Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shirkii Sharma Sheekh ee Madaxda Carabta oo soo dhamaaday iyo Warmurtiyeed Soomaalida ku saabsan oo ka soo baxay

$
0
0

Shirkii ka socday magaalada loo tamashlaha tago ee Sharma Sheekh ayna ku kulansanaayeen madaxda Carabta ayaa la soo gunaanaday waxaana Shirkaas oo uu Soomaalida u metelayay Madaxweynaha Soomaaliya ka soo baxay war-murtiyeed ku wajahan Soomaalida.

War-murtiyeedka oo meela badan tabanayay ayaa waxaa waxyaabihii ku xusnaa ka mid ahaa in "hiil iyo hoo" intaba lala garab istaago dowlada Soomaaliya iyo in laga hortago kooxaha ay ku tilmaameen argagixiyayaasha ee dunida Carbeed iyo caalamka kaleba ku sugan

Dib u soo celingta nabadda iyo kala dambeynta Soomaalida in gacan weyn laga siiyo dowlada Soomaaliya ayaa ka mid ahaa waxyaabihii shirkaas ka soo baxay islamarkaana ku qornaa War-murtiyeedka Madaxda Carabta ka soo baxay.

Shariif, Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkaas khudbad dheer ka jeediyay ayaa madaxdii Carbeed ee halkaas isugu timid uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadii ay jireen waaba haddii wax la taaban karo ay u qabsoomeene wuxuuna ka dalbaday in ay ku garabgalaan dadaalada ay dowladiisu dalka dib ugu soo yabyabeyso gaar ahaan dib u dhiska iyo nabadda.

Marka laga soo tago baaqyada iyo taageerooyinka warqadaha iyo afka uun ku siman wax la taaban karo oo kaalmo ah dowlada Soomaalidu kama helin Jaamacadda Carabta ee ay Soomaaliduna xubinta ka tahay.

halgankanet@gmail.com


Sawirka Maanta: Xeebta Xarardheere

$
0
0

Muuqaalka xeebta Xarardheere. Badda uu ilaaheyku maneysay dalka Somalida

Dagaalo qaraar oo xalay ka dhacay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho iyo khasaaro ka soo gaaray shacabka

$
0
0

Waxaa sii kodhaya qasaaraha ka dhashay dagaalo iyo duqeymo xalay ka dhacay degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerareen fariisimo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin xaafado ku yaala degmada Boondheere, iyadoo dagaalka xoogihiisu uu ka dhacay Isgoyska Boondheere, aga gaarka wasaaradda arimaha gudaha ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo uu san cadayn qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamay ayaa hadana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ay ahaayeen dad rayid ah oo madaafiicda ay is weedaarsanayeen labada dhinac ay ku haleeshay qeybo ka mid ah xaafadahooda.

Xaaladda xafadaha degmada Boondheere oo ay ku dagaalameen Al Shabaab iyo dowladda KMG ayaa saakay degan, waxaana wali la maqlayaa rasaas teel teel ah iyo madaafiic is bar bar socda oo ay is ku ridayaan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay oo wali isku horfadhiya goobihii ay ku dagaalameen

Ciidamada dowladda KMG ah ee gobolka hiiraan oo dhexdooda iska dagaalay

$
0
0

2 askri ayaa kudhimatay, 3 kelana way kudhaawacmeen iskahor imaad kadhex dhacay ciidamo kawada tirsan DKMG ee kusugan Jawiil (kalabeyr) . Iskudhacaan ayaa imaanaya kadib markii dhinac uu iskudayay in uu kala wereego bar kontorool oo ey ku lahaayeen kalabayr dhinaca kele oo katirsan dowlada KMG ah.


Goobjooge diiday in magaciisa la sheego oo la hadlayey qaar kamid ah saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in daraawalada ay bixin jireen lacago baad ah kuwaas oo aysan awoodin.


Xilaagaa dagaalka uu socday ayaa goobta waxaa kusugnaa tiro geel ah, oo loowaday suuqa xoolaha, lama cadayn tirada kudhimatay.
Labada dhinac midna macadaynin sababta keentay dagaalka, waxaana lasheegay in wadahal kadib dagaalkii uu qaboobabay.


Ma ah markii ugu horreysay ee ciidamada dowladu dhexdooda ka dagaalaaan iyagoo dhowr mar oo hore iska dilay qaar iyaga kamida ah

Sawirka Maanta: Awr raran duleedka Hargeysa

Dagaal ka socda magaalada Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan lix qof, ayaa ku dhintay dagaal ilaa xalay ka socday magaalada Muqdisho.Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xoogaga al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen Muqdisho.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xoogaga al-Shabaab ay weeraro ku
qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen
xaafadaha Boondheer iyo Cabdul-casiis.

Dagaalka fool-ka-foolka ah, ayaa goos goos ah, balse duqayn aan kala go' lahayn ay socoto ilaa hadda.

Duqaynta ayaa wararku sheegayaan in uu keenay in uu xirmo suuqii labaad ee ugu waynaa magaalada ee Suuq-Bacaad.

Dadka dhintay ayaa ah inta badan rayid ay madaafiicdu guryahooda ugu tageen.

 

Sheekh Mustafa X. Ismaciil - Qisadii Salmaan Al-faaris ee Kheyr doonka Part 2 - 6

Sheekh Mustafa X. Ismaciil - Qisadii Salmaan Al-faaris ee Kheyr doonka part 3 - 6


Sheekh Mustafa X. Ismaciil - Qisadii Salmaan Al-faaris ee Kheyr doonka part 4 - 6

Sheekh Mustafa X. Ismaciil - Qisadii Salmaan Al-faaris ee Kheyr doonka part 5 - 6

Sheekh Mustafa X. Ismaciil - Qisadii Salmaan Al-faaris ee Kheyr doonka part 6 - 6

Ciidamada Dowladda KMG ah oo howlgalo ka wada degmada Waaberi kadib qarax lagu beegsaday halkaasi

$
0
0

Ciidamada dowlada KMG ah ayaa saaka howlgalo aad u ballaaran ka wada Degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ka dib qarax xalay halkaas ciidamada lagula eegtay fariisimo wadada maka almukarama ay ku leeyihiin  Ciidamada.

Saaka ayaa xaafadaha Degmada Waabari waxaa gudaha u galay ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan dowlada kuwaas oo baaritaano ku sameeyay guryaha ay degan yihiin dadka shacabka ah waxaana lagu soo waramay in ciidamada ay dad badan arintaas u qabteen.

Gawaarida dagaalka ayaa la arkayay oo ku sugan gudaha xaafadahaas kuwaas oo qeyb ka ah baaritaanka ciidamada dowlada ay ku hayaan qeybo ka mid ah Degmada Waabari oo ah xaafadaha ugu qaraxyada badan Caasimada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada  xaafadaha waabari ay ka aruuriyeen dhalinyaro farabadan oo ka mid ah dadka deegaanka kuwaas oo ay u dhaadhiciyeen Xarunta danbi barista ee CID-da waxaana jira cabasho dadka ay muujinayaan.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha amaanka ee dowlada KMG ah oo ku aadan baaritaanka ciidamada dowlada ay ka sameeyeen degmada Waabari ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah degmooyinka ay maamusho TFG.

Roobab ka da'ay qeybo ka mid ah gobolka Gedo iyo dadka oo ku diirsaday

$
0
0

Roobab lagu diirsaday balse aan waqti badan socon ayaa ka da'ay qeybo ka mid ah gobolka Gedo waxaana raxmadan Alle ku farxay dadka ku dhaqan deegaanka oo in mudo ah abaaro iyo harraad la ildarnaa.

Roobabkan ayaa da'ay xili dad iyo xoolaba ay la ildaraayeen abaaro baahsan oo guud ahaan dalka Soomaaliya si safmar ah u saameeyay gaar ahaan gobolka Galgaduud oo xoolo iyo dadba ay abaarahan dartood aad ugu liiteen.

halgankanet@gmail.com

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka doodaya sharci ku saabsan Burcad badeeda Soomaalida

$
0
0

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka doodaya sharci si gaar ah u quseeya Burcad badeeda Soomaalida ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ka qowleysata.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa doonaya in ay soo jeediyaan soo saarida sharci iyo go'aano ka dhan ah Burcad Badeeda iyo xeer ciqaabeed gudaha dalka Soomaaliya lagu tacaalayo kooxahan burcad badeeda ah ee dalka iyo dunida kaleba dhibaatada ku haya.

Dooda Baarlamaanka ayaa daba socota warbixin uu wasiirka garsoorka Soomaalidu xildhibaanada ka siiyay arrimaha Burcad Bádeeda waxaana la filayaa in doodu waa halkeeda marka dambe xildhibaano xeer lagu xakameynayo Burcad badeeda soo saaraan.

halgankanet@gmail.com

Maamulka Puntland; "Xubanaha Dowladda Federaalku ma imaan karaan Puntland mana ka soo degi karaan Garoomadeena"

$
0
0

Maamulka Puntalnd ayaa ku dhawaaqay in shaqsi ka tirsan Golayaasha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed aysan imaan karin Puntland islamarkaana aysan isticmalai karin garoonada Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka hadlay amaro ay soo saareen maamulkooda waxaana hadaladiisi ka mid ahaa; "Waxaynu soo saarnay awaamiir ku saabsan go'aankii aan dhowaan qaadanay, xubnaha DFKMG ahi ma isticmaali karaan garoomadeena maba imaan karaan deegaanada Puntland. Amarkaas dhamaan madaxda garoomada, degmooyinka iyo gobolada dalka waanu ogeysiinay".

Hadalkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa u muuqda mid aad u sii adkeynaya amarkii ay horay u soo saareen ee la xiriiray dib uga laabashada wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif.

halgankanet@gmail.com


Fikrad: Soomaaliya: Dal Dad waayey! by: Bashiir M. Xersi

$
0
0

Dabayaaqadii sanadkii 2009-ka ayaan qoray qormo aan ugu magac daray:”
Somalia: Wadankii Adduunku Dayacay!.”, oon ku muujiyey sida dunidu uga
sii jeesatay Soomaaliya, kuna tusaaleeyey sida Soomaaliya looga
dheeliyey, Anoo ku xusay faragalintii loogu magac daray:”Rajo soo
celinta”, markii dambase ku idlaatay fashal iyo fiidgurasho, qormadaa oo
ku salaysnayd dhacdooyin markaa si xawli ah uga socday wadanka walina
taagan, ayaa aqriste farriin iiga soo celiyey yirina: “wadankii dadkiisa
dayacay”,  hubaal inay ahayd aragti bisil, balaan maanta la jeexjeexo
aqristaha aragtidaa.
Buug ayaa magaciisu ahaa:”Dad dad waayey iyo duni damiir beeshay”, uuna
qoray: Maxamed Daahir Afrax, buuggan oo daabacaddiisu hore ay soo baxday
sanadkii 2002-dii, ayaa lagu soo bandhigay shirkii Kenya ka dhacay
sanadkii 2004-tii, abkay qabqable qulaantay ka yeersheen waa loo wada
jeegay, shaw taasi waxay muujinaysay xogta uu buuggu xambaarsanaa, mise
Xabashida ayaa sidaa fartay, siday tahayba hubaal in falcelintaasi
buugga ugu filnayd maamuus, ugu yaraan inuu ku helay shacbiyadda
dadweynaha.
Dumustii dawladda ka dib Burburkii dalka ka dhacay, waxaad mooddaa inaan
qofna ka badbaadin, dhan walbana saameeyey, sida ku muuqata dhacdooyin
maalimeedka, ama ka muuqata habdhaqan maalmeedka dadka, yaraantaydii
waxaan maqli jiray araah dhahaysa: “Yuhuuddu waa Dad aan Dal lahayn,
Falastiinna waa Dal aan Dad lahayn”, hubaal in arartu ku baxday
habdhaqanka labada umad, ee aan midna la dhalan tilmaamta lagu suntay,
haddaanse isku eegno aragtidaa maanta Inaga Soomaali ah ayaa ku
sifaysnayn.
Maanta xaalka dalku ku sugan yahay maarkaad eegto, waxaa kuu caddaan in
oraahdaasi Anaga na qusayso, haba loo baxsho dad naga fog oon deegaan
iyo duggaal midna wadaagin, haddana mar walba waxaa muhim ah iswaafaqa
dabeecadaha iyo dayaca jira, isma dhaamin jaahil aqqoonyahan, kali iyo
wadar, rag iyo dumar, yar iyo weyn, muruqmaal iyo maalleey, wadaad iyo
waranle, beelo iyo ururro, dhammaan waxaa dubbaha loo wada qaatay sidii
loo dumin lahaa dalka, bililiqadii iyo boobkii dhacay waxaa ka dhashay
bernaan iyo baabnaan.
Qormadu kuma ekaan doonto tilmaam guud, waxaan isku dayeynaa inaan dadka
qaarkiis magacooda xusno, sidaa darted yaan loo qaadan in dadkaa dan
gaar ah laga leeyahay, sidaa waxaan u leeyahay qormada taxana ah ee:
Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey” ayaa dhaliilo iga soo gaareen,
aanse ku billaabo mudane: Cali Mahdi Maxamed, oo Isagu masuul ka ahaa
suntii lagu shubay xeebaha Soomaaliya walina lagu qubayo, heshiiskaas
dhagareed Isaga ayaa qalinka ku duugay, xilligii uu ahaa madaxweynaha
burburkii ka dib.
Suntaa dhibaatada ay u gaysan deegaanka bii’ada iyo noolaha(dadka iyo
xayawaanka) waan filaa inay tahay mid la wada dareemi karo, haddana si
xilkasnimo iyo xishoodnimo la’aan ah ayuu ugu dhaqaaqay falkaa, laguma
faquuqin inuu dadka sumeeyey ee waaba lala saftay, qabiil ahaan ayuu ku
helay taageero iyo tikniko, isla kuwa tagoognimada ugu tabarucay ayuu
dhibku taabanayaa, waxgarad la’aanta Soomaali haysta ayey qayb ka tahay
loomase garan sidaa.
Kaligii ma ahan ee liisku wuu dheeryahay, qabqablayaasha u adeega
xabashida ee hubka ka soo qaata, si ay u laayaan dad aan waxba galabsan
ama u burburiya hanti tacabkeeda lagu daalay, sida: Muuse Suudi, Maxamed
Dheere, Cumar Finish, Maxamed Qanyare, …. iyo guud ahaan bahdii
Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, dhammaan waxay ku midays naayeen
kaalidda Xabashida, si kale haddaan u dhoho waa xerta Xabashida.
C/laahi Yuusuf Isagu waxuuu koobka ku qaaday laynta dadka, ninba dhan u
badi waayoo, wixii qabqable wadanka soo maray nin ku gaara layn shacab
la waa, halkan yaanan illoobin saaxiibkiis Geeddi la soo gamay, malaha
kan dambe ayaaba uga dheereeyey guhaadka caynkaa ah, wuxuu yahayba waxaa
