Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

XOG LA HELAY: Hal qariirad oo loo jeexay C/kariin...

$
0
0

25-kii bishii January ee sanadkii hore, ayaa waxaa Madaxtooyada Somaliya ka bilowday shirar dhawr habeen oo xiriir ahaa ka soconaayay, iyadoona lagu dejiyay qorshihii C/kariin Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed lagu gayn lahaa Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan & Shabellaha Dhexe. Si ay madax kaga noqdaan Maamulada Nidaamka Federalism-ka, ee sida la sheegay ay Somaliya qaadatay.
Qorshaha lagu diyaariyay Madaxtooyada Somaliya, ayaa ahaa qariirad sida la sheegay ay madax ku noqon karayaan shakhsiyaadkaasi, haddii sida ay tahay loo dhex qaado qariiradaasi. Wuxuuna ajandaha qariiraddu uu ahaa in marka hore la raadiyo doorka Odayaasha Golaha Dhaqanka, haddii ay taasi socon weydana in la kala qaybiyo Odayaasha. Odayaashii taageerada laga helana ay adeegsadaan Warbaahinta, iyagoo markaasi u afdhabaan-dhabaaya shakhsiyaadka loo wado Goboladooda.
Madaxweynaha Somaliya oo uu la socdo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa billihii February iyo March socdaal ku tagey Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud, isagoo markaasi u gogol xaaraayay yoolkii lagu soo dooran lahaa Guuleed. Madaxweynaha wuxuu markaasi uu si xoogan kaga horyimid in doorashada lagu qabto Dhuusamareeb, waayo wuxuu oggaa inay ka horimaanayso qariidadooda, oo qeexaysay in doorashada lagu qabto Cadaado. Sababo ku aadan, iyagoo ka dheregsanaa in ciriiri uu ka imaan karay in la doorto Guuleed, haddii doorashadu ay ka qabsoomto Dhuusamareeb. Xilligaa dadka deegaanku waxay si adag kaga horyimaadeen in doorashada lagu qabto meel ka baxsan Dhuusamareeb, inkastoo markii dambe la musuq maasuqay.
Tallaabadii 1-aad ee loo qaaday qariiradan, ayay ku guuleysteen Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo shakhsiyaadka kale ee ku xeeran, markii C/kariin Xuseen Guuleed uu 4-tii bishii July noqday Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha iyo xubnaha ku dhow dhow, ayaa bishii December bilaabay olalaha Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed lagu gaynaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Bishii December ayuu Madaxweynuhu uu socdaal ku tagey Magaalada Baledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan, xilli uu la socday Faarax Sheekh C/qaadir. Madaxweynaha ayaa is baray Odayaasha Dhaqanka iyo saxibkii, markii ay kulamo gooni gooni ihi ay la yeesheen. Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa ku kala qaybsamay in la taageero Faarax, maadaama ay Dowladdu diiday in doorashada Madaxweynaha Maamulka Shabellaha Dhexe & Hiiraan lagu qabto Baledweyne.
Sida ku cad qariiradda lagu diyaariyay Madaxtooyada, ayaa la qorsheeyay in doorashada ay ka dhacdo Magaalada Jowhar, cabsi ay ka qabaan awadeed inaan la dooran Faarax Sheekh C/qaadir.
Xilli Odayaasha Dhaqanka ay intoodu badan ku adkeysanayaan inaanay taggi doonin Jowhar, ayay Madaxweynaha iyo xertiisa ay ka cago jiidayaan in loo nuglaado rabitaanka bulshada deegaanka, si uun looga miro dhaliyo, qorshihii lagu soo dooran lahaa Faarax Sheekh C/qaadir. Faarax waa Mudane Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo toddobaadkan booqasho ku tagey Magaalada Baledweyne, ayaa ka wada musuq maasuq ka dhan ah Odayaasha Dhaqanka, si ay u taageeraan inay taggaan Jowhar. Wasiirku wuxuu geed gaaban iyo mid dheerba uu u fuuli doonnaa, sidii ay Odayaasha Dhaqanka ku taggi lahaayen Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa Dhacdo.com u sheegay inaanu shaki kaga jirin in Faarax Sheekh C/qaadir uu noqon doono, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.
Inkastoo siyaasiyiinta kale ee Goboladaasi ay olole ugu jiraan, sidii ay doorashada ugu soo bixi lahaayen, ayaa waxaa hadana la qiyaasayaa inaanay heli doonin taageerada dhaqaale, ee uu haysto Faarax.
Iskusoo wada-duuboo laaEU(tm)arki doonnee inay si sax ihi u hirgasho iyo in kale qariidadii loo xariiqay/diyaariyay Guuleed & Faarax, si ay u noqdaan awoodda Gobolada Dhexe Somaliya.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Deg Deg + Sawirro: Munaasabaddii furitaanka garoonka...

$
0
0

Waxaa goordhow hoolka shirarka Garoonka Boosaaso gaaray madax aad u farabadan oo uu kamid yahay madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, Danjirayaasha Itly iyo Shiinaha u fadhiya Somalia iyo madax kale.
Hoolka shirarka ayaa waxaa hadda ka socda khudbado ay jeedinayaan madaxda Dowlada Somalia Somalia, Gobollada iyo Danjirayaasha Itly iyo Shiinaha waxaana makaroofanka marba lagu soo dhaweynayaa madaxdaasi.
Munaasabada lagu daah furaayo garoonka Boosaaso ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Siyaasiyiin ay ugu horeeyan RaaEU(tm)isul wasaarayaashii hose ee Somalia C/wali Sheekh Axmed, Cali Maxamed Gedi, Nabadoono, Ganacsato, CulimaaaEU(tm)udiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Munaasabaddan ayaa ah mid weyn oo taariikhi, taasi oo baal weyn ka geli doonto taariikaha Somalia, gaar ahaan tan maamulka Puntland.
Gabagabada munaasabada kadib ayaa waxaa lagu wadaa in dhamaan madaxdaasi ay dib ugu laaban doonaan madaxtooyada Puntland halkaasi oo kulamo gaar gaar ah ay ku qaadan doonaan madaxda.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DAAWO SAWIRADA:-Mashquul laga dareemaayo Garoonka...

$
0
0

Waxaa mashquul saaaEU(tm)id ah laga dareemayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso kaasi oo ay ku qulqulayaan madax aad u farabadan.
Garoonka ayaa waxaa kormeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas iyo masaEU(tm)uuliyiin kale oo ka kala tirsan labada gole ee maamulkiisa si halkaasi ay u gaaran madaxda DFS iyo kuwa beesha caalamka oo iyaguna iminka ku sugan madaxtooyada maamulka.
Garoonka ayaa la filayaa in maanta xariga laga jaro waxaana Madaxtooyada Puntland xalay ku hoyday madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo madax kale kuwaasi oo dhawaan gaari doona Garoonka si ay xariga uga jaraan.
Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu daadiyay wadooyinka ugu muhiimsan Boosaaso, waxaana sidoo kale la adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

War Saxaafadeed – Galmudug oo canbaareysay tagista...

$
0
0

Madaxweynaha oo ka qeybgalay furitaanka garoonka...

$
0
0

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamauud,madaxda Puntland, beesha caalamka,safiirada dalalka Talyaaniga, Shiinaha ,raysal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Boqorka , Nabadoono, siyaasiyiin, culimo'udiin, dhalinyaro,haween, ganacsato, qurbajoog, warbaahinta , iyo iyo marti sharaf aad u fara badan.
Munaasabaddan ayaa ah mid weyn oo taariikhi, taasi oo baal weyn ka geli doonto taariikaha Soomaaliya.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jangeli oo munaasabadda mas'uuliyiintii ka hadashay kamid ahaa ayaa u hambalyeeyay dowladd goboleedka Puntland guusha ay ka gaareen mashruuca dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso.
Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,Wei Hongtian ayaa munaasabadda furitaan garoonka diyaaradaha magaalada Bosaaso ka sheegay in dowladda Shiinaha ay ka go'an tahay maagashi in ay ku sameysay guud ahaan qaaradda Afrika isla markaana Soomaaliya mashaariicdaasi ay ka faa'ideysan doono.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahadceliyay dowladaha gacanta ka geystay dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaaso.
Xigasho sawirada : Horseedmedia
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Carruurta Hadii Aan Madaxa Laga Dilin Oo sidaan...

$
0
0

Cilmi, aqoon iyo garasho xeel dheer waxa ay haggaan maskaxda qofka binniaEU(tm)aadmiga ah. Waxbarashadu waa dariiqa kaliya ee lagu cidhib tiri karo jahliga, aqoon yaraanta, xumaanta, macaluusha, shaqo laaEU(tm)aanta iyo dhammaan baahiyaha aynnu qabno guud ahaan tood.
Inta nasiib u heshay in ay waxbartaan waxa la jaar ah in badan oo aan nasiib u helin in ay waxbartaan. Dad baa maalin iyo habeen ku hammiyaaya sidii ay maalin uun u tagi lahayeen goob waxbarasho sida mal-caamad QuraaEU(tm)an, dugsi ama jaamacadd.
Waxa jira dad badan oo nasiib u hellay in Aabbayashood, Hooyooyinkood, Wallaaladood, Habar yarahood, Eddooyinkood, Habrawdagood, Ilmaderadood iyo inta la hal maasha la barbar taagan yihiin hiil iyo hooba haddana aan ka faaaEU(tm)iidaysan oo nolol iyo maaweelo adduun la durkeen.
Warsame, waa wiil dhalinyarro ah wuxuu ka soo qalin jabiyay mid ka mid ah dugsiyada sare . Dugsiga sare wuxuu ku soo dhammaystay rafaad iyo hiifitaan uu hiifayay waxbarashada iyo Aabbihii oo marwalba la barbar tagnaa kuna qasbi jiray waxbarashada, haddaanu Aabbihii ka cabsanayn hurdo kama toseen, hadduu toosana maandooriye iyo mirqaan nololeed muu dhaafeen. Waxa caaddo u ahayd sagsaag iyo inuu maalinna tago maalinna iska joogo goobaha ay isaga iyo asxaabtiisa goosgooska ahi ku dhumalaystaan.
Nolosha marka aad ka dhacayso waxa ay soo martaa qaabab badan, waxa jira dad Is badh qabatima, dad marka ay waxwalba ka war keenaan noloshii caaddiga ahayd ku soo noqda iyo in yar oo Illaahay u naxariistay oo nolol caaddi ah iskaga dhex nool oo wuxuu Illaahay u abuuray iyo dantooda yaqaan. Warsame waxa la saaxiib ah Daahir oo ay wadda dhigtaan jaamacadd dibadeed.
Daahir waa wiil danyar ah oo noloshiisa qurbaha ee jaamacaddeed ku qaata hab addag (survive) wuxuu hammiga ku hayaa waxyaabo badan inuu barto oo uu dalkii iyo dadkii ku noqdo isagoo aqoon iyo cilmi badan maskaxda iyo maanka ku sita. Sidaas darted, wuu ka murugoodaa saaxiibkiisan nolosha ka dhacsan ee Warsame isagoo wanninaaya ayuu sidan ku yidhiaEU|
Warsamoow, Saaxiib noloshan aad ku dhex jirtaa maaha tii reerkiinu ku soo direen, halkan waxa aad u joogtaa waa waxbarasho umma joogtid inaad ku dhex raaxaysato oo caweys (nightclub) aad wakhtigaaga ku lummiso, in aad maalinwalba hablaha tii qurux badan aad la caweyso halkan laguma keenin inaad hurudo oo aannad waxbarana halkan laguuma keenin, saaxiib sidan wax ka baddal oo reerkiinan hiil iyo hooba kula garab taagan ka faaaEU(tm)iidayso, waxa aad haystaa fursad inaad berritoole helli doonto iyo in kale aannad war u hayn. Intuu dhoolla caddeeyay ayuu ku yidhi adiga marka ay waxbarashadu wax kuu tarto ayaan baran doonaa!
Aabbihii yaraantiisii fursad umma helin inuu waxbarato oo dagaalo iyo wakhtiga ayaan u saamixin inuu dalka gudihiisa wax ka barto, dhul shisheeyanna hadalkiisaba daa. Kamma war hayo waxa uu wiilkiisu barto iyo waxa uu qabto toona, ma waydiiyo imtixaanadii aad gashay I soo dir iyo immisa ayaad keentay waayo xataa hadduu u soo diro ma garanaayo in uu qof u akhriya ama u micneeya ula tago mooyanne. Bishu marka ay dhammaato ama iyada oo aan dhammaan biilka Dahabshiil ayuu u dhigaa, dhac dhac iyo lacag dheeraad ahna Hooyo ayaa u dirta ileen waa beere.
Waa ganacsade taajir ah, wakhtigiisa meheraddaha iyo salaadda ayuu ku qaata, aad buu u neceb yahay jahliga iyo aqoon darada wuxuu yaqaan farta soomaaliga habka loo qoro inkastooy ku addag tahay, wuunna kic kicin karayaa, noloshiisa oo dhan inteeda badan ganacasi ayuu ku dhex qataa. Wiilkiisunna intuu dalka joogay aad buu uga baqan jiray, markuu waxbarasho dibadeed tagayna cid uu ka baqo hadalkeedba daa ee isaga laga baqaa markuu cirka maraayo habeenkii!
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa soo garaacay Aabbihii, wuu jiifay intuu sariirta ka soo booday ayuu ku soo dul dhici gaadhay Daahir oo casharo ka shaqaynayaa (Practical). Markuu salaamay ayuu Aabbihii ku yidhi Aabbo horta maxaad barataa, intuu qolka kor iyo hoos u eeggay ayuu Daahir ku yidhi waxan aad barato maxaa la yidhaa, Isagoo hoos u hadlaaya, markaasu u sheegay.
Intuu kor u qayliyay ayuu ku yidhi Aabbihii waxa aan dhigtaa Bachelor of Computer Application aEUoeBCAaEU oo Aabbo waxaasi muxuu ahaa, isaga oo aan hubsan ayuu ku yidhi aEUoeWaa cilmiga maamulka iyo maaraynta oo waaliba aad baan xariif ugu ahay Aabbo. Bal adba!
Gabogabadii, Soomaalidu waxay tidhaa aEUoecilmiga ha lagu dhigeaEU(tm)e caqliga kaashoaEU. Waxbarasho dibadeed inta heshay waa u fursad, in laga faaaEU(tm)iidaystaa waa dariiq inna wada sugaaya inteenna ku maqan waxbarasho dibadeed.
Waxa badan oo aan tirro lagu soo koobi Karin inta dhalinyarro ah oo dalkii joogta ee u oo man in maalin uun ay helaan si ay uga faaaEU(tm)iidaystaan. Sag saag iyo in aan garab marno dariiqa aynnu dalkeennii uga nimid waa masuuliyad darro.
Bal ka fikir aqoonta aad baratay oo suaEU(tm)aasha ugu dhib yar Aabbaha ama qof qoyskaga ahi ku waydiiyo oo aad garan waydo, bal ka fikir qoys dhan oo kugu han weyn oo kor u tirinaaya maalmaha jaamacadda kaaga hadhay, bal ka waran qoys dhan oo dadka ugu fannaaya wiilkayagii/gabadhayadii wax buu soo bartay oo wuu soo socdaa, bal ka fikir Aabbo 5 sanno biil iyo lacag jaamacadeed oo qaali ah ku soo dirayay, bal ka fikir asxaabtadii aan fursad u helin in ay waxbartaan ee is leh nin aqoon iyo cilmi leh baa soo socda.
Runtii manta waxa aan haysaysanaa fursad in aad is badh qabatintaa waa dariiqa ugu wanaagsan ee aad ku guulaysan karto kunna noqon kartid qof leh ujeeddo iyo hammi.
Waxa kaliya ee aynnu ku wanaagsanaan karaynaa ee ujeeddeena ku gaadhi karnaa waa in qofka lunsan la qabto la tilmaamo la toosiyo, in aynu garab wanaagsan isa siino oo is caawino. Lagama maarmo gabadh dumar ah oo innaga lunta mise waa nin ragg ah.
Waalidkunna waxa muhiim ah in ay ka war hayan carruurta ay u dirayaan waxbarasho dibadeed. Ilmahaagi muxuu qabtaa, muxu ku maqan yahay, hawsha aad u dirtay muu fuliyay mise wuu dayacay?.
Carruurta inta ay yar yihiin haddii maskaxda laga koriyo oo dilmada laga daayo waxa ay ka qayb qadataa in iyaku is maamulaan marka ay waynadaan oo maskaxdooda iyo caqligii lagu soo koriyay ay isticmalaan. Haddii se la barro dilmo iyo han jabaad malinta ay waaliidkood ka garab tagaan waxa u wanaagsanaan doona wixii dilmada lagaga ilaalin jiray.W/Q Mukhtaar Cabdi Sheekh aEUoeBulshaawiaEUMukho4me@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhambaalkii Cabashooyinka Iyo Dhaliisha Waa Fariin...

$
0
0

Allah ayaa mahad dhaman iska leh.nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Rasuulkii suubanaa Maxamed (SCW)
Intaa ka dib , waxay ku socotaa adiga haa adiga . adiga xaaskayga qaaliga ah .aana jeclahay. waa qoraal yar oo aan ugu talagalay inan kugu xariiqo cabashoyin badan oo aan kaa tirsanayo. kuwasoo aad igu hayso. koobsadayna amar diido xadgudub.isbdelo jira kuwasoo kaa soo muuqda beryahaan danbe adoon is ogayn.
taasoo i sababtay marar badan welwel cirrina galisay raaxadayda . igana qaaday degananshihii aan ka heli jirey nolsoheena xaas ahaaneed, kuuguma qoraayo cabshadaan waxaan ka ahayn inan ku xususiyo kuna tuso , taasna waxay iga tahay inan isku kaashano wanaaga iyo taqwada..
Waxaan rabaa inan kuu sheego khaladaadkaaga bal inaa is garato isna bedesho Xabibtaydiiyey anoo ula jeeda naseexo. iyo xususin bal inaa aragto adna ,
Xaaskaygii aan jeclaayeey meeyay xaqaygii aan kugu lahaa ee ahaa inaa i adeecdo wixiii wanaaga, waayadaan danbe waxaan kaa arkaa madax adeyg waxaan arkaa inan rayi ku lahayn xagaga, mana arko qawaamadaydi iyo mas.uuliyadaydii inay qalbigaga meel ku leedahay, waaba sidii iyadoon lagu amrin daacadayda sharciguna kugu boorin , sow ma ogid taan jeclaayeey daacadyda waxan macsi Rabbi ahayninaad ku helayso jano iyo raaali ahanshaha Rabbi,,
Markaan ku xususinayo inaa i adeecdo maaha inan rabo inan ku dhibo. mana aha inan rabo inan rayigayga kugu qasbo iyo waxadan xamili karin marna sidaa ha moodin hana ku fekerin taas , maslaxadeena iyo maslaxda gurigena uun weeye waxan rabo ogowna sidaa xaq iigu ledahay inan ana xaq kaa la mida kugu leeyahay.
Ogow sowjadaydii qaaliga ahaydeey A in Allah uusan u sharciyaynayn umadiisa waxaan wanaag u ahayn diintooda iyo aduunkoodaba, markuu ninka qawamada iyo masuuliyada sareyna isagaa og qofka ku haboon mas.uuliyadaa adag kana soo bixi kara hana ilaawin kuwa aayadu shegtay ee Qaanitaatka la yiri waa kuwa adeeca nimankooda wixii wanaaga .
Waayadaan danbe waxaa guryaheena soo galay Taqaafada xoriyada ee been abuuradka ah taasoo dumarkii ku reebtay sunteedii iyo haraageedii. kana xayuubisay ragii masuliyadii dumarkooda. taasna waa dhibaato weyn iyo balo aan ka qarsoonayn qof walboo caqli leh
Ogowna haweenka rabbi agtiisa ugu khayrka badan waa tan adecda ninkeda , Rasuulkuna (SCW) mar la wyadiiyay, waa kii lahaa waaa mida farxad galisa markuu eego markuu amrana yeesha.
Waxaan kaloo kugu arkaa beryahan danbe qanaaco la,aan wajigaga ka muuqata waxan ku arkaa inaadan raali ku ahayn mustawaha nolosheena mucamaladada waa caro joogto ah kaama muuqato raali ahansho. kor baad eegaysaa had iyo jeer. cabashadadii baa badatay waxad u aragtaa wxiii badnaa wax yar kuwa kaa hooseya ma egaysid waxad eegtaa kuwa kaa sareeya uun. taasna waa dadaal xaqiran . aadna ku dhadhaminayn liibaanta wada noolaanshuhuna uusan macaanaanayn. . Maxay tahay waxaanoo cabsho ah? Meeday qanaacadii? Meday shukrintii?
Qalbigaan qanaaco ku jirin waa qalbi faqiira wax walbuu haysto ,wax deeqana ma jiro , , xagee ka joogtaa hawenaydii salixada ahayd e ku oran jirtay ninkeda markuu sii baxaayo . Ilaahay ka baq oo xaraan hanoo kenin waayo gaajo waan u adkaysan karnaa laakiin naar uma adkaysan karno.
Yaad isu qurxinaysaa
Mar walboo uu dhawaaqo mid xaflad shegaya ama kulan, waxad diyaarisaa wixii qurux ahaa . waxaana isku diyaarisaa bixis waaba sidii adooo lagu guurinaayo,,
Maaha inan ka soo horjeedo inaa is qurxiso. nimcada rabina ee ah dhar iyo quruxna naga muuqato. maadaama uu Rabbi caro galinayn.
Laakiin waxaan arkaa adooo ka gaabiyay inaa quruxdaan iyo is qurxintaan dhinacedii ka jeedisay .Ma khaldani hadaan ku dhaho. ninkaagaa ugu xaq badan inuu arko quruxdaa iyo is qurxintaaa oo dhan. ha yeesheee waxaanba dhihi karaa isku qurxintisu waa dhameystirka daacadiisa iyo kula dhaqankiisa wanaag. taasna waa xaqiiqda guurka iyo in laga helo dhowrsanan naftana laga ilaaliyo shahwadka . hadaadan adigu isku kay qurxin xaaskaygii aan jeclaayey yaa isku kay qurxinaya?. indhahaygii hadaan ka soo laabtay dibeda gurigayga soomaaaha inan ku furo. mise cadaabtaas baan ku jiraaa ,
Gurigaaga
Waxaa laabtayda ciririiyay naftayduna ka xumaataa inan ku arko rabitankaaga badan ee bixista gurigaga kuma deqayo isagoo waasic uu yahay qalbigaga ma degayo ilaa aad baxdo mar waxaad u baxaysaa waxbaan soo iibinayaa waxyaalo aan daruuri ahayn mar aroos , mar booqasho ,xaalad walboo aad baxdana ma arko wax i qanciya bixistaada badan , sooma ogid sowjadaydii qaaliga ahaydeey gurigaaga oo aad ku nagaato wax daruri oo aad u baxdo maahee ay kuu tahay sharaf. sow ma ogid inan gurigaaga aad mas.uul ka tahay laguna waydiinayo .amaandaan Alle mas.,uulka kaaga dhigay
Meeday Muuqaaladii jaceylka ee aan kaa arki jirey waxaan kaa waayay hadaladii i macaanaa ee naxaristu ku dheehneyd . Cibaaratkii jaceylka iyo kalgalacalka wadan jirey waxaan ka waayay wax walboo nafta u wanaagsan hadal iyo ficil kay noqotaba nolosheenii waxay noqotay mid qalalan ,waxay noqotay mid ka maran mashaacirtii naxarista iyo xanaanka mid ka maran wax walboo kenayay degananshihii rerkeena iyadoo degananshuhu yahay aasaaska nolsoha guurka ,
Sowjadaydii qaaliag ahaydeey.miyaadan ogayn in ninku uga baahi badan yahay jacayka iyo hadalka macaan ee naxarista leh cuntada tan u wanaagsan . miyaadan ogayn markay naftisu degto inay raad ku yeelanayso shaqsiyadiisa iyo sacaadadisa jirkiisa . mid ka xeel dheer mida ay cuntada ugu wanagsan u keenayso. xaaskaygiiyey ogow oo i garo waxaan rabo,,,
Waxaan kaa rabaaa dhooola cadeyntii iftiimi jirtay waxaan kaa rabaa naagnimadada dhabta ah ,. waxaan kaa rabaa hadal run ah, waxaan kaa rabaa dareen saafi ah waxaan kaa rabaaa dareen jilicsan. intaas . oo dhan waxay iga mayarayaan daalkii shaqada maantoo dhan . waxaan kaa rabaaa inaa noqoto saaxiibaday i dhow mid mar walba jaceyl iyo jilicsanan ka muuqato. mid ishaarada igu fahanta waxaan kaa rabaa dhalal iyo iftiin inaa naftayda galiso taasoo iga qaadaysa culeyska maalmaha saasna aad iigu noqonayso meshaan ku degaayay ee dhabta ahayd.
Qiiradaada xaddhaafka ah way i daalisay . waan qadarinayaa inaa jaceyl aad ii qabto darteed ay tahay, waxaana u arkaa astaamaha jaceylka . laakin waxan daremayaa inay isku bedeshay . shaki iyo malo xun waxaan kaloo daremayaa qiiiradada xaddhaafka ah inay i hareeraysay. ina eryanayso shakina galinayso hadaladayda iyo ficiladaydaba . waxay gaartay qiiradadii inay i daalisay jaceylkeeniina xumeysay . waxaan gaaray heer anan u dulqaadan karin su.aalahaa iska soo daba dhacaya e shakigu daboolay iyo eedayntaa joogtada ah mar hadal ah .. mar eegmo ah marna Ganuunac ah,,,
Qiirada wanagsan xaaskaygii aan jeclaayey maaha inaa ku camal fasho waswaska shaydanka gurigeeniina ka dhigto Jaxiiim, iyo meelan lagu nasan , Ilaa uu isku bedelay meel la isku baaaro ayna ka socoto intaa Su.aalo adadag, aamusnaaan, eedayn., waxaan kaa arkaa inaa naftaadii dhib galisay sameynayso Khiyaalaat iyo wax malo awaaal ah , nafatadana galisay murugo i yo welwel aan wax dhaba ku dhisneyn , gurigeniina isku bedelay meel mugdi ah , isagooo ahaaa guryaha kan ugu sacaadaysan ,uguna fiican
Adiga iyo lacnada malaa,igta ayaan isaga kiin baqayaaaa
Mar walboon kuu baahdo kuguna yeero firaashka iima dhaga nugulid waxaan kaa dareemaa inaadan nafsad ii haynin sooma ogid xaaskaygi aan jeclaayey in xaqeyaga ugu weyn uu yahay Mucaasharada. sow ma ogid dhibka ka imaan kara diidmadaada .
Hadaan kugu soo qaado inan xaqayga hadaa diido aan si kale oo sharci ah ku doonanaayo waad aragtaa saaa noqoto miyeysan xaqeyga ahayn inan guursado si aan isku dhowro una dhowrsanado ma jecli laakiin waad igu qasbaysaaa markaa ii diday bahidaydii aan xaqa u lahaaaciririna i galisay miyanan xaq u lahayn inaan,,,, , inaaan ,,,,,, ha igu qasbin ma jecli niyadana iigama jirti,,,,,,
Guryuhu waxay leeyihiin Asraar. Asraartaasoo hadii bananka loo soo saaro guryo badan dumisa degnanshana u diida imisaan ku iri kuna xususiyay gurigeena iyo dhexdeena waxa ka dhaca marna maaha inuu albaabka dhaafo , waxaan arkaa islaantii ku soo booqataba inay ka war hayso Dhamaan waxa gurigena ka dhaca, waxaan cuno hadaan is khliaafsanahay, wax walba weyn iyo yarba ,
Waxaan rajynayaa Sowjatii qaaliyah inaa i fahantay darentayna waxaan ku dhex jiro waxaana rajynayaa inaan kaa arki doono wanaag oo dhan una qaaado qalbi ku jecel oo kula raba wanaag aduun iyo mid aakhiro inuu kuu soo hibeyay qoraalkaan yar ee aan kaga cabanayay kuguna baraarujinayay , iiga qaado naseexo ha iiga qaaadan canaan iyo inan ceebahaga raacraacayo ,
Maya marna sidaa haku fekerin , hadaaanan ku jeclayn waxba kuuma sheegeen ee intaan iska aamuso aayaan howlahayga kale iska qabsan lahaa inaa i fahantaan filyaaaa , caqliga badan waan kugu ogaa waa waxaan kugu doortayba , laakin baryahaan waan ku qoonsadee ogow ogow ogow , oo i garo Qaaliyeeey,,,,,WQ: Ayaan. S, Abdi
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Qalbi Wax JeCel Iyo Qof La JeCel Yahay. Sheeko...

$
0
0

Wacan oo wanaagsan saaxiibada qeymaha lahoow meel kasta oo aad dunida kaga nooshahiinba, kuna soo dhawaada sheeko cusub oo sidaan idiin balan qaadayba, aad doorateen, inaan idiin soo gudbino maalin kastoo jimco ah hadii Eebe laga helo.
Aqristoow sheekadaani waxay ka dhaxeyn doontaa aEU~Sadax QofoodaEU(tm) oo kale ah labo gobdhood iyo wiil.
Waxeyna kale yahiin, aEU~Layla Iyo Liibaan oo is jecel Iyo Ladan oo sheekada ku soo biiri doonta qeybaheeda danbe, qofkii nool baa usoo joogi doona.LA SOCO QEYBTA 1-aad EE SHEEKADA.
Waa goor barqo ah, balad weyn waxaa ka daaEU(tm)aya roob tiix tiixaya, xalayna mirey magaalada, waxaa camiran dhirta ku taala hareeraha wadooyinka oo talaal waliba waxuu bixinayee ubax, waji kastana waxaa ka muuqato daganaan iyo baraare. Labo qof oo kasta oo iska hor imaata waxay wada jir ugu mahad celinayaan Allaha awooda sare leh ee ku manaystay roobka, waxaa yar in ay indhahaadu qabtaan qof careysan iyo sawir qalafsan, tin iyo ciribna waxaa is gaaraya xareeda iyo dhibicdii roobka.
Layla waa markii ugu horeysay ee balad-weyn soo gaarto, ka dib waqti fara badan oo looga sheekeyn jirey, in kastoo Layla haysato qaar ka mid ah astaamaha ay caanka ku tahay magaaladu, hadana maqal iyo muuqaal aad u marqaati tahay kale duwan kala dareen badan, daawashada Layla ee balad-weyn qof kastoo aragto durbo wuu ka marag kaci karey, inay Layla tahay qof ku cusub guud ahaanba xarunta gobolka hiiraan iyo carasanka balad-weyn, waana sababta loo wada lahaa soo dhawaaw.
Waxay dhagaha Layla maqlaan, sow barisamaatkii balad-weyne maan tagin, waan hubaa in kolkaan ay ka mid tahay muwaadinka soomaaliyeed ee aan mar danbe looga sheekeyn doonin, halkii uu bari hadraawi kula kulmay beerlula iyo baarkii muuqa dheeraa oo indhahii hadraawi sii bidhaansanayeen, markuu waday ninkuu lahaa sow taliye baasoo, baaEU(tm)anoo war-moog, teydii ma beenayn,ma iloobin buundada cayaartee, balad-weyn ku taalee, biyo lulata guudkood, bartankeeda maahayn. !
Cajab. Layla oo aad uga heshay tagisteeda balad-weyn waxey maalinba maalinta ka danbeysa la sii qabsaneysaa, nolosha, jawiga iyo cimilada magaalada oo xili aad u fiican nasiibkeedu ku soo beegey. Waxeyna Layla ka mid noqotay kumanaanka arday ee wax ka baranaaya goobaha waxbarasho ee magaalada balad-weyn.
Mudo kooban ka dib Layla waxey maalin maalmaha ka mid ah is barteen liibaan oo aay ku kulmeen goob xaflad ah, liibaan waxuu ahaa mid saameyey Layla oo qacdii hore markay indhaheedu qabteenba Layla way is badashay, jawigiina wuu ka qasmay.
Liibaan oo qudhiisu ahaa waayo arag wax badan usoo joogey, ayaa garowsaday in manta uu maan qofeed ka gadmay, waxuuna dhowr daqiiqo dabeed si ilbaxnimo leh lagu laray naxiis ee galaceysi hareeyey u eegayey Layla, halka Layla aay isku sii dhax yaaceysay, waxyna gacanta ku dhaganeed saaxiibteeda kaafiya oo ay ku laheed fadlan meeshaan madaxaa igu xanuunaya ee ina keen abaayo, xaafada Ayaan aadeynaaye.
Kaafiya oo aan la socon xaalada soo wajahday saaxiibteed Layla, waxey dhahaysay, maya qaali waan joogeynaa sow ma aragtid sida ay goobtu u shidan tahay Layla indha kale fur saaxiibeey, wax ka baashaal insha allah dhawaan waan wada baxeynaaye.
Liibaan markuu arkay in Layla sii daciifeyso xishoodkuna sii xoog iyo xeelad-ba tirey ayuu usoo dhawaaday, asagoo si guud ayada iyo asxaab meel la fadhisay ku leh waan idin wada salaamayaa asxaabta, sidee la yahay, wuuna sal dhigey meel aan sidaa uga fogeen Layla, qofkii wax garanayey garay in liibaan daan daansanayo Layla, waxuuna ku qasban yahay inuu jaanis siiyo ilaa iyo ilfuur aan waxba ogeen maahane.
Abaayo barasho wanaagsan, magaceygu waa Liibaan, seetahay qaali xaaladaada.? Layla oo qal qalsan ayaa ku tiri wanaagsan aboowe nabad aniguna waa Layla ee barasho wanaagsan. Liibaan oo dhoola dabacsan cadeynayaa ayaa Layla ku yiri.
Qeybta labaad ee sheekada la soco jimcaha danbe intii ka horeysana waa saaxiibkiin aEUoeWaaSugeaEU Iyo dhamaan bahda kobciye oo idin wada leh nabad-galyo saaxiibo.Qalinkii. Ismail Abdi Aden aEUoeWaaSugeaEU Dhaxalka. Lamaane Soomaaliyeed+27710166233@KobciyeTeam
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


HRW: 140 Qof Ayaa Lagu Dilay Ethiopia

$
0
0

Qiyaastan cusub oo ay bixisay Human Rights Watch, ayaa laba jabaar ka badan tii laga soo weriyey bishii tagtay.

Barnaamijka Kobci Maskaxdaada Iyo Ximado Nolosha Ku...

$
0
0

Waa Xikmado iyo odhaahyo isku xiran kuwaasoo kuu siyaadinayo inaad wax badan ka ogaato waayaha nolosha.
Odhaahyadaan waxaa qoray qoraa sare Mukhtaar Cabdi Sheikh ka faaideysi wacan.
Haddaanad sayigaaga ixtiraam isagunna ku ixtiraam ha sugin in carruurto idin maqasho oo idina ixtiraamto.
Carruurtu waa geed aad beeraysaan. Geedkanna haddii waraabku ku yaraado wuu qadhaa.
Qofku wuxuu xil biniaEU(tm)aadmi qaban karaa markuu naftiisa iyo nolosha qoyska ka soo baxo. haka sugin wax qabad qof labadaas ku fashilmay.
Markaad guuldaraysato ha u qaadan in tahay guuldaro naftaada laasim ku ah ee waa dariiqa guusha berritoole.
Ogow in kuwa xumaanta radiyaa meel-walba xumaan ka soo saari karaan. sidaas si la mid ahna, kuwa wanaaga raadiya ay xumaanta wanaag u badali karaan.
Cadceeedu waxay soo baxdaa iyadoon aqoon ku lahayn waxayna dhacdaa iyadoo aqoon wanaagsan ku leh. waanna wanaaga ay maalintu kugu dhaaftay amma dayacaada malinta.
Suura gal maaha noloshada oo dhan inaad ku dhammaysatid farxad iyo murugo laaEU(tm)aan. Lakiin waxa suura gal ah inaad noloshaada samir iyo dulqaad ku dhammaysatid.
Haddaad tidhaah-did isbadal ayaa imanaay oo aad sugtid waxaad ahaan doonta qof ilaa waligii suga. Isbaddalku wuxuu kaga bahan yahay ficil iyo sabab uu ku yimaado.
Markay arkaan qof soo jeeda oo xumaanta ka dhiidhinaaya ayay u raadiyaan shaanbad lagu dhajiyo si uu xaqa u qariyo baadilkana u taageero.
Noloshu waxay kaa sugaysaa inaad dhistid oo aad seeska ka bilowdid ee iyadu iskuma kaa dhisayso.
Dumar oo dhami waxay jecel yihiin nin karti leh!W/Q Mukhtaar Cabdi Sheikh "Bulshaawi"..
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule oo ku...

$
0
0

Allaha u naxariistee waxaa dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Abwaan Cali Sugule oo ka mid ahaa abwaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ka ahaa dalkeena Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" R/wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee abwaan Cali Sugule.
Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule wuxuu ku dhashay Magaalada Oodweyne sanadkii 1936, Iskuulka hoose Berbera ayuu ka galey markii danbe Sheekh ayuu uga wareegey hase yeeshee wuxuu ahaa Abwaan waddani ah oo rabbi hibo u siiyay hal abuurka maansooyinka.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo:Aragtida xubnaha Ka tirsan labada Aqal ee...

$
0
0

RW CC, Gulleed, Gaas iyo Axmed Madoobe oo CAAWA ku...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan u dhexeeya madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa waxa uu caawa ka socda madaxtooyada maamulka Jubbaland.
Kulanka ayaa waxa uu daba socdaa kulan Xalay ilaa Saakay magaalada Kismaayo gaar ahaan aqalka martida ku dhexmaraayay labada madaxweyne waxaana jiro warar hordhac ah oo sheegaya in C/kariin Gulleed iyo C/wali Gaas ay si rasmi ah uga heshiiyeen Khilaafkii kawada dhexeeyay.
Kulanka caawa labada madaxweyne Gulleed iyo C/wali Gaas u socda ayaa waxaa lagu dhameystirayaa haraadiga Khilaafka si uusan dib ugu soo laaban Khilaafka labada maamul kala fogeeyay, waxa uuna xoogiisu yahay mid looga doodaayo Dagaalkii Gaalkacyo.
Kulanka Caawa ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in Madaxweynaha Galmudug uu doonaayo in maamulkiisa uu xuquuq ku yeesho Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo hadii ay dhaqaale ahaan lahayd iyo hadii uu maamul ahaan lahaaba.
C/wali Gaas ayaa isna ka caga jiidaaya in Garoonka ay lug ku yeelato Galmudug waxa uuna ku doodayaa in lahaanshiyaha Garoonka uu yahay mid u gaar ah Puntland.
Madaxweynaha Jubaland ayaa door muhiim ah ku leh dhexdhexaadinta labada dhinac,waxaa sidoo kale shirka caawa socda goob joog ah Ra'isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid.
Dhanka kale, Ujeedka ugu weyn ee caawa laga leeyahay kulanka ayaa ah in xal waara laga gaaro khilaafka u dhaxeeya labada maamul ka hor inta uusan furmin shirka.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Danjire Baashe Cawil Oo Ka Hadlay Xaalada Caafimaad...

$
0
0

Dubai(Somaliland.Org)- Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Somaliland Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) si wanaagsan loo baadhay, isla markaana uu marti u yahay dalka Imaaraadka wakhtigan.
Mr. Baashe Cawil oo maanta tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim ayaa sheegay inuu meel fiican marayo, maalmaha soo socdana dalka ku soo laaban doono, waxaanu yidhi "Xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim meel fiican ayey maraysaa, si wanaagsana waxa loogu baadhay Cusbitaalka Al- Khaliifa ee magaalada Abu-Dhabai." Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.
"Xaaji Cabdi-kariim markuu gaadhay madaarka Dubai, waxa hawshiisa la wareegay oo marti uu u yahay dawlada Imaaraadka Carabta, waxaana isaga, xaaskiisa iyo inan uu awoow u yahay la degay hudheel weyn."
Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda ku soo laaban doono dalka, waxaanu yidhi "Xaaji Cabdi-kariim maalinta Arbacada ayaa la filayaa inuu ku soo laabto dalka, xaaladiisuna Ilaahay mahadii way wanaagsan tahay, muhiimadii loo keenay dalka Imaaraadkana waanu gaadhnay, oo waxa hawshiisa la wareegay wasaarada Madaxtooyada Imaaraadka."
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya muddo usbuuc ah dabadeed markii Xaaji Cabdi-kariim loogu qaaday xaalad hubin caafimaad dalka Imaaraadka Carabta, oo madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilanyo uga dalbaday martiqaadkiisa.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dullucda Iyo Qoddobadii Ay Xambaarsanayd Khudbadii...

$
0
0

"Waxaannu Qadiyadda Somaliland gaadhsiin doonaa Maxkamadaha iyo Hay'adaha Garsoorka Caalamiga ah"
"Waxaan cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada Dalka Sucuudigu ku lahaa Wadanka Iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada"
"Waxaan ahay Madaxweyne aan murashax ahayn, inta ka hadhay muddo xileedkayga, waxaa iga go'an in aan dalkan u horseedo horumar, haybadiisana aan kor u qaado"
Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole ee Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladda) waxa uu ka horjeediyay khudbad sanadeedkii dastuuriga ahaa ee uu u jeediyo labadaas Gole.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbadiisa kaga hadlay siyaasadda Arrimaha dibadda, wada hadalladda Somaliland Iyo Soomaaliya, diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka, qiime dhaca shilinka Somaliland, adkaynta Nabad-gelyadda, maamul wanaaga iyo Garsoorka iyo cadaallada.
Khudbadda madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhammaystirani waxay u dhignayd:-
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 6aad hor imaado aqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda oo aan ka hor jeediyo khudbad sannadeedka Dastuuriga ah. Mudanayaal iyo Marwooyin, waxa marag ma doon ah in Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo.
Ma jecli in aan maanta xoog saaro, ama aan khudbaddayda kaga war-bixiyo waxyaalihii inoo qabsoomay sannadihii tagay iyo wax-qabadka 2016-ka. Hase yeeshee, waxaan jecelahay in aan kaga hadlo arrimo muhiim ah oo saamayn ku leh nolosha Bulshada Somaliland, kuwaas oo kala ah:
1. Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
2. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
3. Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.
4. Qiima-dhaca Shillinka Somaliland.
5. Adkaynta Nabadgelyada.
6. Maamul Wanaagga.
7. Garsoorka iyo Cadaaladda.1.Siyaasadda Arrimaha Dibadda
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaannu dedaal dheer u galnay Taabo-gelinta Magac Wanaajinta iyo Madax-banaanida Jamhuuriyada Somaliland. Muddadii aan qarankan hogaaminayey, waxaa xoogaystay xidhiidhka aynu la leenahay Dawladaha Dariska, Wadamada Carabta, Midowga Yurub iyo Maraykanka. Waxaad ka wada dharagsantihiin in Golayaasha Deegaanka ee Sheffield, Cardiff, iyo Tower Hamlet, sadexduba u gudbiyeen Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka ingiriiska mooshin ay kaga dalbanayaan in la aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland, talaabadani waa guul aynu Qaran ahaan wada gaadhnay.
Waxaa milgo iyo maamuus inaga mudan mudanayaashii mashruucaa meel mariyey iyo jaaliyadaha Reer Somaliland ee mudada dheer arrintan gacanta weyn ka geystay kana midho dhaliyey. Xukuumadayda waxaa ka go'an inay Beesha Caalamka la yeelato xidhiidh wanaagsan, gaar ahaanna Dalalka aynu saaxiibada iyo dariska nahay ee Ethiopia iyo Jabuuti, xoojinno xidhiidhka wada-shaqayneed, iskana kaashanno adkaynta Nabad-gelyada, La-dagaalanka Budhcad-badeeda, Argagixisada, Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo isu socodka Bulshada.
Sannadkan cusub ee bilowga ah waxaa noo qorshaysan idam Eebe in aanu laban laabno dedaalka, isla markaana aanu xaqiijino talaabooyinka hoos ku xusan:-
1)Waxaannu dardar gelinaynaa dedaalka ictiraaf raadinta loogu jiro, si looga midho dhaliyo guul wax ku ool ahna dhakhso looga gaadho, waxaan magacaabayaa guddi ka shaqaysa arrimaha ictiraaf raadinta.
2)Waxaannu abaabulaynaa qurbo-jooga Somaliland ee ku firidhsan dunida dacalladeeda, kuwaas oo ah xoog dihin oo dalkan u maqan.
3)Waxaannu Qadiyadda Somaliland gaadhsiin doonaa Maxkamadaha iyo Hay'adaha Garsoorka Caalamiga ah.
4)Waxaannu tayeynaynaa isla markaana dib u qiimayn joogto ah ku samayn doonnaa xafiisyada iyo wakiillada Somaliland u fadhiya Dalalka dibadda, si ay door weyn uga qaataan hawlaha ictiraaf raadinta.
5)Waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa Bulshada Somaliland gudo iyo dibad, in ay si weyn u muujiyaan dareen kooda ku aadan Xuska Sannad Guurada 25aad 18-ka May 2016-ka ee Madaxbanaanida Somaliland.
Waxaan halkan ku canbaaraynayaa falkii foosha xumaa ee lagu gubay Safaarada Dalka Sucuudigu ku lahaa Wadanka iiraan, taas oo ahayd mid ka dhan ah milgaha diblumaasiyada dunida, kana soo horjeeda Shuruucda Caalamiga ah. Xukuumada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa xasilooni darida dalka iiraan ka wado mandaqadda Bariga Dhexe iyo Marin Biyoodka Badda Cas.
Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay mawqifka ay ka qaateen Dawladaha Jaamacadda Carabtu arrintan.2.Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaannu dardargelinaynaa ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaan ku baaqayaa in gogosha la balaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan. Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaalada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016-ka. Hasayeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka.
Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas'uul ah madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan).
Waxaannu la soconaa in Madaxda Dawladda Soomaaliya ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wada jirka Qarankan. Waxaannu ognahay in ay soo abaabuleen kooxo ay ugu talo-galeen inay khal-khal geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland, isla markaana carqaladeeyaan Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.
Haddaba, Xaafadi waxay xaafad kale ugu wareegtaa waa xasarad. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Dalka Soomaaliya inay xil iska saaraan xal u helida dhibaatooyinka hadheeyey dhulkooda. Waxaan leeyahay u dulqaadan mayno farogelinta aad ku haysaan ciidayada iyo calankayaga. Cidina kuma xad gudbi karto xaqa aayo-ka tashiga dadkayga iyo xurmada madax bannaanida dalkayga. Xuquuqda aasaasiga ah iyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan, diyaarna waxaannu u nahay in aannu dhiig u daadino dhulkayaga hooyo.
Caqli xumo, colaad sokeeye iyo cadaalad daro, waa wixii Soomaali kala irdheeyey, ee aramida iyo utunta dhex dhigay. Waxaan ahay Oday Soomaaliyeed oo waayo-arag ah. Sidaa darteed, waxaan u arkaa in maslaxadda iyo danta Ummad Weynta Somaliyeed ee ku dhaqan geeska Africa, ay ku jirto in ay ku wada noolaato nabad iyo niyad sami. Hore ayaa loo yidhi "Belo daaman la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto maleh''. Haddaba, waxaan ka digayaa in dib loo huriyo colaadihii laga soo doogay, dadkana dhibaato la dhex-dhigo.
Walaalayaal, mar kale waxaan ku celinayaa kala tagnay ee aan kala turxaan la,aanno. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa ''intaanad Geedka iman Baa Gartaada La Naqsadaa''. Annaga gartayadu way noo cadahay sida cadceeda oo caad nagama saarna, diyaarna waxaannu u nahay gole kasta oo caalami ah oo xaajadayada lagu gorfaynayo.
Mar labaad waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go'nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka islaamka iyo dhamaan Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-
1)Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 june, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii july dalkii Soomaaliya oo talyaanigu gumaysan jiray.
2)Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961-kii, aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.
3)Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeedadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
4)Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.
Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map)-ka ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
5)Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco go'aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
6)Shacbiga Somaliland waxay May, 2001-kii kalsooni cod buuxa 97% ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda Somaliland iyo Qadiyada Gooni-isu-taaga dalka.
Arimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go'aanka shacbigani qaatay. Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.3.Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxay xukuumadaydu xaqiijisay taariikhda dalkan markii ugu horaysay, in la sameeyo diiwaangelin u gaar ah Aqoonsiga iyo Sugidda Dhalashada Muwaadinka Somaliland. Diiwaangelinta oo ahayd mashruuc Qaran oo culus ma jirin cid inaga caawisay gebi-ahaanba, dhammaan dhaqaalihii ku baxay waxaa bixisay Dawladda. Waxaa sharaf ii ah in aan maanta idiinku bushaareeyo in aynu ku guuleysanay farsamo ahaan iyo tayo ahaanba sidii loo diiwaan gelin lahaa Muwaadiniinta Somaliland 70%.
Diiwaan-gelinta Muwaadinku waa mid ka duwan Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo wakhti kooban loogu talo galay inay socoto, halka diiwaan-gelinta muwaadinku ay si joogto ah u socon doonto. Waxaa hubaal ah in uu taabogalay mashruucani tayo ahaan, maadaama uu meesha ka saaray in qof muwaadin ahi laba jeer uu is diiwaan gelin karo.
Dhinaca kale, waxaa bishan 16-keeda Gobolka Togdheer ka bilaabmaysa diiwaan gelintii cod bixiyaasha oo ay maamulayaan Gudida Doorashooyinka Qaranku. Waxaan ugu baaqayaa shacbi weynaha Somaliland in ay dhamaan ka qayb qaataan Diiwaangelinta Codbixiyaasha, iyada oo tii horena la bar bar wadi doono si loo qabyo tiro.
Waxaan ahay maanta Madaxweyne aan murashax ahayn, inta ka hadhay muddo xileedkayga, waxaa iga go'an:
*in aan dalkan u horseedo horumar, haybadiisana aan kor u qaado.
*in aan ka tago dhaxal aan duugoobin iyo dhito aan go'in.
*in aan suurto geliyo Doorasho Xor iyo Xalaal ah, taas oo ku qabsoonta xiligii loogu talo galay eebe idamkii.
*Waxaan Guddida Doorashooyinka Qaranka kula dardaarmayaa in ay xilka culus ee ay hayaan u gutaan si dedaal iyo daacadnimo leh, isla markaana dhex u noqdaan musharixiinta.
Sidoo kalena, waxaan ku boorinayaa Madaxda Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan ragga hunguriga ka qaba hoggaaminta dalka in ay muujiyaan bisayl siyaasadeed iyo tartan aan turxaan lahayn.4.Qiima Dhaca Iyo Isticmaalka Shillinka Somaliland
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Dalkasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumadayda ka go'an in ay xaqiijiso arrimahan:
1)Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.
Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida.
2)Waxaa bartilmaameed inoo ah in qiimaha sarifka dollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin.
3)Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.
4)Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah furka daraasad qotodheer oo lagu xaqiijinayo in adeega Zaad-ka iyo E-Dahabka ku shaqeeya lacagta dollar ka ah ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland.
5)Sidoo kale, waxaa daraasadaa lagaga gun gaadhi doonaa in lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada Waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin qiima dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii cilmi baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, waxaa lagama maarmaan ah in aanu go'aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara.
6)Waxaannu Shirkadaha iyo Shacbi Weynaha Somaliland ku dhiiri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka.
7) Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaadaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco.
8)Si aynu u helno lacag adag oo dalka ku soo noqota, isla markaana loo yareeyo wax yaalaha la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey.
9)Waxaan Shacbiga Somaliland u damaanad qaadayaa in aanay is dhex geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee Bangiga Dhexe ka mas'uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho.
Arrintani waxay ka hortag iyo xal waara u tahay in aanay suuqyada hafin lacago dheeraad ku ah Shillinka Somaliland, taas oo aan dawladda dakhli ahaan u soo gelin ama aanay xoogsan.5.Adkaynta Nabedgelyada
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Nabadgelyadu waa Saldhiga iyo Aasaaska Nolosha Aadamaha, la'aanteedna qaran ma gaadhi karo horumarka iyo himilooyinka uu higsanayo. Ilaahay mahadii maanta waxaynu nahay qaran nabad ku caano maalay, deganaanshana ku caan baxay. Hasayeeshee, taa macnaheedu ma'aha in aynu ka nabaadino xidhannahay xeeladaha iyo xasilooni darida ay ka wadaan kooxaha argagixsada ahi dalalka geeska Afrika.
Haddaba, xukuumad ahaan anagoo ka duulayna xaaladaha amniga mandaqada, isla markaana mudnaanta siinayna xoojinta xasiloonida qaranka, adkeynta iyo ilaalinta xuduudaha dalka (cir, bad iyo beri), waxaannu 24-kii December, 2015-kii qaadanay meelmarinta talaabooyinkan adag ee ku wajahan arrimahan soo socda:-
1)Qaabka safarada iyo isu socodka loogu kala gooshayo Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya.
2)Dadka ajaanibka ah ee dalka sharci darada ku jooga ama ku degan.
3)Dadka shisheeyaha ah ee dalka sida sharci darada ah kaga shaqaysta.
4)Qulqulka tahriibayaasha dalka sharci darrada ku soo galaya ama dalkeena sii dhexmaraya.
5)Waxaa kale oo si rasmi ah aannu u mamnuucnay in ay macaamiishooda u adeegaan goobaha ganacsigu, sida Huteellada la seexdo, Macradada Baabuurta iyo Shirkadaha Telefoonada, ilaa ay si buuxda u hubiyaan aqoonsigiisa.
Waxaan Shacbiga Somaliland ku adkaynayaa in ay ka feejignaadaan, indho dheerna u yeeshaan cid kasta oo cadow ku ah nabad gelyadooda, isla markaana u hogaansamaan meelmarinta go'aamadan cusub. Intaas oo keli ah kuma eka qorshaha adkeynta amniga qaranku, ee waxaannu kor u qaadaynaa tayada, tirada iyo tababarada Ciidamada Qaranka (Milateriga iyo Booliska). Waxaannu qaadnay talaabooyin ciidamada niyada loogu dhisayo, sida gunooyin loo kordhiyey iyo dib u sixid lagu sameeyey cabatinkii darajooyinka ka soo baxay.
Waxaynu nahay dad muslimiin ah oo ay waajib ku tahay inay ilaashadaan diintooda wanaagsan. Xukuumadaydu waxay Culimada kala shaqaynaysaa sidii kor loogu qaadi lahaa fahamka saxda ah ee diinta islaamka. Hase yeeshee, waxaanu ka soo hor-jeednaa aragtiyaha khaldan ee amnigeena khatarta ku ah, sida xag-jirnimada, takfiirka iyo mad-habka shiicada lagu fidinayo.
Waxaan Culimo Aw Diinka Somaliland ugu baaqayaa, gaar ahaan inta gacanta ku haysa madaarista, masaajida iyo goobaha kale ee cibaadada, inay dhallinyarada ka waaniyaan afkaaraha khaldan ee aan waafaqsanayn caqiidadeena suuban. Mar labaad waxaan Bulshada ugu baaqayaa in ay si hagar la'aan ah ula shaqeeyaan Ciidammada ku hawlan Adkaynta Amniga.6.Maamul Wanaagga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Musuq-maasuqa iyo Maamul Xumidu waa musiibooyinka ugu waaweyn ee ragaadiya Horumarka, Himilooyinka, Hannaanka Dawladnimo ee qaran higsanayo.
Sidaa darteed, xukuumadaydu waxay dagaal adag oo joogto ah kula jirtaa sidii dalka looga dabargoyn lahaa musaqa iyo maamul-xumida. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaridka, waxaan ka maqlaa, iyagoo maamulkayga ku eedaynaya arrimahaas.
Waxaan aaminsanahay in hadaladaasi yihiin dacaayado iyo deelqaaf cadaaladda ka durugsan, isla markaana aan xaqiiqo ku dhisnayn.
Hanti la dhaco, iyo ummad la kala hayb sooco waa calaamadaha ay caanka ku yihiin hogaamiyayaasha aan hamiga fog lahayni.
Tan iyo intii aan hanaqaaday waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl Qaran.
Cimrigay habeen calooshayda ma gelin, in aan ku danaysto xilka aan ummadda u hayo, ama danta guud ka horumariyo mid ii gaar ah. Anigu tuug ma ihi oo waad i taqaanaan. Haddaba, waxaan leeyahay nimaan tuug ahayni, tuug ma kaashado.
Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha runta ah ee maamulkayga ka dhanka ah. Waxaan soo dhaweynayaa talooyinka iyo tilmaamaha togan ee wax lagu toosinayo.
Mudadii 65 bilood ee aan Qaranka hogaaminayey, waxaan ku guulaystay arrimahan soo socda:-
1.Wuxuu maamulkaygu xaqiijiyey in dakhliyadii gaarka loo qaadi jiray ama loo maamuli jiray uu ku soo daro khasnada Qaranka, waxaa ka mida lacagta adag ee ka soo hoyata Xoolaha Nool, Haamaha Shiidaalka, iyo Dekeda.
2.Dawladdu waxay xaq sharci u leedahay in ay iibiso Dhulka iyo Hantida Ummadda haddii loo baahdo, sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad.
Sidaa darteed, waxaannu iibinay Guryo gaboobay oo ka baxay gacanta dawladda, kuwaas oo ganacsato la wareegtay:-
B.Guryahaa waxaa loo iibiyey sifo sharciga waafaqsan, dhammaan lacagta ka soo xarootay waxay ku dhacday khasnadda dawladda, waxaana lagu daray Miisaaniyaddaha Qaranka (dakhli iyo kharash).
T.Odoroska Dakhliga ee iibka Guryaha sida ku cad Miisaaniyaddu waa 36 Billion Somaliland Shillin (6 Million oo Dollar), taas oo u dhiganta 2.96% Miisaaniyadda Qaranka.
Dhismayaasha cusub ee aannu fulin doono waxa ku baxaya kharash dhan 95 Billion oo Shillin.
Waxa kale oo dayactirka iyo dib-u-dhiska hantida qaranka ku baxaya 13 Billion oo Shillin, isugaynta guud ee madax-xigaha kharashka dhismayaashu waa 108 Billion oo Shilling (18 Million oo Dollar) taas oo u dhiganta 8.8% kharashka guud ee Miisaaniyadda 2016.
Haddaba, marka la is barbar dhigo dakhliga ka soo xaroonaya hantida Guryaha la iibinayo iyo kharashka dhismayaasha cusub iyo dayactirka kuwii hore, waxay dhismayaasha cusubi ka badan yihiin 72 Billion oo Shilling.
3.Waxaan sameeyey hay'ad ka shaqaysa Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Masuq-Maasuqa oo haatan dhamaystiran.
4.Si looga hortago hantida ummadda oo la iska isticmaalo, iyada oo aan xeer jidayn, waxay xukuumadaydu taariikhda Somaliland markii ugu horeysay meelmarisay in sannad walba xilligii loogu talogalay ay u gudbiso Golaha Wakiillada Miisaaniyadda Qaranka.
5.Sidoo kale, waxaannu diyaarinaa sannad kasta Xisaab-xidhka, una gudbinaa golaha wakiilada.
6.Waxaannu samaynay xeerar muhiim ah, kuwaas oo loogu talogalay in ay xakameeyaan xatooyada xoolaha ummadda, isla markaana sugaan Nidaamka Hufnaanta iyo Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda, Public Finance Management (PFM).
7.Xalaal iftiin baa la qashaa, waxaan ahay Madaxweynihii Somaliland ee ugu horreeyey ee ogolaada in mushahar sugan loo jaangooyo.
8.Murti Somaliyeed ayaa tidhaahda (Xero bahal ku jiro, xoolo kuma dhaqmaan). Hufnaanta iyo hawlkarnimada xukuumadaydu waxay kor u qaaday dakhligii dalka oo aan ugu imi sannadkii 2010 Miisaaniyad dhan 310 Billion oo Somaliland Shillin ah oo u dhiganta $47 Million oo Dollar, halka ay ka tahay Miisaaniyadda 2016-ka ee dhawaan Golaha Wakiilladu ansixiyeen 1 Trillion iyo 128 Billion oo Somaliland Shillin ah oo u dhiganta $203 Million oo Dollar.7.Garsoorka iyo Cadaaladda
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Cadaaladdu waa tiirarka udub dhexaadka u ah jiritaanka ummad kasta.
Nidaamka Garsoorka Dalka waxa muddo dheer ka jiray cabatinno iyo cadaalad darro aan yarayn, kuwaas oo guud ahaan wiiqay sumcaddii Maxkamadaha. Nasiib wanaag, tan iyo intii aan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Aadan Xaaji Cali oo ah aqoon-yahan dhallinyaro ah, waxa abuurantay yuhuun iyo yididiilo hor leh. Haddaba, si loo taabo geliyo cadaalad tisqaada iyo isbeddel wayn oo ay ummaddu mahadiso, waxa qorshaysan in aynu sanadkan fulino arrimahan:
1.Aasaasidda Mac'hadka Tababarka Garsoorayaasha, Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Hawl-wadeenada kale, si kor loogu qaado aqoontooda.
2.Alifaada Xeerka Xuquuqda Bahda Garsoorka.
3.Aasaasidda Library iyo Xarun Cilmi Baadhiseed oo u gaar ah Bahda Garsoorka iyo Qareennada Kaalmaynta Sharciga.
4.Aasaasidda Guddida Dib-u-eegista xukunada ay soo saaraan Garsoorayaashu.
5.Duubista dhagaysiga dacwadaha ka socda Maxkamadaha Gobollada, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex.
6.Aasaasidda Xarunta Kaydka Bahda Garsoorka.
7.Balaadhinta Maxkadaha guur-guura iyo nidaamka maamulka iyo maareynta dacwadaha, si ay dad weynaha ku nool tuulooyinka loogu dhaweeyo Adeegga Maxkamadaha.
8.Balaadhinta Guddida Daba-galka iyo Kormeerka Garsoorayaasha iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliayaha Guud oo la gaadhsiiyo heer gobol iyo heer degmo.
9.Dhismayaasha Xarumaha Maxkamadaha:
10.Kordhinta Mushaharka Bahda Garsoorka.
11.Samaynta iyo Xoojinta Xidhiidhka Maxkamadda Sare la leedahay Maxkamadaha Sare ee Dalalka aynu jaarka nahay.
12.Qiimaynta Garsoorayaasha Dalka iyo dardargelinta Guddida Cadaaladda.
ILAAHAY BAA GALAD LEH,
GUULNA QARANKEENAA LEH,
DHAMMAAD,
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Madadaalo : Sedex Saaxiib oo Habeenka Arooska...

$
0
0

Sheekooyinka Madadaalada ahi waa kuwa inta badan Xigmad wata qaarkoodka looga gudbo kalinimada iyo Murugada , hadaba Aduun.com ayaa idiin soo bandhigeysa Sheeko Gaaban Misana xigmad leh .
Saddex nin oo carab ah oo asxaab ah ayaa waxa ay goaEU(tm)aansadeen ineey guursadaan, way guursadeen, ilaahay amarkiis maalmo kadib ayay ku kulmeen maqaayad ayagoo ka sheekeesanaaya nin walba iyo xaaladiisa, midkii koowad ayaa dhahay:
Habeenkii ugu horeeyay isla markii ay marwada dharka dhigatay farxad darteed waan is hilmaamay oo lacag ayaan jeebka kasoo bixiyay oo madaxa ayaan daadiyay, isla markii waxay fahantay kilaabyada inaa joogi jiray kadibna furiin ayay iga dalbatay,
kii labaad ayaa hadlay waxa uu dhahay: habeenkeygii ugu horeysay aniga xataa waan ishilmaamay oo casiir ayaan gabadha usoo shubay kadibna labada koob intaa isku dhufunay ayaan aEUJeeeeesaEU dhahay, kadibna waxay fahantay in aan khamri cabo, oo furiin ayay dalbatay,
Midkii saddexaad oo madaxa heysta oo aamusan ayaa la arkay, maxaa kugu dhacay ayaa la dhahay, waxa uu dhahay: habeenkii ugu horeysay markaa xaajadeyda gutay waan is hilmaamay oo xaaskii ayaan siiyay 20 Diinaar, markaasey weydiiyeen sababta furiinka keentay, markaasuu dhahay: waxaan ka qaraacmay qofta markii ay 5 Diinaar baaqi ahaan iigu soo celisay camal...
Hadaba Akhriste sadaxdooda keebaa u darnaaaa..W/T Ahmed Kadiye
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xasan Shiikh oo baaqday iyo Shirka oo barri furmaya

$
0
0

Kismaayo-(Puntlandpost)- Madaxweynaha dowladda fadaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayey galabta inuu yimaado Kismaayo ayaa baaqday, waxaana la sheegay inuu barri aadi doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo shirka maamul usamaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uu furi doono.
Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu barri galinka dambe yimaado Kismaay, markaas oo uu furmayo shirka madasha Qaran ee wada tashiga doorashada 2016.
Maanta ayaa lagu waday inuu furmo shirku, balse sababo ay kamid yihiin baaqashada Madaxweynaha ayuusan u furmin, waxaana la filayaa inuu furmo barri galab.
Magaalada Kismaayo ayaa labadii barri ee lasoo dhaafay waxaa kusii qul qulayey madax kala duwan,oo isugu jira kuwa Soomaalida iyo beeshada Caalamka.
Shirka ayaa ah mid go'aan rasmi laga soo saari doono oo ku aadan habka loo wajahayo doorashada marka uu dhamaado xiliga dowladda uu hogaamiyo Xasan Shiikh.Puntlandpost.com
The post Xasan Shiikh oo baaqday iyo Shirka oo barri furmaya appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Suuriya: Gargaar la keenay Madaya

$
0
0

Magaalada Madaya ee Suuriya oo ka xayirnayd gargaar dagaal ka socday awgeed ayaa la keenay gargaarkii ugu horeeyay bilooyin.

Sawirro : David Bowie oo geeriyooday

$
0
0

Fanaanka Britishka ee David Bowie ayaa u dhintay cudurka Kansarka wuxuu qabay gabadha Soomaalida ee Iman.

Sawirro: Jaamacada Garisa oo dib loo furay

$
0
0

Jaamacada Garisa ayaa dib loo furay kadib markii Alshabaab ay weerartay oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 arday.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live