaliya wariyayaasha,laakin waxaa kaloo arinkaas qeyb weyn ka qaatay dhalinyarada Rotterdam,waliba Mohamed Wali (moha Dheere) AJ iyo dhalinyaro kale oo ka mid yihiin Saciid Xandule iyo Abdi Nuur”ayuu yiri Gudoomiye Bile Gurxan.
“waxaan raali galin buuxda Sinayaa cidkasta oo magaca saxaafada wax loogu dhibay inay raali ka ahaato,waayo anagu malaa’ig ma nihin,waa jiraan wariyaal dad Soomaali ah aflagaadeeyay,kuwaasna waxaan kula talinayaa hadiiba ay yihiin wariyayaaal xirfad leh inay qalinkooda ka ilaaliyaan bulshada “ayuu yiri Bile Gurxan
Waxaa iyagana halkaas ka hadlay Digriyow,Cali dhaanto iyo Ilkacase oo iyaguna aad ugu Mahad celiyay Had’ada RADO iyo Center for Media and Dialogue.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gudoomiyaha Mandheera Oo Weerar lagu Qaaday ka badbaaday

$
0
0

Wararka ka imaanaya deegaanka Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in kolonyo uu la socday Gudoomiyaha deegaankaas Cali Roba lagu weeraray duleedka Mandhera.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa jidka u galay kolonyada uu la socday Gudoomiyaha deegaanka Mandhera, kuwaasoo u safrayay dhinaca deegaanka Ceel-Waaq.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa saddex ruux ay ku dhinteen weerarkaas, kuwaasoo labo ka mid ah ay ahaayeen askar, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo Al-Shabaab gubeen labo gaari ay wateen, halka gaari kale oo Qaad waday ay kaxeysteen.
Gudoomiyaha deegaanka Mandhera Cali R0ba ayaa u sheegay BBC-da inuu ka bad baaday weerarkaas, oo aanay waxba ka soo gaarin, isagoo xaqiijiyay labo kolonyadii la socotay la gubay, mid kalena laga qabsaday sida uu yiri.
Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay inay afar askari ku dileen weerarkaasi, ayna kula wareegeen gaadiid dagaal ay la socdeen ciidanka Kenya
Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa aheyd halkii sanadkii hore lagu dilay dadkii baska saarnaa ee u badnaa macalimiinta.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Aroosyo Kale oo Yaab Badan oo Muqdisho Ka Dhacay

$
0
0

Baryahan danbe waxaa socday ugaarsi balaaran oo raga ajnabiga ah ku hayaan gabdhihii soomaaliyeed iyagoo guursanaya ama la baashaalaya gabdheheenii sharafta badnaa.
Arintan ayaa ka danbeusay kadib markii gabdhihii ka cowdeen in wiilasha soomalida ah aysan romantic aheyn sidaasna aysan jaceylka waxba ooga aqoon.
Hadaba wiil soomaaliyeed oo xanaaqay isagoo markaasna isna u aar guday gabdhihii ajnabiga guursan jiray isagana guursaday naag ajnabi ah  
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Xildhibaan Cabdi Barre: Waxba kama aan sheegin baasaboorka Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Xildhibaan Cabdi Barre Jabriil oo nala soo xiriiray ayaa si weyn u beeniyay eedeymaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo ah inuu warqad u gudbiyay gudiga dabgalka Qaramada Midoobe ee arrimaha Soomaaliya.
Sida ay maanta qorta Caasimada Online, Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa Xildhibaan Cabdi Barre ku eedeysay inuu warbixin been abuur ah u diray Gudigga dabagalka Qaramadda Midoobe ee arrimaha Somalia ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SEMG.
Xildhibaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay arrimahaas, waa uuna sheegay inaysan waxba ka jirin inuu baasaboorka Soomaaliya ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan fiiso lagu bixin karin.
“Wax ka jira malaha arrintaas, aniga waxba kama sheegin baasaboorka Soomaaliya, eedeymaha la sheegay inay ii haysato waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka ee Dowladana ma jiraan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.
Sida uu warbixinta lagu soo qaatay Xildhibaanka ayaa warqad u gudbbiyay Qaramada Midoobe qeybtooda dabagalka isagoo ku dhaliilay baasaboorka Soomaaliya inay isticmaalaan alqaacida iyo burcad badeed.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Eng. Hussein Deyr puts his personal interest as second priority

