Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maamulka Gobollada Dhexe Oo Beeniyay in...

$
0
0

Dhuusamareeb ( Sh.M.Network)-Afhayeenka Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Mursal Sheekh Max'ed Xeefow oo u warramayay Radio Shabelle ayaa beeniyay in maamulkooda ay is hortaageen siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Galgaduud isagoo tilmaamay in wararka la xiriira in ay u diideen deegaanadooda ay yihiin kuwa been abuur ah.
Mursal Sheekh Max'ed Xeefow ayaa sheegay in in aanu jirin wax lagu soo war geliyay aysana ka war qabin wax siyaasiyiin ah ee ku soo wajahnaa Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in cidkasta oo Gobolka Galgaduud gaareysa looga baahan yahay in ay soo wargeliyaan maamulka Gobollada Dhexe islamarkaana cid aan iyaga fasax ka heysan aysan soo gali Karin deegaanada mamulkooda ay ka arrimiyaan.
Warar ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegayay in siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Galgaduud oo uu ka mid ahaa Axmed Cabdisalaan is hortaag ay ku sameeyeen maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna walow iyagu iska fogeeyeen.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Hay’adda SHURAAKO oo Hargeysa ka furtay shir...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shalay Magaalada Hargaysa ka Furay Shir Caalami Ah Oo lagu dardar galinayo sidii kor loogu qaadi lahaa Tamarta laga dhalinayo qoraxda iyo hawada. kaasoo ay soo qaban qaabisay hay'add maraykan ah oo layidhaa SHURAAKO.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Wufuud kala Gadisan oo ka Socday beesha caalamka,kana mid yihiin safiiro ka socday maraykan iyo Ingiriiska,waxaana iyaguna Goob jooga ka ahaa dalal badan oo ay ka mid yihiin,Jabuuti,Kenya,itoobiya,Somaliland iyo Wufuud kale.
Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in kulankani oo socon doono muddo 4 cisho ah lagu darsi doono sidii Tamarta kor loogu qaadi lahaa,waxaana casharo ku saabsan hawada sidii looga dhalin lahaa tamar bixin doona Khubaro ka Socota Maraykanka iyo ingiriiska,waxaana ay Somaliland Noqonaysaa dalkii 2aad lagu qabto kulankani.
Wasiirka oo furay kulankani ayaa ku dheeraaday rajada laga qabo in dunida oo dhan loo badalo tamarta hawada iyo cad-ceeda waxaana uu yidhi.
"shirkan ay maanta furtay wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland waxa soo qaban qaabiyay Haay'adda Layidhaah Shuraako oo maraykan ah,waxaana ay ku hawlan tahay tamarta Cusboonaata ee laga dhaliyo tamarta qoraxda ama tamarta cad-ceeda,shirkani waa shirkii 2aad ee ay u qaban-qaabiyaan bulshada ku nool Man-daqada lagaga hadlo afka somaliga,haday tahay dalka Somaliland,somaliya,Jabuuti,Kenya iyo ismaamulka Dawlada Deegaanka Itoobiya.
Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi ducaale ayaa sheegay in carwadii 1aad ee lagu soo bandhigo sidii tamar looga dhalin lahaa cad-ceed lagu qabtay Magaalada Nairobi,halka ay kii 2aadna nasiib u heleen Somaliland laguna qabtay magaalada hargaysa,taas oo majooratiga lagu saari doono in bulshada lafaro in laga gudbi doono tamarta ku shaqaysa batroolka oo dunida hawada ka wasakheeyay.
"waxaanu Nasiib u helnay inaanu noqon cida shirka Ganacsi hogaamisa kaas oo socon doona muddo afar cisho ah,waxaana uu ku saabsan yahay shirkani bandhig cilmiyeedka ahi horumarinta tamarta Cusboonata oo aynu aad iyo aad dalkeenu baahi wayn ugu qabo,waxaana aynu u baahanay in aynu horumarin tamartan oo aynu faa'ido aad iyo aad u badan ka heli karo dalkeenu,waxaana aynu ka heli karnaa tamar joogta ah oo la awoodi kara,Waxaana ay inoo badali doontaa tamartan qaaliga ah ee batroolka ah inaguna taagan lacag badan oo qaali ah.
Intaas waxa uu ku daray wasiirku isaga oo hadalkiisa siiwata."Markaas maanta aad iyo aad ayaanu ugu farax sanahay inuu dalkeenu noqdo dalkii 2aad ee uu shirkani ka dhaco,waxaana ka soo qayb galay Dalal badan oo ay qayb ka tahay somaliya ganacsato ka Socotaa,waxaana hada ku sugan daneeyayaal badan oo ka socda wadanka jabuuti,itoobiya,kilarka shanaad,waana bandhig Cilmiyeed kor loogu qaadayo tamarta Cusboonaata,waxaana la doonayaa bulshada tamarta ka Xoogsataa in ay ka faa;idaan.
Kulankan ayaa waxa qayb ka ahaa oo madashan ku sugnaa wufuud kala Gadisan oo ka Socday Beesha Caalamka ahna Daneeyayaasha Tamarta Cusub Ee Lagaga Gudbayo Tamarta Ka samaysayn Shidaalka oo hawada ka dhigaysa wasakhow,waxaana uu wasiirku ku guubaabiyay ganacsata dalka in ay ka faa'idaystaa kulanka oo khubaro badani ka jeedin doonaa Culuumta lagaga gudbi doono tamartan Ka samaysan shidaalka waxaana uu yidhi.
"waxa iyaguna madashan ka soo qayb galay dawladihii deeq bixiyayaasha ahaa oo maraykanku ku jiro ingiriiskuna ku jiro,dhaynashki iyo Norwaygiiba way ku jiraan,waxaana ay dawlado badani ka soo direen safaaradahoodii si ay goob joog uga noqdaan kulankan lagu darsayo tamarta,waxaana iyaguna qayb ka aha Baanka Aduunka,shirkuna waa shir caalami ah oo ay ka soo qayb galeen beesha caalamka oo dhan aadna waa loo danaynayaa inuu ka soo baxo kulankani faa'idooyin badani.
Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sidoo kale ka hadlay Ujeedka loo qabtay kulankani iyo faa'idada laga rabo in ay ka Soo baxaan waxaana uu yidhi."Kulankani waa aqoon korodhsi waana kulan muhiim,waxaana loo baahan yahay in sharaa'iga kala gadisan ee ka sugan madashani in ay ka faa'idaystaan khubarada madashan ku sugan ee doonaya in ay horumariyaan tamarta isticmaalkeeda oo loo baahan yahay in lahorumariyo,dalkeena waxaad moodaa in ay tamartan barteen shan sanno ka horuun. Wasiirka ayaa kulankan oo socon doona Muddo afar cisho ah furay,waxaana uu ku dooday in ay Somaliland tamarta laga dhalinayo cad-ceeda iyo laydhu ay aad ugu horumareen,waxaana uu rajo ka muujiyay in ay halkaasi ka sii wadi doonaan,isaga oo tilmaamay in Somaliland kulankani iyagu maanta marti galiyeen,kaas oo kulmisay labeenta beesha caalamka.
Sidoo kale waxa iyaguna madashan ka hadlay Ganacsato ka Socotay Dalal badan oo ay ka mid tahay afric,halka ay ku sugnayeen safiiro ka socotay wadamo badan oo beesha caalamka ka mid ah,waxaana madashan laga jeediyay khudbado badan oo salka ku haya sidii tamarta laga dhaliyo cad-ceeda iyo hawada kor loogu qaadi lahaa si looga gudbo tamarta laga isticmaalo shidaalka oo dunidu hada ka soo horjeedo madaama oo ay hawadii ka dhigtay wasakhow.
Lee Sorensen oo ah sarkaal sare oo ka socday Shirkada ganacsiga ee shuraako ayaa madasha ku soo bandhigay khudbado ku taxaluqa sida ugu haboon ee tamarta looga dhalin karo cad-ceeda,waxaan ay shegeen in ay muhiim tahay sidii looga wada gudbi lahaa tamarta laga dhaliyo shidaalka oon muhiimada badan ugu fadhiyin dunida. Shirkan oo ah mid Caalami ah oo noqonaya Kii 2aad ee lagu qabta Dunida,waxaana ay Somaliland Nasiib u heshay in ay marti galiso kulankani,madaama oo ay horumar dhinac tamarta ah ka samaysay,waxaana madashan lagu soo bandhigay sida ugu haboon ee kor loogu qaadi karo.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyne Xasan oo maanta la filayo inuu uduulo...

