Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qaar kamid ah odayasha Ceelbuur oo beeniyey ismaandhaaf la sheegay inuu ka jiro magaalada Ceelbuur eedna dusha uga tuuray idaacadaha qaar!

$
0
0

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee degamada Ceelbuur ee gobolka Gal-guduud ayaa been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay warar sheegay in khilaaf iyo maandhaaf ka jiro degmada Ceelbuur kaas oo ku aadan maamul Alshabaab iyo dadka degaanka.


Nabadoon Cali Diiriye Wehliye oo kamid ah odayaasha dhaqanka Gal-guduud ayaa isagoo ku sugan Ceel-buur waxaa uu ka hadlay warar caqabad ku ah gobolkaasi oo ay baahiyeen qaar kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho.


Nabadoonka Cali ayaan si toos ah magacaabin idaacadaha ka been abuurtay,balse waxa uu sheegay in idaacadahaasi ay ka mid yihiin kuwa magaalada Muqdisho ee taageersan siyaasadda ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi.


Sidoo kale Nabadoonka ayaa Wuxuu idaacadahaasi ku eedeeyay in ay sii daayeen warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku sheegeen in ay falal amni darro ah ka jiraan Gal-guduud gaar ahaan magaalada Ceel-buur oo ay ku tilmaameen in uu ka jiro kacdoon ka dhan ah maamulka.


Nabadoon Cali diiriye ayaa sidoo kale sheegay in warkaasi ay aad ula cajabeen isla markaana ay u arkeen inuu yahay war u xaglinaya xagga ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi kuwaas oo kasoo horjeeda dhammaan islaamka ku dhaqama diinta.


Sidoo kale Nabadoon Cali Diiriye Wehliye ayaa idaacadaha uu ku eedeeyay in ay ka been abuureen shacabka Galguduud uguna baaqay in ay ku baraarugaan khatarta ay leedahay in la baahiyo war aan xaqiiqo ahayn oo qof muslim ah lagu weerarayo ama keeni kar iska hor imaad.


Ugu danbeyntii waxaa kale oo ay Odayaasha mesha ka sareen warkii ahaa in Dadka deganka Xiin Dheere ay joojiyen Bixinta Sakada ayna bixineyn oo la bahiyey ay tahey mid Been Abuur ah oo aan sal iyoraad midna laheyn isla markaasna dadka aan jirin ee ay wareysanayan ama aan laga aqoon ay ka fiirsadaan


fataawa Inhizaamiya10-1.rmvb( Xasaan Xuseen).rmvb

Ban Ki Moon oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya

$
0
0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa warbixin uu soo saaray todobaadkan ka digay wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka in ay si deg deg ah xoog military iyo taageero kaleba u siiyaan dowladda ku meelgaarka ah si looga hortago argixisnimada.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon,
ayaa warbixin uu soo saaray todobaadkan ka digay wuxuu ugu baaqay
bulshada caalamka in ay si deg deg ah xoog military iyo taageero kaleba u
siiyaan dowladda ku meelgaarka ah si looga hortago wax uu ugu yeeray
dagaalyahaniinta ajnabiga ah iyo kooxaha kale ee qarbudaada ku howlan
in gobolka ay u rogaan meesha soo socota ee argagixisnimada caalamka ugu
xoogga badan.

Warbixintan ayaa ah mid sadexdii biloodba mar uu xoghayuhu u gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Sadex ka mid ah mas'uuliyiintii al-shabaab ee degmada Bu'aale oo xilkii laga qaaday iyo mas'uuliyiintaas qaarkood oo xil ka qaadistaas ka dhiidhiyay

$
0
0

Degmada Bu'aale wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in qaar ka mid ah maamulkii al-Shabaab ee degmadaas xilkii laga qaaday iyo mas'uuliyiintaas qaarkood oo ka biya diiday xilka laga qaaday.

Shiikh Maxamad Dhaqane, Shiikh Maxamad Kheyr iyo Shiikh Khadar Cismaan oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta gobolka Jubbada Dhexe oo xilkii laga qaaday ayaa waxaa xilkaas ka qaaday madaxa al-Shabaabka ee Jubbooyinka kaas oo hadda ku sii jeeda dhanka Bu'aale.

