Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ferguson oo qarka u istaagtay qalalaase cusub

$
0
0

Somalia: "Sanad lama Arag kiisas dabeysha ah'

$
0
0

Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xiray Niger

$
0
0

29,000 oo Soomaali ah oo ka cararay Yemen

$
0
0

Somaliland: Sarkaal la dilay iyo mid la dhaawacay

$
0
0

Wasiirka Caafimaadka “Hal sano laguma arag...

$
0
0


Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo ay wehliyaan mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Caaafimaadka ee WHO iyo qeybta arrimaha beni'aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka qeyb galay xuska sanad guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii halsano laga waayay Soomaaliya kiis la xiriira cudurka Polio ama dabaysha, iyagoo si wada jir ah carruur Soomaaliyeed u siiyeen talaalka labo dhibcood oo ah ka hortagga cudurka dabeysha.
Dr Buubaal oo ah madaxa Soomaaliya ee hay'adda WHO ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in halsano aan Soomaaliya laga helin cudurka dabaysha, kaddib dadaal badan oo hay'adaha caafimaadka ay arrintan ku bixiyeen
"Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xusno halsano oo aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya, waxaan xasuustaa bishii May sanadkii 2015 qiyaastii la sameeyay, waxaan u imaanay in aan ka qeyb qaadano cirib tirka cudurkan, waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo dadaalada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda cafimaadka madaxdeeda iyo shaqaalaheeda ee ku aadan cirib tirka cudurka dabaysha, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa hay'adaha dowladda soomaaliya ka taageeray cirib tirka cudurkan kuwaasoo dhamaantood ku dadaalay in mudo 12 bilood ah Soomaaliya laga waayo cudurka dabaysha" ayuu yiri Dr Buubaal.
Pitter Digler ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah isu duwaha gar gaarka beni'aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa fariin ku aadan ka hortaga cudurka dabaysha u diray Waaldiinta Soomaaliyeed
"Waxaan rabaa inaan halkaan fariin ugu diro walidiinta Soomaaliyeed, fariintaas oo ah in cudurkan uusan laheyn wax dawo ah oo ay tahay oo keliya in laga hortago, waalidiinta waxaan u sheegayaa in carruurtooda ay talaalaan oo aysan carruurtooda u dhiman laba dhibic oo qura" ayuu yiri Pitter.
Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa ka hadashay marxaldihii cudurkan dabaysha uu soo maray, iyadoo sheegtay in Soomaaliya cudurkan laga cirib tiro ay dadaalkeeda kaalin weyn ka qaateen hay'adaha dhinaca caafimaadka ee Qaramada Midoobay.
"Waxaan halkaan mahad balaaran ugu jeedinayaa shaqaalaha WHO oo dadaal badan noo sameeyay, waana farxad in halsano aan wax cudurka dabaysha ah aan laga helin Soomaaliya waan xasuustaa sanadkii 2013-kii oo 198 carruur oo la xanuunsan aan Soomaaliya ka helnay waxa ay ka badnaayeen dadka adduunka oo dhan ee cudurka qaba, marka waxaan sii wadeynaa qabka aan carruurta ku talaaleyno ee looga hortago halista cudurka dabeysha" ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Xaawo.Sawir Qaade:- Maxamed Cabdiweli Maxamed

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sida lagu caawin karo qoysas ku soo barakacay...

$
0
0


Kulankaan oo ay isugu maamulka degmada Beledweyne iyo saraakiisha hay'adaha samafalka ee ka howlgalo magaaladaasi ayaa looga hadlay sidii dib u dajin iyo caawin loogu samayn lahaa qoysas ay soo barokiciyeen maleeshiyada Al-Shabaab oo soo gaaray magaalada Beledweyne.
Kulankaan oo mudo saacado socday ayaa waxaa diiradda lagu saaray qoysaska ka yimid deegaanada bariga iyo galbeedka gobolka Hiiraan sidii ay gurmad deg deg ah ku heli karaan, maadaamaa sida muuqata ay kasoo carareen dhibaatadii Shabaab ay qoysaskaasi ku hayeen.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Macalin Cismaan Qalaafow oo kulanka kaddib Warbaahinta Qaranka lahadlay ayaa sheegay in kulanka muhiimadiisu ahayd sida lagu caawin karo dadka barakacayaasha ee Beladweyne soo gaaray.
Macalin Cismaan Qalaafow ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in guddi loo saaray tirada iyo qoysaska, halka ay badan kood ka yimaadeen oo hay'adaha kala shaqeeya caawinta gar gaarka.
Hadalka guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa imaanayaa iyadoo magaalada Beledweyne ay maalmahan kusoo qulqulayeen dad reer miyi ahaa oo kasoo cararay maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo maanta ay kormeereen meelaha ay qoysaskaasi soo degeen.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kulan lagu xasuunayo Allaha u naxariistee Cali...

$
0
0


Kulankan oo lagu xasuusanayay weerarkii sideed sano ka hor maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadii Horn Afric Cali Iimaan Sharma'arke iyo Agaasimihii Idaacadii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi, laguna qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay ehelada labada Marxuum iyo Wariyaal u shaqeeya Warbahainta gudaha iyo kuwa Dibadda.
Dhamaan dadkii kulanka ka qeybgalay oo Suxufiyiin u badnaa ayaa laga dareemayay sida ay uga xun yihiin dilalka iyo tacadiyada Wariyaasha Soomaalida ay la kulmaan oo la aaminsan yahay inay aad u bateen kaddib dilkii labadaasi Wariye.
Siyaasiga Xasan Qalaad oo waxbadan ka yaqaanay Cali Iimaan ayaa ku dheeraaday ka sheekeenta wanaaga iyo Taariikhda uu lahaa Marxuumka.
"Walaalkey Cali Iimaan anigu waxaan bartay mudo aad u dheer, waxaan aheyn saraakiil ciidan oo ka baxday kuliyadihii ciidanka, inkastoo uu isaga iga horeeyay, markii damaba uu aaday dibadda, gaar ahaan Mareykanka, wuxuuna Jaamacaihii ka siiwatay Canada iyo Mareykanka intaas kadibna dalka ayuu dib ugu soo laabtay intuu wadanka jogayna waa iska warqabnay"ayuu yiri Xasan Qalaad.
Sidoo kale Cabdi Iimaan Sharma'arke oo walaal la ah Marxuum Cali Iimaan ayaa mar uu kulanka ka hadlayay waxa uu u mahadceliyay wariyaashii ay soo wada shaqeeyeen Cali Iimaan Sharma'arke iyo kuwii soo qaban qaabiyay kulanka maanta.
"Waxaan u mahadcelinayaa wariyaashii Horn Afric ka baxay iyo kuwaan ka bixin, waxaa taariiq lama iloobana leh oo aan qiraa sanadkasta inay abaaa leeyihiin wiilal iyo gabdhaba wixii ka baxay Horn Afric, dadkii Horn Afric ka baxay mowqifka ay ka qaateen Cali Iimaan iyo carruurtiisa maalintuu dhintay ilaa hada waxaan aaminsnahaay inaana anigu xitaa ka qaadan"ayuu yiri Cabdi Imaan.
Maantoo kale sanadkii 2007- ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Agaasimihii idaacaddii Horn Afric Cali Iimaan Sharma'arke iyo Agaasimihii Idaacadii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi waxaana la aaminsan yahay in maalintaasi kadib uu aad u batay dilalka iyo tacadiga loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ka shaqeeya.Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay Guddiga madaxa...

$
0
0


Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Mohamed Xuseen Odowaa ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka socday gudiga madaxa banaan ee xuduudaha Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay dar dargelinta howlaha horyaalla guddiga.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay guddiga, kaasi oo ku saabsan sida ay u qaban lahaayeen howlaha horyaalla, ayna gudan doonaan waajibaadka loo idmaday.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay la shaqeynta guddiga madaxa banaan ee xuduudaha, isla markaana ay garab taaganyihiin.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Guddiga difaaca ee Baarlamaaanka oo su’aallo...

$
0
0


Kulanka su'allo weeydiinta oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay oo guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeerteen Danjiraha Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka socotay taliska Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM.
Kulanka oo shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa xubnaha guddiga difaaca ee Baarlamaanku ay weeydiiyeen su'aallo la xiriira sida uu u socda howlgalka gobollada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, sharciyada ciidammada AMISOM, xadgudubyo lagu eedeeyey in Ciidammada AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose iyo deegaanno ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Hiiraan.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa tilmaamay in su'aallihii ay weeydiiyeen xubnaha martida u ahaa waxaana uu uga mahad celiyey aqbalaadda u yeerista guddiga, waxyaabaha la isku af gartayna ay ka mid tahay guddiyo labada dhinac ah in loo saaro baarista xad gudubyada lagu eedeeyey ciidammada AMISOM.
Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Maman Sidikou oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin in Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeertaan, isla markaana su'aallo la weeydiiyo waxaana uu ballan qaaday dhankooda iney sii wadi doonaan wadashaqeynta ay leeyihiin guddiga Difaaca ee Baarlamaanka.
Kulankan su'allaha lagu weeydiinayey safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Taliyaha ugu sareeya ciidammada AMISOM waxa uu qeyb ka yahay waajibaadka uu Golaha Shacabka u idmaday Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka oo ah iney u kuurgalaan wax walba oo la xiriira difaaca ama hoostaga Gaashaandhigga.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Garoon diyaaradeed oo laga dhisayo Baraawe

$
0
0

Deg Deg:- Mooshin laga Gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Guddoonka Baarlamanka.
Mooshinka ay gudbiyeen Xildhibaanada ayaa waxaa ay Madaxweynaha Soomaaliya ku Eedeeyeen wax qabad la'aan.
Ilaa hada lama oga Tirada Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,waana Markii Labaad oo Xildhibaanada Soomaaliya ay Mooshin ka gudbiyaan Madaxweynaha Soomaaliya.
Wixii Kusoo Kordhaa Nagala Soco insha allaah
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiir iska Fogeysay Eedeeyn loo jeediyay

$
0
0

War saxaafadeed ay soo saartay wasaarada Batroolka iyo Macdanta dowlada Soomaaliya ayey ku sheegtay in marnaba aysan dhicin lacago si qaldan ay wasaaradu uga qaadaday shirkada reer Britain ee SOMA oo baarta shidalka.
Wasaaradu waxay sheegtay inuu jiro heshiis dhaxmaray wasaarada iyo shirkada waxbaarta kaa oo dhacay bishii April 25 2015 ,islamarkaana dhamaan lacagihii ay wasaaradu kaheshay shirkada la dhigay Bankiga dhexe ee dalka .
Waxay kusheegtay wasaarada Batroolka iyo Macdanta dowlada Soomaaliya warbixintii lagu eedeenaye wasarada ee ay soo saartay kooxda Qaramada Midoobe ee Monitoring group, inay tahay mid waxba kama jiraan ah ,marin habaabina ay la socoto.
Iyadoo wasaaradu tixraaceyso qaabka lacagaha lagu bixiyay ee "Awood dhisida ah " ayey ku tilmaantay qaabkaasi inuu muhiim u yahay dowladaha soo koraya sida Soomaaliya oo mudo colaado sokeeye kusoo jirtay.
Ugu dambeyntii Wasaarada Batroolka iyo Macdanta dowlada Soomaaaliya ayaa kusheegtay warsaxafadeedkan ay ku dafirayso iney si qaldan oo musuq uu kujiro ay lacago uga qaadatay shirkada SOMA ee shidaalka baarta in dowlada Soomaaliya ay daneenayso kafaa'iideysiga Kheyraadka dalka si loo helo Soomaaliya oo gaarta ,isku filnaansho dhaqaale, wax-soosaar warshadeed , shaqa abuur hagaagsan iyo ka madaxbaanaansho Gar-gaar shisheeye.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

TOPNEWS:- Ciidanka AMISOM ee Ilaaliya Wasaarada...

$
0
0

Warar ay Xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ka heshay Wakaalada Wararka Curubo.com Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Mas'uuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ay badalaad ku sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo mudo Sanado ah Ilaalinayay Wasaarada,kuwaas oo la sheegay in ay Xariir la sameeyeen Xarakada Al-shabaab.
Ciidamada AMISOM ee Badalaada lagu sameeyay ayaa maalmihii danbe bilaabay in aysan Baaritaan ku sameyn Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta ka howlgala,taas oo keentay in laga shakiyo.
Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta oo diiday in Magacooda la adeegsado ayaa noo sheegay in Mas'uuliyiinta Wasaarada Warfaafinta ay uga Shakiyeen in Ciidamada AMISOM ee Ilaalada ka haya Wasaarada iyo Al-shabaab ay xariir sameeyeen,taas oo keeni karta qatar Amni iyo in Miinooyin lagu Aaso Wasaarada Dhaxdeeda.
Dhanka kale Ciidamada Booliska ee qaabilsan Miino baarista ayaa dhaman baaris ku sameeyay Dhismaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya,sida Xafiisyada Mas'uuliyiinta,Idaacada iyo TV-ga Xarumaha ay ku shaqeyaan.
Waxaa Xusid mudan in sidoo kale la joojiyay Dhisme Wasaarada dhaxdeeda ka socday,si aan shaqaalaha dhismaha ku howlan aan loo adeegsan.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ayaa Dalbaday Ciidamo kaale oo AMISOM ah,kuwaas oo badalaya kuwa Xarunta laga Eryay,waxaana la siiyay Ciidamo Cusub oo kamid ah kuwa Ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Guddiga doorashada Jubbaland oo shaaciyey musharixiinta

$
0
0

Kn: Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyey magacyada 4 musharax oo iyagu isu soo taagay xilka madaxtinimo ee Jubbaland, taasi oo doorashada ay dhici doonto 15-ka bishan Agoosto, 2015.
Xabiibo Maxamed Cabdulle oo ah guddoomiyaha guddiga oo saxaafadda kula hadashay madaxtooyada Kismaayo, halkaasi oo ay xaadir ku ahaayeen musharixiinta ayaa waxa ay sheegtey in ay xirantay soo gudbintii araajida musharixiinta, islamarkaasina ay meelmariyeen 4 musharax.
"Kuwani waa musharixiinta buuxiyey shuruudihii loogu talogalay, iyaga ayaana ku tartami doona xilka madaxtinimo" ayay tiri Xabiibo oo ku magacdheer Qureesho.
Musharixiinta ayaa kala ah Axmed Maxamed Islaam, Hiloowle Aadan, Maxamed Cusmaan Feyruus iyo Maxamed Yuusuf.
Musharixiinta ayaa mid mid loo guddoonsiiyey shahaadooyinkooda ay ku tartamayaan, taasi oo uu guddiga bixiyey.
KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Madaxweynaha oo markiisa mooshin laga gudbiyey

$
0
0

Kn: Sedexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa mooshin laga gudbinayay Ra'isulwasaarayaal dalka soo maray , hawshaasi oo inta badan lugta ku heysay madaxweynaha, hadda isaga ayay heysataa.
illaa 90 xildhibaan ayaa saxiixay mooshin ka dhan madaxweynaha, kaasi oo ay doonayaan in xilka looga xayuubiyo.
Guddoonka baarlamaanka ayaa marar hore is hortaagay siyabo kala duwan in madaxweynaha Mooshin laga keeno ama xitaa su'aalo la weeydiiyo.
Hal sano oo kaliya ayaa u dhiman madaxweynaha, waxaana suuqa ku jirta in uu doonayo in uu xafiiska sii joogo marka uu dhamaado waqtigiisa sanadka 2016-ka.
KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Keynaanka Jubbaland oo karaar qaatay

$
0
0

Kn: Markii ay saacadda ku dhacday 6-dii ama 12kii maqribnimo ayay si rasmi ah la'isugu laabay galalkii guddiga doorashooyinka Jubbaland ay ku uruurinayeen araajida musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Jubbaland.
Qureesho Cabdulle oo ah guddoomiyaha guddiga ayaa sheegtey in xilkii loo igmaday todobaadyo ka hor ay kasoo dhalaaleen qeyb ka mid ah, iyada oo saxaafadda u akhrisey magacyada afarta ah ee guddiga uu meelmariyey in ay u tartami karaan xilka madaxtinimo.
72-da saacadood ee soo aaddan waxa ay Jubbaland heli doontaa madaxweyne cusub oo ka taliya mudo 4 sano oo soo socota, halkaasina waxaa laga sii ambo qaadayaa keeynaankii dheeraa ee loosoo galay in maamulkani uu cagihiisa isku taago.
Inkasta oo tartanku yahay cad iyo madoow, haddane shaki badan kuma jiro qofka kusoo bixi doona , mana ahan ku timid si kadis ah, ee balse waa arrin ku timid shaqo badan oo la qabtay iyo mid qabyo ah oo ay tahay in la dhameystiro.
Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa aad loogu filayaa in uu kusoo boxo dooashada, labadii sano ee lasoo dhaafay ayuu majaraha u hayay Jubbaland, ka sokoow dib u dhiska balaaran ee halkan ka dhacay, waxaa aad loogu xusuustaa dib u heshiisiintii uu ka sameeyey gobolka, iyada oo maanta ay hal dhinac kasoo wada jeedaan rag xabbad isku dhilayay.
Axmed shaki badan kama qabo halka ay Jubbaland ku wajahantahay, himilooyinka iyo hiigsiga ay leedahay.
Waxa meel la'iska dhigey hadalada dalabta leh ee lagu dhago jabinayo reer Jubbaland, sida uu qabo Suldaan Cumar Xiireey oo ah afhayeenka Jubbaland "Anaga waqti badan uma heyno hadalo aflagaado ah, wax xunna afkeena masoo marayo, laakiin waxaan u sheegeynaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in 24-ka saac ee soo socda uu la hadlo dadka Xamar ka dhawaaqaya ee qaswadayasha ah" ayuu yiri.
Waxa uu ka hadlayay kulan qado ah oo ay xildhibaanada u qabteen odayaasha sedexda gobol, halkaasi oo kaga codsadeen xildhibaanada in ay codkooda siiyaan madaxweyne Axmed Madoobe.
Suldaan ka mid ah salaadiintii hadlay ayaa yiri "Aniga lafteyda waxaan rabay in aan isa soo taago, laakiin markii aan ogaaday in uu Axmed taaganyahay ayaan aad ugu farxay, isaga ayaanan u deystey, waxaanan codsanayaa in isaga aad codka siisaan, anaga ka beel ahaan labo xildhibaan ayaan ku leenahay baarlamanka, iyagana waxaan farayaa in ay codka siiyaan madaxweyne Axmed Madoobe".
Dadka waa kuwa hal cod ku wada hadlaya, dhamaantood waxa ay taageero u hayaan madaxweynaha hadda jooga Axmed Madoobe, hal sheey ayay maanka ku hayaan, waana Jubbaland oo barwaaqo ah, Jubbaland oo nabad ah, dariskeeda iyo walaalaha kale ee Soomaaliyeedna nabad iyo xiriir wanaagsan kula noolaado.
Soomaaliya oo guud ahaan dagaalo iyo dhibaatooyin badan ka dhaceen, Jubbaland dhibaatadaasi waxyaabo dheeraad ah , kuwaasi oo hadda uun laga soo kabanayo, laakiin gocasho la'aan ayaa la doonayaa in habaaska loo reebo wixii xume ah ee tagay, lana tiigsado horumar cusub.
Cabdinaasir Saxansoxo
KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Waxay I Weydiiyeen Is-maandhaafkii Xildhibaan Xasan...

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudidda joogtada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka wasaaradda madaxtoyada Xirsi Cali Xaajii Xasan, kulankaasi oo lagaga wada xaajoonayay gacan ka hadal dhex maray xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan iyo taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada.
Wasiirka madaxtooyada oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in gudida joogtada ah uu u soo bandhigay in aanay jirin jidh dil loo gaystay xildhibaan Xasan Cawaalle, hase yeeshee uu gacan ka hadal dhex maray xildhibaanka iyo taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxa ii yeedhay guddida joogtada ee Golaha Wakiilada, waxaanay iga waraysanayeen dhacdadii ay isku maandhaafeen xildhibaan Xasan Cawaalle iyo taliyaha madaxtooyada, waxaana uga waramay sidii wax u dhaceen, waxaana aan sheegayaa in dhacdada la buunbuuniyay, oo aanay jirin Xildhibaan la garaacay oo dhulka lala dhacay, laakiin xildhibaanka iyo taliyuhu marka ay is maandhaafeen waa la riixay waxyeelo kasta ha lahaatee annagoon soo dhawaynayn oo amaanayn in ciidamadu riixaan ama gacan u gaystaan madaxda qaranka ee xasaanada leh."
Wasiirku waxa kale oo uu intaa raaciyay "Waxaanu haynaa oo u soo bandhigaynaa ciddii u baahata dhacdada oo duuban, waxaana aanu leenahay xildhibaanada askarta ha is dhexgalina oo kala soocnaada. Askartana waxa aanu leenahay xildhibaanada qaranku waa dawladnimadii iyo haybadii waa in la ilaaliyo, waa baarlamaankii la soo doortay ee dadku soo doortay, sharaf iyo karaamo ayay leeyihiin."
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

