Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dowladda KMG ah oo faahfaahin ka bixisay hesiis ey la gashay shirkada Saracen

0
0

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo
Isgaarsiinta Xukuumadda KMG Soomaliya mudane C\kariin Xasan Jaamac ayaa
maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaardda warfaafinta
Soomaliya waxa uu faafaahin dheer kaga bixiyay heshiiskii ay DKMG
Soomaliya la gashay shirkadda Sarsen International.

Wasiirku waxa uu sheegay in shirkadu ay
fulineyso heshiisyo ay ka mid yihiin tababarida Ciidamada Ilaalada
gaarka  ah ee madaxda Qaranka, dib u dhiska ilaha muhiimka ah ee
bulshada iyo fulinta mashaariic horumarineed oo dhinaca Bani’aadanimada
ah.

Mudane C\kariin Xasan Jaamac Wasiirka
wasaaradda Warfaafinta. Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya ayaa sidoo
ka hadlay in heshiiska ay dowladu la gashay shirkadaasi aanuu waxba u
dhimeynin cunuqabateyntii dhanka hubka ee saarnaa Soomaliya.

Dhanka kale Wasiirka warfaafinta,
Boostada iyo Isgaarsiinta  Soomaaliya waxa uu sheegay in ay Amisom ay
sharaxaad buuxda dhankeeda ka siiyeen waxa ay qabaneyso shirkadaasi iyo
in aysan howlahoodu aheyn kuwa saameyn isku yeelanaya iyadoo dhanka kale
uu wasiirku tilmaamay in ay shirkada qarashaadka ku baxaya heshiiskeeda
ay bixinayaan dalal ka tirsan wadamada muslimiinta oo uu ka gaabsaday
in uu faahfaahin  ka bixiyo.

Dhawaan ayey aheyd markii DKMG Soomalia
ay heshiis la gashay  Shirkada Sarsen International taasi oo fulineysa
howlo badan oo ay la gshay DKMG Soomaliya.


Iildhigidda Xizbiga, Alalaaska Alshabaab iyo Awoodda Amisom. Qalinkii Bashiir M. Xersi

0
0

Iildhigidda Xizbiga, Alalaaska Alshabaab iyo Awoodda Amisom.

Hordhac:

Iildhigidda Xizbiga.

alalaaska Alshabaab.

Awoodda Amisom.

Gunaanad.

 

Horudhac:

 

Markaad milicsato sooyaalka dhaw ee siyaasadda Soomaaliya, waxaa kuu muuqan sawir aad u foolxun, uu ka dhex muuqdo wadaad garwyen, taftu u xaydan tahay, bundukh bogga ugu lammaansan yahay, cimaamad cas iyo qamiis cad xiran, Aayado iyo Axaadiis daliilinaya, ku aroorinaya inuu maato laayo, masaakiin xoolahooda xalaashado,  baaqiisu yahay “Akhii”, mawjadduusa tahay “Diin”, halku dhaggiisuna yahay: “Damaanadda Janadu waa dad dilid!”,  isu haysta afhayeen Eebe iyo wakiil buuxa, ayaandarro waa Soomaali caadadeedee, caleemo qoyan iyo calamo aya lagu soo dhaweeyey.

Caku laab la kac iyo caadifade!, la isma weydiin: ar kuwani maxay yihiin? Sidaan horayba la isu weydiin kuwo ka horreeyey, aafo iyo araxbeelse reebay, sida dagaaladii Jabhadaha, dirirtii sokeeye ee qabqabluhu horjoogaha ka ahaa IWM, dadka ma Diin jacayl ayey ka ahayd kana tahay? Mise waa garasho la’aan? Jawaab baaritaan u baahan iga dheh, si kastaba nabar xun ayaa na gaaray, waaliada qarniga ayaa nagu qaraxday, waxaa la yiri xilli horaa dhib dhacay, muggaa ayaa nin yiri: war Masjidka xaggiisa halloo cararo, mid kalaa ugu jawaabay: “Isagaaba qayladu ka yeertay!”, maantayse dhab noqotay hadday shalay ahayd cirbixin.