Shiikh Khadar Cismaan Raas, madaxii samafalka ee al-Shabaabka Bu'aale ayaa isagu si cad uga soo horjeestay xilka laga qaaday isagoo ku sifeeyay talaabo aan cadaaladda ku dhisneyn.

Madaxa al-Shabaabka Jubbooyinka ayaa hadda ku sii jeeda Bu'aale waxaana la filayaa in ay la socdaan sadex mas'uul oo uu doonayo in uu ku bedelo mas'uliyiintii uu xilka ka xayuubiyay inkastoo la saadaalinayo suurtagalnimada isku dhac ka dhasha arrintan.

halgankanet@gmail.com

R/wasaare Farmaajo oo ku sii jeeda Mareykanka

$
0
0

Raisul wasaaraha xukuumada KMG ee Soomaaliya Prof Maxamed C/laahi
Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhoweyd oo maanta ah ka duulay garoonka
diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.


Safarka raisul wasaaraha ayaa ku wajahan wadanka Maraykanka, balse waxaa
uu sii maraya wadanka Kenya halkaasi oo kulamo uu kula yeelanayo
masuuliyiin ka tirsan beesha caalamka.


Ujeedada safarka raisul wasaare Farmaajo ee Mareykanka ayaa ka dambeysa
kulan toddobaadka soo socda ka dhicui doona xarunta Qaramada Midoobay ee
New York kaasoo looga hadlayo amaanka Soomaaliya.


Raisul wasare Farmajo ayaa hadal kooban siiyey saxaafada kahor intuusam
ka duulin garoonka Muqdisho wuxuuna sheegay in safarkiisa ku tegi doono
New York halkaasoo uu kaga qeybgali doono shir 14-bishan January ka
dhacaya magaalada New York kaasoo ay ka soo qeybgalayaan madax iyo
saraakiil ka tirsan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.


Safarka raisul wasaaraha waxaa ku wehliya wasiirka arimaha dibada
Maxamed C/laahi Oomaar, Sahro Cali Samatar oo ah wasiiru dowlaha
xafiiska raisul wasaaraha iyo C/raxmaan Yariisow oo ah madaxa xiriirka
saxaafada ee xafiiska raisul wasaaraha.


Socdaalka raisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu qaato mudo hal todobaad
ah, wuxuuna sidoo kale kulamo kale la yeelan doonaa masuuliyiin ka
tirsan Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Europe oo siyaabo gaar gaar ah
ugala hadli doono arimaha Soomaaliya.


Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Qaramada Midoobay ay
sheegtay inay ku talineyso in awood loo adeegsado kooxda Shabaab ee
mucaaradka ku ah DKMG Soomaaliya.
Wuxuuna safarkan noqonayaa midkii labaad ee Raisul wasaaruhu dalka kaga
baxo tan iyo intii xilka wasiirka koowaad loo magacaabay saddex bilood
ka hor.

Atam oo weerar gaadma ah ku qaaday ciidamada Puntland ee Galgala fariisinka ku leh

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Buuraleyda Galgala ayaa sheegaya halkaasi dagaalo geystay Qasaarooyin kala duwan oo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ku dhex maray Ciidamada Sheekh Maxamad Siciid Atam iyo Ciidamada Puntland ee fariisimaha ku leh Buurahaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Buuraha galgala ayaa sheegay weerarka dagaalka inuu yimid kadib markii Ciidamo taabacsan Sheekh Atam weeraro ku soo qaadeen saldhig Ciidamada Puntalnd ku leeyihiin Buuraha galgala.

Afar ka mid ah Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in loo qaaday isbitaalka Magaalada Boosaaso kadib dhawacyo culus oo ka soo gaaray dagaalkii dhex maray Ciidamada Sheekh Atam iyo kuwa Puntland.

Ugu danbeyntii dagaalada dhex mara Ciidamada Puntland iyo Sheekh Atam waxay yimaadaan weerar ka yimaada dhanka Ciidamaa Sheekh Atam kuwaasi oo dagaaladooda u badalay qaab ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Dowladda oo xirtay 10 qof oo u dhashay India

$
0
0

Ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramay inay xireen toban nin oo ahaa shaqaalaha markab kuwa ganacsiga ah magaalada Muqdisho.

Sababta loo xiray shaqaalaha ayaa lagu sheegay inay tahay dhuxul uu
siday markabkooda oo ka yimid dhinaca dekedaha Kismaayo iyo Merka.