ayaandarro ah inay wali jiraan daduu shirshirinayo oo u xeraysan,
waxaaba ka sii daran inuu wali rajo ka qabo inuu Soomaaliya dib u
xukumo, way dhici kartaa oo dadkeenna ayaan aqaan, xildhibaan calooshi u
shaqaystaa shilimaad la siiyo diidi maayo, waxmagarad qabiil ku
taageeana waayi maayo.
Qabqalayaashu badan, aanse dhanka madaniyiinta bal jalleecno gaar ahaan
siyaasiyiinta, mid walba wuxuu wataa qandi aan buuxsamin, ayba u sii
dheer tahay dhabarjabin qorshe walba oo nabadeed, wax tar la’aan waxaa
ku caan baxay C/qaasim Salaad Xasan “xerameerte”, wuxuu horseed u ahaa
sicirbarkii “”Cabdi gaajo” loogu baxshay, walina aan dhammaan xilli uu
dhammaanayana aan la garanayn, mooraduu ootay ayuu ka dhex qayliyaa
wali, xigmad iyo xeelad la’aan, shisheeye eedayn ayuu hadalkiisa ku soo
ururshay, malaha wuxuu cuqdad u qabaa dunida qaarkeed, balse kuwii
kaashka kumanaanka ah siiyeyna ma la collaysan yahay?
Ganacsata xaaraan ku naaxayaasha ah, gafane iyo dhiig jaqayaasha ah, ee
dalka keena dawo iyo cunta dhacday, dabeedna dadka lacag qaali ah kaga
sii iibiya, waa laba dhib waa maroo nafci ma iibin, waa marka labaade
qarsh ayey ayey ku bedesheen, labada marbana waa dhib, daris ku
noolayaal aan diirnaxa lahayn dheh, hal kii shilin inuu shilimaad u
dhalo ayey rabaan, waxaaba ka sii daran qaarkood hantidii umadda ayey
isaga ganacsadaan, ayna u sii dheer tahay inayba qayb ka yihiin
colaaddan looa caal waayey, iyagoo waliba gargaarka dhibbnayaasha
suuqyada ku iibsada.
Ururada diimiga ah sida: Alshabaab iyo Ahlusunna laba waji oo hal lacagi
leedahay dheh, midka hore wuxuu ku xiran yahay ururweynaha Alqaacidda,
mana la gambado oo si cad ayuu u sheegaa, kan xiga wuxuu qandiga ugu
jiraa Xabashi, wuxuuna ka mid yahay warqadaha ay ku ciyaari doonta
marxaladaha soo socda, maadaama ay iyadu dhistay maalgalisay hubaysana,
masuulna ka ahayd shirkii Addis Ababa, dabcan fulintiisa iyo
dabajooggiisana xil ka saran yahay.
Wadaadada qayb ka mid ah waxay ku mashquulsan yihiin nijaaso iyo
naasnuujinta dadka waaweyn, qaar kale waxay ku mashquulsan yihiin laynta
dadka iyo cuuryaaminta dhallinyarada, qaar kale waxay ku mashquulsan
yihiin siday qayb uga heli lahaayeen kuraasta xukuumadda, qayb kale
waxay ku mashquulsan yihiin siyaaro iyo xadro, oo waxa dhacayaba war uma
hayaan, shaw caalam kale ayey ku nool yihiin, qaar kale waxay ku
mashquulsan yihiin dhalanraggo dhallinta iyo dhaayotirkooda, qaar kale
waxay ku mashquulsan yihiin argagixiso ururin iyo siday arlada ugu aasi
lahaayeen.
Iskuulaadka macaahidda iyo jaamacaadka waxbarshada waxaa hogaanka u haya
rag ku xiran Carabta, ubadkana ku anqariya sunta Carabta,
natiijadeedana maanta la hayo oo ah isqarxin iyo ismiidaamin, goobaha
waxbarashada waxaa taakuleeyo wadamada Carabta, ujeedku ma ahan jacayl
ay Soomaali u qabaan ee waa beerista miro waxyeello, ninkuu shaki uga
jiro ha eego wadaada dhallaanrogga iyo dhallinta halaagga, waxay ku wada
arooraan xerta Carabtee hiliq ka tiri sunta Carabta.
Beryahaan waxaa ku soo badanaya gayiga Soomaalida dawlad beeleedyada,
oodba mooddo in beeshaan dawlad lahayn aysan noolaan Karin, Somaliland,
Puntland, SSCland, Galmudug state, Ximan iyo xeeb, Hiranland, Waax iyo
waadi oo dhisan, banadirlanad, jubbalanad, Bay iyo Bakoolland Gedoland
oo jidka ku soo jira, iyo dabcan kuwo kaloo la filan karo aanse hadda
magac ahaan u jirin, goobayntaan waxay ka turjumaysaa dadnimaxumada
jirta intay gaarsiisan tahay, iyo inay qayb ka tahay mashruuca kala
googoynta gayiga Soomaalida, beelaha mar dagaal marna degmayn.
Wariyayaal beel u gayfan iyo warbaahin qabyaaladaysan ayaa dadka
hoojisay, waxay u dhisan yihiin fidno abuurid ama kicin colaad, qalinkii
xoriyaddu wuxuu noqday qori xeeladaysan, qabiil iyo qabyaalad u
qiildaya, Colaad huriyaashu badan, mid af ku afuufa (wariye, fannaan iyo
murtimaal) mid aake ku holciyoo nafta u hura (efenteri iyo
sacabooleeyey) iyo mid hanti ku harqiya(hantiile).
Qorbajoog qabow iyo qoraxi dhuuxood dhex qaadday, ayaa ka mid ah dadka
in la xuso mudan, dad badan waxay rumaysan yihiin inay qayb weyn ka
yihiin dhibaatada Soomaaliya, bal dib u eeg inta goor ee Walad Abdalla
waraaq u qoray iyaga kaliya, dalka gudahiisa dadka jooga maxay dheer
yihiin? Ma xasuusataan isagoo shacabka Soomaaliyeed wali waraaq u qoray?
Waxaa lagu macneeyey farriimaha isdaba joogga ahaa ee ku wajahnaa
qurbojoogta, inay yihiin qaablaawayaal quluub Soomaalinimo ka quwaaxday,
mar walba u qiildaya qarribka quwadaha waaweyn u qoolayaan dalka.
Qabqable aan qalin qaadan la garay, wadaad madaxa cimaamadi ugu xiran
tohoo xerow xelqojooga ahna la garay, ee miyaad filayseen in aqoonyahan
sheegatada falalka qaarkood ka suuragali lahaa? Waxaan uga jeedaa
sawiradii maalmahaan lagu soo bandhigay qalabka warbaahinta, ee
muujinayey Farmoojood moodda arday argagaxan oo imtixaan afka ah(oral)
laga qaadayo, ama agoon reer uusan garanyn loo gaynayo, wuu baal qoynaa
barbaradaba ma eegin, ninku ma iska soo soofay markuu xilka soo doontay
mise sir qarsoon ayuu u yimid?
Hubaal in geeljiruhu uusan raacayn Geel aan summad lahayn, maxaa yeelay
wax walba waxay u baahan yihiin wax ka sooca walxaha kale, waxlaha aan
muuqan waxaa lagu soocaa: qeexiddaa, walxaha muuqdana waxaa lagu soocaa:
magaca tilmaamta iyo astaanta, sidaa darted qawsaarku xoolaha uu
soofinayo waa inuu u yeeshaa astaan u gaar ah oon lala wadaagin, si aan
loogu qabsan muranna looga galin xoolihiisa, haddaa Farmoojo geeljirana
ma ka garashao gaabshay? Hubaal in geeljiruhu uusan waxba ka qoon
hannaan dawlad iyo maamul, haddana uusan yeelayn xoolahaaga astaan
la’aan daaqsin gee.
Farmaajo wuxuu qaaday record-ka habqanka iyo yaacsanaanta, waxaan la
yaabanaa Sheekh Shariif markuu ka qaybgalayo shirraka, waxaanse lahaa
wuxuu ku cusub yahay hannaanka siyaasadda iyo seeraheeda hoose, waxaanse
qaadan waayey siduu u dhaqmay ninkii aqoon yahanka lagu sheegay,
aqoontadii ma sidaan ayey noqotay? Aqooneey xaal qaado!, mise waa qorshe
uu ogaa oo fulintiisa New York u tagay, markii horana uba yimid, hadday
taasi jirto dhaliisha aan si kale u dhigo, waa dhagarqabee umadda
dhayatirayee hallaga gaaro oo gees halla galiyo inta uusan ku gaamurin,
haddii kale hadhaw lama siiba karo ama kicintiisa ayaa qarash ku baxayaa
sidii Ina Sharmarke.
Alshabaab waxaa in badan lagu eedeeyey inay astantii qaranka meel uga
dhacday, oo ku badashay calal madaw oo aan la garanayn meeluu ka yimid,
Alshabaab waaba caddaystay inaysan shuqul ku lahayn astaan Soomaalinimo
iyo aayaheeda toona, waxaase la yaab leh marka masuulka ugu sarreeya
xukuumadda shir ka qaybgalayo ee kulamada ka soo muuqdo isagoon astaan
lahayn, garabkiisana uu yaallo astaan dal ama urur kale, tolow tan maxaa
lagu tilmaami karaa? Jawaabta aan idiin daayo.
Warku yuusan ila dheeraan, dulucda qormaduna ila durgine, tusaalooyinka
aan soo sheegay markaad eegto ee isugu jira dad iyo dhacdooyin, waxaad
garan in cinwaanka qormadu uusan iska dhalan, ahaynna Soomaali iska
dhaliiloo eed u jeedi kaliya, balse uu ku qotomo xaqiiqooyin biyo kama
dhibcaan ah, sida loo doorsoomay ayaa dalkiina dad la’aan u noqday, la
kala roonaa waa, sida gibilka la isaga egyahay ayaa gudahana la isaga
ekaaday, waxaan uga jeedaa: diirkii iyo damiirkii ayaa isku mid noqday.
Ugu dambayn Soomaaliya Dal Dad waayey dheh, ma yahay dal dad weyn kara?
Maya, khayraadka badda dhex cegagaa, xeebtaa dhiririka badan ee ku
meeran dalka, xoolo cayn walba leh, duurjoog dabjoog iyo ugaar, beeraha
la beertiyo berrin mira ka baxaan, cimilada wanaagsan ee aan kulayl iyo
qabow daran midna lahayn, buuro ceeryaamo badan iyo bannaan gawaana aan
lahayn, sidaa oo ay tahay haddana wuxuu noqday dal dad waayey,
dadkiisaase dayacay ee miyuu mudan yahay in la dayaco?