Wadaadadii mudda gaaban ayey gacanta ku dhigeen qaybihii ugu muhimsanaa koofurta Soomaaliya, sidaan marar badan ku tusaaleeyey, ayaan maantana xarriiqi, waa meesha Soomaali ka tiri: “Tuke nasiibuu Caano ku helo wuu leeyahay kasuuse ku cabo ma lahan” oo weelkuu qarka uga istaagaa, Caanihiina dhulka ku qubmaan, la mid wadaadadii ma yeelan kas iyo kasmo maamul, tallaabadii ugu horraysay waxay ka dhigeen xirid ganacsi, mamnuucid goob flim iyo albaabo isugu fasho shaneemo, adaaba ku han weyn qaran iyo dawlad, walina waa wadaan, markaa ayaan qoray qorrmadii aan ugu magac daray: “Qabsataye ma Qaramayn kartaa?!” .

Yaaba su’aashaa dhag u dhigay, inta badan warbaahintu xilligaa ayaga ayey u sacbinaysey, waxaan taa uga falceliyey qoromo aan ugu magacdaray: “Ma is bedel mise Re-gedayn?”, oon ku tusaaleeyey in namanku yihiin raggiii Gedo joogay 1996-dii, ee aysan ahayn rag cusub wadinna caqli furan, xanuunku markuu na wada gaaray ayaa waxaa soo baxay magaca Khawaarij, oo Maxkamaduhu xay ahaayeen? Kuwa hadda Khawaarijt lagu tilmaamo saw ma ahayn caqligii hagayey Maxkamadaha iyo cududdii hawlgalinaysay? Ma garan igamana daadagin, shalay ammaan maanta eedee isma qabanayso.

Midnimado iyo midow gaaban ka dib, xabaddii laga kala cararay aya lagu kala tagay, dibba la isuguma soo laaban, qaybo ayaa la kala noqday, markaa ayaana si rasmi ah u soo shaac baaxday wajigoodii xumaa, haddana laguma cibroqaadan, oo wali waa la sii dugaashaday[ururka dib u xoraynta Soomaaliya], haddana waa sii kala miirmeen oo baq iyo biyo u kala baxeen, kii kursi helay wuu degay sida: Madaxweye Shariif, C/raxmaan Janaqow, Daahir Geelle, Indhacadde IWM, kii waayeyna qoriga ayuu dabada sii qabtey sida: Muqtaar Rooboow, Godane, Sanqoolle, Macalin Xaashi, labada maxbuus Xasan Daahir iyo Xasan Turki IWM.

 

Iildhigidda Xizbiga:

 

Khilaafkii dhexmaray wadaada hubaysan ee diinta, waxay gaartay inay xoog isku muquuniyaan, xabaddii cadawga loo sitay sida la lahaa iyagaa isku foorarshay, Aayaduhu saw ma sheegin dagaalka walaalaha dhexmara inuu fidno yahay? Mise iyagu Aayado kale ayey wataan? Hadday sidaa tahay Aayada xumayaal! Ku dheh, muquunintii socotay markii hore Xasan Turki ayey leeftay, noqdayna xabsiguri iyo xeroyaal aan xoog iyo xeelad midna lahayn, heer laga xanibay in la soo dabiibo, wareegtada hawlgabnimada waxay ku timid Xasan Daahir, Isaga iyo xertiisa xizbigaba, waxay si toos ah isugu dhiibeen Alshabaab.

Anigu dhihi maayo, way la midoobeen ama ku biireen, illeen waxaa midooba laba quwad oo isla eg ama isu dhiganta, sidaa darteen waxba yaan hadalka loo qurxin Xasan iyo xertiisa, waa midoo ma mudna, waa tan labaade sidaaba wax uma dhicin, digashadiisa waxaan u daynayaa saaxiibkiis C/raxmaan Janaqow oo yiri: "Adeerkey Xasan Daahir waxaan leeyahay: Ewelaad gar darruu gashee, Garabka saare iska gee" oon filaa inuu ka soo dheegtay shiribkii ahaa: “Awelaad gar darruu gaddee, Garabka saare iska gee”, waa digashadaas, horaa loo yiri: “Gaalaa God iigu jiree Garweynta ii keen”.