Shaqaalaha ayaa wararku sheegayaan in laga dhex
watay dekedda dhexdeeda oo ay kaxeysteen ciidamo ka tirsan qeybta CID ee
dowladda.

Ciidamada xiray ayaa waxa ay sheegeen inay wataan amar ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda.

Arrintan ayaa wararku sheegayaan inay sababtay
in ay istaagaan dhamaan hawlihii dekedda Muqdisho, oo ganacsatada
Soomaaliyeed ay dalbanayaan sii deynta raggaasi.

 

Muxaadaro Geerida Rasuulka SCW iyo Dardaarankiisii Sh Maxamed Idiris Full


Maamulka Alshabaab ee koonfurta Somalia oo u diiday hay'adaha garagaarka meelaha ey ka taliyaan

$
0
0

Maamulka Al-Shabaab Ayaa maanta si buuxda u shaacisay in aysan u ogolaan doonin hay'adaha gargaarka caalamiga ah iney nafaqo gaarsiiyaan gobolada ey iyagu ka taliyaan kadib markii sidaas ey ka dalbadeen odayaal waxgarad iyo dowladda KMG ah.
 
 
Madaxa Alshabaab  u qaabilsan gurmadka abaaraha oo lagu mgacaabo Sheekh Suldaan Maxamed (Aala Maxamed) oo maanta shir jraa,id Muqdisho waxaa uu ku sheegay ineysan marnaba aqbaleyn in hay'adaha gargaaarka si ula tacaalaan macluusha ka jira meelo kamid ah gobolada dalka Somalia

Sheekh Suldaan ayaa sheegay in hay’addaha gargaarka ay doonayaan inay ku soo hoos gabadaan gargaarka abaaraha sidaas darteedna aysan u ogolaan doonin goobaha ay gacanta ku hayaan anaga ayaa ku filan goobaha aan joongo baahina loogama qabo hey,add gargaar ayuu Hadalkiisa ku soo gaabiyay Aala sheekh dhinaca kale Maalmihii la soo dhaafay ayay kooxda al-shabaab dhowr meelood biyo dhaamin ka bilaabeen

Balse dadka la socda xaalada abaaraha ayaa sheegaya in aanay baaxada abaarta ku filneyn Shabaab iyo xataa hadii ay isbaheystaan Maamulada koonfurta oo TFG ku jirto hadii Sadaxda bilood ee soo socota ay sii socoto Mamnuucida gargaarka mar kale ay soomaaliya ka soo muuqan doonaan Muuqaalo Murugo leh

Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in la kordhiyo ciidamda AMISOM ee Somalia jooga

$
0
0

Taliska Mareykanka   ee Qaaradda Africa 
ayaa ku booriyay  wadamada Uganda iyo Burundi in ay Soomaaliya ku soo
daad gureeyaan 8,000 oo nabad ilaalin ah.

Taliyaha Africom G. William Ward oo
hoggaaminaya  wafdi saraakiil ah oo ka scoda dalka Mareykanka ayaa
wadahadal la qaatay saraakiil dowladda Uganda ka tirsan. waxa ayna ka
wada hadleen  howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda dalkan Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska
afhayeenka ciidamada difaaca ee dadka Uganda ayaa lagu sheegay in Mr
Ward uu dowladaha Uganda iyo Burundi ku booriyay in ay soo daad
gureeyaan 8,000 oo askeri oo la keenayo Soomaaliya

“Taliyaha taliska Mareykanka ee Qaaradda
Africa ayaa ku amaanay dowladaha Uganda iyo Burundi meleterigooda ay
sida geesinimada leh ugu deeqeen nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo
dhamaan Africa oo dhan” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

Taliska Africom ayaa waxa uu ka tirsan
yahay waxaada difaaca ee Mareykanka qeybta Africa oo masuul ka ah
howlgallada military ee xariirka la leh Africa.

Warka laguma sheegin wax faah faahin
intaa dheer oo ku saabsan dooda ay ka yeesheen labada dhinac howlaha
nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa taageero farsamo siiso nabad ilaaliyayaasha Midowga Africa ee Soomaaliya ku sugan.

Al-Shabaabka Bu'aale iyo ganactsada Dhuxusha dhoofiyisa oo heshiiyay iyo Maleeshiyaad deegaanka ka tirsan oo heshiiskaas ka soo horjestay

$
0
0

Degmada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto xiisad u dhexeysa Maleeshiyaad deegaanka u dhashay iyo maamulka al-Shabaab ee degmada.

Xiisadan ayaa ka dhalatay baa la leeyahay heshiis dhexmaray Ganacsatada dhirta jara ee dhuxusha la dhoofiyo ka shida iyo maamulka al-Shabaab ee deegaankaas waxaana heshiiskaas ka soo horjeestay dadka deegaanka oo ay odayaal dhaqameedku horseed u yihiin dhalinayaraduna hubka u sidaan.

Qaar ka tirsan horjoogayaasha Beelaha iyo maamulka al-Shabaab ee degmada oo shir ka yeeshay xiisadan ayaa la sheegay in ay isku fahmi waayeen qaabka loo maareyn karo ismaandhaafkan ka dhashay xaalufinta deegaanka.

Gudaha magaalada waxaa caawa tuban ciidamo sida dadka deegaanka laga soo xigtay fara badan oo al-Shabaab hoostaga iyo maleeshiyaad deegaanka ka soo jeeda oo iyaguna hubka u qaatay sidii ay uga hortegi lahaayeen ganacsatada al-Shabaabka kula heshiisay jarista dhirta iyo shidista dhuxusha dalka dibadiisa loo dhoofiyo.

halgankanet@gmail.com

 

Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo degmada Xarardheere iyo al-Shabaab oo isu diyaarinaya duulaan ka dhan ah maamulka Galmudug ee degmada Hobyo

$
0
0

Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug xoogaga gacanta ku haya ee al-Shabaab mas'uuliyoontooda ayaa ku hawlan sida la soo sheegayo qabqanqaabada duulaan ka dhan ah degmada Hobyo.

Warar la qaadan karo oo laga soo xigtay dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo hoostaga maamulka Xarardheere ee al-Shabaab ay dhaqdhaqaaq xoogan ka wadaan halkaas iyagoo isu diyaarinaya sidii ay isugu ballaarin lahaayeen gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale maamulka Galmudug ayaa al-Shabaabka kula taliyay in aysan ku soo xadgudbin deegaanadooda haddii ay ku soo xadgudbaanna wuxuu maamulku ku hanjabay cawaaqib xumo ay mas'uuliyadeeda dusha saaran shabaabku in ay halkaas ka dhalan doonto.

Ku-milankii uu Xisbul islaamku uu ku milmay al-Shabaab ayaa sababay in xoogagga al-Shabaab ay la wareegaan talada degmada Xarardheere.

halgankanet@gmail.com  

Xildhibaana Cali Maxamuud Faarax, Seeko; "Xukuumadu waxba kama qaban karto mashaakilka Soomaaliya"

$
0
0

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax oo sidoo kalena ku magac dheer Cali Seeko ayaa sheegay in xaalada mushkilada xambaarsan ee Soomaaliya aysan xukuumadu waxba uga qaban karin waqtigii boqolka maalmood ahaa ee ay qabsatay.

"Boqolkii maalmood bar ayaa ka baxay barka harayna waxba ugama qaban karto xukuumadu dalka Soomaaliya" Sidaas waxaa idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio u sheegay Xildhibaan Seeko oo ka mid ah xildhibaanada aan rumeysneyn in xukuumadu dhibaatada dalka ka jirta wax ka qaban karto.

Hadalk Xildhibaan Seeko ayaa daba socday waqtigii boqolka maalmood ahaa ee ay Xukuumada Ra'iisal wasaare Farmaajo sheegtay in ay magaalada Muqdisho wax uga qabaneyso ka gadaalna uga sii gudbi doonto gobollada dalka ee kale.

halgankanet@gmail.com  

Faahfaahin ku saabsan dagaaladii xalay iyo duqeyntii barbar socotay ee Muqdisho iyo Shacab ku dhamaaday duqeyntaas

$
0
0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa sida warar soo baxaya ay sheegayaan waxaa ku dhintay inta la ogyahay shan qofood oo shacab ah halka dhaawucuna uu toban qofood ka badan yahay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhammaantood shacab ah ayaa waxaa guryohooda kula dhacay madaafiic sida muuqata laga soo riday dhanka ciidamada AMISOM ka dib markii dagaal mudo socday uu dhexmaray xoogagga al-Shabaab iyo dowladda oo ciidamada AMISOM gacan ciidan ka heleysa.

Dagaalka oo u dhexeeyay dowladda/AMISOM iyo al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Boondheer waxaana iska cad in si bareer ah Suuqa Bakaaraha loo duqeeyay maadaama goobta dagaalku ka dhacay ay aad uga dadban tahay Suuqa jaha ahaan iyo weliba deegaan ahaan intaba.

AMISOM ayaa goobaha shacabku ku badan ee magaalada Muqdisho ku garaacda madaafiicda goobta markasta oo ay al-Shabaabku weerar ku qaadaan, sidoo kale al-Shabaabkana waxaa lagu eedeeyaa in ay shacabka dhexdiisa madaafiic uga ganaan xarumaha dowladda, madaafiicdaas oo jawaabta laga bixiyo ay noqoto halaaga shacabka.

halgankanet@gmail.com  

 

Ra'iisal wasaare Farmaajo; "Marka aad doonayso inaad ka hortagto koox, waxaad u baahan tahay inaad hesho dhaqaale la mid ah midka ay helaan"

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah al-Shabaabka dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Mr. Farmaajo ayaa ku dooday in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho 80% ay taageersan yihiin dowladda sidaas halka 7% ay la jiraan al-Shabaab taasina sida uu sheegay waxay cadeyn u tahay sida shacabku uga soo horjeeda Shabaabka.

Dhaqaale lacageed oo si hagar la'aan ah loo siiyo xukuumadiisa haddii aan la helin wuxuu Ra'iisal wasaaruhu sheegay in aysan waxba qabin karin, argagixisadun waa siduu hadalka u yiriye ay ku sii badan doonto Soomaaliya.

Farmaajo oo ka hadlayay dhanka kale niyada dagaal ee ciidamada dowladda ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa "Maalmihii ugu dambeeyay, niyadda ciidanku way sarreysay waxaana rajeynayaa in sida ugu dhaqsaha badan ay u wajihi doonaan cadowgooda si dhaqso badan oo dhaqso badan".

Ugu dambeyntii ra'iisal wasaaruhu wuxuu ka mahadceliyay ilaa iyo iminka dhaqaalaha loo fidiyay dowladda laakiin wuxuu dalbadan in dhaqaalahaas la sii kordhiyo si buu yiri ay xukuumadu u hesho dhaqaale la mid ah kan ay helayaan kuwa ka soo horjaadaahi.

Farmaajo ayaa hadda ku sugan Mareykanka waxaana la filayaa in uu halkaas kula kulmo mas'uuliyiin ka tirsan Mareykanka si uu uga dhaadhiciyo qorshaha taageero raadineed ee xukuumadiisu sida xawliga ah uga wado caalamka.

halgankanet@gmail.com


Hambalyo dhalasho cawo iyo ayaan leh hawada loo marinayo Habaryar Aniso Aadan Iidle iyo lammaanaheeda Maxamed oo wiil u dhashay

$
0
0

Habryar Aniso Aadan Iidle iyo Seygeeda Maxamed oo wiil ugu dhashay Cusbitaalka Jorvi, Magaalada Espoo Galbeedka dalka Finland ayaa waxaa halkan hambalo ka soo go'day kal iyo laab iyo qalbi farax la ashqaraarsan u soo marinaya dadkan hoos ku qoran.

  1. Muusa Cabdi Muuse (Suldaan Muusa)
  2. Amaal Cabdi Muuse (Amaal yareey)
  3. Ayaan Cabdi Muuse (Ayaan iftiin)
  4. Aniso Cabdi Muuse (Aniso Muna)
  5. iyo Maxamad Deeq Cabdi Muuse (Dalnuurshe) 

Mar kale Reer Cabdi Muuse oo aan yar iyo weyn u kala harin waxay Habaryartood Anisa Aadan Iidle iyo Lamaanaheed Maxamad ugu duceynayaan in wiilka u dhashay ee loo bixiyay Muniir uu noqdo kii ay mahdiyaan oo waalidkiis, wadankiisa iyo diintiisaba wax tara uu Alle ka dhigo.

