Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qarax xoog leh oo ka dhacay albaabka qunsuliyada Maraykanka ee magaalada Erbil dalka Ciraq

$
0
0

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay 14 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee qunsuliyada Maraykanka uu ku leeyahay caasimada gobolka Kurdistan ee Erbil dalka Ciraaq.
Ururka IS ayaa sheegtay in uu ka dambeeyay weerarkan loo adeegsaday gaariga waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay, sidoo kale ururka IS ayaa sheegtay in uu ka dambeeyay labo qarax oo ka dhacday magaalada Baqdaad.
Wasaarada arrimaha dibada Maraykanka oo xaqiijisay qaraxan ayaa sheegtay in dadka wax ku noqday aysan ku jirin muwaadiniin Maraykan ah.
Kurdistan ayaa qeyb muhiim ah waxa ay ka tahay isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka ee doonaya in ay burburiyaan ururka IS ee maamula deegaan ballaaran oo dalalka Siiriya iyo Ciraaq ah.
Qaraxa kadib ayaa israsaaseyn ka dhacday afaafka hore ee qunsuliyada Maraykanka ee Erbil iyadoo xaruntaas ay tahay mid si weyn loo ilaaliyo.Duqa magaalada Erbil Nihad Qoja ayaa sheegay in qunsuliyada uu ahaa bartilmaameedka.
Weerarada noocan oo kale ah ayaa ah kuwo aan ku badneyn Kurdistan oo ah gobol ka ammaan wanaagsan gobolada kale ee dalka Ciraaq. Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhaca Erbil ayaa ahaa mid qof watay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay meel dibada ka ah xafiiska guddoomiyaha gobolka Kurdistan bishii November ee sanadkii hore waxana weerarkan oo ay sheegteen IS ku dhimatay shan ruux.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Dowlada Soomaaliya oo war cad kasoo saartay go’aankeeda ku aadan Qaxootiga Soomaalida ku nool Dalka Kenya

$
0
0

Ugu horeynta, dawladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Dawladda Kenya oo tan iyo sanadkii 1991-dii magangelyo siinaysay qaxootiga isdaba-jooga ahaa ee ka soo cararayey dagaaladii sokeeye iyo kuwa la dagaalanka argagixisada ee ka dhacaya Soomaaliya, mahad taas la mid ah waxaanu u jeedinaynaa deeq bixiyayaasha caalamka ee mudadaas dheer quudinayey ama daryeelayey qaxootigaas tirada badan.
Mahaddaas ka dib, sida ay qabaan shuruucda caalamiga ah iyo tan dareenka bini’aadamka xorta ahba, masuuliyadii Dawladda Kenya iyo beesha caalamka ka saarneyd nabadgelyada iyo daryeelka qaxootiga Soomaaliyeed weli way taagan tahay, maadaama colaadii iyo deganaasho la’aantii dhulkoodii weli si buuxda wax isaga bedelin.
Inkasta oo la dagaalanka argagixisadu wax weyn ka bedelay dareenkii isjeceylka bini’aadamka ee aduunka, hadana waxaa lama huraan ah in dawladaha iyo dadyowga aduunka yeeshaan samir, dulqaad iyo awood ay ku kala saaraan denbiilaha iyo dulmanaha.
Dawladda Soomaaliyeed waxay helaysaa warbixino naxdin leh oo la xiriira xaaladda dhinacyada amniga, nolosha qoyska iyo daryeelka caafimaadka ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka kenya.
Sida la ogyahay, UNHCR waxay sanadihii dambe dhintay cuntadii iyo daryeelkii ay siin jirtay Qaxootiga dhadhaab, sidoo kalena la dagaalanka Alshabaab iyo argagixisadu wuxuu xeryaha qaxootiga ka xidhay dhamaan iridihii naxariista bini’aadamka, ka dib markii la joojisay deeqdo ay qaxootigu mar mar ka heli jireen hay’ado iyo shaqsiyaad ka socda dunida Islaamka, iyo ugu dambeyntii shilimaadkii ay dhinaca xawilaada ugu soo diri jireen eheladoodu.
Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Soomaalida ku nool xeryaha Qaxootiga dhadhaab iyo qaxootiga kale ee ku firirsan magaalooyinka Kenya, waxaa jirta cabsi iyo baahi xoog leh oo haysata qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, ka dib markii duruufaha jiraa xadideen in ay si xor ah u dhaqdhaqaaqaan oo u raadsadaan noloshooda oo markii horeba cidhiidhi ku jirtey.
Anagoo ka xun dhamaan ficiladda argagixisadda ee ka dhanka ah nabada iyo xasiloonida Kenya, geeska Africa iyo guud ahaan caalamka. Ayaanu ugu baaqaynaa dawladda Kenya:-
• In ay xakamayso cadhada dawladda iyo dadka Kenya ka qaadeen weerarkii argaxisadda ee Mandheera oo ogaato in Alshabaab yihiin cadowga nolosha iyo nabada ee Soomaaliya iyo Kenya.
• In la xoojiyo awooda iyo wada shaqeynta sirdoonka labada dal ee deriska iyo walaalaha ah, isla markaasna laga dhex abuuro labada shacab mutadawiciin la shaqeeya booliska (community policing), si loo qabqabto denbiilayaasha, gacmaha hay’adaha amnigana looga ilaaliyo in ay ciqaabaan dad aan waxba galabsan.
• In ay dib u furto shirkadaha Xawaaladaha oo soo geliya Kenya dhaqaale fara badan, isla markaana ay ku tiirsan tahay nolosha qosas aad u fara badan oo ah Kenyan iyo qaxooti Soomaali ah.
• In arinta dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed loo maro qorshihii sadex geesoodka ahaa ee ay isla wadeen labada dawladood iyo UNHCR.
Dawladda Soomaaliyeed waxay dardargelinaysaa dabar-goynta alshabaab iyo dib u xoreynta degmooyinka yar ee ku harsan gacantooda, waxayna ugu baaqaysaa dawladaha gobolka in ay nala galaan dagaal lagu soo afjarayo jiritaan Alshaab iyo Alqaacidada Beriga Africa.
–DHAMAAD–
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wariyayaal Muddo Xabsiyada Muqdisho Ku Xirnaa oo la Sii Dayay

$
0
0

Maxamed Muuse oo ah Agaasimahii Idaacadda Shabelle Ee magaalada Muqdisho iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan oo in ku dhaw labo Todobaad ku Xirnaa Xabsiga Hay’adda Nabadsiga ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa Lagu sii dayay qaab damaanad ah.
Agaasimaha Idaacadda Shabelle Iyo Wariye Axmed  Cabdi Xasan  Ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen tiro ka Mid ah wariyayaasha Idaacadaha shabeelle iyo Sky fm oo ay Ciidamada hay’adda nabadsugida qaranka  Xabsiga u Taxaabaan Iyadoo  Shaqaalahaasi Laga Reebtay Labadooda.
Ciidmada Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa Waxaa ay Sidoo kale Xireen Xarumaha Labdaasi Idaacad Iyagoo Qaatay Qalabka Idaacadahaasi.
Agaasimaha Idaacadda Shabelle iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan ayaa Waxaa Lagu soo Waramayaa in ay damiin kusoo Dayeen Ciidamada Hay’adda Nabadsugida.
Idaacadda Shabelle  Wariyayaasheeda  Tiro Dhowr jeer ah Waxaa Xabsiga Dhigay Ciidamada Nabadsugida Iyadoo Kolkii Ugu Danbeyay Lagu Xukumay Lacag Dhan 13,000 Doolar.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Midnimo Halkay Taal – By Mubarak Hadi

