Inteena badan waxaan war uun ka heynaa in 28-kii January sanadkan 2016, Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii magaciisu ahaa aEU~Wadatashiga QaranaEU(tm) ee loogu talo galay in lagu gaaro goaEU(tm)aanka nuuca doorasho ee ka dhici doonta dalka, halkaas oo lagu yiri madax goboleedyada iyo DF, ka soo tashada oo ka soo gaara aragti idin mideysa. Shirkii nucaas ahaa waxaa laga soo saaray goaEU(tm)aan ay inta badan isku raaceen madaxdii qeybta ka ahayd goaEU(tm)aan ka gaaridda masiirkaas umadeed.
Dood dheer oo laga yeeshay iyo shirar muddo bilooyin ah socday, lagu kala qabtay magaalooyin xarun u ah dowlad goboleedyo, waxaa kulan walba ka soo baxayey is af-garad laaEU(tm)aan salka ku heysay xaqiraad iyo isla weyni hoggaamiyeyaasha dhexdooda iyo reeraha ay kala matelayeen. Siyaasiyiinta qaar ayaa kaliya ay ka goaEU(tm)day in waxa ay rabaan la qaato, oo aanu qorshahooda ugu jirin in ay meel dhexe istaagaan. Muqdisho, Garowe iyo Kismaayo, waxaa markii waxba la isla garan waayey laga soo saarayey waxa ay ugu yeereen aEU~war-murtiyeedaEU(tm), taasoo dad badan ku fasirayeen in lagu kala booday.
Labo aragti oo kooxiba dan gaar ah ka lahayd ayaa goobta madashada loogu yeeray aEU~wada-tashiga qaranaEU(tm) la keenay. In dalka doorashada ka dhaceysaa lagu saleeyo hab degmo ee ah degmooyinkii uu ka tegay kacaanka iyo in lagu sii socdo nidaamka hadda jira ee ah 4.5 (afar iyo bar). Labadaas aragti waxaa kala qabay maamulo isu baheystay qaab dadkoo dhami ka arki kareen oo aheyd heyb qabiil. Puntland iyo Jubaland ayaa waxaa mideeyey oo ay wada raaceen in la qaato qaabka degmo, halka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Dowadda Federalka ay qabeen in lagu sii socdo qaabka afar iyo bar.
Haddaba sababta aragtiyadaas loo kala qaatay ayaa u caddeyd sida iftiinka qoraxda oo kale, waayo maamulada Puntland iyo Jubaland oo Soomaaliya kaga abtirsada hal beel, waxaa ay damac ka raadiyeen in beel ahaan ay degmooyin badan heystaan oo ay heli karaan kuraas ka badan tan beelaha kale heli karaan, sida ay ula muuqatay, waana aragtida tiri in wax lagu qaato degmooyinkii uu sameeyey maamulkii keli-taliska ee Hantiwadaagga ahaa. Dad badan ayaa rumeysan in kacaanku gobolo badan oo ay beesha Daarood ku abtirsato sameeyey. Dadkaas ayaa sidoo kale qaba in kacaanku dad badan ku dulmiyey magacaabidda degmooyin iyo gobolo, sidoo kale waxa ay ku doodayaan in 25 sano ka dib burburkii dowladdaas ay deegaano badan noqdeen magaalooyin, iskaba daa degmooyinaEU(tm)e.
Fikirka kale ee afar iyo bar waxaa xoog u aaminsan maamulka Koonfur Galbeed oo beel ahaan ay ka dhaadhacsan tahay in hadda aEU~afar iyo baraEU(tm) ay wax qeybsi siman kula wadaagaan beelaha kale sida Daarood, Hawiye iyo Dir, haddii laga guuro oo loo hayaamo nidaamka degmooyinka ay sheeganayaan in wax badan ay ku weyn doonaan. Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan ayaa isagoo arrintaas ka hadlayey sheegay in ilaa la tiro koobo dadka ku nool Soomaaliya, uusan aqbali doonin wax ka baxsan nidaamka afar iyo bar. Waxaa ku wehliya maamulka Galmudug iyo Dowladda Federalka oo ay hoggaamiyaan labaduba, labo masuul oo heyb ahaan ka sokow, siyaasad gaar ah wadaaga, una arka in ayaguna kuraas lumin doonaan, haddii ay ka tagaan aEU~afar iyo baraEU(tm).
Madashii waxey daalaa dhacdo oo ay habeenba guri hoyato, maalinba magaalo loo guuro, waxa ay ku soo dhamaatay in hal qodob lagu heshiin kari waayey oo ay noqotay natiijada, ugu dambeyn in lagu amro, in ay raacaan nidaamka ay wadatay DF Soomaaliya, kuna raacsanaayeen maamulada Galmudug iyo K/Galbeed, waxaana aan ka harin oo warbaahinta ku shaaciyey in lagu qasbay, maamulka Jubaland.
Shirkaas oo ay ka soo baxeen goaEU(tm)aanno umadda masiirkeeda quseeya, waxaa ka dhacay qarax siyaasadeed dad badan galaaftay. Akhriste, haddii dad nool nool qaraxyo iyo madaafiic lagu layn jiray oo aayatinkii nololeed adduunka loogu qoonsaday, hadda shirkaas dad Soomaaliyeed oo nool ayaa aayatiinkooda lagu burburiyey oo bam lala dhacay.
GoaEU(tm)aanka masiiriga ah ee la gaaray waxa uu noqday in laba aqal loo sameeyey dowladda Federaalka ee la dhisi doono; Aqal Sare iyo Aqal Hoose. Midka hoose waxaa la yiri sidii hore ha lagu socdo oo afar iyo bar ha lagu qeybiyo waana la isku raacay, xaaladduse waxay ka qurantay sida ceyriinka loogu kala qaatay kuraasta Aqalka Sare oo tiradiisu tahay 54 kursi. Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Hiiraan&Shabeelle waxaa la siiyey mid siddeed (8) xubin wadarta tiradoodu ahaaneyso 34 kursi iyo Puntland iyo Somaliland oo min 11 xubin ka heli doona, taasoo ayadana ka dhigeysa in labadaas maamul heli doonaan saddex xubin oo ka saaaEU(tm)id ah xubnaha ay heleen maamulada kale. Tirada ee Aqalka Sare ayaa markaas waxa ay noqoneysaa 54 kursi.
Kuraastaas Aqalka Sare ee ah 54ta kursi ogow waxaa loo qeybiyey dad Soomaaliyeed oo waliba ku nool deegaano hadda maamulo leh iyo kuwa aan lahayn. Cidda kuraasta ku fariisaneysaa ama xildhibaanka ku fariisanayaa wuxuu matalayaa dad iyo deegaan, mana ahan in kursigaas meel bannaan lagu xooray.
Haddaan in yar halkaas caddeeyo, warka qoran ee warfidiyeenka la siiyey, waxa uu ahaa in 48 kursi si siman loogu qeybsado maamulada hadda jira iyo kuwa dhismi doona, halka 6-da kursi ee soo hartayna, min 3 kursi loogu daro Puntland iyo Somaliland. Meeshaas inkastoo la maldahay maamulada dhismi doona, waxaa ka muuqata in Banaadir laga saaray qeybsiga kuraasta. Oo Maxaa lagu caddeyn karaa in lagu qadiyey Banaadir? Waxaa taa kuu caddeynaya in maamulada federalka hadda jira ay yihiin Jubaland, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed, kuwa dhismi doonaana ay tahay oo qura Hiiraan&Shabeelle. Halkaas Banaadir ma yeelan doonto wax kursi ah oo aqalka sare ah, waayo waa hal gobol oo markii hore muran la geliyey saamigeeda oo ay siyaasiyiin badan yiraahdeen maqaam caasimadeed ha loo yeelo.
Haddaba Aqalka Sare ee baarlamaanka la dhisi doono waxaa si quursi iyo ixtiraam darro ah loogu inkiray in dad ay ku nool yihiin Gobolka Banaadir, oo ay ku taallo caasimaddii Soomaaliya. Dadka la quursaday waxaa ay dhan yihiin tiro ahaan 3 milyan oo qof, oo aan maanta cid mataleysaa ama codkeeda ku hadleysaa jiri doonin, sida Madasha Wada-tashi ku sheegga lagu saxiixay. Hadduu Banaadir ka mid yahay 18ka gobolka ee haatan Soomaaliya leedahay, sow xaq uma laha inuu qeyb ka ahaado wax-wadaag kasta oo Soomaali dhexdeeda ah.
Cidda Banaadir kuraasta u diiday ee qadisay, ma qarsoona, waa urur diimeedka Dam-jadiid. Ururkan faalladiisa inaan ku dheeraado looma baahna, laakiin, waa sunta kaliya ee maanta ku tallaallan masraxa siyaasadda Soomaaliya. Waxaa beec ka ah wax walba oo dal iyo dad ah, si ay u dhaafsadaan arrimahooda ganacsi ee gaarka ah. Ma is weydiin kartaa sababta kooxdan aysan u dhici karin in talada dalka lagula xisaabtamo?
Xusuuso sidan oo kale madaxweynihii ee DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed markii uu kursiga ka soo helay Jabuuti, waxaa uu hareerihiisa ku wareejiyey oo ku safay jabhaddii isaga la soo dagaal gashay, oo dhamaantood wasiiro iyo taliyeyaal ciidan oo waliba jeneraalo ah ku taxay. Taas Sheekh Shariif waa looga hor yimid, oo markii dambe lagu qasbay inuu iska soo dhex saaro raggan ay soo wada dagaalameen, ilaa markii dambe la wada daadiyey rag badan aad ugu dhowaa madaxweynaha.
Si Taas la mid ah waxa aan sugeynay in Dam-jadiid hoggaamyaheeda Xasan Sheekh, oo hareerihiisa ay tuban yihiin rag ka arradan siyaasadda iyo aqoonta oo intooda badan ah, macallimiin iskuulo yar yar Xamar ka soo dhigay. Si kale hadaan u sharxo Xasan waxaa Villa Soomaaliya ku sharaxday saaxiibadiisii Xafiiska iskuulka ka wada shaqeyn jireen. Maxeyse u dhici weysay in raggan laga kala eryo Xasan Sheekh, sidii hore loogu dhigay Dowladdi KMG ahayd ee Sheekh Shariif? Jawaabteeda oo kooban waa in kooxdan laga leeyahay dan ballaaran oo ay ugu weyn tahay iska horkeenka umadda Soomaaliyeed ee baahida iyo qaxa halakeeyey.
Shaqada iska horkeenka oo wakiilo badan ay uga shaqeeyaan waxaa ugu horeeya Faarax, Odowaa IKK. Tii gobolada dhexe ee Soomaaliya, waxa ay u af duubeen in umadda deegaanadaas la iska hor keeno, maxaa yeelay mar haddii maamul deegaanka uu yeesho laga hor istaagay oo maanta loogu beddelay maamulka Cabdikariim Guuleed ee wali ku shaqeeyaa xaruna u tahay gurigii lagu doortay, maxey u soo kordhiyeen dadka maamulka iyo kala dambeynta raba ee reer gobolada dhexe, oo aan kala geyn Dhuusamareeb iyo Cadaado aan ahayn?.
Waxa ay u soo gudbeen oo qeylo ka joogtaa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Wax walba oo dadku rabaan waa ay diideen waxa ayna u isticmaalayaan lacago xoog badan, oo lagu keeno iibin hanti qaran iyo saxiixid heshiisyo danaha umadda ka hor imanaya. Jowhar hadda waa lagu kala tegay, dadntoodana ma aha oo waxa ay ka soo saari doonaan in doorasho ka dhacday Jowhar lana doortay baarlamaan, kaasoo ay dejin doonaa Buula Burte, kuna ilaalin doonto AMISOM. Sida Guuleed uu wali uga dhex shaqeeyo gurigii lagu doortay, ayaana kan jowhar lagu dooran doono ugu shaqeyn doonaa Buula burte oo, halkaasna looga ilaalin doono, dadka ay fara maroojiyeen.
Arrinta gobolka Banaadir oo mowduuceygu ahaa, waxaa dhabar jab xoog leh loogu geystay beelaha Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug (Hawiye). Waa cod ballaaran oo ay ku tashanayeen. Waxaa xisaabta qaabka deegaan ee la sii shaaciyey ku jiray 16-ka degmo ee Xamar lahayd ka hor burburkii dowladdii Kacaanka, oo ay ku xisaabtamayeen dadka deegaanadaas ku nool. Xisaabta codadka ay tirsanayeen ayaa ahayd 3 (kuris) x 16 (degmo oo Banaadir ah) oo la mid ahayd 48 kursi, waa haddii la qaadan lahaa soo xulidda habka deegaan. Hadda sheekadaas waxa ay noqotay mid lagu hungoobay, mana dhici doonto xilli dambe oo deegaan lagu qeybsado in saamigooda ay ku helaan Banaadir, waayo doodda ayaa gali doonta, in aan horeba Banaadir loogu xisaabtamin, halkaana khilaaf haddii maan-gaabni la dugsadana dhiig sokeeye daadin karta oo dad nabad ah iska hor keeni karta.
Bal is weydii Banaadir maxaa lagu maagay, ayadoo ay tahay il dhaqaale oo aad u ballaaran. Ishaas oo marka hore ay biishaan si xisaab laaEU(tm)aan ah madaxda dowladda federaalka una isticmaasha danaha kooxda Villa Somalia iyo qoysaskooda. Waxaa kaloo lagu laaluushaa dadka ka hor iman kara mowqifka siyaasi ee ay leeyihiin. Dhaqaalaha ka imaada gobolka Banaadir waxaa toos loogu biilaa maamulo qaar ee ka baxsan Xamar, gaar ahaan Guuleedka Damjadiid ee deggan gurigii lagu doortay, maadaama uusan gobolka wada xukumin, ilihi dhaqaale ee gobolkaasna uusan gacanta ku heyn sidaa darteed in Banaadir mar walba ay ku hoos jirtaa digreeto ka timaadda madaxtooyada waa danta kali taliyaha weyn Xasan Sheekh Maxamuud. Dakhligaas wuxuu yeelan doonaa xisaab haddii ay dhacdo in maamul federal ah yeesho Xamar.
Xasan oo isagu olole ballaaran ugu jira sidii uu u soo laaban lahaa ayaa dhanka kale wax badan kaga beddeshay hoggaamiyeyaasha uu is leeyahay waa ay kaa hor iman karaan, gaar ahaan madax goboleedyada qaar oo aad ugu ololeynayey in Banaadir noqoto xisaab Soomaali oo dhan ka dhaxeysa.
Aan soo koobo e waxa ay tani kalsooni darro ku abuuri kartaa dadka deegaanka ka soo jeeda, mar haddii qofka shacabka ah uu dowladdiisa u arko mid xaqiisa cid kale ka iibineysa, waxa uu qofkaas sabab u noqon karaa in ammaanka uu faraha ka baxo. Waayo marka waxgaradkii iyo odayaashii deegaanka ay dhacday in ay ka horjeesteen waxa ka yimid madashadii lagu sheegay wada-tashiga, waxa ay dhalin kartaa in dadku ka kacaan oo ka gadoodaan ka qeyb galka dowladnimada lagu dulleystay.
Inta aan ka aqaano Banaadir waxaa ku nool dad aad u dulqaad badan, oo aan aad u hadal badneyn, nabaddana jecel oo diida dulmiga, laakin marka rarku ka saaaEU(tm)id noqdo, waa sida Xasan iyo Xulafadiisu wadaanaEU(tm)e, waxa ay keeni doontaan in lala fariisto oo waqti aan waxba la gaarin laga taliyo danta ay xaqa ay sheeganayaan.
Anigu baaq uma dirayo kooxdan dalka afduub kula wareegtay, laakiin waxaan u sheegayaa in aan la heysan karin kursi Banaadir leeyahay, oo laga qaaday 3 milyan oo qof, loona qaaday dad ka tiro yar 1 milyan.
Weblinks:
//-->
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk