Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dhageyso: Muungaab Muxuu Ka Yiri Xil Ka Qaadistii...

$
0
0

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Generaal Xasan Max'ed Xuseen Muungaab oo maanta shir jiraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay Xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay,isagoo soo dhaweeyay talabadaasi xilka looga qaaday.
Generaal Xasan Max'ed Xuseen Muungaab oo ka hadlayay Xilka qaadistiisa ayaa sheegay in Mas'uul kasta oo Soomaaliyeed la badalayo islamarkaana uusan Xilku la dhalan,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu aqbalay,islamarkaana ay tahay dabeecada siyaasada.
Sidoo kale,gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa la dardaarmay shaqaalaha Dowlada Hoose,isagoo ku booriyay in howsha sidii hore ay u socoto,lana dareemin habacsanaan dhanka shaqada ah.
Wuxuuna Muungaab carabka ku adkeeyay in shaqada ay sii soconeyso intuu si rasmi ah Xilka ugu wareejinayo gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka tirsanaa Xisbiga PDP uu madaxweynaha Siyaasada ku soo galay.
"Maamulka Gobolka Banaadir waa uu Shaqeynayaa,Waaxda Canshuurta,Waaxda Dad dhigista,Ciidamada Canshuurta qaada dhamaan wey shaqeynayaan oo wax Hakad galaya Majiraan"ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab.
Gudoomiyihii Hore ee gobolka Banaadir Generaal Muungaab ayaa in ka badan hal sano joogay Xafiiska maamulka gobolka,isagoo badalay gudoomiyihii hore iyo duqii Muqdisho Max'ed Axmed Nuur Tarsan.Ku Dhageyso Mobilkaga.Ku Dhageyso Mobilkaga.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Abyan oo Ku Noqonaysa Australia

$
0
0

Haweeneydii Soomaalida ee lagu kufsaday jasiiradda Nauru ayaa ku noqoneysa dalka Australia kaddib markii ay ogolaatay in laga soo rido ilmaha.
Wasiirka socdaalka Australia, Peter Dutton, ayaa xaqiijiyay inay Abyan ku laabanayso Australia, oo markii hore laga soo celiyay kaddib markii ay diidday in laga soo rido ilmaha.
Wasiirka ayaa beeniyay in dowladda Australia ay baddashay go'aankeeda ku aaddan Abyan kaddib cadaadis ugaga yimid Qaramada Midoobay.
Dutton ayaa sheegay in dhaqaatiir caafimaad oo ku sugan Nauru ay la kulmeen Abyan, ayna kula taliyeen inay u safarto Australia si ay u hesho caawimaad caafimaad in kastoo Abyan ay markiii hore diiday inay ku laabto dalka.
Abyan oo 23 ji ah ayaa sheegtay in 18-kii July lagu kufsaday jasiiradda Nauru kaddibna ay uurka qaadday. Waxay codsaneysay in laga soo rido uurka aysan rabin tan iyo horraantii Sebteembar.
12-kii Oktoobar waxaa loo duuliyay Australia si daryeel caafimaad loo siiyo, balse si deg-deg ah ayaa loogu soo celiyay jasiiradda Nauru shan maalmood kaddib iyadoo aan helin wax adeeg caafimaad ah, kaddib markii sida ay sheegtay, ay dalbatay tashi caafimaad iyo sharraxaad ku saabsan habka ilmaha looga soo ridayo.
Dowladda Australia ayaa sheegtay in Abyan ay baddashay go'aankeeda, ayna ku gacanseyrtay in ilmaha laga soo rido.
Hase yeeshee Abyan way beenisay eedeyntan.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

6 Qof oo Ku Dhimatay Dagaal Galgaduud Ku Dhexmaray...

$
0
0

Lix ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa saakay dhintay kadib markii uu dagaal ku dhexmaray laba garab oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Jacar oo 30 KM u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa dhexmaray laba koox oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo kala taageerayay Daacish iyo ururka Al-Qaacida.
Lixda maleeshiyada ah ee la dilay ayaa wararku sheegayaan inay taageer sanaayeen kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Cabdi Xasan Maxamed oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Galgaduud ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay iska hor imaadka dhexmaray Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in meydka lixda nin la geeyay deegaan lagu magaacabo Barkaan oo 50 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Ceelbuur.
Dagaalka dhexmray Al-Shabaab ayaa saameyn ku yeeshay deegaanka iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay u dagaalamaan labada garab ee Daacish iyo Al-Qaacida.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamulka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaal...

