Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Man U oo hogaanka haysa inkastoo aysan badin

$
0
0

Manchester United dib ayay u hanatay hogaanka horyaalka England Permiership, inkastoo aysan badin. Waxay barbarro la gashay kooxda Birmingham. Man City 4-0 ayay ku tuntay Aston Villa. Tottenham ayaa iyaduna kaalinta 4-aad soo gashay.

Manchester United iyadoo aan ku guulaysan cayaarteedii xalay ayay
hadan isku dhibco noqdeen Man City balse ay dhinaca goolasha ka
horaysaa.

Manchester United waxay xalay ay ka badin waysay kooxda Birmingham oo garoonkeeda lagu cayaarayay.

Qaybtii hore ee cayaarta Manchester United way ku adkaatay in ay wax gool ah daba marsiiso goolhaye Foster ee kooxda Birmingham.

Ismari-waaga dhinaca goolasha oo labada kooxba
waxba aysan dhalin qaybtii hore, ayaa soo gabagaboobay daqiiqadii 58 ee
cayaarta xilligaas oo kubadda uu ku helay bartamaha diilinta sideed iyo
tobanaan uu cayaaryahanka Dimitar Berbatov ee kooxda Manchester United
uu ku hubsaday shabaqa kooxda Birmingham.

Waxay cayaartu noqotay Birming 0-1 Manchester United.

Manchester United, ayaa goolkaas ku
hogaaminaysaay cayaarta, iyadooba loo qaatay in ay ku guulaysatay hal
iyo eber oo sadexda dhibcoodba qaaday, ayaa sagaashankii daqiiqo oo
ilbiriqsiyo ka dhiman yihiin uu gool laga doodi karo dhinaca ka dhigay
goolhaye Van der Sar cayaaryahanka kooxda Birmingham Lee Bowyer.

Cayaartuna goolashaas ayay ku soo gabagabowday
oo 1-1 ayay isla dhaafi waayeen labada koox. Manchester United oo aan
wali laga badin intii kulanka socday, ayaa cayaartan ay tahay tii 8-aad
ee barbaro ay gasho. 8-da barbardhac 7 ka mid ah waxay gashay iyadoo
koox kale marti u ah.

Manchester United way ka fursan wanaagsan tahay
kooxda Man City ee hadda ay isku dhibcaha yihiin maadaama 18 kulan ay
dheeshay halka Man City 20 kulan ay cayaartay.

Manchester City 4-0 Aston Villa

rel="lightbox" src="http://wscdn.bbc.co.uk/worldservice/assets/images/2010/12/13/101213181619_otp_tevez_226x170_body_allsport.jpg" alt="Tevez" width="226" height="170" />

Dhinaca kooxda Manchester City, waxay si xoog leh ugu awood sheegatay kooxa Aston Villa.

Waxay ka dhalisay goolal badan.

Goolka koowaad wuxuu ahaa rigoore uu laaday, dhaliyayna cayaaryahanka Mario Malotelli.

Kadibna intaan la gaaray dhamaadka qaybta hore
ee cayaartan, ayaa Manchester City laba gool oo kale ay dhalisay.
Lescott ayaa daqiiqadii 13-aad goolka labaad dhaliyay, waxaana u
sadexeeyay mar kale Balotelli.

Qaybta labaad oo la isugu soo laabtay iyadoo
Manchester City ay leedahay 3 gool, iyo Aston Villa oo aan waxba dhalin
ayaa toban daqiiqo kadib goolka afaraad uu yimid.

Wuxuu ahaa rigoore uu dhaliyay mar kale cayaaryahanka Mario Balotteli.

Sadex gool ayuu Balotteli kulanka ka dhaliyay.
In muddo ah ayay sidaas ku haysay Man City hogaanka inkastoo barbardhaca
Man U uu keenay in goolal ay uga sare marto kooxda Manchester United.

Labadan koox waxaa dhibcaha xagooda soo wehliya kooxda Arsenal oo xalay Chelsea kaga adkaatay 3-1, waxayna leedahay 35 dhibcood.

Tottenham 2-0 Newcastle

rel="lightbox" src="http://wscdn.bbc.co.uk/worldservice/assets/images/2010/12/07/101207202826_garethbale_tottenham_rangers_226x170_reuters.jpg" alt="Bale" width="226" height="170" />

Kooxda Tottenham ayaa soo gashay booska kaalinta afaraad oo Chelsea ka riixatay inkastoo ay hal cayaar dheer tahay.

Kooxda Tottenham, waxay xalay 2-0 uga badisay kooxda Newcastle.

Labada goolba qaybtii labaad ayay dhalisay Tottenham.

Goolka hore Lennon ayaa daqiiqadii 57-aad u saxiixay.

Waxaana daqiiqadii 81-aad u labeeyay Newcastle cayaaryahanka Tottenham ee Bale.

Tottenham waxay dheeshay 19 kulan waxayna leedahay 33 dhibcood.

Cayaaraha kale

rel="lightbox" src="http://wscdn.bbc.co.uk/worldservice/assets/images/2010/12/05/101205234821_cole-parker-226.jpg" alt="West Ham" width="226" height="170" />

West Ham

West Ham 1-1 Everton.

Blackburn waxay 3-1 uga badisay kooxda West Brom oo waliba gurigeeda ay ugu tagtay.

Blackpool waxay ka adkaatay kooxda Sunderland oo 2-0 ayay ku tuntay iyadoo wali marti ah.

Sidoo kale Fulham, ayaa iyadoo marti u ah kooxda Stoke kaga adkaaday 2-0.

Wali loolanka dhinaca hoose ee kooxihi ay ka
cararayaan in aysan sanadka hoos uga dhici cayaaraha England Premier
League, waxaa uu u dhaxeeyaa Wolves oo ugu hoosaysa iyadoo leh 15
dhibcood 18 kulan oo ay cayaartay.

West Ham oo ka saraysa 2 dhibic oo kaliya ayaa
20 kulan cayaartay, halka Wigan iyo Fulham ay wada leeyihiin 19 dhibcood
balse goolashada lagu kala leeyahay ayaa kala badan oo Fulham ayaa
goolasha lagu leeyahay ay ka yar yihiin kuwa lagu leeyahay kooxa Wigan.
Sidaa darteed ayaa Wigan ay ka mid tahay sadexda koox ee ugu hoosaysa.

 


Al Jazeera interview on merger of Somalia rebel groups

$
0
0

Cabdiraxman Ceynte oo ka hadlaya isku biirada Alshabaab iyo Xisbul Islaam

video: 
See video

Ra'iisal wasaare Farmaajo oo lagu wado in uu maanta hortago Xildhibaanada Baaralamaanka si uu uga jawaabo su'aalo ku saabsan Heshiis Xukuumadu shirkad la gashay

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ku kulmi doono xaruntooda ayaa sida la qorsheeyay waxaa hortegi doono Ra'iisal wasaare Farmaajo si uu uga jawaabo su'aalo ku saabsan heshiis Xukuumadu uu hogaamiyaahi ay la gashay Shirkad ajnabi ah.

Shirkadda ay xukuumadu heshiiska la gashay ayaa waxaa su'aalo badan ka keenay qaar ka mid ah Xildhibaanada kuwaas oo sida kulankii Baarlamaanka ee shalay laga sheegay maanta u diyaar ah in ay su'aalo Ra'iisal wasaaraha weydiiyaan si ay u helaan warbixino dheeraad ah oo ka hadlaya heshiiskan iyo waxyaabaha uu xeerayo

Xukuumada Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay xoogga saarayso xal u helida musuqmaasuaqa la degay hay'adaheeda dhaqaale ururinta .

halgankanet@gmail.com 

Xoogaga al-Shabaab oo weeraray ku qaaday laba saldhig oo ay ciidamada dowladu ku leeyihiin gobolka Hiiraan iyo Taliyaha Ciidamada dowladda oo ka hadlaya dagaalkan

$
0
0

Xoogaga al-Shabaab ee inta badan ka taliya gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay in ay xalay weerar ku qaadeen deegaanada Ceelgaal iyo Kala-Beyrka oo saldhigyo u ah ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada dowladda gobolka Hiiraan Axmed Cismaan, Axmed Inji ayaa xaqiijiyay in weerara ay al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigyadooda iyagoo waa sida uu sheegay Taliyuhuye soo labistan dharka lagu yaqaan ciidamada dowladda.

Taliye Inji oo hadalkiisi sii wata ayaa sheegay in ciidamada dowladu ka war heleen weerarkan ka dibna jilibka u dhigeen jab xooganna u geysteen kuwii soo weeraray waa siduu hadalka u yiriye.

Al-Shabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin dagaalkan laakiin ilo madaxbannaan oo ku sugan gudaha magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in  qaar ka mid ah xoogaga al-Shabaab oo dhaawac ah la soo gaarsiiyay magaalada Beledweyne waloow aan dhaawacooda inta uu gaarsiisan yahay aan war rasmi ah laga helin.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa in mudo ahba gacan ku hayntiisa ku loolamayay xoogag kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo al-Shabaab waxaana labadaas dhinac sii dheeraad ciidamo Itoobiyaan ah oo si joogta ah u soo gala gudaha gobolka iyagoo garab siinaya kuwa dowladda.

halgankanet@gmail.cocm 

halgankanet@gmail.com

Iimaan Jimcaale Faarax; "Gudoonka maamulka gobolka Banaadir ayaa ku tákrifala dhaqaalaha Qaranka ee ka soo xarooda Dekadda Xamar"

$
0
0

Iimaan Jimcaale Faarax oo ka mid ah mudanayaasha deegaanka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay maamulka gobolka Banaadir raga ugu sareya in ay ku takrifalaan hantida Qaranka ee ka soo xaroota Dekadda magaalada Muqdisho.

Mr. Iimaan oo xog-wareysi siiyay idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio ayaa si cad u sheegay in mudanayaasha Golaha deegaanka gobolka Banaadir ay hogaanka maamulku ka hortaagan yihiin gudahashada waajibaadkooda shaqo ee loo soo doortay waa siduu hadalka u yiriye.

"Jeebka shaqsiyaad gaar ah ayey ku dhacaan dhaqaalaha ka soo xarooda Dekadda magaalada Muqdisho waxayna shaqiyaadka jeebkooda ku rita lacagahaas yihiin kuwa aan cid la tashan balse maankooda raaca, taasina waa wax aan ku bannaaneyn shuruucda u degsan dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliyeed"  Iimaan Jimcaale Faaarax, Mudane ka mid ah golaha deegaanka gobolka Banaadir oo ka hadlayay hanti lunsadka ay madaxda gobolka Banaadir ka wadaan gudaha dekadda magaalada Muqdisho.

Hadalkan uu mudane Iimaan Jimcaale u sheegay saxaafada qaarkood ayaa ku biiraya warar ka hadlayay hanti lunsad iyo ku takrifalid xoolaha qaranka oo maalmihii la soo dhaafay laga soo sheegay Xukuumada Soomaaliya waxaana hadda sida muuqata ku soo biiray hanti lunsadkaas maamulka gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Mudane Tarzan.

halgankanet@gmail.com

Milateriga dowladda Soomaaliya oo sheegay in ay kaabiga ku hayaan Suuqa weyn ee Bakaaraha mucaaradkana dib u riixeen

$
0
0

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira xoogaga al-Shabaab ayaa sheegay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ay u suurtageliyeen in ay qabsadaan deegaano markii hore gacanta xoogaga mucaaradka ku jiray.

Kabtan Cabdulqaadir Cabdullaahi, Taliyaha aagga Hodon ee ciidamada dowladda ayaa sheegay in hadda ciidamadoodu ku sugan yihiin Biya-dageenka kaabiga ku haya Suuqa Bakaaraha, halkaas oo markii hore ay ku sugnaayeen xoogagga mucaaradku.

Dhanka kale Taliyahan ayaa ku dooday in dagaaladii u dambeeyay ay jab xoogan ugu geysteen mucaaradka deegaano hor lehna ka qabsadeen ama ka durjiyeen.

Si kastaba arintu ha ahaatee wuxuu hadalkan ka soo yeeray taliyaha ciidanka dowladda ee aagga Hodon ku soo aadayaa xili magaalada Muqdisho ay hareeyeen dagaalo kala duduwan oo u dhexeeya dowladda iyo xoogga haatan cududooddi meel isugu geeyay magaca al-Shabaabna ku midoobay.

halgankanet@gmail.com

Baarlamaanka oo Dalbaday in la joojiyo Heshiisyada

$
0
0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Farmaajo ka codsaday inay joojiso heshiisyada lala galay shirkaddaha caalamiga ah ilaa inta laga sameynayo baadhitaanno rasmi ah oo la xiriirra heshiisyadaasi.

Baarlamaanka ayaa hadalkan u sheegay R/Wasaare Farmaajo kaddib markii uu baarlamaanka hortagay si uu sharaxaad uga bixiyo heshiisyada xukuumaddu la gashay ilaa 6 shirkadood oo ajanabi ah oo ay ka mid yihiin Saracen iyo Black Water.

Farmaajo, wuxuu baarlamaanka u soo bandhigay warqad uu ra'iisul-wasaarihii hore Cumar C/rashiid Sharma'arke u qoray shirkadda Saracen International, taasoo qeexaysa sida ay xukuumaddii hore u ogolaatay inay heshiis lagasho shirkadda Saracen.

Ra'iisul-wasaare Farmaajo ayaa gaba-gabadii kulankaasi ka dalbaday baarlamaanka inay siiyaan 4 toddobaad oo uu macluumaad rasmi ah ku uruurinayo si uu baarlamaanka faahfaahin rasmi ah uga siiyo heshiisyada la galay iyo wali cidda sida rasmiga ah u saxiixday. Baarlamaanka ayaa ka ogolaaday codsigaasi.  

Shaqaalihii Raashka u dhashay ee la socday diyaaradii hubka sida ee Hargeysa lagu qabtay oo la sii daayay

$
0
0

Wasaarada arimaha dibadda ee Raashka ayaa sheegtay in xorriyadooda ay dib u heleen Shaqaalihii u dhashay Raashka ee maalmo ka hor ay maxkamad ku taal Hargeysa ku xukuntay Xabsi iyo ganaax lacageed oo isla socday.

Faragelinta wasaaradda arrimaha dibadu soo faragelisay dacwadda ka dhanka aheyd shaqaalihii saarnaa diyaaradii hubka u siday dhanka Puntland ee Hargeysa lagu qabtay ayaan badbaadin hubkii saarnaa diyaaradaas ee dhanka maamul goboleedka Puntland loo waday.

Maxkamada Hargeysa ayaa dhanka kale sheegtay in ay la wareegtay agabkii Milateri ee saarnaa diyaaradda.

Maamulka Puntland ayaan isagu ku guuleysan in ay kan Somaliland ka dhaadhiciyaan ku soo wareejinta agabkaas milateri oo miinooyin iyo dhar ciidan u badan.

halgankanet@gmail.com  


Faalada HALGANKA: Haraatida sanadka sii jeestay iyo hertida sanadka soo jeeda Alloow naga badbaadi!

$
0
0

Aqristayaal, adinkoo naga mudan sharafta badan waxaan bilwoga sanadkan garannay in aad nagala qeybqaadataan Alle Bari aan Alle kaga tuugeyno in uu Soomaalida sidan si ka roon ugu yabooho.

Waa marqaati ma doonto in sanadihii tegay sanadka hadda naga dhamaadayba ha ugu darnaadee ay Soomaalidu dhan walbaba uga hoos martay asaageed ha ahaadaano kuwa ku nool dalka gudihiisa ama dibaddiisee.

Kuwa ku dhaqan gudaha dalka waxaa la degay abaaro, colaado, iyo dagaalo diin lagula rafanayo oo dano gaar ah ay dabada ka riixayaan halka kuwa dibadda ku noolna ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin baahsan iyo xornimo ka qaadis joogto ah oo ay ku hayaan hay'adaha ammaanka ee dalalka ay ku dhaqan yihiin.

