Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Gudoomiyaha SOLJA oo Khudbad ka Jeediyey...

$
0
0

Loollanka Awood kala Riixashadda Wejiyada Cusub Iyo...

$
0
0

Hargeysa(Ramaas)-Digreetada Madaxweyne Siilaanyo hay'adda wadooyinka ku hoos-geeyey Wasaaradda hawlaha guud, ayaa daaha ka feyday loollanka wejiyada car-carta qaba ee awoodku maamulka Madaxweynaha, hay'adaas Mooshin sharci oo ku saabsan nidaamka ay ku shaqeyn lahayn iyo maamulkeeda uu hadda hor-yaalo golaha wakiilada si ay uu ansixiyaan.
Digreetada dihin ee Madaxweyne Axmed Silaanyo shalay soo saaray ayaa sida lagu sheegay Warar Wargeyska Yool helay, waxa ay ku timi kadiib markii qorshe ama talo ay soo shaxeeyen kooxda isbahaysiga Bidix dhexe ee xulufada la ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi, sidoo kale-na uu loollanku ka dhexeeyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji xasan. Haddaba, sida ilahaasu tibaaxeen qorshaha ama shaxda wajiyada cusub ee amuurtan la xidhiidha waxa ay xuseen in qorshaha wareejinta Hay'da wadooyinku uu ahaa mid loogu waffeynaayo Wasiirka cusub ee hawlaha Guud Cali Mareexan, maadaama oo wasaaraddiisu aanay lahayan ilo dakhli kasoo baxo oo ku filan.
Waxa kaloo, xoguhuu intaa ku dareen, in xubnaha ku cusub awood ku maamulka Madaxweynaha ay ku heeshiiyen qorshe dakhli sameyn cusub ah, kaasoo sida la sheegay ay uu dejiyeen. Kow in Wasiirka cusub ee Madaxtooyada Maxmauud Xashi uu ku qaybo qasriga, halka sida iluhuu soo tabiyeena la isku waafaqay in Wasiir Cali Mareexan wasaaradda loogu daro Hay'da wadooyinka iyo maamulka kaalmada caalamka iyo Lacagaha wadooyinka ee Bulshada laga ururiyo. Haddaba warsaxaafadeedka Madaxweynaha oo faahfaahsan ayaa uu dhignaa sidan; "..Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ooh ore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada. "..Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka; Markuu Tixgeliyey: Talada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso;
Markuu Dersay: Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka; Markuu Garawsaday: Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka; Wuxuu Soo Saaray; In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)..".
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo:Reer Boorama Oo Taageeray Musharaxnimada...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Jabbuuti, ee dalka Jamhuriyadda Jabuuti halkaas oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kala hadli doono arrimaha amniga gobolka, dardar-gelinta hawlgalada ciidammada AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale.Jabbuuti ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal kan tegi doona magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya , halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan 22-ka dal ee Jaamacadda Carabta ka tirsan, iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta America.HCTV Online
The post Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Jabuuti +Sawiro appeared first on Awdalpress.com.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Qiimee Isbarbardhiga Labada Siyaasi Muuse Biixi Iyo...

$
0
0

Maamulka Puntland Oo Ka Hadlay  roobab dabaylo wato...

$
0
0


Madaxwweynaha Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in roobab dabaylo wato ay ku dhufteen qeybo kamid ah Gobalada Puntland, saameyn xooglehna geysteen.
Deegaano katirsan Gobalada Bari iyo Gardafuu ayuu madaxweynuhu sheegay in duufaantaasi khashaaro u geysatay , waxaana dumay guryo deegaan ah iyo goobo ganacsi , halka ay go'een wadooyin halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaaiidka .
'' Sidoo kale dabeylahaasi waxaa ay burburiyeen goobihii loogu shaqeynayayey arrimaha bulshada ,sida goobaha waxbarashada ,caafimaadka iyo xarumihii maamulka ee caluula iyo bareeda '' Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .
Wadooyinka Go'ay waxaa kamid ah wadada gasha Qandala , wadada isku xirta Baargaal, Caluula , Bareeda iyo murcanyo , waana wadada loo yaqaan lafa goray oo muhiim u ah dadka deeganadaasi.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka deeganadaasi, iyagoona ku hal qabsanaya halkudhigii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.
'' Beesha caalamka waxaan ka codsnaynaa inay taageero ka geystaan baahida dadkaas la soo daristay sida cuntada , hoyga , caafimaadka iyo wixii lamid ah '' Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Dr Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Dawladda Puntland dhankeeda qaadanayso waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aadan u kaalmeyta dadka deeganadaasi ee ay saameysay duufaantu .
-DHAMMAAD-

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka...

