Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Preity Zinta:Yeey Ugu Jaceshay Bollywoodka India...

$
0
0

Preity Zinta oo ay isbuucaan uu u buuxsantay 17 sano ay ku jirtay Bollywoodka ayaa sheegtay Rani Mukherjee iney tahay saaxibadeeda ay ugu jeceshahay.
Xili ay ka sheekeyneysay mudadaas 17-ka sano ayey sheegtay Rani iney tahay Atariishooyinka ay la soo shaqeysay tan ay ugu jeceshahay.
Labada Atariisho ayaa isla keenay filimo ay kamid yihiin Kal Ho Naa Ho, Har Dil Jo Pyar Karega iyo Veer-Zaara.
Twitterkeeda ayey ku cadeysay Preity Zinta warkan.
Sidoo kale waxaa ay Aktarada sheegtay Shah Rukh Khan inuu yahay Aktarka kaliya ee ko ooysiiya halka Salman Khan ay sheegtay iney ka cabsaneysay inta aysan filim la keeninKa Eeg Filamada Aay Isla Keeneen Hees Ku Jirtay :-
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sidee Wax looga Qabtaa Xubno Xanuunka? (Arthritis)

$
0
0

(Arthritis)
Xubno xanuunku wuxuu dhacaa marka laabatooyinka jidhkaagu ay bararaan ama carjawda laabatooyinku ay baaba'an.
Carjawdu waa wax sida barkin oo kale ah ee ku jira laabatooyinka ee ka ilaaliya cadaadiska dhaq-dhaqaaqana ka dhiga mid fudud. Marka ay xajiyadu ruugagga qaarkood ka baaba'aan, lafahaaga ayaa is xoqaya oo kuu keenaya xanuun, barar, iyo tig-tignaan.
Xubno xanuunka badankiisu waa mid bararka ruugagga (osteoarthritis). Tan waxay ka timaaddaa laabatooyinka oo dhammaada marka waqti dheer la isticmaalo. Tani waxay badanaa ka dhacdaa jilbaha, sinaha iyo gacmaha.
Laabatooyinku waxay billaabaan iney xanuunaan ayna dhumuc weynaadaan. Mararka qaarkood nudaha ku hareereysan laabatooyinka ayaa kala jiidma oo xanuun badan keena.
Waxaa jira noocyo kale oo xubno xanuun ah oo ku dhaca da'da yar. Kuwaan waxay badanaa u baahan yihiin baaritaanno iyo daaweyno gaar ah.
Arrimaha Halista u leh

  • Gaboobid
  • Dhaawac laabatooyinka gaara
  • Isticmaal xad dhaaf ah ee laabatooyinka Calaamadaha
  • Laabatooyin xanuun
  • Laabatooyinka oo aan xasillooneyn ama waxaad dareemeysaa inayna ku taageeri doonin
  • Laabatooyinka oo ballaarta ama barara
  • Tig-tignaan, badanaa subixii dhacda
  • Isticmaalka laabatooyinkaoo xaddidan
  • Diirranaan laabatooyinka dhinacyadooda ah
  • Guduudnaanta maqaarka ruugagga ku hareereysan

BaaritaannadaTakhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa caafimaadkaaga wuxuuna eegi doonaa laabatooyinkaaga. Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu kugu amro baaritaan dhiig, raajo ama dheecaan yar ka qaado meelaha ku hareereysan laabatada ku xanuuneysa.Daaweynta
Daaweynada riixu waxay ku xiran yihiin:

  • Sababta
  • Laabatadee ku xanuunaysa
  • Inta uu xanuunku le egyahay
  • Sida xubno xanuunku uu u saameynayo hawlo maalmeedkaaga
  • Da'daada
  • Shaqadaada ama hawshaada Iyadoo qayb ka ah daaweyntaada, ayaa laga yaabaa in aad u baahato in:
  • Aad jir dhis sameyso si aad u hagaajiso dhaq-dhaqaaqa iyo awooda laabatooyinka.
  • Aad isticmaasho daaweyno kulul ama qabow si aad u koontaroosho xanuunka iyo bararka.
  • Aad ka fogaato meelaha ama dhaq-dhaqaaqa cadaadis dheeraad ah saaraya laabatada ku xanuunaysa.
  • Aad ka fogaato hal u fadhinta waqti aad u dheer.
  • Ku samee biraha la qabsado meesha lagu maydho, tubbada qubeyska iyo musqusha agteeda.

Haddii isbeddelladaan aysan ku caawin, takhtarkaagu wuxuu kuu soo jeedin karaa daawo aad ku koontaroosho xanuunka iyo bararka. Mararka qaarkood qalliin ayaa loo baahdaa.Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii:

  • Aad isku aragto laabatooyin xanuun oo aan la sharrixin oo daran.
  • Uu ruuggu aad kuu bararo.
  • Ay si lama filaan ah kuugu adkaato dhaqaajinta laabatooyinku.
  • Maqaarkaaga ku hareereysan laabatooyinku uu guduudan yahay ama kulul yahay marka la taabto.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Jubo-Sudaan Oo Ogalaatay heshiiska nabadeed

$
0
0

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa ogolaaday inuu saxiixo heshiiska nabadeed ee dhigayay in la soo afjaro colaada dalkaas ka jirta.
Salva Kiir ayaa maanta xilli dambe saxiixi doona heshiiska, kadib markii uu bartamihii bishan uu diiday inuu saxiixo, balse codsaday in 15 maalmood oo dheeri ah la siiyo.
Mareykanka, Ingiriiska, Qaramada Midoobey Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ayaa garwadeen ka ah heshiiska la dhex dhigayo dowladda iyo mucaaradka.
Dowladda Mareykanka ayaa horay dhinacyada isku haya Koofurta Sudan u qabatay inay soo afjaraan colaada muddo 20-bilood ka socotay dalkaas, iyadoo waqtigii loo qabtay ku ekeyd 17-kii bishan.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku goodiyay in cunaqabateyn lagu soo rogo doono dhinacyada ku lugta leh colaada, isla markaana la saari doono xayiraad dhanka socdaalka iyo hubka.
Cadaadiska ka imaanaya Beesha Caalamka ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro colaada dheeraatay, iyadoo horay u bur buray heshiisyo ay ka soo shaqeysay IGAD.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Markab laga leeyahay Jarmalka.Oo Haweeney ka...

$
0
0

Haweeney magaceeda lagu soo koobay Raxma ayaa gabar ku umushay dooni laga leeyahay Jarmalka, oo u gurmatay Tahriibayaal ku xayirnaa dooni sabaynaysay Badda Mediterranean Sea.
Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Jarmalka ee Bundeswehr ayaa lagu sheegay in Raxma oo 33 jir ah loo fidiyey gargaar, markii ay foosha ku qabatay doonida dagaalka Jarmalka ee lagu magacaabo Schleswig Holstein.
Raxma oo la sheegay inay safar Tahiib ah oo aysan cid kale ku wehlinin ku jirtay muddo shan bilood ayaa umushay gabar loogu magac daray Safiya, oo uu miisaankeedu yahay 3 Kiilo, isla markaana caafimaad qabto.
Waa markii ugu horreysay oo ay Haweeney Soomaali tahriib ku jirta ku dul umusho Markab laga leeyahay dalka Jarmalka, inkastoo aan Hooyadaas iyo gabadheeda la siinin Dhalashadda Jarmalka.
Dhinaca kale, Raxma iyo gabadheeda iyo Kumanaan kale oo Tahriibayaal ah oo laga badbaadiyey Badda Mediterranean Sea toddobaadkan ayaa waxay si nabad ah ku tageen Dekedda magaalladda Taranto ee Koonfurta dalka Talyaaniga.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Haweyn Ku Eedaysan Falal Arga’gaxiso Oo Maxkamd...

$
0
0

Labo Haween oo ka mid ah Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa laga diiday codsi Rafcaan oo ay ka qaateen Xukun horey loogu riday sannadkii 2011-kii, kadib, markii lagu soo oogay inay Dhaqaale u direen Xarakadda Alshabaab.
Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI waxay horey ugu soo eedeeyen Hawo Mohamed Hassan oo 68 jir ah iyo Amina Farah Ali oo 39 jir ah inay Lacago ku taageereen Alshabaab, inkastoo ay Haweenkaasi ku doodeen inay Lacagahaasi u ururiyeen si loogu taageero Dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Somalia.
Garyaqaanadda u doodayso Labadaasi Haween oo shlay hortimid Maxkamadda Rafcaanka ee Gobalka Minnesota ayaa sheegay inay Haweenkaasi Kharajka u diri jireen Dadka Saboolka iyo Carruurta Agoonta ee ku nool Somalia, waxayna beeniyeen inay Lacagahaasi u direen Alshabaab.
Garyaqaanadda u doodayso Labadaasi Haween waxay shalay ku hungoobeen isku-daygoodii ay Rafcaanka kaga qaateen Xukunkii horey loogu riday Labada Eedeysane.
Hawo Mohamed Hassan waxaa horey loogu xukumay Xabsi 10-sanno ah, halka Amina Farah Ali lagu xukumay 20-sanno.
Dacwad-oogayaasha waxay ky eedeeyeen Amina Farah Ali inay 20 jeer diiday inay Maxkamadda hor timaado, iyadoo sababo dhinaca Diinta ah u cuskatay arrintaas.
Hawo Mohamed Hassan iyo Amina Farah Ali oo haysta Dhalashadda Maraykanka waxay qeyb ka yihiin in ka badan 20-qof oo Somali ah kuna nool Gobalka Minnesota, kuwaasi oo ay Baarayaasha Federalka dabagal dheer ku hayeen, kuna heleen inay Lacag iyo dhallinyarro u direen Somalia, si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab ee dagaalka kula jira Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka.
Baarayaasha FBI-da ayaa rumeysan inay in ka badan 22 rag Somali ah ka ambabaxeen Gobalka Minnesta, kuna biiraan Alshabaab tan iyo sannadkii 2007-dii.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

D/G: Puntland Oo Ku Khaameeysan Muwaadin Somali...

$
0
0

Saraakiil ka socotay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa waxay Maamulka Puntland ku hayaan cadaadis, si jawaab waafi ah loogu helo Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabi jirey Amaar Abdihamid Abdirahman, kaasi oo dhowr bilood ka hor lagu dilay Dugsi ku yaalla Degmadda Qardho.
Saraakiisha Boliska Puntland ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka Kiiskaasi, kadib, markii ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka cadaadis saareen Maamulka Puntland.
Hadal ka soo baxay Xafiiska Senator Amy Klobucher ayaa lagu sheegay inay Maamulka Puntland ee W/bari Somalia bilaabeen Baaritaanka dilkii Camaar Abdihamid Abdirahman
Hooyadda dhashay Marxuumka, oo lagu magacaabo Shukri Xersi ayaa sheegtay in wiilkeeda bilowgii bishii May lagu dilay qolkii uu ka degganaa Dugsi la seexdo oo ku yaalla Degmadda Qardho.
Hooyo Shukri Xersi ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanka u gudbisay cabashadeeda, kadib, markii ay wax warbixin ka weyday Madaxda Maamulka Puntland, oo iyagu ka mas'uul ah Degaanka lagu dilay Wiilkeeda.
Hooyadda waxay sheegtay in Wiilkeeda loo dilay isagoo Maraykan ahaa, waxayna codsatay in gacan laga siiyo sidii maydka wiilkeeda loogu soo celin lahaa Gobalka Minnesota, si loogu aaso.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

War Deg Deg Ah:Dagaal culus oo ciidamada Dowladda...

$
0
0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray tuulooyin hoostagga Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Dowladda weerar culus ay ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen ciidamada Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo qiyaastii Diinsoor u jira 30-KM.
Dagaalladaan ayaa xoogooda ka dhacay deegaannada kala ah, Manaas, Makoon iyo Dhergo, waxaana saaka guud ahaan deegaanadaasi yihiin kuwo aad u degan.
Khasaaraha dhimashada dagaaladaasi ka dhashay, ayaa la sheegayaa inay gaarayaan 5-ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka ay jiraan khasaaro dhaawac ah oo ciidamada soo gaaray.
Deeganadii lagu dagaalamay ayaa waxaa dib kaga soo laabtay ciidamada Dowladda, waxaana la sheegayaa inay ku sugan yihiin ciidamada Ururka Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda oo Warbaahinta gudaha la hadlay, ayaa sheegay ciidamada inay guulo kasoo hooyeen dagaaladaasi, kadib markii ay baacsadeen Xoogagii Shabaabka ka tirsanaa.
Xoogaga Shabaab ayaa weli ku sugan tuulooyin hoostagga Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay, waxayna doonayaan inay halkaasi ku dhibaateeyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee Diinsoor ku sugan.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Germany oo Qaxooti Badan Qaabileysa

$
0
0

Dawladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday inay qaabilayso dhammaan qaxootiga ka yimaada dalka Syria ee gaadha dalkaas.

Minnesota: Haween ku Guul Darreystay Racfaan

$
0
0

Aamina Faarax Cali oo 39 sano jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan oo 68 sano jir ah, ayaa sanaddii 2011-kii lagu helay dhowr dambi oo la xiriira argagixisanimo.

Jarmalka oo isku diyaarinaya qaxooti badan

$
0
0

Waxaa soo badanaya weerarada xarumaha qaxootiga ee Jarmalka iyadoo Jarmalka uu isku diyaarinayo ilaa siddeed boqol oo kun oo qaxooti sanadkan.

Dagaal Culus kadib Xaalada Degaanada Kabis iyo...

$
0
0

Kabis (Sh M Network)--Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad deganaansho laga dareemayo Degaanada Kabis iyo Libaaxloow ee Gobolka Gedo kadi markii halkaasi uu Dagaal Culus ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, Abdullahi Yare oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xaalada Degaanadaasi ay deggan yihiin isagooan qeexay in Ciidamada DFS ay gacanta ku hayaan Degaanada Kabis iyo Libaaxloow.
Dagaalo Culus oo ay ku dhinteen ku dhawaad 40 Ruux oo ka kala tirsan Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Al Shabaab ayaa waxuu ka dhacay labadaasi Degaan.
Guddoomiyaha Garbahaarey oo la hadlay Idaacadda Shabelle aya sheegay in Dagaaladaasi looga Dilay 11 Ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil waxuun tilmaamay in 32 Dagaal yahan oo ka mid ah Al Shabaab in halkaasi lagu Dilay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga in Saaka dib loo furay islamarkaana aanu jirin xiisada Dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dagaal Beeleed Khasaaro geystay ka dhacay ka dhacay...

$
0
0

Ceelbuur (Sh M Network)--Ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal Beeleed Culus oo ka qarxay Degaanka Soorakeey oo u dhaxeeya Ceelbuur iyo Galhareere ee Gobolka Galgaduud.
Dadka Degaanka oo la hadlay Idaacadad Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dagaalka uu yimid kadib markii labo Maleeshiyo Beeleed ay isku qabsadeen Ceel biyoodyo halkaasi ku yaala.
Wararka ayaa sheegaya in Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa labada Beel ay ka aloosan tahay Degaanka Soorakeey oo u dhaxeeya Ceelbuur iyo Galhareere ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab Xubno ka tirsan ay waan waan ka dhex wadaan Maleeshiyada ku dirirsan Degaanka Soorakeey.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamulka Baladweyne: haka jawaabaan Laamaha Amaanka...

$
0
0

Baladweyne (Sh M Network)--Maamulka Degmada Baladweyne ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Laamaha Amaanka in ay jawaab ka bixiyaan Dilalka Odayaashan Dhaqanka loogu geystay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Guddoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Baladweyne Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ugu baaqay laamaha amaanka in ay ka hadlaan falalka amaanka darri ee kus oo noq noqda Baladweyne.
Waxuu sheegay in Laamaha amaanka looga baahan yahay in wax badan ay ka qabtaan Dilalka ka dhanka ah Odayaashan Dhaqanka iyo falalka amaanka liddiga ku ah ee ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Hiiraan.
Sikasaba, hadalka Guddoomiye Sheekh Xuseen ayaa waxuu imaanayaa Xili Shalay Kooxo hubeysan ay Magaalada ku toogteen Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cumar.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia: 43 dead in fierce gun battle in Gedo region

$
0
0

Deadly battle has left at least 43 people and wounded 11 others in two areas in south of Somalia's Gedo region, officials and witnesses said.
The government claims that it killed at least 32 Al Shabaab militants during an ambush attack on military base located in Kabis area in Gedo region.
The clash also killed at least 11 government soldiers and injured 16 others, according to Somalia's Garbaharey DC, Nor Mohamud Burale who spoke to Shabelle.
Mr. Nor confirmed that 11 soldiers and 32 militants had died and 16 other soldiers were also wounded in the ambush offensive.
A military officer Nor Sayah Hared said that head of police in Dolow, Col. Abdi Olosoow and Mohamad Farah, deputy DC of Baladhawo were among those killed in the attack.
Kabis, an area sandwiched between Garbaharey and Baladhawo towns near Somalia-Kenya border, sources told Shabelle Media based in Mogadishu.
The radical group of Al Shabab was driven out much of south and central Somalia but still controls large swaths of rural areas where they launch attacks on government troops backed by African Union forces
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Tribal clash kills 1, wounds 2 others in central...

$
0
0

Deadly clan clash erupting in central Somalia has left at least 1 person dead and wounded 2 others, according to local residents.
The clash is said to have started in Sorakey area between Elbuur and Galhareeri towns in central Somalia's Galgaduud region.
The both armed militias are fighting over boreholes ownership, according to local residents who spoke to Shabelle Media in Mogadishu via phone.
The latest reports from the battle zone suggest that tensions between both warring sides have been running high in the area.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Obama oo ka hadlay qaxootiga Yurub

$
0
0

Madaxweyne Obama waxa uu teleefoon kula hadlay hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel, si uu ugu mahadceliyo waxa uu ugu yeeray hogaaminteeda latacaalidda qalalaasaha dadka megengelya doonka ah ee yurub.

Shabaab In ta Aay Ka Qorteen Keynya Oo Laraadinaayo

$
0
0

Image copyrightEPAImage captionMid ka mid ah masaajidda Mombasa ee ay booliska dad ka qabqabteen
Mas'uuliyiinta deegaanka Mombasa ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen in ka badan 100 dhalinyara ah oo deegaankaasi u dhalatay in aanan meelna lagu sheegin.
Gudoomiyaha deegaankaasi Nelson Marwa, ayaa sheegay in dhalinyaradaasi looga shakisan yahay in ay aadeen Soomaaliya oo ay ku biireen Xarakada Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in inta badan dhalinyaradaasi ay horay booliska u qabteen oo lagu eedeeyay tuhun ah in ay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab.
Dhalinyaradaasi ayaanan haatan meelna lagu sheegi karin.
Waalidiin tiradooda lagu qiyaasay 30 ayaa waxa ay usbuucyadii la soo dhaafay ka cabanayeen in ay waayeen carruurtoodii kaddib markii laga soo daayay xabsiga booliska.
Gudoomiyaha deegaanka Mombasa Nelsom Marwa ayaa sheegay in 200 oo dhalinyara ah oo laga qabtay misaajid ku yaal Mombasa sanadkii hore ay haatan baxsadeen.
Bishii November ee sanadkii hore ayaa booliska waxa ay weerareen saddex masaajid oo ay ku eedeeyeen in ay lagu faafinayay xagjirnimo.
Howlgalkaasi ayaa waxaa ku dhintay hal qof, islamarkaana lagu soo qabtay dhalinyaro ka badan 200.
Dhalinyaradaasi ayaa markii dambe waxaa lagu sii daayay codsi ka yimid madaxda deegaanka iyo waalidiintooda, kuwaasi oo haatan uu Mr Marwa ugu baaqay in ay qaataan mas'uuliyadda dhalinyaradaasi la waayay.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidamada Dowladda Iyo Amisom Maxaa Kala HAysta:

$
0
0

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somalia, ayaa daboolka ka qaaday inaysan jirin wadashaqeyn wanaagsan oo ka dhaxeysa ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Amisom.
Xuseen Carab Ciise Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inay arkeen wada shaqeynta Amisom iyo ciidamada Dowladda ka dhaxeysa inay tahay mid uu ku jiro mad madoow ballaaran.
Wuxuu sheegay Xuseen Carab Ciise sababta inay tahay kolka ciidamada Amisom ay qabsadaan deegaano Shabaabka ay joogaan loo baahan yahay in ciidamada Somalida ay tagaan deegaankaasi, si ay u xaqiijiyaan ammaanka gudaha goobaha ciidamada Amisom ay la wareegaan.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay Taliska ciidanka Xooga dalka iyo Taliska Amisom inay la kulmeen oo ay ka dhageysteen Warbixin la xiriirta wadashaqeynta ciidanka ka dhaxeysa, ayna u cadaatay inuu gaabis badan ka jiro wada shaqeynta ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom u dhaxeysa.
"Ciidamada Amisom Saraakiishooda markii aan weydiinay waxaa ay noo sheegeen in ay tahay sababta in aysan jirin cid u kala dab qaadeysa ciidamada Amisom iyo Shacabka ku nool goobaha la qabsaday,maadaama Ciidamada iSoomaaliya aysan nala socon."ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Sababta ciidamada Amisom ay uga soo baxaan deeganada ay qabsadaan, ayuu ku sheegay inay tahay in Amisom ay weyso ciidan Somali ah oo sugga ammaanka Magaalooyinka ay qabsadaan ciidamadaasi.
Ciidamada Amisom ayaa dhowr mar ka baxay magaalooyin ay ka qabsadeen Ururka Shabaab, kadib markii ay u caalwaayeen wax ka qabashada weerarada kaga imaanayay Ururka Shabaab.
Ciidamada Soomaalida ayaa waxa ay muhiim u yahay suggida ammaanka dhulka ay qabsadaan ciidamada Amisom, maadaama shacabka deegaanka ku nool ay yihiin kuwa Somali ah oo ciidamada Somalida ay isfahmayaan.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shiinaha oo dad u xiray qaraxii Tianjin

$
0
0

Daraasad:Ka Hadleysa Xannuunada Lagaa Qaado Layrka...

$
0
0

Cilmi-baadhis lagu sameeyey xayawaanka, ayaa soo bandhigtay in layrka habeenkii la shidaa ay carruurta ka dhigto qar aad u murugo badan,
Layrka ka soo baxa qalabka ay ka midka yihiin laambadaha, kombuyuutarrada iyo telefoonnada, ayaa la caddeeyey in habeenkii haddii la isku shido ay qofka ku sababaan xannuunno nafsaani ah oo halis ah.
100-kii sanno ee u dambeeyey waxa dadka adduunka ku soo badanayey isticmaalka layrka, gaar ahaan telefishannada, telefoonnada, kombuyuutarka iyo laambadaha, iyagoo khubaro cilmi-baaris ku sameeyey sheegay in cudurro ay ka mid ka yihiin macaanka, kansarka iyo qaar kale oo halis ah laga qaado.
Sidoo kale, khubaradu waxay sheegen in laydhka habeenkii la isku shido dhaawac u gaystaan wadnanaha, jidhka, sii daynta hormoonka Melatonin oo uu sii daayo qanjidhka Pineal Gland oo ku yaal maskaxda.
Saynisyahanno ka tirsan Jamacadda Northwestern University oo ku taal magaalada Chicago ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay inay ogadeen in layrka ka baxa kombuyuutarka iyo telefoonnada casriga ah ee habeenkii dadku isticmalaan sababaan in miisaan jidhka ku kordho.
Khubaradu ayaa sidoo kale xusay in layrka badan uu qofka ku keeno gaajo, kadibna qofku u baahdo saacad saacad inuu cunto ugu cuno. Waxa intaasi sii dheer oo ay ku dareen in layrka telefoonnada iyo kombuyuutarradu maskaxda ku keenaan in ay nasan waydo oo hurdo la'aan ku dhacdo.Layrka badan ee Habeenkii Wuxuu Kor u Qaadaa Khatarta Kansarka:
Daraasado 16 ka kooban oo lagu qoray wargeyska lagu magacaabo European Journal of health oo lagaga hadlo ka hortaga kansarka, ayaa sheegay in layrku sii badiyo khatarta qaadista kansarka.Ubada wuxuu layrku ka dhigaa kuwo xanaaq badan
Cilmi-baaris lagu sameeyey xayawaanka, ayaa soo bandhigtay in laydhka habeenkii la shidaa ay carruurta ka dhigto qar aad u murugo badan, halka daraasad lagu daabacay jariirada Physiology and Behavior oo baadhitaan lagu sameeyey jiir lagu shiday waqti habeen ah laydh lagu ogaaday in noolaha yar laydhka habeenkii lagu shidaa uu ku keeno degenaansho la'aan
Jaamacada Kyushu University ee dalka Japan ayaa bogooda soo dhigtay in 88% uu layrka xoogga ah ee habeenkii ubadka lagu shidaa uu keeno caafimaad darro dhanka maskaxda ah.Layrka habeenkii wuxuu badiya khatarta macaanka
Layrka laambadaha, telefoonnada iyo moobiladu waxay qofka ku sababaan sida daraasado badan sheegeen xannuunka macaanka
Cilmi-baaris lagu qoray jariirada Chronobiology International ayaa lagu helay in dadka wayeelka ah ay qadaan macaanka haddii ay fariistaan meel iftiin badan.