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa maanta inay aadan dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul.
Waftiga madaxweynaha ayaa ka qayb gali doona shir looga hadlaya arimaha doorashada Soomaaliya oo Istanbul lagu qabanayo sida qorshuhu yahay maalinka barri ah.
Shirka waxaa sidoo kale lagu caasumay madaxda maamul goboleedyada dalka,madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay ka duulay Kismaayo, isagoo ku wajahan Istanbul,Puntland ayaa la sheegay inaysan ka qayb galayn shirka.
Muqdisho ayaa shir lagu soo gaba gabeeyey sanadkan bilowgiisa waxaa lagu go'aamiyey in doorashada sanadkan lagu saleeyo 4.5ka,waxaana ka horyimi Puntland oo taageersan in xildhibaanada lagu soo xulo deegaan.
Madaxweynaha Puntland Cabdilwali Gaas oo Ethiopia kusugna maalmahan ayaa kasii aaday dalka Maraykanka,oo uu haysto baasa boorka dalkaas,waxaanse si rasmi loo garanayn socdaalka Maraykanka ee Gaas wuxuu ku qotomo,marka laga yimaado inuu dalka dagan yahay.PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Xasan oo maanta la filayo inuu uduulo Turkiga appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya oo maanta...

$
0
0

Istanbul-(Puntland Post)- Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka fumaya shir looga hadlay maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya,waxaa ka qayb gali doonta ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo u dhashay dalka Turkiga.
Wasiirka Ganacsiga dowladda fadaraalka oo ka qayb galaya shirka ayaa rajo ka muujiyey,waxaa uuna sheegay inuu yahay mid ahmiyad weyn u leh ganacsiga Soomaalida.
Shirka ayaa la sheegay in looga hadli doono ganacsiga Soomaalida iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkigu u maalgashan lahaayeen.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galaysa ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay kasoo baxaan qodobo wax ku oola oo lagu hormarinayo ganacsiga dalka.PUNTLAND POST
The post Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya oo maanta Istanbul ka furmaya appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Extended: CALL FOR PROPOSALS: Development of IDPs...

$
0
0

Dawlada Jabuuti Oo Gabi Ahaanba Joojisay...

$
0
0

Jabuuti ayaa ka feejigan weeraro argagaxiso oo xagjiriinta ay ka gaystaan gudaha dalkeeda
Jabuuti(Waaheen) Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti, ayaa waxaa lagu sheegay laga bilaabo shalay inay Jabuuti joojisay duulimaadyadii kaga imaanaayay Magaalada Muqdisho, illaa waqti aan la cayimin.Bayaanka, ayaa waxaa lagu sheegay in Jabuuti ay ka feejigan tahay weeraro argagaxiso oo xagjiriinta ay ka gaystaan gudaha dalkeeda, sidaasi daraadeedna ay u hakisay duulimaadyadii ka imaanaayay Muqdisho.
Tani, ayaa waxay u muuqataa mid jawaab u ah digniin uu Mareykanku ka soo saaray suurtagalnimada weeraro argagaxiso oo ka dhaca wadanka Jabuuti.
Mareykanka, ayaa muwaadiniintiisa ku sugan dalkaasi ku wargeliyay inay taxadar badan muujiyaan, haddii xaalad adag la soo deristana ay la xiriiraan Safaaradda uu ku leeyahay Caasimadda Jabuuti.
Go'aanka ay qaadatay Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxaa uu saamayn wayn ku yeelan doonnaa dadka ku sugan Magaalada Muqdisho, ee duulimaadyada joogtada ihi ku tagga Magaalada Djibouti.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidamada amniga oo howlgallo xalay ka fuliyay Muqdisho

$
0
0

Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ay ka sameeyeen qaar ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir ku soo qab qabtay dad lagu tuhmayo inay ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Ciidmada ayaa howlkanka ka fuliyay Degmooyinka Yaaqshid iyo Hiliwaa, iyagoo ku soo qabtay 50 oo lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iminku ku socoto baaritaanno la xiriira tuhunka loo heysto.
Sidoo kale ciidamada howlgallada ee wada jirka ah ayaa waxa ay sidoo kale howlgal balaaran ka fuliyen Degmada Waabari kaas qaatay saacado badan ciidmadan oo isugu jiray NISA booliska, Milateriga Asluubta iyo AMISOM ayaa waxa ay dhamaan xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Degmada.
Hey'adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa mid mid u baarayey guryaha kuyaala xaafadaha Degmada Waabari, iyagoo si wanaagsan oo naxariis leh ula dhaqmaayan shacabka Soomaaliyed,
Howlgalkan oo ah mid qorsheysan isla markaana qaatay waqti badan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay 250 ruux, kuwasasi oo 22 qof oo kamid ah lagu qabtay iyagoo sameynaya lacagta dolarka Mareykanka oo been abuur ah, halka 21 ka kale lagu tuhmayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Afhayeenka gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa howlgalka kadib waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay tiro dad ah, baaritaanno ka dib la siiyay, ayna jiraan kuwa kale oo weli ay ku socoto howlo baaritaanno ah.
Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii dambe sii joogteynayey howlglalada lagu ciribtirayo Al-Shabaab si loo fashiliyo dhagarta ay u maleegan shacabka Soomaaliyed.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha oo u amba baxay dalka Turkiga

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaasi oo uu uga qeyb geli doono shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.
Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in dalka Turkiga uu ka furmo shirka madasha wadatashiga Qaranka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa ee dalka, Madaxda maamul goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaa dalka Turkia ka socda shir looga hadlayo maalgeshiga Soomaaliya iyo doorka Turkiga ee ku aadan horumarka dalka, waxaana shirka ka qeyb galaya ganacsato Soomaali iyo turki isugu jirta, iyadoo inta uu socda diiradda lagu saari doono dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa si wada jir ah u furaya Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo dhigiisa dalka Turkiga Ahmet Davutoglu.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Yuweri Musaveni oo Jaceyl u qaba dalka Soomaaliya!!!

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)- Afhayeenka ciidamada militariga dalka Uganda ayaa sheegay in dowlada Uganda ay baaqi kusii ahaan doonto howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya kaasi oo ay kusoo biireen sanadkii 2007.
Afhayeenka wuxuu sheegay in ciidamada dowlada Uganda ay kaalin weyn ka qaateen howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya, isagoo sheegay iney kordhin doonaan ciidamada ka joogo Soomaaliya.
"Waxay ila tahay in Uganda oo nabad ah ay macnaheedu tahay in Somaliya ay heli karto taageerada dhanka nabad ilaalinta, oo ay hadda u hayso Uganda." Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka, ayaa yiri "Doorashadii way dhamaatay Madaxweyne Museveni ayaa la doortay, waxaa uu haystaa ogolaanshaha shacabka, Soomaaliyana laabta ayuu ku hayaa."
"Ciidamada Uganda baaqi ayay kusii ahaan doonaan Soomaaliya si ay u caawiyaan dowlada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-qaacida xiriirka la leh ee Al-shabaab"ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada Uganda.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney doonayan iney isku badalid ku sameeyaan ciidamada kaga sugan dalka Soomaaliya, laakiin taasi ay dhici doonto waqtiga loo qorsheeyay.
Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Faysal Cali Waraabe oo weeraray General Gaafow

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul kaga jawaabay qoraalkii kasoo baxay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ee ahaa in laga laabtay go'aankii lagu joojin lahaa duulimaadyadii aadi jiray deegaanada Somaliland.
Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in go'aankaasi uu yahay mid u wanaagsan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna cadeeyay in go'aankaasi uuba saameyn deegaanada Somaliland.
Maalintii shalay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa soo saartay qoraalka ay ku cadeysay in dowlada Soomaaliya ka laabatay go'aan horey usoo baxay oo maanta dhaqan geli lahaa, balse khilaafkii jiray la xaliyay.
Gudoomiyaha xisbiga UCID wuxuu sheegay in markii horaba go'aankaasi lagu qaldamay maadaama sida uu sheegay shacabka Soomaaliyeed aysan u adkeysan karin dhibaatada go'aankaasi ka dhalan kara.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in si hoose loo xaliyay khilaafkii ka dhashay dhanka duulimaadyada, waxaase dowlada ay ka gaabisay in si cad loo sheego qaabka loo xaliyay khilaafka dowlada.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xukumada Somaliland oo Sheegtay in ay Dhawaan...

$
0
0

Arrintii ka dhacday Xeebta Hargeysa ama Gobolka Awdal iyo Berbera waxay ku timid iyada oo muddo dhawr iyo labbatan sanno ah aanu jirin Nidaamka kala xadeynta gobolada iyo DegmooyinkaHargeysa(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in cadawga Somaliland ay fidinayaan dacaayado been abuur ah kuwaasi oo doonaya in ay Somaliland sumcadeeda hoos u dhigaan.
Wasiirku waxa uu sheegay in Dawlada Somaliland ay ka digtoon tahay isla markana aanay Somaliland ahayn dal si dhib yar lagu dagi karo, Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xaalada Gobolka Buhoodle oo uu sheegay in imika degan tahay.
Wasiir Warancade waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in Xukumada Somaliland gaar ahaan wasaarada arrimaha guduhu wado in ay kala xadeyso Gobolada iyo Degmooyinka.
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay hor tagay gudida joogtada ee Golaha guurtida waxanu yidhi. "Arrintii ka dhacday Xeebta Hargeysa ama Gobolka Awdal iyo Berbera waxay ku timid iyada oo muddo dhawr iyo labbatan sanno ah aanu jirin Nidaamka kala xadeynta gobolada iyo Degmooyinka, waxanu ku tallo jirnaa in aanu si dhakhso ah u sameyno nidaamka kala xadeynta Deegaanada oo noqon doona mid sharci ah iyaduna hawshaasi si dhakhso ah ayey nooga dhamaystirmaysaa hadii Illahay yidhaahdo, marka shacabka Somaliland waxaan ka codsanaynaa in ay wasaarada arrimaha gudaha ku taageeraan arrinkaasi, si cadaalad ah ayaanay u dhacaysaa cid wax loo kordhinayo ama laga jarayo ma jirto"
Wasiirku waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Dawlada Somaliland la socoto Dacaayadaha kala duwan ee Soamliya ka fidiso Somaliland oo ay ka mid tahay in ay yidhahaadan Somaliland waxay ka qayb galaysaa Doorashada 2016-ka ee ka qabsoomaysa Somaliya, warkaasi waa Riyo ay madaxda Somaliya ku riyoodan.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

HRW: Rabshado ayaa Weli ka Socda Ethiopia

$
0
0

Illaa 200 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen bishii November ee sanadkii hore, sida ay sheegtay hay'adda.

Shir looga hadlayo doorashada Soomaaliya oo maanta...

$
0
0

Istanbul-(Puntland Post)-Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo siyaasada,Amaanka iyo hormarka Soomaaliya,waxaa shirka soo qaban qaabiyey dowladda fadaraalka iyo Qaramada Midoobay.
Shirka Maanta ka furmay Istanbul waxaa si wadajir ah u shir gudoominaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galaysa xubno ka socda wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo Ha'yadaha Caalamiga ah.
Shirka oo socon doona maanta iyo barri ayaa diirada lagu saaraya Siyaasada Soomaaliya,Amaanka iyo doorashada sanadkan ka dhacaysa Soomaaliya oo wali lagu muran san yahay qaabkii loo wajihi lahaa,inkastoo dowladda fadaraalka iyo maamul goboleedyada marka la reebo Puntland ay ku heshiiyeen 4.5.
Madaxda maamul goboleedyada qaarkood ayaa kusugn shirka,ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa isna jooga ,waxaa la filayaa in gabada gabada laga soo saaro war murtiyeed.Sawirro.
PUNTLAND POST.
The post Shir looga hadlayo doorashada Soomaaliya oo maanta ka furmay Istanbul appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Banki Moon markii ugu horaysay booqday Burundi

$
0
0

Bujumbura(Puntland Post)-Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon iyo wafti uu hogaaminayo ayaa markii ugu horaysay tagay tan intii loo doortay xilka Caasumadda dalka Burundi ee Bujumbura.
Safarka Banki Moon uu ku yimi Bujumbura ayaa kusoo aaday xili ay ka taagan yihiin Colaado tan iyo Abriil Sannadkii hore.
Banki Moon ayaa la filayaa in Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu kala hadlo xaalada ka taagan Burundi, isagoo uu horay u diiday Nkurunziza in dalkiisa la keeno ciidamo nabad ilaalin ah.
Xoghayaha guud ee waftigiisa ayaa booqashooda Burundi kadib booqanaya dalka DR Congo,halkaas oo Banki Moon uu kulan kula qaadan doono madaxda dalkaas.
Dhanka kale, Ban Ki-Moon ayaa lagu wadaa inuu Booqdo Toddobaadkan Magaalada Juba ee caasimadda South Sudan, isagoo la kulmi doona Madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.
Rabshadaha ka taagan Burundi ayaa ka dhashay kadib markii madaxweynaha haatan talada haya uu sheegay inuu markii sadexaad musharax yahay,waxaana midaa kasoo horjeestay mucaaradka oo sheegay inay talaabo burinaysa Dastuurka dalka.
Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaana diiday go'aanka mucaaradka, isagoo loo doortay madaxweyne markii sedexaad,waxaana markaa bilowday rabshado ay ku dhinteen boqolaal qof ,halka tiro intaa ka badana dalka isaga carareen.Sawirro.
PUNTLAND POST.
The post Banki Moon markii ugu horaysay booqday Burundi appeared first on Puntland Post.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Recep Tayyip Erdoğan oo Istanbul ka furay Shir...

$
0
0

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa Magaalada Istanbul ka furay Maanta Shirka Madasha 6-aad ee Heerka sare, kaasi oo diirada lagu saarayo Horumarada siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amaanka ee ka socda dalka Somalia.
Shirka oo Labo Maalmood socon doono, ayaa waxaa siwada jir ah u shir gudoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxwene Recep Tayyip Erdogan, oo Shirka martigelinayo.
Waxaa ka qeybgalayaan intuu socdo Shirka Wafuud gaaraysa 200 oo Ergay, oo 50 kamid ah ay yihiin Hogaamiyaal ka socda dalalka Caalamka, Hay'addo Deeqbixiyaal ah iyo kuwa QM.
War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somalia oo Nuqul kamid ah ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa lagu sheegay in Shirka dib loogu eegayo waxyaabaihii ka qabsoomay Heshiiskii New Deal oo September 2013 lagu unkay Magaalada Brussels.
Heshiiska New Deal ayaa waxa uu yahay mid ku salaysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas'uuliyadaha ee dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka si loo hago Siyaasadda, Amniga iyo Horumarka Soomaaliya.
Shirka Istanbul waxyaabaha kale ee looga hadlayo waxaa kamid ah Doorashada 2016, oo Dowladda Federaalka iyo Maamulada qaar ee ka dhisan dalka ku heshiiyeen in lagu saleeyo qaabka qabiilka ee loo yaqaano 4.5.
Hogaamiyaasha Somalia iyo Beesha Caalamka ayaa sidoo kale dejin doono Wado Cusub oo loo marayo sidii uu dalka uga bixi lahaa Hanaanka 4.5, oo looga qaban lahaa Somalia Doorasho qof iyo Cod ah marka la gaaro sanadka 2020.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo ka qeybagalaya Shirka ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay taageero siiyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana Kaalin lixaad leh ka qaataan dib u dhiska Somalia.Waxaa Tarjumay: Cumar Sheekh Nuur.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


HRW: Rabshado ayaa Weli ka Socda Ethiopia

$
0
0

Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madaxda Dunida (1):...

