Awdalpress(Muqdisho) 13 Oct. 2015- Xildhibaanada ka midka ah dawlada muqdisho ee ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan shaqaaqooyinkii ciyaaraha ka socday Boorama ee labada wiil ee Dhalinyarada ahaa ay ciidanka Somaliland ku dileen garoonka ciyaaraha lagu qabtay ee Xaaji Daahir qoraal ay ka soo saareen soo gaadhsiiyay shabakada Awdalpress wuxuuna u qornaa sidan:-
WAR MURTIYEED; Xadgudubyada uu Maamulka Soomaliland
ka wado Gobolka Awdal October 13, 2015
A. Xaaladaha Cusub,
? Sida laga wada dheregsanyahay waxaa baryahan danbe isa soo taraya cabbudhinta iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee uu nidaamka Soomaaliland ku hayo shucuubta nabadda jecel. Kaasi oo aysan ka badbaadin wayeelkii, nabaddoonnadii, ganacsatadii, dhallinyaradii iskoolada, siyaasiyiintii iyo culimada.
? Xaaladda ka jirta Soomaaliland gaar ahaan gobollada Awdal iyo Sool awaxay inna xasuusinayaan xilliyadii qallafsanaa ee sagaashameeyadii qarnigii la soo dhaafey. Shucuubtu xaq bay u leeyihiin, in aayahooga ka tashadaan, inay xukuumadohooda dhaliilaan, inay xuquuqdooda siyaasadeed, shaqo, horumar dhaqaale, maamul, awood qaybsi iyo caddaaladeed raadsadaan oo ay ka helaan cidda talada iyo hoggaanka haysa. Xaqbaa loogu leeyahay xukuumadaha inay ka jawaabaan baahiyaha aasaasiga ah iyo rabitaankooda dabiiciga ah.
? Boorama waa xaruntii nabadda soomaaliland iyadoon dawladi jirin markii qaranku burburay ayay isu taageen inay dhistaan, ilaashadaan, isla markaana ku baahiyaan beelaha jaarka, nabadda iyo mabaadiida dibu heshiisiinta shucuubta. Waxay salka u dhigeen wada noolaanshaha iyo aasaaska nidaamka maamul la isu badbaadsho.
? Hase ahaatee 25 sano kadib waxaa isweydiin mudan in cabashadii iyo tabadshadii caadilka ahayd ee ay waxgaradka gobollada Awdal iyo Salal ee ku dhisnaa saluugga ay ka muujiyeen saamiqaybsiga iyo wada lahaanshaha talada maamulka loo rogo dagaal iyo nacayb la dhexdhigo shucuubta wada degta ee walaalaha ah.
? Sannad iyo badh ka hor ayay markii soo gudbiyeen waxgaradka iyo salaadiinta Gobollada Awdal iyo Salal si wada jir ugu soo gudbiyeen cabashadooda oo qoraal ah madaxweynaha maamulka taasi oo ka turjumeysa xaaladda maamul iyo wada lahaansho ee ay ku suganaytahay Somaliland. Hase ahaatee haba yaraatee wax tixgelin ah lama siinin tabashadii caadilka ahayd ee ay soo jeediyeen. 25 sano kadib waxaa xaqiiqa ah in maamulka Soomaliland haba yaraatee wax horumar ah oo uu ku soo kordhiyey gobollada galbeedka iyo bariga aysan jirin. Wali macaluul iyo harraad ayaa loogu dhintaa xeebaha galbeedka halka malaayin dollar lagu bixiyo biyo gelinta iyo bilicda magaaloyinka Hargeysa , Berbera iyo Burco.
? Jawaabtii tabashadii duqayda galbeedku waxay noqotey, xoog ciidan oo lagu cabudhiyo shacabka, lagu gummaado carruurta, lagu ciqaabo waayeelka, lagu waxyeelleeyo dadweynaha beeralayda. Rag ciil cadaab ka doorey. Suldaanka iyo nabadoonnadu waa biri ma geydo astaan u ah nabadda, sharafta iyo dhaqanka suubbaan ee u ummadaha cabashadooda laguma xalliyo xoog milatari.
? Talisk Soomaaliland wuxuu u beddeley dalka jeelweyn, oo go'doon iyo rajo beel ku riday mustaqbalka da'yarta dalka. Wuxuu ku sifoobey, mid abuurey, qabyaalad qaybisey isu dirtay ummaddii gobollada waqooyi. Hore wuxuu maamulku isu qaxootiyadii nafahooga ugala soo baxsadey dagaalladii Yemen, waxay xabsiga dhigeen cidkasta oo aan fikirka gooni goosadaka waafaqsanayn, ka qaybgalay kulamo Soomaaliyeed ama booqdey qaybo kamid ah dhulweynaha Soomaaliyeed. Sida fannaaniintii, qurbo jooggii, iyo siyaasiyiintii. Waxay si badheedh ah ugu xadgudbeen xorriyadda ra'yiga, xaqa shakhsiga ah ee fikirka siyaasiga ah, xaqa aayo ka tashiga, horumarka iyo nolosha ee ku qotoma rabitaanka shucuubta.
? Sababahaa darteed waxaa u dhintay dadweyne badan, waxaa jeelka loo dhigey shacbi farabadan oo aan waxba galabsan ay ugu danbeeyeen 26 xubnood oo isugu jira caaqillo, ganacsato, beeralay kawaasi oo habeen badh guryahoodii lagala soo baxay iyagoo haba yaraatee wax danbi ah oo geysteen jirin, si cadaawad iyo arxan darro ku dheehantahay iyagoo gacamaha iyo lugaha ka xiran oo madaxa duuban lagu daadshay jeelka weyn ee argagixisada iyo budhcad badeedda loo dhistay.
? Dadkaasi oo si hayb sooc ah loo bartilmaameedsadey todobaadkii labaadna xabsiga lagu cabudhinayo, waxaa ku jiraa waayeel xanuusanaya oo qaba xanuunada dhiig karka iyo macaaka waxaa in muddo ahba loo diidey in daawo loo geeyo amaba ehelkoodii arkaan. Iyadoo uu maamulka Hargeysa indhaha dadka kaga dahaadhayo fashilka siyaasadeed iyo amni ee ka soo waajahaya Suldaan Wabar oo xarun ka dhigtey dalka Ethiopia.
? Iyadoo xaaladdaas argagaxa lihi taagantahay ayaa haddana magaalada Boorama laga bilaabay tartanka ciyaarihii gobollada islamarkaana si xoog leh garoonkii kubadda loo soo dhoobey ciidan hubeysan oo loo carbiyay la dagaallanka argagixisaada gegidii ciyaaraha oo u muuqata goob dagaal iyo wax u eg in khasab loogu damaashaado xadhigga iyo dulmiga lagu sameeyey waalidiintoodii iyo dadkoodii ee jeelasha Hargeysa ku xiran.
? Iyadoo ay taagantahay duruufta noocaas ahi qof kastaba wuu garan karaa natiijada kadhalan karta, taasi oo ay si dhab ah u oo ficil uga turjumeyso dhacdooyinkii is xigey ka socdey gobolka iyo sida arxan darrada ah ee ay askartii garoonka la soo dhoobey sida badheedhka ah ugu gummaadeen dhallinayaradii garoomada isugu timid.
B. QodobadaBaaqa
Haddaba annaga oo ah xildhibinaada, siyaasiyiinta iyo salaadiinta ka soo jeedda gobollada waqooyi ee maamulka Soomaliland ka arrimiyo ee shirkan isugu yimid cod dheer ugu soo jeedinaynaa baaqan;
1. Waxaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diraynaa annaga oo ka xun xasuuqa ku dhacay carruurta u yimid farxadda iyo isboortiga waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii ay ka baxeenna Samir iyo iimaan ka siiyo.
2. In shucuubta jecel nabadda iyo wada noolaashaha iney is hortaagaan dagaalka iyo gummaadka joogtada ah ku socda dhallinyarada iyo shacabka nabadda jecel, ciddii gummadkaas ka danbeyseyna caddaaladda la horkeeno.
3. Waxaan maamulka Hargeysa ugu yeedheynaa inuu sida ugu degdegsan u sii daayo, raalligelin iyo magdhow ka bixiyo dulmiga iyo xadgudubka qaawan ee haybsooca ku salaysan ee uu kula kacay odoyaasha culimada siyaasiinya iyo dhallinyarada ku xirxiran jeelasha Hargeysa.
4. Waxaan u sheegeynaa in dunidu ka gudubtey xilligii, cabbudhinta iyo cadaadiska ummadda soomaaliyeedna gaartey xilligii degaankastaaba si xorriyad iyo ikhtiyaar leh uga tashan lahaa aayihiisa, horumarkiisa, iyo amnigiisa. Xaaladaha uu abuurey maamulka soomaaliland ee ku sifeysan xurmo darrida iyo adeegsiga xoogga milatari ee lagu muquuninayo shacabka abriyada ah iyo cidkasta oo ku qanci weyda fikirka gooni goosadka, jecelna midnimada dalka iyo walaalnimada unmmadda Soomaaliyeed ay dib noo xasuusinayso duruufihii laga soo gudbey ee sagaashameeyadii qarnigii tegey.
5. Waxaan dawladda federaalka ee soomaaliya shacbiweynaha soomaaliyeed u sheegeynaa in mowqif mideysan la iska taago dulmiga iyo gabboodfalka dhaqanka u noqdey maamulka hadda jira ee ka taliya gobollada waqooyi, loona hiiliyo inta xaqa iyo wadajirka qaranimada Soomaaliyeed jecel.
6. Waxaan Waddamada dariska ah ururgoboleedka IGAD, Ururrada Xuquuqda Aadamaha iyo beesha caalamkaba ugu yeedheynaa in xadgudubyada xuquuqda aasaasiga ah ee ka socoda gobollada waqooyi ee Soomaaliya aanan indhaha laga qarsan karin. Waajib iinsaani ah ayaa inni faraya in xad loo yeelo oo aan lagu fiirsan in xooggagga cabbudhinta ee maamul aan xurmeyneyn xorriyadaha dabiiciga iyo xeerarka dawliga ahi si badheedh ah u gummaadaan, xabsiyada ku guraan carruur iyo waayeel biri ma geydo ah, iyagoon sharci iyo maxkamad horgeynin.
Wa billahi Tawfiiq
Xildhibaan Cilmi Nuur Maxamud
Afhayeenka Xildhibaanada
The post Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Awdal ee dawlada Soomaaliya oo warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan Arimihii Dhalinyarada lagu dilay ciyaaraha ka soo saaray Muqdisho appeared first on Awdalpress.com.
Weblinks:
//-->
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk