Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Texas English Teacher Named National Teacher of Year

0
0

Obama eased rules for drone strikes in Pakistan: report

0
0

Migrants: Libya is Not Somalia

0
0

EU leaders have suggested that military capabilities should be used to deny Libyan human traffickers the use of their boats. The idea, coming from politicians such as the French President, Francois Hollande, Roberta Pinotti, Italy's defence minister, and ...
Weblinks: 

Somaliland: Behi Briefs Norway on Stalled SL-Somalia Talks

0
0

Somalilandsun - The Somaliland minister of Foreign Affairs Mohamed Behi Younis is in Norway for discussions courtesy of an official invitation from the Norwegian Ministry of Foreign Affairs. Blow is a brief press statement released by the Hargeisa based ...
Weblinks: 

SOMALIA: Somalia to evacuate its citizens from Yemen

0
0

RBC — Somalia Federal Government has first time spoken up on the deteriorating security condition in Yemen, unveiling a move to evacuate its citizens in one week, RBC Reports. Somalia foreign minister Abdusalam Hadliye has broadcasted his government’s ...
Weblinks: 

Mediterranean migrants: No one makes this journey just to pick up benefits

0
0

Including Ethiopia, Somalia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Kenya, Oromo, Amhara, Somali, Afar and Harari. Plus, we have daily translations from 150 major news organizations in the Middle East and East African regions. Contact at news@ ...
Weblinks: 

Puntland:- Dr Gaas & Sheekadii Labada Oday ee Nugaal

0
0

Dr Gaas & Laba Oday’ Raage weeye’ Maxaad ku Barideen Saaka” Oday Cilmi’ Nabad qab iyo Xamid Alle Gurigii aad Nagu Ogayd baanu Naalay ilaa Gugii Kall horre’ Xoolihuna weli waa Dhogor Fiican Yihiin’ Naq bay Raacayaan weli.Raage” Magaladii baan Shalay Xoogaa Sunkor u Raadsadayow Garoowe waa lagu Nabad qabey’ Anigu Samxad Magaalad Madaxaasaa igu Xanuunoo Ma jeceli laakiin Mid Yar aan Abti u ahay baa Idaacad Radio Garowe dhegaysanayay waxa Dhegtay ku soo dhacday Madaxweynihii Gaas oo leh shir baanu u qaban Reer Puntland..
Cilmi” oo Beenow Maxaa shir keenayaa xiligan hadiiba Beledkii Garoowe qolooyinkii Cadaanka ah lagu qarxiyay Horta muu Amaanka Gacan Bir ah ku qabto Kolkaasna Shir ku Xejiyo,,, oo waxaad iga Jaahil Saartaa Qoladii Reer Sool ee Dhulbahate Beenow Shirka Ma imanayaa?!!Raage” Horta Cilmiyow waa runtaa Shirka uu ku baaqay waxa Awlba ka horaysay in Nabad la Xoojiyo, Ninyhow waxaan filayaa inaan reerkaa Dhulbahate beryahan u soo jeedin Garoowe oo waa Khaatumaysan yihiin”Cilmi” Hadii aan Dhulbahateimanayn Shirka soo ma Qurux badna in Reerkaa Siciid Harti wixii ay Tabanayaan xooga la saaro oo gadh Cas loo diro Arinta si ay u xaliyaan anigu Raagow ma qabo in Siyaasad shirka la Galiyo’Rage’ afada ii dhaxday ee Bahda weyn ” ayay qaraabo yihiin Madaxweynaha oo Siminaaro & waxbaa laygu soo qoray bay igu lahayd Sadex Habeen hadda ma soo Hoyan” Geedkii telefoonka ahaana Mar qudha waa iga qaban waydey” Markaa mar dhegtay waxa ku soo duushay qolooyinka shirka qaban qaabinaysa weeye”!! Tolow May Caruurteeda u timaado”“Cilmi Weger” Shirka dhan ee Dibu Saxida PL ma Haween baa Gar-wadeen ka ah wacade PL waa loo Yabaa”
waa Hagaag Bal aan dhowro Radiyowga ilaa Bari,in kastoo Xijaartii iga idlaatay’
 BY- Jama FEYTEJama.Feyte@gmail.com
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia: Italian court convicted 20 Somalis migrant trafficking

0
0

Italian court in Sicily on Monday convicted 20 Somalis who had received political asylum in Italy of a role in a vast criminal organization focused on migrant-smuggling Midnimo.com reorted on Monday. Prosecutors in Catania said that the defendants were ...
Weblinks: 


We can win the war on terrorism, but we must have a comprehensive strategy Terrorism| Gitaa Nyasani

0
0

This, coupled with the continued squeeze by Amison forces in Somalia, presents Kenya with the best opportunity to once and for all deal Al-Shabaab a deadly blow. The government must ensure that the training of police officers remains relevant, adaptable ...
Weblinks: 

Somalia: John Kerry will travel to Kenya and Djibouti to support fight Agains Al Shabab

0
0

US Secretary of State John Kerry will make historic first official visits to Kenya and Djibouti in the coming days. John Kerry Kerry US Secretary of State will travel to Nairobi the capital of Kenya on May 3, a few months before US President Barack Obama ...
Weblinks: 

Guurtida S/land Safiiro Uma Yeedhin Karaan Mudada Kordhaysa,Bilaha 6-9 Kuma Haboono Xilli Doorasheed Guud Qore Cali Dool Axmed Ex Qoryoley

0
0

   “Guurtida Dalkeena Geerida Dishaay Geedkaa ha Bo’o’ ’”
Dadka cilmiga taariikhda ku takhasusay iyo dadka dhacdooyinka taariikheed ku cibra qaataba,waxay ugu neceb yihiin,inay mushkilado isku nooc ahi ay bulshadooda kusoo noqnoqdaan wakhtiyo isudhow,maxaayeelay meesha aad ku aragtid mushkilado isku mid ah oo xilliyo kala duwan noloshooda kusoo noqnoqday,sida khilaafaadka siyaasaded ee Somaliland ee ka dhasha wakhti u kordhinta xukuumadda iyo golayaasha  sharcidejinta ee Somaliland.
Hadaba qoraa ahaan,waxaan si xushmad leh m/weynaha iyo xukuumaddiisaba ugula talinayaa,marka imika mudada dheeriga ah loo kordhiyo, inay wax ka bedelkii,kaabiddii iyo wax ku kordhintii qodobada dastuurka Somaliland,ee ay xilligii ololaha doorashada ay ballan qaadeen,iyaga oo ugu horeysiinaya,inay qodobka 83aad dastuurka firqaddiisa 1aad ee jideynaya,muddo u kordhinta madaxtooyada,isaga oo madaxweyne Siilaanyo mudadan dambe ee loo kordhiyay,dastuurka ka saaraya firqaddaas,kuna bedelaya,firqad dastuuriya ah oo qeexeysa sidan,”haddii ay doorashadu mudadeedii ku qabsoomi waydo,xukuumaddii wakhtigu ka dhacay,talada dalka waxay ku wareejinaysaa golaha guurtida,kadibna gudoomiyaha golaha guurtida ayaa noqonaya madaxweyne ku meelgaadha”,isaga oo muddo ugu badnaan sanad ka yar doorashada ku qabanayo,tartankana aan ka qayb galaynin,ku kaabidda dastuurka ee qodobkaasi waxay Somaliland u keenaysaa,inay xukuumadkasta doorashada m/tooyada xilligeedii ay ku qabato,iyada oo ka cararaysa inay xilka ku wareejiso gudoomiyaha guurtida.dastuurka dalka Maraykanka lagasoo bilaabo,1778dii ilaa 80maadkii 27 goor ayaa kaabid iyo wax ku kordhin lagu sameeyay,markaasuu noqday,sharci qabya tiran,oo aanan awoodaha iyo waajib gudashada iyo weliba xuquuqaha muwaadiniinta dhammaan aanu wax muran ka iman karin,qaranka Somalilandna xilliga ugu habboon ee wax ka bedel iyo kaaabid lagu sameyn karo, iyo cidda ugu habboon ee waajibkaas fulin kartaba waa mudadan kordhaysa iyo madaxweyne Siilaanyo oo fulinta arrintaas ku habboon si uu dhaxal qaran dhisid heer sare ah uu uga tago,
Sikastaba ha ahaatee qaranka jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dheeryahay waddamada Afrika iyo waddanka Maraykankaba waa jiritaanka gole dhaqameedka Guurtida,sida ay siyaasiyiinta gacan ku rimiska ahi ay qabaana,golaha Senate-ka ee dalka Maraykanka ee 102 xubnood ka kooban uma dhigmaan golaha Guurtida iyo aqalka odayaasha ee dalka Iniriiska maxaayeelay,Senate-ka xisbiyada madhalayska ayaa soo doorta laakiin Guurtida iyo house of lords-ka Ingiriiska dhaqankii bulshada ayaa lagusoo xulaa,sababtaas awgeedna  aad ayayna uga sharaf iyo maamuus sarreeyaan Senate-ka Maraykanka.wayna ka awood badan yihiin.waan ka xumahay inuu sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanku uu ka hadlo doorashooyinka Somaliland,maxaayeelay,anaguba kama hadalo ama faragelino doorashooyinkooda iyo arrimohooda siyaasiga ah,sidaas awgeed waa inay naga xishoodaan,sida aan u ixtiraamaynana ay noo ixtiraamaan.(waxaanan safiirkaas Maraykanka  ku dhanayaa,iska hadloow ina Igare).
Malaha xisbiyada ayay xukumaan safiiradan yaryar ama  shisheeyuhuye,dadweynoow aynu ka digtoonaano go,aamadooda iyo barnaamijyadooda guracan,si aanaan hadimo siyaasadeed ugu dhicin, sidii ay 3dii xisbi inoogu rideen bohoshii hadimo 1960kii.saaxiibayaal axsaabeey,haddii aynu shisheeyaha qaabkaas ugu dhega nuglaano,waxay ina odhan doonaan,xubnaha noqonaya golaha wasiirada ee Somaliland aan idinla magacowno,sida dowlad ku sheegta Somaliya ay ku yidhaahdaan.axsaabeey wuu idin dagayaa shisheeyaha aad u debceysaane ogaada.doorashooyinku waa arrin siyaasadeed ama waa dhismihii hogaanka siyaasadda,markaas cid shisheeye ah sideebaad ugala tashanaysaan?,miyaydaan xornimadeena (our sovereignty) ilaalinaynin
Walaalayaal,haddii aynu nidaamka dowladeed masaal ka samayno, waxaan odhan karaa jiritaanka saddexda waaxood ee qaran,  ayaa noqonaya masaalka, sidii  Geed weyn oo timir ah, oo  meel  beer ahku yaala ( dalka Somaliland),
Geedkaasina waa nidaamka dowladeed ee dalka jamhuuriyadda Somaliland loo dhisay. Sida aynu wada ognahay,geedkasta qaybihiisa ugu muhiimsani waa xididadiisa, ,jiriddiisa,diirka jilifta ah ee daboola laamaha ama xubnaha geedka , laamaha rucubta ah midhihiisu ka baxaan, caleemihiisa tirada badan iyo midhihiisa markay bislaadaan uu Ilaahay ku nooleeyo xayawaanada badan ee dadku ka mid ka yahay,,marka ay sidaas tahay Geedkaas dowladnimadu, xididadiisa uu ku taagan yahay waa golaha Guurtida,
Geedkaas jiriddiisuna waa golaha wakiilada,laamihiisuna waa  waaxda xukumadda looyaqaano  oo ah madaxweynaha ,ku xigeenkiisa iyo wasaaradaha kala duwan iyo weliba hay,adaha madaxa banaan ee kale, ama midhihiisuna waa waaxda Garsoorka iyo caddaaladeeda macaan, Geedkaas hadhkiisuna waa nabadgelyada la hadhsanayo.sidaas awgeed guuretida ayaa ugu muhimsan marka la eegayo,adkaynta iyo jirintaanka qaranimada jamhuuriyadda Somaliland.
Awoodaha Qaran ee ay Tahay loo kordhiyo Golaha Guurtida ee Musdambeedka  Qaranka Somaliland ah
 
Haddii talosoo jeedintaydaas sare la qaato,wax ka bedela qodobada dastuurka waxaan tala bixin ahaan ku darsan lahaa,in golaha Guurtida ee Somaliland awoodaha qaran loo kordhiyo,si isdheelitirkii qaran ee loo baahnaa loo gaadho.
Nidamkasta oo dowladeed oo maanta dunidan casriga ah jira,wuxuu leeyahay hay,ado sharci dejineed oo dastuuriyan,iyaga awood loo siiyay,inay arrimaha siyaasadeed ee khilaafaadka badan abuuri kara, ay go.aamo ama tallaabo ka qaadaan,iyaga oo aan u garnaqista dhinacyada is haya oo keliya aan ku mashquulaynin,ama aan dhexdhexaadinta dhinacayda siyaasadeed iyo arrimaha xasaasiga ah oo qudha aanay awoodohoodu ku ekaanaynin,balse waxa golahaas odayaasha xilkooda guud yahay,inay gebi ahaanba meesha ka saaraan,arrimaha iyo barnaamijyada ay khataraha degdega ah ee qaran ay ka dhalan karaan,sida khilaafaadka natiijooyinka doorashada ee muramaha badani ka yimaado WM.
Umadda Somalilandna waxay kaailintaas muhiimka ah u igmanaysaa,aqalkooda odayaasha ama gole dhaqameedka Guurtida,tusaale ahaana awoodaha cusub ee golaha guurtida Somaliland in loo kordhiyo aan qoraa ahaan soo jeedinayo  waxa ka mid ah.
 

  1. Magacaabista guddiyada doorashooyinka qaranka,waajibkan oo markii hore 2 xubnod mooyaane,inta kale ay axsaabta tartanka ku jirta iyo m/weynaha tartamaya laftiisa ay soo magacaabayeen.
  2. Tirtiridda Natiijooyinka doorashooyinka haddii la  isku khilaafo iyo magacaabista gudiyada doorashooyinka gobolada Somaliland
  3. Sargoynta mushahaarooyinka madaxweynaha ,xubnaha golayaasha qaran iyo madaxda maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta guud
  4. Ka badbaadinta burbur ku yimaado waaxaha qaranka ee Kala duwan

Gaar ahaan gacan ku qabashada talada dalka haddii ay yimaadaan khilaafaad khatar ah oo     siyaasadeed ama sharciyeedba.kuwaasoo curyaamin kara habsami usocodkii howlaha qarankan.

  1. golaha guurtidu wuxuu yeelanayaa awood sharciyeed oo uu kaga dalban karo, iscasilaad marka ay shaqsiyaadka xilalka sarsare ee qaran haya ku kacaan hagardaamooyin siyaasadeed ama ay ku kacaan arrin ceeb ku ah milgaha iyo sharafta qaran,ama arrin fool xumo ah oo lidi ku  ah waajib kudayashadii wanaagsanayd ee madaxda qaranku  lahaayeen ee kudayashada ahaa ( model) ama sharafta la higsanayay ahaa
  2. iscasilis ka dalabkaas golaha Guurtida shaqsiga ka dhega adayga, waxa xilka xayuubin toosa ku samayn doono golaha Guurtida oo keliya, kadibna wuxuu mutaysanayaa xadhig muddo ah.

 
 
 
 
Muddo u Kordhinbta Doorashada M/tooyada iyo Wakiilada
 
Xornimada waddankasta waxa gaf iyo dhantaalnaan gobanimo ku ah,inay go,aan ka gaadhista amuuraha dalkooda cido kale kaalin ku yeeshaan,haddii ay taasi timaado,dalkaasi xornmo ma haysto, waana waddan la gumaysto.sidaas waxa sheegaya, qawaaniita caalamiga ah  iyo axdiga jemciyada qaramada midoobayba.
Wax ka bedelka qodobada dastuurka jamhuuriyadda Somaliland,waxay meesha ka saaraysaa,cabsikasta oo qaran burbur ah oo dadweynuhu ka welwelayeen iyo cabsikasta oo soo ifbaxa keligii taliye,qaranka sida xool uu leeyahay u  maamula ,waxa kale oo ay meesha ka saaraysaa,inay siyaasadaha qarankeena iyo barnaamijyada  axsaabta dalkeena ay waddamo kale talo ku yeeshaan,sida wakhtigan ay habdoorashooyinka dalkeena ay shisheeyhu talada ugu leeyihiin.taasoo cawaaqib xumo inoo keeni doonto.
Hadaba kadib markii aan qoraa ahaan arkay. inay shisheeyihii cadowga u ahaa qarankan Somaliland,ay si toosa u farageliyeen nidaamkii doorashooyin ee hore ee axsaabta Somaliland.iyaga maamulistii doorashadaas,maalgelintii doorashadaas, weliba u yeedhintii madaxdii axsaabta mudadii qabsoomidda doorashadii madaxtooyada ee dastuuriga ahayd, ay  shisheeyihii aan qarankan aqoonsanayn axsaabtii qaranku u ogaalaatay, dowlado shisheeyana ay awood weyn ku yeeshaan,oo ay aad u  faragelin taban ku sameeyeen doorashooyinkii ugu dambeeyay ee somaliland ka dhacay..taasina ay hagardaamo siyaasadeed,muran dhinaca natiijooyinkii doorashada ahaa iyo khalkhal shirciyadeed oo qaran burbur keeni kara ay dhalin gaadheen diwaangelinihii 2008.2009kii iyo doorashadii 2010kiiba.i.
Sababahaas badan darraadood
Hadaba waxa uu qoraagu aaminsan yahay,
1)       inay doorashooyinka dalka Somaliland ka madax banaanaadaan gacan shisheeye iyo deeqbixiyayaashii ay Interpeace wakiilka ka ahayd,maxaayeelay inaynu ku dhacno,muramo siyaasadeed iyo khilaafaad ka dhasha natiijooyinka doorashooyinka oo halkaasna ay ka abuurmaan hadimooyin qarankani ku burburo ayuu baquhu yahay,
2)       waxaan qabaa in aanay bilaha xagaaga ah ee Kulul sida Juun,Juulaay,Ogosto iyo Sebtember aanay ku haboonayn xilli dorashooyin guud la qabto,maxaayeelay dalka Somaliland goboladiisa xeebaha oo dhan dadweynuhu way ka guuraan,oo waa xilligii xagaaga loo yaqaanay,ee ay xaraaradu ama kulaylku uu gaadhi jirtay darajada 45 (degree centigrade).sababtaas awgeedna ay dadweynuhu ka xagaa bixi jireen xeebaha gubanka.
3)      Waxa uu qoragau qabaa,in doorashooyinka madaxweynaha iyo golaha wakiilada lagasoo hor mariyo Juun ama ugu yaraan 4 bilood dib looga riixo,oo gaadhsiiya ilaa bilaha Nofember ama Disenber 2016ka,si ay dadweynhii xeebaha deganaa ay uga wada qaybgalaan.
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kitaabka Riyaadu-Saalixiin*Baababka-228-233*Xadiith-1254 Ilaa 1284*Sh.Xassan Ibraahim Xafidahullaah

When U.S. strikes go wrong, not all civilian lives are equal

0
0

Q3xaad Cillado Hadii Aanad Gaarigaaga Ka Hagaajin Khatar Weyn Kuu Keeni Kara, Iyo Talooyin Muhiim U Ah Gaarigaaga.

0
0

Waa qaybtii Saddexaad ee qormadii uu kobciye akhristayaasha kula wadaagayey cilladaha haddii aan gaadhiga laga daweyn khatarta ku keeni kara iyo talooyinka ay khubarada gaadiidku ka bixiyeen dayactirka iyo dhawrista gaadhiga:
4. Saliidda Injiinka: Waxaa laga yaabaa in dad badani aanay dareensanayn in saliiddu marka ay gaadhiga ku raagto, ama ay meel ka liigayso uu xaddigeedu ka yaraanayo intii ay ahayd markii lagu shubay, waxa ka daran oo aanay dadka badankiisu ogeynba in saliidda oo ka hoosaysa ama yaraata heerkii saxda ahaa ee Mishiinka loogu talagalay, in ay keenayso cillad weyn oo dhinaca mishiinka ah.
Darawalka waxaa la gudboon in saliiddu ay joogto heerkii saxda ahaa, iyo in ay weli tahay mis uu sii isticmaali karo, ama beddel u baahan. Sida caadiga ah qiyaasta saliidda waxa aad ku garan kartaa calaamadda ku taalla mitirkeeda marka aad eegto, in ay gaadhay xilligii la beddelayena waxa aad ku garan kartaa nooca saliidda, waayo sida caadiga ah marka ay daasho waxaa ka taga dhegdegga oo biyo-biyo ayaa ay noqotaa, arrintaas oo khatar ku keenta Mishiinka, halka marka ay hoos u dhacdana ay ku keenta Mishiinka kulayl badan oo aakhirka uu qaadi kari waayo.
5. Indhaha: Indhaha oo ah waxa ugu fudud ee gaadhiga laga daryeeli karaa waxa ay leeyihiin muhiimad weyn, kuwa hore iyo kuwa dambe kii ay tahayba waxaa qasab ah in darawalku uu ogaado bixitaanka indhaha gaadhigiisa.
Waxaa xaqiiqo ah in indhaha gaadhiga oo aan si isu dheelli tiran labada dhinacba uga baxayn, ama qaarkood dameen in ay keeni karto in darawalku uu sida saxda ah wax uga arki kari waayo, gaar ahaan xilliga xawaaraha sare uu ku socdo. Waxaa iyaduna muhiim ah in darawalku uu ogaado in ay qalad tahay in uu shaaracyada ku dhex maro indhaha sare (Faska) oo u baxaya, waayo isagana waxba uma tarayaan darawalka gaadhiga ka hor imanayana dhib ayaa ay ku keenaysaa.
6. Suxullada iyo Ruqummada: Sida aynu hore u soo aragnay Isteerinka gaadhigu waa nidaam isku xidhiidhsan illaa taayirka oo ka kooban qaybo mid kastaa hawlo u gaar ah leeyahay, dhinaca hoose ama dhinaca taayirka kuwa ugu xigana waxaa ka mid ah Suxullada / jiidayaasha iyo Ruqumta oo leh muhiimad weyn oo la’aantood aanu taayirku si sax ah halkiisa ugu jirayn.
Darawalka waxaa la gudboon in uu si joogto ah uga warhayo xaaladda suxullada, ruqumta iyo jiidayaasha gaadhigiisa, waana in aynu ogaanno in kala bixiddoodu ay keento khatar ah in aanu darawalku gaadhiga xakamayn karin, haddii xawaare yara sare uu ku socdayna keeni kara khasaare weyn.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wax Badan Ka Ogoow Shan Arrimood oo Xaqiiqo Ah aadna Kaaga Yaabin Doono Balse Aay Moogyihiin Dadka Qaar!!

0
0

Qormadan waxa uu kobciye maanta akhiristayaasha kula wadaagayaa shan arrimood oo ah xaqiiqo dad badani aanan ka dhaadhacsaneyn ama ma’oggan yihiin:
1. Dad badankoodu uma murmaan in ay is qanciyaan, balse waxa ay u murmaan in mid kastaa kan kale ka cadhaysiiyo ama ku adyadoodo.
2. Dadka ay kalsoonida naftu ku yar tahay, inta badan waxa ay isku dayaan in ay hoos u dhigaan awoodda iyo kartida dadka kale, si loo moodo in ay iyagu ka karti badan yihiin dadka ku xeeran oo dhan.
3. Mar kasta noloshaada waxaa ku jira qof aad u qabto cadho daran oo gardarro ah, ama aad u neceb tahay sabab la’aan.
4. Dadka badankoodu waxa wanaagsan qiimihiisa waxey gartaan marka uu dhaafo, (Mar uu dhaafay ayaa ay ku baraarugaan in uu shay qiimo badan / wanaagsan ahaa)
5. Qofka laguma qoonsado, faqriga haya, ama fool xumidiisa abuurka ah, waayo isagu xoog iyo xeelad midna uma lahaa labadadaa arrimood, laakiin waxaa lagu caayaa af xumadiisa, iyo akhlaaqdiisa liidata.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


DAAWO SAWIRRO Laga Qaaday Taliyaha Ciidamada AMISOM oo Gabar Somali Ah Ku Dhex Kufsanaya Xerada Xalane SAWIRO NAXDIN BADAN Oo Lasoo Bandhigay YAAB BADANAA

0
0

DF oo ka hadashay 40 Soomaali ah oo lagu dilay Yemen

0
0

Yemen (Caasimada Online)- Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya wakiilka kaga ah dalka Yemen ayaa ka hadlay duqeyntii dhawaan lagu dilay qaxootiga Soomaaliyeed ee deganaa xerada Al-qaraj.
Qunsulka Magaalada Sanca ee dowlada Federaalka Cismaan Axmed Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in tiro dad Soomaali ah ayku dhinteen duqeyn ku dhacday gaari ay la socdeen.
Qaabka duqeynta loogu dilay Soomaalida ayuu ku sheegay iney kasoo baxayaan warar kala duwan, oo wararka qaar ay sheegayaan in isbaheysiga Sacuudiga ay gantaal badda ay kasoo tuureen ku dhifteen.
Wararka kale ayuu sheegay iney ku maqleen in kooxda xuutiyaan ay dadkaasi u qaateen dad duulaan ku ah, maadaana ay ahaayeen dad badan oo labo gaari la socday.
“Horta ninka gaariga waxay shidaalka ayaa ka go’ay kadib kooxaha mucaaradka ayuu shidaal weydiistay intuu gaariga usoo socddayna duqeynta ayaaba ku habsatay, oo halkaasi inka badan 40 Soomaali ah ayaa ku dhimatay”sidaasi waxaa yiri Cismaan Axmed.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Isbaheysiga Sacuudiga u ugolaatay in Xeebaha Soomaaliya ay adeegsan karaa maadaama lala dagaalamayo Xuutiyiinta.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Halista doorashada C/kariin Guuleed ay ku keeni karto Gobollada Dhexe ee Soomaaliya (Faallo) !!!

0
0

Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Federaalka, La-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha xilligan iyo musharaxa madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya  C/kariin Xuseen Guuleed wuxuu dhowaan si hordhac ah u shaaciyay inuu u taagan yahay xilka hogaamiyaha maamulka lagu wado in loo dhiso Gobollada dhexe ee shirkiisu ka socdo degmada Cadaado; waxaana jira aragtiyo kala duwan oo laga qabo shaqsigan.
Dadka ku kacsan madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa dadka qaarkii ugu yeeraan Damjadiid waa dhab inay si weyn uga horjeedaan oo wax kasta u sameynayaan sidii ay shaarka Ina Guuleed u wasaqeyn lahaayeen, waxaa kaloo si weyn ugu kacsan kooxo kala duwan oo saxafiyiin iyo saaxiibo hore ay ku jiraan oo intaas daba jooga iyadoo markii ugu horeysay suuqa la soo dhigay Gaari aanay xabbaddu karin oo musharuxu la tegay Cadaado; waxaase muuqata inuu adeegsanayo dhaqaale taasoo durba laga arkay bogga Aminarts.com.
Guusha C/kariin oo dad badani aysan saadaalineynin, balse  ku doodayaan in dhaqaaluhu kaga dhammaan doono, kadibna laga guuleysan doono ayaan qormadan kooban waxaan saadaal uga bixineynaa haddiiba ay dhacdo in C/kariin Guuleed xilkaasi ku guuleysto halista uu ku keeni karo dadka Gobollada Dhexe.
Guusha C/kariin Guuleed waxay keeni  doontaa:

  • In Itoobiya ka hor timaado

Haddii Itoobiya oo xilligan faraha kula jirto ka hor timaado maamul uu hogaaminayo shaqsi aan saaxiibadeed ka mid ahayn sida maamulada kale, waxaa dhibaato noqon doonta ammaan ahaan sidii degaanadaasi Shabaab looga xoreyn lahaa, waxaana maamul uu madaxweyne ka yahay C/kariin Guuleed sababsan doonaa kooxaha ku xiran Itoobiya sida Ahlu-sunna.

  • In aqoonsigu ciriiri ka galo

Maamulka Gobollada dhexe ee uu hogaamiyo C/kariin, haba aqoonsato dowladda Federaalka ee saaxiibkii Xasan Sheekh, wuxuu caqabad weyn kala kulmi doonaa Puntland oo haddaba ka biyo diidan, uma muuqdo C/kariim mid galaangal u yeelan kara inuu xarkahaas furfuro, waxaa kaloo Puntland ku taageeri kara K/Galbeed iyo Jubba oo hadday u heshiiyaan iyagoo ku xumeynaya shaqsiyadda C/kariin ay ka dhalan karto in la go’doomiyo, maadaama aanu hogaankani taageero ka heysan awood goboleed iyo gudaha toona.

  • Xasarad Dastuuri ah

Waxa markii horeba jiray dood dastuuri ah oo ku saabsan sida Gobol iyo bar ay ku noqon karaan maamul goboleed, taasoo dib loogu dhigay in maamulku KMG yahay, laakiin qaabkii khilaafka dastuuriga ah looga gudbi lahaa, iyo dadaalkeeda ma cadda sida uu C/kariin ku keeni karo.
Arrimahan  oo dhammaantood ah xaalado dibadeed oo ka hor imaanaya musharaxan haddii uu xilkaasi qabto waxay dadka gobollada dhexe dib ugu celinayaan  dhibaato hor leh dib u dhac ku keeni karta hamigoodii ahaa inay maamul sameystaan iyaguna is xukumaan, waxaanan meesha ka marneyn dhibaatooyinka arrimaha gudaha oo shaki weyn laga muujinayo inuu C/kariin Guuleed wax ka qaban karo, siiba isku-heynta beelaha kala duwan ee maamulkan ku midoobaya.
Sidaas darteed waxaa la oran karaa marna C/kariin Xuseen Guuleed maaha qofkii ku haboonaa ee xilligan hogaamin lahaa maamulka Gobollada Dhexe, kana gudbin lahaa caqabadaha horyaala, waxaana fiicnaan lahayd isagoo xeerinaya xaalada degaanadaasi ku xeeran inuu ka tanaasulo oo is sharxo marka maamulka rasmiga ah la gaaro ee kumeelgaarka laga baxo Insha Allaah.
Faallada Goobjooge
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Bandow Ka Dhaqan Galay Baltimore

0
0

Bandow xilliyada habeenkii ah ayaa ka dhaqan galay magaalada Baltimore ka dib maalin ay boolisku ku tilmaameen mid nabadeed, oo daba socotay qulqulatooyin ka dhashay dhimashada wiil 25 jir ah oo madow ahaa

Kitaabka Riyaadu Saalixiin, Xadiithka [ 1254 - 1284 ] Li Sh Xasan Ibraahim Ciise

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live