$
0
0

Jacaylku waa dareen yaab badan oo jiritaankiisa iyo qeexdiisuba aadamaha ka dhex abuuraan doodo iyo falanqayn aan dhammaad lahayn, waxa aanu ka mid yahay mawduucyada qisaska la xidhiidha loogu xiisaha badan yahay dunida oo dhan. In badan ayaa la maqlaa ruux jacayl haleelay iyo suugaan tiro badan oo hal-abuur kala duwani ku cabbirayaan dhalin iyo waayeel uu jilbaha dhulka u dhigay, laakiin caadi ahaan ma dhacdo in laga warramo arrimaha jacaylka iyo haasaawaha ee boqorrada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda oo hadal haynta dhinacyadooda kale aad loogu mashquulo.
Qormadan oo uu Kobciye.com ilo kala duwan ka soo dheegtay waxa aynu si kooban ugu eegaynaa qisaska jacayl ee boqorro iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi qirteen in ay soo mareen, gaar ahaan qisaskooda guurka ku dambeeyey.Xidhmo Shaglaydh ah ayaa qalbiga amiiradda xadday:
Buugga aEUoeFursaddayadii u dambaysayaEU oo uu qoray boqorka dalka Urdun boqor Cabdalla Bin Al-Xusayn (Boqor Cabdallaha Labaad) waxa uu kaga waramay sida uu ugu dhacay jacaylka xaaskiisa Raaniya iyo weliba sida uu ahaa kulankoodii koowaad.
Boqor Cabdalla waxa uu sheegay in maalin maalmaha ka mid ah oo uu ka soo noqday tababarro milateri, ay walaashii CaaaEU(tm)isha Casho ku casuuntay. Si uu nafta uga soo nasiyo Faasuuliyihii iyo baastadii qasacadaysnayd, ee labadii bilood ee u dambeeyey ku bariinsatay saxaraha ay ku taallay xerada milateri ee uu tababarka ku qaadanayey, casuumaddan Cabdalla si dhaqso ah ayaa uu walaashii uga aqbalay.
Boqor Cabdalla oo markaas waxa uu sheegay in aanu filayn in cashadan uu xiisaynayaa u waddo gabadh uu aragtida koowaadba jeclaan doono noloshana la wadaagi doono. Waa Raaniya Yaasiin oo uu ku tilmaamay in ay ahayd fariid Falastiiniyad ah oo 22 sano jir ahayd markaas, rasiinnimadeeda, maskaxda iyo fariidnimada uu ka arkay iyo kalsoonida ay isku qabtay oo lagu daray quruxda iyo jalaqsanaanta Alle u dhaliyey ayaa qalbiga Cabdalle ku taagay waran caashaq.
Amiir Cabdalla oo xilligaas aan weli xilka boqornimo qaban, waxa uu sheegay in gabadhan oo aanay ereyo badan is odhanin, markii uu isu sheegayba ay si khajilaadi ka muuqato ugu sheegtay in ay warar badan ka maqashay, iyada oo ugu duur xulaysa in wararka ay ka maqashay aanay ammaan iyo wanaag u badnayn. Isla markiiba amiirku waxa uu isku dayey in uu qalbiga gabadhan quruxda badan u dhowaada, waxa uu xansaday waxa ay jeceshay oo uu ogaaday in ay Shaglaydhka aad u xiisayso. Amiir Cabdalla kuma uu niyadjabin hadalka ay u sheegtay ee ah in aanay ammaan badan u haynin, balse waxa uu markiiba qof labadoodaba saaxiib laaEU(tm) ahaa ugu soo dhiibay hadyad ah Shaglaydh nocoa qaaliga ah ee lagu sanceeyo dalka Belgium ka.
Boqor Cabdalle waxa uu buuggiisan ku qirayaa in uu Raaniya si aad ahA u jeclaaday, muddana daba roorayey si uu ugu qanciyo caashaqa uu u hayo, isaga oo weliba jacaylka inta uu qarsan kari waayey xitaa aabihii Boqor Xusayn Bin Dalaal u sheegay. Aakhirkiina waxa uu Raaniya ku qanciyey guurka ay illaa maanta oo uu boqorka dalka Urdun yahay ku wada joogaan.
Raaniya Yaasiin tan iyo sannadkii 1993kii markii ay is guursadeen boqor waxa ay ku dadaashaa in ay iyada iyo qoyskeeda oo boqorku ku jiraa dadka ku dhex jiraan oo ay yareeyaan farqiga kala sarraynta iyo kala fogaanshiyaha ee mansabka ay kala taagan yihiin bulshada, waxaana lagu tiriyaa marwooyinka boqorradu qabaan dhowrka ka mid ah ee iyagu inta ay qasriga ka soo dhaadhaceen bulshadooda ku dhex milan, kuna dadaala in saygooduna tubtaas maro.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wax Badan Aadan Ogeyn Hadaba Ka Barro Dhaqamada Aay...

$
0
0

DHAQANADA AY LEEYIHIIN DADKA NOLOSHA KU HORMARAY
1- waxay dadka kale la raadiyaan sedey ku heli lahaayeen nolol farxad leh.
2- waxay ka sheekeeyaan fikradaha cusub oo ay nolosha ku soo kordhin lahaayeen.
3- maalin walba wax bey aqriyaan sida:(book,joornaal,kitaab)wax joogta ah kama baaqato wax arinta.
4- waxay la rabaan dadka kale in ay noqdaan sidooda oo kale oo ay nolosha horumar ka gaaraan.
5- mar kasta wax bey bixiyaan,dhaqaalo,cilmi , waxa alla iyo wixii ay awoodaan in ay dadka kale siiyaan.
6- waxay sameystaan qorshayaal iyo goolal u gaar ah oo ay nolosha ka tiigsadaan,kaas ayeyna daba raacaan,kuma mashquulaan nolosha dadka kale.
7- mar walba wax bey bartaan kama caajisaan, kamana mashquulaan da, walba oo ay jiraan,iyo xaalad kasta oo ay ku suganyihiin.
8-dadka kale waxa ay ugu sheekeeyaan khibradahooda faa,idada leh ee wanaagsan oo ay nolosha ku soo mareen si looga faa,ideysto.
9- haddii uu gaf ka dhaco waa ay ogolaadaan khaladaadkooda,naftooda iyo tan dad ka kalena waa ay u qiraan,ma inkiraan khaladkooda.
10- mar kasta wey iska cafiyaan dad kale, xittaa haddii lagu qaldamo.
11- waxay ku farxaan oo ay amaanaan mar walba horumarada dad kale ay gaaraan,kama naxaan.
12-haddii noloshooda ay wax is badal ah ku dhacaan sida,faqri,xanuun,hanti helid,iyo wixii la mid ah iyaga oo ku faraxsan ayey soo dhaweeyaan.nolosha is badaladeeda kama cawdaan.
Ugu danbeyntii aqriste waxaan filayaa in aad fahantay dadka nolosha ku hormaray waxa ay sameeyaan,hadaba ku dayo oo sameey dhaqanadaan si aad adigane ugu mid noqoto dadka nolosha ku hormaray.
W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
Facebook.com/1982
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gabadha Uurka Leh Waxaa Lagula Talinayaa Iney...

$
0
0

Uurku wuxuu yimaada marka ay manida bacrimiso ugxanta laga soo daayay ugxan sidaha, ugxantu waxay soo martaa tuubada ugxan sidaha oo ah meesha bacrimiska uu ka dhaco. Ugxanta marka ay bacrismato waxay usoo gudubtaa minka oo ah meesha ay ku dhageyso. Marka ukunta bacrimisan si guul ah ay ku dhagto uur ku jirta waxaa meesha ka dhasha uur. Uurku waa hab socda mudo 40 todobaad. In kastoo habkaan uu u muuqdo mid fudud, hadana waxaa jira waxyaaba badan oo saameeyn kara uurka.
Waa maxay astaamaha Uurka?
Ka hor inta aadan iska baarin uur, waxaa laga yaabaa inaad dareentid calaamado xili hore soo baxo, calaamadaha inta badan la dareemo waxaa ka mid ah:

  • Daal
  • Xanuun sahlan oo aroortii la dareemo
  • Naasaha oo barara ama danqada
  • Jawiga ama qaabka nolosha oo isbed bedela
  • Calool istaag ama kaadida oo badata.

Dumarka qaar waxaa laga yaabaa iney dareemaan calool qabad iyo dhiig bax fudud, dhiiga baxa fudud wuxuu ka dhashaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka, inta badana wuxuu yimaada 1 ilaa 2 isbuuc gudahoda, dhiiga uma badna sida dhiiga caadada, mararka qaar waxaa laga yaaba in dhiig baxa ka dhasha marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka lagu qaldo dhiiga caada.
Astaamaha uurka waxaa laga yaabaa iney ukala duwan yihiin dumarka qaar, tusaale ahaan; waxaa laga yaabaa inaad dareentid xanuunka arooti uurka kugu horeeya, oo aadan dareemin uurka ku xiga. Astaamaha la dareemo ee uurka ma ahan kuwa kaliya ee lagu ogaan karo inuu jiro uur, sababtoo ah astaamaha qaar waxaa la wadaaag xaalado kale oo caafimaad.
Sidee lagu ogaadaa uurka?
Si loo ogaado uurka waxaa cabir lagu sameeyaa xadiga dheecaan la dhaho Human Chorionic Gonadotropin (hCG), waxaana loogu yeeraa hormoonka uurka. Hormoonka hCG waxaa la soo daayaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhegto minka, xadiga hormoonka wuxuu bataa marka uu imaan waayo dhiiga caadada, taasna waxay tusineysaa in ogaanshaha uurka ay fududahay kadib marka caadada ay imaan weydo.
Hormoonka hCG waxaa laga helaa kaadida iyo dhiiga, faaidada ugu badan oo ay leedahay in lagu ogaado kaadida ayaa ah, in qofka asagoo qarsanaya ogaan kara, wuxuuna ku ogaan karaa si qiimo jaban, marka loo bar bar dhigo in lagu ogaado dhiig baaris.
Uurka iyo cuntada nafaqeysan
Cuno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo lacuna xiliga uurka waxay sara uqaadaa koriimada iyo dhismaha jirka uurjiifka, waa muhiim inaad ogaatid nafaqa noocee ah ayaad ubaahan tahay iyo meesha laga helo nafaqooyinka.
Majirto cuno mid ah oo la dhihi karo waxaa loogu talagalay uurka. Xaqiiqada ayaa waxay tahay uur iyo uur laaEU(tm)aanba waa muhiim in dabeecad laga dhigto cunidda cunno isku dheelitiran. Cunooyinka isku dheelitiran waxaa ka mid ah cunidda mira ama fawaakihaat badan, qudaarta, haruurka sida digirta, galeyda, qamadiga, borotiinka iyo dufinta fiican oo laga helo (kaluunka, lowska, avocadada, sisinta).
Hasa yeeshee waxaa jira nafaqooyin qaar oo ubaahan in il gooni ah lagu hayo xiliga uurka, waxaa ka mid ah nafaqooyinkaas.
-Folic-ama folet asid (folic acid): waxay ka hortagtaa in ilmaha ay ku dhashaan iin ama cilad, Maadadaan waa Vitamin B, waxay caawisaa iney ka hortagto cilad ku timaada tuubada neerfaha, oo ah xaalad halis ah oo soo wajihi karta maskaxda iyo xangulaha.
Cuntada laga helo: badarka, qudaarta cagaaran, liin bambeelada, digirta la qala jiyay, iyo digirta cagaaran oo lagu kariyo cunada. Cabirka loo bahaan in lacuno xiliga uurka waa 800 micrograms.
-kalsiyam (calcium): wuxuu xoojiyaa lafaha. Hooyada iyo uurjiifkaba waxay ubaahan yihiin kalsiyam si ay uhelaan lafa xoog iyo ilkaha, sidoo kale kalsiyam wuxuu caafimaad wareega dhiigga, murqaha iyo habka dareemayaasha.
Cuntada laga helo: Wax yaabaha laga sameeyo caanaha ayaa ah meesha ugu fiican ee laga helo maadada kalsiyam sidoo kale waxaa laga heli karaa borokooli iyo cabitaanada la shiido. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 1,000 milligrams.
-Vitamin D aEU" wuxuu caawiyaa dhisidda lafaha
Cuntada laga helo ayaa ah kaluunka.
-Borotiin (protein): borotiinku wuxuu caawiyaa koriimada. Borotiinka wuxuu lagama maarmaan uyahay koriimada uurjiifka, khaasatan 6da bil ee dambe ee uurka.
Cuntada laga helo- hilibka aan cadiinta lahayn, digaaga, kaluunka, ukunta ayaa ah meelaha ugu badan uu jirka ka heli karo borotiinka, sidoo kale waxaa laga heli karaa digirta cagaaran ee lagu kariyo cunada, waxyaabaha laga sameeyay caanaha iyo subaga lowska la marsado rootiga. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 71 grams.
-Ayron (iron):> waxay ka hortagtaa dhiig yari.
Jirka wuxuu isticmaalaa maadada Ayron si uu usameeyo HB oo ah maadada xambaarta ogsijiinta kujirta dhiigga, xiliga uurka cabirka dhiigga wuu is bedelaa si jirka uu ula qabsado shaqada jirka hooyada iyo kan uurjiifkaba, sidaa darted jirka wuxuu ubaah naanaayaa Ayron dheeraad ah si loo helo HB badan oo xambaari kara ogsijiinta ay ubaahan tahay hooyada iyo uurjiifkaba.
Hadii aadan cunin ayron kugu filan, waxaa laga yaabaa inaad dareentid daal, waxaad kaloo unuglaaneysaa infekshan, sidoo kale waxaa kor ukacaya farsadaha in uu cunuga dhasho xiligi loogu talagalay kahor asagoo kayar culeyski laga filaayay.
Cunada laga helo waxaa kamid ah hilibka aan lahayn baroorta, digaaga iyo kalunka, sidoo kale waxaa laga heli karaa badarka, digirta iyo qudaarta cagaaran.Baro Caafimaad
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Booliska Kenya oo Helay Baabuurta Gaashaaman

$
0
0

Baabuurtan gaashaaman oo illaa 30 gaaraya ayaa loo adeegsan doonaa inay ciidamada kaga howlgalaan goobaha ay ka dhacaan weerarada argagixisada.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live