Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Alshabaab oo maamul cusub u magacaabay degmada Baadheeree ee Gedo(daawo Sawirada baardheere)

0
0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maamulka xarakada al shabaab ee Gobalka Gedo ayaa maamul cusub u magacowday degmada Baardheere oo ka tirsan Gobalka Gedo iyadoo maamulkii hore xilkii laga qaaday sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Sheekh Bishaar Aadan oo ah Gudoomiyaha al shabaab ee Gobalka Gedo oo ka hadlay munaasabad halkaas lagu qabtay ayaa sheegay in maamulkii hore uu wax badan qabtay islamarkaana ay doonayaan in maamulka cusub uu isna dar dar galiyo howlaha maamulka.

Masuulka ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in lala shaqeeyo maamulka cusub ee loo sameeyay degmada baardheere oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Gedo isagoo kula dar daarmay maamulka cusub inuu ka shaqeeyo cadaalada.

magacyada masuuliyiinta Cusub ayaa ah sedan:-

1-Gudoomiyaha degmada Sheekh Siciid Yuusuf Maxamuud
2-Madaxa Amniga C/llaahi Cusmaan Axmed
3-Madaxa Dacwada Sheekh Aadan barre
4-Madaxa  Garsoorka Sheekh Ibraahim Muxamed
5-Madaxa Maaliyadda Faarax Maxamed Jaamac

Dhawaan ayay ahayd markii maamulkii degmada Garbahaarey uu badalay gudoomiyaha Gobalka Gedo ee xarakada al shabaab oo gacanta ku haysta inta badan Gobalada Koonfureed ee wadanka Soomaaliya.


Alshabaab oo maamul kale u magacaabay lafoole

0
0

Maamulka gobalka shabeelaha hoose ee xarakada mujaahidiinta al Shabaab
ayaa maamul cusub u magacaabay degaanka lafoole oo ku yaala duleedka
magaalada Muqdisho.


Maamulkan cusub ayaa ka kooban waaloga degmada, madaxda xafiiska dacwada iyo madaxa ciidamada xisbada.
Waaliga cusub ee degaanka lafoole ayaa waxaa loo magacaabay Shiikh 
c/raxmaan seyid ibraahim faarax, iyo madaxa maktabka dacwada ooloo
magacaabay Shiikh c/malik Xasan  Cabdi.


Sidoo kale masuulka xisbada ayaa la sheegay in dib laga soo magacaabi doono.
Gudoomiyaha maamulka shabeelaha hoose Shiikh Maxamed abuu Cabdallaah
ayaa sheegay in maamulkani uu xilka kala wareegi doono maamulkii hore
uga arimin jiray degmada.


Shiikh abuu Cabdallah ayaa sidoo kale dadka ugu baaqay inay la
shaqeeyaan maamulka cusub si ay ugu suurgasho inay hawshooda si fiican u
qabsadaan.


Maamulkan aya bedelaya maamulkii ka horeeyey ee degmadaasi ka jiray,
waxaana magacaabistan ay ku soo beegantay xili abaaro ay ka jiraan inta
badan gobalada dalka ayna jiraan dad barakacayaal ah oo ku nool inta u
dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho una baahan in la caawiyo.

Dhibaatada ay u geysatey Dagaladda sokeeye dhalinyaradda Soomaaliyeed

0
0

20-sano oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen wadanka
Soomaaliya, dhalinyaradda ayaa aheed kuwa uga weyn ee laga dhigtey
xaabadda la shito.

Markii kooxiihii jabhadaha ay qabsadeen caasimadda Muqdisho 26-janaury
1991-kii, waxa bilaabatey dhibaato dheer oo qabsatey dadweynaha
Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradda oo waayay wadado ay u mari
lahayeen dhismaha noloshooda.
Qaar badan oo ku jirey waxbarashada ama shaqeysan jirey ayaa ku dhacday
dagaalada aysen filanayn oo dhibaato xoog leh gaarsiinay noloshooda,
ayna adkaatey in dib u dhistaan noloshooda, waxana ay badankooda u
qaxeen wadamo shishiye, qaarkoodna siyaabo kala duwan u dhinteen.
Dagaal galintii hogaamiye kooxeedyada
Badalkii dhismaha noloshooda ay ka shaqeyn lahayeen, hogaamiye
kooxeedyadii dagaalka ayaa qaab qabiil iyagoo usoo maraya waxa ay
galiyeen dagaalo sokeeye oo uga dhigayeen mid ay ku badbaadinayeen dadka
ay asal ahaanta ka soo jeeda.
Hogaamiye kooxeedyada qabiilka ayaa si taasi ugu suura gasho siinayay
dhalinyarta u dagaalanto maandooriyaal aan xisaabsanayn, si ay dantooda u
fuliyaan una dhibaateeyaan dad aan wax galabsan oo Soomaaliyeed,
dhalinyaro faro badan ayaana dabintaas ku dhacay oo dantii laga lahaa
fuliyey.
Dhalinyaradda saran gawaarida dagaalka ee sidata hubka oo ilaaliya
hogaamiyaasha dagaalka ama jooga isbaarooyinka ayaa muddo faro badan
ahaa shaqada ugu fiican uu qof dhalinyaro ku faano inuu hayo, taas oo in
badan ay iskaga daysadeen.

Wacyo galinta Dhalinyaradda
Muddo toban sano oo taasi ay socotey ayna aad u yareed wacyo galinta
lagu sameyaynayay dhalinyaradda, waxa suura gashay iney soo baxaan dad u
istaaga  wacyo galinta dhalinyaradda iyadoona dowrka ugu weyn ay ka
qaadanayeen saxafadda iyo qeybaha kale ee bulshada rayidka.
Idaacadaha ayaa bilabay sheekooyin madadaalo ah balse lagala jeeday in
lagu wacyo galiyo dhalinyaradda – Mid kamid ah sheekooyinkaas ayaa
dhalinyaradda la dagaal galiyo ugu yeertey (MALIIBANE LAGU LIIBAANAY!!) oo
macnaheeda aheed in dad lagu shaqeyso ay yihiin oo iyaga aan wax macno
oo leehyihiin aysen jirin.  Waxa kale oo sheekada ay muujineysay in
hadii ay waxyeeloobaan aysen daryeeleen cidda dhibaatadaas ay madaxooda u
gashay balse dhibaatadaas u taalo qoyska ay horey uga carareen.
Dhalinyaro faro badan ayaa taasi ku waano qaadatey, qaar badane hubka
ayay iska dhigeen, soona dhex galin dhalinyarta, waxana bilaabatey is
dhexgal dhalinyaradda oo badalkii dagaalka la iskaga hor imaan  jirey in
cayaaro la isku badal sado ama madadaalooyin kale iyo iney xaafadihii
kala xerxernaa ay dhalinyarada isku gudbaan.
Dowrkaas is dhexgalka dhalinyaradda oo aheed iney dagaalada iska
hilmaamsiiyaane waxa dowr weyn ku lahaa oo la hilmaami Karin hablaha.
Hooyooyinka oo kale gaar ahaan kuwa gobolka Banadir oo kale marka aan
isoo qaato waxa ay u istaageen dhalinyarada isbaarooyinka lagu qalday
iney wacyo galiyaan iyagona ku qasbayay iney hubka iska dhigaan oo dadka
ay ku darsamaan ama tagaan xeryo ku yaala banaanka magalada Muqdisho si
dhibaatada hubka ay hesytaan looga badbaado – Run ahaantiine dhalinyaro
faro badan ayay taasi suura galisay iney iska dhigaan hubkii ay ku
waxyeeleen jireen dadkooda.
Idaacadaha ayaa bilaabay ku tartamida in la sameeyo barnaamijyo
dhalinyaradda u sameyay kuwaas oo naadiyo ay iskugu tagaan, waxa ay dowr
lama hilmaaman ay ka geysatey is dhexgalka dhalinyarada oo iskaga
imanayay xaafadaha, wadana xiriiri jirey, kana wada qeyb gali jirey
doodo kala duwan oo looga hadlayay aayaha dalka, hormarinta bulshada,
dowrka dhalinyarada Iyo kuwo kale oo faro badan.
Naadigii Barbaarta ee idacada Capital Voice oo kamid ahaa ayaa
dhalinyarada maalin walba iska diwaan galin jirey gaarayeen 20-qof,  ugu
yaraane todobaad walba ayay isku imaan jireen kulan, waxana maalin
walba ay ka qeyb gali jireen doodo loo qabto – Waxa kale oo jirey
barnaamijyo tartan aqoon ku saleysan oo la qaban jirey si wax loo kala
faa’ideystaan.
Mudadii aan ku jirey waxa aan isku baranay boqolaal dhalinyaro – qaar
badan oo kamid ah waxa aan ka dagaaneen degmooyin aad u kala fog oo ka
tirsanaa Muqdisho, muddo badane kala xirnaan jirey in la isku gudbo –
intooda badan ee bartay ma aan aqoon heebtooda ee waxa aan bartey
shaqsiyaadkooda – waxa aan iskugu imaan jirney kulamada arimaha bulshada
ama dhalinyarta – in badan dhalinyaradaas hawada oo kaliya waxa kaliya
iska naqaanay anagoo waligeen is arag, waxa aan aheen adane saaxiibo aad
iskugu fog.
Dib u dagaal galinta dhalinyaradda
Mar kale dhibaato cusub ayaa xilligaan soo wajahay dhalinyaradda markii
wadaado diimeedyadii ka unkumay Soomaaliya dhibaato xoog leh ayay ku
noqotey isdhexgalkii iyo hormarkii yaraa ee dhalinyadda usoo iifayay oo
hubka iskaga dhigayeen, waxa qaar badan oo dhalinyarta lagu wacyo
galiyey iney hubka qaateen oo dagaalada ay galaan, iyadoona wadiiqado
diimeedyo loo marayo.
Maxkamadii islaamiga ee Muqdisho iyo goboladda kale ee koofurta iyo
bartamaha qabsaday, dadka u dagaalamayay waxa ay ahayeen 90% dhalinyaro –
70% xilliga la dagaal galinayay dhiganayeen iskoolaadka iyo
jaamacadaha, qaar badan ayaa ku dhintey dagaalo ay galeen oo qaab qiiro
la galiyey, kuwii kale ee ka badbaaday dagaalada wali waxa ay kamid
yihiin kooxo diimeedyada madaxa adage e mucaaradka – Waxa kale oo laga
yabaa in tiro koobaan ay wali dowlada federalka ay la shaqeyaan.
Dhinaca kalane ma jirto wax xoriyad ah oo leehyihiin dhalinyarada ku
dhex nool meelaha ay ka taliyaan kooxaha xagjiriinta ee heysta inta
badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoona siinayn dhalinyarada
xoriyad ay ku madadaashaan oo kamid tahay in kubadda ay si xor ah u
cayaraanaa ama u daawadaan TV-yada iyo in naadiyo ay iskugu yimaado ama
isdhexgalo furan sameystaan – Taas badalkeedane intey barxado waawayn la
iskugu keeno dhalinyarada ayay siiya casharo lagu barto xagjirnimada oo
ku wacyo galinayaan iney ku dagaal galaan oo hubka ay qaataan ayna
dilaan  dad aan wax galabsan ama dhibaatooyin ka geystaan wadamo
shisheeye.

Wacyo galin cusub
Hadii aysen xilligaan soo bixin dhalinyaro gacan ka geysta sidii loo
dabar qaban lahaa dhalinyaradaas xagjirnimada lagu faafinayo oo tiro
badanaysa, lagu tarbiyaynayo iney dhibaato geystaan waxa soo baxayo
dhalnyaro aan waxba loo sheegi karin oo mooqifkoodo gaareey meel iney
wax dilaan oo kaliya u muuqato.
Dhalinyarta waxa ay dowr wayn ka qaadan karaan in dalka Soomaaliya u ka
dhasho dowlad dhalisa nabad waarta hadii ay badalaan dowrka loo
isticmaalayay in dagaaladda loo adeegsado ayna ka qeyb qaataan dib u
dhis iyo hormar la gaaro – qoysaskooda ka dhigaan kuwo ku dhisan kana
qeyb qaato nabadda taas oo faa’ido guud u leh guud ahaab shacabka
Soomaaliyeed.
Dhalinyaradda dibadda joogta ee wadanka ka maqan waxa ay fursad u
haystaan iney wax bartaaan taas oo dalka anfacayso, maadama qaar badan
oo dhalinyaradda gudaha ku nool aysen badankooda fursad u helin iney wax
barasho helaan, maadama qaar sabool ah ama kuwo aan heesan wax barasho
fiican haysan noqdeen.
Maxamed
Cabdinuur Mascud waa saxafi Soomaaliyeed, waxana uu ku jiraan golaha
hormarinta Soomaaliyeed (Somali Forum for Progress) isagoona in badan ka
soo shaqeyay wacyo galinta dhalinyaradda, waxadna kala xiriiri kartaa mascudmedia@gmail.com ama http://www.facebook.com/Mohamed.Mascud

Mudanayaasha Barlamanka oo maanta kulmaya

0
0

Mudanayaasha Baarlamanka Soomaliya ayaa
maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha shacabka kaasi
oo ay uga doodayaan ansixinta xubno ka harsan gudiga madaxa banaan ee
Dastuur u sameynta dalka.

Kulanka Barlamanka ee maanta ayaa looga
doodayaa ansixinta qaar ka mid ah xubnaha Gudiga Dastuur u sameynta
dalka, kuwaas oo ka kooban 15 xubnood oo lagu kordhiyay, xubnihii hore
Barlamanku u ansixiyay oo ahaa 15 Xubnood,  iyadoo gadaal looga
kordhiyay 15 kale oo la doonayo in Baarlamanku ansixiyo sida uu Radio
Muqdisho u xaqiijiyay Xildhibaan Cumar Isloow oo ka mid ah Xogheynada
Barlamanka Soomaaliya.

Gudiga Dastuur u sameynta dalka ayaa
waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood oo Barlamanku hore ansixiyay iyo 15
kale oo lagu kordhiayay kuwaas oo la doonayo in Barlamanku ansixiyo,
waxaana tirada guud ee gudigaasi ay noqoneysaa ilaa 30 xubnood hadii la
ansixiyp 15 ka gadaal looga daray.

Barlamanka Soomaaliya ayaa dhawaan
ansixiyay Miisaaniyada Dowlada ee sanadka 2011, kaas oo ay soo gudbisay
Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.

Admiral Faarax Qare" ciidamada Baddu waxa ay gacanta ku dhigeen Markab"

0
0

Ciidanka badda Soomaliya ayaa gacanta ku
soo dhigay Markab si sharci daro ah dhuxul uga soo qaadayay mid ka mid
ah Dekdedaha dalka, kadib  howlgal ay ka sameeyeen xeebaha Soomaliya
iyagoo dhanka kale ka hadlay caqabadaha ka hortaagan sugida amaanka guud
ee xeebta dalka.

Taliyaha ciidamada badda iyo difaaca
xeebaha Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar Faarax Qare oo u waramay
Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey qorshaha horyaala ciidanka
badda, isagoo xusay in ay ciidamadu soo qaateen taba bar muddo labo
sanno ah haatan ay weli u socdaan tababarkaasi.

Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in
ciidamada badda ay gacanta ku hayaan Markab si sharci darro ah xeebaha
Soomaaliya uga rartay dhul kadib markii ciidamadu ay howgalo ka fuliyeen
xeebaha dalka ay gacanta ku soo dhigen Markabkasi muddo 5-Cisho ka hor.

Sidoo kale Faraax Qare waxaa kaloo uu ka
hadlay sida looga hortagi karo weerarada kooxaha burcad badeeda
Soomaalida ay kaga afduubayan Maraakiibta iyo doonyaha isticmaala biyaha
gacanka Cadan,

Taliyaha ciidamada badda iyo difaaca
xeebaha Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar Faarax Qare ayaa hoosta ka
xariiqay in marka hore loo baaahanyahay in kooxahaasi ay beesha
caalamka ka cabanayaan laga sifeyo dhinaca dhulka, isagoo intaa ku daray
in beesha caalamka ay gacan ka siiyaan qalabeynta ciidamada si ay uga
hortagaan weerarada kooxaha Burcad badeeda.

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...


Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Sheekh Abu Salmaan Xassaan Xusseen حفظه الله ::: Fataawaa Al-Inhizaamiya : ...

Alshabaab oo Baydhabo lug iyo gacan is-dhaaf ah uga jaray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Nuur Maxamad Nuur

0
0

Magaalada Baydhabo, xarunta maamulka gobolka Bay waxaa shalay lug iyo gacan is-dhaaf ah looga jaray wiil dhalinayro ah oo lagu magacaabo Nuur Maxamad Nuur ka dib markii al-Shabaabku ku eedeeyeen in uu dhac geystay.

Fagaare ku yaal bartamaha magaalada ayaa waxaa isugu soo baxay shacab aad u fara badan si ay u daawadaan Wiilkan markii lugta iyo gacanta midi aad u afbadan looga jarayay dhiigiisuna dhulka ku daadanayay.

Masuuliiyiinta Maxakamada al-Shabaab ee gobolka ayaa dadkii fagaaraha isugu yimid u sheegay in wiilkani uu ku muteystay naafeyntan falal dhac ah oo uu gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhabo dad shacab ah ugu geystay dartood.

Dhanka kale qaadiga maxkamada al-Shabaab ee Baydhabo ayaa sheegay in xukunka ka hor ay wiilkan baaritaan dhinaca dhimirka ah ku sameeyeen si ay u xaqiijiyaan in maskax ahaan uu caafimaad qabo.

Al-Shabaab ayaa horay sidan oo kale gacmaha iyo luagaha uga jaray dad lagu soo eedeeyay falal xatooyo iyo dhac isugu jira waxaana marar badan xukunadooda lagu tilmaamaan kuwa lagu degdegay waloow ay iyaguna ku doodaan in ay shareecada sida ay qabto wax u xukumaan.

halgankanet@gmail.com

Cusbitaalka Caanka ah ee Martiini oo mudo dheer ka dib ay dowlada Soomaalidu dib uga shaqeysiineyso

0
0

Cusbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo in mudo ah aan wax adeeg caafimaad ah u qaban shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa hadda sida la sheegayo waxay dowladu diyaarineysaa qorshe ay dib ugu yabyabeyso.

Dr. Aadan Ibraahim Xaaji Daa'uud, wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in dhowaan uu dib u bilaabi doono Cusbitaalka Martiini adeegii caafimaad ee uu beri bulshada u qaban jiray.

Wasiirku wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay Cusbitaalka uga hawlgeli doonaan inkastoo uusan sheegin waqti rasmi ah oo ay shaqada bilaabayaan laakiin wuxuu cadeeyay in mar dhow ay shacabka ka heli doonaan cusbitaalka adeeg caafimaad.

Cusbitaalka Martiini oo hoy iyo deegaan intaba u ahaa mudo dheer Naafada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhanka kale mudadii dowladu jirtay adeeg caafimaad u fidin shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho laakiin mudo dheer wax adeeg caafimaad ah lagama helin dagaalada aan dhammaadka laheyn ee Muqdisho ka socday dartood.

halgankanet@gmail.com  


Albaabka guri ku yaal magaalada Hargeysa oo la soo dhigay xalay cunug dhallaan ah oo saacaddo kooban ka hor dhashay

0
0

Magaalada Hargeysa, xaafadda Sheekh Nuur wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in xalay la soo dhigay gabar yar oo gacanta loogu soo dhejiyay warqad uu magac ku qoran yahay.

Gabadhan dhallaanka ah oo gurigaas ilinkiisa la soo dhigay saacado ka dib markii ay dhalatay ayaa waxaa warqadda gacanta ugu dheganeyd ku qornaa magaca Nin aan weli la sheegin in uu gurgaas deggan yahay iyo in kale.

Ciidamadda Booliska magaalada Hargeysa ayaa dhacdadan u xirxiray dad u badan Carruur iyo Haween kuwaas oo la sheegay in ay iyagu reerka cunnuga la hordhigay u sheegeen in ilinkooda cunug yar la soo dhigay waxayna boolisku tuhunsan yihiin in dadkan ay xirxireeni arkayeen dadkii ama qofkii soo dhigay halkaas cunugga.

Hargeysa ayaa sida la sheegayo waxaa mudooyinkan dambe ku soo batay baa la leeyahay falalka noocaan oo kale ah, lamana oga sababaha keenay inkastoo ay Boolisku baaritaano xooggan wadaan.

halgankanet@gmail.com

Ururka Ahlu Sunna oo isu diyaarinaya weeraro ey ku qaadaan degaanada Xarakada Alshabaab ka taliyaan ee gobolada Galgaduud iyo Hiiraan

0
0

Wararka ka imaanaya Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada
maamulka ahlusunna laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka wadaan
deegaanada ay gacanta ku hayaan gaar ahaan magaalada dhuus mareeb iyo Guriceel iyadoo dhoolatus milateri ka waday halkaasi maalmihii la soo dhaafay.


Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen gaadiid dagaal iyo ciidamo
aad u farabadan oo ka tirsan Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo ka wada
Gobalka xili dagaaladii ka jiray Gobalka Galgaduud ay yara hakadeen.


Ciidamada ayaa la sheegay in qaar kood ay ka yimaadeen deegaano
ka tirsan Gobalka Mudug in kasta oo aan la shaacin halka ay ku
wajahan yihiin oo ay doonayaan inay ka howlgalaan xili gobalka
ay kula sugan yihiin xarakada al shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadani doonayaan iney weeraraan meelaha ey ka taliyaan Xarakada Alshabaab ee ka tirsna gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.


Sidoo kale deegaanka Guriceel ayaa xalay waxaa ka baxay ciidamo
aad u farabadan oo ka tirsan ahlusnna kuwaas oo maalmihii la soo
dhaafay ku sugnaa degmada waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan
in ay jiraan deegaano ay weeraro ku qaadayaan.


Majiraan wax war ah oo ka soo baxay madaxda ahlusnna oo aadan
dhaq dhaqaaqyada Milatari oo ay ka sameynayaan deegaano ka mid
ah Gobalka Galgaduud.

Tatankii koobka kubada cagta ee ka soconaayay dalka Malaysia oo lasoo gaba-gabeeyay “Daawo Sawirada”

0
0


 

Taman Melati ayaa ku guuleysatay
tartankii koobka kubadda cagta ee dhax maray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku
dhaqan wadanka Malaysia,
 


koobkaas ayaa loogu magac daray Kontan guuradii ka
soo wareegtay markii la-aqoonsaday wadanka Soomaalia (50 anniverity of Somalia).

 
ciyaartaani waxeey ka dhacday garoonka DANAKotta
ee magaalada Kuala Lumpur wadanka Malaysia, waxaana ciyaartani ku guuleysatay kooxda
 
Taman Melati oo 3-0 ugu taal roonaatay kooxda
khodxaaleey.

Koobkaan waxaa hirgilintiisa iska kaashaday
Jaalaiyadda Soomaaliyeed ee Malaysia,

 xafiiska UNHCR qeybtiisa u qaabilsan
SOOMAALIDA  iyo Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ( SSSM).

 
koobkaas waxaa ka qeybgalay 8-koox oo ah
Soomaalida dagan Malaysia,
oo kala ah

1-kooxda Khodxaaleey.
 
2-Kooxda Taman
Melati.

 
3-Kooxda Malati Impia,
 
4-Kooxda KLMU.
 
5-Kooxda Idiman.
 
6-Kooxda Safaari Restaurant.
 
7Kooxda KBB.
 
8-Kooxda Almis.

waxaana ugu dambeen isugu soo haray Taman Melati
vs Khodxaaleey , Taman Melati ayaa 3-0 uga itaal roonaatay kooxda khodxaaleey.

waxaana koobkani kor u ruxday kooxda kubada cagta ee Taman Melati oo ka dhisan xaruunta dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.
 
Mudadii uu koobkani socday ayaa waxaa u soo daawasho
tagi jiray taageerayaal badan oo ka kala tirsan Soomaali, ajaanib &
malaysian oo jecel daawashada

cayaaraha gaar ahaan Kubadda cagta.


sidoo kale waxaa halkaas abaalmarino kala duwan la
gudoonsiiyay ciyaaryano & gudigga maamulka koobkaas oo kala ah

1-ciyaarhanka u gool dhalista & uguna
wanaagsan dhanka weerer Mr niinja oo la gudoonsiiyay kaba sports

2-ciyaaryanka ugu difaaca wanaagsan Mr ismail
kuluu oo la siiyay bilad qaas ah

3-ciyaaryanka ugu dhax ciyaar wanaag ahmed garaad
oo la siiyay bilad qaas ah

4-ciyaaryanka ugu ciyaar wanaagsan mar ka leego
dhan walbo Mr Jaayo

5-koolhayaha ugu wanaagsan Mr  mohamed
thailand

6-tabaraha ama macalin ugu wanaagsan Mr mustafa
amin

 
Waxaa kaloo halkaas laga xusi karaa in kooxda
TAMAN MALATI ay soo bandhigtay cayaar wanaag iyo xirfad aad u sareysa oo aad u soo
jiidatay dadkii
 
u soo daawasha tagay. 
 
Gabagabadii ciyaartaas waxaa xaflada ka hadlay
gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Malaysia Mudane safiir Ceymow asigoo u mahad
celiyay
 
ciyaartooydii, taageerashii & gudiga maamulaay
ciyaartaas, waxuuna aad ugu mahad celiyay wasiirka sports ee ardayda
Soomaaliyeed Mudane Mohamed Abdullahi (Jecelow )
 
oo suurta giliyay in uu hirgalo koobkaas. 

dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay xiriiriyaha
xafiiska UNHCR qeybtiisa u qaabilsan SOOMAALIDA Mudane Ahmed Mohamed ( Ahmed
OK).
 
ugu daneeytii waxaa halkaas looga mahad dadkii ka
qeybtaay koobkaas.

 
 
1-safiir ceymow ( Gudoomiyaha Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Malaysia
)

2-mohamed iman (refree), 
3-wasiirka Sports ee SSSM mudane mohamed abdullahi
(jecelow)
 

4-Mr Ali nasir 
5-Mr Shuuriye (Lampad )
6-xiriiriyaha xafiiska UNHCR qeybtiisa u qaabilsan
SOOMAALIDA Mudane Ahmed Mohamed ( Ahmed OK)

7-xoogeynta xafiiska UNHCR qeybtiisa u qaabilsan
SOOMAALIDA Marwo Nadiifo

8-abdifatah eggah (Abdifatah Boorame )
9-Mohamed Kat kat
10-gudoomiye ku xigeen ururka ardayda soomaaliyeed
mudane Abdulahi Ali Mohamed ( Suldan)

11-abdifatah abubakar ( Hiraabe )
12-Mudane Anas ciyaaryahan
13-abdirashid bro ( daawade )
14-ali adow ( Ali RRA)
15-abdixakiim ( Insaaiyah)
16-Anwar ( xeriiriyo)
17-Mohamed abdi aziz (xeriiriyo)


 
Sharmarke Cali
Afrah

xoghayaha arrimaha gudaha ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia
www.ssmalaysia.com

Dhibaatada haysata Carruurta Soomaaliyeed

0
0

Wakiiladda gaarka ah Radhika Coomaraswamy ayaa Qaramada Midoobay uga warbixisay xaalada carruurta soomaaliyeed ay ku sugan yihiin ka dib markii ay dhawaan booqasho ku soomartay meelo kamid ah dhulka Soomaaliya.

Wakiiladda Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay u qabilsan arrimaha Carruurta iyo carruurta ku sugan goobaha
ay ka jiraan colaadaha.

Wakiiladda gaarka ah Radhika Coomaraswamy ayaa
Qaramada Midoobay uga warbixisay xaalada caruurta soomaaliyeed ay ku
suganyihiin ka dib markii ay dhawaan booqasho ku soomartay meelo kamid
ah dhulka Soomaaliya.

Cumar Jamal waa xoghayaha koobaad ee guidiga u
fadhida dalka Soomaaliya Qaramada Midoobay wuxuna joogay shirka ay
qabadhay Radhika.

Mohamed Haji Hussein ayaa ka waraystay Jamaal waxyaabihii ay ka hadashay Radhika Coomaraswamy.

 

Soomaali lagu waayay danbi Australia

0
0

Laba wiil oo Soomaali ah oo lagu waayay danbi argagixiso dalka Australia.

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo labaatan iyo lix jir
ah, iyo Yacquub Khayre oo labaatan iyo saddex jir ah ayaa lagu waayay
danbi inay qorshaynayeen weerar lagu qaado saldhig milatari oo ku yaala
magaalada Sydney ee Australiya.

Laakiin sadex nin oo kale oo mid ka mid ah uu
yahay Soomaali ayaa lagu helay danbi inay qorshaynayeen inay qarxiyaal
saldhiga milatri.

Xukunka saddexda nin ee danbiga lagu helay ayaa la sugayaa in lagu dhawaaqo.

Dacwadda nimanka ayaa socotay saddex bilood.

Madaxa Haya'da Soomaaliyeed ee Australiya Cumar Shire oo joogay dacwada ayaan ka waraysanay.

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live