Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

AMISOM oo ciidamo dhowr ah looga dilay magaalada Muqdisho

$
0
0

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM xalay lagu dilay magaalada Muqdisho iyadoo dhowr kalena la dhaawacay.

Goob-joogayaal iyo ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ay geeriyoodeen laba askari markii dagaal iyo weerar gaadmo ah uu xalay saq dhexe ka dhacay degmada Boondheere, kaasoo ay soo qaadeen Xarakada Al-Shabaab oo ka soo horjeeda DKMG iyo AMISOM. Dhanka kale waxaa la sheegay in illaa sedex askari oo kale ey dhaawacmeen iyadoo mid kamid dhaawac halis ahi soo gaaray

Labada dhimatay waxay kamid ahaayeen ciidanka dhulka AMISOM, meydkoodana waxaa la geeyey xero ay ciidamadu leeyihiin. Xalane

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka soo gaaray dagaalka xooggaga Al-Shabaab oo iyagu weerarka gaadmada ah ku qaaday AMISOM.


Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Hanjabaad Kulul U Diray Puntland kuna eedeeyey dagaalka Kalshaale

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland
Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay in uu
ay si toos ah uga soo qayb gashay dagaaladda ka socda Deegaanka lagu
muransan yahay ee Kalshaale.

 

 

Wasiir
Xaabsade waxa uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay sidii ay
qaranimadeeda u difaaci lahayd, waxaanu u soo jeediyay Maamul Goboleedka
Puntland in ay faraha kala baxaan deegaamada Somaliland, haddii kaleba
buu ku hanjabay in ay kala kulmi doonto cawaaqib xumo aanay dib uga soo
waaqsan doonin.

 

Sidaasna
waxa uu ku sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta,
waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan idiin sheegayaa in ciidamo
ka socda Puntland ay soo galeen dagaalka, waxaanan leeyahay Puntland oo
aanu isnaqaano, haddii aad ku sii jirtaan waxa aad kala kulmi doontaan
cawaaqib xumo” ayuu ku hanjabay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta
Somaliland Md. Maxamed Cabdi Xaabsade.

 

Wasiirku
waxa kale oo uu tilmaamay in gaadmadii shalay aroor la soo weeraray
ciidamada Somaliland ay ku dambaysay dhirbaaxo kulul oo ay ciidamada
qaranka Somaliland huwiyeen maleeshiyaadkii soo weeraray “Ciidamada
Somaliland way iska waabiyeen ciidamada, waxaanay badeen jab iyo mahadho
aan yarayn, waxaanan ugu baaqayaa ciidamada Somaliland in ay ka
feejignaadaan cid kasta oo isku dayda in ay hagar daamo gaadhsiiso” ayuu
yidhi Wasiirku.

 

Wuu
sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi “kooxada nabaddiidka ahi waxa ay
caadaysteen in wax ka soo tuurtuuraan dhulka ay ku sugan yihiin is ay
khal-khalgaliyaan amniga dalka, waxa ay doonayaan in ay fadqalalo ka
aburaan mandaqada Buhuudle iyo Laascaanood waxa ay sidaas sameeyeen
markii ay maqleen in Kalshaale la aasayo barigihii la qoday, ayay
bilaabeen in ay dagaal ridaan, waayo haddii kale lacag ka helimaayaan
beelaha lacagta u soo dira”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Somaliland

 

Si
kastaba ha ahaatee labada dhinac ee isku haya degaanka ayaa guulo ka
sheeganaya dagaalkii shalay ka dhacay Kalshaale, waxaanay wararka ka
imanaya maanta uu yahay mid xasiloon

 

Sawirka maanta: Buundada magaalada Burco ee gobolka Togdheer

YouTube Muxaadaro sheikh xuseen cali part 1

Allah ayaan ugaraali Noqday Rabinimo full muxaadaro

Dowladda Uganda oo muwaadiniin Somali ah ka masaafurineysa dalkeeda

$
0
0

Dowladda Uganda ayaa sheegtay iney ka masaafurineyso wadankeeda muwaadiniin Somali oo ey dhowaan ku xirxireen meelo kamid ah dalkooda.
Dadkan la masaafurinayo ayaa badankood laga qabtay madhaarka Entebe  iyadoo looga shakiyey argagaxisamino waxaana la sheegay waxa ay ka tageen Magaalada Muqdisho kuwaasoo ku sii jeeday Dalka Ugandha.


Afhayeen u hadlay Ciidanka Boliiska Dalka Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in dadkan iminka ay xiran yihiin isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celin doono Magaalada Muqdisho waa siduu hadalka u dhigaye.


Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in dadkaasu aanay sharci u haysan ay ku soo galaan Dalka Ugandha sidaa darteedna inta laga dhoofinayo lagu sii hayn doono xabsi ku yaala Garoonka diyaaradaha Entebe.


Xukuumadda Kanbala ayaa in dhaweydba wadday Ololayaal ay ku sugayso ammaanka dalkeeda iyadoona taas laga hor marinayo Doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka ugandha.


Ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa adkeeyay dhamaanba xuddudaha Dalkeeda ay la leedahay dalalka deriska la ah iyo waliba dhinaca duulitaanka dhinaca hawada ah oo si weyn loo Ilaalinayo dadka ka soo degaya Garoomada Diyaaradaha gaar ahaana Soomaalida oo si gaar ah looga shakisan yahay.


Arrintan ku saabsan Muwaadiniinta soomaalida oo la sheegey in dib loogu celinayo dalka soomaaliya ayaa waxaa ay walaac badan ku abuurtay soomaalida ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee dalkaa Ugandha iyagoona ka cabsi qaba in saameyn ay ku yeelato.


Shan iyo Tobankan Muwaadiniinta Soomaalida ah ayaa waxaa ay isugu jiraan Haween iyo Caruur iyo Tiro dhalin yara ah oo aad u yer kuwaasoo qaxootinimo ahaan u gaaray dalka Ugandha .
Si kastaba lama garanayo goorta sida rasmiga ah dib loogu soo celinayo muwaadiniintan dalkooda.

Guddi Alshabaab u saareen gurmadka abaaraha oo sheegay iney qeybiyeen deeqo kala duwan

$
0
0

Guddi ey u magacaabeen ururka Alshabaab wax ka qabashada abaaraha ayaa deeqo kala duwan gaarsiiyey meelo kamid ah gobolka Sh/hoose oo ey abaaro ba'ani ka taagan yihiin sida uu sheegay madaxa u qaabilsan abaaraha.



Goobaha la gaarsiiyey gurmadkaan ka koobnaa galay ,saliid ,idaawo iyo booyado biyo ah waxaa ka mid ahaa Riglow,Libaaxley,Mixaareey,masaajidley,owleebow,Tubaako,duugow,oo dhamaantood ka wada tirsan dagmada wanle weyn ee gobolka sh/hoose ,

Tuulooyinkaan ayaa waxaa ka jirta abaar tii ugu ba’neyd mana laha ceelal ay biyo ka cabaan oo waa gureen sidoo kale malaha waro ay biyo ku keydsadaan waxaana la waayey xiliyo is xigxiga roobkii 

Meelaha ugu daran ayaa la soo sheegayaa in ay dad iyo duunyaba gaajo iyo haraad ugu geeriyoodeen waxaana k ami ah dhul sadax geeseed ah una dhaxeeyo bur hakaba ,wanla weyn iyo qoryooley ,halkaa waxaa ku yaal geed loo bixiyey baqtiile inkasta oo aysan laheyn geed kale ayaa hadana qofka yimaada wuxuu la kulmaa lafo uu iska xaaro ka dibna isagu ka mid noqdaa lafahaa .

Waa meel aan cidina daganayn hadii saxaydu kaa dhamaatana malaha cid ku samata bixisa alle ka sokow.


Deegaanadaan qaarkood waxaa u kireysan boyado halkii marba ay qiimaheedu tahay $70 taas oo aanay awoodin dadka danyar ta ah ku ku nool tuulooyinka waxaana fuurtadii biyo ah qiimaeedu uu gaaray 80.kun ilaa 120 kun marba si waxaana intaa ku dheer in masaajidada siiba maalmaha jimcaha ah aysan helin biyo lagu weeseeysto oo ay culumadu booreystaan 

Dadka ku nool tulooyinkaan ayaa la siiyey 25 kiilo oo galay ah iyo caag salid ah oo sadax litir qaad ah kalamadaan ayaan guud ahaa ku filneyn iyadoo maamulka Alshabaabku ey ugu baaqeen in dhamaan cidii ka qeyb qaadan karta in ay la xiriiraan hay’addaha islaamiga ah ee deeqaha qeybiya si ay gurmadka uga mid noqdaan 

Marka laga soo tago rashinka la qeybiyey ayaa hadana waxaa barbarsocday sadax booyadood oo tiiba ay qaado 50 fuusto taas oo iyane loo qeybiyey dadkii ku noolaa tuuooyinkaa fog fog iyo dhulka miyig aha 

Guud ahaa waxaa ka socdo gobolada ay gacanta ku hayaan xarakada  Alshabaab howlo loogu gurmanayo dadka ay saameynta ku yeelatay abaaraha dalka ka jira ,waxaana dhinac socday iyane howlo loogu qeybinayey Zeko oo iyane ay ka faiidaysteen dad ku ceyrtoobay abaaraha sida ey sheegeen masuuliyiin ka tirsan ururka .

Sida uu saxaafada u sheegay madaxa gudiga gurmadka abaaraha sheikh suldaan Maxamed Aalla Maxamed waxaa biyo dhaaminta ka shaqeysa 12 booyadood waxaana ugu daran ilaa lix dagmo oo kala ah 
1. Wanle weyn
2. Qoryooley
3. Owdheegle 
4. Kuntuwaarey
5. Sableele
6. Waraawe.


Sheikh suldaan Maxamed Aalla Maxamed ayaa ugu baqay walaaha muslimiinta ah in ay walaalahoda dalka gudihiisa ku dhibaatoonaya gargaar la soo gaaraan wuxuuna sheegay in ay cid walbo soo dhaweynayaa isaga oo diiday in aan la aqlabayn raashin waqtigiisii dhacay iyo wixii la mid ah.



Si kastaba abaaro ba'an ka jira gobolada dalka somalia dhammaan iyadoo roobkii xiligii uusan di'in taasi ey keentay iney harraad u dhintaan dad iyo duunyo farabadan.

Somaliland oo ka qayb gashay shir ku saabsan Soomaaliya

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa ka qayb gelaya shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka socda agagaaraha magaalada Brighton ee dalka Ingiriiska.

Dalkan Britain waxaa maalmahan ka socday shir lagaga
hadlayo arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, waxaana ka qayb gelaya
dowlada ku-meel gaar-ka ee Soomaaliya, maamul-goboleedka Puntland iyo
Somaliland. Waxaa shirkan qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda iyo
common wealth-ka ee Britain, waxaana uu ka socdaa xarun ku taalla meel u
dhow magaalada Brighton ee Ingiriiska.

Waa markii ugu horreysay ee Somaliland ka soo
qayb gasho shir noocaan oo kale ah oo lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda
ee dalka Soomaaliya tan markii ay gooni isu-taagga ku dhawaaqeen
sanadkii 1991-kii, hase ahaatee wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland,
Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaa uu BBCda u sheegay inaan waxba iska
beddelin mowifka dowladdiisa ee ka bixidda midnimada Soomaaliya.

Waxaa kaloo shirkan ka qayb gelaya dowladaha,
ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee daneeya arrimaha Soomaaliya,
waxaana diiradda la saarayaa waxa ka dambeyn doona marka uu dhammaado
xilliga dowaldda ku-meel gaarka ah bisha August ee sanadkan.

 


Xildhibaan Saleymaan Maxamad Ibraahim; "Go'aanka Baarlamaanka Xukuumadda Soomaalidu kama daba hadli karto"

$
0
0

Xildhibaan Saleymaan Maxamad oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaalida ee dhowaan waqtigoodi kororsaday ayaa sheegay in xukuumada Soomaalidu aysan ka daba hadli karin go'aanka ka soo baxay baarlamaanka.

Mudane Saleymaan ayaa Golaha Baarlamaanka ku sifeeyay mid sharci dejiya ah halka xukuumaduna ay tahay Sharci fuliye sidaas darteedna aysan xukuumada faraha la soo geli karin go'aan ka soo baxay Baarlamaanka.

Hadalkan Xildhibaankan ayaa jawaab u ah war-saxaafadeed shalay ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliyeed, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay u tixgelinayaan welwelka ay Beesha caalamku ka qabto Waqti kororsashada ay waqtiga kororsadeen Xildhibaanada Baarlamaanku.

halgankanet@gmail.com

Guddi ey dowladda KMG ahi u magacowday soo qiimeynta abaaraha dalka oo arrintaas maanta ka hadlay

$
0
0

Guddi ey dhowaan dowladda KMG ahi u xilsaartay soo qiimeynta khasaaraha abaarta baahsan ee ka taagan dalka Somalia ayaa maanta soo bandhigay qiimeyntii ay ku soo sameeyeen degaanadii ay booqashada ku tageen.


Afhayeen u hadlay Gudigaas oo lagu magacaabo Axmed Nuur oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey   in kormeero ay ku tageen Degmada dharkeenleey iyo degaano hoos yimaada  halkaasoo ay ku yaalaan illa dhowr Xero oo ay deggan yihiin ugu yaraan Sideed Boqol oo  bara kacayaal ah.
Af hayeenkan ayaa hoosta ka xariiqay in qoysaskaasi ay ka soo hayaameen gobolda koofurta soomaaliya isla markaana aysan heli karin waxyaabihii daruuriyaadka ahaa ee ay u baahnaayeen.


Axmed Nuur ayaa intaa ku daray in qoysaska ay soo arkeen ay u baahan yihiin in lala gaaro Kaalmooyin aadanimo oo deg deg ah isagoona u soo jeediyay xukuumadda ku meel gaarka in dadkaas deg deg loo gaaro.
Dadkan bara kacaysha ah oo ku nool duleedka degmada dharkeenleey ayaa waxa ay u badnaayeen qoysas xoolo dhaqata ah kuwaasoo xoolihii ay dhaqan jireen ay dhaafeen abaaraha dartooda.

Gudigan soo qiimeynyay Culeyska haysta dadka ku dhibaataysan  duleedada magaalada Muqdisho ayaa ku taliyay in si deg deg ah loola gaaro gar gaarka aadanimo ee ay u baahan yihiin.
Qiimeyntan Gudiga abaaraha ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha dawladda ku meel gaarka soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmajo uu sheegey in ay wadamada Carabta ka heleen balan qaadyo sama faleed oo dhawaan ay soo gaarsinayaan gudaha Soomaaliya.
Si kasta ha ahaatee dadka ku dhibaateysan  daafaha magaalada iyo gobolada dalka  taasoo qayla dhaan xoogan ay ka soo yeerayso gobolada dalka oo muddooyinkii danbaba abaaro ba’an ay ka jireen.

Dil abaabulan oo gudaha magaalada Boosaaso maanta ka dhacay iyo xiisad ka dhalatay dilkaas

$
0
0

Waxaa maanta gudaha magaalada Boosaaso si bareer ah loogu qaarajiyay gudoomiyihii deegaanka Galgala ee gobolak Bari Cali Maxamad Gurxan.

Dilka Gudoomiyaha oo ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso maanta barqadii ayaa waxaa geystay sida la soo sheegay kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo falkan qaarajinta ah sida muuqata loo soo abaabulay.

Meydka Marxuumka ayaa hadda yaal Cusbitaalka guud ee Boosaaso waxaana weli la baadigoobayaan kooxda dilka geystay sida ciidamada ammaanka laga soo xigtay.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay kooxdii dishay marxuumka ay goobta ka carareen ka dib markii ay rasaas badan ku rideen Marxuum Cali Maxamad Gurxan islamarkaan uu dhulka ku dhacay.

Dhanka waxaa gudaha Boosaaso laga soo sheegayaa xiisad kacsanaan ah oo ay wadaan ehelada uu ka dhashay Marxuumku waloow aan wax isku dhac ah weli la soo sheegin xaaladda guudna ay yara xasilan tahay.

Dilkani ma ahan kii ugu horeeyay ee degmada Boosaaso ka dhaca ee waxaa mudooyinkan dambe halkaas ka dhacayay dilal  u badan oo si gaar ah loola beegsanayo mas'uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Puntland.

halgankanet@gmail.com

Mowliid Macaani; "Waan ka xunnahay sida ay dalalka waaweyn ee calaamka uga hadleen go’aankii uu gaaray baarlamaanka Soomaaliya, waxaana taas markhaati ka tahay inaan la doonayn in Soomaaliya ay sidan ka baxdo”

$
0
0

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dalalka caalamka ugu tunka weyni go'aankii ka soo baxay Baarlamaanka Soomaalida ka soo horjeestaan.

Mudane Mowliid oo muujinayay sida aysan ugu qanacsaneyn jawaabaha dalalka caalamka qaarkood ay ka bixiyeen go'aankii Baarlamaanku waqtigiisa ku kororsaday ayaa sheegay in Mareykanka , Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaanigu ay muujiyeen daciifnimadooda iyo weliba sida aysan u dooneyn in Soomaali mashaakilka ka taagan xal laga gaaro.

Mowliid Macaani wuxuu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday wakiilka Qaramada Midoobay waxaana uu yiri; "Ergayga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga, xaq uma lahan inuu ka hadlo arrimaah gaarka ah ee hay’adaha dowladda, gaar ahaan go’aankii uu gaaray baarlamaanku ee uu kaga tashaday aayihiisa”

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa isha lagu hayaa go'aanka Baarlamaanku mudada ku kororsaday sida ay Beesha Caalamku ula fal gasho.

halgankanet@gmail.com

Ma loo baahnaa in barlamanka KMG ahi waqtiga kororsado

Kenyan charged in connection with attack on British tourists - The Lincoln Tribune

Ururka Nafada Gobolka Mudug oo soo Saaray Qoraal ay Codsi ugu Dirayaan Dawlada Puntland.

$
0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Ururka naafada Gobolka Mudug ayaa soo saaray bayaan ay ka xogwaramayaan baahiyaha haya iyo codsi ay udirayaan Dawlada Puntland ,Jaliyadaha dibada iyo Ganacsatada Puntland taa oo salka ku haysa in laga taageero dhinaca waxbarashada naafada.


Xisbiga MJS Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho Kana Soo Saaray Qodobo dhowr ah

$
0
0

 
Muqdisho:-
Shir ay isugu yimaadeen Masuuliyiinta xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyed uuna Shir gudoominayey kusimaha m/weynaha xmjs c/nur darman ahna gudoomiye Ku xigeenka xmjs Cali Maxamed Nuux (Tima jilic) ayaa waxaa looga Hadley Qodobo Dhowr ah Qodobada Ay Maanta Ka Shireen Masuuliyiinta Xmjs ayaa waxaa ka soo baxay qodobo taabanaya

Kidnapped Briton sick with fever: pirate - Capital FM Kenya

$
0
0

Capital FM KenyaKidnapped Briton sick with fever: pirateCapital FM KenyaJudith Tebbutt, who is reported to have hearing difficulties, was seized early on September 11 from a remote beach resort near the Kenyan-Somali border by armed men who shot dead her husband. “She also has problems communicating with the kidnappers. ...

Kenya: over 7000 Somali refugees make first contact with relatives left behind - ICRC (press release)

A Dutch midwife in the desert - Radio Netherlands

$
0
0

A Dutch midwife in the desertRadio NetherlandsDolo Ado consists of four camps housing 120000 Somali refugees, who have fled from civil war and drought. Roos Ament agreed to help on one condition: a birthing tent with a concrete floor. She was not prepared to deliver babies in the sand. ...

Dabley rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku furtay gaari marayay deegaanka Dagaari ee gobolka Mudug

$
0
0

Hal qof ayaa dhimatay mid kale waa dhaawacmay kadib markii dabley hubeysani ay rasaas aan loo meeldayin ku fureen gaari marayay meel u dhexeysa Dagaari iyo Gaalkacyo.

Gaarigan oo nocaa xamuulka qaada ah ayaa waxaa la soo sheegay in uu ka soo  baxay magaalada Gaalkacyo una sii jeeday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Ciidamada nabadgelyada ee maamulka Galmudug State ayaa deegaankii gaarigan lagu rasaaseeyay hawlgal ka bilaabay laakiin weli lama soo sheegin cid ay falkan u qabteen.

Gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mudooyinkan dambe ka jiray ammaan xumo laakiin sida wararka lagu helayo amaan xumadi waxay ku sii fiday deegaano ka baxsan magaalada Gaalkacyo.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live