Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Harta Assal ee Djibouti


Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo hogaan cusub doortay “Daawo Sawirada”

$
0
0

Xaflad
balaaran oo si-weyn la’iskugu soo dubada riday oo ka dhacday Jaamacadda UIA ee
dalka Malaysia ayaa waxaa
lagu soo doortay hogaamiyaha cusub ee ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u
joogta qeybaha kala duwan ee dalka Malaysia.

 

Xafladaan
ayaa waxaa kasoo qeyb gallay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada
Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia, kuwaa oo intooda badan ka yimid
gobolada uu ka kooban yahay dalka Malaysia, si’ay u doortaan gudoomiyaha cusub
ee sanadkaan hogaamin lahaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u
joogta dalka Malaysia.

 

Jeekada
gudoomiyenimo ayaa waxaa isu soo sharaxay laba xubnood oo wax ka barata
Jaamacadda UIA-da, kuwaa oo lagu kala magacaabo C/Salaan Sheekh Maxamed C/Laahi
iyo Cabaas C/Laahi Axmed.

 

Inta
aysan doorashada dhicin ayaa waxaa ka hadlay labada musharax ee kala ah
C/Salaan Sheekh Maxamed C/Laahi iyo Cabaas C/Laahi Axmed, isla-markaana waxay
faallo ka bixiyeen midba midka kale haddii la-doorto waxa uu qaban doono,
waxayna labada musharax ay ku dheeraadeen sidii ay kusoo jiidan lahaayeen
boqolaalka ruux ee kasoo qeyb gallay xafladani.

 

Dhawr
daqiiqadood kadib ayaa waxaa bilaabatay in guddiga doorashada uu qeybiyo
waraaqihii ay ardaydu ku codeyn laheyd, iyadoo ay si habsami leh kusoo idlaatay
codeynta, intii gudiga doorashada uu ku mashquulsanaa tirinta codeynta ayaa
waxaa barnaamijkaan lagu soo bandhigay Gabayo iyo Geeraaro, waxaana kaalin fir
fircooni leh ka qaatay Abwaan Maxamuud Jeeri.

 

Sidoo
kale Sheekh Cabdi Khani oo kamid ahaa marti sharaftii lagu soo casuumay
xafladaan ayaa wuxuu masraxa ka jeediyay dhawr aayadood oo Qur’aan ah, isagoo
bulshadii halkaasi iskugu timid ugu baaqay in’ay ku dhagnaadaan xariga ALLE, isla-markaana
ay muujiyaan Sunada Nebiga “NNKH”.

 

Dhanka
kale Gudiga Doorashada ayaa sheegay in’ay codeeyeen 364 ruux, 363 cod baa
la-ansaxiyay, halka hal codna uu halaabay, iyagoo intaasi ku daray in Mudane
C/Salaan Sheekh Maxamed C/Laahi uu hellay 210 cod, halka Cabaas C/Laahi Axmed
uu isna hellay 153 cod, isla-markaana Gudiga Doorashada ayaa sheegay in
C/Salaan Sheekh Maxamed C/Laahi uu yahay gudoomiyaha cusub ee ardayda
Soomaaliyeed ee dalka Malaysia, kadib markii uu ka cod batay musharaxii kale ee
la-tartarmaayay.

 

Markii
lagu dhawaaqay in C/Salaan Sheekh Maxamed C/Laahi uu yahay gudoomiyaha ardayda
Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ayaa waxaa dhawaq xoogan isqabsaday hawlkii uu
ka soconaayay doorashada, iyadoo taageerayaasha C/Salaan ay muujiyeen dareen
aan la’qiyaasi kareyn.

 

Gudoomiyihii
hore ee ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo xafladani goob joog ka ahaa
Cabdalla Axmed Nuur ayaa saxaafadda u sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay
doorashada u dhacday, isagoo intaasi ku daray in uu xilka ku wareejin doono
gudoomiyaha cusub ee lasoo doortay.

 

Si
kastaba ha-ahaatee doorashadaan oo si-weyn loo-soo agaasimay ayaa waxay kusoo
idlaaday sidii loogu talla gallay, iyadoo ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada
u joogta dalka Malaysia
ay ku qanceen sida wanaagsan ee doorashada u dhacday.

 

 

 


Xasan Cadde
Kuala Lumpuir Malaysia
Laacib143@hotmail.com





6 attachments — Download all attachments   View all images  
as2.JPG as2.JPG
82K   View   Download  
as21.JPG as21.JPG
82K   View   Download  
as22.JPG as22.JPG
91K   View   Download  
as23.JPG as23.JPG
68K   View   Download  
as24.JPG as24.JPG
105K   View   Download  
as25.JPG

Alshabaab oo biyo dhaamin ka wada gobolka Sh/hoose

$
0
0

Gudi dhowaan Xarakada al Shabaab u magacawday abaaraha ka jira
deegaanada ay mamusho xarakada ayaa maanta sheegay inay gurmad niyo
dhaamin ah ka bilaabeen degmooyin ka tirsan gobalka shabeelaha hoose
halkaaso ay ka jirtay biyo la;aan.

Shiikh Maxamed Suldaan oo ah gudoomiyaha gdigaasi aya sheegay in
illaa 10 booyadood ay u kireeyeen degmooyin ka tirsan Shabeelaha hoose
ana hadda bilaabeen biyo dhaaminta oo ka socota deegaanadaasi.
Gobalka shabeelaha hoose ayaa ka mid ah meelaha xaaladaha abaareed ee
ugu darani ay ka jiraan iyadoo caruur la sheegay in abaarta darteed ugu
geeriyoodeen halkaasi.
Gudoomiyaha gudiga abaarta ee xarakada ayaa sheegay in illaa 5 dagmo iyo
tuulooyin hoos yimaada ay ka soconeyso biyo dhaaminta, wuxuuna sheegay
in hawshan uu rajeynayo inay wax badan ka tari doonto haraadka baahsan
ee dadka haya. 
Sidoo kale waxaa uu Shiikh Suldaan sheegay in gobalada kalana ay ka
bilaabi doonaan gurmad biyo dhaamin oo la mid ah kan ay maanta bilaabeen
si ugu yaraan loo kaafiyo baahida biyood ee deegaanada abaaruhu ka
jiraan.
Gudiga oo kormeer ku soo maray deegaano ka mid ah gobalada abaaruhu ka
jioraan ayaa sheegay in gobalada Bay, Bakool, Jubooyinka iyo labada
Shabeele ay ku soo arkeen xaalado aad u daran oo laga naxo taasoo dadka
ay ku sugan yihiin.
Gurmadkab iyo dhaaminta ayaa ah talaabadii ugu horaysay ee gugidaasi ay qaadaan tan iyo intii la magacaabay bil ka hor.

Hey'ada Culumada iyo Odayaasha dhaqanka oo dalbaday in la gargaaro dadka abaartu saameeysay

$
0
0

Hey’ada Culimada Soomaaliyeed iyo Golaha Dhaqanka Hawiye oo codsaday in la gargaaro dadka abaaruhu saameeyeen.

Gudoomiyaha hay’ada culumada
Soomaaliyeed sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo guddoomiyaha Golaha
Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye nabadoon Max’ed Xasan Xaad oo
labaduba maanta ka qaybgalaayay Banrnaamijka kulanka Jimcaha oo Radio
Muqdisho ayaa si isku mid ah uga  dalbaday kooxaha dowlada ka soo
horjeeda in ay ogolaadaan gargaar Bani’aadanimo oo la gaarsiiyo dadka ay
abaaruhu saameeyeen ee ku  dhibaataysan  gobolada Soomaaliya iyagoona
si kulul u weeraray  cid kasta oo is hortaag ku samysa gargaar la
gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu hayso .

Gudoomiyaha hay’ada culumada
Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu horayn dalbaday in
umada loo naxariisto islamrkaana loo ogolaado muddo 6 bilood ah gargaar
Bani’aadanimo oo la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen 
waddooyinkana la furo si ay u sahlanaato in dadka ay dhibaatadu hayso la
caawiyo .

Sidoo kale nabadoon Maxamed Xasan Xaad
gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa isaguna
dhinaciisa sheegya in ay laga marmaarmaan tahay gargaar Bani’aadanimo oo
la gaarsiiyo dadka ay abaartu saameeyeen maadaama ay dhibaato badan
qabaan waxaana uu ka dalbaday kooxaha dowlada ka soo horjeeda in ay
ogolaadaan mudo kooban in dadka la caawiyo isagoo xusay in aan la aqbali
Karin in dadka marna ay xabad ku noolaadaan hadana lagu fiirsado
abaarta dhibaatada ba’an ku haysa.

Mudooyinkii ugu dambeeyay deegaanno
badan oo ka tirsan gobolada Soomaaliya waxaa ka taagnaa abaaro saameeyay
dadka iyo duunyada kuwaas oo xiliba xilga ka dambeeya saamayntooda ay
ku soo kordhayso mana jirto gargaar Bani’aadanimo oo dadkaasi la
gaarsiiyo waxaana taasi sabab looga dhigaya markii maleeshiyada kooxda
shabab ay ka biya diideen in hay’adaha Samafalka ay gargaar gaarsiiyaan
dadka ku dhibaataysan gobolada Soomaaliya.

radio muqdisho

Ciidamo ka tirsan DKMG oo Rasaas ku Furay Goob Cunto Qeybin ay ka Socotay

$
0
0

Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG Soomaaliya ayaa maanta rasaas ku furay dad
cunto looogu qeybinayey degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.
Inta la og yahay 1 ruux ayaa ku dhintay illaa 4 kalana way ku
dhaawacmeen rasaasta ciidamadu ku fureen goobtaasi oo xilligaasi
raashiin gargaar ah loogu qeybinayey dad ka mid ah barakacayaasha ku
nool degmadaasi.
Haweeney ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa warbaahinta usheegtay in
askartu ay damceen inay raashiinka wax ka helaan balse taasi ay diideen
dadkii raashiinka qeybinayey.


Inta badan ciidamada DKMG ayaa marka raashiin loo qeybinayo dadka
barakacayaasha ah waxay isku dayaan inay boobaan taasoo ay ugu wacan
tahay duruufaha adag iyo daryeel xumida heysata ciidamada DKMG.
Dhowaan ayaa raashiin ay keentay WFP waxay ciidamada DKMG ku boobeen
degmooyinka  Wadajir iyo Dharkenley iyagoo gebi ahaanba leexsaday
tobaneeyo baabuur oo siday gargaar raashiin ah.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha raashiinka qeybiya iyo
madaxda ciidamada dowlada ooku aadan wax talaabo ah oolaga qaadayo
askarta u bareerta boobka raashiinka gargaarka ah.

Xigasho:RBC Radio

Sheekh Saalax~~musaa'il part 2 qeybta # 3

Sheekh Saalax~~musaa'il part 2 qeybta # 4

Sheekh Saalax~~musaa'il part 2 qeybta # 5


Sheekh Saalax~~musaa'il part 2 qeybta # 6

Sheekh Saalax~~musaa'il part 2 qeybta # 7

Weerar loo adeegsaday bumka gacanta oo xalay ka dhacay Buulo Xuubeey iyo dad wax noqday!

$
0
0

Xalay xilli ey dadku hurdaan ayaa kooxo bum nooca gacanta laga tuuro ah waxa ay ku weerareen guri ku yaala xaafadda buulo xuubeey ee degmada wadajir.

Weerarkan ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa lala beegsaday koox dhalinyara ah oo gudihiisa ku jirtay.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxay weerarkaas waxayna wararka qaar sheegayaan in gurigaasi ay ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda ku meel gaarka soomaaliya halka warar kalena ay sheegeen in gurigaasi ay ku jireen dhalinyaro halkaa isaga caweyneysey .

Weerarkan bum ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo ka mid ah dadkii gurigaas ku jiray kuwaasoo markiiba loola cararay isbitaalka madiina halkaasoo dhaawacoodii la dhigay.

Goobtii uu shilku ka dhacay ayaa waxaa si deg deg ah u soo gaaray ciidamo ka tirsan  dawladda ku meel gaarka soomaaliya kuwaasoo halkaa ka bilaabay hawlo baaritaano ah.

Ma jiran cid lagu soo qabtay hawl galadaas waloow ay sheegeen saraakiishii hawl galaaas hoggaaminaysey in ay sii wadayaan hawl galada ay ku baarayaan cidii ka danbaysey falkaas xalay ka dhacay degmada wadajir.

Ma ah markii u horeeyey oo weeraro noocaan ah ay xaafaddaas ka dhacaan kuwaasoo inta badan lala eegto fariisimada ay ciidamada dawladdu ku leeyihiin gudaha xaafadaas  taasoo weeraro horey u dhacay laguna qaaday farisimadaas ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Si kastabta goobtii uu xalay ka dhacay weerarka ayaa manta deggan iyadoo halkaasi lagu arkayo dad weyne fara badan oo u soo dawasha tegey goobtii uu qaraxu ka dhacay habeenkii xalay ahaa.

Odayaal dhaqameedyada degmada Ceelbuur qaarkood oo ku baaqay kacdoon ka dhan ah al-Shabaab ka dib markii..

$
0
0

Qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka ku dhaqan deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ayaa shacabka deegaanadaas ku dhaqan ugu baaqay in ay la dagaalaan al-Shabaabka ku xoogga badan gobolka.

Midka ka mid ah odayaasha ka soo jeeda deegaanka Ceel-Garas oo la hadlayay idaacada maxalliga ah ee Shabelle Radio ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen falalkii shalay ay al-Shabaabku kula kaceen qaar ka mid ah ganacsatada degmada Ceelbuur islamarkaana ku xirxireen odayaal dhaqameedyo.

Duqan u hadlay reer Ceelgaras ayaa ku goodiyay in al-Shabaab kacdoon ka dhan ah uu ka bilaaban doono guud ahaan deegaanada gobolka Galgaduud maadaama sida uu sheegay ay shacabku dhibaatooyin aan la soo koobi karin ku qabaan al-Shabaabka waa siduu hadalka u dhigaye.