$
0
0


Muqdisho, 9 November 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Djibouti.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, dardar-gelinta dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo kan gobolka intaba.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi dowladda Djibouti iyo Madaxweyne Geelle uga mahadceliyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, naftoodana ay u hureen sidii Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagi lahayd.
Madaxweyne Geelle ayaa isna ku ammaaney dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen dhanka sugidda amniga, siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, isagoo intaa raaciyey in mar walba ay diyaar u yihiin taageero dhan kasta leh oo ay Soomaaliya u fidiyaan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Djibouti ku soo dhoweeyay Ra'iisul Wasaaraha Djibouti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo mas'uuliyiin kale.
Marka uu dhammeysto booqashada uu ku joogo Djibouti, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga sii gudbi doonaa magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.
-DHAMMAAD--

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dooday Hindise...

$
0
0


Kulanka Baarlamaanka ee maanta ee uu ajendayaashiisu ay ka mid ahaayeen Dhaarin Xildhibaan cusub, Doodda Hindise Sharciyeedka Saxaafadda, Qeybinta Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga.
Ugu horeyntii kulanka ayaa lagu dhaariyay dhaariyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxman Xuseen Odawaa oo badalay Xildhibaan Abtidoon oo ku geeriyooday weerarkii 1-da bishani ka dhacay Saxafi Hotel ee magaalada Muqdisho.
Intaasi kaddib waxaa la guda galay doodad hinidie Sharciyeedka xeerka saxaafadda iyadoo ay is qoreen xildhibaanno doonaya in xeerkani ay aragtidooda ay ka dhiibtaan.
Waxaa la qeybiyay Hindise sharciyeedka Lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga, taas oo qeyb ka ah sida uu qabo sharci hoodaaska Baarlamaanka.
Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Dalka mudane Jaylaani Nuur Ikar oo shir guddoominayey kulankii maanta ayaa u hambalyeeyay doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiillada Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Daawo: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo ka hadlay...

$
0
0

Anigoo wax dili kara duco Qaadan Maayo Gudoomiye...

$
0
0

Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Oo Si...

$
0
0

Hargeysey(Waaheen)shirka oo saaka si rasmiya uga furmay Hotel Maansoor ee Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Hogaanka Xisbiga iyo qayb ka mida Xubnaha Golaha dhexe oo iska kooban, kooramka ayaan buuxsamin ilaa hada, hase yeeshee khudbadaha Furitaanka ayaa socda.
Garabka kale ee Musharixiinta KULMIYE Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe ayaan ka soo qayb galin Shirka iyaga iyo Taageero yaashoodii Golaha dhexe.
wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco WAAHEEN.COM
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DAAWO VIDEO:-Booqashadii Masuuliyiinta Jubbaland ee...

$
0
0

DAAWO VIDEO:-Guddoomiye Cirro Oo Muuse Biixi U...

$
0
0

Qeybtii Labaad Sheeko Xiiso Badan Xulashadii Hablaha...