Si kastoo ay ahaataba waxaan haddii aynu nahay qorayaasha iyo maamulka warsidaha www.halganka.net garwaaqsanay in aan maanta si wadajir innaga iyo aqristayaasheenuba duco uurka ka soo go'day Soomaalida ugu duceyno si uu Alle uga koriyo haraatida sanadkii tegay iyo hertida sanadka soo socda.

DUCADIINA WAA TAN:

  1. Alloow na dhaafi oo wax dhaama noogu bedelin wadaad cumaamad xiran oo dhiig daadin wax aan aheyn aysan ka dhaadhaceyn.
  2. Alloow na dhaafi oo wax dhaama noogu bedelin Dowlad ku meelgaar ah oo aan dan shacab iyo mid dal toona ka shaqeyn ee Jeebka uun dhaansata.
  3. Alloow na dhaafi oo wax dhaama noogu bedel ciidamo sheegaya in ay nabad ilaalinayaan balse taas bedelkeeda madaafiicda waa weyn deegaanada nabadda ah ku duqeeya si ay u sii joogaan lacagana u sii gurtaan.
  4. Alloow na dhaafi oo wax dhaama noogu bedel Baarlamaan beel ku dhisan iyo Dastuur dadka muslimiinta ah qabiil dartiis ku kala qiimeynaya.
  5. Alloow na dhaafo oo wax dhaama noogu bedel arday macalinkiisa aqoontii uu baray kula murmaya.
  6. Alloow na dhaafi oo wax dhaama noogu bedel Aqoonyahan garabaati xiran oo qaba in uu isagu uun saxan yahay inta kalena ay jaahiliin yihiin aqoontiisa Galbeedka laga soo dharaandhiriyay darteed.
  7. Alloow na dhaafi oo wax dhaama noogu bedel Warbaahin wax ku qorinta qalin sumeysan, Qaranka dumistiisana ka jecel dhisidiisa iyagoo ogaal iyo ogaal la'aanba ku doodaya in ay fulinayaan shuruucda dunida horay u martay ay u dejiysay saxaafadda madaxabannaan.
  8. Alloow dhan kastaba waa ka liidanaa ee noo gargaar adiga uunbaa gargaar lehe.

Aqristoow waxaa noo madal ah in aan wadajir u duceysanyo maadaama aan dagaal iyo muran ku daalnay.

halgankanet@gmail.com   

 

 

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q 2

Isku Eekeynsiinta Gaalada Sh.Ahmed C/salaam {Ahmed Iid}

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q 3

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q 4

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q 6

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q 7


Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q 8

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh Max'ed Umal Q 1

Muxaadaro Jihaadka Sh Maxamed Rooble Boqolsoon Raximulah Full

Abaaro baahsan ayaa la sheegay inay ka jiraan gobollada Jubbooyinka

$
0
0

Gobollada Jubbooyinka oo ka mid kuwa kheyraadka badan dhulka Soomaalida ayaa hadda waxaa ka taagan abaar aad u ba'an,

Abaarta dhulka Soomaalida ka dhacday

Iyadoo guud ahaan baaro baaxad
leh laga soo sheegayo Soomaaliya, ayaa haddana laga sii dayrinayaa
gobollo badan oo ka tirsan koonfurta oo ay ka mid yihiin gobollada
jubboynka kuwaasi oo ahaa meelaha ugu dalag iyo biyo badnaan jirey.

Waxa haddaba magaalada Muqdisho shir jaraaid ku
qabtay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah oo ka
soo jeeda gobolladaasi. Waxaana ka mid ah xildhibaan Maxamed Yuusuf
Axmed.
Weriyaha BBC ee Muqdisho, Maxamed Maxamuud Dhoorre ayaa weydiiyey xaaladda abaaraha ee ay ka hadlayaan.

 

Muuqaalka Tiyaatarkii hore ee Mogadisho Maanta

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live