$
0
0

Dowlad goboleedka Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay gobalka Galgaduud.
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa baaq ka soo saaray dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaano ku dhow dhow degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Maxamed Xaashi Cabdi oo ah Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Qaa'ib
Waxaa uu sheegay inay u dirayaan ergo nabadeed, si ay u kala dhex galaan labada beelood ee ku dagaalamay deegaankaas
"Maamulka Galmudug waxaa uu ka xun yahay in la daadiyo Dhiiga Dadka Muslimiinta ah hadana Soomaalida ah ee wada dhashay"ayuu yiri Carabeey.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka inay u istaagaan sidii loo baajin lahaa dagaalka.
Deegaanada Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku soo noq-noqonayay dagaal beeleedyada salka ku hayay muranada dhul daaqsimeedka iyo ceelasha, waxaana ku geeriyooday dad fara badan.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Golaha wasiirrada oo maanta ansixiyay miisaaniyadda...

$
0
0

Ku talla galka miisaaaniyadda dowladda ee sanadka 2016-ka oo ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada ayaa ah 224 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, taasoo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda ee xukumadda Soomalaiya.
Kulanka golaha wasiiradda oo uu shir guddoomianyey R/wasaaraha xukumadda Soomaaliya ayaa warbixin ku addan miisaniyadda dowladda waxaa ugu horayn looga dhagaysatay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Adeen Ibraahim(Fargeeti).
Xubnaha golaha wasiiradda Soomaaliya aya warbixintaasi kadib ka dooday miisaaniyadda dalka ee 2016-ka, iyagoo ugu danbaytii cod aqlibiyadda leh ku ansixiyey miisaniyadda dowladda Soomaaliya
Wasiirka Maliyadda ee xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Aaden "Fergeeti" oo waraysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in miisanaiyadda dowladda ee sanadka 2016-ka lagu saleeyay daqliga ka soo xaroonaya dalka Soomaaliya.
Golaha wasiirradda ayaa sidoo kale waxa ay warbixin la xiriirta roobabka dabaylaha wata ee la saadaliyey iney ku soo wajahanyihiin Soomaaliya uga dhagaysteen wafdigii uu hogaaminayey Ra'iisalwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo dhawaan booqday magalada Baladweyne.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ryan Oo Loo Doortay Afhayeenka Congress-ka

$
0
0

Cod bixin hal dhinac ahayd, oo ay mucaaradeen xubnaha dimuqraadiga, ayaa inta badan xubnaha Jamhuuriga ee aqalka wakiilada waxa ay ku xusheen Ryan oo ah 45 jir.

Ryan Oo Loo Doortay Afhayeenka Congress-ka

$
0
0

Baro Ku Kalsoonaanta Naftaada: Kalsoonidu Waxa Aay U...

$
0
0

Haddii uu jiri lahaa hal shey oo banii aadamku kawada simanyihiin, haddana kala dheeryihiin waxa ay ahaan lahayd A kalsoonida qof walba uu ku qabo nafsadiisa.
Kalsoonidu waxa ay u sahlaysaa qofku hanweyn A in uu yeesho, himiladiisanna uu gaaro. Waxa ay u sahlaysaa qofka dadku waxa ay ka sheegaan in uusan A u aaba yeelin. Waxa ay u sahlaysaa qofka hanashada aragtida dheer, waxayna ka fogeynaysaa aragti-gaabnaanta iyo in uu la fadhi iyo fiiro wadaago dadka aragtida gaaban.
Waxa uu ahaa Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Franklin Roosevelt ninkii yiri, " Dadka caqliga yar leh waxa ay ka sheekeystaan, 'muxuu yiri iyo maxaa la yiri'. Dadka caqliga dhex-dhexaadka lihi waxa ay ka sheekeystaan 'maxaa dhacay iyo maxaa meel heblaayo ka dhacay'. Dadka caqliga weyn lihina waxa ay ka sheekeystaan 'afkaarta iyo sida loo dhaqan galin karo'." Dabcan waxaa A lugu doodi karaa nin walba kalsoonida nafsadiisa uu ku qabo ayuu kala darajo yahay martabadda caqligiisa.
Ninka ku kalsoon nafsadiisa, haddii la cadaabo iyo haddii la ciilaba waa iskugu mid. Ninka ku kalsoon nafsadiisa, haddii la xumeeyo iyo haddii laga xanaajiyaba waa iskugu mid. Waxa uu aaminsanyahay riyadiisa cidina in aysan hor istaagi karin. Waxa uu qorsheystaa noloshiisa sababta oo ah nolosha oo aan A la qorsheysan waxa ay horseedaa nolosha oo lugu dhaco, lagana dhaco.
Ummaddii Muslimiinta aheyd ee taariikhda lama ilaawaanka ahaa ku soo kordhiyey caalamka aynu ku noolnahay, waxa ay kalsoonaadeen Allihii unkay. Ka dibna, waxa ay ku kalsoonaadeen nimcooyinkii Alle uu ku manaystey.
Bal ila eega tixdan gaaban oo uu tirshey Cismaan Yuusuf Keenadiid. Waxa ay daliil u tahay sida uu Cismaan Alle ugu kalsoonaa, ka dibna nimcooyinka Alle uu ugu kalsoonaadey.
Waxa uu ku faanayaa diintiisa, caqiidadiisa, akhlaaqdiisa, aragti- dheeraantiisa, cilmiga Quraanka iyo waliba dadka ajaaniibta ah A in uusan shillinkoodana qaadan, shirkoodana ka qayb galin.
Allaahul Mustacaan.
Nin shukriga Illaah iyo shahaadada qiraan ahay,
Nin shuruudda tawxiidka ku shisheeyso yaan ahay,
Nimaan sharacu suu yiri aan ka shakineyn baan ahay,
Nin shafeecadii Nabiga shiinsanaayo yaan ahay,
Nin shabaab ahaantiisii, shareecada bartaan ahay,
Nin Shuuriyo Ancaam iyo Shucaraba dhigtaan ahay,
Nin shirrabay tafaasiirta oo sharaxana og baan ahay,
Wixii shuhubo iyo ceeb ah nin ka sheexayaan ahay,
Nin aan la shirrin ajnabiga oo shillinkoodana qaadan baan ahay,
Nin shamaadka taariikhda ka sheekeyn karaan ahay,
Nin shoofaarta gabaygana, shaacirkeeda ah baan ahay.Qore: Abdirahman Maxamed (xiddig)Xiddig@gmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Cabista Sigaarka Iyo Dhibaatooyinka Uu Leeyahay, Bal...

$
0
0

Sigaarku waa balwad aad u liidata oo dhakhaatiirta iyo culumaduba isku raaceen inuusan wanaagsanayn aduun iyo aakhiraba. Wuxuu keenaa cuduro aan la soo koobi karin, wuxuu caan ku yahaya ur iyo aragti xumo, wuxuu gubaa oo tahareeyaa meelaha uu sii maro ilaa uu ka gaaro sanbabada.
Aakhirka wuxuu hawl-gab ka dhigi karaa sanbabada, markaas oo qofku uusan noolaan karin oksijiin laaEU(tm)aan, waxaana la isku wada raacay inuu nafta halaago oo uu keeno cimri degdeg. Wuxuu kaloo u daran yahay jeebka, dhibkuna wuxuu u gudbaa dadka ka ag dhow oo iyaguna la qaybsada khatarta sigaarka, gaar ahaan caruurta oo uu ku keeni karo infekshanka dhagaha iyo neef.
Kala bar dadka sigaarka caba waxay u dhintaan cuduro sigaar-cabida la xiriira. Cuduradaas waa adag tahay in hal meel lagu soo koobo waxaanse ka xusi karnaa kansarada, cudurada ku dhaca sanbabada, wadnaha & xididada (gaar ahaan kuwa indhaha, maskaxda iyo lugaha), roomatismo, cimri degdeg ama asaasaq, ma dhalaysnimo ama caadada oo haweenka ka goaEU(tm)da iyadoon aan la gaarin daaEU(tm)deeda.
Carabaha waxaad si aad ah looga cabaa shiishada. Dadka caba waxay ku doodaan inay tahay khudaar aan wax dhib ah lahayn. Hase yeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay inay ka xun tahay sigaarka. Inta goor ee ay ka xun tahay ayaa lagu mur-murmaa waxaana loo dhaxeysaa 2.5 ilaa 400.
Marka qofku sigaarka iska joojiyo waxaa u baaqata lacag, bilicdii horena waa u soo noqotaa. Ragga sigaarka caba waxaa ku badan cudurka kacsi laaEU(tm)aanta. Dumarka aan sigaarka cabinna dhalmada dhibaato kama qabsato waxayna dhalaan ilmo caafimaad qaba. Qofka aan sigaarka cabin haragiisu waa uu ka dhallin yar yahay qofka cabba ilkihiisuna waa ay ka cad-cad yihiin.
Dadka aan sigaarka cabin si caadi ah ayey u neefsadaan mana qufac badna. Waa yar tahay in dadka aan sigaarka cabin ay ku neeftuuraan howl maalmeedka joogtada ah daaEU(tm) kasta ha jireene. Joojinta sigaarka ayaa sabab u noqon karta farqiga u dhexeeya in aad si nashaad leh u noolaato marka aad gabowdo haddiiba aad gaartid iyo inaad la noolaato sanbabo hawlgabay inta noloshaada ka hartay.
Daraasadaha cilmiga waxay cadeynayaan in dadka sigaarka cabaa ay badanaaba wel-wel ku jiraan. Waxay in badan oo waqtigooda ka mid ah ka fikirayaan baahida ay u qabaan sigaarka, nafiska ay ka helaan sigaarkuna waa mid cimrigiisu gaaban yahay.
Joojinta sigaarka waxay qofka u keenta dareenka guusha iyo saxan-saxo caafimaad. Dadka sigaarka joojiya waxay badankoodu sheegeen in cunnadu ay u maacaanaatay, fir-fircoonina ay u korortay.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kenya oo Ururro NGO ah kala noqonaysa aqoonsi

$
0
0

Kenya ayaa sheegtay in in kabadan sagaal boqol oo ururro samafal ah ay aqoonsiga kala noqonayso.

Q9aad Kaasi Waa Wiilkeyga ‘Sheeko Xiiso Badan Oo...

$
0
0

Sheekadaan xiisaha badan ee aad isniin weliba ka daalacan doontid shabakada kobciye.com illaa aay ka dhamaato hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii horeHALKAAN RIIX OO KA AKHRISO QEYBIHII HORE EE SHEEKADAAN XIISAHA BADAN.Billoowga Qeybteena Maanta
Dhanka Hani Iyana waxay lahayd Qorshe kale oo ay ku damacsanayd in ay ugu sheegto Runta ku saabsan waalidiintiisa, waa qof walba iyo qarshihiisa, balse Quluubta waxa ku qarsoon waa mid lagu kala duwanyahay.
Hani xaalkeedu waa Badda oo kacsan, waxaa saarnaa Cadaadis kale oo ku saabsan ninka ay ilmaha u dhashay, maxaa yeelay umaba sheegin in ay Wiil dhashay, maalinkii ay isku sharraxaysayna waxay ahayd mid ku gaabsatay in aysan Gabar ahayn oo Guur fashilmay ay soo martay, sababta aysan ugu sheegina waxay ahayd, iyada oo wax kala ilaalinaysay markaa, doonaysana in Farxaan yare maadaama uu yaraa lana joogay Reer aysan Buuq ku shidin, iyadana xaalkeeda ku aaddan guursiga ninkan uusan usii noqon mid kasii fogaada.
Wax walba waxay la sugaysay Waqtiga ku haboon, waxaana la dhihi karaa waa xilligan xilliga ay sugaysay in ay kusoo gunaanaddo arrimahan soo jiitamayay ku dhawaad labaatanka Sano, Waddada ay u maraysase arrinkaa ayaa ah mid ay ku gudban yihiin SuaEU(tm)aalo badan.
Hani waxay goaEU(tm)aansatay inay daboolka ka qaaddo oo u sheegto ninkeeda in wiilkan ay iyadu dhashay balse, waxay ka wal walaysay maadaama C/xakiin ay shalay u sheegtay arrinteeda uuna sidaa ku aqbalay, waa maxay sababta ay uga qarisay in ay wiil dhashay? wiilkana uu yahay wiilkan mar walba Xaafada yimaada.
Waa Xaalad adag runtii, halkaana waxaan ka fahmi karnaa in wixii aad qarsato ay ku qarsadaan, Ololka ka baxaya gudaheeda waa mid iyada ku qaas ah, haddii shalay ay runta wada sheegi lahaydna waxaa imaan lahaa SuaEU(tm)aalo badan oo aysan markaa diyaar u ahayn ka jawaabistooda.
Waasa dumaroo waxay kaloo ka fakaraysay in gurigeeda uu dhismi waayo, waayo Naag iyada oo aan la ogayn Garoob noqotay, hadana wiil dhashay, hadana ilmihii ku xoortay Wadda cidla ah, adiga sheekada aqrinayaba waa cabiri kartaa waxa Hani ay ka cabsatay iyo sida ay arrinta ka noqotay.
waasa iska dhib Adduun, waana ugu garaabayaa Hani arrintaa, hadda waa Xaas sharaf leh, ilmana ilaah waa siiyay, macaanka dhabta ah ee guurka ahna waa dhadhamisay, hase ahaatee khalad waa khalad, laba xaalad oo kala daran marka ay isku kaa qabtaan midda kuu sahlan ayaa la qaataa, hanina waxaa u sahlanaatay in ay C/xakiin ugu koobto sheekada in aysan gabar ahayn, wax kalana aysan ku darin.
Noolaha waa midka gacmihiisa ku abuurta dhibaatada, waana midka mar walba sabab u ah waxa ku dhacaya, Hani iyada ayaa sababsatay in ay gasho guur sababay in cunugeeda ay meel cidla ah ku xoorto, hadana isla iyada ayaa sabab u noqotay in ay hadana xaaladdan abuurto, maxaa yeelay, marka dhanka wanaagsan wax laga eego ma ahan wax wanaagsan in qof kula nool oo noloshiisa dhanka macaan iyo dhanka qaraarba kula qaybsanayo in aad hadana u noqoto qof dhan kale ka daahsoon, waasa xaal aduun wax walbana sabab ayay leeyihiin natiijada ka dhalata sida ay rabtaba ha noqoto.
Hani waxaa soo food saaray Imtixaan kale oo ka daran kii shalay ee ahaa markii ay waalidkeed ogaadeen in ay dhashay Cunug misana ay ku tuurtay Waddada, waasa wax ay ku tala gashay awal marka ay ficilkaas sameyneysay waa ogayd in suaEU(tm)aalo badan iyo dhibaatooyin badan ay uga imaan doonaan wiilkan ay xoortay.
Dhib culus marka uu kugu dhaco haddii aad u wajahdid Waddo khaldan markaa waxaa ka dhasha dhib kale, waana kan maanta haysata Hani, Dhabta marka laga hadlo Been lama sheego, marka aad sheegtana hubaal in ay dib kuu ugaarasnayso, waana midda maanta haysata hani, waxaa laga doonayaa in ay ka dhaadhiciso ninka ay shalay u sheegtay in ay garoob ahayd ilmana aysan lahayn, in ay haddana ka dhaadhiciso in wiilka farxaan ah ay iyada dhashay.
Muxuu noqon doonaa jawaabta uu C/ Xakiin baxsho, Qoyska hanise Sawir nuuce ah ayuu yeelan doonaa? ma wuxuu ahaan doonaa sida uu hadda yahay mise is baddal kale ayaa dhalan doona kaas oo noqon kara mid lagu kala tago, mise mid lagu sii wada joogo? aan bal dhowrno qorshaha ay ku fakarto hani, fakar badan ayaaba haya waan hubaayee.
Hani wax ay fakarto maalintii oo dhan ilaa habeenkii waxay goaEU(tm)aansatay in musatqabalkeeda uu Allaah hayo, in ay khalad hore ay khalad ku saxdayna uu maanta yahay midka maanta iyada murjinaya, waxay goaEU(tm)aansatay in ay Caawo marka uu xaajigeeda yimaado si wanaagsan ugu sheegto arrinta kale ee gudaha ka hurinaysa, waa arrinta Farxaan.
Farxaan xagiisa in wax loo sheego waa mid sii qaadanaysa Amakaag kale, maxaa yeelay, isaga naftiisa ka dhaadhicin ayuu u baahan yahay, islaanta uu u aaminsanaa walaashiisa ama dariskiisa in ay maanta noqoto Waalidka uu baadi goobayay, waxaa kaga sii yaab badnaan doona in ay noqoto hooyada uu suaEU(tm)aalaha uu doonayo in uu jawaab u helo uu waydiin doono!
Hani dhankeeda waxay ku jirtay diyaar garow iyo Gogol xaar ay u samaynayso sidii ay ugu sheegi lahayd ninkeeda dhabta waxa ay tahay, galabka ay sidaa u diyaar garoobaysana waa galab khamiis ah, waxay diyaarisay Casho aad u wanaagsan, gurigana si wacan ayay u hagaajisay, iyadana si haybad leh ayay isku qurxisay, waa galab runtii ay ku tala gashay in ay noqon doonto galabta ay gurigeeda kusii nagaan doonto iyo galabta ay gurigeeda ka bixi doonto, micnaha bur burka qoyskeeda uu iman doono, ama si laab nabadaysan ay ugu noolaan doonto gurigeeda.
Habeenkaa wuu soo daahay C/xakiin oo shaqooyinkiisa iyo asxaab ayaa soo daahshay, wuxuuna yimid guriga laba saac oo habeenimo xilliga markii ay ahayd isaga oo ka war hayn waxa socda iyo waxa loo diyaarshay iyo waxa laga doonayo Caawa.
Hani soo dhawayn kalgacal ku dheehantahay ayay u samaysay ninkeeda ilaa uu la yaabo waxa caawa jira dhowr suaEU(tm)aal oo ku saabsan arintaana wuu waydiiyay, balse waxay ugu koobtay in ay Qorshe ka leedahay, laakin lagu gorfayn doono xagaa iyo Sariirta oo aan Kursiga loogu tala galin.
C/xakiin ayaa hani kula kaftamay kolayba caawa war waa jiraaye qorshahaaga yuusan u badan in aad i wayddiiso Qarashaad, waan ogahay marka aad sidan oo kale aad isku soo habayso in aad wax damacsantahay, wanaagan caawa yuusan noqon oo kaliya mid jeebkayga loogu dhaco.
Hani Qosol ayay la dhacday oo waxay ugu jawaabtay aEUoecaku adiga iyo Bakhiilnimo war qorshaha aan kaa leeyaay caawa waa ka waynyahay Qarash iyo wax la mid ahaEU sidaa ayaa cabaar kaftan hadba dhinac taabanaya la isku talan taalsaday.
LA SOCO QAYBTA 10AAD ISNIIN WALBA INSHA ALLAH
W/Q: Mohamed Musa Sh. NoorLA SOCO QAYBAHA Danbe Isniin walba insha Allah iyo Kobciye.ComW/Q: Mohamed Musa Sh. Noor
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee Kenya oo...

$
0
0

Kn: Qorshihii dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool ayaa waxaa soo foodsaaray caqabado kadib markii ay suurogali weysey in la wada helo qarashkii loo qoondeeyey in dadkaasi dalkooda dib loogu soo celiyo.
Illaa $500 milyan oo doolar ayaa loo baahnaa in la helo, balse shirkii todobaadkii hore lagu qabtay dalka Biljimka ee arrintani looga hadlayay waxaa kaliya lagu yaboohay $100 milyan oo kaliya.
Arrintani ayaa waxa ay imanaysaa xili uu waqtiga ka dhacayo heshiiskii sedex geesoodka ahaa ee ay wada galeen dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, waxaana laga cabsi qabaa in heshiiska uu waqtiga ka dhoco iyada oo aanan la fulinin waxyaabihii lagu heshiiyey.
KismaayoNews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Siilaanyo Oo Guddi U Magacaabay Khilaafka

$
0
0

Guddiga uu magacaabay Siilaanyo oo ka kooban shan xubnood ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan sidii loo hubin lahaa arrimaha ay isku hayaan xubnaha xisbiga Kulmiye ee khilaafka dhaliyey.

Golaha Ammaanka Oo Cambeereeyey Weerarkii Saxafi

$
0
0

Xubnaha golaha ammaanka ayaa Soomaaliya u ballan qaaday in weerarada noocan oo kale ah aysan joojin doonin taageerada ay siiyaan dadaallada ay Soomaaliya ku raadineyso nabad iyo xasillooni ballaaran.

Waraysi: Weriye ku dhaawacmay qarixii Saxafi

$
0
0

Suxufigii shanaad ee sannadkan gudihiisa dhinta isagoo hawshiisa gudanaya ayaa ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday Hotel saxafi shalay.

Beelo walaalo ah oo ku dagaalamay Xadka Kenya iyo...

$
0
0

Mandheera ( Sh. M.Network)-Wararka laga helayo Xadka kala qeybiyo Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan deegaanada Qoorgalaay iyo Qorof oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku soo warramaya in dagaal beeleed khasaaro sababay uu ka dhacay halkaas.
Dagaalka ayaa sababay kadib markii dadka deegaanka ay isku fahmi waayeen dhul daaqsineed deegaanadaas ku yaalla iyadoona dagaalka ay isugu adeegsadeen hubka daran dooriga u dhaca.
Inta la ogyahay waxaa dagaalkaas ku dhintay 6 ruux halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo u badan dhinacyadii dagaalamay.
Weli waxaa xiisad ay ka jirtaa deegaanada ay ka dhaceen dagaal beeleedyada , inkasoo wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamo ka socda dowladda Kenya ay gaareen deegaanada lagu diriray kuwaas oo aan wax natiijo ah ka gaarin xiisada halkaas ka alowsan.
Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo Lagu Magacaabo Kheyrow Mahad Nuurow ayaa ka warbixiyay xaaladda deegaanadaasi lagu diriray isagoo sheegay in ay wadaan dajinta colaad ka soo cusboonaatay deegaanada Qoorgalaay iyo Qorof ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Inta badan dagaalada Ceynkaan oo kala ah ayaa waxa ay aalaaba ka dhacaan deegaanada dhuldaaqsimeedyada iyo Ceelasha Biyaha ay ku yaallaan ee ay wada degaan Beelaha Soomaaliyeed.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo: Al-Shabaab oo baahiyay muuqaallo iyo Sawiro...

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online) - Warbaahinta ururka Alshabaab taageerta ayaa soo bandhigtay sawiro iyo Filim muujinaya noloshha dhabta ah ee Al-shabaabka ka dagaalama Dalka Kenya.
Filika cusub waxaa lagu soo bandhigay muuqaallo ka tarjumaya nolosha dhabta ah ee xoogaga Alshabaab ee gudaha Kenya ka dagaalamaya.
Filimkaan waxaa soo saaray Mu'asasada Al-kataa'ib ee garabka warbaahineed ee ururka Al-Shabaab.HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Caasimada OnlineXafiiska KenyaCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DHEGA-BADAN oo lagu aasayo mee ka baxsan…

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in hadda ay ka socoto qaban qaabada aaska dadkii ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay oo u badnaa dad magac ku lahaa bulshada ayaa waxaa salaada Janaasada haatan lagula dukanayaa madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kamid ah C/rashiid Ilqeyte milkiilihii hotel Saxafi iyo xubno kale oo dowlada ka tirsanaa.
Balse wararka aan heleyno ayaa sheegaya in general Dhagabadan lagu aasayo meel ka baxsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Dhagabadan lagu aasi doono deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo uu kasoo jeedo dhalasho ahaan.
Waxaa socoto qaban qaabada loogu diyaar garoobayo sidii meydka marxuunka loo geyn lahaa deegaanka Xeraale, iyadoo qorshaha uu yahay in laga dejiyo magaalada Dhuusomareeb.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirka Amniga oo sheegay in kuwii weeraray Saxafi...

$
0
0

Wasiirka Amaanka Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxa'ed ayaa VOA u sheegay in raggii fuliyay Weerarkii Saxafi hotel ay xirnaayeen Dharka Ciidanka Burundi.
C/risaaq Cumar Maxa'ed ayaa tilmaamay in Ciidanka amaanka ay dileen dhamaan dhamaan raggii Weerarka soo qaaday, kuwaasi oo uu sheegay inay wateen Tuutaha lagu yaqaano Askarta Burundi, kaasi oo ay ka heleen weerarkii Saldhiga AMISOM ee Leego Bishii Juun ee sanadkan.
Dhanka kale, Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxa'ed, ayaa sheegay in ragga qaar ay u ekeeyeen Dad ajnabi ah, balse ay wadaan Baaritanano ay ku xaqiijinayaan arintaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda ay kasoo badbaadiyeen Weerarka Saxafi hotel Dad badan oo Mas'uuliyiin & Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ay kamid yihiin.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ajaanib goordhow lagu maxkamadeynaayo Muqdisho ...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta Maxkamada Gobolka Banaadir lasoo taago rag la sheegay inay yihiin ajaanib Magaalada Muqdisho kusoo gashay amar la'aan iyaga oo aan wadan wax sharci dal ku gal ah.
Soo taagida Maxkamada Ajaanibtaani ayaa waxaa goordhow xaqiijiyay Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdullaahi Gaafow, waxa uuna sheegay in Maxkamada uu u gudbiyay illaa 27 Ajnabi oo qaab qaldan kusoo galay Muqdisho.
Taliyaha waxa uu sheegay in danbiilayaasha ajaanibta ah ay mudooyinkaaniba u xirnaayen Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, hayeeshee maanta lagu ballansan yahay in Maxkamad lasoo taago islamarkaana dacwadooda maanta la qaadayo.
Taliska Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Somalia ayaa sheegay in qof ajnabi ah oo aan ruqsad ka heysan waaxdaasi aanu iska soo geli Karin dalka.
Lama oga waxa uu xukunkooda noqon doono Ajaanibtaani, inkastoo DF Somalia ay aad u qiimiyso ajaanibta hadana ma cadda in lasii deyn doono iyo inkale.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com