$
0
0

by Ismail Yusuf (Lugweyne)
The expression which articulates that the world is global village is based on truthful evidences, simply because the media has made possible to connect each other the seven billion populations to each other let alone the small population of Somaliland which possibly numbered approximately.Since I have started writing articles in our media, the internet connected to me thousands of people including even American academic professors who appreciated my articles upon viewing the same. Besides, this even though I did not sent to publish; I found some of my articles published in a foreign press include some African websites, Yemen, our Neighbors Djibouti and many Somali websites other than the somalilanders.
In every country, at time thousands of people are busy round the hour their personal interest first, there are few personalities occupied all the time focused serving their country the best they can and and Somaliland citizen Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) is good role for such superior quality in Somaliland or first class citizen. There are people who are busy to advance his society to the best they can even though they did not any official position from the government. We call such personalities as true citizen of his country. I have learned Hussein through the media and I found him as one the best persons that attract my attention of in the view of good quality. It is difficult nowadays to find a good friend, but I found Hussein being a good friend.
Being a good friend isn’t always easy, as the characterization of a friend has changed in today’s technologically connected world. Today we may think we have many “friends. In the context of social media, the term “friend” is often used to describe contactsrather than relationships.
Since we know each other, we exchange Hussein few emails and every email from him is friendlier from the earlier email. Every time I receive a message from Hussein, I like him more the degree of my previous degree. Hussein quality has captured my heart and mind. Quite often, the word, but noticing true friend in real life appears to be rally to find. We live in circumstances whereby tribalism is obstacle to see a good person. Even though i came to know Hussein less than a year period, However, I found Hussein being a rare quality. Had Hussein occupied an official post in our country, unquestionably, we will harvest the fruits that Hussein harvested in the practical life.
To my understanding Hussein originated from the Somaliland region of Gabiiey. Good persons can only become aware of the other good persons, Abdikarim Ahmed Moogeh (our deputy minister of planning) that I had time a telephone conversation with him described Hussein as rarely breed. Hussein being a true citizen of somaliland, we need tens of samples like him to appointed as one leadership positions of our county. Had Hussein be appointed as one of the leading positions in country, certainly he contributes an added value to the ministry, department or agency served. Taken the quality of Hussein which is widely liked and appreciated by people who are not even closed by blood, we request our esteemed government to appoint Hussein as one the leading role position in our country.
A good person can make another person good; it means that goodness will elicit goodness in the society; other persons will also be good. A nice person is a ‘yes’ person, whereas a good person is a person who accepts their responsibility in things and moves forward and tries to constantly evolve and isn’t afraid to say no or challenge someone or be honest or truthful.
If you’re a good person, the goodness will continue through your descendants. When I look at a person, I see a person – not a rank, not a class, not a title. The universe is full of good men going through the same motions in the same surroundings, but carrying within themselves, and projecting around them, universes as mutually remote as the constellations.” The person who can learn by observation can create his own culture. Courage is the most important of all the virtues because without courage, you can’t practice any other virtue consistently. Character is the result of two things: Mental attitude and the way we spend our time. Every true citizen of country has moral duty to tell had he encounter a good person like Hussein, as a good person is not only beneficial to himself, family but for all the people of Somaliland.
We should set free our minds from tribalism in an effort to reach and identify our good persons like Hussein. The essential thing is not knowledge, but character. Our character is but the stamp on our souls of the free choices of good and iniquity we have made through life. Character is a diamond that scratches every other stone.
Character is the real foundation of all worthwhile success. A good head and good heart are always a formidable combination. But when you add to that a literate tongue or pen, then you have something very special, said by Nelson Mandela. Goodness is about character integrity, honesty, kindness, generosity, moral courage, and the like. More than anything else, it is about how we treat other people. A man’s character is like his shadow, which sometimes follows and sometimes precedes him, and which is occasionally longer, occasionally shorter, than he is. In conclusion if there is a person with a good character, he is Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr).
Ismail Yusuf Lugweyne
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Horumarka Ballaadhan EeMadaarka Hargeysa Shantii Sanno Ee la soo dhaafay

