Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Nancy ayaa heshay abaal marinta Komla

$
0
0

Weriye Radio iyo Telefishin soo jeediye barnaamij telefishin dalka Uganda ayaa ku guulaysatay abaalmarinta BBC World News ee loogu magacdaray Komla Dumor.

Diini oo ka Haday Doorka Ciidamada Ethiopia

$
0
0

Shabaab oo Qabsatay Deegaano ka mid ah Kenya

$
0
0

Mudanayaasha baarlamanka oo maanta ka dooday dib...

$
0
0

Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2015'-ka.
Akhrinta Warbixinta dib u eegista Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2015 waxaa Xildhibaannada u hor yimid Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeto oo Xildhibaannada u sharaxay sababaha keenay in dib u eegis lagu sameeyo Miisaaniyadda dalka oo ay ugu waaweyn tahay ineysan fulin ballan qaadyadii deeqaha dhanka dibadda ee horey loo ballan qaaday sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in isku filnaansho dhaqaalle la helo oo la isku tashto.
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta Wasiirka Maalliyadda kadib bilaabay iney tallooyin ka dhiibtaay islamarkaana su'aallo ka weeydiiyaan Wasiirka warbixinta dib u eegista Miisaaniyadda dalka 2015 waxaana Xildhibaannada ay si gaar ah uga hadleen suurtagalnimada inaan la dhimin mushaaraadka shaqaallaha rayidka ah ee Dowladda iyo Ciidammada oo ay u cuskadeen inaanay noloshooda ku filneyn, sababaha keenay in dowladihii deeqaha siin jiray Soomaaliya ay joojiyaan deeqahooda, aragtiyanse waxey Xildhibaannadu ka sinnaayeen iney haboon tahay in la jaro ama la dhimo gunnooyinka siyaasiyiinta iyo lacagaha ku baxa adeegyada xafiisyada.
Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir guddoominayey ayaa gebagebadii tilmaamay in guddiga Maalliyadda lagu wareejinayo warbixintan si ay ugu soo daraan tallooyinka ay soo jeediyeen Xildhibaannada Baarlamaanka.
Sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka marka dhageysiga warbixinta laga gudbo oo u dhigan akhrinta koobaad ee hindise sharci ah waxaa lagu wareejinayaa guddiga Golaha Shacabka ugu qaabishan howshaasi oo iyagu kusoo dari doona tallooyinka la jeediyey waxaana guddiga Maalliyadda ay si gaar ah wadashaqeyn dhow arintan ugala yeelan doonaan Wasaaradda Maalliyadda.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ku Dhawaad 25 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka...

$
0
0

Iyadoo Axadii Mooshinkaasi loo gudbiyay Maxkamadda Sare Dalka, ayaa waxaa la sheegay inay dib kaga noqdeen 25 ka mid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka Somaliya, ee Mooshinka ka soo gudbisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay inay Mooshinka ka laabteen iyagoo 25 Xildhibaano ah, isla-markaana uu go'aankoodu noqday inay ka noqdaan Mooshinka."Anagoo 25 Xildhibaano ah waxaan ka laabanay Mooshinkii Madaxweynaha, waxaan go'aan ku gaarnay inaan la laabano go'aankii aan Mooshinka ku saxiixnay." Ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar.Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar oo galabta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya in Xildhibaanada Mooshinka ka keentay Madaxweynaha, ay isku ogaayen in kulan laga yeesho Mooshinka, ka hor inta aan la gudbin, laakiin ay Xildhibaano gaar ihi gudbiyen Mooshinka, iyadoo aan laga wada tashan."Mooshinkan muddo ayaan soo wadnay, waxaana Xildhibaanada isku ogayn ka hor inta aan Mooshinka la gudbin inaan kulan isugu nimaano, ka wada tashano qodobada lagu soo oogaayo Madaxweynaha, iyadoo aan nala gala tashan ayay Xildhibaano gaar ah Mooshinka gudbiyen. Maadaama ay sidaasi yeeleen anagoo 25 Xildhibaano ah, waxaan isku afgaranay inaan ka laabano." Ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Cali Cumar.Xildhibaanka, ayaa tibaaxay in yoolka Mooshinka laga lahaa uu ahaa in wax lagu saxo, hase ahaatee ay iyagu ka noqdeen, markii uu sheegay in lagala baalmaray Mooshinkaasi."Mooshinku wuxuu ujeedkiisu ahaa in wax lagu saxo, marka gees ayaa nala gala maray in wada tashi ka yeelano, sidaasi daradeed anagana waan ka laabanay." Ayuu yiri Xildhibaanka.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa dadaal badan ugu jira sidii Mooshinkaasi uu kaga hortaggi lahaa, ka hor inta aynaan Xildhibaanada Baarlamaanka wax dood ihi ka yeelan.Madaxweynuhu wuxuu ka carooday tallaabadii Guddoonka Sare Baarlamaanka, ay Mooshinkaasi kaga qabteen uguyaraan 93 ka mid ah Xildhibaanada, oo Mooshinka ku saxiixnaa.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub,...

$
0
0

Howlgal ay ciidamada Booliisku maanta ka sameeyeen xaafad ka mid ah degmada yaaqshiid ayaa lagu soo qabqabtay hub iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda UGUS.
Howlgalkan oo ahaa mid ay ciidamadu ku bartilmaameedsanayeen guri ku yaala xaafad ka mid ah degmada Yaaqshiid oo lagu diyaarin jiray qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayeey ciidamadu ku guueeysteen iney gacanta ku dhigaan hub, walxaha qarxa iyo dhagar qabayaal ka tirsan kooxda UGUS ee Alshabaab oo gurigaasi ku sugnaa.
Ciidamada oo waaberigii saaka howlgalka billaabay ayaa sidoo kale waxey gacanta ku soodhigeen haweeneey iyo laba nin oo ku sugnaa gurigaasi kuwaasoo la rumeysanyahay iney ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Shabaab.
Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xasan Afrax ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xog ay ka heleen dadka deegaanka ay u suurtagelisay ineey ciidamadu galaan guri ay maleeshiyaadka Shabaab ku diyaarin jireen walxaha qarxa iyo dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab.
"Howlgal ayaa ciidamadu waxa ay fuliyeen degmada Yaaqshiid waana arrin la dabasocday muddo sirdoonka booliiska iyo saldhigga Yaaqshiid howl ay wada sameeynayeen ayeey ahyeed, waxaa la helay warbixino ah in cadowgu ay maleegayaan shirqoollo, xalay saqdii dhexe ayeey ciidammadu howlgal ka sameeyeen goobtaasi waxaana laga qabtay walxaha qarxa iyo qalabkii laga sameeyn jiray qaraxyada, miinooyinkii bistooladihii dadka shacabka ah ay ku dilijireen dadkii guriga loogu yimid guriga waxaa la geeyay hoggaanka barista booliiska" ayuu yiri Jeneraal Muqtaar Xasan Afrax taliye ku xigeenka ciidanka booliiska.
Howlgalkan ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Nancy oo heshay abaalmarinta Komla

$
0
0

Weriye u dhalatay Uganda oo mar noqotay ganacsade, weriye Radio iyo Telefishin iyo soo jeediye barnaamij ah telefishin hadda ah, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta BBC World News ee loogu magacdaray Komla Dumor.
Nancy Kacungira, oo wararka ka tabisa teleshintka KTN ee Kenya ayaa laga soo xushay 200 oo codsi.
Waxay muddo sadex bilood ah joogi doontaa BBC London, waxayna BBC TV uga soo warami doontaa Africa, iyadoo sidoo kale diyaarin doonta warbixinno raadiye iyo qoraalka internet-ka ah.
Abaalmarinta ayaa loo aasaasay si loogu sharfo Komla Dumor, oo soo jeediye ka ahaa BBC World News oo si lama filaan ah u dhintay isagoo 41 jir ah.
Ms Kacungira ayaa tiri "aad baan ula yaabanahay, balse si xoog leh ugu faraxsanahay in ay guulaystay, sharaf bay ii tahay, waanan ku faraxsanahay in uu ku guulaystay abaalmarintan."
"in aan qayb ka noqdo sii wadidda wixii uu ka tagay Komla sharaf bay ii tahay, waxayna iila muuqataa wax riyo ku dhow. Dadaalkayga oo dhan baan galin doonaa sidii aan uga soo bixi lahaa abaalmarinta la igu aaminay, una xaqiijin lahaa in aan faa'iidada aan ka helo fursadan in ay meel iga wayn gaari doonto." ayay raacisay Ms Kacungira.
Vera Kwafkofi oo ah tifaftiraha barnaamijka wararka BBC Africa, oo ka mid ahayd Xaakimyada, ayaa sheegtay in Nancy ay tahay gabar weriye ah oo leh aqoon iyo khibrad durugsan oo markiiba aad dareemi karto.
Agaasimaha guud ee Wararka iyo barnaamijyada BBC, James Harding ayaa sheegay in markii Komla uu dhintay, ay qasaare xoog leh ay u ahayd BBC, Africa iyo dhamaanteenba.
"waan ku faraxsanahay in Nancy aan ka helnay in ay tahay weriye aad u jecel saxaafadda oo hibo u leh, way u qalantaa in ay ku guulaysatay abaalmarinta loogu magacdaray Komla." James Harding.
Nancy Kacungira
Nancy waxay ku soo kortay Uganda, waxayna gashay jaamacadda Makerere ee Kampala.
Muddo 14 sano ka badan ayay ka shaqaynaysa warbaahin kala duwan oo dalalka, Kenya, Uganda iyo Tanzania ku kala yaalla, waxayna haysataa shahaadada dhinaca master-ka ee isgaarsiinta oo ay ka qaadatay jaamacadda Leeds.
Waxay hadda wararka ka soo jeedisay barnaamijka Prime Time ee wararka maqribnimo ee KTN, halkaas oo ay sidoo kale ka tahay tifaftiraha wararka bulshada ee telefishinka.
Waxaa kaalimaha labaad galay Leila Dee Dougan oo ka Koonfur Africa u dhalatay iyo Paa Kwesi Asare oo Ghana ah.
Komla Dumor waxaa uu ahaa tabiye sare oo la yaab leh, una dhashay dalka Ghana, muddada kooban ee uu noolaa saamayn la yaab leh ayuu ku yeeshay Ghana, Africa iyo adduunka oo dhan.
Wuxuu matalayay Africa isku kalsoon, jecel internet-ka oo ganacsiga ku dhisan qatar qaadashada.
Intii uu saxaafadda ku jiray,wuxuu ahaa weriye sheegay sheekooyin soo jiidasho leh, Komla si nasasho la'aan ah ayuu uga shaqeeyay in wararka Africa ee aan horay loo maqan uu u soo gudbiyo dunida inteeda kale.
BBC ayaa u mahadcelinaysa Standard Chartered iyo hay'ado kale oo taageero ka gaystay abaalmarinta.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo: Sharciga cusub ee masar ee argagixisada

$
0
0

Nancy ayaa heshay abaal marinta Komla

$
0
0

Daawo yaabka: wiil Somali ah oo dabaal ku galay...

$
0
0

Wasiir Maxamed Farkeeti oo u Ol’oleynaya Sidii...

$
0
0

"Annaga (Soomaaliya) waxaa la inagu leeyahay deymo gaaraya 5.4 Bilyan oo doollar oo la qaatay xilligii dowladdii hore, dulsaar badana uu koray, waxaan u baahannahay deymahaas in la inaga cafiyo" ayuu yiri Wasiirka Maxamed Farkeeti oo sheegay in hay'adda IMF ay kala shaqeyneyso arrintaas haddii ay dowladdu marto hannaanka lagu gaaro in dal laga cafiyo deymo lagu leeyahay.
Sidoo kale IMF ayaa dowladda muqdisho kala shaqeyneysa in la xoojiyo qiimaha shilinka Soomaaliga oo muddooyinkii la soo dhaafay tayo ahaan iyo qiimo ahaanba hoos u dhac ku yimid.
"Waxyaabaha kale ee ay IMF naga saacidayso waxaa ka mid ah dib u qaabeynta shilinka Soomaaliga iyo horumarinta Bangiga Dhexe iyo hannaanka Maaliyadeed ee dalka" ayuu yiri mudane Farkeeti oo hadal ka jeediyay Gollaha Baarlamaanka.
Wasaarada Maaliyada ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ku howlanayd hagaajinta hannaanka Maaliyadeed iyo horumarinta kaabeyasha shaqaalaha, ayadoo la kaashanaysa hay'adaha caalamiga ah ee horumarinta iyo dowlado kale.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha: “Baarlamanka iyo Xukuumadda waa inay...

$
0
0

Muqdisho, 18 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyey hay'adaha dastuuriga ee dalka, sida Baarlamanka iyo Xukuumaddu in ay dardar geliyaan hawlaha ay Qaranka u hayaan.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ugu baaqey Xukuumaddu in ay kordhiso ka warqabka waxqabadka hay'adaha kala duwan ee dowladda iyo hay'adaha hoos yimaada, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan dhab ah.
"Waajibaad ayaa ina wada saaran, kaas oo ku saleysan inaan si hufan ugu adeegno Qaranka. Waxaan ugu baaqayaa Baarlamanka oo ah hay'adda sharci dejintu in uu de-dejiyo dhammeystirka shuruucda aasaasiga u ah hannaanka dowladnimada. Waxaa shuruucdaas ka mid ah shuruucda kala ah - ka hortagga musuqmaasuqa, maalgelinta shisheeye, isgaarsiinta, iyo qandaraasyada. Shuruucdaas dhammaantood waxay saldhig u yihiin hirgelinta nidaam hufan oo isla xisaabtan ku saleysan'', ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo sida ay dowladda uga go'an tahay hirgelinta nidaam hufan, dalka laga abuurey Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ay ku wada jiraan xubno ka socda dowladda, hay'adaha caalamiga ee Bankiga Adduunka (World Bank), Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB), kuwaas oo durba hawshoodu ay wax badan ka bedeshey nidaamka maamulka maaliyadda ee Soomaaliya.
"Waxaan Xukuumadda farayaa in la dardar geliyo hawlaha Guddiga Maamulka Maaliyadda, isla markaana la taageero dib u eegista guddigan ku sameynayo qandaraasyada dowladdu ay bixisey, iyada oo la raacayo nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, heshiiskii aan buuxin shuruudahaasina la mariyo sida sharcigu uu dhigayo''.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu sheegay in mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad dhisiddu uu yahay garsoorka, loona baahan yahay in Baarlamanku uu de-dejiyo dhammeystirka meel marinta shuruucda iyo dhismaha hay'adaha garsoorka ee dastuurka ku xusan oo dhan, sida Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqey warbaahintu in ay door waddaninimo ka cayaarto dadaallada dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada, lagana dhowrsado faafinta wararka horseedi kara amni darro iyo tafaraaruq shacabka soo dhex gala.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn si gaar ah u bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed oo mar walba ka damqada dhibaatada dalkooda uu ku jiro, isla markaana gacan ka geysta dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.-DHAMMAAD--

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kulan looga soo horjeeday mooshinka ka dhanka ah...

$
0
0

Kulan looga soo horjeedo mooshinkii dhawaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Jmahuuriyada Soomaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka lagu taageerayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana looga soo horjeeday mooshinka ka dhan ah Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha bulshada, faniin iyo mas'uuliyiin kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka ayaa sheegay in xilligan hay'adaha dowladda looga fadhiyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen samata bixinta bulshada Soomaaliyeed, oo aan loo baahneyn in xilligan laga shaqeeyo dib u dhac ku yimaada horumarka la hiigsanayo.
Axmed Xasan Yalaxow Guddoomiyaha degmada Shangaani oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in shacabka degmada ay yihiin dad jecel nabadda iyo dowladnimada, waxaana uu ku baaqay in loo istaago ka shaqeynta horumarka dalka.
Guddoomiye ku-xigeenka goboka Banaadir ee dhanka siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay inay gacmaha isqabsadaan oo ay la shaqeeyaan hay'adaha amniga.
"Xildhibaannadu waa Xilhdibaanno Qaran, waa Xildhibaanadeenii, inay shaqeeyaan xaq ayay u leeyihiin, laakiin waqtiga maanta la marayo iyo waaqaca jira iyada oo la fiiranayo, Qaranka in loo hiiliyo, oo loogu hiiliyo in Qaranku uu horumar oo la wada shaqeeyo, oo horay loo socda, waa wax muhiim ah oo meesha ku jira, dabcan waxaan is leeyahay ma kala go'i karno, waqtiga aan ku jirno waa waqti xaasaasi ah oo u baahan in si wada jir ah looga gudbo" ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda gobolka Banaadir.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Booliska Kenya oo soo bandhigay MAGACYADA 3 Ruux oo...

$
0
0

Nairobi (Sh M Network)--Booliska Dalka Kenya ayaa soo bandhigay magacyada iyo Sawirada 3 Ruux oo la sheegay in ay ka mid yihiin Ururka Al Shabaab kuwaasi oo Booliska Kenya ay ku sheegeen in Al Shabaab ay u qaabilsan yihiin qorista Dhalinyarada Kenyanka ah ee Shabaabka ku biira.
3-dan Ruux ayaa lagula magacaabaa Abdifatah Abubakar Ahmed, Ramadhan Hamisi Kufungwa iyo Axmed Iimaan Cali kuwaasi oo Saraakiisha Booliska Kennya ay ku tilmaameen in Dhalinyarada Kenyaanka ay u balanqaadaan lacago badan islamarkaana ku biiriya Al Shabaab.
Booliska Dowladda Kenya ayaa sheegay in 3dan Nin ay qeyb ka soo abaabuleen Weeraro khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dhaca Dalka Kenya iyagoona sidoo kale lagu eedeeyay in wax ka abaabuleen Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Xarunta Ganacsiga ee Westigate ee Magaalada Nairobi.
Cabdi Fitaax Abuukar waxaa ay Kenya sheegtay in uu Soomaaliya ka baxay 2008-dii markaas oo uu la shaqeynaayay Saalax Nabhaan oo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku dileen Degmada Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose.
Kenya ayaa dhawaan sheegtay dhalinyarada dalkaasi u dhashay maalin waliba sideed saacadood oo ka mid ah inay waqti ku bixiyaan booqashada iyo isticmaalka Websiteyada lagu soo qoro wararka la xiriira Argagixisada.
Ugu dambeyn soo bandhista Raggan la sheqeeya Al Shabaab ayaa ku soo aadeysa Xili dhawaan Ciidamada Booliska Dalka Kenya ay gacanta ku dhigeen 3 Ruux oo Haween ah kuwaasi oo doonayay in ay ka gudbaan Xadka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay ugu biiraan Al Shabaab.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Salaadiin Taageeray Masuuliyiinta Dawladda Hoose Ee...

$
0
0

Hargeysa(Somaliland.Org):- Salaadiin,Cuqaal iyo wax garad ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Maroodijeex ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ay si wanaagsan oo guud ahaan horumarinta Caasimadda Hargeysa ah in ay u shaqayso waxaanay intaa ku dareen in Maayarka iyo Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ay si wacan uga wada shaqeeyaan horumarinta Caasimadda Hargeysa isla markaana degmooyinka Caasimadda oo dhan ay si siman wax ugu wada qabtaan.
Madaxdhaqameedka Gobolka Maroodijeex waxaa kale oo ay meesha ka saareen in ay caasimaddu u baahan tahay laba Maayar taasoo ay hore u soo jeediyeen Madaxdhaqameed Maayarka Caasimadda eedayn u soo jeediyay.
"Waxanu Taageersannahay sida wanaagsan ee ay u shaqaynayaan Masuuliyiint Dawladda Hoose ee Hargeys iyo horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen waxaanan taageersanahay hannaanka Maayerka kaliya iyo kuxigeenkiisa. Hadalkii xalay(Habeen hore) ee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir hadal sax ah ayuu ahaa waanu ku taageersanahay,waxaanu maqlaynay madaxdhaqameed yidhi magaaladu laba Maayar ayay u baahan tahay waxaanu leenahay taasi wax suura gal ah maaha waa arrin dadka lagu kala qaybinayo oo xumaan abuuraya Hargeysina Maayer labaad uma baahna. Waxaanan leenahay hadalada noocaas ah ee dalka iyo dadkaba dibin daabyada ku ah halaga daayo." Sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah waxgaradka degmada Axmed Dhagax.
Waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Oday Maxamuud Aadan Gaas oo ka mid ah wax garadka iyo odayaasha Hargeya. "Waddan waliba wuxuu leeyahay Madaxweyne qudha, wuxuu leeyay wasiir qudha oo daakhiliya,caasimad kaliya ayuu leeyahay,caasimaddu maayer qudha ayay leedahay oo xukuma. Maayer ku-xigeenbay leedahay xoghaye ayay leedahay. Waa nidaam dawliya oo caalamka ka jira oo ummad waliba ku dhaqanto. Cidda tidhi caasimaddu laba Maayer ha yeelatona wax sax ah kumay hadal wax nidaam dawladeed ahna maaha waxaasi."
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax,Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi iyo Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale ayaa dhammaantood hoosta ka xariiqay in ay qalad tahay in caasimadda la yidhaahdo laba Maayar ha loo sameeyo taasoo ay ku sheegeen in ay dadka kala qaybinayso.
Ugu horrayn Suldaan Barre oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa hadaladiisii ka mid ahaa."Madaxweynaha Somaliland nin aanu ku doorsanaynaa ma jiro,Daakhiliga cid aanu ku doorsanaynaa ma jirto Dawladda Hoose inamada dhalinyarrada ah ee noo jooga cid aanu ku doorsanaynaa ma jirto si wanaagsan ayay wax u wadaan cid aanu ku doorsanaynaana ma jirro dawladda maanta talada dalka haysa hadday mid sare tahay iyo hadday mid hoose tahayba."ayuu yidhi Suldaan Barre.
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi ayaa isna intaa ku daray. " Xubnaha fulinta ee Dawladda Hoose sida Maayarka,Maayar ku-xigeenka iyo Xoghayaha waa nima aanu u hayno ixtiraam fara badan waa niman shaqadooda ka adag sida aanu u aragno waa niman aanu ku qiimaynayno siday bulshada ula nool yihiin,ninka leh caasimadda haloo sameeyo laba Maayer waa nin doonaya nabad gelyo darro oo shacabka Somaliland khal khal galinaya."
Ugu dambayn waxaa shirkaa jaraa'id ee salaadiinta iyo waxgaradka soo gunaanaday Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxaana hadaladiisii ka kid ahaa. "Magaaladan Hargeysa waa magaalo ninka lugeeyaa uu afarta jihaba lug kaga bixi karayo,caasimado waawayn oo dunida ku yaalla oo maalin dhan galinkeed la socdo ayaa Maayer qudha leh,magaaladan qofka lugeeyaa isaga wada gudbi karayo Maayero badan haloo sameeyo wax suuraga maaha wax qof wanaag wadaa uu ku taliyona maaha,waxaana la yidhi hadday kuugtu badato Maraqa ayaa xumaadda." Hadalka salaadiinta iyo waxgaradka Degmada Axmed Dhagax ayaa jawaab u ahaa hadalo hore uga soo yeedhay qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Hargeysa oo soo jeediyay in caasimadda loo sameeyo Maayarro badan.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Arday Jaamacado Kaga Jira Turkiga Oo Shahaado Siiyay...