$
0
0

Ummamka dunida ka jiraa xoogoodu wuxuu ku dhisanyahay midnimadoodu inta ay le’egtahay, sidaa daraadeed baa waxaa la yiraahdaa, midnimadu waa waxa ay ummaduhu ku gaaraan meesha sare ee sharafta leh.
Waa waxa ay dantooda ku gaari karaan. Waa waxa keena iney bulsho noolaato iyadoo deggan oo xasiloon.
Waa waxa keena ummadi ineey noqoto dad laga cabsado, la tixgaliyo ama la maamuuso.
Midnimadu waa quwad, waxay ka mid tahay sunanta kowniga ah ee hadii la qaato lagu gaaro guusha, hadii la gudub marana lagu mutaysto in basharka loogu hoos maro. “يد الله مع الجماعه” (Eebbe wuxuu la jirankooda yahay jmaacada).
Midnimada aadamaha oo keliya horumar kuma gaaro ee xitaa cayayaanka ayaa markay midaysanyihiin oo ay wada shaqeeyaan u suurta gasha ineey sameeyaan wax markii caqliga aadamaha loo bandhigo la yaab ku noqda.
Tusaale, shinnidu markay xoogeeda midayso oo ay wada shaqayso waata aad aragteen malabka ay samayso. Shaacirkii da’da yaraa ee Mohamed Muumin “Ababe” waa tii uu lahaa:
“Shinniduba itaal ma leh
Markay wada shaqaysana
Waataa malabka shiishee
Shixnadaha sameysee
Haamaha ku shubatee
Aadmigu shaxaadaan
Ummadaha shirkoobee
Xidigaha ku shirayana
Midnimeey shifeesteen”
Waxaa kaloo xussid mudan aboorka yar yar ee aad aragteen itaalkiisa. Aboorku wuxuu dhisaa dudumada aad wayninkeeda wada taqaanaan ee xitaa dadka xoololayda ah markay xoolaha ka lumaan ay bidhaansadaan. Ninkii indhaha la’aa ee dudumada taabtay waa tuu yiri “ Waa yaab!!, waa shama reer !!, waana amakaag!!”, waa yaaboo duduntaan intan le’eg aboorbaa dhisay, waa shama reer oo candhuuftiisuu ku dhisay, waa amakaag (yaab) oo habeenkii buu dhisaa.
Waxaa yaabka yaababkaas oo dhan ka sii yaabka badan uu yahay dhamaanteenna aan ku qanacsanahay ineey wadajir ugu suurta gashay in uu dudumada intaa le’eg dhiso. Abwaan Xaji Aadan “Af Qalooc” (Alle ha u naxariistee) waa halkii uu inooga hoga-tusaalaynaayey markii uu lahaa:
* Aboorkuba allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
* Markuu ururay daartuu abyeybaa la ashqaraaraaye
*Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
*Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene”
Hadii aan intaa ugaga soo gudbo gogol dhiga qormadayda oo aan u soo gondo dego dulucda qormada, waxaynu manta noolnahay wakhti dhibaatada ugu balaaran ee dunida Islaamka ka jirtaay ugu wayntahay midnimo la’aan; midnimo caqiido, midnimo hadaf, midnimo quwadeed, midnimo ganacsi, midnimo culimo, midnimo dhalinyaro iyo hogaan intaba. Waxaynu joognaa wakhti reer galbeedku ay fahmeen qiimaha ay leedahay midnimada.
Tusaale, midowga Yurub (EU) waa dowlado badan oo qaarkood xoog iyo quwadba leeyihiin qaar nugliyeer (NuclearPower) haystaa xitaa ay ku jiraan. Waxay arkaan ineey noloshoodu suurtagal ahayn mustaqbalka fog hadaanay midoobin oo aysan noqon sida mareekanka oo kale. Ineey midoobaan waxay u baahantahay ineey masaalix badan ka tagaan oo ay ka tanaasulaan. Waayo waxaa la midaynayaa dowlado xoolo leh oo qani ah iyo qaar dhaqaalohoodu uu sakxada (hoos) yaalo oo aan waxbana haysan.
Waxaa wax isku darsanaya oo midoobaya dowladaha Yurubta galbeed (Weastern Europe) oo dhaqaale leh sida Norway, Sweden, Netherlands iyo Switzerland iyo kuwa dhaqaalahoodu uu sakxada yaalo sida Macedonia, Kosovo, Moldova, Albania iyo kuwo kaloo la mid ah. Waxaa cajiib ah dowladahaa midoobaya dhaqan ma wadaagaan, luqad ma wadaagaan, diin ma wadaagaan, oo taariikh ma midayso; Taariikh midaysa iskaba daaye waxaa soo kala dhex martay dagaalo iyo mugdiyo ba’an.
Iyadoo intaas oo dhan ay jirto ayaa hadana la midoobayaa si loo gaaro quwad iyo horumar balaaran. Intaas oo dhan iyagoo ku kala duwan bay wax isku darsadeen mustaqbalka fog iyagoo ka fikiraya iyo iyagoo arkaya basharku inuu yahay waxa ugu qaalisan ee la helo. Tolow maxaa mideeyay oo inoo diiday inaanu midowno iyadoo aynu leenahay awoodaha ay leeyihiin mid ka badan? Waa yaab!
Waaxaa ina mideeya afkaar, waxaa ina mideeya dhaqan, waxaa ina mideeya qiyyam, waxaa ina mideeya manhaj, waxaa ina mideeya taariikh iyo weliba waxa dunida yaala wixii ugu qiimaha badnaa oo ah Qur’aan.
Guumaystihii reer Yurub way nakala qayb qaybiyeen markaasaynu rumeynay, kadibna soohdimo iyo xuduudday noo sameeyeen laabtayadaan ku qoranay. Waxaa taa kaaga sii daran ummaddii walaalaha ahayd waa la kala jar jaray, kamana suulayso ineey weli u sii kala qaybsamayso tuulooyin yar yar.
Waagii muslimiintu midaysnayd waxaan ahaan jirnay qabiil soomaali la yiraahdo kana mid ah dowladdii Islaamka ee lahayd halka hoggaan. Markii guumaystuhu midnimadii iyo awooddii Islaamka uu kala qayb qaybiyay kadibna innaga dhigay qoys gobol dega oo calanna leh, ayaanu hadana usii kala qayb qabsannay maamul goboleedyo. Waxaan dhawaan aruuriyay xogta maamul goboleedyada dalkeena hooyo ka jira tiradooda, waxaan la cajiibay oo aan la amakaagay ineey manta marayaan 37 maamul goboleed, maalin walbana ay ku soo biirayaan qaar hor leh oo car cartoodii qaba aadna moodo ineey ka soo baxeen xabsi ay horaan ku jireen. Rajo intee le’eg ayaa laga sugayaa baad akhristow is leedahay ummad midnimadeedu halkaa taagantahay?
Miyaan garan waynay kol hadii ummaddii Islaamka ahayd nala kasoo gooyay oo aan gobol Muslim ah oo calan leh noqonay bal inaan intaa yar ku faro adeygno si inagoo midaysan oo quwad leh aan u dhinac istaagno walaaleheena Islaamka ah biri ka maalin. Markii intaa aynu garan waynay oo aan awoodeenii kala qayb qaybinay buu cadowguna na maamushay. Waxaynu ka wiiqanay xubin kasta oo ay ummaduhu ka xogaystaan, haday noqon lahayd maamul, ciidan, cilmi, dhaqan, qiyam, dhaqaale, awood iyo qaar kaloo badan.
Maxaa ka run badan Eebbe sareeyee markuu yiri, “ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم” (Ha iskhilaafina, si aydaan u fashilmin, quwadiinana aysan u tagin). Mar kale hadaynu u fiirsano shinnida, waxaan ka baran karnaa khilaafka iyo dhibkuu leeyahay. Kor waxaynu ku soo xusnay darsi iyo cashar ku saabsan shinnida oo aynu ka qaadan karno markay midaysantahay ee ay wada shaqayso guusha ay gaadho, sida ay wada shaqayntaa iyo midnimadaa ay malabka aad aragteen samayntiisa uga guul gaadho, ayaa hadana marka ay is khilaafto ay guul daraysataa oo lagaga faa’iidaystaa.
Waxaa la yiraahdaa shinnida lama garto meel ay ku taalo inneey is khilaafto mooyaane, markaas ayaa la gurtaa hantideeda (malabka). Basharkuna waa sidaas oo kale, markuu is khilaafo oo ay midnimadiisu wiiqanto cadowgiisaa intuu isugu tago, gurta khayraadkiisa. Gabyaagii waynaa ee Dhoodaan bal ha innoogu tilmaamo gabay cajiib ah shinnada waxa ku dhaca markay is khilaafto. Wuxuu yiri:
* Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso
* Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto
* Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye
* Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso
* Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye
* Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede
* Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone
* Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e
* Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniineMidnimo maxaa lagu gaari karaa?
Way fududahay hadii la helo shuruudahan soo socda:
* Ilaahay dartii oo la’isku jeclaado
* wax wadaagis
* isu dul qaadasho
* isu tanaasul
* isu naxariisasho
* is aaminaad
* isu hibeyn
* danta guud oo laga wada shaqeeyo
* caddowga oo hal dhana loogaga soo wada jeesto, innaan la noqon doqontii la yiri labo iyo toban indhood bay leedahay; kow iyo tonban indhood inta u xigta ayeey isaga eegtaa, il kaliyana caddowga ayey isaga eegtaa. Xaaji Aadan “Af Qakooc” (AHUN) waa halkii uu ka yiri “Indhaha aad isku aragtaan cadaawaha iskaga eega”. Waa hubaal hadii intaa la inaga helo innaynu gaareyno halkaan hiigsanayno; Qof ahaan, Qoys ahaan, iyo Qaran ahaanba.Gunaanad
Guntii iyo gabagabadii qoraalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa talo iyo dardaaran. Aan ku horeeyo dardaarankee waxaa jiray oday 80 jir ahaa oo uga tagay wiilashiisa dardaaran aan is dhihi karo waa qaaciido nololeed dhab ah. Waxaa la yiri markii uu arkay ineey geeridii u soo dhawaatay ayuu u dhawaaqay shan wiil oo uu dhalay.
Wuxuu ku yiri, “Nin walbow ul ii keen”. Uulihii baa la keenay, markaas ayuu yiri, “ Nin walbow usha aad hayso kala jebi”. Si fudud buu mid waliba ushii uu haystay u kala jebiyay. Shantii ulood oo la isku geeyay buu midkood u dhiibay oo uu ku yiri “ Bal tana kala jebi”. Wuu kala jebin kari waayay. Mid kastoo wiilashii ka mid ahna wuu awoodi kari waayay inuu kala jabiyo ulihii markii la isku geeyay. Markaas ayaa isagoo la dardaarmaya wiilashiisa wuxuu yiri:
“تابى العصي اذا اجتمعن تكسرا*** واذا تــــفــــرقـــــت تــكـــســـرتــ آحـــادا”
(Ulihii way diideen ineey kala jabaan markii la isku geeyey, markii lakala qayb qaybiyayna hal hal baa loo kala jejebiyay)
Waxaan ugu danbayntii qormadan ku soo goynaya tuducyo micno wayn xanbaarsan oo aan ka soo xigtay Abwaankii waynaa Cabdullahi Muuse:
*Tabantaabaday laba Gacmood tamar ku yeeshaane
*Tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bidixe
*Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseene
_____________________________ والله يقول الحق وهو يهدى السبيل ________________________Mubarak Mohamud Saleban (Muabarak Hadi)
Email: Mubarakhadi@gmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Guddiyada Jidadka Dawga Cad Iyo Hargeysa Baligubadle Oo Midoobay Isla Markaana Booqasho Ku Tagay Ilaa Iyo Magaalada Quruxda Badan Ee Ceel-Sheekh

$
0
0

Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddida Qaban-Qaabadda Munaasabadda 18 May Oo Ah Maalinta Qaranimada Somaliland

$
0
0

Jimce 17 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)–Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Ku:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)                                   
Ku:       Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                        
Ku:       Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare                                            
Ku:       Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka                             
Ku:       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Ku:       Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga          
Ku:       Duqa Caasimadda Hargeysa                                                               
Ku:       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada                                        
Ku:       Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha                                               
Ku:       Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac                                                
Ku:       Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                                  
 
Ujeeddo:          Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May
 
Mudanayaal iyo Marwooyin,
 
Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.
 Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
 Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha Gaarka ah ee Saxaafada  Madaxtooyada JSL.
____________________________________________________Halbeegnews, Hargeysacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xukuumadda Somaliland Ayaa Gaashanka U Daruurtay Baaqii Kaga Yimid Midawga Yurub

$
0
0

Jimce 17 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)–Masuuliyiinta hawlgalka Ururka Midawga Yurub iyo waddamada Xubnaha ka ah, ayaa baaq diidmo ah ka soo saaray Qisaastii Xukumadda Somaliland ku fulisay 13-kii bishan 6 Qof oo hore u gaystay Dilal.
Hadalka Midawga Yurub oo ku baaqayay in Somaliland joojiso xukunnada dilka ah ee ay fulinayso oo dib u dhigaya shuruucdeeda ayaa Xukumadda Somaliland ku gacan saydhay islamarkaana sheegtay in Xukumadda Somaliland iyo bulshadeeduba raali ku yihiin in la dilo ciddii Qawaaniinta dalku mariso qisaas.
Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hortaagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladdu.
Wasiirka oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo baaqa Midawga Yurub ee ay Somaliland ugu soo jeediyeen in ay joojiso dilalka qisaasta ah,waxa uu yidhi. “Horena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka” Xuseen Axmed Caydiid.
Waxaanu intaasi raaciyay “Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku leeyahay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayadiina way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta. Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen”Wasiirka Caddaaladda Somaliland.
Baaqa Midawga Yurub Arrintan ka soo saaray Shalay
“Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waxay sida ugu adag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga ammaanka badan ee Madheera in badan kadib markii ay iska daayeen fulinta dilka maamulku. Guud ahaan, falkani aan la filayn, wuxuunna dib-u-dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo horjeedaa ciqaabta dilka, waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad-gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha.
Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo horjeedaan dilalka la fuliyey iyo xabaalaha la qoday sagaal sanno, kadib markii la joojiyey dilalka ciqaabta ah, waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.
Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaan masuuliyiinta Somaliland inay si dhaqso u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horreyso inay qaataan shuruuc ku habboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ururkaas.
Aragtida Bulshada Somaliland:-
Bogaadinta Qisaasta la fuliyay ayaa maalmihii u dambeysay laga dareemayay bulshada Somaliland dhexdeeda. Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, Culimada waaweyn ee Somaliland iyo dadweyne kale ayaa Xukumadda ku bogaadiyay fulinta Qisaasta iyagoo ku timaamay Amarka Alle oo la fuliyay. Waxaa sidoo kale si weyn looga dareemay taageerada bulshada baraha Bulshada ee Internet-ka oo si aada loogu bogaadiyay.
Suldaan Maxamed Muuse Nuur(Suldaan Abu Sufyaan), oo hogaanka dhaqanka Somaliland ka mid ah ayaa isna qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay sida Qisaastu u tahay mid mubaax ah “IIAAHAY waxa uu quraanka ku yidhi “qisasta nolol aya idinku jirta dadkiina caqliga usaaxiibaw si aad ubaqataan ayaana qisaasta la idinku jideeyay” nolol ba idinku jirta qisaasta , ilahay waxa uu galiyay qisaasta nolala sheena waxaan ognahay in aynu nahay dad muslimiina calankenana waxa ku qoran kalmada tawxiidka taas oo katarjumaysa in aynu nahay dad muslimiina sida awgeed waxa lilaahay ina farayaa in aynu qisasta fulino sida awgeed udheg jalaqsiin mayno cidkasta oo arinkaa kahor timaada ha ahadeen kuwo dawlada sheeganaya ama kuwo yuribiyaan sheeganayaba.
cidkastaba ha ahaatee wa inaan loo joojin ceeb ayay inagu tahay inaynu waxaasoo kale dhagaysano inagaa dalkeena iyo dadkeenaba wanaagiisa cidwalba uga ogaal badan. xukuumadana arinka qisaasta waan kutaageer sanahay oo waa arin waajib ku ah in ay fuliso diin ahaan iyo caqiida ahanba marka shacabku ha isku bar bartaagaan wixii wanaaga ee xukumadeeno fulinayso,” ayuu hadalkiisa ku koobay Suldaan Abu-sufiyaan.Halbeegnews, Hargeysacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Al-Shabab Terrorist Has History Of Targeting Non-Muslims

$
0
0

Mohamed Kuno is Kenyan commander for the al-Shabab terrorist organization on Kenya’s border with Somalia. Presumed to be in his mid-30s, Kuno “is well-known as a hardliner in Somalia and is one of al-Shabab’s leading operatives in the southern ...
Weblinks: 


Midowga Yurub Somaliland Kama Duwi Karo Dariiqa Ku Dhaqanka Shuruucda Dalkeeda!

$
0
0

Xukuumadda Somaliland waxay qaaday tallaabo qaranimadeenna quwaysay oo ay ku dabaqday manhajka samaawiga ah ee EEBE ugu tallo-galay in loogu kala xaq qaado adoomihiisa. 13-kii bishan April oo ku ku beegnayd Isniintii toddobaadkii hore, waxa dil qisaas ah lagu fuliyay lix gacan ku dhiigle oo ay ku cadaatay inay geysteen dilal badheedh ah , iyagoo qaarkood muddo sannado ah ay xukun sugayaal ku ahaayeen xabsiyadda dalka.
Xukunkaas la fuliyay waxa uu keenay qalbi samaan ay muwaadiniinta reer Somaliland u arkeen in dawladoodu ay ku dhaqantay shareecadda islaamka iyo shuruucda uu qaranku dhigtayba.
Waxay aamineen in Go’aankani uu hoos u dhigayo dilalka dalka Ka dhaca oo sannadahan dambe aad u soo kordhay, isla markaanna xataa gaadhay in ciidammada qalabka sida dhexdooda dilalku ku soo bateen.
Qisaastani waxa ay dhabada u jeexaysaa in kuwa jeelka wali baaqiga ku sii ah ee dil sugayaasha ahi ay iyaguna maalin aan fogayn dhadhamin doonaan ciqaabtii ay muteen kuwii ay dunuubta isku midka ah wada geysteen.
Ra’yul caamka Somaliland waxay arragti raqiis ah iyo dood aan macno badan xambaarsanayn ku masaaleen baaq midowga Yurub ay Somaliland ku cambaareeyeen fulinta xukunada qisaasta ah. Waxa dadweynuhu ay sheegeen in qaabkii midowga Yurub hadalkooda u dhigeen uu macnihiisu ahaa inay ku dedaalayaan inay Somaliland ka duwaan shareecadda islaamka iyo qiyamka islaamnimo labadaba.
Aan yar dul istaagno xikmad darradii uu xambaarsanaa baaqii midowga Yurub. “Midowga Yurub waxa uu ka soo horjeedaa fulinta xukunka dilka ah wax aan la filaynin oo dib u dhac ku ah horumarka Somaliland ay gaadhay illaa iyo hadda ee dhinaca ku dhaqanka sharciga,”ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saareen 15-kii Bishan.
Waxa dadweynuhu u guuxay sidii dawladda Somaliland ay si deganaansho ku jiro uga hal-celisay tallaabadaas gurracan ee ka hor imanaysa dhawrista xuquuqul insaanka.
“Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hor taagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, oo u waramay wargeyska DAWAN.
Wasiirku waxa uu midowga Yurub ku war-geliyay inaan la joojinayn fulinta xukumada qisaasta ah, waxaannu yidhi “Xukunka Qisaasta ah lama joojinayo, dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka. Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku ee ay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayaduna way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta.”
“Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen,”ayuu doodiisa ku qurxiyay Wasiirka u hadlay Somaliland.
Somaliland waxay ka mid tahay qarramadda adduunkan casriga ah ee u ban-baxay taabo-gelinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo dhawrista xuquuqda aadamaha. Waxase ay gows dambeedka ku haysataa inay meel mariso sharciga wadankeeda u yaalla oo waafaqsan diinta islaamka. Midowga yurub kama duwi karaan qiyamka diinta islaamka iyo ku dhaqanka sharciga.XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

WAA KUMA MURASHAXA XISBIGA KULMIYE?

$
0
0

Mohamed Hagi Mohamoud. The University of WarwickHordhac
KULMIYE waa Xisbiga Xukuumiga ah ee gacanta ku haya taladii dalka ee shacabka Reer Somaliland u igmadeen 2010. Ka hor waxa uu ahaa Xisbiga ugu weyn ee Mucaaridka Somaliland sanadihii 2002 – 2010. Wixii ka horeeyey bishii Juun dabayaaqadeedii oo ahayd markii loo doortey in uu Xisbigu hogaanka u qabto 4 milyan ee Reer Somaliland ah, si uu u xaqiijiyo himiladda iyo hiigsiga ummadda. Waxa aynu ka wada warqabnaa in markii taladu gacanta u gashey Madaxweyne Axmed Silanyo iyo Ku-Xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici dhamaan Kaadiriintii Xisbiyahanka ahaa ee KULMIYE aan taladii dalka iyo guushii Xisbiga ee ay keeneen toona waxba laga siin. Taa badalkeeda waxa dib u weeraray xubno badan oo aan hore Xisbiga ugu jirijirin ama aan si toos ah uga muuqan xiligii halganka talada dalka Xisbigu ku jiray. Maqaalkan maanta waxaan ku lafa-guri doonaa xaaladdaha siyaasadeed ee uu KULMIYE soo maray, gaar ahaan 10 kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxa kale oo aan si dhab ah u taaban doonaa cida fursadda siyaasaddu u siisay in uu dhaxalka Xisbiga KULMIYE yeesho.KULMIYE 2002-2007
Taariikhda aan kor ku xusay ee 2002-2007 waxa uu Xisbigu ahaa mid isku duuban oo u muuqda in ay isku daacad yihiin marka dusha laga eego. Laakiin, xaajaddu sidaa waa ay ka duwaneyd oo waxa jiray xurguf hoose oo waxa afka qalaad lagu yidhaa (Win/Lose Strategy) ama khariidada mid keen ha guuleysto. Xafiiltanka hoose oo ahaa mid siyaasiyan aad u dahsoon shacabkana aan u muuqan ayaa u saamaxay in KULMIYE noqdo Xisbi Mucaarid ah oo xoog badan, isla markaana ka helay taageero balaadhan qurbe-jooga Reer Somaliland, oo yagu aad u jeclaa in is badal macno horumar dhaqaale iyo sugida qaranimo taam ah laga sameeyo dalka. KULMIYE waxa uu kulmiyey ruug cadaa siyaasiyiin qalin-miirato ah sida Silanyo, Fagadhe, Sifir, Maxamed Cabdilahi Oomaar, Ahmed Xuseen Ciise, Cadami, Cabdiraxman Tanyanle, Cali Maarshaal, Cabdi Aw-Daahir, iyo Iskeeerse. Halka Mujaahidiin waaweyn oo baryahaa duur-joog ahaana madal iskugu keenay sida Cabdiraxman Aw-Cali, Muuse Biixi, Dhagaweyne, Mohamed Kahen iyo Cali Gurey.
Waxa kale oo yaguna sida ciida u tuulmay dad kale oo magac iyo maamuus badan ku lahaa dalka siyaasadihii halgankiina qayb weyn ka soo qaatey sida Cabdiraxman Cabdiqaadir, Cabdi Haybe, Xuseen Caydiid, Abiib Diiriye, Cabdilahi Jawaan, Axmed Muxumed Madar iyo Maxamed Aar. Halka ay aqoonyahanadda iyo siyaasiyiinta dhiiga cusubi ay hormuud u ahaayeen yagoo aad ugu firfircoon shaqo kastana sida ay tahay uga soo dhalaali jiray. Waxaa yadna xusid mudan in saxaafadda madaxabanaani halganka qaybta ugu wayn lahaayeen. Sidoo kale, ganacsatada waaweyn iyo wadaadadda qunyar socodka ah oo uu hogaaminayo Cabdicasiis Samaale waxa ay laf-dhabar u ahaayeen Guusha Xisbiga KULMIYE ka gaadhey siyaasadda uu talada dalka ku hantiyey. Hugunka iyo buuqa way adkayd in lagu kala saaro cida uu odeygu ku raali yahay iyo cida ay hoos tuur siyaasadeed oo hore uu turaanturooyinkeeda ugu hadimoodey. Yeelkeeda, xukunka iyo siyaasadda UDUB in laga takhaluso waxa lagu wada ahaa raali, waana ta isku keentay aragtiyaha ashkhaasta isdiidan ee KULMIYE iyo tuurista Madaxweyne Rayaale uun ku bahoobay. Sidaa oo ay tahay meesha kama aysan maqneyn awood kala jiidasho (Power Struggle) iyo in loo kala dhawaado odeyga si hadhow aan calafka la iskugu cawryin.KULMIYE 2007-2010
Sadex sanno gudahood oo ka bilaabmayey 2007-2010 ayaa uu bilaabmay guuxii Xisbiga Gudihiisu. Sababta inteeda badan waxa lahaa nidaamka awood raadineed ee Xisbiga guddihiisa ka jirey, dad cusub oo ku soo biirayey oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato iyo qurbe-joog badan. Waana markan markii shacabka Reer Somaliland ogaadeen in buuq siyaasadeed ka dhex-taagan yahay KULMIYE. Waxa kale oo jiray doorashaddii Madaxtooyadda oo dib u dhac badani ku yimi oo keentay in UDUB isku daydo in ay kaxaysato qaar ka mid ah siyaasiyiinta KULMIYE oo markii dambe ay qaarkood ku guuleysatey. Waxase xusid mudan in ay jireen siyaasiyiin han leh oo hunguri weyni kaga jirey in ay Madaxweyne Axmed Silanyo oo wakhtigaa ahaa Guddoomiyihii Xisbiga kula tartamaan Xisbiga guddihiisa.
Waxa ka mid ahaa Axmed Xuseen Ciise, waxase si lama filaan ah fursadan uga faa’ideystey Muuse Biixi oo siyaasiyan aad uga mudakarsanaa, ka mayal adkaa isla markaana aad uga hanweynaa dhamaan inta Xisbiga ku jirta ee hanka siyaasadeed leh. Waxa aan sidan u leeyahay Muuse Biixi waxa uu ahaa siyaasiga kaliya ee kalidii is wada, halka Axmed Xuseen Ciise uu isku haleynayey Shahaaddada PH.D oo uu filayey in lagu ixtiraami doono, iyo isaga oo xidhiidh wanaagsan la lahaa dawladda Maraykanka. Muuse Biixi isaga oo aad usku nabaya se uu aad u dareensan yahay Guddoomiye Axmed Silanyo ayuu si dhib yar uga takhalusey Axmed Xuseen Ciise oo dabinka ugu dhacay. Waxa kale oo uu kurka ka guray dhamaan siyaasiyiinta uu u arkayey in ay ka soo horjeesan doonaan hankiisa idman, intaa ka dibna waxa uu u cadeeyey Axmed Silanyo in la gaadhey xiligii siyaasadda afka qalaad lagu odhan jiray (you scratch my back and I will scratch yours) oo macnaheeda runta ahi yahay labadeenuba ma guuleysanaa oo waxaad dooneyso aan kuu fududeeyaa adna waxa aan rabo aad banaanka ii dhigtaa yadoo aan loolan siyaasadeed oo kale ku jirin haba yaraato e.
Farsamaddii siyaasadeed ee ugu horeysey ee uu arrintaa ugu sheegay Guddoomiye Silanyo waxa ay ahayd, markii uu ka dalbadey in Murashax Madaxweyne Ku-Xigeen Xisbiga dhexdiisa Muuse Biixi loogu boqro. Macnaha ugu weyn ee uu kalahaa Muuse waxa uu ahaa in uu diyaar u yahay in balan siyaasadeed (Political Deal) isaga iyo Axmed wada galaan. Waxa uu Muuse tusayey in uu yahay haldoorka kaliya ee guushan gaadhsiin kara Axmed, si uu isaguna ugu fududeeyo hanka mustaqbalka. Arrintan run ahaantii waxa uu Muuse u arkayey in fursad siyaasadeed uga banaan tahay. Talo iyo tashi balaadhan ka dib Axmed Silanyo xaalkiisu waxa uu noqdey tuducii gabayga ee ahaa:-
Maskii qaradda weynaa          Qoratada markuu helay
Qaniin oo tufi waa                  Qaadey oo dhigi waa
Ha qaniinsanaaduun                ilamaa qiyaamaha
Taas oo macnaheedu yahay haddii uu Muuse ka takhaluso, waayo qorshihiisa siyaasadeed marnaba hore ugu ma uusan talo-gelin in uu jaranjar u noqdo oo uu fursadan hadiyadda ah siiyo sababo isaga u gaar ah aawadeed. Marwalba waxa u cad in haddii uu Muuse tuuro kursiga uu inta badan hawsha u soo galeyna in uu raacayo. Haddii uu haystana siyaasadiisii iyo farsamooyinkii hogaamineed ee uu doonayey in mustaqbalka lagu xasuusto waxa ay u eegtahay in ay meesha ka baxayaan. Waayo Muuse iyo Axmed may ahayn saaxiibo siyaasadeed oo isku hadaf ah, isku da ah, isku waayo aragnimo iyo isku aqoon ah toona. inkasta oo uu Muuse ogol yahay Axmed oo ruug cadaa siyaasadeed ah in uu wax badan ka baran karo, isagoo isku gaysanaya waayo aragnimadiisa siyaasadeed, aqoontiisa ciidan iyo wixii uu ka dhexlay siyaasigii ruug cadaaga ahaa ee Cigaal oo uu muddo hoos fadhiyey, inkastoo markii dambe ay kala fogaadeen.
Muuse Biixi waxa uu garab iyo gaashaan ka dhigtey Maxamed Kahin oo nin daacad ah isla markaana ku wanaagsan balanta iyo qawlka siyaasadda. Waxa hubaal ah in markii bishii August 2008 Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ee ka dhacay Magaalo Madaxda Labaad ee Burco ee abuuray khilaafka weyn ee markii dambena keenay in Xisbigu laba u kala faliidhmo, uu Maxamed Kahin ku raacay Garabkii Cabdiraxman Aw-Cali ay dib u soo noqoshadiisa ka dambeysey Muuse Biixi oo ay ku balansanaayeen in uu siyaasadda ugu hiiliyo. Maxamed Kahin uma uusan soo noqon Garabka Axmed Silanyo, odeyguse waa siyaasi ruug cadaa ah oo waa uu la socdey sida ay wax u socdaan dantiisa ayaase cusleysay oo uu ka raacayey marwalba. Ugu dambeyntii Siyaasaddii KULMIYE waxa ku soo biiray oo ilawsiiyey xanuunkii burburkii Burco markii Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo wata dhamaan Xubnihii Golaha Fulinta ee Xisbigii UDUB marka laga reebo 5 Xubnood oo kaliya oo kula hadhey Madaxweyne Dahir Rayale ay u soo digo-rogteen KULMIYE. Waxa intaa ka dambeeyey Xubno horleh oo iskugu jira Wasiiro, Madax hay’addaha dawladda ka tirsan iyo Xildhibaano iska casiley ama ka soo wareegay UDUB oo ganacsaduhu lug weyn ku lahaa. Waana halkan meesha uu Muuse Biixi sida weyn uga faa’ideystey kana helay awooda siyaasadeed ee uu ku ogolaysiiyey Silanyo in uu Xilka Guddoomiyanimadda ku soo wareejiyo bil dabadeed doorashadda.Guushii KULMIYE
Muuse waa Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE, waana siyaasiga ugu miisaanka weyn marka laga yimaado Axmed Silanyo ee taladiisu iyo go’aankiisu socdo. Nasiib daro se, arrinkaasi ma uu sii raagin ka dib markii doorashadii 26 Juun 2010 Axmed Silanyo iyo Dahir Rayaale ku kala guuleysteen. Hadda ma aha Guddoomiye Axmed Silanyo waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aaden, sida ay qoreyso saxaafadda Somaliland, waxana gacanta ugu jirta dhamaan awoodii qaranka oo dhan. Waa Madaxa Qaranka, Waa Madaxa Xukuumadda, Waa Astaanta Dawladnimadda iyo xabagta dalka isku haysa iyo waliba Hogaanka Guud ee Ciidamadda Qalabka sida ee Dalka. Sidaas oo ay tahay haddana waxa uu wali madax ka yahay Xisbiga KULMIYE oo dhaxal sugaha rasmiga ahi yahay sida ku saxeexan waraaqda Golaha Dhexe ee Xisbiga ee lifaaqeeda ay sitaan Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Silanyo iyo Muuse Biixi Cabdi.