Shalay ayeey aheyd markii al-Shabaabku ay degmada Ceelbuur ku karbaasheen mid ka mid ah ganacsatada ka soo jeeda deegaanka Ceelgaras qaar ka mid ah waxgaradka degmadana ku xirixireen.

halgankanet@gmail.com

Hay'ada Culimada Soomaaliyeed oo baaq ka soo saartay Abaaraha ka jira Soomaaliya guud ahaan

$
0
0

Wadanka waxaa ka jira abaaro baahsan, oo aad u culus, oo ku soo aaday waqti ay wadanka ka aloosan yihiin culaado noocya badan,haya’ddu waxay xoojinaysaa codadka ku baaqaya taakulayn deg deg ah,waxayna soo jeedinaysaa baaqaan:

1-in la toobad keeno,xuquuqdana la isu cesho,istigfaartana la badiyo,waayo, musiibada
Waxaa keena macaasida,waxaana lagu qaadaa towbadda.

2-in wadanka oo dhan laga oogo salaadda roobdoonta,ayadoo la ilaalinayo waqtiga dadka munaasabka u ah iyo sida sunnada ah.

3-waxaan ugu yeeraynaa dhinacyada dagaalamaya in ay ku baaqaan xabbad joojin lix bilood ah ugu yaraan,si gargaarka loo fidiyo,ayna kala saxiixdaan cahdi adag oo muslim nimo,aana la siyaasadeen musiibooyinka ummadda haysta.

Sidoo kale,waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo culaadaha beelaha u dhexeeya.

4-waxaan ugu baaqaynaa hayadaha dowliga,kuwa islaamka iyo kuwa carabta in si deg deg ah loogu gurmado shacabka soomaaliyeed,ayadoo lagala tashanayo dhinacya ay khusayso,lana ilaalinayo diinta iyo duruufta dadka.

Sidoo kale,waxaan ugu baaqaynaa war baahinta in ay gutaan kaalintooda,ayna muujiyaan xaaladda taagan.

5-waxaan ugu baaqaynaa ganacsatada iyo cid kasta oo awoodda in ay dadka la gaaraan biyaha iyo quutudaruuriga,ilaahayna wuu kaalmaynayaa qofka ,inta uu kaalmaynayo walaalkiis.

Ilaahay waxaan waydiisanaynaa in uu ummadda faraj u furo,dhibkana ka faydo.

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Sh. Bashiir axmed salaad
Madaxa haya’dda culumada soomaaliyeed

halgankanet@gmail.com

Muqtaar Rooboow, Abuu Mansuur oo ku baaqay in aad loo xoojiyo dagaallada ka socda Xamar

$
0
0

Muqtaar Rooboow oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur kana mid ah hogaanka sare ee al-Shabaab ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaallada ka socda magaalada Muqdisho.

Abuu Mansuur wuxuu si gaar ah baaq ku aadan ka qeybqaadashada dagaallada ka socda Muqdisho ugu diray Reer Bay iyo Bakool mar uu ka hadlay muxaadaro ay magaalada Baydhabo ku qabteen al-Shabaabku.

"Mujaahidiinta Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in mowqif midaysan ay ka qaataan dagaallada lagula jira dowladda iyo AMISOM, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool gobollada ay ka taliyaan waa in ay garab istaagaan dagaalyahanada Al Shabaab si meesha looga saaro dowladd" Sidaas waxaa ku taliyay Abuu Mansuurka.

Hadlakan ku talinaya in dabka Muqdishu ka holcaya xaabo lágu sii daro ee ka soo yeeray Abuu Mansuur ayaa ku soo aadaya xilli colaad, dhaqaalo xum iyo abaaro isbiirsaday ay dhulka dhigeen shacabka ku dhaqan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliyeed.

halgankanet@gmail.com   

Ururka ay ku mideysan yihiin ardayda Somaliyeed oo la aas-aasay

$
0
0

URURKA HORMARINTA ARDAYDA SOOMAALIYEED

(uharso)

منظمــة تنميــة الطــلاب الصــومـــال

SOMALI STUDENT’S DEVELOPMENT ORGANIZATION


Ururka oo la aas-aasay bilawgi sanadii tagtay ee 2010 taariikda maerkee aheed 01/01/2010 maalin jimco ah. waxaana aas-aaska ururka ka dambeeday raga kala ah:-

1:c/wahaab maxamed cabdulle (xaaji)                       gudoomiye

2: maxamed anwar aadan (anwar saadaad)             xog-haye maaliyada

3: maxamed xasan warsame (maxamed qadar) xog-haye xiriirka saxaafada iyo warfaafinta

4: bashiir sheikh c/laahi sheikh

Iyo ardayda kale soomaaliyeed ee joogta muqdisho iyo kuwa hada bara kaca ku ahay deegaanada duleedada caasimada , kadib markii dhibaatada ardayda heesato ee badatay una muuqatay ardayda abaabulka howshaan ku lug laheed wax badan in laga badalo marxaladaan baahi weyn loo qabo iskaashi iyo wada shaqeen dhexmarta ardayda . waxaana ururka oo marxaladaan adag xubnihiisa ay damacsanyihiin iney wax ka badalaan iska warqab la'aanta iyo wadashaqeen xumada ka dhaxjirta ardayda soomaaliyeed, sidoo kale ururka waxaa qorshaha ugu weyn uu hiigsanayo ee tahay in marka la isku xiro ardayda soomaaliyeed si guud aan ka wada shaqeyno iskana wada kaashano daryeelida iyo gacan u fidinta ardayda walaalaha aynu nahay ee mashaakilaadka ama dagaalada dalka ka socda ee waxyeela adag ka soo gaarto.

intaa kadib ururka mudo waxa uu u halgamayay mideenta iyo isku keenida ardayda soomaaliyeed gaar ahaan daladaha mideeyo ardayda qurbaha joogto iyo kuwa gobolada si arinta iskaashiga iyo wax u qabadka ardayda mudo dhaw u hirgasho, waxa kale uu ururka u fidin doonaa garab gargaar tacliin ardayda danyarta ha ee aanan heli karin awooda qarashaadka waxbarashada si loo yareeyo qatarta jahliga bulshada ku hayo.

sidoo kale ururka waxa uu tababaro hormarineed iyo dood cilmiyeed waxtar u leh u qaban doonaa ardayda heerarka sare ee tacliinta dalka hada ku jira intaa kadib ururka waxa uu u gudbi doonaa xalinta baahi kasta oo caqabad ku ah sii wadashada ardayda waxbarashada anaga oo ardayda si isku duubni ah uga wada guul gaari doono.

dhanka waxqabadka ururka waxaa ururka uu dhisanyahay mudo sanad ah  tabarta ururka oo yar awgeedna waxa hirgalay  helidda xubno khibrad shaqo urur aqooon iyo kartiba u leh  waana tan keentay in ururka ay hada ku jiraan in ka badan 50qof oo kala jooga dalka iyo dibada waxaana mudadaas ururka xubnaha iyo maamulka ay ku dadaalayeen in ay xiriir adag la sameeyaan ardayda dibada wax ka dhigato ayada oo hada ururka xiriir fiican uu la leeyahay ku dhawaad 3 urur arday oo ay ku mideesanyihiin in ku dhow 4,000 oo arday hadana waxa aan weli ku guda jirnaa helida wada shaqeyn intaan ka xoogan oo aan la yeelano ururada & ardayda soomaaliyeed ee dalka iyo dibada waxka barato, weliba waxaan codsi weyn usoo jeedineynaa madaxda ururada ardayda in aan yeelano xiriir adag iyo wadashaqeen xoogan waxaana mahadcelin weyn u jeedineynaa xubnaha ururka oo dalka iyo dibada kala joogo dadaalki weynaa ee mudada sanadka ah hirgaliyeen waxa aan ugu baaqeynaa ka mira dhalinta ahdaafta ururka loo aas-aasay.

ASBAABAHA KEENAY AASAASIDA URURKA

1.kadib marki ay soo badatay dhibaatooyinka nabadgalyo darida ah ee saameynta adag ku yeelato ardayda iyo bahda waxbarashada,isla aragnayna baahida ah in daryeel dhinacyo badan ah ay ardaydu ubaahi qabto

2.kadib marki aan aragnay baahida loo qabo dhanka tacliinta hoose dadka taagta daran iyo waxqabadka ardayda dhanka taakuleenta iyo daryeelka ardayda dhibanaha u ah dirirta

3.kadib markaan aragnay in qoysaska danyarta ah ay ubadkooda ay baahi weyn u qabaan tacaaliimta aasaasiga ah

4.kadib markaan aragnay baahida loo qabo iskaashiga ardayda iyo wadashaqeen la'aanta hada ka dhaxjirta ururada ardayda

5.marki aan aragnay baahida ah in ardayda cilmi maskaxdooda ku jiro iyo fikirkba  ay u baahantay dad ka kale loo gudbiyo

6.marki aan aragnay in ay ardayda u baahanyihiin hormarin xaga qoraalada cabirida fikrada iskaashiga isfahanka iyo xalinta xasrada bahda waxbarashada iyo deegaanka ku xeeran

Ayaa waxaa go'aansanay inaan wax uun ka badalno arimaha kor aan kusoo xusnay hadba awoodayada intey tahay sida iyo ugu haboon una kordhin laheen tayada ardayda

UJEEDOOYINKA URURKA

1.dhisida ama sameynta xiriir adag oo ay yeeshaan ardayda iyo bahda waxbarashada

2.daryeelka iyo gacan ufidinta ardayda ku dhaawacma dhibaatada dhinacyada  badan leh ee ardayda soo  gaarto

3.waxqabadka ardayda dhanka taakuleenta iyo daryeelka ardayda dhibanaha u ah dirirta ka jirta dalka

4.ka gacan siinta qoysaska danyarta ah in ay ubadkooda helaan tacaaliimta aasaasiga ah

5.sameynta daraasad cilmiyeed ardayda cilmiga maskaxdooda ku jiro iyo fikirkba  ay kusoo bandhigaan dadkana loo gudbiyo dadaalka ardayda iyo miraha ay durba dhalin karaan

6.qabashada barnaamijyo la xariira horumarinta ardayda dhinacyada ay hadba u baahanyihiin

Gabagabo

 waxaa amaan iyo mahadcelin dhanka kale u direynaa bahada saxaafa oo door wacan oo wadashaqeyn ah na siiyay ugu danbeen waxaa baaq u jeedineynaa ardayda , ururada waxbarashada , ururada samafalka , ganacsatada soomaaliyeed , muxsiniinta wanaaga jecel in ey howlaha ardayda ay daryeel iyo muhiimada siiyaan si mushkilada dalka ay uga yaraato mahadsanidiin xariirka xog-hayaha warfaafinta saxaafada iyo warfaafinta UHARSO  : maxamed xasan warsame ( maxamed qadar)


Gudoomiyaha Ururka Mr.C/wahaab Maxamed Cabdulle (Xaaji)    xaaji0225@hotmail.com

Wixii faahfaahin ama intaa ka badan waxaa kala soco kartaan webpage-ka ururka oo ah www.uharso.webs.com ama waxaa  nagala soo xirir kartaan

E-mail: uharso@hotmail.com    and   uharso@gmail.com


Xaalada magaalada Ceelbuur oo weli kacsan, al-Shabaab oo maanta dad ay ku jiraan odayaal dhaqameedyo ku maxkamadeynaya magaalada

$
0
0

Degmada Ceelbuur oo ka mid ah degmooyinka gobolka Galgaduud ee ay gacanta ku hayaan xoogaga al-Shabaab ayaa waxaa maanta laga soo sheegayaa feejignaa ciidan ka dib markii xoogagaas ay bilaabeen diyaarinta dacwad ka dhan ah qaar ka tirsan dadka deegaanka oo ay ganacsatadana ku jirto.

Dadka deegaanka oo ka hadlayay xaalada magaalada ayaa sheegay in saaka aroortii hore ciidamo ka tirsan al-Shabaabka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka wada kasta oo magaalada ku taal soo dhoobteen kuwaas oo ay ka muuqato feejignaan iyo fiigsanaan waa sida dadka magaalada ku dhaqan laga soo xigtaye.

Qof magaciisa ku soo gaabshay Ali ayaa sheegay in maanta halkaas lagu maxkamadeeynayo qaar ka tirsan dad ku jira xabsiga magaalada Ceelbuur gaar ahaan odayaal dhaqameedyo iyo ganacsato deegaanka caan ka ah waloow aan magacooda weli la shaacin iyo weliba degmbiyada lagu heysto.

Shalay ayeey aheyd markii al-Shabaabku odayaal dhaqameedyo iyo ganacsatada iyo odayaal dhaqameedyada degmada qaarkood xukunno xabsi iyo tacsiir isugu jira ku rideen, xukunadaas oo guux ka dhex abuuran shacabka ku dhaqan gudaha magaalada iyo weliba tuulooyinka ku hareereysan.

halgankanet@gmail.com  

Madasha Baarlamaanka FKMG ee maanta iyo mudanayaasha oo Gudoomiyaha Baarlamaanka su'aalo ka weydiinaya safarkii uu ku maqnaa

$
0
0

Waxaa maanta sida qorshuhu yahay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho ku kulmaya Xildhibaanada Baarlamaanka si ay su'aalo u weydiiyaan islamarkaana sharraxaad dheeraad ah uga helaan waxyaabihii u soo qabsoomay gudoomiyaha Baarlamaanka mudadii uu dalka shaqo uga maqnaa.

Ka sokoow su'aalo weydiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa sidoo kale halkaas warbixino looga dhageysan doonaa xildhibaanada Baarlamaanka ee sida gaarka ah ula shaqeeya Jaamacadda Carabta ay Soomaaliduna xubinta ka tahay.