$
0
0

Hargeysa(Somaliland.Org):- Ardayda reer Somaliland ee deeqaha waxbarasho ka helay dalka Turkiga, ayaa maanta shahaado sharaf ay ku maamuusayaan guddoonsiiyay wasiirka maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Ardaydan oo isugu jira kuwo ay u soo dhamaatay waxbarashada heerka jaamacadeed iyo qaybo ay wax yari u hadhsan yihiin, waxaanay wasiirka maaliyadda ku amaaneen doorkii wanaagsanaa ee ay ku lahayd fursadahan waxbarasho ee bilaashka ee ay ka heleen dawlada Turkiga. Xiligii ay wasiirka ka ahayd wasaarada Waxbarashada iyo sidoo kale dedaalkii arrin iyo aduunba lahaa ee ay isla garab joogtay.
Sidoo kale Ardaydani waxay ku amaaneen wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan sidii ay marwalba uga warhaysay intii ay ku sugnaayeen dalka Turkiga, gaar ahaan wakhtiyadii ay ku cusbaayeen dalkaasi Turkiga oo ah taariikh aanay marnaba alaawi doonin.
Cabdicasiis Sheekh Maxamed Cabdillaahi, oo ah guddoomiyaha ururka ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Turkiga
oo isagu ka hadlay xafladaasi wasiirka lagu guddoonsiiyay shahaadada oo ka qabsoontay xarunta wasaarada maaliyada ayaa si gaar ah ugu amaanay wasiirka sida ay marwalba xidhiidhka ula lahayd ardayda khaasatan xiliyada lagu jiro xusaska18 May.
Waxaanu sheegay in ardaydaas oo dhawr iyo afartan ahayd ay dhamaantood xejisteen waxbarashadaa bilaashka ah, dedaalkaa qarankoodu geliyayna aanay ilaawaynin, wasiir Samsam iyo cid kasta oo wax kala qabatay arrintaasina ay abaal ugu hayaan, iyaguna ay noqon doonaan kuwo abaalkaasi gudda.
Wasiirka maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ardayda uga mahad celisay shahaado sharaftan ay gudoonsiiyeen. Waxaanay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in midhihii ay beertay wakhtiigii ay wasiirka waxbarashada ahayd inay maanta aragto.
"Dalkeenu baahi weyn ayuu u qabaa guud ahaan waxbarashada qaybaheeda kala duwan, waxaan is leeyahay guushaa ardayda waxa u sabab ahayd.
Ardaydda waxaa lagu xulay sidii ay u kala sarreeyeen imtixaanka shahaadiga ah, may ahayn qabiil, may ahan qof jeclaysi iyo wax kale toona, ee waxay ahayd sidii ay u kala sarreeyeen ardaydu, waxaana tagay intii ILLAAHAY u calfay.
Sababta aad ula qabsateen dalka Turkiga iyo ardayda kale ee ajaanibka ah waa aqoontaa la idinku soo xulay, waxaanan idiin rejaynayaa in aqoontiina aad dadka uga faa'iidaysaan."
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xildhibaan Komishanka Ku Ammaanay Socdaalkii Ay Ku...

$
0
0

Hargeysa(Somaliland.Org)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku ammaanay Komishanka doorashooyinka qaranka socdaalkii ay dhawaan ku tageen gobolada bariga Somaliland, gaar ahaana bariga gobolka Sanaag.
Xildhibaan Xamuud oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Komishanka doorashooyinku yahay kii u horeeyay ee gaadha deegaamadda bariga gobolka Sanaag isla markaana ay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo.
"Komishanka doorashooyinku dhawaan waxay u baxeen socdaal ay ku tageen gobollada bari ee dalka, gaar ahaan bariga Sanaag, arrintaasina in badan ayay jiitamaysay, dedaal badan oo la sameeyay marna ma qabsoomin, waxaana aan leeyahay aad ayaad u dadaasheen Komishanka doorashooyinka haddii aad tihiin, wax weyn ayaad qabateen waanad ku amaanan tihiin."
"Shacabka ku dhaqan bariga Sanaagna waxa aan leeyahay fartiina yaan subag dambe lagu dhuuqin ee waa inay ka qayb galaan doorashooyinka soo socda oo ay qaataan kaadhka dhalashada, waa muhiim, waana Komishankii doorashooyinka ee Somaliland ee ugu horeeyay ee taga bariga Sanaag.
Madaxweynuhuna hore ayuu u tagay markaa waxa aan is leeyahay caqabadii deegaamada taallay waa laga gudbay," ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.'
Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay hay'adaha dalka ka hawlgala inay gadhaan bariga Sanaag, waxaana uu yidhi "Hay'adaha isku soo koobay halkan ee dalkii kala qaybiyay iyana waxa aan ku boorinayaa inay tagaan bariga Sanaag. Dadkuna wuu soo dhawaynayaa oo way danaynayaan hay'adaha oo inay helaan xaqoodii iyo xuquuqdoodii."
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirka Warfaafinta Oo Baaq u Diray Shacbiga Reer...

$
0
0

Hargeysa(Somaliland.Org):- Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa uga digay dawladda taagta daran ee Soomaaliya inay soo farro-geliso deegaamo ka mid ah dhulka Somaliland.
Wasiir Cukuse oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa waxa uu soo dhaweeyay sidii diiranayd ee magaaladda Buuhoodle loogu soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo halkaasi u tegay hawlo shaqo.
Waxaanu ku eedeeyay dawladda Muqdisho inay colaad ka hurinayaan magaaladda Buuhoodle. waxaanu yidhi "Waxaan hambalyo u diraynaa shacabka iyo waxgaradka reer Buuhoodle ee sida wacan u soo dhaweeyay Wasiirka caafimaadka, oo halkaa u tagay hawlo nabadgalyo iyo mid shaqo. Waxaan doonayaa in mawqifka Somaliland caddayno ee nabadgalyada deegaankaas dhismaha shacabkaas gobolka Buuhoodle waxa uu ka mid yahay Jamhuriyadda Somaliland guud ahaana waxa aynu wada jirkeena iyo umaddnimadeena iyo dawladnimadeena u dhisanahay in horumarka ka samayno deegaamada dalkeenna."
Waxaanu intaasi ku daray "Deegaankaasi waxa uu marayaa meel wanaagsan oo dadku u soo jeestay oo fahmay dhibaato ay leedahay nabadgalyo daradu waxa aanu ka xun nahay shacbigaasi marka wax u kordhaanba ka xun ee duulimaadka ku soo qaadaya ee dayuuradaha ku soo daabulaya saanada milateri, ee maalinta ay ugu ekaato Buuhoodle meel nabada.
Dawladda Soomaaliya xukuumadeeda iyo maamulka Muqdisho waxa aan uga digaynaa in wax kastoo xumaana xagayaga reeban tahay oo gudihiina ayaa u baahan in nabadiina ka shaqaysaan in aad faraha kala baxdaan Somaliland iyo dadkeeda iyo deegaanka Buuhoodle ee maanta nabada heshay" ayuu yidhi wasiir Cukuse.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Doorashadda Annaga Ayaa ka Qabanay Sool,...

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in mudaneyaasha laga soo doortay gobolka Sool aanay diidanayn inay ka qayb-galaan doorashadda Baarlamaanka dalka ka dhacaysa, waxaanu tilmaamay inay soo dhaweynaynayaan go'aankii shalay Maxkamadda sare ka soo saartay khilaafkii muddo kordhinta Golaha Guurtida.
Baashe Maxamed Faarax oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta Baarlamaanka waxa kale oo uu soo jeediyay in qodobbada Dastuurka Somaliland ah la furo si muranka saami qaybsiga ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada xal loogu helo.
"Mar haddii Maxkamaddii dastooriga ahayd go'aan soo saartay, waa in aynu ku wada dhaqanaa oo u hoggaansanaa, sidaasaynu dawlad ku noqonaynaa iskuna maqlaynaa, markaa aad baanu ugu faraxsan nahay go'aankaa inay rido oo maanta (shalay) uu dhamaado," ayuu yidhi Mudane Baashe Maxamed Faarax.
Guddooyine ku xigeenku waxa kele oo uu intaa ku darya "Maalmahan waxaan TV-yada ka maqlayay Xildhibaanada reer Sool waxay diidan yihiin doorasho inay dhacdo, sidaad wada ogtihiin markii doorashaddii Golaha Wakiiladu dhacaysay Sool waxa haysatay Puntland iyo Laasacaanood, doorashana kamay dhaci Karin oo maamul baa haystay, markaa doorashadu sidaasay uga dhici weyday, waad ogaydeen golihii deegaanka inuu ku xigay doorasho, tii Baarlamaanka, golaha deegaanka Laasacaanood waxa fadhiya gole deegaan oo la soo doortay oo doorasho ku yimid, annagaana ka hirgelinay inay doorashadaasi ka dhacdo, cid Xildhibaan ah oo diidi kartaa doorasho ma jirto oo dhulka qaarkii Xukuumadda waxa looga baahan yahay inay nabaddgelyada sugto, annagana waxa nalooga baahan yahay dadkayaga in aanu diiwaan-gelino oo doorasho xor ah oo xalaal ah galno." ayuu yidhi Guddoomiye Baashe,isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi "Aad ayaanu uga xun nahay oo waa gobollo muhiim ah, waxaanu xalku ku jiraa inaynu is qancinno, Xeerkani wuxuu ku jiraa ajandaha, ajandahana wuxuu ugu jiraa maaha in berri ama saadambe la soo dhigayo ee Xeerka qodobka ugu horeeya iyo ka ugu dambeeya ee kolba kii diyaar ah ayaa la soo dhigaa golaha. Xeerkan in wakhti hore la bilaabo ayuu ahaa, waxaanse soo jeedinayaa in la furo Dastuurka, in laba ama saddex qoddob la furo ayaan tallo ku soo jeedinayaa, furistiisa waa in saddexda gole ku heshiiyaan, haddaanaay ku heshiinna lama furi karo, markaa waxaan soo jeedin lahaa in tirada Xildhibaanada golaha in la kordhiyo, laba Madaxweyne ku xigeen in dalka loo sameeyo, qodobka saddexaad ee doorashada ee mar kasta dhibaatada innagu haya, waxa weeyaan ka Dastuurka ah ee doorashada dib u dhacday qodobkaasna in la bedelo."
Dhinaca kale Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in Buuhoodle ay ka mid tahay deegaanada Somaliland, waxaanu yidhi "Sida aynu ognahay maalin hore waxay u muuqatay in Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya dawooyin siinayay Cali Khaliif, wax kasta ha noqotee Buuhoodle waxay ka mid tahay Somaliland oo hadda Wasiir baa la diray, masuuliyaduna waxay saaran tahay Xukuumadda Somaliland oo inay xuduudaha iyo dalka inay isku hayso iyagaa masuuliyadu saaran tahay, Buuhoodle waad wada ogtihiin, Buuhoodle waa meel aan maamul ka dhisnayn. Waxa wada jooga dawladdo badan ayaa wada degan, markaa qof kaligii soconayaa waxba kama bedeli karo, reer Hargeysa TV-yada ayay daawadaane waxa jooga Puntland oo aan qarsoonayn, waxa jooga Khaatumo qolada isku magacowday, waxa, markaa rag dawladdo wada sheegayaana ayaa meesha jooga." ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Guddida Mus-dambeedka WADDANI Oo Ku Hanjabtay Inay...

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda, kana tirsan Guddi beeleedka Musdambeedka WADDANI ee jaan-goysa siyaasadda xisbigaas, ayaa ku hanjabay in ay wargeyska DAWAN ka hor istaagi doonaan miisaaniyadda dawladda ee laga ansixiyo aqalka Wakiiladda.
Xildhibaan Xoog oo maalintii Isniintii warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka jawaabay war ku soo baxay wargeyska DAWAN cadadkiisii 3384 oo ku saabsanaa Xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in aanu ka mid ahayn musdanbeedka xisbigaas oo dhammaantood ka soo jeeda beesha galbeedka Burco.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka gubtay war uu wargeyska DAWAN qoray, waxa uu yidhi "Joornaalkaa aan gacanta ku hayaa waa joornaalkii afka xukuumadda ku hadlayay oo maalin walba weerara Golaha Wakiiladda, waa ayaan darro in qabyaalad cad lagu soo qoro wargeyska DAWAN, oo aad moodo in si gaar ah loogu siiyay mashruuc inuu dadka u kala fur-furo qabaa'il."
Xildhibaanku waxa uu sheegay inay xisbi ahaan hor istaagi doonaan miisaaniyadda wargeyska, waxaanu yidhi "Waxay qoreen cadadki i 3384 ee wargeyska DAWAN, ee soo baxay Isniintii waxa uu igu sheegayaa in aan ahay xildhibaan ka soo jeeda beesha galbeedka Burco, anigu meesha aan galbeedka Burco ku noqday ee aan uga soo jeedo isaga ayaa sheegi. Ma qabaa'il baynu ku noqonaa oo waynu ku kala tagnaa meesha, mise afkan ayay bedali doontaa DAWAN, waxa aan leeyahay anigu galbeedka Burco kama soo jeedo meeshana qabaa'il kuma fadhinee xisbi WADDANI la yidhaahdo ayaan ka tirsan nahay, haddii qabaa'il uu ku celiyay meeshii waa cida wax lagaga qaadaa. Sayidoow (Guddoomiyaha DAWAN) maalin walba ku soo qor DAWAN in galbeedka Burco aan ka soo jeedo in aan galbeedka Burco noqdo iyo in aan Hargeysa noqdo, labadeena ayaa is arki doona, Miisaaniyad dambe oo aad Golaha Wakiiladda ka qaadaysaa ma jirto haddii aanu nahay xisbiga WADDANI waanu daadifaynaynaa miisaaniyadda DAWAN."
"Aniga oo layga soo doortay magaaladda Hargeysa ayuu leeyahay xildhibaanada ka soo jeeda mus-danbeedka WADDANI anigu halka aan galbeedka Burco ku noqday adigaa sheegi ee aad Burco ii gayseen waxa ay qoreen gudida mus-danbeedka WADDANI oo walaac ka muujiyay furfurka xisbiga WADDANI haddii adiga Sayidoow furfurka WADDANI lacag lagugu soo siiyay oo aad mashruuc ku qaadatay xisigayaga intan wuu ka xoog weyn yahay," ayuu yidhi Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac Xoog.
Xildhibaankan oo laga soo doortay Gobolka Maroodi-jeex, waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, waxaanu ahaa xubintii damiirkiisu siiyay ee loo adeegsaday inuu baastoolad ku qabto shirgudoonka iyo Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ee uu maanta difaacayo.XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN