Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somali man guilty of attack on cartoonist - Independent Online

0
0

Copenhagen - A Danish court on Thursday
declared a Somali man guilty of terrorism for using an axe to break into
the home of a Danish cartoonist who had caricatured the Prophet
Muhammad.

The 29-year-old defendant entered
Kurt Westergaard's home in the northwestern town of Aarhus on New Year's
Day in 2010. The cartoonist locked himself inside a panic room and was
unharmed.

Westergaard's drawing was one of
12 cartoons of Muhammad published by a Danish newspaper in September
2005, triggering violent protests across the Muslim world.

During the trial, the defendant,
who cannot be named under a court order, said he wasn't planning to kill
Westergaard but just wanted to scare him.

The Aarhus city court sided with
prosecutors and labelled the attack an act of terror. It also found him
guilty of assaulting a police officer but acquitted him of attempted
murder for throwing the axe at police when they confronted him in
Westergaard's home.

A sentence was expected on Friday.

Prosecutor
Kirsten Dyrman had argued the defendant intended to kill Westergaard
and the crime should be viewed as terrorism because it aimed to
“seriously frighten the population” and destabilise Denmark.

The defendant decided to break
into Westergaard's home after reading on the internet that the
75-year-old Dane “was proud of the drawing and wanted to do more”. -
Sapa-AP


Ciidamo al-Shabaab ka tirsan oo magaalada Mandera ee Waqooyi Bari kenya ku dilay mas'uuliyiin ka tirsanaa dowladda

0
0

Magaalada Mandera ee ku taal xadka kala bara Kenya iyo Soomaaliya ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu qaarajiyay laba nin oo ka tirsanaa maamulka dowladda ee gobolka Bakool.

Macalin Jiis, gudoomiyihii degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa ka mid ah labada nin ee sida la sheegayo ay al-Shabaabku qaab dhuumaaleysi ah ugu dileen magaalada Mandera.

Maxamad Cabdi Kaliil, Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya oo dilkan uga waramay idaacadda Shabelle Radio ayaa sheegay in dilkan uu ka dhacay guri ku yaal degmada Mandera ee Kenya waxaana geystay sida uu sheegay rag ka tirsan al-Shabaab oo ku hubeysnaa bastoolado kana soo talaabay talaabay.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa goobta dilku ka dhacay soo buux-dhaafay iyagoo halkaas ka bilaabay fatash ballaaran oo ay ku doondoonayaan in ay soo xiraan kuwii dilka geystay inkastoo ay dadka deegaanku sheegeen in kooxdii dilka ay geystay ay u baxsadeen dhanka magaalada Beled-Xaawo oo ay al-Shabaabku ka taliyaan.

Alshabaabku weli dilkan kama hadlin sidoo kale saraakiisha ammaanka  ee degmada Mandera wax war ah kama soo saarin dilkan  ka dhacay gudaha degmada Mandera.

halgankanet@gmail.com    

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaray dagaalka al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ku dhexmaraya gobolka Galgaduud

0
0

Waxaa iska soo daba-dhacaya warar ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaalka al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ku dhexmaraya deegaanka Dhagaxyaalo oo sida la sheegayo maamul ahaan hoostaga degmada Guriceel

Wararkii u dambeeyay ee caawa fiidkii naga soo gaaray deegaanka dagaalku ka socdo ayaa sheegaya in toban Qofood ay ku dhinteen halka tira intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaalka deegaanka Dhagaxyaale ku dhexmaraya dhinac a-Shabaab iyo Ahlu Sunna ee isku heysta talada inta badan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ka kooban labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo iyo weliba shacabka ku dhaqan goobta dagaalku ka dhacay waxaana caawa la soo sheegayaa in xaaladu ay yara qabowday inkastoo cid kala dhex-gashay aysan jirin.

Cabsi xoogan ayaa deegaanka laga soo sheegayaa waxaana si gaar ah dadka shacabka ah ula soo deristay welwel iyo quus maadaama ay markii horeba abaaro  la ila-daraayeen haatanna dagaal loogu sii daray.

Sida caadada u ah labada dhinac ayaa kala sheegaty guulo ay ka gaareen dagaalkan inta laga warqabo galaaftay nolosha toban qofood oo ay shacab ku jiraan.

halgankanet@gmail.com  

Maamulka xarakada al-Shabaab ee Galgaduud oo degmada Ceelbuur wiil dhalinyaro ah gacanta uga gooyay

0
0

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah goobaha ay ku xoogga badan yihiin al-Shabaabku ayaa waxay maxkamad ku taalaahi in gacanta laga jaro ku xukuntay wiil da' yar.