Kulanka Baarlamaanka iyo waxyaabaha ka soo baxa dib ayaan idiinkaga soo gudbin donaa haddii Alle Idmo

halgankanet@gmail.comm

Afhayeenka Booliska; " Shacabku dhowaan waxay dareemi doonaa isbedel dhinaca ammaanka ah, sharwadayaashana waxbaan ka qabaneynaa"

$
0
0

Korneel Bariise, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlayay warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa sheegay in dhowaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay dareemi doonaan isbedel dhinaca ammaanka ah.

Afhayeenku wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay xoogaga ka soo horjeeda dowlada kuwaas oo sida uu isagu qabo aan ka soo horjeedin dowlada oo kaliya balse shacabka ka soo horjeeda nabad in ay ku nolaadaana u diiday.

Bariise wuxuu ku goodiyay in ciidamada dowladu soo dhameystireen qorshihii magaalada guud ahaan looga sifeyn lahaa al-Shabaab inkastoo uusan si rasmi ah u shaacin nooca qorshahani yahay iyo xilliga uu bilaaban doono intaba.

Hawlgal ciidamadeed oo horseeda inta badan hallaaga shacab iyo hanti burburin marka laga reebo dagaalada Muqdisho ka dhacay ilaa iyo hadda ma jirto koox guul ka sheegan karta, dadka arrrimahan u dhuun-daloolana goodinta dowlada waxay u arkaan uun mid aan isbedel nabadeed keeni doonin laakiin sababi doonta dhibaato shacab oo horleh.

halgankanet@gmail.com

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, " Heshiisyada lala galay Shirkadaha shisheeye waxaa wax ka ogaa Cumar Cabdirashiid iyo Shiikh Shariif"

$
0
0

Mr. Jangeli, wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibadda ayaa sheegay in heshiisyada xukuumadii hore ee Cumar Cabdirashiid ay la gashay Shirkadaha shisheeye ee ay ku jirto SKA ay wax ka ogyihiin Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Sharma'arke.

Cali Jaamaca Jangeli wuxuu sheegay in heshiisyadaas la galay iyadoo loo arkayay in dalka ay faa'iido ugu jirto waxaana wannaagsan buu leeyahay in arrintaas runta laga sheego waxaana hadaladiisi ka mdi ahaa; "Way jirtaa, in shirkado shisheeye heshiisyo ay la gashay xukuumaddii hore, waxaana ka mid ah shirkadda SKA Air, oo maalgelin ku sameynaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasna waxay u muuqataa mid loo baahnaa,". 

"Heshiisyadaas, waxaa wax ka ogaa madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid, runtiina markii la galayay looma soo gudbin golaha wasiirrada, waxaase loo arkayay inay yihiin kuwo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed,"  Sidaas waxaa heshiiysyada muranka dhaliyay sharraxaad uga bixiyay Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha dibadda.

Ra'iisal wasaaraha haatan xilka haya Farmaajo ayaa waxaa shirkadahan iyo nuxurka heshiisyada lala galay faafaahintooda ka dhowaraya Golaha Baarlamaanka Ra''iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Sharma'arke oo la tuhunsan yahay in uu isagu wax ka ogaa heshiisyadaasna wuxuu dhankiisa ku doodayaa in uusan waxba ka ogeyn heshiiysadaas maba uusan isagu saxiixin balse qoraal dhowaan la horkeeni doono Baarlamaanka oo heshiisyadaas ku saabsan ayaa lagu kala bixi doonaa sida dad badani qabaan.

halgankanet@gmail.com  

Maamul Goboleedyo isbarbaryaacaya oo is wada magacaabay oo ku soo badanaya dalka Somaliya

$
0
0

Maamuladaan is magacaabaya ayaa salka ku haaya qodob ka mid ah
dastuurka dowlada KMG Somaliya oo qorayo in Gobola ama ka badan
ay iskood u smaysan karaan maamul ama dowlada Goboleyd .

Waxaana soo shacbaxaya dowlad Gobleedyo is diidan ama haye raac
ah kuwaas oo qaata qorshe dhaqaale lagu maalgalinayo dhisitaanka
maaml hawada ka sameysan oo intooda badan magic u yaal ah hadana
iyagu is diidan cadaynayana inmidba midka kale ee ka soo horjeedo
in uusan waxba aheyn .

Maamul Goboleedyadaan ayaan waxaanka xusi karnaa Somaliland,puntland,jubba
land,xibin iyo xeeb,galmudug state,dooxada shabelle,waax iyo waadi,hiiraan
state , dowlada cabdinuur darmaan iyo kuwo kale oo yar yar waxaana
mid kasta uu leeyahay madaxweyne iyo gole wasiiro oo u gaar ah

Dowladahaan firxadka ah qaarkood malaha ciidan ,gaadiid dagaal
iyo gole fulined waxaasa jira xubno ka soo horjeesto marka jago
loo magacaabo kuwaas oo aan ku qanacsaneyn madaxwenaha talada
haaya
Waxaana ka mid ah haadi cabdi maalmo oo malmo ka hor loo magacaabay
inuu ka mid noqdo gola wasiiro oo la sheegay inuu yeeshay maamulka
isku magacaabay Hiiraan State.

Wuxuu sheegay in uusan ka war qabin magacaabistiisa,
diyaarna uusan u aheyn inuu ka sii jiro maamulkaas is magacaabay.

"Waxaan cadeynayaa in aan ka war qabin, arkin, kana mid aheyn
waxay sheegayaan," ayuu yiri isago ku sugan gudaha gobalka
Hiiraan.

"Ma aqaano ilaa iyo hada sababta ay igu soo dareen, waxaana
idin xaqiijinayaa in aan ku jirin," ayuu ku sii daray hadalkiisa
Haadi Cabdi oo saxaafada lahadlayey

Dhanka kale waxaa jira in maamulka Dooxa Shabelle uu ka soo horjeestay
maamulka kale ee Hiiraan State.
Sidoo kale maamulka Hiiraan State ayaa ka soo horjeestay maamulka
dooxada shabelle oo shegay in ay isku biireen labada Maamul ee
hiiraan state iyo dooxada shabelle
.
Arintaa ayaa so ifbaxday ka gadaal markii maamulka gobakeedka
isku magacaabay Hiiraan State uu dhisay gole wasiiro ka kooban
shan iyo labaatan xubnood oo uu yeelanayo.

Madaxa warfaafinta maamulka Dooxa Shabelle, ayaa timaamay dhisida
wasiiradaas wax aan waxba ka jirin.
Wuxuu sheegay iyagu inay gacanta ku hayaan gobalka Hiiraan, halka
maamulka kale ee la magac baxay Hiiraan State uu sheegay inuu
dibadda kaga sugan yihiin gobalka waxna uusan kala soconin xaaladda.


Sidoo kale dowlad goboleedkadooxada shabelle ayaa meesha ka sartay
in gobolka hiiraan ay gacanta ku heyso dowlada KMG somaliya isaga
oo shegay in aysanba aqoonsaneyn wax dowlada la yiraahdo

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ka hadlayay
munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay
markii uu qabtay xilka madaxtinimada maamulka Puntland ayaa sheegay
inaysan cidna maxmiyad ugu jirin oo ay heshiis la gelayaan cid
kasta oo Puntland danaheeda ka shaqeyneysa.

Waxa uu Faroole sheegay in muddadii uu
xilka madaxtinimada Puntland hayay ay wax badan u qabsoomeen,
wuxuuna difaacay qorshaha lagu tababarayo qaar ka tirsan ciidamadiisa
oo ay tababarayso shirkad ajanabi ah, taas oo uu sheegay in Puntland
ay u madax bannaan tahay heshiisyo ay la gasho cid walba oo ay
u aragto inay taageero siinayso, isla markaana ka shaqeyneyso
danaha Puntland.

“Waxaan heshiis la galeynaa cid kasta oo ay dani noogu jirto”
ayuu yiri Faroole oo sheegay in muddo badan ay beesha caalamka
ka codsanayeen in loo tababaro ilaa 600 askari oo la dagaalama
burcad badeeda, hase yeeshee codsigooda la meel marin waayay,
wuxuuna intaasi ku daray markii ay heshiisyo la galeen shirkado
tababara ciidamadooda ay soo shaac bexeen dad ka maseyrsan sida
uu yiri qorshahaasi, kuwaas oo isugu jira kuwo si dadban ugu lug
lahaa falalka burcad badeeda iyo kuwo waday qabyaalad iyo wixii
Soomaaliya burburiyay wuxuuna intaasi ku daray inay ku casuumayaan
Puntland ciidamada shisheeye ee Badaha Soomaaliya ku sugan si
ay ugala qeyb qaataan ciidamada Puntland la dagaalanka burcad
badeeda.

Sida uu qabo dastuurka, gobal keliya looma
magacaabi karo maamul gobaleed, taasna waxay meesha ka saareysa
gebi ahaanba arrimaha ay isku haystaan labadan dhinac.

"Maamul gobaleed waxaa noqon kara labo gobal iyo ka badan
iyadoo la tix galinaya rabitaanka shacabka, sidaasna dastuurka
iyo sharciga ayaa qoraya," sidaas waxaa yiri C/qaadir Sh.
Ismaaciil, gudoomiyaha gudiga dastuurka dowladda KMG.

Arintamaamul goboleydyada is barbar yac ah ayaa loo arkaa in ay
tahay mid dhaqaale looga raadsanayo qasnada dowlada oo furuyaashedu
badan yihiin


Muuse Maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live