Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo iyo...

$
0
0

Warar goor dhaw oo saaka ah naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay qarax aad u xooggan, kaasi oo la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday sarkaal sare oo ka mid ah Jubbaland.
Sarkaalkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Korneel coomow ayaa wararku waxay sheegayaan in bartamaha magaaladaasi isaga oo maraya gaarigiisa Miino lala damacsanaa, hase ahaatee markii uu dhaafay kadib ay qaraxday.
Qof shacab ah oo meesha marayay ayaa la xaqiijiyay in halkaasi uu ku dhaawacmay, iyadoo ay dhici karto khasaare kale oo intaasi ka badan inuu jiro, hase ahaatee xaaladda waa mid deggan.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxwayne Gaas oo la xisaabtamaya maanta hay’adaha...

$
0
0

Garowe(Puntland-Post) Xarunta hoolka wasaradda Caafimaadka Garowe waxaa saaka ka bilowday kulan labo maalmood soconaya oo uu madaxwayne Gaas kula xisaabtamayo wasaradda iyo hay'adaha wixii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay ee 2015.
La-xisaabtanka ayaa ah kii labaad uu Gaas sameeyo, iyadoona xarumaha dowladdu kusoo bandhigayaan wixii u qabsoomay iyo qorshayaasha hir gali waayay sababta ay u baaqdeen, waxa kale uu kusoo aadayaa la xisaabtankani xilli uu heer gabo gabo ah ku dhow yahay mashruuca horumarinta degmooyinka ee la yiraahdo JPLG.
Warbaahinta qaarkood ayaa si toos ah u baahinaya khudbadaha ay soo jeedinayaan Hay'addaha uu la xisaabtamayo madaxwayne Gaas, waxana dadku ku tilmaameen inay tahay tilaabo wanaagsan oo lagu ogaanayo cidii wax hufan qabatay.
Sawiradda iyo furitaanka kulankan dib ayaa usoo baahin doonnaa.Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com

The post Madaxwayne Gaas oo la xisaabtamaya maanta hay'adaha iyo wasaradaha dowladda appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ardaydii labaad oo ka qalin jabisay xarunta cunto...

$
0
0

Bosaso(Puntland-Post) Dufcadii labaad ayaa ka qalin jabisay xarunta lagu barto cunto karinta Caasho ee magalada Bosaso, ka dib markii munaasibad loogu qabtay ardayda bara-moostay hoolka Jaamacadda Bosaso.
Waxaa kasoo qayb galay xafladan masuuliyiin ka socda Jaamacaddaha, mamulka degmada Bosaso,aqoon yahan, waalidiin iyo marti sharaf kale, waxaana goobta lagu soo bandhigay ardayda qalin jabisay cuntooyinkii kala duwanaa ee ay bartaan kuwaasoo ay ku jireen noocyo aan dalka horay loogu cuni jirin.
Caasho Cabdinasaair oo xaruntan aasastay ayaa sheegtay inay wax kale la tahay qaybtii labaad ardayda inay ka qalin jabiyeen qaababka cuntada loo kariyo, waxay sheegtay inay barto in ka badan boqol nooc oo ah nidaamyada cuntooyinka loo kariyo.
Madaxa xaruntan waxay kaloo sheegtay inay kala duwan yihiin cuntadda la cuno saddexa waqti ayna muhiim tahay in la barto haddii kelana ay keeni karto caafimaad xumo iyo qoys bur bur, waxay kaloo sheegtay raggu marka laga tago jacaylka inay aad u jecel yihiin haweenka cunada sida hagaagsan u yaqaana.
Aadan Shiikh Doon oo ah gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa ayaa soo dhaweeyay xarunta Aisha Cooking Center, waxa uu ku tilmaamay hoy soo saarta haween si dhab ah u yaqaan cuntada iyo qaababka loo kariyo, Aadan ayaa cadeeyay in caafimaad xumo laga qaado cuntadda aan isku dheeli-tirnayn.
Qaar ka mid ah waalidiintii xaflada ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin carruurtooda oo bartay cunto karinta, waxa kale ay ku baaqeen ama cod-sadeen in la garab istaago xaruntan oo aan wax taageero ah helin balse Caasho ay garatay kaligeed in loo baahan yahay iskuul noocaan oo kale ah.
Ardaydii ka horaysey ayaan ku qalin jabiyay magalada Qardho, madaxa xarunta ayaa sheegtay inay ku guda jirto sidii xarumo kale looga furi lahaa magaalooyinka kale ee Puntland.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com