$
0
0

By: Qaybta:2aad
Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland waxa uu ka mid noqday liiska Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Siilaanyo soo dhisay 28-kii Bishii July 2010 iyada oo Maxamuud Xaashi loo magacaabay Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland. Maxamuush Xaashi Cabdi waxa uu xilka wasaaraddaasi uga dambeeyey Cali Maxamed Warancadde oo hadda ah Wasiirka Daakhliga Somaliland. Wasiir Maxamuud markii uu xilka wasaaradda la wareegay hadalkiisii ugu horreeyey ee uu warbaahinta siiyo waxa uu ku ballan qaaday in uu awooddiisa oo dhan isugu gayn doono sidii uu u casriyeyn lahaa Madaarrada Dalka isaga oo si gaar ah isaga xil saaray dib u ballaadhinta iyo casriyeynta Madaarada Hargeysa, Berbera iyo Burco halka qiimayn lagu sameeyey Madaaro kale oo uu ka mid ahaa Madaarka Boorama.
Isaga oo dhinaca kalena ku dadaalay in dhismihii hore wasaaraddaasi ugu jirtay laga guuro, heshana dhisme Casri ah oo ay degto kaasi oo aan dib ka faahfaahin doono sida uu ku yimid kuna hir-galay dhismaha cusub ee wasaaradda Duulista u hirgalay mudadii xukuumaddani talada haysay.Guda-Galkii Mashruuca Dib-Dhiska Madaarka Hargeysa:
Wasaaradda Duulista Hawadu waxa ay xidhiidho kala duwan la samaysay Deeq-bixiyayaasha iyo dawladdaha saaxiibka la ah Somaliland iyada oo wasaaraddu la timid qorshe ay ku raadin karto cid Somaliland ka taageerta dhismaha madaarrada dalka, gaar ahaan Madaarka Caasimadda, waxaanu Wasiirku heshiis arrinkaasi la xidhiidha la galay Dawladda Kuwayt oo noqotay dawladdii gacanta ugu weyn ka gaysatay dhismaha madaarrada Hargeysa iyo Berbera halka kharashaadka dhismaha madaarradan xukuumadda Somaliland miisaaniyadda ku darsatay oo ay lacago badan ku bixisay. Wasiir Xaashi, waxa uu dalka Kuwait isla markiiba Bishii November 2010 wadanka Kuwait ku soo saxeexay heshiiska Mashruuca qaybta 1aad ee dhismaha Madaarka Hargeysa ee dalkaasi innaga caawiyey intiisa badan.
Qiimayn ballaadhan oo lagu sameeyey Baahiyaha Madaarka Hargeysa (early assessment survey) waxa natiijooyinkii warbixintii laga diyaariyey ka mid noqday in gabi ahaanba Dhabbaha Diyaaradaha ee Run-waygu aad u liidato oo loo baahan yahay in wax laga qabto. Inkasta oo Guddida qandaraasyada qaranku ay 16-kii February 2012 shaaciyeen qandaraaska dhismaha Madaarka Hargeysa oo wakhtigaasi ku guulaysatay shirkadda Somaliland Hono Group hadana hawsha Wasaaraddu Madaarrada ka bilawday waxa uu bilaabmay sanandkii 2011 waxaanay Wasaaradda oo kaashanaysa khubaradeedu gudo gashay samaynta daraasad ballaadhan oo lagu qiimeeyey baahiyaha dhabta ah ee Madaarka oo aad u badnaa waxaana durbadiiba awoodda la saaray halkii ugu darnayd oo ah in dib u dhis ballaadhan lagu sameeyo dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan soona caga dhigtaan ee Run-wayga oo ahaa mid aad u liita. Bishii March 2012 ayay shirkaddii qandaraaska ku guulaysatay saxeexday Hawsha Madaarka laga qabanayay oo saddex waji lahayd:
1. Sahanka Lagu Sameeyey Guud Baahiyaha Madaarka (Assessment Survey)
2. Xayndaabka Madaarka Oo Qiimayn isna Lagu Sameeyey
3. Qorshihii Lagu Soo Iibiyey Laguna Soo Dejiyey Agabkii Madaarka Lagu Dhisay
Agaasimihii Guud ee wakhtigaa Joogay Wasaaradda Duulista Md. Axmed Dalal Faarax oo saxaafadda la hadlay waxa uu yidhi: “Mashruuca dhismaha Madaarka Hargeysa hawshiisu iyada oo la kawsatay magacaabistii Wasiirka Duulista Hawda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, hadana waxa ay si rasmi ah u bilaabantay markii aanu shirkadaha qandaraaska qaatay kala saxeexanay bishii March 2012. Mashruucani waxa uu qorshuhu yahay in uu socdo muddo 15 Bilood ah”.