“Hal booliya Nirig xalaala ma dhashaa” la yiriye, awalba Xizbiga waxaa loo aas-aasay in lagu cuuryaamiyo Sheekh Shariif, oo Isagu guranaya mirihii Jihaadka dhalinyarada, xaqu feeraha ayuu ka dillaacaaye, Xasan Dahir wuxuu dagaal ku wado umadda, haddana uga daba geeyey Ceelashabiyaha, baad iyo leejo ka qaado maasiinkta iygabu la daalaadhacaya soo dhicinta quutulyoonka, maanta tiisa haysata, wuxuu maxbuus u yahay nimaanan kala jeclayn Isaga iyo miskuunkuu shalay baadda ka qaadayey, horaa loo yiri: “Nabsi Bil ha jiro Barise ha jiree Isha Baarkeeda ka dhaw”. Nabsigii ayaa isna ku habsaday, Alla maanta yaa weydiiya sida xaalku yahay!

Maanta waxaan taagannahay marxalad cusub, cusub markaan leeyahay ugama jeedo inay wax weyn dheceen, ama wax cusub yimaadeen, maxaa yeelay burburka xizbiga wuxuu ahaa mid la wada filanayey, xeeladxumada Xasan ha ahaato ama xoog la’aantiisee, maanta waxbaa isrogay, isroggaa Xasan qayb weyn ayuu ku leeyahay, maadaama uu markii hore ka dhaga adaygay inuu dadkiisa dhinac ka raaco, mararka qaar wey jireen wada hadallo dhexmaray Isaga iyo xubno ka tirsan dawladda, haddana natiijo lagama gaarin, hubaal inay ahayd arin u baahneed ka miradhalin, balse noqotay iskuday aan laga guulgaarin, “Caano daatay laguma dul baroorto” ayey Talyaanigu ku maahmaahaan.

 

Alalaaska Alshabaab:

 

Isdhiibadda Xizbiga waa farxadda Alshabaab, Alalaaska ehelada argagisada, damaashaadka Alshabaab ka sokow, awooddii mucaarad ku sheegga waxay isugu ururtay Alshabaab, qayb ahaan shalay waxaa la qaybsanayey Xizbiga, degmooyin dhawr ahna gacanta ku haayey, maantase waa laga wada marooqsaday, mayee waa laga wada sifeeyey, sida muuqatana Xizbigii wuu kala jabay, qaybi waxay u gashay raacdayna Alshabaab, xubno kalana waxaa la filayaa inay dawladda liicaysa dhankeeda u bayraan, waxaaba u gacan haatiyey Indhcaddee, ooba u muujiyey inuu soo dhawaynayo, mise wuu ku gortantami doonoo? Dhammaan waxay noqoto waan u joognaa.

Awoodda ciidan ee Alshabaab u gashay, waxay ka dhigaysaa quwadda labaad ee koofurta joogta, marka laga reebo Amisom, dadka qaaraaba ka dhigaya tan koowaad, balse waxaan ka eegaya dhanka farsamada, hoggaanka, hubka IWM, waxaanse shaki ku jirin inay noqonayaan cudud aan la dhayalsan karin, haddaba maxaa xiga ee dhici doona maalmaha soo socda?, Xasan see laga yeelaa? ma la toogan doonaa? Sida dadka qaarkiis tilmamayaan, mise sammigiis Xasan Turki yaa loo gaynaa?, tan u badi, mise shaarka yuuba badalan doonaa? maadama uu jihaadka diimeed ugu jiro siduu madaxweyne ku noqon lahaa.

Haddaba awooddaa Alshabaab sidee ula falgalidoontaa marxaladdan cusub? Ma dagaalka ayey sii wadi doontaa mise wada xaajood awoodqaybsi ayey galidoontaa? Mise meelaooda ayey ku ekaan doonaan? Waa arimo badan oo la filan karo, haddana aan ku galinayn hididiile, marka aad eegto dhaqanka gurracan ee Alshabaab iyo garashadooda gaaban, mar walba waxaa kuu muuqan dhagax, ul, jeedal iyo xibno jaran, tacaddi xadgudub iyo caburin, gafuurduuban gardheer iyo gondo faydan, taana ma ahan mid niyadsami ku galinaysa.

 

Awoodda Amisom:

 

Amison sida aan soo tilmaamay waa quwadda koowaad oo koofurta Soomaaliya, la’aanteed dawladda Shariif ma jirteen, oo mar horaa mooradeeda lagu aasi lahaa, ama lagu maamuli lahaa, balse awoodda Amisom ma tahay mid u hawlgasha sida magacoodu yahay? Ilama ahan, qormo ayaan ku muujiyey inaan nabad ilaalintu ahayn iil badin, cinwaankedu ahaa: “Amisom Nabad Ilaalin mise Iil badin?!”, in kastoo dhaliili iga soo gaartay, muujinaysa in Amisom mudan tahay abaalgud, waxaase abaalkooda la weydiinayaa: inta madfacooda ku hanti beelay, ku gurya waayey, ku naf waayey, ku qaxay, ama ku waxyeelloobay.

Awoodda Amisom sida la shegay waa la soo kordhin, tira ahaan iyo tayo ahaanba, balse isbadal dhanka hagidda ah ma imaan doonaa? Lama aqbli karo layntan jogtada ah, haddana cid ka hadlaysaa aysan jirin, oo dhammaan laga wada aamusay, labada awood ee ku soo hartay saaxada, waxay ka siman yihiin dhibaataynta shacabka, maxaa yeelay mid walbaa madficiisa waxaa wax ku noqda shacab, kana dhigaysa inayba heshiis ku yihiin madfac habaajinta, oo ayba tahay mid qasad ah, dhagaruhu badanaa.

 

Gunaanad:

 

Ugu dambayn isdhiibidda Xizbiga, waxay awood ballaaran siinaysaa Alshabaab, ku dhalinaysa inuu galo hanweyn oon markii hore ku jirin, waxay dhalinaysaa inay ku dhiiradaan falal ay markii hore ka gaabin jireen, waxay keenaysaa in dhibaatadu sii kororto, dhanka kale awoodda Amisom ee la soo kordhinayo iyana waxaa ka dhalan qasaaro badan, duqayn badan, haddaan hoggaanka hagidda wax laga badalin, natiijaduna waxay noqon: awoodda Alshabaab+Awoodda Amisom= Ugaarsiga Umadda.

Waxaan ku soo afmeerayaa qormada, tuducyo ka mid ah maansada: ”Xasuuqa Amisom”,  waxaanna ka soo qaadanaynaa tuducyo sida wadajir ah u tilmaamayaa dhibka Alshabaab iyo Amisom, waana sidan:

 

alshabaab dhibkeediyo

ujeedkeeda leexsan

ogaateen dhammaane

Amisom ma aragtaan?!

Alshabaab intay dishay

Ama Amisom xasuuqday

Ayamaa idinla badan?

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Hub lagu qabtay magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika¨ oo Soomaaliya loo soo waday

0
0

Magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika ayaa sida la soo sheegayo waxaa lagu qabtay hub aad u fara badan oo sida la tuhunsan yahay loo soo waday dalka Soomaaliya.

Hubkan oo isugu jira qoryaha diirada leh ee shiishyahannadu isticmaalaan iyo  bam gacmeedyo ayaa waxaa gacanta ku dhigay oo hadda haya ciidamada ammaanka ee magaalada Durban.

Dhanka kale waxaa hubkan lala qabtay dad gaaraya afar qofdood oo la rumeysan yahay in ay hubkan u soo wadeen Soomaaliya.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in hubkan uu ka mid ahaa qalab milateri oo Soomaaliya la keenayo si loola dagaalo burcad badeeda waxaana si gaar ah loo keeni lahaa baa la leeyahay maamul goboleedka Puntland.

halgankanet@gmail.cm  

Kenya oo xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto soo tubtay ciidamo aad u fara badan iyo welwel soo wajahay dadka deegaanka

0
0

Dowlada Kenya ayaa ciidamo fara badan soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan inta u dhexeysa Mandera iyo Beled Xaawo.

Waxaa hakad gaaban ku jira gaadiidka dadka qaada fatash ay ciidamada Kenya ka wadaan deegaanka dartiis waloow aan weli la soo sheegay dad la qabqabtay.

Xuska Ciida Masiixiga ayaa la rumeysan yahay in ay sabab u tahay hawlgalkan ay Kenyaanku ka wadaan xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.

Dadka socotada u badan ee sida maalinlaha ah u taga Mandera ayaa welwel ka muujiyay hawlgalka ciidamadani ay ka wadaan xuduud beenaadka kala bara Soomaaliya iyo Kenya.

halgankanet@gmial.com

 

Muxaadaro, Masjidka Al-Rahma Sh. Yusuf Max'ed Cabdi Part 1

Muxaadaro, Masjidka Al-Rahma Sh. Yusuf Max'ed Cabdi Part 2

fataawa Inhizaamiya9-1.rmvb( Xasaan Xuseen)

0
0

Author: mudeyfa
Keywords:
Added: December 26, 2010

muxaadaro: 
See video

fataawa Inhizaamiya9-2.rmvb( Xasaan Xuseen)

0
0

Author: mudeyfa
Keywords:
Added: December 26, 2010

muxaadaro: 
See video

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada dekadaha Xukuumada Soomaaliya oo lagu beeniyay waray sii daysay idaacada Shabelle

0
0

Muqdisho – Soomaaliya, December 25, 2010) Wasaaradaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka iyoWasaaradda Maaliyadda ee Dowladda FDK ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Radiyaha Shabeelle mid xaqiiqada ka fog, xad gudubna ku ah masuuliyiinta DFKM iyaga oo Wasaaradahaasi war-saxaafadeed ay caawa wada jir u soo saareen ku cadeeyey in dekedda Muqdishu uu ka jiro maamul hufan, oo kordhiyey dakhliga dekedda isla markaana ka ceebla’ eedeynta aan loo meel deyin ee Radiyaha Shabelle.

Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ee DFKM, Axmed Cabdiraxmaan Cabaade, ayaa hadal uu saxaafadda caawa siiyey waxa u  ku yiri,  “Waan u mahadnaqaynaa Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdishu waayo muddadii gaabnayd ee uu dekedda maamulayey waxa uu saxay khaladaad jirey isla markaana, waxaa bilahaan dekedda ka soo xarooday dhaqaale aan ka soo laga qaban tobankii sano oo la soo dhaafay -- taasna waxaa sabab u ah maamul wanaagga dekedda laga hir geliyey”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamed Xasan Adan, ahna Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ayaa isna dhanka kale, ka war-bixiyey qaabka loo uruuriyo canshuuraha ka soo xarooda dekedda, isaga oo yiri, “Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagtu xafiis ayay ku leedahay dekedda Muqdisho, xafiiskaas ayaana qaada lacagta canshuuraha. Dekhligaasi Waxa uu ku dhacaa khasnad bangiga dhexe oo isla dekedda ku taala, kaddibna waxaa lacagtaas ay laantu u soo gudbisaa xarunta bangiga dhexe. Maamulka dekeddu lacagtu gacantooda kuma soo dhacdo mana arkaan, oo waxay lacagtu dhexmartaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe.”

Dhanka kale, War Saxaafadeed ka soo baxay maamulka dekedda ayaa lagu cadeeyey in dekhliga dekedda ee ku dhaca Bangiga Dhexe uu bilihii la soo dhaafay intii hore ka kordhay in ka badan 100% taasina ay tilmaan u tahay maamul wanaagga hogaanka cusub ee hayaddan muhiimka ah.

Waxaa kaloo xusid mudan in maamulka dekedda Muqdishu  uu ka codsaday Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha sharciga in ay baaritaan ku sameeyaan talaabo sharci ahna ka qaadaan xad-gudubyada Shabelle ee been abuurka ah ee lagu dhaawacayo sumcadda Muasasaadka muhiimka ah iyo Masuuliyiinta Qaranka.

Wasaaradaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka & Wasaaradda Maaliyadda

Dowlada oo dagaal ka dhan ah al-Shabaabka Gedo isu diyaarinaysa maalmaha soo socda

0
0

Ciidamada iyo maamulka dowlada ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal ay ku qaadayaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolkaas, degmooyinkaas oo gacanta al-Shabab ku jira.

Maxamed Cabdi Kaliil, gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa saxaafada u sheegay in ay diyaariyeen islamarkaana isku dubarideen duulaan ka dhan ah al-Shabaabka maamula degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Gedo.

Gudoomiye Kaliil ayaa dhanka kale tilmaamay in duulaanka ay hadda qaadayaan uu ka gedisan yahay duulaanadii ay horay u qaadi jireen, kuwaas oo intooda badan fashil ku dhamaaday sababo uu gudoomiyuhu ku sheegay xagal-daacin ay rag al-Shababaabka hoos kala shaqeyay ka dhex wadeen ciidamada dhexdooda dartood.

Si kastaba ha ahaatee waxaa loo joogayaa waxa ka soo baxa dagaalka ay dowladu sheegtay in ay ku qaadeyso deegaanada ay hadda maamulaan al-Shabaabku ee gobolka Gedo.

halgankanet@gmail.com

Sheekh Saalax~~musaa'il part 2 qeybta # 1

0
0

Author: saalax17
Keywords:
Added: December 26, 2010

muxaadaro: 
See video

Nadaaya Aan Si Dhab ah U Wada Hadalnee Qeybtii 1aad.

Nadaaya Aan Si Dhab ah U Wada Hadalnee Qeybtii 2aad

Nadaaya Aan Si Dhab ah U Wada Hadalnee Qeybtee 3aad

Nadaaya Aan Si Dhab ah U Wada Hadalnee Qeybtii 4aad


Nadaaya Aan Si Dhab ah U Wada Hadalnee Qeybtii 5aad

Sheikh Xassan Daahir oo hadlay: Muxuu sheegay?

0
0

Sheekh Xasan Daahir Aways oo ahaa hogaankii  sare ee ururkii Xisbul Islaam ayaa maanta ka hadlay sababaha keenay in ay  la midoobaan xarakada Al-Shabaab  Xili maalmahan la sugayay hadalka Sheekh Xasan Daahir..

Hogaamiyaha ayaa sheega in uu ku faraxsan yahay in ay la midoobaan Xarakada Al-Shabaab ayna tahay  guul u soo hoyatay maamulada islaamiga ah ee dalka ka jira Waxaa Sh. Xasah Daahir uu sheegay inuu la shaqeynayo xarakada Al-Shabaab.

Sheekha ayaa waxaa dhinacyadiisa fadhiyay qaar ka tirsan sarakiishiisa Al–Shabaab oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage, Cali Dheere iyo Sheekh Fuaad Maxamed Qalaf .

Xasan Daahir ayaa Sheegay in uu La midoobay Al-Shabaab taasna ay u qateen midnimada Mujaahidiinta wa sida uu warka u dhigaye.

Kulankaan ayay ku yeesheen degmada Afgooye ee  Gobolka Sh/Hoose waxaana amaanka sugayay Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab .

Idaacada madaxa bannaan ee Shabelle Radio oo lagu eedeeyay in ay Kaniisadaha caalamka lacago ka qaadato

0
0

Idaacad madax bannaan oo ka hawlgasha magaalada Muqdisho laguna magacaabo Shabelle Radio ayaa waxaa lagu eedeeyay in lacago ka qaadato Kaniisadaha caalamka qaarkood.

Xildhibaan Salaad Cali Jeele oo la hadlayay qaar ka mid ah saxaafada ayaa sheegay in uu isagu si shaqsi ah wax uga qabanayo idaacadan sida uu sheegay lacagaha ka qadata Kaniisadaha islamarkaana ka shaqeysa dano shisheeye.

Mr. Jeele ayaa ku celceliyay in uusan sidan uga hareyn idaacadana sharciga iyo shantana (xoog) labadaba wax uga qaban doono maadaama sida uu ku doodayo ay idaacadani gaalada u adeegto dano shisheeyana dalka ka fuliso.

Laakiin sida dad badani qabaan hadalka Salaad Cali Jeele ayaa ka dhashay warbixntii ay idaacada Shabelle sida madaxa bannaan uga qortay shaqsiyaad ka mid ah maamulka dowlada oo si caqliga ka baxsan ugu takrifala hantdia Qaranka ee ka soo xaroota dekada magaalada Muqdisho, warbixintaas oo uu magaca Salaad Cali Jeelana ka dhex muuqday.

Si kastaba ha ahaatee waxaa loo jooga goodinta uu Salaad Cali Jeele u goodiyay idaacada Shabelle in ay wax ka og yihiin mas'uuliyiinta dowladu, haddii ay wax ka ogyihiina waxaa meeshaas ka muuqata mushkilad ku soo fool leh warbaahinta fara ku tiriska ah ee sida naf-huridnimada ah uga hawlagala magaalda Muqdisho.

halgankanet@gmail.com

¨Madaxweynaha Iran Ahmadinejad; "Argagixsada waxaa taageera wadamo isla-qab-weyn oo dareen wadayaal ah"

0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada islaamiga ah ee Iraan Ahmadinejad  ayaa dhibataada argagixsada caalamka ku tilmaamay mid aan ku koobneyn Soomaaliya balse ay la qabaan dalalka ay ka mid ah yihiin Bakistaan iyo Afghanistan.

"Argagixisada waxaa fulinta hawlahooda bani aadminimada ka baxsan ku taageera dalal ku caan ah Musuqmaasuq iyo isla-weyni gaamurtay" Sidaas waxaa gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan u sheegay madaxweynaha dalka Iraan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ammaan xumida ka jirta Soomaaliya ku tilmaamay mid ay dabada ka riixayaan dalal Shisheeye waloow uusan dalalkaas si toos ah  carabka ugu dhufan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Iraan ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in dowladiiisu taageersan tahay nabad ka dhalata Soomaaliya isagoo sidoo kale carabka ku adkeeyay in khilaafaadkooda ay Soomaalidu dhameysan karto faragelin shisheeye la'aanteed.

Xigasho:Tahran Times.

 http://www.tehrantimes.com/index_View.asp?code=233013  

 

Muwaadiniin somali ah oo lagu eedeeyey argagixiso oo la sii daayey

0
0

Muwaadiniin somaliyeed oo lagu eedeeyey argagaxiso ayaa laga sii daayey xabsi kadib markii lagu waayey wax dambi ah.


Soomaali lagu eedeeyay argagixisnimo oo labo habeen kahor laga qabtay magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa laga sii daayay xabnsiyada dalka Holland kadib markii la waayey wax cadeyn ah.

Dadkaas Soomaalida ah ee la qabqabtay oo gaarayay 12 ruux ayaa horay waxaa loo sii daayay Shan ka mid ah, waxaana xabsiga lagu reebay Todobo qofood oo baaris ay ku socotay kuwaasoo iyagana xalay la sii daayay kadib markii lagu waayay dambiyada lagu eedeynayay.

Raggan Soomaalida ah ee lagu xiray dalka Holland ayaa waxaa ku jira dad booqasho ku tagay dalkaas iyo kuwo deganaa dalka Holland, waxaana la xiray kadib markii lagu tuhmay inay damacsanaayeen falal argagixiso sida lagu eedeeyay.

Soomaalidaas dib u helay xoriyaddooda ayaa waxay sheegeen in aan wax dhibaato ah loo geysan muddadii ay ku jireen xabsiga.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live