The post Ardaydii labaad oo ka qalin jabisay xarunta cunto karinta Bosaso appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Al Shabaab oo Weerar ku qaadey Saldhig ku yaala...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Kooxo hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Xalay Weerar Xoogan waxey ku qaadeen Xarunta Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho,.
Iska horimaad Culus oo saacado qaatay ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Booliska Dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi lagu Dilay ugu yaraan 3 Ruux ka mid ahaa Dableydii Weerarka soo qaaday.
Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan in Weerarkaasi looga Dilay Xubno ka tirsan Ururkooda.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamulka Sh.Hoose oo beeniyay in Ciidamada DFS ay...

$
0
0

Marka (Sh M Network)--Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose, Maxamed Rashiid Guhaad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Ciidamada Dowladda ay boob iyo dhac hantiyadeed ay ka geysteen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Afhayeen Maxamed Rashiid Guhaad ayaa ku tilmaamay Wararkaasi mid been abuur ah xili ay Dad la soo xiriiray Idaacadda Shabelle ay sheegeen in howlgallada Ciidamada ay dhac iyo handadaad ay kala kulmaan.
Hadalka Afhayeen Maxamed ayaa waxuu imaanayaa Xili Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Marka lagu eedeeyo in mararka qaar ay dhac kula kacaan Shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamulka Gedo: Dadkii dhawaan lagu Dilay Degmada...

$
0
0

Garbahaareey (Sh M Network)--Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al Qaadi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Dadkii dhawaan Al Shabaab ay ku laayeen Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe laga qab qabtay Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.
Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa xusay in Dadkaasi ay ahaayeen Dad rayid ah oo ku noolaa Degaanada ay maamulaan Ururka Al Shabaab iyo Shaqsiyaad ka tirsan Ururkooda oo ay ka shakiyeen sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa tilmaamay in Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ay ku shireen Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM islamarkaana ay shirkooda diirada ku saareen dardar gelinta howlgallada militari ee ka socda Gobolkaasi.
Dhawaan ayee aheyd markii Xarakada Al Shabaab ay shaaciyeen ilaa iyo 5 Ruux oo ay ku Dileen Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe in qaarkood ay ka soo qabteen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xaalada Degaanka Buuq-garsoor oo ay ku Dagaalameen...

$
0
0

Baladweyne (Sh M Network)--Wararka laga helayo Degaanka Buuq-Garsoor 50Km u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Saaka lagu soo waramayaa in ay deggan tahay kadib Dagaallo Culus oo halkaasi ka dhacay.
Dagaal labo maalin qaatay oo u dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed ayaa ka dhacay Degaanka Buuq-Garsoor 50Km u jira Magaalada Baladweyne, iyadoona Dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 10 Ruux.
C/qaadir Maxamuud Axmed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Magaalada Baladweyne ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in ay degan tahay Xaalada Degaanka lagu Dagaalamay.
Waxuu sidoo kale tilmaamay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu wado qorshe Ciidamo lagu kala dhexdhigayo labada Maleeshiyo Beeleed ee halkaasi isku haya.
Ugu dambeyn, Dagaalka Beeleedkan qarxay Degaanka Buuq-Garsoor ayaa waxuu daba socdaa sida la sheegay Dagaallo dhawaan ka dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xasan Shiikh oo ka qayb galay shirka toddobaadlaha...

$
0
0

Muqdisho-(Puntlandpost)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley shirka toddobaadlaha ee Ciidammada Qalabka Sida oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen taliyeyaasha, madaxda hoggaannada, iyo saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad taabaneysa muhimadda dhowrista anshaxa iyo ku dhaqanka qawaaniinta.
" Waxaa dhammaanteen ina horyaalla waajibaad ballaaran ii aan dalka iyo shacabka ugu adeegeyno. Difaaca qarannimada, xudduudaha iyo sugidda amniga ayaa ugu weyn waajibaadka ina saaran. Laakiin waxaa iyana in maanka lagu hayo mudan in askarteena ay noqdaan kuwo leh anshaxa lagu yaqaano ciidammada, dhowrana qawaaniinta u degsan ciidanka. Madaxda ciidammada ayaa la doonaya inay tusaale fiican noqdaan, si askarta ay ugu deydaan'', ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo carabka ku adkeynaya lagama maarmaannimada anshaxa, ayaa sheegay salka dhismaha dowlad horumarsan uu yahay helista ciidan sharciga iyo kala dambeynta dhowra, shacabkuna ay ku deydaan.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dardaarmey ciidanka in si buuxda loola dagaalamo musuqmaaqa, xuquuqda ciidankana la ilaaliyo.
"Hambalyada sannadka cusub ee inoo bilaabanaya ee 2016-ka ka sokow, waxaan idin ku bishaareynayaa in laga bilaabo bisha Janaayo ee beri inoo curaneysa dalka laga dhaqan gelinayo nidaam cusub oo daah-furnaanta hawlaha dowladda lagu soo bandhigayo. Waxaa halkaasi lagala socon doonaa dhaqdhaqaaq kasta oo la xiriira sida loo maamulayo xisaabaadka ciidanka. Tani waxay wax weyn ka tari doontaa dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa in ciidanka iyo qof walba oo qaranka u adeegaya uu maanka ku hayaa inuu dhammaaday waqtigii wax la isu sheegayay oo keliya, haatanna la guda gelayo isla xisaabtan iyo in tallaabooyin sharci ah laga qaado kuwa sida xun ugu takrifalaya awoodaha iyo hantida ummadda''.
Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidanka u sheegay in halku-dhigga sannadka cusub ee 2016-ka uu noqon doono ''AMNIGA DALKEENNA WAA INAAN SI BUUXDA ULA WAREEGNAA".
Waxaa uu sheegay in ciidammada shisheeye ee taageeraya Soomaaliya aanay weligood dalka sii joogi doonin, loona baahan yahay in la bilaabo hannaan cusub oo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan mas'uuliyadda sugidda amniga qaranka.
Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadallo ka soo jeediyay Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo S/Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare).Sawirro
Puntlandpost.com.
The post Xasan Shiikh oo ka qayb galay shirka toddobaadlaha ee Ciidammada Qalabka appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiir Maareeye “Sharciga saxaafadda door muhiim ah...

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka, iyo dalxiisa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa sheegay in xeerka saxaafaddu uu door weyn ka qaadan doono ilaalinta sharciga iyo tan suxufiga.
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in xeerka uu soo maray marxalado kala duwan, isla markaana loo qabay baahi aad u weyn.
"Sameynta xeerka Saxaafadda waxaa la soo hadal qaaday sanadkii 2001-dii, aniga markii 2005-tii la ii magacaabayna, waxaan raadiyay xogta ku saabsan sida lagu heli karo xeer lagu maamulo bahda saxaafadda, runtii qabyo qoraal ayaan xilligaas sameyney, laga soo waqtigaasi ayuu ka soo bilawday marxalado kala duwan ayuuna soo maray, laakiin Alle mahadiisa guushaaas wuu mira dhalay, in la helo sharcigana waa arrin muhiim ah" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xeerka saxaafadda ee baarlamaanku meelmariyay uu yahay mid aad ugu muhiimsan bahda saxaafadda, isla markaana loo qabay baahi taagan.
"Rutnii markii uu golaha Wasiiradu meelmariyay sharcigan, kadib waxan u saarnay guddi ka socday bahda saxaafadda oo wax ka badal ka sameeya, waxaana markii dambe u gudbinay baarlamaanka oo meelmariyay, waxaana iminka ka warsugeynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixo si uu u noqdo xeer dhaqan galay" ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa ku daray inaysan jirin wax cabasho ah oo ka yimid bahda saxaafadda iyo tan beesha caalamka oo dhankooda gacan ka geystay sharcigan.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

ciidanka booliska oo xalay degmada Heliwaa ku dilay...

$
0
0

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay fashilyaan weerar Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab xalay kusoo qaaday saldhigga Booliska Degmada Heliwaaa ee Gobolkan Banaadir, iyadoo Ciidamadu halkaasi ay kula wareegeen hub isla markaana ku dileen 3-dhagarqabe oo ka tirsanaa kuwii weeraka soo qaaday.
Taliyaha Booliska Qebta Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Baree "Cali Gaab" oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Kooxaha Nabaddiidka ah ay saldhiga ka soo weerareen dhowr jiho, balse Ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in shacabka Degmada ay ka badbaadiyaan dhagarta Argagaxisadu ay la damacsanaayeen.
"Abaaro sagaalkii fiidmo ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay saldhiga ka soo wareereen saddex jiho, laakiin ciidanka ayaa ku guuleystay inay goobta ku dilaan saddex ka tirsan kuwii weerarka soo qaaday, waxaana laga furtay labo qori oo Ak47 ah iyo hal qori oo nuuca RPG ah, goobta ayayna ka carareen" ayuu yiri Taliye Cali Gaab.
Sidookale Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa u mahadceliyay shacabka Degmada Heliwaa oo uu sheegay in ciidanka ay u soo gudbiyeen xogta ku aadan weerarka Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku soo qaadeen saldhigga, waxaana uu ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqeynta ciidanka amniga.
Weerarka Maleeshiyada Al-Shabaab ay kusoo qaadeen saldhigga Booliska Degmada Heliwaa ayaa imaanaya, iyadoo habeen hore ciidanka sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ay kahortageen weerar Argagaxisadu ay doonayeen inay ku qaadaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana tallaabooyinkaasi ay tusaale u yihiin sida ciidamada Amniga ay ugu heelan yihiin xoojinta Nabadgelyada.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kooxo hubeysan oo Weeraray Xarun Turkiga ay ku...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--1 Ruux ayaa dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay Weerar ay Kooxo hubeysan Xalay ku qaadeen dhismo ay deggan yihiin Turkiga oo ku yaala Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Dadka Deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in Dabley hubeysan oo watay Gaari nuuca loo yaqoono Ruuneeyd ay weerar ku qaadeen dhismahaasi oo sida la sheegay Xarun u ah Muwaadiniin Turki ah kadib waxaana labada dhinac ay halkaasi isku dhaafsaden Rasaas.
Goobjooge ayaa sheegay in Ninka dhintay uu ahaa mid ka mid ah Dableydii Weerarka soo qaaday halka midka dhaawacmayna lagu tilmaamay in uu ka mid yahay Ciidamada Ilaalada u ah Turkiga, waxaana sidoo kale goobta isaga baxsaday Kooxdii Weerarka fulisay.
Ciidamada ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray halkaasina ka bilaabay baaritaano la xiriira falkii meesha ka dhacay.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka dhan...

$
0
0

Galcad (Sh M Network)--Wararka laga helayo Degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxey ku soo waramayaan in dhaq dhaqaaqyo militari oo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaabeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM Tuulooyin hoostaga Degaankaasi.
Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Degaanka Galcad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Dowladda in ay xalay gaareen Tuulo lagu magacaabo Towfiiq oo hoostagta Degaanka Galcad halkaasi oo horey ay ugu sugnaayeen Al Shabaab.
Ugu dambeyn, Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wada howgallo ballaaran oo ujeedkoodu yahaya sidii halkaasi looga saari la haa Ururka Al Shabaab
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidamo Itoobiyaan oo gaaray Magaalada Baardheere ee...

$
0
0

Baardheere (Sh M Network)--Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Gedo ee Maamulka Jubaland, Maxamed Xuseen Al Qaadi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ay gaareen Ciidamo Cusub oo ka socda kuwa Itoobiya iyo Saraakiishooda.
Guddoomiye Maxamed Xuseen Al Qaadi oo sii hadlaya ayaa sheegay in Ciidamadan ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabi doonaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Al Qaadi ayaa waxuu muujiyay rajada wanaagsan oo ay ka qabaan howlgallada looga soo horjeedo Al Shabaab ee dhawaan ka bilaaban doona Gobolkaasi.
Sikastaba, Waa markii ugu horeesay oo Ciidamo ka socda kuwa Itoobiya ay gaaraan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo kuwaasi oo la doonayo in ay la dagaalamaaan Ururka Al Shabaab.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Guddoomiye Shiine: Weerarada Al Shabaab saameyn kuma...

$
0
0

Marka (Sh M Network)--Isagoo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, Maxamed Xuseen Shiino, Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose ayaa waxuu sheegay in Weeraro Ururka Al Shabaab ay ku soo qaadaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin howlgallada halkaasi ka socda.
Maxamed Xuseen Shiine, Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose ayaa waxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in howlgalladan ay uga goolleeyihiin sugida amaanka iyo sidii Gobolka looga saari lahaa Ururka Al Shabaab.
Guddoomiye Shiine oo sii hadlayay ayaa waxuu dhinaca kale qeexay in Howlgalladaasi ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMSIOM islamarkaana tilmaamay in amaanka Gobolka uu yahay mid hagaagsan.
Ciidamada Huwanta ayaa howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab waxey ka wadaan Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, inkastoo weli Al Shabaab ay soo qaadaan Weerarada qorsheysan ee ka dhanka ah Xoogaga iskaashanaya.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kala duwanaashaha sadexda Xisbi iyo Raga u sharxan...

$
0
0

Marka hore waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaan iyo gaar ahaanba.
Intaasi ka dib bal aan somaliland iyo Xisbiyada maanta jira iyo cida hortaaganba aan wax yar bal ka sheegno,taariikhdooday iyo waayo aragnimada ay siyaasada u leeyahiin.
-Aan ku horeeyo Xisbiga Ucid iyo ninka murasha ka ah wax yar, aan ka sheego.
Jamaal cali xuseen waxaa dadka ugu horeysey magaciisa iyo taariikhdiisaba markii uu si kadis ah loogu arkey bogoga INternet-ka ,in uu yahey murasha , una socda Xisbigii udub , taariikh ahaan iyo magac ahaan runtii waxa uu ku faanaa in uu heysto shaado sare oo dhaqalaha ah ama wax loo yaqaano habka BANKERS-KA,waxaaanu ka soo shaqeeyey , laan ka tirsan banka loo yaqaano ' city bank. oo laga leeyahey dalka mareykinka waxaanu ka ahaa " branche manager"
Balse jamaal cali xusseen malahan aqoon siyaasaded iyo mid dowladeed toona , marka laga tagi waayo in uu yahey qof junior ah oo hada bartey aqoonta qaybteed dhaqaalaha. waxaanu u baahanyey in uu mudo soo ahaado siyaasi , si uu u noqdo , qof leh waayo aragnimo hogaamineed.
- Aan ku Xigsiiyo guddomiye C/raxmaan cabdillahi Ciro, Oo la filaayo in uu noqdo murashaxa Xisbiga Wadani,hada se ah gudoomiyaha Xisbigaasi.
-C/raxmaan cirro waa nin mudo soo ahaa Xisbigii ucid , mudana soo ahaa gudoomiyaha Barlamaanka j. somaliland, runtii xaga shaqda somaliland iyo maamulka waa nin ka waayo aragsan jamaal cali xussen.
C/ raxmaan cirro waa nin aan inta badan la heyn aqoontiisa runta ah iyo wax uu bartey marka laga tagi waayo in uu wax ku bartey Somalia Muqisho , inkastoo dad yaqaanaa ay sheegeen in uu cirro ka been abuurey taariikhdiisa wax barasho hadan maahan runtii nin leh aqoon badan, waxaana lagu xantaa in aanu laheyn dulqaad siyaasadeed. oo wax dhacdey isagoo gudoomiye barlamaan ah, in uu xitaa feedh la dhaco ku xigeenkiisii halkaasi waxaa ka cad in aanu cirro aheyn siyaasi leh samir iyo hogaamin, sababtoo ah qofka hogaamiyaha ahi ma gacan qaado waayo uma baahan in uu gacan qaado waxa uu leeyahey awoodo bartakool ah oo uu wax kale ku sameyn karo, waxaan iska cad in uu c/raxmaan ciro yahey nin aan laheyn siyaasad wax lagu hogaamin karo iyo aqoonteedii iyo adkeysigeediiba.
-Aan u Imaaado murashax Xisbiga kulmiye Muuse biixi cabdi.
Muuse biixi cabdi waa nin waqti dheer soo mare nolol adag iyo xaalado adag oo siyaasadeed waana nin ka soo dabaaashey badweyne siyaasadeed, waxaana la odhan karaa waxa uu aad uga horeeyaa labada murashax ee kale, xaga siyaasada , adkeysiga ,waayo aragnimadaba.
Aqoonta muuse biixi cabdi waa nin leh aqoon badan oo kala duwan, xaga ciidamada waa nin aqoon u leh, xaga siyaasada waa nin khibrad dheer u leh, aqoonta madaniga ah waa nin u leh aqoonta maamulak iyo xalinta khilaafaadyadaba.
Muuse biixi waa nin leh aqoon milatry iyo mid madaniba waana mid aaney siyaasiinta kale laheyn, sidasi darteed waxaan odhan karnaa waa siyaasi ay somaliland maanta u baahantey, waana nin ku haboon hogaaminta dalka ayaan odhan karnaa maadaama uu taariikh dheer oo mudo badan ah ku soo jirey siyaasad iyo maamulka, ciidamadaba, waa nin aaney marnaba la barbardhigi karin hogaamiyaasha kale ee u taagan labada Xisbi ee mucaaradka ah.
Sidaasi darteed anigu rayigeyga waxaan ku soo xidhayaa in uu muuse biixi cabdi yahey hogaamiyaha ay maanta somaliland u baahantey.
Qore: Tahir hussein.
lodon ,uk
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madax-dhaqameedyada Beelaha Sanaag Oo Diidmo Ka...

$
0
0

"Annagu Kaadhadhkaas Dhalashada Ma Haysanno Dadkayaguna Ma Haysto Go'aannada Lagasoo Saarayna Waannu Kasoo Horjeednaa"Ceerigaabo(Waaheen) Qaar Kamid ah Madax-dhaqameedyada Beelaha Sanaag oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa waxay diidmo cad ka muujiyeen kuna tilmaameen wax aan suurtagal ahayn Go'aannada ku saabsan Arrimaha Isusocodka iyo isticmaalka warqadaha aqoonsiga oo Toddobaadkii hore Golaha Wasiirrada Somaliland kazoo saareen shirkii Madaxweyne Siilaanyo guddoominayey. Waxayna Madax-dhaqameedkaasi Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ugu baaqeen in arrrintaas dib looga fiirsado. "Waxannu leenahay Dawladdu xuduudahaanay gacanta ku hayn wax kalaanay gacanta ku hayne Dawlada Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha yaanay Go'aanno Iska gaadhine horta shacbiyaddeeda ay go'aannada ku gaadhayaan ha u warhayso oo ha ogaato waxa kaadhadhka dhalashada haysta iyo waxa aan haysan" Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Boqor-Maxamed Nuux Aadan oo kamid ah madax-dhaqameedyada beelaha Sanaag. Wuxuna intaas kusii daray "Arrintaasi nama khusayso waannuna kazoo horjeednaa nalakumana dhaqan gelin karo mana haysanno annagu kaadhadhkaas dhalashada dadkayaguna mahaysto, iska daa meel kale Ceerigaabo gudeheeda laguma wada haysto anigaygan boqorka ahi ma haysto cid kalena iska daa". "Annagaa jecel in sharcigu socdo iyo in ammanku sugnoba laakiin su'aashu waxay tahay dalka Somaliland ma la aqoonsan yahay baasaboorkeenna dalalka kale ma lagu gelayaa xuduuduhuse ma sugan yihiin". Sidaas waxa yidhi Boqorka Beelaha Habar-magaado Boqor-Maxamuud Cali Carrab. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "Gobolka Sanaag markaan ka hadlo meel baasaboor lagu bixiyaa majirto meel fiise lagu bixiyaana majirto ganacsigiisa inta badanina wuxu ku xidhan yahay Bossaso/Puntland markaa dadku ma awoodi karaan inta ay Hargeysa tagaan inay baasaboor iyo fiise kazoo qaataan". "Xukuumadda waxan leeyahay markay go'aan soo saarayso waa inay horta u samaysataa qalabkeedii". Wuxuna Boqorka Beelaha Magaado intaas kusii daray "Arrintu yay noqon habartii duggeediyo degelkeeda roob helay dadba wada hel mooddoo daad-wararac bay tidhi". "Wasiirradu haddii ay dhoofayaan oo baasabboorradooda iyo akoonnadoodu hagaagsan yihiin dadku lama mid aha mana awoodi karo". "Waxannu leenahay Wasiirrada iyo Madaxweynaha iyo xukuumaddoodu dib ha isugu noqoto dadkana yaan la kallifin".
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyne Siilaanyo oo la Filayo in uu Isku...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la Filayaa in uu dhawaan Isku Shandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada kala duwan. Wararka hor dhac oo ayaa sheegaya in Masuuliyiin Xilal muhiim ah ka haya Xukumada ay la tagidoonto seefta madaxweynaha, wararku waxay intaasi ku darayaan in isku shandhayntani noqondoonto tii ugu cuslayd ee muddooyinkan uu Madaxweynuhu Sameeyo. Isku shandhantay ayaa la filayaa in aanay ku koobnaan uun Wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada, balse ay gaadhidoonto illaa Hay'ada Madaxbaan ee dawlada oo qaar kood aan la badalin masuuliyiintooda Lixdaa Sanno ee Xukumadu xilka haysay. Warar kale ayaa sheegayaa in Muhiimada ugu weyn ee Madaxweynuhu kaleeyahay isku shandhayntan ay tahay Tii Ololaha Doorashada isla markana la magacaabo Masuuliyiin Xisbul Xaakimka Kulmiye cod uga keeni kara Beelahooda.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Fashil iyo foolxumo weyn ayaa ka soo fool...

$
0
0

Fashil iyo fooxumo weyn ayaa ka soo fool leh komishanka diwaangalinta ee Awdal + Salel isku beel ahaanshaha xubnaha matalaya + falcelinta dadweynaha ( Dhibta jirta + Fursadaha + Xalka) Dr.khadar Maxamed Faahiye.
Qabyaalada iyo ku dhaqankeeda ma jecli balse waa qeybo cudureed oo lafta iyo dhuuxa kaga jira dhaqanka ummad weynaha soomaalida ; siyaasada maanta taala iyo dhaqankuna naaxiyeen kana dhigeen halbeeg beeluhu ku kala cadqaato ; laguna xisaabtamo.
Xikmad baa waxa ay aheyd ( sida walaalaha wax isku siiya sida cadowgana u xisaabtama )
Waxa aynu qormadeenan ku ibo-furaneynaa meerisyadan murtiyeed markale.
Hebelow nin dheeraad sitoo, dhiibsan baad tahaye
Tukalaad u dhaaftaa kolkaad, dhaliso tii roone
Ummad baad xaqeedii dhammaa, dhababka saarteene
Ummaddii dhiraa kala lahayd, ways dhex huruddaaye
Dhan-xiirradu haddii ay maqlaan, ways dhufanayaane
Sinnaantay dhaliil moodayaan, tii Ilaah dhigaye
Inta samaha dhuxulayn kartaa, waa dhif iyo kow'e.
1) Dhibta iyo dhibaha jira:-
Sidii caadada saami qaybsiga beelaha aheyd waa habdhaqan dheeli tiran oo waafiya ; isweydiintu waxa ay tahey ; maxaa fiinta iyo ololka keeney?
a) Waxa isku hayb beel dhaw ah noqdey xubinta komishanka doorashooyinka qaranka kaga jirta gobolka Awdal oo reer nuur ah iyo xubinta loo qalqaalinayo noqoshada gudoomiyaha komishanka ee Gobolka Awdal oo reer nuur ah; maba xumaateen hadii aanu dareen jirin!! Dareenka jiraa se waxa uu yahey; reer nuur oo xisbi mucaarida ku jihaysan, isla mar ahaantaana loo badinaayo ku guuleysiga musharax jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga wadani.
b) dareen sad bursi oo ka dhan ah oo ay dareemayaan beelaha gobolku maadaama oo ay dhamaantood ku qaybsanyihiin axsaabta siyaasada.
c) goob doorashooyinka cod-bixiyayaasha oo dhan ka raran, oo goobaha sanduuqyadu uma yaalaan si miisaaman, iyadoo sababtu tahey dhito uu maamulkii daahir rayaale ka tagey; laguna saleeyey in goobaha muxaafidka la badiyo mucaaridkana la yareeyo; goobaha ugu badanina yaalaan xuduuda galbeed iyadoo goobaha badhtanka iyo bariga gobolkana ay ku yaryihiin.
2.Fursadaha jira ama la haysto:-
1.komishankii guud ee doorashooyinka qaranka iyo waaxyahoodii diwaangalinta.
2.wakhti ku filan hubsiimo, ka baara-deg magacaabis iyo go'aanka la qaadanayaa dhanka uu u ciiraayo.
3. ka shaqeysiinta halbeega miisaanka u xaqsoorida qaybaha beelaha dhanka xilalka kala sareeya ee komishanka diwaangalinta oo aan wali si rasmiya loo shaacinin.
4. in dhamaan gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka ee komishan diwaan galinta iyo cod bixintaba la isku bed-bedalo, oo gobolada la isweydaariyo , gobol aan kiisa aheyn mid walba la geeyo si musuqu u yaraado.
3. Xalka iyo maaraha haboon:-
maadaama oo beelaha samaroona u kala baxaan saddex beelood oo waaweyn .
maadaama 3 dexdan beelood ku qaybsanyihiin axsaabta siyaasada.
Maadaama oo xubinta komishanka qaranka kaga jirta gobolada Awdal iyo Salel ay tahey reer nuur - makaahiil.
Madaama oo ay mahuraan iyo madhaafaan tahey hirgalida , diwaangalinta dadweynaha goboladani si hufan oo nabad ah oo ka qayb qaadasho wacan leh.
Maadaama oo ay cadaalada , sinaanta muwaadiniinta iyo si nabada u wadashaqeyntu tahey tiir adag oo madhaafaan ah; waxa muhiim ah;
1. in gudoomiyaha komishanka ee gobolada galbeedka laga dhigo xubin ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha Maxamed Case ama Habar-Cafaan.
2. had ba 2 dan beelood mid kii loo qaato gudoomiyaha gobolka maahee xubinta gudoomiyaha degmada Borama ay noqoto beel aan aheyn ta gudoomiyaha gobolka laga dhigo.
3. in goob doorashooyinka dib loogu noqdo si cadaaladu ku jirtana loo dhigo, qaybiyo sanaaduuqda cod-bixinta doorashooyinka.
Macnaha guud na noqdo waa sida uu wadcigu u yaalo hada e' :
1.Makaahiil-Samaroon----Xubinta komishanka heer qaran ee hada shaqeysa .
2.Maxamed Case-----Gudoomiyaha gobolka.
3.Habar Cafaan-----Gudoomiyaha degmada borama.
Isku badelkuna uu banaanyahey; waxa foolxumo ah iyo wax indhaha laga qarsado in ay dhamaan isku noqdaan jufo kaliya amaba beel kaliya.
Gunaanad:-
Hadii la doonayo in diwaan galintu si habsamiya oo bilaa turxaana u hirgasho waa muhiim in taladan kor ku xusan la qaataa; hadii ku talagalku yahey in wax xumaadaan ; marin walba oo fawdo kicinayaa uu furanyahey.
Waxa kale oo la helaa in la isku bedalo dhamaan gudoomiyayaasha gobolada dalka oo dhan.
Dadweynaha waxa aan u soo jeedinayaa in ay kawada qaybqaataan diwaangalinta xaalad kasta oo la soo darista.
Dr.khadar maxamed faahiyedr.khadar05@gmail.com
Aragtidani waa mid ku gaar qoraha maqaalka, samaan iyo wanaag, balse shabakada Awdalpress waa mid dhiirigelinaysaan xoriyada hadalka iyo fikirka xorta ah ee shaqsiga ..!
The post Fashil iyo foolxumo weyn ayaa ka soo fool leh komishanka diwaangalinta ee Awdal + Salel appeared first on Awdalpress.com.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dowladda federaalka oo cambaaraysay weerarkii lagu...

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya kuna qornaa afka Carabiga ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee sanadki 1961-dii lagu gaaray magaalada Vienna.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaas uu farayo ilaalada xarumaha Safaaradaha ku yaalla aduunka iyo shaqaalaha Diblomaasiyadeed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga howl gallada ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay ku taageereyso adkeynta amniga iyo xasiloonida Boqortooyada ka waddo dalkeeda iyo gobolkaba.
Dowladda Sacuudiga ayaa xiriirka u jartay dowladda Iran, kaddib markii dibad baxayaal careysan ay weerareen Safaaradda Sacuudiga ee Tehran.
The post Dowladda federaalka oo cambaaraysay weerarkii lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehraan appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dekedda Berbera oo ay ku xaniban yihiin in ka badan...

$
0
0

Berbera(Waaheen) in ka badan afar boqol oo baabuur ayaa afartii maalmood ee ugu danbeeyey ku xaniban Dekeda Berbera kadib markii ay waayeen nambaradii baabuurta loogu dhajin lahaa marka ay cashuurtaan.
Sidoo kale, waxa saaka ka soo cusboonaaday dekeda Berbera caqabad kale oo ka dhalatay cashuur lagu kordhiyey gaadiidka ka soo degaya dekedda, kuwaas oo ka badan baabuurta u xaniban nambar la'aanta.
Labadan caqabadood ayaa Dekedda Berbera ka dhigay meel ay ka muuqato carqalado maamul xumo, kuwaas oo ay dhib badan ka muteen ganacsatada Macradada eel eh gaadiidka yaala Dekedda, iyagoo ku dhex dawakhay amarada cusub.
Lama garanayo sababta ay gaadiidku ugu xaniban yihiin Nambarada, hase yeeshee ganacsatada ayaa sheegaya in khilaaf u dhaxeeya wasaaradda Hawlaha Guud iyo gaadiidka iyo shirkadda Nambarada samaysa.
Cashuuraha la kordhiyey ayay dhawaan Golaha wakiiladdu diideen in lagu shaqeeyo kadib markii sanadkan lagu soo daray Miisaaniyadda cashuuro.