Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DAAWO SAWIRADA-Howlwadeeno Caafimaad Oo Tababar...

$
0
0

Tababarkani oo loo qabtay dhalinyaro kalkaaliyaaal caafimaad ah ayaa laga soo kala xulay MCH-yada degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan gobolada dalka, iyadoo tirade howlwadeenada caafimaadka ka faa'ideystay ay ahaayeen 150 kalkaaliye, waxaana soo qabanqaabiyay tababarkaasi Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS.
Dhalinyarada maanta loo soo xiray tababarka ayaa intii uu socday waxay ku baranayeen faa'iidooyinka dhalaanka uu u leeyahay naasnuujinta iyo xanaaneynta hooyada uurka leh.
Agaasimaha tababarada isbitaalka SOS C/llaahi Cismaan oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii hadalka ka jeediyay goobta ayaa ka sheekeeyay faa'idooyinka tababarkani uu lahaa.
Madaxa ugu sareeya isbitaalka SOS Maxamed Dhaqane oo dhalinyarada tababarkani u soo xirey ayaa ku booriyey iney uga faa'ideeyaan xirfadi ay qaateen Dadka Soomaaliyeed.
Intii ay socotay xaflada tababarka loogu soo xirayey dhalinyaradani kalkaaliyeyaasha caafimaadka ahaa ayaa waxey goobta ku soo bandhigeen ruwaayado ka turjumayay waxyaabihii ay ku barteen intii tababarkani uu u socdey oo ay ka mid ahaayen nafaqeynta caruurta iyo hooyada uurka leh.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha: ‘’Maamulka cusub ee Galmudug waxaan...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Cadaado kaga qeybgaley munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug.
Madaxweynaha oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa mar kale u hambalyeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo maamulkiisa, isagoo sheegay dhismahan maamulkan looga fadhiyo inuu daboolo baahida shacabka ku dhaqan gobollada dhexe.
''Mabda'a Dowladda Federaalka uu ku dhisan yahay ayaa ah nabad iyo dib u heshiisiin, maamulka Galmudugna, waxaan ka filayaa inay waddadaasi raacaan si aan inaguna u taageerno. Shacabku wuxuu u oomman yahay nabad iyo horumar, waana idin ku dhiirigelinayaa inaad ka shaqeysaan wanaagga iyo rabitaanka shacabka'', ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu ammaan u jeediyay kooxihii iyo shakhsiyaadkii kala duwanaa ee la yimid tanaasulka siyaasadeed ee ugu dambeyntii suurageliyey inuu najaxo dhismaha maamulka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ugu baaqey ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca inuu ku soo biro maamulka Galmudug, waxaana uu ku ammaaney doorkii iyo halgankii ay u soo galeen inay gobollada dhexe ka sifeeyaan kooxaha nabad-diidka ah.
"Ahlu Sunna doorkooda cidna ma dafiri karto. Mar walba waxay mudan yihiin in la soo dhoweeyo, wadahadalna lala furo. Si la mid ah maamullada kale ee ku meel gaarka ah ee waddanka laga dhisay oo qaarkood ay tabashooyin ka soo if-baxeen,ayaa maamulkani cusubna haddii ay tabashooyin jiraan, waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadanno sidii loo xalin lahaa, horeyna loogu socon lahaa''.
Munaasabadda caleema saarka madaxda maamulka ku meel gaarka ee Galmudug ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, diblomaasiyiin , mas'uuliyiinta dowladda qaarkood, madaxda maamullada gobollada qaarkood iyo marti sharaf kale.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DAAWO SAWIRADA- Xafladda caleemo saarka madaxweynaha...

$
0
0

DAAWOS AWIRADA-Taliyaha Booliska oo xaflad soo...

$
0
0

MUNAASABADAN AY SOO QABAN QAABIYEEN JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KU DHAQAN WADANKA INGIRIISKA GAAR AHAAN MAGAALADA LONDON AYAA UJEEDKEEDU AHAA IN WARBIXIN LAGAGA DHAGEYSTO TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA SAREEYA GAAS MAXAMED SHEEKH XASAN XAAMUD OO DHOWR CISHO BOOQASHO RASMI AH KU JOOGAY ISAGA IYO WAFDI UU HOGAAMINAYAY MAGAALADA LONDON.
RA'ISAL WASAARIHII HORE EE SOOMAALIYA MUDANE NUUR XASAN XUSEEN OO MADASHA KAHADLAY AYAA SHEEGAY MIHIIMADA AY LEEDAHAY SOO DHOWEYNTAN LOO SAMEEYAY TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA IYO WAFDIGA UU HOGAAMINAYAY, ISLA MARKAANA LAGA WAREYSTO XAALADA SOOMAALIYA GAAR AHAAN TAN CIIDANKA BOOLISKA OO LAFDHABAR U AH AMMAANKA IYO NABADGALYADA DALKA.
XARBI CAWIL OO AH MUDANE SOOMAALIYEED OO KATIRSAN GOLADA DEEGAANKA XAAFADA BRENT EE MAGAALADA LONDON AYAA KAHADLAY MADASHA AYAA TILMAAMAY AHMIYADA AY KULAMADA NOOCAN OO KALE AH LEEYIHIIN, ISAGOO KUHADLAYA MAGACA JAALIYADA AYAA WAXAA UU SOO DHOWEEYAY WAFDIGA UU HOGAAMINAYO TALIYAHA BOOLIKA SOOMAALIYA.
TALIYAHA BOLIISKA SAREEYA GAAS MAXAMED SHEEKH XASAN XAAMUD OO GOOBTA KAHADLAY AYAA UMAHADCELYAY DADKII XAFLADAASI SOO AGAASIMAYAY IYO KUWII KASOO QEYBGALAYBA, WAXAANA UU TALIYAHA WARBIXIN DHEER HALKAASI KASIIYAY DADKA CIIDAMADA BOLIISKA SOOMAALIYA HANAANKA LOO QORO IYO QORSHAHA AY DAMACSAN YIHIIN IYO HORUMARKA AY KU TALAABSADEEN MUDADII YAREED EE UU XAFIISKA JOOGAY.
TALIYAHA BOLIISKA WAXAA UU SIDOO KALE KA CODSADAY JAALIYADA SOOMAALIYEED EE KU DHAQAN DALKA INGIRIISKA IN AY GARAB ISTAAGAAN BOLIISKA GAAR AHAAN DHISMAHA AKAADEEMIYADA BOLIISKA EE JANARAL KAAHIYE IYO SIDOO KALE DHISMAHA QEYBAHA AGOONTA BOLIISKA ISAGOO SHEEGAY IN AY JIRAAN KUN IYO SODON QOYS OO AGOON AH, KUWAASOO UU SHEEGAY CIIDAMADA BOLIISKA SARAAKIISHOODA IN AY GACANTA KU HAYAAN ISLA MARKAANA LABIILO.
TALIYAHA BOLIISKA AYAA WAFDIGII UU HOGAAMINAYAY WAXAA KAMID AHAA TALIYAHA HEYDADA DAMBI BAARISTA EE BOLIISKA JANARAAL SICIID KADIYE IYO SIDOO KALE TALIYAHA WAAXDA HOGAANKA DHISMAHA CIIDANKA BOLIISKA SOOMAALIYA JANARAAL BASHIIR AMEERIKO.
WAFDIGA AYAA INTII AY JOOGEEN MAGAALADA LONDON WAXAA AY LAKULMEEN TALIYAHA GUUD EE BOLIISKA WADANKAN BRITAIN, SIDOO KALE WAXAA AY LAKULMEEN SARAAKIIL KATIRSAN WASAARADA UMUURAHA DIBADA EE BRITAIN QEYBTEEDA AFRIKA QAABILSAN.
WAFDIGA TALIYAHA AYAA SIDOO KALE WAXAA UU SOO BOOQDAY XARUNTA CUSUB EE TELEFISHINKA QARANKA SOOMAALIYA EE KU TAALA MAGAALADA LONDON HALKAASOO UU KAGA WARBIXIYAY WAREYSINA KUSIIYAY WAXQABADKA IYO UJEEDKA AY HALKAN UYIMAADEEN.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Dib U...

$
0
0

Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa looga hadlay Howsha Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka iyo Qorshaha Dowladda Soomaaliya ay wado oo ah isku filnaansho iyo maareynta dakhliga Dowladda.
Barnaamijka waxaa marti ku ahaa, Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka mudane Axmed Yuusuf Muumin Siraaji oo si faah faahsan uga hadlay qorshihii dib u eegista miisaaniyadda 2015.
Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka mudane Axmed Yuusuf Muumin Siraaji ayaa intii uu socday barnaamijka si faahfaasan uga jawaabay su'aalo kala duwan oo ay soo weydiiyeen qaar ka mid ah dhageystayaasha barnaamijka.
Mudane Siraaji ayaa waxa uu sheegay in todobaadkani golaha wasiirada ay ka hadleen hanaanka miisaaniyada Dowladda ee sanadkani oo uu sheegay in lagu sameynayo wax ka badal oo la waafajinayo dakhliga Dowlada si isku filnaasho ay u gaarto Dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah uu ugu fadhiyo dadka Soomaaliyeed barnaamijkani hirgalintiisa.
"Si loo waafajiyo in isku filnaansho Dowladda Soomaaliya ay gaarto waxaa la beyqaaminayaa dakhliga Dowladda Soo gala waxaa la dhamiyaa mishaaraadka shaqaalaha Dowladda,mas'uuliyiinta iyo waxyaabaha kale ee Dowladda ay isticmaasho, si loo waafajiyo dakhliga Dowladda Soo gala si looga maarmo in caalamka aan wax ka sugno" ayuu yiri Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mudane Siraaji.
Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Yuusuf Muumin Siraaji.Oo ugu jawaabayay su'aalaha dhageystayaasha ay soo weydiiyaan ayaa su'aal eheyd sida dhaqaalaha Dowladda loo isticmaalo iyo in si qaldan loo isticmaalo ayaa sheegay in si sharci aaan eheyn aan lacag looga soo saari karin Bankiga dhexe, Tusaale ahaan waxa uu sheegay in Xafiiska Xisaabiyaha Guud uu la socdo dhaq dhaqaaqa bankiga lacag walba oo laga soo saarayana lagu soo saari karo oo kaliya Saxiixa xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.Halkani Ka dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran islamarkaana Xiisa Gaar Ah Leh
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen']
,audioWidth:400,audioHeight:30
});
});

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo Kuwa Amisom...

$
0
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM ayaa Gudaha u galay goor dhow oo si rasmi ah ula wareegay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, halkaasi oo Laga ceyriyay Maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab.
Argagaxisada Al-shabaab ayaa isaga baxay degmada Diinsoor, iyadoo ciidanka ay xalay ku hoydeen duleedka degmadaasi, iyagoo ku kallahay saakay aroortii hore, iyagoo aan la kulmin wax iska cabin ah oo kaga timid UGUS.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Somalia oo la hadlay Warbaahinta isagoo ku sugan degmada Diinsoor ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay galeen saaka degmadaas oo ka mid ahayd degmooyinkii ay Al-shabaab ka talinaysay.
Abaanduulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneel Ismaaciil Khaliif Axmed oo goor dhow la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in si nabdoon ay ula wareegeen Degmada Diinsoor ayna si wanaagsan u soo dhaweeyeen dadka deegaanka oo ku faraxsan ka dulqaaditaanka laga dulqaaday cadowga Al Shabaab.
Magaaladan ayaa noqonaysa magaaladii labaad oo ay ciidamada dowladda FS iyo kuwa AMISOM kala wareegaan Al-shabaab Muddo 48-saacadood gudahood ah, kaddib markii maalin ka hor ay la wareegeen degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana guuldarooyinkani Argagaxisada soo wajahaya ay ka dhigantahay baaba'a kooxda oo heer gaba gaba ah maraya.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ololo Looga Hortagayo Gudniinka Fircooniga Oo...

$
0
0

Barnaamijkani Wacyi galinta oo ay Fulinayaan Urur Gabdho ah oo iskood Isku Xilqaamay lagunu Magacaabo Ururka Ka Hortaga Gudniinka Fircooniga iyo Wacyi Galinta Bulshada Ayaa si rasmi ah ugu bilowday Kaamamka Magaalada Beledweyne Howsha wacyi galinta ah ee Bulshada looga dhaadhicinayo Qatarta Gudniinka Fircooniga ah ee lagu Sameeyo Hablaha Soomaaliyeed.
Gabdhahani oo Xafiiskoodu ku booqanay Ayaa u sheegay Radio Muqdisho in ay u istaageen sidii ay Bulshadooda uga Wacyi galin lahaayeen In aan Gabdhaha lagu sameeyn Gudniinka Furcooniga kaa oo Bulsha Soomaaliyeed ay u aragto Arin qatarteeda leh.
Mid Kamid ah Kaamamkii ay Maanta Gabdhahan Wacyi galinta ka fuliyeen Ayeey Kula Kulmeen Hooyooyin Kaamka Daganaa Iyagoo u Sheegayay In ay Gabdhahooda Ka daayaan Gudniinka Fircooniga ah Taasoo iyagane si weeyn U soo dhaweeyeey.
Maryama Cabdulle Xasan Gudoomiyaha Gabdhaha Ururka Ka Hortaga Gudniinka Fircooniga iyo Wacyi Galinta Bulshada Ayaa Radio Muqdisho u sharaxday Ujeedka ay Kaamamka ay U booqdeen.
Qaar Kamid ah Haweenkii Ku sugnaa Kaamamka wacyi galinta laga fuliyay ayaa Iyaguna ka hadlay waxa ay ka fahmeen Gudniinka Fircooniga ah.
Waa Markii Ugu Horeeysay oo Gabdho Si iskood ah isku Xilqaamay ay Howsha wacyi galinta Gudniinka Fircooniga ah laga Fuliyo Magaaladan Beledweyne.
Gudniinka Furcooniga ayaa ah Caada Dhaqameed Foolxun Kaas oo aan Sal Ku laheeyn Diinta Islaamka.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xisbiga Ucid laantisa Toronto oo Taageertay Go...

$
0
0

Toronto(Waaheen)Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Toronto Shucayb Abdilahi Husein ayaa taageeray go'aankii maxkamada sare ka soo saartay khilaafii ka dhex dhacay xukuumada iyo Mucaaradka Somaliland.
Sidaasna waxuu ku sheegay war murtiyeed uu soo saarey oo nuqul kamidi soo gaadhay Hadhwanaagnews, waxaanu udhignaa qoraalkaasi oo dhamaystirani sidan:-
Anagoo ah madaxda xisbiga ucid ee toronto waxaanu soo dhaweenaynaa go'aankii maxkamada sare ay ku dhawaaqday maanta oo ay taariikhdu tahay july 23/2015, kaasoo ay ku ogolaatay ka dib markii shalay ay hogaanka sare ee xisbiyada mucaaradku u soo gudbiyeen dacwad ka dhanka ah xukuumada gabalkeedii dhacay ee uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo. waxay hadaba maxkamadu ogolaatay iyadoo raacaysa dastuurka dalka iyo qawaaniinta sharciga ah ee dalka u degsan in xisbiyada mucaaradku ay shiri karaan, kana tashan karaan xaalada dalku uu ku sugan yahay maadaama ay xisbiyo qaran yihiin sharciguna u fasaxayo. hadaba maanta waa maalin aad iyo aad u qiimo weyn ka dib markii gudoomiyaha maxkamadu ku dhawaaqay go'aankaas geesinimada leh isagoo tixraacaya qawaaniinta dalka u degsan , taasoo ay dawladani hore god madaw ugu riday shruucdii dalkani lahaa .
Waxaanu taageersanahay shirarka qaran ee ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradku , waxaana u rajeynaynaa inay ka soo baxaan go'aamo wax ku ool ah , waxaana shacabka soomaaliland iyo taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ugu baaqeynaa inay soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan xisbiyada mucaaradka si guul looga gaadho.
Wabilahi Tawfiq.
Gudomiyaha Xibiga Ucid Toronto
Shuaib Abdilahi Husein
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyne Obama Oo Ku Soo Wajahan Saacadaha Soo...