Daadihiyayaasha warsidaha www.halganka.net waxay iyaguna dhankooda hambalyo aan la soo koobi karin hawada, dhulka iyo cirkaba u soo  marinayaan Aniso Aadan iyo Seygeeda Maxamad oo uu Alle u hibeeyay Muniir yare, Muniir soo barbaar!!!.

FG:Haddii aad dooneysid in aad hambayo u dirto Lammaanaha waxaad magacaaada iyo erayda aad ku kordhineysa hambalyadan ku soo qori kartaa qeybta hoose ee loogu talagalay in aqristayaashu ku qoraan fikradooda ana si toos ah ugu soo dir cinwaannada hoos ku qoran.

abidmusem@yahoo.com

halgankanet@gmail.com  

Afhayeenka ciidamada Brundi oo sheegay in askari looga dilay Muqdisho

$
0
0

Afhayeen u hadlay ciidamada Burundi oo lagu magacaabo Gaspard Baratuza  ayaa sheegay in mid ka mid ah ciidamooda lagu dilay dagaal ay la galeen xarakada Al-Shabaab maalmihii la soo dhaafay.

Sidoo kale Gaspard Baratuza oo haatan ku sugan magaalado Muqdisho ayaa wuxuu wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee XINHUA ayaa sheegay in todobaadkan gudahiisa hal askari oo ka tirsan ciidamadooda lagu dilay dagaal ay la galeen ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Burundi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa si gaadmo ah rasaas ugu soo furay askari ka mid ah ciidamada Burundi taasi oo keentay in islamarkiiba uu halkaasi ku geeriyodo, waxaana markaasi kadib qarxay dagaal culus oo inaga iyo Al Shabaab u dhaxeeyay”.

Dhanka kale Gaspard Baratuza. ayaa waxaa uu intaasi ku daray in meedka askarigaas ka tirsan ciidamda Burundi laga duuliyay magaalada Muqdisho, isagoo la geeyay maagalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda, waxaana uu carabka ku dhiftay in meedka askarigaasi maanta oo jimco ah la gayn doono magaalada Bujumbura ee Caasimadda dalka Burundi.

Ma ahan markii ugu horeysay ciidamda AMISOM ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho lagu dilo dagaalada joogtada ah ee markasta ka dhaca magaalada Muqisho oo ey ku hardamayaan siyaasado is diiday taas oo dhibaato joogta ah ku heysay shacabka soomaaliyeed ee caadiga ah

Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo isku rasaaseeyey degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho

$
0
0

Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah ayaa iska Hor imaad ku dhexmaray degamada Waabari ee magaaklada Muqdisho iyada uu khal khal geliyey dadka shacabka ee xaafadaasi deggan.

Waxaa la sheegay in iska hor imaadkaan uu socday mudo daqiiqado isla markaan uu saamayn ku yeeshay dadka degan degmada waabari ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada dowlada ay soo galeen xaafada Afisyooni ee degmadaasi Waabari isla markaana ay ka hortageen ciidamada madaniga ah ee xaafada amaankeeda suga ee halkaasi ku sugnaa markaasi.

Lama sheegin wax qasaaro ah oo uu iska hor imaadkaasi uu geestay iska markaana soo kala gaaray dhinacyada uu dhexmaray iska hor imaadku iyo waliba dadka shacabka ah.

Ma ahan markii ugu horaysay oo uu iska hor imaadcaynkaan oo kala ah uu dhexmaro ciidamada dowlada iyo kuwa madanig ah ee ilaaliya xaafadaha qaar.

Ardayda Somaliyeed ee Jaamacadda MMU ee dalka Malaysia oo guul balaaran soo xira geliyay “Daawo Sawirada”

$
0
0

Barnaamij xiiso badan oo loogu talla gallay in
arday kasta ay kusoo bandhigto Hidaha iyo Dhaqanka uu lee-yahay dalalka ay ka
kala yimaadeen ayaa waxaa lagu qabtay
Jaamacadda  Multimedia
University “Malaka Compus” ee dalka Malaysia.

 

Barnaamijkaan oo mid si-weyn loo-soo agaasimay
ah ayaa waxaa ka qeyb qaatay arday aad u fara-badan oo ka kala yimid dalal kala
duwan, waxaana laga xusi karaa dalalka ay ka kala yimaadeen sida Somalia,
Sudan, Ethiopia, Saudi Arabia, Syria, Iran, Indonesia, Malaysia iyo dalal kaloo
aad u fara-badan.