”Sifudud Oo Aad Lacagta U Keed san Karto Adigoo...

$
0
0


Hadaba waxa idin soo aruurinay 10 siyaabood oo qof walbe lacagtiisa ku ilaashan karo asagoon ka baahneyn.
1. Iska Bixi Deynta
Hadaad isku dayeysid inaad lacag keydsatid balse deyn badan aad dad ama bank ka qabtid taasi wey kugu adkaneysa. Hadaba waqti isa sii aad ku bixisid deymaha marka hore, markad iska dhameysid bilow inaad lacag keydsatid. Hadaadan aaminsaneyn fikradan waxad xisaabisa lacagtad deynta ku bixisid bil walba taasoo iskugu soo biyo shubaneysa inaad u shaqeysid deyn iska bixin oo kaliya.
2. Qoondeey Intaad Keydin Laheeyd Bil Kasta
Qiimo u xadid intaad keydin laheyd bil walba, ha ka dhigin lacag badan oo hadhow kugu adkaata inaad keydin weyso. Shan Dollar hadaad ka jarto raatibkaaga mar walba lacag qiimo weyn ayey noqoneysa sanadkii.
3. Nafta Qanci
Marnaba ha keydin lacag naftaada aad ugu baahantahay sida caafimaad ahaan ama cunto. Had iyo goor caafimaadkaga ka hor mari lacagtad rabtid inaad keydisid oo waxad yeelata dhakhtar khaas ah. Hadey suurta gal tahayna waxad u qoondeysa lacag caafimaadkaga aad meel u dhigtid.
4. Balwada iska Dhaaf
Balwadu waa mid gabagabeysa nafsada bani'aadanka hadaba hadaad balwad leedahay ka tasho saad iskaga dhaafi laheyd oo balwadu waxey kaa dhameysa lacagtada isla markana halis galisa caafimaadkaga.
5. Fasaxaga Guriga Ku Qaado
Hadaad fasax ka qaadatid shaqadada ha iska waalin oo magaaloyin kale ha u dalxiisin tasoo qarash badan kaga soo baxaayo. Waxa haboon inaad dalxiiskaga qoyskaga la qaadatid oo guriga iska joogtid saad u badbaadisid lacagta aad qarashgareyneysid.
6. Qarashgareey saad u Keydisid Lacagtaada
Tani waa mid aad u muhiim ah balse dadku badana aysan arkin, tusaali ahaan haduu nalalka guriga hadey yihin kuwo intaas kaa gubta waxad u yeerata qof ku xildheer si ay cilada u xaliyaan intaad mar walba lacag ka bixin laheed nal cusub. Hadaad leedahay baabuur intaas kaa xumaado ku tala gal inaad mid ka roon gadatid.
7. Cuntada Guriga Ka Cun
Cuntada guriga laga cuno waxey leedahay laba faa'ido, mid waa ay ka raqiisantahay tan banaanka labo waa ka caafimaad fiicantahay.
8. Lacagtada Bank Dhigo
Kulama aadan lacagtada faraha ku heyn kulama aadan qarashgareyn oo waad ka wahsaneysa ama waqtiga ku diidaya inaa doonatid. Hadaba lacagta oo bank la dhigtaa waxey kugu caweneysa inaadan wax badan ka isticmaalin.
9. Xisaabi Qarashkaga Sanadkii
Raasumaalkaga sanadki xisaabi si aad u ogaatid waxa maalayacaniga ah aad ku qarashgareysay lacagtaada, taasi waxey kugu caawineysa si aad uga feejignaatid mustaqbalka.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Boorsamiinta Filimka cusub Shahid Kapoor ee...

$
0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live