Wiilkan oo shalay gelinkii dambe ay al-Shabaabku gacanta uga gooyeen barxad ku taal degmada Ceelbuur ayaa waxaa lagu eedeeyay dembi ah xatooyo sida maamulka al-Shabaabku sheegeenna, dembigaas wiilku waa qirtay.

Dad badan ayaa u soo daawasho tegay fagaarihii wiilkan lagu naafeynayay waxaana dadkii halkaas isugu soo baxay la hadlay mas'uuliyiinta maamulka al-Shabaab ee degmada Ceelbuur.

Mid ka mid ah dadkii halkaas ku sugnaa ayaa ku tilmaamay qaabkii gacanta looga járay wiilkan mid argagax leh waxaana uu sheegay in middi af badan looga jaray qeybta hore ee gacanta ka dibna uu wiilku miir qaadmay dhiig bax fara badan ka dibna waxaa goobaha caafimaadka u qaaday maleeshiyaadkii gacanta ka jaray.

Ma ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay al-Shabaabku dhalinyaro dembiyo kala duwan lagu soo eedeeyay ku naafeeyaan amaba ku dileen.

halgankanet@gmail.com

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi "Dowladda Soomaaliya ma lahan awood ay uga hortagto al-Shabaab"

0
0

Ra'iisal wasaaraha dowladda Itoobiya Meles Zenawi ayaa mar kale ku celiyay sida uu uga welwelsan yahay itaal-darada dowladda Soomaaliya.

Meles oo la hadlay baarlamaanka dalkiisa ayaa dowladda Soomaaliya ku tilmaamay mid tabar daran oo aan awoodin in ay wax ka qabato xoogagga al-Shabaab ee sida uu isagu qaba marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya.

"Kacdoon bulsho iyo mid siyaasadeed oo ka yimaada gudaha Bulshada Soomaaliyeed oo kaliya ayaa looga hortegi karaa xoogagan, laakiin awood dowladeed oo wax looga qaban karo xagjiriintan hadda ma muuqato, dowaldda Soomaalidu ma lahan" Sidaas waxaa ku dooday Ra'iisal wasaare Meles oo muujinayay welwelka uu ka qabo awooda al-Shabaab.

Ra'iisal wasaa Meles ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwa taageersan argagixisada waa siduu hadalka u dhigaye, waxaana uu arintaas ka yiri; "Shacabka Soomaaliyeed ma taageersana al-Shabaab laakiin waxay u baahan yihiin dhiirigelin iyo siyaasad qaabeysan oo si wadajir ah ay kula dagaalamaan xoogagan dhibaatada ba'an ku haya dadka ku dhaqan deegaanada ay ka taliyaan"

Hadalka Meles ayaa ku soo aadaya xili ay shalay Baarlamaanka Soomaalidu mar kale mudo sadex ah ku krodhisteen jiritaankooda.

halgankane@gmail.com  

Aqoonyahan soomaaliyeed oo cambaareeyey AMISOM iyo xilli kordhinta barlamanka KMG ah

0
0

Aqoonyahan caan ah oo Soomaaliyeed, ayaa si aad  ah u cambaareeyey kordhinta ey isu kordhiyeen xilli barlamanka mudanayaasha dowladda KMG ah isaga oo sheegay in arrintaasi dhibaato cusub ku tahay shacabka soomaaliyeed.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo khadka taleefanka ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, ayaa wuxuu tilmaamay inay dhibaato cusub ku tahay ummadda Soomaaliyeed kordhinta waqtiga uu shaqeynayo Baarlamaanka dowladda KMG.
Xildhibaanada barlamanka KMG ah ayaa kadib mar ey kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho waxey waqtigii ku darsadeen muddo sedex sano oo kale ah iyagoo aan arintaas kala tashay cidna.
Dhanka kale Prof. Samatar ayaa si aad ah u dhaliilay wax qabadka dowladda KMG, wuxuuna sheegay ineysan dowladdu waxba ka qaban dalka tan iyo intii la soo dhisay.
Prof. Samatar oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Cid ay wax u qaban doonaan ma jirto, waxna yaan laga sugin,” ayuu ku daray hadalkiis isagoo eedeyn u jeedinay baarlamaanka iyo hey’adaha kale ee dowladda KMG.
Profersorku wuxuu sidoo kale cambaareeyay ciidamada shisheeye ee ka socda Midowga Africa (AMISOM) isagoo xusay in aysan waxba soo kordhin doonin joogitaankooda dalka gudahiis iney dhibaato uun ula joogaan shacabka soomaaliyeed mooyaane.
halgankanet@gmail.com