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo uu ka jiro diyaar garow xoogan oo lagu soo dhoweynayo Obama.
Obama ayaa Kenya tagi doona markii u horeysay isagoo Madaxweyne ah, halkaasoo uu aabihii ka soo jeedo, waxaa uu kenya ka tagay sanadkii 2006-dii, isagoo ahaa Sentaro ka tirsanaa Aqalka Congress-ka Mareykanka.
Ammaanka magaalada Nairobi ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xirayaa wixii ka dambeeya 2-da duhurnimo wadooyin badan oo muhiim ah, sidoo kale hawada Kenya ayaa saacad ku dhow xirnaan doonta.
Illaa 10-kun oo boolis ah ayaa ka qeyb qaadanaya sugida amniga, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay inay si weyn ugu diyaar garowday booqashada Obama uu ku imaanayo Kenya.
Sidoo kale Ciidamo Mareykan ah ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka inta uu joogo Obama dalka Kenya, waxaana la arkayay diyaarado qumaatiga u kaca iyo ciidamo ku sugan goobo kala duwan oo ku yaalla Nairobi.
Madaxweyne Obama ayaa caawa fiidkii marka saacada geeska afrika tahay 7:30 ku soo beegan, waxaana uu ka soo degi doonaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta oo ammaankiisa si weyn loo adkeeyay.
Waxaa uu maalinta berri kaga qeyb geli doonaa shir ku saabsan arrimaha Ganacsiga, waxaana Obama uu kulan gaar ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha ammaanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada.
Booqashada Obama ee Kenya kadib waxaa uu maalinta Axad u gudbi doonaa dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa, waana markii u horeysay ee Madaxweyne Mareykan ah oo booqda dalka Itoobiya, isagoo khudbad ka jeedin doona xarunta Midowga Afrika.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Sawirada:-Maalinta Olombikada Adduunka oo Laga...

$
0
0

Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS ayaa maanta muqdishio ku qabtay ciyaarayo lagu xusayo maalinta Olombikada Adduunka oo ku beegnayd 23 June, basle sanadkan ay GOS dib u dhigeen maadaama ay maalintani ku soo beegantay bisha ramadaan laguna go'aansaday in la qabto 23 July.
Dabaaldega maalinta ku wayn bahda Olimbikada adduunka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay GOS, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, Xiriirka Kubada kolayga Xiriirka kubbadda Gacanta , Ururada Ciyaartoyda Caafimaadaka iyo saxafada ee Gos iyo waliba martisharaf kale oo lagu casuumay dabaaldegan.
Munaasabaddan oo lagu qabtay garoonka Wiish ayaa tartamadii lagu xusay waxaa ka mid ahaa ciyaaaro orodo oo ay ka qayb qaateen inka badan 200 oo ciyaaryahan isuguna jiray wiilal iyo gabdho, kulan ay ka qayb galeen xiddigaha gabdhaha kubadda kolayga oo isku arkay cayaar aad u adkyd, Xiriirka Taekwanduga oo ciyaaro iyo dhoolatusyo qurux badnaa ku soo bandhigay garoonka iyo waliba ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka oo ay ka maqsuudeen dadwaynihii garoonka usoo daawasho tagay.
Gebagabadii waxaa halkaas ka hadlay Kaaliyaha xogahayaha GOS Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo sheegay in GOS ay mudnaan gaar ah siinayso maalintan Olympic Day oo ah maalin caalami ah wadamada caalamka oo idilna laga xuso.
" Sanad kasta waxaa dunida laga xusaa maalintan 23 June oo ah maalinta rasmiga ee Munaasabada, balse sanadkan waxaaan dooranay 23 July inagoo dhowrayna bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanan halkan mahed celin gaar ah uga soo jeedinaynaa, dhamaan xiriiradii ka qayb qaatay xuska sanadkan iyo maamulka degmada Cabadicasiis oo door muhiim ah ka qaatay."
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Madaxa Amuuraha Gobolada GOS Ibraahim Xuseen Cali (Roombe), waxuuna tilmaamay in ay GOS iyo xiriirada xubnaha ka ahiba qadarin wayn u hayaan maalmaha caalamiga ah oo ay 23 June ka mi tahay wuxuuna munaasabadda sanadkan ku tilmaamay mid ku soo beegantay maalmo farxadeed isla markaana ay munaasabada u dhacday qaab qurux badan, wuxuuna sidoo kale mahadcelin balaaran u soo jeediyay Dhamaan intii gacanta ka gaysatay suurtagalnimada munaasabaddan.
Maalinta Olombikad aduunka ayaa si weyn looga dabaaldegaa caalamkan iyadoo wadamada xubnaha ka ah IOC ay ciyaaro kale duwan iyo siyaabo kal duwanba u xusaan maalintan loogu magac daray maalinka Olimbikada (Olympic Day).

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo...

$
0
0

Kooxo hubaysan oo loo maleynaayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Xafiiska RaaEU(tm)iisul Wasaaraha Somalia. Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu dilay Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhaw Masaajidka Macalin Nuur ee Degmadaasi. Rag hubaysan oo Bistoolado watay, ayaa la sheegay inay [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

US steps up fight against Al-Shabaab in Somalia as...

$
0
0

A drone. The US has stepped up drone attacks on Al-Shabaab targets in Somalia. This comes as President Obama makes a four-day visit in the East African region. Mr Obama will Sunday go to Ethiopia after his Kenya visit. AFP FILE PHOTO The port city of ...
Weblinks: 

Diyaaradaha Dagaalka Ethiopia oo duqeeyay gaadiid ay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Magaaladda Buurhakaba ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Diyaaradaha dagaalka Ethiopia ay duqeeyen gaadiid ay la socdeen dad shacab ah.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan ku dhow Magaaladda Buurhakaba, waxaana la soo warinayaa in gaadiidkaasi ay kusii jeeden Buurhakaba.
Gaadiidka la duqeeyay ayaa la sheegay inay ahaayen Laba gaari oo ay la socdeen dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyay dadka ku dhintay duqeymahaasi cirka ah oo ay geysteen Diyaaradah Ethiopia ayaa gaaraya 11 ruux oo shacab ah.
Duqeyntasi waxa fuliyay Laba Diyaarad oo ay leedahay Dowladda Ethiopia, waxaana la cadeeyay in diyaaradaha duqeynta geystay ay kasoo duuleen garoon ciidan oo ku yaalla duleedka Gobolka Baay.
Gaadiidka la duqeeyay ayaa lagu qalday gaadiid kale oo la sheegay inay wateen Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo dhuumaaleysi ku galay Magaalada.
Ma aha markii ugu horeysay oo Diyaaradaha dagaalka Ethiopia duqeyn cirka ah ka fuliyaan Gobolka Baay.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhayso: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Ka qayb...

$
0
0

Al-shabaab oo si aan laga fileynin u galay Ciidamada...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka Al-shabaab oo looga itaal roonaaday dagaalada ka socda Deegaanada Diinsoor iyo Baardheere ayaa dheelay qorsho cusub oo ay kaga guuleysanayaan Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM.
Maleeshiyaadka ayaa la sheegayaa in dhowr wado ay Ciidamada ugu aaseen Miinooyinka rimuudka laga hago, kuwaasi oo Maleeshiyada ay ugu tallo galeen inay ku laayan Ciidamada Huwanta.
Ciidamada isgarabsanaayo oo wata qalabka lagu baaro miinooyinka ayaa waxa ay ogaaden in inta badan wadooyinka Diinsoor loogu aasay Miinooyin, hayeeshee howlgal wakhti badan qaatay kadib waxa ay soo saaren 6 miino nooca rimuudka lagu hago kuwaasi oo loogu aasay hareeraha wadooyinka ugu mashquulka badan.
Sidoo kale, Ciidamada Huwanta ayaa soo saaray miinooyin dhowr ah oo loogu aasay xerooyinkii ay ka guuren Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Degmada Diinsoor mudane, Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay soo saareen Miinooyinkaasi, waxaana uu sheegay inay miino baaris ka sameeyeen xarumaha fariisimaha u ah Ciidamada.
Wuxuuna yiri: "Meelaha Miinooyinka aan ka helnay waxaa u badan Xarunta Booliska Degmada oo ay Shabaab Miinooyin inoogu aaseen iyo meelaha dadku ay u badan yihiin, ciidamadda Qaranka oo markii horeba Taxadar dheeraad ah muujinaayay ayaa wali soo saaraaya miinooyinkaas."
Dhanka kale, Maleeshiyaadka ayaa ku fashilmay dadaalkii ay ku doonayeen inay ku haligaan Ciidamada Huwanta waxaana lagu guuleystay in dhamaan miinooyinkaasi laga saaro goobihii lagu aasay.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kenya beefs up security along Somali border ahead of...