 

Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogta
jaamacaan ayaa xil weyn iska saaray, sidii ay kusoo xiro gellin lahaayeen, guul
balaaran oo ay ku qanci karaan dhamaan ummada Soomaaliyeed, isla-markaana sida
quruxda leh ay ardayda Soomaaliyeed isu hawleen ayaa waxaa la-dhacay dhamaan
ardaydii ajaaniibta ahayd, ee ka qeyb qaadaneysay barnaamijkaan oo mid aad u
xiiso badan ahaa.

 

Arday kasta ayaa waxay soo bandhigtay Hidaha
iyo Dhaqanka uu lee-yahay dalalka ay ka kala yimaadeen, isla-markaana waxay
arday kasta ay ku rajo weyneed in’ay guusho u soo hooyaan dalalkii ay ka
yimaadeen, nasiib wanaag ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda MMU ayaa waxaa u
suurta gashay in’ay iyagu ku guuleystaan ardaydii ugu wanaagsaneed ee soo bandhigta
Hidaha iyo Dhaqanka ugu wanaagsan ama ugu qurxoon.

 

Gudigii Qimeynta ee barnaamijkaan ayaa sheegay
in ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda MMU in’ay ku guuleysteen soo bandhigita
Hido iyo Dhaqan aad u qurux badan, misana laga soo shaqeeyay in muddo ah.

 

Dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u
joogta MMU ayaa si wanaagsan ugu farxay, kadib markii dalka Soomaaliya
loo-caleemo saaray in uu yahay dalka ugu wanaagsan, ama ugu Hido iyo Dhaqan
qurxoon, intii dhaqan ee halkaasi lagu soo bandhigay.

 

Suurta gellinta barnaamijkaan ayaa waxaa gacan balaaran ka
geystay gudoomiyaha ururka ardayda Somaliyeed ee jamacada multimedia university
(MMU) ee dalka Malaysia Liban Maxamed Mursal 
, Maxamuud Mahdi  gudoomiye ku
xigenka ardayda Somaliyeed ee jamacada multimedia university, C/Fatax
Muuse  “Degdegeeyso” , Mahamed C/Laahi
Jaamac “Burtinle”, Naciima Xasan Aadan , Xaniifa Moxamed Ibrahim iyo Sahra
C/Laahi Jaamac.

 

 

Waa markii labaad oo Jaamacadaan lagu soo
bandhigo Hidaha iyo Dhaqanka uu yahay, dalalka ay ka kala yimaadaan ardayda
faraha badan ee Jaamacadaan u jooggo waxbarashada qeybaheeda kala duwan.

 

 

Farah Osman Jimale

faarix@yahoo.com

Melaka, Malaysia

 

 

4 attachments — Download all attachments   View all images  
manews.JPG manews.JPG
111K   View   Download  
manews1.JPG manews1.JPG
103K   View   Download  
manews2.JPG manews2.JPG
81K   View   Download  
manews3.JPG manews3.JPG
79K   View   Download  

Dagaal iyo duqeymo daba socday oo saakay dad shacab ku waxyeeleeyey magaalada Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan laba qof, ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo culus oo saakay magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidammada dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo dagaalyahannada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.


Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood ahaa shacab, ay madaafiicdu kula dhacay qaybo ka tirsan suuqa weyn ee Bakaaraha iyo xaafado ka tirsan degmada Hodan oo uu dagaalku ka dhacay.


Xarrakatul Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, ayaan dagaalka ka hadlin, waxaana uu qayb ka noqonayaa dagaallada ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee khasaaraha uu kasoo gaaro dadka shacabka ah ee dagaallada lugta ku lahayn.


Goobjoogayaal, ayaa u sheegay HOL in madaafiic ku dhacday suuqa Bakaaraha ay geysteen dhimashada qof iyo dhaawac afar qof oo kale, isagoo xusay in inta badan madaafiicda ku dhacday suuqa aysan khasaare geysan.


Lama oga, khasaaraha soo gaaray dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo xaafado ka tirsan degmada Hodan uu qof ku dhintay, qof kale ku dhaawacmay, waxaana madaafiicdaas laga ganay saldhigyada AMISOM.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live