Dr. RC. Gubta oo ka tirsanaa Hawl-wadeenada Hay’adda ICAO oo maalmahaasi hadlay waxa uu sheegay in qorshayaasha Wasiirka Duulistu shirkadaha ku amray ay ka mid ahayd in marka uu mashruucani dhammaado Garoonka Cigaal International uu noqdo mid 24-ka saacadoodba shaqeeya oo la tartamada garoomada caalamka iyo kuwa mandaqadda Geeska Afrika. Arrinta kale ee xiisaha lahayd waxa ay ahayd in Dr. Rami Chehade oo la taliye u ahaa shirkadda reer Kuwait ee NARCO ee maamulaysay mashruucan kana wakiil ahayd Hay’adda Kuwait Fund ee iyadu bixisay maal-gelinta dib u dhiska Madaarka Hargeysa uu maalmahaasi madaarka dhismihiisu bilawga ahaa saxaafadda u sheegay in ay gacan weyn ka halayeen Injineerro waddani ah oo ka qalin jabiyey Jaamacadaha dalka oo dhismaha ka qayb galay arrinkaasi oo ahaa ididiilo u soo hoyatay Injineerrada wadaniga ah oo u noqotay dhiirrigelin.
Dhismaha Run-wayga Madaarka ayaa si layaab leh u bilaabmay iyada oo duulimaadyadii Madaarka Hargeysa loo wareejiyey Madaarka Berbera kaasi oo Wasaaraddu dayac tir badan ku samaysay si uu u hanto hawlaha shaqo kadib xidhitaankii Madaarka Hargeysa. Waxa xusid mudan in heerkiisu aad u hooseeyey Madaarka Berbera ka hor intii aanay wasaaraddu wax badan ka qaban si uu u hanto duulimaadyada u soo wareegay.
Wajiga 1aad ee dhismaha Madaarka ayaa la guda galay. Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Eng. Muuse Ibraahim Salaf oo aanu wax ka waydiinay heererkii uu soo maray Mashruuca dhismaha Madaarka Hargeysa ayaa noo sheegay in marka laga yimaado heshiisyadii iyo daraasadihii lagu sameeyey baahiyaha Madaarka in hawshiisu si rasmi ah u bilaabantay Bishii May 27-keedii 2012 iyada oo la bilaabay qaybta koowaad ee Mashruucan oo ahayd Dib u dhiska Run-wayga, adkayntiisa iyo samaynta Xayndaabka Madaarka qaybtiisa koowaad. Dhabbaha Madaarka oo sidii aan soo sheegnay ayaa mid aad u liitay kuna sii gurburay dagaaladii dalka waxa la galiyey hawshii ugu cuslayd Mashruucan waxaana la saaray ugu yaraan saddex layer (Lakab) oo dhisme ah.
Run-wayga oo dhererkiisu ahaa 2466 Mitir oo dherer ah iyo 45 Mitir oo ballac ah, waxa markii koowaad la hagaajiyey laamidii hore, iyadoo la buuxiyey goobihii daloolay, si adgana loo soo dhishay goobihii jilicsanaa, Injineerada hawsha waday ayaa go’aansay in Run-wayga hore uu noqdo bays ama sal adag oo ay ka bilaabaan shaqada ka diba waxa la saaray Lakab culus oo aad u qara weyn, tayo ahaana heerkiisu aad u sarreeyo (High Stander Layer), lakabkaasi oo dhammaa 6cm. muddo saddex Bilood ah oo aan kala joogsi lahayn ayuu qaatay dhismaha Lakabkaasi. Muddo kadib waxa Run-wayga laga hirgeliyey lakabka labaad oo isna laga dhigay 4cm oo isna aad kor ugu qaaday dhererkii iyo dhumucdii dhismaha Run-wayga iyada oo sidoo kale Wasaaraddu isla maalmahaasi dhamays tirtay goobta Diyaaraddu is taagto (Parking) iyo edegga kale ee diyaaraduhu ka baxaan markay soo degaan oo iyagana la dhisay lana saaray laba lakab oo dhumuc weyn. Dhammaan labadaasi dhisme, hore Run-waygu uma lahayn halka isla qaybtaasi Mashruucan laga hirgeliyey in madaarka lagu soo wareejiyo Xayn-daabka Amni ee Madaarka (Security Fence) oo qaybtiisii hore la dhammays tiray maalmahaasi, kaasi oo dherer ahaan dhammaa 8KM. Waxa xusid mudan in Xayndaabka Madaarka tayadiisa aad loo wanaajiyey. Xayndaabka ayaa ah mid ka kooban Tiirar Sabbad ah oo leh sibidh aad u qaro weyn iyo waayirro aad u adag. Tiirarka xayndaabka ayaa dhererkoodu yahay Laba Mitir iyo Badh, ahna mid aad u dhumuc weyn iyo waayirro aad u culus. Dhamays-tirka xayn-daabku waxa ay keentay in xaaladda Amni ee Madaarku noqoto mid la isku hallayn karo. Qiimaynta dawladda Kuweyt Ku samaysay wajiga koowaad ee Mashruucan ayaa natiijadeedii waxa ay noqotay mid aad u wanaagsan oo ay ku qanceen, taasi oo ku dhiiri-gelisay in masuuliyiinta dalkaasi Kuwait ku dhiirradaan in ay sii wadaan waji labaad oo maal-gelineed taasi oo Wasiirka Duulistu mar kale ka midho dhaliyey. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Duulista iyo Hawadu waxa uu digreeto ku soo saaray bishii 9aad ee sannadkii 2013 in Madaarka Hargeysi furan yahay, inkasta oo Madaarka Madaxweynuhu furitaankisa Xadhiga ka jaray 17-kii Bishii ka horraysay ee siddeedaad 2013. Markii madaarku si rasmi ah u furmay waxa markiiba ka hawl galay shirkadaha diyaaradaha Daallo, Jubba Airways, Ethiopian Airline iyo African Express oo diyaarado waaweyn keenay.
La Soco.
Xigasho Wargeysa Foore

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirka Golayaasha Somaliland oo La Kulmay Xildhibaano Baarlamaanka UK ka Tirsan

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Xidhiiidhka Golayaasha Qaranka Ee Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil oo Maalmaahanba ku sugnaa Dalkan UK ayaa Kulan aad u Muhiim ah la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Baarlamaanka UK oo uu ka mid yahay Rug-cadaaga Weyn ee Sir Tony Baldry iyaga oo si qoto dheer uga wada hadlay Cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland Iyo UK.
Waxaana Wasiirku uu Warbixin Balaadhan ka siiyay Xaalada guud ee uu Dalka Hooyo ku sugan yahay iyo Nidaamka Dawladnimo iyo Horumarka ka socda Somaliland. Wasiirka oo ay Wehelinayeen Safiir ku Xigeenka Safaarada Somaliland ee Dalkan UK Danjire Daahir Tukaale iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Dalkan UK Mudane Xariir Xirsi ayaa waxa uu ahaa Kulan aad u Muhiim ah oo ay labada dhinac is dhaafsadeen warbixino kala duwan, waxaana Wasiir Cali Xaamud Jibriil uu Gebogabadii Kulankaas uu Xubnaha Barlamanka UK Gaar ahaan Sir Tony Baldry uu ka codsaday inuu Dalka Somaliland Booqasho ku yimaado, taasoo Xildhibaan Sir Tony Baldry uu aad u soo dhaweeyay.
Waxaan u Mahadnaqayaa Safiir ku Xigeenka Somaliland ee UK Danjire Daahir Tukaale iyo Mudane Xariir Xirsi oo hawshan aad uga Soo shaqeeyay.
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Nigeria oo beenisay kooxo u dagaallama

$
0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live