Gudoomiyaha gobolka Banaadir; "Dhibaatada Muqdisho ka taagan waxaa qeyb weyn ka ah ciidamada dowladda"

0
0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Tarzan ayaa dhibataada ka jirta magaalada Muqdisho ku eedeeyay in ay qeyb weyn ka qaataan ciidamada dowladda.

Tarzan ayaa ku wax laga xumaado ku tilmaamay falalka ay ciidamada dowladu ka geysanaya gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay ka taliso dowladdu waxaana mar uu falalkaas noocyada ay yihiin uu ka hadlay hadalkiisi ka mid ahaa; "Maalin dhow ciidanka dowladdu waxay isku xabadeeyeen degmada Xamar-Weyne, waxayna dileen laba qof oo ay ku jirto haweeney uur leh,"

Gudoomiye Tarzan wuxuu si cad u sheegay in dhibaatooyinka ka dhanka ah shacabka  ee ay geysanayaan xoogagga ka soo horjeeda dowladdu ay aad uga yar yihiin kuwa ay shacabka u geysanayaan ciidamada dowladdu; "Dhibaatooyinka ka dhacaya Muqdisho waxaa mas'uul ka ah ciidammada DKMG, kooxaha naga soo horjeedana waxay geystaan aad ayay u yar yihiin" 

Hadalkan gudoomiyaha gobolka dagaalada ka daalay ee Banaadir ayaa ah sida dad badani qabaan mid marqaati u ah anshax darada iyo naxariis la'aanta ay ku caanka yihiin ciidamada dowladda ku dooda in ay dalka iyo dadkaba u adeegeyso diinta islaamkana ku xukumeyso.

halgankanet@gmail.com  

Xarardheere oo wiil dhalinyaro ah ay ku dileen ciidamada al-Shabaabku ka dib markii uu amarkoodi qaadan waayay

0
0

Degmada Xarardheere oo ka mid ah deegaanada ay ka taliyaan xoogagga al-Shabaabku ayaa waxay ciidamo ka tirsan xoogagaasi ku dileen wiil dhalinyaro ah kadib markii sida la sheegay uu wiilkani ka dhega adeegay amar ay xoogagani deegaanka ku soo rogeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Uural uu ka cararay ciidamo ka tirsan al-Shabaab oo isaga iyo wiilal kale ku amaray in ay masaajidka aadaan xilli dadku isu diyaarinayeen salaad tukasho.

Rasaas fara badan oo ay ka daba rideen wiilkan markii uu isku dayay in uu ka cararo ciidamadan ayaa la xaqiijiyay in uu u geeiryooday waxaana saakay lagu aasay wiilkan isla deegaanka.

halgankanet@gmail.com

 


MUXAADARO SH. XASSAN IBRAAHIM QASE STUDIO, 2011.wmv

Maamulka Somaliland iyo Jabhadda SSC oo ku dagaalamay qeybo ka tirsan gobolka Sool

0
0

Dagaal culus ayaa sida la soo sheegayo waxaa uu ku dhexmarayaa deegaanka Kalshaale ee gobolka Sool maamulka Somaliland iyo jabhada SSC.

Dagaalkan oo sida dadka deegaanka laga soo weriyay aad u xoog badnaa ayaa waxaa ku dhintay Laba Qofood halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen afar kale.

Dhinacyada ayaa isu adeegsaday hub wixii ay heli kareen sida la soo sheegayana dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii ciidamada SSC ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay maamul Somaliland ku lahaayeen deegaanka Kalshaale.

Maamulada labada SSC iyo Somaliland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dagaalkan sida wararkii u dambeeyay ee deegaanka laga soo xigtayna dagaalku weli waa socdaa, waxaana adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

halgankanet@gmail.com   

Xoogagga al-Shabaab oo markale degmada Ceelbuur wiil dhalinyaro ah gacanta uga gooyay

0
0

Maamulka al-Shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa shalay meel fagaara ah oo ku taal gudaha magaalada waxay gacanta uga jareen wiil dhalinyaro ah oo sida ay al-shabaabku sheegeen fal xatooyo ah sameeyay.