Inkasta oo uu Muuse ahaa ninkii labaad ee Xisbiga haddana sheekaddu sidii hore ma aha oo in uu arko Madaxweynaha Qaranka wax ka horeeya in balan looga sameeyo oo uu soo maro jaranjar aad u dheer, isla markaana uu gudbiyo waraaq uu ku saxeexan yahay oo ay ku xusan tahay ujeedada uu u rabo in uu u arko Madaxweynaha Qaranka. Layaab malaha oo siyaasadda adduunka oo dhan ayaa iska sidaas ah, waana mid xaqiiq ah in ay kala duwanaadaan oo la fahmo faraqa u dhexeeya Axmed Silaanyo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo. Waxaan aaminsanahay intaa ninka aan dhaadeyn siyaasadda adduunka wax badan baa u dhiman. Nasiib wanaag se Muuse iyo Maxamed Kahin si fiican ayey u yaqaaneen faraqa u dhaxaynaya labadan ammuurood ee kor ku xusan.
Ka hor intii aanu xukumadda dhisin waxa uu Axmed la kulmey Kaadiriintii Xisbiga oo uu Muuse hogaaminayo, waxa si qunyar ah oo taxadar badani ku jiro uu ugu sheegay in uu siyaasiyan aad u door bidayo sii jiritaanka iyo taabo qaadka Xisbiga KULMIYE. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo waxa uu ku hal-qabsadey in uu rabo in KULMIYE noqdo Xisbi waligii jira oo tamariya sida ANC ga Nelson Mandela ee South Africa. Waxana uu kala dooran siiyey in ay Xisbiga ku hadhaan oo ay ka faa’ideystaan iyo in ay Xukuumaddiisa soo galaan oo ay baneeyaan kuraasta Xisbiga. Inkasta, oo aaney ahayn wax ay filayeen haddana Muuse iyo Maxamed waxa ay is tuseen in ay joogaan oo ka shaqeystaan Xisbigan ay u soo garbaha beeleen. Halka qolooyin kale oo aanan jeclayn in aan magac yadooda halka kan ka sheego ay marooradilaac qaylo afka ka wadheen. Guntii iyo gunaanadkii Madaxweyne Axmed waxa uu dhistey dawlad ka madaxbanaan Xisbiga KULMIYE oo ka kooban inta badan dhalinyaro siyaasadda laydi ku ah lakin dadaal iyo xamaasad siyaasadeed ku jirto (enthusiastic and energetic). Horaa loo yidhi laba Qaydhinka wax ku qaybsatey isma cawrido e nin waliba halkii Illaahay u calfay ayuu xaadhxaadhey.Bilawgii Mucaaridadda
Inkasta, oo muddo dheer la waayey cid mucaarid ah oo ka hortimaada dawladdii KULMIYE ka dhalatey haddana waxa aan been ahayn in intaas oo dhan KULMIYE isagu iskugu filnaa mucaaridnimo. Arrintan sababteeda ugu weyn waxa lahaa koox lagaga yimi Xisbiga se aan ku qanacsaneyn oo u aragtey in lagu guuray. Tusaale ahaan ninka isaga hankiisu Wasiirnimo ama xil kale oo dawladdeed ahaa, ee lagaga yimi KULMIYE waxa uu fahamsan yahay in fursaddii uu xaqa u lahaa la seejiyey waana ta ay ka dagaalameen kooxahaasi. Dacaayaddii ugu horeysey ee 2 bilood ka dib sida weyn u soo ifbaxdey ee odhaneysey Madaxweyne Silanyo caafimaadkiisu ma wanaagsana waxa faafiyey isla Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan raggaa lagaga yimi ee aan ku qancin sii joogista Xisbiga.
Waxaaney uga xirsi-xidh ahayd in ay kaga jawaabaan marka dadkii ogaa xagjirnimadda xiligii ololaha doorashadda ay ku jireen sidii ay ahaayeen, iyo sida cidlada loogaga dhaqaaqey. Waxa ay is tuseen in jawaabta ugu habooni tahay in ay yidhaahdaan odeygii xanuun baa ku yimi oo waxba ma kala garanayo. Waxaan xasuustaa tusaalihii ugu horeeyey ee ay Biixiyeen kooxdaasi oo ahaa Madaxweyne Silanyo waxa uu garan waayey Madaxweyne Ku-Xigeenkiisii oo uu yidhi kan indhaha buurbuuran leh muxuu ahaa. Dhanka kale wallow ay markii dambe abuurmeen Axsaab Mucaarid ahi sida UCID iyo WADANI, haddana mucaaridad xoog badan ma aysan noqon marka laga reebo Cali Gurey oo isagu noqdey siyaasiga kaliya ee si rasmi ah u xanuujiyey dawladda Madaxweyne Silanyo.
Haddii aad dib ugu noqoto mucaaridada Cali Guray siyaasiyan waxa aad si toos ah u dareemeysaa in ay wax weyn yeeshay Xukuumadda. Sababta oo ah Cali Guray isaga oo og in uu KULMIYE guuleysanayo ayuu ka baxay oo uu UDUB u diga-rogtey, sidoo kale ma jirin sida siyaasiyiinta kale xil loo magacaabey ama dan gaar ah oo uu lahaa oo laga hor istaagay sida Madasha Wadatashiga intooda badanoo dano kala duwani isku keeneen. Waxa kale oo aynu ognahay in Madaxweyne Axmed iyo Cali Guray wallow aaney rafiiq ku ahayn siyaasadda, haddana sida kale yihiin laba ruux oo isku neef ogol marka runta laga sheegayo saaxiibtinimadda caadiga ah.Sameysankii Madasha Wadatashiga
Wali Mucaaridad xoog badani ma jirto oo si dhab ah culays siyaasadeed ugu keeni kara Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo. Ka dib doorashadii aan lagu wada qancin ee dhacday 2012 ee Golayaasha Deegaan Somaliland. Sidaas oo ay tahay haddana sameysankii Madasha oo markii hore isku magacaabay Gole Siyaasadeed waxa ay noqdeen cidii ugu horeysay ee si toos ah uga hortimaada Siyaasadda Xukuumadda. Inkasta oo ay lahaayeen iin wayn oo siyaasadeed, sababtuna ay tahay yaga oo u badnaa rag dan iyo masaalax ay lahaayeen oo ay ka waayeen Xukuumadda ama Ururaddii siyaasadeed ee ay ku doonayeen in Xisbiyo isku badalaan oo aan u soo Biixin. Badidooda marka aad eegto Xukuumadda waxa ay uga horyimaadeen labada ammuurood oo masaalax siyaasadeed ah kaliya, waana ta keentay in qayladooda inta badan dadku aaney tix-gelin badan siin. Lakin dhinaca kale marka aad eegto Xukuumaddu waxa ay u aragtaa culays weyn oo soo fuuley, waxaaney ka qabaan baqasho siyaado ah oo kaliftey in khalkhal guddhaha ay ku keento, maantana waa cabsida ugu badan ee haysa, waxa intaa u dheer Cali Guray oo neef qabad ku noqday. Waxa aan sidan u leeyahay cid wal oo xukuumadda ka tirsan oo aan arko waxa ay hadalka ka bilaabaan Cali Guray iyo Madasha Wadatashiga.Siyaasadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE
Madaxweyne Axmed Silanyo kama soo Biixin balantii Xisbiga ay wada galeen ee ahayd in uu ninba meeshiisii ku ekaado. Wallow qolooyinkii laga tagey badidoodu marka laga reebo hogaanka Xisbigu ay weerarka gaadmadda ah ku horeeyeen ee ahaa in sababta looga tagey ay ahayd in aanu Madaxweyne Silanyo caafimaad ahaan fiicnayn. Axmed Silanyo sharci ahaan waxa uu xaq u leeyahay in uu isa soo taago marka ay shanta sano u dhamaato. Laakiin ma doonayaa in uu isa soo taago mise cid kale ayaa dabada ka riixaysa? Tani waa su’aal dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa ama dalka u dhuun daloola ay is waydiinayaan. Si kastaba ha ahaatee Silanyo waxa uu dareensan yahay in Guddoomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay dagaal adag la galeen xiligii uu doorashadda u cararayey, gaar ahaan doorashaddii 2010. Sababta ay u doonayeen in uu Silanyo waayo doorashadda waxa ay ahayd yaga oo si fiican u dareensanaa in haddii uu waayo aanu fursad kale lahayn oo uu ku soo laabto yaguna si rasmi ah Xisbiga u dhaxlaan.
Waxa kalifayey in ay tan sameeyaan waxa ay ahayd way ogaayeen in aanu Silanyo marnaba talada dalka qaybtooda siineyn, hadhowna uu dib uga eryan doono Xisbiga, isagoo adeegsanaya ciyaalkiisii siyaasadda uu ku soo darsadey oo ay labada Mujaahid si fiican u ogaayeen. Siyaasadda Madaxweyne Silanyo ee maantu waa wajiyo badan marka ay noqoto Xisbiga KULMIYE, waxaana is garab yaala laba arrimood oo ay mid uu dhaboobi doonto. Waa ta hore e, Madaxweyne Silanyo ma kaga dhabeyn doonaa siyaasadda ku fadhida in uu ka takhaluso labada Mujaahid? Taasi hadda miyaaney adkayn oo aaney noqoneyn in uu Xisbigu burburo gabi ahaantiiba haddii uu sidaa ku adkaysto, marba haddii uu hore u tijaabiyey oo ay dhawr jeer ka fashilantey. Arrinta kale marba haddii ay doorashaddii dib u dhacdey in uu la heshiiyana ay qasab ku tahay si muddo kordhintu ugu suurowdo, tani ma noqon doontaa mid heshiis dambe oo ay isku aaminaan Madaxweynaha iyo labada Mujaahid uu ka dhalan karo? Akhriste labada ammuurood waxa ay ku xidhan yihiin kaliya ma aha Madaxweynaha ee waa cida haysa mafaatiixda Madaxweynaha oo yeelsiin karta ama diidsiin karta sida Xisbiga dantiisu ku jirto.Siyaasadda Muuse Biixi
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu kaga duwan yahay dhamaan siyaasiyiinta hadda joogo, marka laga reebo Cabdiraxman Cirro iyo Gaboose hanka joogtada ah iyo hamadda in uu dadka iyo dalka hogaamiyo. Arrintani ma aha mid dhib yar, waxa jira siyaasiyiin badan oo mudakar ah aqoon iyo karti ku filan haysta, lakin nasiib daro uu ka maqan yahay hanka wax doonista (Political Ambition). Inkasta oo siyaasiyan hanka sadexdan siyaasi isku mid yahay haddana waxa ay ku kala gadisan yihiin habka iyo farsamadda siyaasadda loo maro (Political Strategy) oo ah farsamadda guusha soo dhaweysa. Hase yeeshee taa u galimaayo waayo mawduuca maqaalku kuma saabsana arrintan. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si fiican u fahmay siyaasadda Madaxweyne Silanyo oo uu muddo soo hoos joogay, waxa kale oo si fiican u bartay caruurta siyaasadda u fulisa Madaxweynaha oo badhkood hoos ahaan ula shaqeeyaan una keenaan warka intiisa nuxurka ah. Waana halka uu Muuse ka liici la yahay waayo waxa uu og yahay arrin wal oo Madaxtooyadda laga soo jaro, si kasta oo xadhkihiisa la iskugu dayey in la jaro, Muuse waa uu liici laayahay. Waayo waxa ay is hayaan waa dawlad ma aha shakhsi caadi ah. Haddana waa ay inoo muuqataa in uu wali isagu Xisbigii ka talinayo. In uu Madaxweyne Axmed Musharax noqdo waxba kama qabo Muuse waayo waa uu ogyahay in uu Axmed Guuleysanayo haddii ay ku tartamaan isla markaana uu khatar galin karo kursigiisa. Lakin waa mihim ah in aynu fahamno in aan cid aan Madaxweyne Silanyo ahayni aaney Muuse Xisbiga KULMIYE dhexdiisa kula tartami karin si walba haddii ay noqoto, aan ka ahayn in gabi ahaanba uu Xisbigu burburo. Wabilaahi Tawfiiq.
Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somaliland oo markii ugu horreysey magacawday Taliyaha iyo taliye xigeenka Dab-damiska Somaliland. Ayaa loo magacaabay? ( Daawo warka SNTV )

$
0
0

Awdalpress – Hargeysa – Wareegto uu ku sexeexan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Waran Cadde, ayaa lagu magacaabay taliyaha iyo ku xigeenka waaxda dab-damiska oo wada shaqayn la yeelan doonta wasaasaradaha Somaliland iyo guud ahaanba hay’aadka ka hawl gala gobollada Somaliland.
Sida ku xusan wareegtada ayaa taliyaha loo magacaabay Col. Ahmed Mohamed Hassan ( Sawaaxili ), halka taliye xigeenka loo magacaabay Col. Kasim Mohamed Abdi ( Abdibacad ). Sidoo kale waxa isna wareegtadan lagu magacaabay Agaasimaha fulinta Abdilqadir Abdi Xaashi.
Awdalpress
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia: Ugandan General appointed as New deputy AMISOM commander

$
0
0

Somalia: Regional Lawmaker Killed

$
0
0

Daawo Video: Golaha Isbaysiga Mucaaridka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Shirweyne Wadatashi Qarran, Kuna Celiyey Inay Tahay Baabacadda Oo Timo Ka Soo Baxaan In Madaxweyne Siilaanyo Muddo Loo Kordhiyo

$
0
0

Sabti 18 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)–Labada Xisbi Mucaarad UCID iyo Waddan iyo Madasha wadatashiga ayaa  shir jaraa’id oo ay maanta wada jir ugu qabteen Magaalada Hargeysa ku iclaamiyey inay qabanayaan shir ay kaga arrinsanayaan xukuumadda iyo wakiilada wakhtigoodu dhamaanayo wixii laga yeeli lahaa. Waxay sheegeen inay go’aamo ka soo saari doonaan shirkooda gaarka ah maadaama Xukuumaddu ka soo jawaabi wayday baaqyo hore oo ahaa in laga arrinsado muddo kordhinta xukumadda  talada haysaa damacsan tahay in loo sameeyo, hoos ka daawo:
Halbeegnews, Hargeysacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilkii Ka Xayuubiyey Guddoomiyahii Maxkamadda Sare Waa Maxayse Sababta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Xilligani Uu Xilkiisii Ku Waayay

$
0
0


Axad 18 April 2015 Hargeysa (HALBEEG)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xilkii uu hayey ka qaaday guddoomiyahii maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali, oo muddo afar sannadood iyo badh ah xilkaasi hayey.
Digreetada uu madaxweyne Siilaanyo xilka kaga xayuubiyey Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil Cali oo uu ku saxeexna afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul ayaa iyadoo dhamaystiran lagu yidhi sidani:
“Taariikhda: – 18/04/2015 WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed
Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada. Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;
Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;
Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka; Wuxuu Go’aansaday In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Dhuxul Afhayeenka Madaxtooyada JSL”
Waa Maxay Sababta Xilka Looga Qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali
Warar ku dhaw dhaw xilka qaadistani ayaa tibaaxaysay in maalmahii ugu danbeeyeyba si weyn loo hadal hayey inuu madaxweynahu xilka ka xayuubinayo guddoomiyaha maxkamadda sare, ka dib cabashooyin is daba joog ah oo kaga imanaayay dhinaca shacabka Somaliland.
Maxkamadda sare ayaa dhawaan soo saartay xukuno dhul lagu muransana, xukunadaasi oo noqday kuwii ugu cadaalad xuma ee taariikhda Somaliland soo mara, iyadoo lagu tilmaamay inuu Guddoomiye Yuusuf uu si cadaaladda ka baxsan ugu garsooray dhinacyadii dhulka isku hayay.
Dhinaca kalana Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa xogahu tilmaamayaan inuu ahaa masuul ay balwadda qaadku la degtay, isla markaana aan badiba xafiiska ka soo xaadiri jirin, isla markaana hurdadu la degtay noloshiisii shaqo, xilkani ayuu markiisa hore ku yimid saami beeleed.
Goormay Sharci Noqonaysa Xil Ka Qaadista Guddoomiyahu
Xilka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa ka duwan dastuuriyan xilalka kale ee qarranka, xilka qaadistiisa ayaa keliya sharci noqonaysa marka labada  gole ee Somaliland wakiiladda iyo guurtida oo fadhi wada jir ah yeesha ay ku meel mariyaan cod hal dheeri ah oo ay ku aqbalayaan xilka qaadista Guddoomiyaha, haddii golaha wakiiladdu iyo guurtidu  ay diidaan xilka qaadista Guddoomiyaha maxkamadda sare marka waxay noqonaysa arrin aad u xasaasi ah.
Halbeegnews, Hargeysacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Pope Asks Europe to Do More for Migrants Flooding Into Italy

$
0
0

Have the Kenyan forces achieved their core mission in Somalia?

$
0
0

It was for a press conference addressed by the late Prof George Saitoti and Mr Yusuf Haji, who were then the ministers for Internal Security and Defence respectively, and who appeared to be in a hurry that morning. The war was with Al-Shabaab and the ...
Weblinks: 

Somalia readiness to forming a new state welcomed by international community

$
0
0

The international community on Saturday praised Somalia following the launch of the Adado Conference in Central Somalia aimed at the formation of an interim state in the region. In a joint statement, the UN, regional body IGAD, the EU, African Mission in ...
Weblinks: 

Puntland:- W.Xanaanada X.Dhirta & Daaqa Dowlada Somaliya oo la Sagootiyay +Sawiro

$
0
0

(Garoowe Galgalanews) Wasiirka Xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo qayb ka ahaa wafdigii Ra’iisul Wasaare Sharmarke ee Garowe yimi 10-ka bishaan ayaa maanta oo Sabti ah ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Garowe.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka kusoo sagootiyay wasiir ku xigeenka wasaradda xananada xoolaha Puntland iyo Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad.
Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha Puntland Cabdiweli Seed Cilmi ayaa sheegay wasiirka DFS ee xananada xoolaha inay wax badan oo arrimaha xanaanada xoolaha ka wada hadleen isla markasna wada shaqayn wanaagsani ay dhex mari doonto labada wasaradood.
Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay Siciid Xuseen Ciid inuu yahay shaqsi reer Puntland ah oo shaqooyin kala duwan Puntland kasoo qabtay, wuxuna rajo wanaagsan ka muujiyay inuu kasoo dhalaali doono shaqada uu Dowladda Federaalka ka qabtay.
Wasiir Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay mudadii uu joogay magalada Garowe inuu kulamo kala duwan la qaatay wasaraddaha ay xiriirka lee yihiin oo ay ka mid tahay Xanaanada xoolaha iyo Deegaanka, wuxuna sheegay inuu faraxsan yahay kulamadda uu Garowe ku qaatay kuwaasoo looga wada hadlayay in wada shaqaynta lasii xoojiyo.
Ciid waxaa ku weheliyay dhoofitaankiisa qaar ka mid ah la-taliyaasha RW Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Prof. Maxamed Daahir Aftrax.Cali Cabdi DucaleCaliducale1@gmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Report calls for Djibouti to take responsibility for rendition

$
0
0

By TREVOR ANALO:-  A new report before the African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR) states that Djibouti should be held accountable for the role it played in a CIA programme of rendition, secret detention and torture during the US administration of George W. Bush.
The three human-rights groups behind the report — UK-based Justice Forum and Kenya-based Haki Africa and International Commission of Jurists — say Djibouti allowed the CIA to use its territory to conduct the programme after the September 11, 2001 attacks by Al Qaeda on New York City and Washington DC.
“Djibouti appears to have functioned as a key staging post for prisoners being transferred out of East Africa to locations within the wider secret prison system, in particular CIA and US military facilities in Afghanistan and Guantanamo Bay,” the report states.A US marine walks in Camp Lemonier, the US military base in Djibouti. Djibouti has been accused of using its territory to conduct a CIA programme of rendition. PHOTO | FILE | AFP
 
Last year, a leaked report on the US Senate inquiry into the agency’s rendition programme confirmed that several individuals from East and the Horn of Africa had been detained in Djibouti.
According to the Senate Intelligence Committee, Djibouti hosted CIA “black sites” where detainees from Africa were temporarily held and tortured before being transferred to either Afghanistan or Guantanamo Bay.
Black sites are prisons operated by the CIA outside the jurisdiction of the United States, and the detainees have no rights other than those given to them by their captors.
The families of the men detained by the CIA receive no news about the whereabouts of their kin. The wife of one of the detainees said, “We never received any news of his whereabouts or any information about his health, except for terrifying rumours.”
The report says Djibouti was a major rendition hub in Africa, where six nationals from Kenya, Tanzania, Somalia and Yemen were held “incommunicado, subjecting them to torture and inhuman treatment” for several months.
The detainees were denied the opportunity to challenge the legality of their detention in a foreign land, or even access to legal counsel.
Authorities in Djibouti allowed CIA agents to hold and interrogate the foreign prisoners using unlawful torture techniques described by the CIA itself as “enhanced interrogation techniques,” violating basic human rights and decency.
Wrongful detention
US officials privy to the confidential Senate report have previously said that at least two of the detainees in Djibouti “had been wrongfully detained.”
One of those who went through the CIA programme, Mohammed al-Asad, a Yemeni living in Tanzania, was arrested in his Dar es Salaam home in December 2003 and flown to a secret prison in Djibouti. He says he was tortured for two weeks, and wrongfully detained in a series of “black sites” in Afghanistan and Eastern Europe before being jailed in his country Yemen in 2005, where he was released without any charges of terrorism-related crimes.
More than 10 years since his abduction in Tanzania, Mr al-Asad is still seeking justice for the many months he suffered in detention. His case against Djibouti is before the ACHPR, which recently ruled that case could not go forward because of Djibouti’s denials of involvement.
However, with the recent revelations of Djibouti’s involvement, the commission could review its ruling.
The New York University Global Justice Clinic, which filed the case on his behalf in 2009, has already asked the commission to “review its decision and hear Mr al-Asad’s case on the basis of the new evidence.”
“These revelations about Djibouti’s role in the CIA rendition programme provide strong support for Mr al-Asad’s case,” said NYU law professor Margaret Satterthwaite.
 
“At the same time, the Commission’s decision demonstrates the urgent need for the release of the Senate’s CIA torture report. Releasing the report will have a real impact on victims still seeking the truth.”
Mr al-Asad’s legal team is adamant that “American secrecy trumped African human rights guarantees.”
“The abuses committed by CIA partners must no longer be hidden behind a veil of official secrecy,” Prof Satterthwaite said.
Suleiman Abdallah, a Tanzanian national, was first detained in March 2003, in Mogadishu, by a Somali warlord who allegedly worked for the US. According to reports, Abdallah was a victim of a bounty system, which was popular in Somalia at the time, where local warlords sold individuals to the CIA as terror suspects for cash.
After being handed over to the US officials, he was briefly detained in Kenya and Somalia before being transferred to Djibouti and Afghanistan. He was released in 2008.
“Mr Abdallah’s own testimony, given to lawyers and UN investigators, suggests that he was subjected to arbitrary detention and serious mistreatment amounting to torture in both Djibouti and Afghanistan,” reads the report.
Techniques
The US Senate intelligence committee confirmed in its report that Abdallah was among 17 detainees who were subjected to enhanced interrogation techniques without approval from CIA headquarters.
Some of the grisliest techniques involved waterboarding and sleep deprivation that kept detainees awake “for up to 180 hours, usually standing or in stress positions, at times with their hands shackled above their heads.” Other techniques included forced nudity, facial slaps, and for those who refused to eat “rectal feeding.”
“Mr Abdallah continues to suffer psychological and emotional damage due to his detention in, and transfer from, Djibouti, which was marked by a constant threat of death or serious harm,” the rights groups say in their report to the commission.
“Prior to his transfer out of Djibouti in an airport in the territory of Djibouti, Mr Abdallah was forcibly stripped naked, photographed, assaulted, and was diapered by a team of individuals,” the report adds.
Gouled Hassan Dourad, a former asylum seeker in Sweden, was captured by Djiboutian authorities in March 2004 in his house. Dourad is still detained in Guantánamo Bay, and to date has not been charged with a crime. His personal testimony is not available, and his statements to US authorities are classified as “top secret.”
Somali national Mohammed Ali Isse was reportedly detained and interrogated on a US naval ship in or near Djiboutian territorial waters in 2004.
The reports says Mr Isse was then transferred to Camp Lemonnier, the US military base in Djibouti, and from there to a secret prison in Addis Ababa where he says “the Ethiopian military tortured him with electric shocks.”
Kenya has also played a major role in rendering its own citizens to the CIA detention camps. Mohammed Abdulmalik, a Kenyan national held in extrajudicial detention in Guantanamo Bay, was arrested by the police in early 2007, and transferred to CIA custody a month later.
According to his own publicly available statements, filed in a Washington DC court, Abdulmalik was flown on a US plane to Djibouti, where he was detained and interrogated by American and Djibouti officials before being flown to Afghanistan where he was held in two detention camps and then dispatched to Guantanamo Bay.
Ismail Mohamed, another Somali national arrested on May 2007 while passing through Djibouti on his way to Eritrea, was transferred to Guantánamo Bay in June 2007, where he remained until his release in November 2009 without charge.
The US global rendition network stretched from Djibouti, Morocco, and Egypt, where prisoners were held for questioning, to large military prisons in Guantanamo Bay, Afghanistan and Iraq.Source: The East African
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live