$
0
0

Markaan indhaha saaray hub waxaan dareemay cabsi walwal iyo in aanan hadalba awoodin waxaa aragii iga raacay Xamdi wax kale oo ii muuqdo ma jiraan.
Xamdi aabaheyd ayaa igu yiri waxaa joogeysaa xafadani mudo 3 saac ah kadibna waxaan kuu wareejineynaa saldhiga. Waxaadna ku eedeysan tahay lacag dhan 16 000 oo dollarka mareykanka ah, hadaanu helno lacagteena waanu ku fasaxeyna.
Waxaanu xaqeena sugeyna mudo dheer illah baana mahad u sugnaatay hadad soo labatay adigoo nabad qaba. Waan fahmi wayay sida aay wax u socdaa waxaan dhowr mar raadshay in aan su,aal weydiiyo Xamdi aabaheyn lakin wakhtiba ima siinin. Waxaan maqli jiray wareer cawo waa loowaabariistaa, Aniga oo is hubo in aan xoolo qof dhicin waligey ayan si ogaal ah u codsaday in aan si gooni ah ula hadlo Xamdi? Aabaheyd ayaa iigu wacay waxuuna raacshay waxaad u sheegi laheyd ayada kaligeed inoo wada sheeg.
Xamdi oo aan sidaa iiga dheereen ayan ka dareemay wajigeeda qosol aaysan muujin, waxana iska dhaadhici in arintu aaysan xumeyn xalkana uu dil joogin.
Waxaa lagaaray xiligii salada reerkii xamdi oo dhan masaajidka ayey aaden aniga oo wali fadhiya barxadii guriga. Waxaan fiiriyaa xamdi ilama hadleyso lakin waxaa ii soo dhawaday gabadhii xamdi ka yareed oo igu dhahday orod dhaqso oo ka daba tag aabe kuna soo dugo masaajidka waxaa laga yaabaa in aad hesho waxaad jeceshahaye. Waa 12 sano jir gabadha sidaa igu dhahday, waxaan aaday masaajidkii aniga oo mar iska dhaadhiciya dhuumo oo xafadaada aad.
Markaan sitaa ku taamo niyada iyo jaceylka ayaa ii diidayo in aan ka laabto xamdi aniga oo aan wali la hadal. Waxaan niyad ahaan ahaan ku taamaa hadii aay ku xeran rabeyn sabab aay kaga tageyn adigoo barxada guriga jooga sabab aay salaada u aadeen waliba 10 daqiiqo ka hor aadanka kowaad.
Waan sheekeysanayay aniga oo ku guda jira salaada waxaan ku daba aadanahay Xamdi aabaheyd.
Waxaan ka soo wada labanay salaadii si toos ah ayan u imid gurigii. Marna waan yara baqaa marna waxan dareemaa wanaag. Waxaan garab fadhiistay xamdi aabaheyd waxaana si wanaagsan u bilaawday wada hadalo leygu weydiinaayo qofka aan ahayn waxaan u sheegay in aan qurbaawi ahay Muqdishana aan u imaaday xamdi daraadeed anan ka cabsaday waxii aay igu sameyeen. heer aan hadalka iska waayo.
waxuu si dagan iigu sheegay in aan marayay imtixaan ka mid ah imtixaanada jaceylka ee gurigan looga qaado wiilasha soo galo. Waxaana ku amaanantahay kalsoonida aad ku qabto jaceylkaada iyo in aa tahay ahlu salad waxaana ley balan qaday si wanaagsan in leegu dhameynaayo waxii guur ah. Waxan la kulmay gacalisadeeydi waxaana og,aansanay in uu arooskena dhacaawo 2 isbuuc ka dib lakin nasiib daro markaan kasoo tagay gacalisadeydii oo aan u dhawahay gurigeygii ayaa waxaa maqlay sawaxan aan u maley ciidan guuta ah hadii aan gadaal u fiiriyaba waxaa ley amray in aan istaago gacmahana kor u haayo.
LA SOCO QEYBTA 3AAD IYO KOBCIYE.COM
W/Q Cabdicasiis Xaaji Aden (Balack)
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Obama Oo Ku Biiray Saaxiibada Facebook

$
0
0

Bogga madaxweyne Barack Obama waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyey ee facebook oo madaxweyne Mareykan ah uu yeesho.


Kay "Somalia Way Ka Gudbeysaa Dal Fashilmay"

$
0
0

Nicholas Kay ayaa Golaha Ammaanka ee QM u sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso dhibaatooyinka dal isku imanaya, oo aysan ahayn dal sii kala dhacaya.

Isbitaalka Banaadir Oo Dawo La'aani Ka Jirto

$
0
0

Dawo la'aanta ka sokow in, shaqaalaha isbitaalka Banaadir jooga ayaan wax mushaar ah qaadan, waxayna ku shqeeyaan si bilaash ah.

Xisbiga KULMIYE Oo Doortay Muuse Biixi

$
0
0

Muuse Biixi Cabdi oo ah guddoomiyaha xisbigaas ayaa waxa uu noqon doonaa musharaxa u matalaya doorashada madaxweynaha Somaliland.

Dabeylo Khasaare Ka Geystay Puntland

$
0
0

Dabeylaha ayaa hoy la'aan dhigay dad badan, waxaana ay sidoo kale saameeyeen beerihii timirta ee gobolka uuu caanka ku ahaa.

UK: Saameynta Joojinta Qaadka ee Soomaalida

$
0
0

Saameynta joojinta qaadka ee Soomaalida UK ayaa waxaa ugu weyn inay aad hoos ugu dhaceen rabshadaha guriga ama (domestic violence).

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live