Wiilkan oo markii gacanta laga goynaya ay ka muuqatay naxdini ayeey al-Shabaabku sheegeen in uu xatooyo sameeyay markii la soo eedeeyayna uu qirtya dembigaas ka dibnaba ay sidaas maxkamadu ugu riday xukunkan gacan goynta ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay al-Shabaab gacmaha ka jaraan dhalinyrada ku dhqan degmada Ceelbuur qaarkood balse waxay horay sidan oo kale gacmaha uga jareen kuwa kale oo lagu soo eedeeyay falal xatooyo ah.

halgankanet@gmail.com

Mas'uul ka tirsan Dowladda Kanada; "Dowladda Soomaalidu waxay xiriir la leedahay Burcad badeeda iyo Argagixsada caalamiga ah"

0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay xiriir hoose oo aad u dhow la leedahay kooxaha Socotada Badda ku dhiba Badweynta Hindiya iyo Gacanka cadmeen.

Bogga internetka ee lagu magacaabo Wikileaks oo war ka soo weriyay mas'uul ka tirsan dowladda Kanada ayaa qoray in kanada ay rumeysan tahay in dowladda Soomaalidu ay xiriir la leedahay Burcad Badeeda iyo Argagixisad aCaalamiga ah.

Mas'uulkan u dhashay Kanada ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in Burcad Badeedu si cad badda ay kula dagaasho maraakiibta dagaalka ee Caalamka islamarkaana ay heystaan doonyo dheereeya iyagoo aan gacan ka heleyn dowladda Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigaye.

"Gacan togaalaasi aan geed loogu soo gamban ayaa u dhexeeya dowladda Soomaaliya, Burcad Badeeda iyo Argagixsada, taasina waa mid iska cad oo aan indhaha laga qabsan karin" Warsidaha Wikileaks ayaa warkaas ka soo xigtay mas'uul katirsan dowladda Kanada.

halgankanet@gmail.com

Al-Shabaab oo degmada Wanla-Weyn ku xirxiray in ka badan 150 ka tirsan Firqada Rakfiirka loo yaqaan

0
0

Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay aheyd xabsiga dhigay in ka badan 150 xubnood oo ka tirsan Firqada ay Soomaalidu u taqaan Takfiirka.

Dadkan ay al-Shabaabku xirxireen ayaa waxaa intooda badan laga soo qabqabtay guri ay ku isugu yimaadaan oo ku yaal degmada Wanla-Weyn iyo weliba guryo kale oo ku yaal isla gudaha degmada waxayna isugu jiraan rag iyo Haween.

Kooxdan oo ku cusub Soomaaliya ayaa waxaa tuhun weyn laga qabaa hab-dhaqankooda aadka uga sii fog xitaa kooxaha loogu yeero Xagjiriinta fikirkoodu fogaaday, sida al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in xabsiga degmada Wanla-Weyn uu haatan buux dhaafay ka dib markii al-Shabaabku ku xireen kooxdan Takfiirka loo yaqaan xubno ka tirsan.

Dhanka kale al-shabaabku weli kama hadlin ujeedada ay ka leeyihiin dadkan ay xirxireen iyo weliba waxa ay ka yeelayaan aayahooda.

halgankanet@gmail.com

Midowga Africa oo sheegay in la kordhinayo ciidamada AMISOM

0
0

Saraakiisha ammaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in sanadkan inta uusan dhamaan Soomaaliya loo dirayo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika kuwaas oo ku biiraya ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho. 



Saraakiishani waxay sheegeen 4,000 askari oo si wadajir ah uga amar qaadanaya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u dirayaan Soomaaliya, waxayna sheegeen Guddi ka kala socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay qiimeyn ku sameynayaan sidii ciidamadaasi Soomaaliya lagu geyn lahaa. 



Saraakiisha ciidamadaasi hoggaamin lahayd ayaa waxaa la sheegay in badankoodu ay ka imaan doonaan waddamada ku jira Midowga Afrika, inkastoo ay jiraan saraakiil kale oo Q/midoobay ka socda, kuwaasoo aan la shaacin waddamada ay ka imaan doonaan. 

