Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

US oo lacag dul dhigtay hogaamiyayaasha Alshabaab

0
0

Mareykanka ayaa malaayiin dollar oo abaalmarin ah u ballan qaaday cidkastoo sheegta akhbaar ku saabsan meelaha ay ku dhuumanayaan hogaamiyayaasha kooxda Al-shabaab.


Galmudug Oo Wadda Dhismaha Maamullo

0
0

Madaxweyne ku xigeenka GALMUDUG Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay siyasaadda lixda tiir ee maamulka GALMUDUG.

EU oo dhaqaale ku bixineysa soo celinta tahriibayaasha

0
0

Hogaamiyayaasha Yurub iyo Africa ayaa isugu tagay shir ka dhacaya jasiiradda Malta. waxa ay Yurub dooneysaa inay dhaqaale siiso dalkastoo la soo noqonaaya qaxootiga.

Dadka Afghanistan Oo Ka Dibad-baxay Daacish

0
0

Dadku waxa ay aad uga carreysan yihiin 7 qof oo saddex ka mid ah ay yihiin haween oo koox ku xiran Daacish ay gowarceen.

Saddex Nabaddoon Oo Lagu Dilay Galgaduud

0
0

Nabaddoonada la dilay oo dadaallo nabadeed ka waday Balan-Bale ayaa waxaa lagu weeraray waddada u dhaxeysa Balan-Bale iyo Guriceel.

Ciidamada Faransiiska oo ka baxaya CAR

0
0

Wasiirka difaaca ee Faransiiska ayaa sheegay in ciidankooda ay ka soo baxayaa Jamhuuriyadda bartamaha Afrika, kaddib doorashada bisha soo socota dalkaasi ka dheceysa.

Hoteellada Somalia Oo Online Aad Ku Kireysan Karto

0
0

Waa markii ugu horreysay oo hoteello ku yaalla Soomaaliya lagu kireysan karo Online, meel kasta oo aad dunida ka joogto.

9 Ku Dhimatay Dagaal Ka Dhex Qarxay Al-Shabab

0
0

Dagaalka ayaa waxa uu dhex maray maleeshiyo ka tisran Al-Shabaab iyo kuwa kooxda ka baxay oo taabacsan ururka Daacish.


Qaraxyo Baabuur Oo Lagu Weeraray Amisom

0
0

Ciidamada Amisom ee qaraxyada lala beegsaday ayaa waxaa lagu weeraray baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey, inta u dhaxeysa Carbiska iyo Afgooye.

Wareysi: Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

0
0

Waxyaabaha uu ra'iisul wasaaraha ka hadlayo waxaa ka mid ah kulankii uu la yeeshay Kenyatta iyo wararka sheegaya in Kenya ay ku durugtay xaduuda Somalia.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Booqday...

0
0


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Maalmahaanba Booqasho ku joogay Dalka Suudan ayaa si isdaba joog ah ku tagayay Qeybaha kale Duwan ee Xaruumaha Booliska Dalka Suudan ee ku yaala Caasimada Sudan ee Khartuum.
Taliyaha ayaa Booqday Xarunta Xabsi ku yaala Magaalada Hudal islaaxiyaha markii uu Goobtaasi Gaaray ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay heesaha Qiirada leh ee intabadan lagu Gubaabiyo Ciidanka Booliska Dalka Suudan isagoo arkay habka ay u shaqeyso Xaruuntaasi mahad balaarana u jeediyay Madaxweenaha Dowlada Suudan Cumar Xasan al Bashiir iyo Madaxda Ciidanka Qeybihiisa kale Duwan
"Anigoo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo kan Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa in aan idinkaga Mahadnaqo waxa aan maanta ku arkay Magaaladani iyadoo Dadaalkaasi aan rabo in aan uga Mahadnaqo Madaxweynaha Dalka Suudan Cumar Xasan al Bashiir Wasaaradda Arimaha Gudaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Dalka Suudan iyo Hogaanka Magaaladani waxaa laga yaabaa in aan dul istaago meelaha qaar oo Magaladani tilmaamaha u ah waana mid aad u heer sareysa mana fileen in aan arko xaruuntan tilmaamaha noocan oo kale in aan ku arko Wadan dhaca Qaarada Africa.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa la Geeyay Xarunta Booliska ay ka Hagaan ama ka Maamulaan Kaamirooyinka ku xiran Wadooyinka Caasimda Dalka Suudan iydoo la tusiyay habka ay u shaqeyso Xaruntaasi waxayna Madaxda Booliska halkaasi ku sugnaa ay hal hal ugu sharaxeen Xaruuntan intaa kadib sidoo kale waxaa la geeyay Taliyaha Qeybta Booliska ee Qaabilsan ka hortaga Rabshadaha lana Tusiyay Gawaarida ay isticmaalan Xiliyada ay howlgalada ka sameenayaan goobaha Rabshadaha ay ka jiraan Taliyaha ayaa ka Mahadceliyay sida ay u siiyeen Madaxda Booliska Warbixin Dhameestiran oo ku adaan waxyaabaha ay qabtaan Booliska Rabshadaha ka hortaga
Markii uu soo Gabagabeeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Soomaaliya Booqashooyinkiisa ku aadanaaa Xaruumaha Booliska ee Dowlada suudan Qeybaheeda kale Duwan ayaa waxaa Hoyga guud ee ay leeyihiin Taliska Booliska Suudan loogu Sameeyay Casho sharaf taa oo uu Agaasinkeeda lahaa Dhigiisa Suudan Haashim Cismaan al Xuseen iyadoo Cashadaasi sidoo kale goob joog ay ahaayeen Dhamaan Hogaanka sare ee Ciidanka Booliska Dalka Suudan.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha: “Iskaashiga waddamada Jaamacadda...

0
0


Riyadh, November 11, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America ee ka socdey magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku xusey muhimadda iskaashiga u dhexeeya waddamada Carabta iyo dalalka Koonfuur America, oo uu sheegay in loo baahan yahay in sare loo sii qaado.
"Iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America waa mid muhiim ah oo waxtar leh, kaas oo ku saleysan aragti mid ah, wadajirka labada dhinaca iyo horumarinta ganacsiga. Ujeeddada aan maanta halkan isugu nimid maahan oo keliya inaan muujino adkeynta iyo sare u qaadista iskaashigeena istaraatijiyadeed, balse waxaan dhanka kale dooneynaa inaan caalamka tusno in xiriirka iskaashi ee inaga dhexeeya uu yahay mid adag oo runta ku dhisan, si ficliyan ahina loo arki karo. Waxaan qirayaa inaan ku tallaabsaney horumar la taaban karo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo la dagaalanka argagixisada, taana waa guul u soo hoyatey Jaamacadda Carabta iyo dalalka Koonfuurta America''.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Koonfuur America u sharaxay xaaladda Soomaaliya iyo doorka waddanku uu ku yeelan karo iskaashiga caalamiga.
''Soomaaliya dib ayay uga soo kabaneyssaa waayihii mugdiga ee colaadda iyo dagaalada sokeeye. Waxaan horumar la taaban karo ka sameyney nabadeynta iyo xasiloonida, maamul wanaagga, iyo abuurista hannaan si hufan loogu maareeyo dhaqaalaha dalka. Dhaqaalaheena waxaa uu sameynayaa horumar. Waxaa la filayaa in waqtiyada dhow ee soo socda aan gaarno horumar dhaqaale oo ka ballaaran kan aan haatan haysano. Dhaqaalaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya waa mid door weyn ku leh waddankeena. Waxaana xusid mudan in dalalka aan ganacsiga wadaagno ay ku jiraan kuwa Koonfuur America, haddii aan tusaale u soo qaatana 9% badeecadaha aan dibedda ka keensano waxay inooga yimaadaan Brazil", ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha khudbadiisa ku sheegay in Jaamacadda Carabta iyo dalalka Koonfuur America oo ku najaxa iskaashigooda ay ka dhigan tahay horumar caalamka uu gaarey, loona baahan yahay in laga shaqeeyo dhinacyo kale oo badan oo labada gobol ay iska kaashan karaan.
Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America oo socdey muddo laba maalmood ah (10-ka ilaa 11-ka bishan November), ayaa si rasmi ah galabnimadii Arbacada soo xirmey, waxaana laga soo saarey war murtiyeed qeexaya xoojinta iskaashiga labada dhinac.
- DHAMMAAD--
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xisbiyada : Hindise sharciyeedka xisbiyada...

0
0

Kn: Xisbiyada Siyaasadeed ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in Shir labo maalmood qaatay ku yeeshay Xarunta Oslo ee Nabada & Xuquuqda Aadanaha ee Muqdisho , shirkaas oo ay dib-u-eegis iyo talooyin kaga doodeen ku aadan Hindise sharciyeedka Xisbiyada Siyasaasadeed, kaasoo ay diyaariyeen gudi baarlamaanka Federaalka.
Shirka Jaraa'id oo ay goobjoog ka ahaayeen 12 xisbi ayaa waxaa la hadlay Warfaafinta C/qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij- Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, Eng Axmed Macalin Fiqi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir, Zakariya Maxamuud Xaaji Guddoomiyaha Xisbiga Ummah.
Xisbiyada ayaa dhaliil qaar ka mida qodobada Hindisaha xeerka Xisbiyada kuwaas oo ay ka mid tahay awoodaha faraha badan ee la siiyay Xafiiska diiwaangeliyaha, sidoo kale inuu sii xoojinayo xeerkani 4.5, waxayna xisbiyada ku baaqeen in la sameeyo Gudiga Qaran ee Xisbiayda siyaasadeed (National Commission for Polical Parties )..
Fadlan Warsaxaaafadeedka iyo Talooyinka Xisbiyada siyaasadeed hoos ka aqri ..Warsaxafadeed
Dib u eegista Hinidise-Sharciyeedka Xisbiyada Siyaasadeed
(Mogadishu, 11 November, 2015) Annaga oo ah inta badan xisbiyada Siyaasadeed ayaa ku yeeshay Shir Xarunta Oslo ee Nabadda & Xuquuqda Aadanaha ee Magaalada Muqdisho 10 - 11, November, 2015, Shirka ayaa dib u eegis iyo talo bixin lugu sameeyay "Hindise-sharciyeedka Xisbiyada Siyaasadeed" oo ay soo diyaarinyeen gudiga barlamaanka federaalka Soomaaliya.
Ka soo qeyb galayaasha ayaa uga mahad celiyay Xarunta Oslo, taageerada farsamo oo ay la garab taagan tahay Xisbiyada Siyaasadeed iyo dadaalkooda ku aadan horumarka siyaasadeed iyo dimuquraadiyeed ee dalka.
Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliyeed dood dheer ka dib waxay go'aansadeed :-
1- In loo halgamo sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nidaamka xisbiyada badan iyadoo laysku duuban yahay lana leeyahay aragti mideysan oo ku aadan Hidise-sharciyeedka xisbiyada siyaasadeed .
2- In loogu baaqo:-
a) Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaarada Cadaaladda , Golaha Wasiirada, Golaha Shacabka in ay nala qaataan dib-u-eegista ay Xisbiyadu ku sameeyeen Hindise sharciyeedka.
b) Wasaarada Arimaha Gudaha iyo baarlamaanka Soomaaliya in ay Xisbiyada Siyaasadeed ee jira ka qeyb geliyaan ka talo bixinta Hindise Sharciyeedka Xisbiyada Siyaasadeed heer walba uu marayo.
c) Golaha Wasiirada in ay dedejiyaan ansixinta sharciga xisbiyada, isla markaana gudbiyaan si baarlamaanku u ansxiyo sharcigan kalfadhiga socda.
d) Beesha Caalamka iyo dalalka daneeya arimaha Soomaaliya in ay dowr muhim ah ka qaataan taabagelinta dimuquraadiyada, iyo in Soomaaliya ay ka hirgasho nidaamka xisbiyada badan.
3- In Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu fuliyo Go'aankii Barlamaanka Soomaaliya ee ku aadanaa in Xisbiyada Siyaasadeed loo ogolaado in ay ka qeyb qaataan wadatashiga ku aadan doorashada 2016.
4- In si xoogan looga hortago isku day kasto oo talada dalka lagu sii haysanayo ka dib xiliga doorashada ee 2016 oo aan ku imaan doorasho xor ah oo xalaal ah oo ay u tartamaan xisbiyada siyaaadeed.
5- Xisbiyada siyaasadeed iyagoo isku duuban waxay isku raaceen talooyinka lifaaqa ku qoran, waxayna u gudbin doonaan shacabka iyo hay'adaha ay quseyso (Fadlan fiiri lifaaqa Talada Xisbiyada & Liiska xisbiyada)
KismaayoNews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Musa Bility oo loo diiday musharaxnimada FIFA

0
0

Musharaxa u dhashay dalka Liberia ee Musa Bility ayaa laga reebay tartanka loogu jiro xilka madaxtinimada FIFA kaddib baaritaan ku aadan hufnaantiisa, shan magac ayaa la meelmariyay in ay tartami karaan.

Kulan Looga Hadlay Doorka Ururada Bulshada Rayidka...

0
0


Kulankani oo looga hadlayay doorka ay ururada bulshada rayidka ay ka qaadan karaan Hanaanka loo marayo doorashooyinka lagu madalsan-yahay in 2016-ka ay ka dhacaan dalka, islamarkaana ay soo qaban qabisay Hey`adda EISA oo ka shaqeysa arrimaha doorashooyinka Africa ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday argatiyo ku aadan wadada ugu fudud ee lagu gaari karo hiigsiga 2016-ka maadaama ay dowladda Faderaalka ay horey ugu dhawaaqday in dalka ay ka dhic karin xiligan doorasho qof iyo cod iyagoona isku raacay in Xalka umada Soomaaliyeed ay ku jirto in laga gudbo 4.5 oo ah hananka xiligani wax lagu qeybsado.
C/qani Cabdi jaamac oo xubin ka ah gudi howleedka Madasha wadashiga Qaran ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo istaago midnimada umada soomaaliyeed islmarkaan meesha laga saaro danta gaarka ah.
Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay kulanakasi ayaa muujiyay doorka ay ka qadan bulshada rayidka ah samata bixinta Umadda Soomaaliyeed, waxaana ay bogaadiyeen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kale oo looga hadlayo masiirka umadda Soomaaliyeed.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Kenya oo beenisay in Ciidankeeda ay ku lug leeyihiin...

0
0

Dowladda Kenya ayaa beenisay in Ciidankeeda Difaaca ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ay ku lug leeyihiin ka Ganacsiga Sonkorta & Dhuxusha dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya Colonel David Obonyo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warbixin ay soo saareen Koox Wariyeyaal ah oo fadhigooda uu yahay Magaalada Nairobi, taasi oo lagu sheegay in Ciidamada Kenya ay lacag badan ka helaan Sonkorta si sharcidaro ah loogu dhoofiyo dalkaasi.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ciidanka Kenya ay ka heleen Dhoofinta sonkorta acag gaaraysa 400 oo Milyan oo Doolar, taasi oo qeyb kamid ah la sheegay inay ku dhacdo gacanta Al shabaab.
"Ciidankeena kuma lug lahan dhoofinta dhuxusha iyo sonkor Somalia, sidee ula fariisan karnaa Al shabaab xitaa Hal Daqiiqo, maadaama ay yihiin cadowga na dilaya ee aan Dagaalka kula jirno," ayuu yiri Colonel David Obonyo.
Wariyaasha soo saaray Warbixintan Cusub ayaa waxay kaloo ku eedeeyeen Ciidanka Kenya inay Tacadiyo baahsan oo ka dhan ah Bini'aadanimada ay ka geestaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid yihiin Kufsi, Jirdil, afduub iyo fulinta Weeraro Cirka ah oo lala bartilmaameedsaday Goobo ay ku nool yihiin Dad Shacab ah.
Tan iyo sanadkii 2012-kii markii ay Ciidanka Kenya ka saareen Al shabaab magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu eedaynayay inay xad-gudubyo kala duwan u geestaan Shacabka ku nool Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta dalka Soomaaliya.Xigasho: AFP
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Midowga Yurub iyo Afrika oo heshiis ku gaaray Malta

0
0

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub iyo Afrika ee ku shirsanaa Malta ayaa waxa ay saxiixeen heshiis loogu talagalay sidii lagu joojin lahaa qulqulka muhaajiriinta safarrada khatarta ah u gala ilaa waqooyiga Yurub.

Shariif Xasan Oo Xilka Ka Qaaday Siidii

0
0

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxa uu gobolka Shabeelada Hoose maamulayey muddo ka badan sideed sano.

Kurdishka Oo Qaaday Dagaal Ka Dhan Ah ISIS

0
0

Dagaal-yahannada Kurdish-ka ayaa doonaya inay dib u qabsadaan magaalada Sinjar oo bishii August ee 2014 u gacan gashay kooxda Daacish.

Ganacsade caan ah oo Jabuuti ku geeriyooday

0
0

Wararka ka imanaya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin oo ahaa ganacsade laga yaqaan geeska Afrika uu goor dhaweyd geeriyooday.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live