$
0
0

GARISSA, Kenya -- Kenyan authorities confirmed Friday security along its porous border with Somalia has been enhanced ahead of the visit by U.S President Barack Obama to the East African nation.
Northeastern Regional Coordinator Mohamud Saleh told Xinhua in Garissa that the government security officers have been deployed to thwart any cross border incursion by Somalia's Al-Shabaab militants who are on the run due to major offensive by Africa Union forces in southern Somalia.
"We are aware of threats posed by the Al-Shabaab militants. We have heightened our alertness along the border and our security personnel have been alerted. We don't want to take any chances," he said.
The administrator, however, refused to disclose the security arrangements, noting doing so will work in the favor of the terrorists.
The volatile northeastern region has been affected most from terror attacks that have led to lose of hundreds of innocent lives and security officers.
Some of the border point areas which the militants have on several occasions used to cross over to the country to carry out attacks are Liboi and Holugho in Garissa, Diif in Wajir and Border Point One in Mandera.
Saleh said security agencies have intensified border patrols in those regions to deter infiltration of the militants into the country at a time of increased threats by the terrorists' network and homegrown terror cells in the region.
The Kenyan government has also started construction of a 700km wall along the Kenya and Somalia border to prevent the terrorists to sneak into the country.
The AU forces and the Somali army have intensified their presence in southern Somalia near the Kenyan border, capturing several towns used by the militants as their logistical bases ahead of President Obama's visit. Several senior Al-Shabaab leaders and officers have been killed in the recent air raids in southern Somalia.
There have growing fears that the Al-Shabaab may use President Obama visit to carry out attacks in the country to send messages to rest of the world that "Kenya was not able to secure its borders."
Kenyan President Uhuru Kenyatta on Tuesday said that among the issues the government will engage with the U.S. governmnt was security.
Source xinhua
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Obama meets with extended family on first night in...

$
0
0

President Barack Obama sat down to dinner with a large group of family members on his first night visiting the capital of his father's homeland of Kenya.
Shortly after arriving at his hotel on Friday, the president gathered in the hotel restaurant with about three dozen relatives. Obama sat in the middle of two long tables, with his step-grandmother, known as Mama Sarah, seated to his right and his half-sister, Auma Obama, a close confidante, seated to his left.
The two shared a warm embrace when Auma Obama met Air Force One at the airport here late Friday.
Obama is making his first official trip to Kenya as president, but security concerns prevent him from traveling to his father's village to meet with family members. First lady Michelle Obama and the president's daughters did not accompany him on the trip.
Source Politico
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Obama: 'Afrika horay ayay u socotaa'

$
0
0

Nairobi: Shirka Hal-abuurka Ganacsiga oo Furmay

$
0
0

Maamulka G/banaadir oo qaatay Kulan looga hadlay...

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaan Maanta Shir Guddoomiyey Kulankiii Maamulka Gobolka Banaadir kaas Looga Hadlayey shan Ajando oo Kala duwan waxaana ka mid ah In Warbixn Laga dhageysto Kusimihii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudadii Koobneed oo guddoomiye Muungaab Ku Maqnaay Cumrada Guddoomiye muungab ayaa Ku amaanay shaqadii aan kala Joogsiga leheyn oo Ka qabtay Mudadaas.
Sidoo Waxaa Laga warbixyey Xaaladda Nadaaafada Gobolka Banaadir oo ah Waajibaadka Maamulka Gobolka Banaadr waxaana La isku Raacay in Magaaladda muqdisho Laga dhigay Dhalo oo ay tahay magaalo nadiif shaqaalaha Dowladda ee Nadaafada ay ka soo baxeen Waajibkooda.
Sidoo waxaa laga Hadlay Tartanka Kubadd Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhawaan Ka bilaaban doona Garoonka Studium Banaadir kaas lagu heshiiyey in la dhiiri galiyo Si Loo Adkeeyo is dhax galka Bulshada.
Sidoo waxaa Warbixn laga dhageystay agaasimaha Amniga oo Dhamaan ka warbixiyay Xaaladda Amaanka Magaalada iyo Qaabka Ay Hey'addaha Amaanka iyo Maamulka gobolka banaadir U wada shaqeyeen.
Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka banaadir xasan Maxamed Xuseen"Muungaab ayaa ku dhawaaqay Sanadkan in la dar dar galiyey howlaha Shaqada gobolka banaadir lana xisaabtami doono waaxaha dowlada hoose Si loo Hubiyey in la gaari karo Meesha Loo socda.