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Banki Moon ayaa dhawaan sheegay in Soomaaliya loo dirayo ciidamo lagu xoojiyo kuwa AMISOM ee hadda ku sugan dalka Soomaaliya ee gacanta siinaya dowladda KMG, isla markaasna ay arrintaasi ku raaceen Midowga Afrika.

Malez Zenawi oo sheegay iney raadineynayaan dekado ey isticmaalaan!

0
0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay raadinayaan dekado ey isticmaalaaan geeska kuwaasay ka mid yihiin kuwa Soomaaliya. 

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in la sameeyay daraasad lagu qiimeynayo sidii ay u isticmaali lahaayeen dekedaha waddamada Kenya, Suudaan iyo Soomaaliya, isagoo xusay inay sii isticmaalayaan dekedda magaalada Jabuuti. 



Zenawi waxa uu sheegay inay hadda bilaabayaan isticmaalka dekadda labaad ee Tajura ee dalka Jabuuti, mana uusan sheegin dekedda uu Soomaaliya ka isticmaalayo, waxaase loo maleynayaa inay dekeda Boosaaso ay rajo weyn ka qabaan isticmaalkooda, iyagoo haatanba isticmasha dekadda Berbera, balse waxa jira warar sheegaya inuu jiro heshiis hoose oo dhex maray maamulka Puntland iyo dowladda Itoobiya oo ku aaddan isticmaalka dekedda magaalada Boosaaso.


Xukuumada Faransiiska oo wax laga xumaado ku tilmaamay Waqtiga ay kororsadeed Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaalidu

0
0

Tan iyo wixii ka dambeysay markii Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaalidu waqtiga jiritaankoodi ay kororsadeen ayaa waxaa iska soo daba dhacaya cambaareyn iyo shaki ka dhan ah talaabadaas.

Dowladda Faransiiska shaqsi u hadlay wasaaradeed arrimaha dibadda ayaa ku tilmaamay talaabada ay Xildhibaanadu qaadeen wax laga xumaado oo lagu degdegay, talaabadaas oo aan laga ogeyn waxa ka imaan kara waa siduu hadalka u dhigaye.

Arrimaha Soomaaliya ninka uga wakiilka ah Xoghayaha Guud ayeey dhanka kale wasaarada arrimaha dibadda Faransiisku ku tilmaamay nin wax weyn ka haya Geeska Afrika islamarkaana mudan in lagu taageero hawlahaas uu u hayo ummadda Soomaaliya waa sida ay Faransiisku sheegeene.

Reer Yurub ayaa dhanka kale la filayaa in ay go'aan wadajir ah ka gaareen talaabadan uu Baarlamaanku waqtigiisi ku kororsaday waxaana isla talabaadaas Baarlamaanka ka qeyliyay Beesha Caalamka iyo Soomaalida inteeda badan.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dhankooda ku doodaya in talaabada ay qaadeen ay uga golleeyihiin sidii loo badbaadin lahaa jiritaanka Baarlamaanka Soomaalida ee ku meelgaarka ah maadaama dalku hadda ku jira xaalad adag oo aan saamaxeyn in doorasho ama codbixin guud la sameeyo.

halgankankanet@gmail.com 

Suldaan Cali Cabdullahi Xasan oo al-Shabaabka Galgaduud eedeyn dhinacya badan taabaneysa u soo jeediyay

0
0

Al-Shabaabka ka taliya gobolka Galgaduud intiisa badan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dhibaatooyin fara badan ku hayaan dadka shacabka ah ee gobolka ku dhaqan.

Suldaan Cali Cabdullaahi Xasan oo ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed  ayaa ugu horeyntii sheegay in al-Shabaabku shacabka abaartu heyso ee ku dhaqan Galgaduud ay ka horjoogsadeen helitaanka gargaarka maadaama hay'adihii deegaanka ka hawlgeli lahaa ay deegaanada iyaga hoostaga waa al-Shabaabkee ay ka mamnuuceen in ay soo galaan.

Suldaanku wuxuu sidoo kale sheegay in deegaanada Ceelbuur, Ceelgaras iyo weliba Galhareeri ay al-Shabaab si aan sharciga waafaqsaneyn gacmaha uga jaraan qaar ka mid ah dadka ku dhaqan waa sida uu Suldaanku ku doodaye.

Eedeynta Suldaanka ayaa ku soo beegmeysa xili maalmo ka hor ay al-Shabaabku dhalinyaro gacmaha uga jareen degmada Ceelbuur ka dib markii sida Shabaabku sheegay ay dhalinyaradaasi falal xatooyo ah sameeyeen.

halgankanet@gmail.com

Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna iyo ciidamada Ururka oo jiidaha dagaalka qaarkood ka baxay

0
0

Waxaa bannaanka u soo baxay khilaaf aan yareyn sida la sheegayo oo soo kala dhexgalay qaar ka tirsan mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud.

Khilaafkan ayaa si gaar ah uga dhexeya baa la leeyahay Shiikh Maxamad Yuusuf Xeefoow, gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu Sunna iyo Deeq Shiikh Yuusuf Direed, madaxa Gaashaandhiga ee Ahlu Sunna, waxaana uu khilaafkani ka dhashay sdia wararka lagu helayo talo uu soo jeediyay Shiikh Maxamad Yuusuf Xeefoow oo aheyd in qaar ka tirsan mas'uuliyiinta Dowladda Soomaalidu ka hawlgasho deegaanada ay Suufiyiintu ka taliyaan, taladaasna waxaa gaashaanka u daruuray Deeq Shiikh Yuusuf Direed.

Shiikh Cumar Cabdulqaadir Aadan, Gudoomiyaha Golaha Shuurada Ahlu Sunna ayaa saxaafada u sheegay in wax kasta oo u dhexeeya Ahlu Sunna ay tahay in gudaha ururka lagu xaliyo, isagoo dhanka kalena ka meermeermay in faahfaahin uu ka bixiyay khilaafkani halka uu salka ku hayo.

Wararku waxay intaas ku sii darayaan in khilaafka u dhexeeya labadan Mas'uul uu sababay in jiidaha dagaalka ee gobolka Galgaduud qaarkood ay hadda noqdaan kuwa bannaan ka dib markii ciidamadii Ahlu Sunna ay goobahaas dib uga gurteen.

halgankanet@gmail.com  

Taliye ka tirsan Jabhada SSC; "Somaliland dagaalka waan ku jebinay ilaa ay deegaanadeena ka baxdana waan la dagaaleynaa"

0
0

Taliye ka tirsan Jabhadda SSC ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan ciidamada Somaliland uu sii socon doono ilaa ay ka saarayaan deegaanada Sool iyo Sanaag gaar ahaan deegaanka Kalshaale oo dagaalkii ka dhacay ee u dambeeyay ay labada dhinac guulo ka kala sheegteen.

"Ciidamada Somaliland waxaan u geysanayay Jab xoogan waxaana cadeyneynaa in uu dagaalku sii socon doono ilaa aan ka saareyno ciidamada ku soo duulay Kalshaale iyo deegaanada kale ee Sool iyo Sanaag" Maxamad Cabdullaahi Maxamuud, Taliye ka tirsan Jabhadda SSC ee dagaalka hadda kula jirta maamulka Somaliland.

Ugu dambeyntii taliyahan ayaa shacabka ku dhaqan deegaanka ku booriyay in ay ka qeybqaataan dagaalada ka dhanka ah Somaliland si buu yiri gardarada Somaliland looga gilgisho.

halgankanet@gmail.com

 

Koonfurta Sudan oo noqotay dal cusub kadib afti loo qaaday dadka

0
0

Dabaaldeg ayaa ka bilaabmay magaalo madaxda Koonfurta Sudan ee Juba markii lagu dhawaaqay natiijada aftida gooni isku taaga koonfurta Suudaan.

Dadka qaar ayaa bilaabay ciyaar iyagoo tumaaya gurbaano, calanka Koonfurta Sudana lulaayo.

Sidoo kale waxaa jiray farxad dheeraad ah markii uu sheegay madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir inuu aqbalay natiijada.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Maraykanka uu si rasmi ah u aqoonsanaayo Koonfurta Sudan bisha July.

Madaxweyne Obama ayaa hadlayay saacado ka dib
markii lagu dhawaaqay natiijadii ugu danbaysay ee aftida madaxbanaanida
ee loo qaaday koonfurta Sudan bishii hore.

Ku dhawaad sagaashan iyo sagaal boqolkiiba dadka waxay u codeeyeen inay rabaan inay ka go'aan Waqooyiga Sudan.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay aftida la qabtay dagaalo sanooyin badan socday ka dib inay adduunka u tahay tusaale.

Wasiirka dhaqanka ee Koonfurta Sudan ayaa sheegay in dowladda dalka cusub ay sugayso shaqo badan.

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live