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya; "Shirkadda Saracen xiriirka ayaan u jareynaa waayo shacabku ma doonayo"

$
0
0

Shirkada muranka badan ka dhex dhalisay Dowladda Soomaaliya ee Saracen ayaa sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaalidu waxaa loo jarayaa xiriirkii iyo heshiiskii lala galay.

Heshiiska shirkadan oo cida gashay aad loogu murmay ayaa waxaa ka hadlay wasiirka waraafinta xukuumada Soomaalida isagoo sheegay in dowladu dhowaan shaacin doonto qoraal ku saabsan  dib uga noqoshada heshiiskii Shirkadda Sararcen noocii uu doono ahaado ama cidii doontaba hala gashee.

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo aadaya xili muran iyo isu dhiidhiib uu galay heshiiskan shirkadan cida gashay waxayna sidoo kale shacabka soomaaliyeed arintan ka yiraahdeen hadalo tuhun iyo dhalill xambaarsan.

halgankanet@gmail.com  

Axmed Diiriye Cali; "Maamulka Puntland go'aankii ay ka gaareen DFKMG waa ku fududaadeen ee raaligelin haka bixiyaan"

$
0
0

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo ka hadlayay sida ay u arkaan go'aanka maamulka Puntland uu ku gaaray in ay dib uga laabtaan wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in go'aankaas uu ahaa mid lagu fududaaday.

Caaqil Diiriye oo xog-wareysi siinayay idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio ayaa go'aanka Puntland ay ku gaartay in deegaanada hoostaga aysan cag soo dhigi karin qof ka mid ah Golayaasha dowladda Soomaaliya mid lala yaabo waayo wuxuu caaqilku leeyahay waxaa golayaasha dowladda ka mid ah dad u dhashay deegaanka.

Ugu dambeyntii Caaqil Diiriye wuxuu labada dhinac waa dowladda iyo maamulka Puntlandiye kula taliyay in ay heshiis ka gaaraan waxa keenay in xaaladu halkan gaarto laakiin wuxuu si gaar ah maamulka Puntland ugula taliyay in ay ka laabtaan islamarkaana raaligelin ka bixiyaan go'aanka sida uu sheegay lala anfariiray.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii madaxda maamulka Puntland ay go'aan ku gaareen in ay xiriirka u jaraan dowladda Soomaaliya waxaase taas ka dambeysay sida dad badani qabaanna ka sii dareyd markii go'aan kale oo ka mamnuucaya guud ahaan xubnaha Golahayaasha dowladda Soomaaliya in ay soo galaan deegaanadooda amaba isticmaalaan xitaa marin cireedyadooda (garoomada) ay soo saareen.

halgankanet@gmail.com  

Beel ku wareejisay hub kala duwan xarakada Alshabaab iyo Alshabaab oo soo dhoweeyey.

$
0
0

Beel kamid ah beelaha dega gobolka Sh/hoose ayaa ku wareeiyey Maamulka xarakada Al-Shaabab ee gobalka shabeelaha Hoose hub ka kooban noocyada kala duwan ey iyagu si gaar ah u heysteen iyadoo arintaaasi ey soo dhoweeyeen Xarakada Alsahbaaba ee gobolku.

Sheekh Farxaan oo ah gudoomiyaha magaalada Marka ee xarakada Al-Shabaab oo saxaafada ku hadlay magaaladaasi ayaa waxa uu sheegay in ay si aad ah u soo dhowaynayaan Hubkaasi.
Mid ka mid ah beelaha daga gobalka Shabeelaha Hoose ayaa shay si rasmi ah ugu wareejisay Hub maamulka xarada Al-Shabaab ee gobalkaasi Shabeelaha Hoose.

Sheekh Farxaan Daahir ayaa carabka waxa uu ku dhuftay in Hubkaan lagu dagaalami doono dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Xaradakada Al-Shabaab ayaa dagaalo xoogan waxa ay kula jiraan Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay doonayaan in dowlada iyo AMISOM ay meesha ka saaraan.

Burcad badeeda Somalida "Waan ka aarsan doonnaa waana u aar gudaynaa dhalinyarada difaaca Xeebaha ee la laayay…”

$
0
0

Burcad badeeda Somalida ka qowleysata xeebaha dalka Somalia ayaa sheegay iney toogan doonaan haddii ey qabtaan kuuriytaan markale kadib markii marka kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Kuuriya dilay qaar iyaga kamida ah.


Nin sheegay inuu kamid yahaya Burcad Badeeda biyaha Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay ka aar gudan doonaan kadib waxa uu ku sheegay gaadmada dagaalka ey ku qaadeen.


Nin magaciisa ku sheegay Cali dheere oo mid ka mida maleeshiyada bada ka qaraabata ee Burcad Badeeda loogu magac daray waxa uu balan ku qaaday in ay u aar gudi doonaan asxaabtii looga laayay badda Soomaaliya markii Ciidanka Koonfur Kuuriya ay awood ku fureen markab ay burcada haysatay.


Ciidanka K/Kuuriya ayaa waxa ay awood ku furteen markabka MV Samho Jewelry oo muddo 7-Bil ka badan looga haystay biyaha Soomaaliya iyaga oo dilay in ka badan 5-dhalinyarada Burcad Badeeda ah oo markabka dul saarnayd halka qaar kale dhaawac loo gaystay.


Cali dheere oo isgaarsiinta Hello Hello kula hadlayay Mid ka mida wakaaladaha wararka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday hadii ay yihiin dhalinyarada difaacda Xeebaha sida uu shegtay ee ku sugan Boosaaso illaa Xarardheere ay isku duuban yihiin islamarkaana ka aarsan doonaan Kuuriya.


“Koonfur Kuuriya meeshay gali lahayd ayaa la rabaa waan dilaynaa qof walba oo aan ka qabano iyo Markab walba oo gacanteena soo gala dadka u saaran….waan ka aarsan doonnaa waana u aar gudaynaa dhalinyarada difaaca Xeebaha ee la laayay…” ayuu yiri ninkaasi Burcad Badeeda u hadlayay.
Hanjabaada ka soo yeertay  Burcad badeeeda ayaa imaanaysa malain ka dib markii la laayay dhowr Burcad Badeed ah oo xoog ku haysatay Markab laga lahaa Wadanka Koonfur Kuuriya kaasi oo muddo ay haysteen Burcada basle awood loo sheegtay markii la laynayay Burcada lagana furtay Markab ay muddo lacag ka sugayeen.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live