Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxkamdda Sare Ee Dalka Ayaa Maanta U Xukuntay Shirkada SKA maamulidda Air porka Muqdisho

$
0
0

Kadib dacwad in muddo ah u dhaxeeysay shirkadda Soomali Air Port Logestic iyo Shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee SKA, ayaa Maxkadda sare ee dalka maanta  soo saartay xukun kama danmbeys ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Mudane Ceydiid C/llaahi “Ilka xanaf” oo maanta ku dhawaaqay go’aanka kama dambeysta ah  ee maxkamaddu ka soo saartay dacwadda u dhaxeeysay shirkadahaasi ayaa sheegay in Maxkamaddu ay Shirkadda SKA u xukuntay in ay sii wadato howlaha Airporka Muqdisho ee loo xilsaaray kadib markii ay soo xaadiri waysay shirkadii kale ee  dacwadda ku soo oogtay, iyadoo Maxkaddu fartay wasaaradda gaadiidka cirka,dhulka,badda iyo dekedaha in ay la socoto howlaha shirkadaasi ay ka  waddo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Go’aanka Maxkadda sare ee dalka ay shirkadda SKA ugu xukuntay in ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka sii wadato howlaheeda shaqo ayaa ka danbeeyay kadib markii ay dacwad ku oogeen shirkadaha duulimaadyada ee ku mideysan magaca Somali Airport Logestic, kuwaas oo ku eedeeyay shirkadda SKA in ay ku takri fasho daqliga ka soo xerooda garoonka diyaaradaha Muqdisho.


Burtinle Oo Laga Sameeyay Xero Cusub Oo La Dajiyo Dadka Ka Soo Cararaya Abaaraha Koonfurta Soomaaliya Burtinle (RR): Degmada Burtintle ee Gobalka Nugaal ayaa waxa dhawaan laga sameeyay xero weyn oo ay dagaan qoosaska ka soo hayaamay abaaraha ka jirra koo

$
0
0

RBC Radio (Burtinle): Degmada Burtintle ee Gobalka Nugaal ayaa waxa dhawaan laga sameeyay xero weyn oo ay dagaan qoosaska ka soo hayaamay abaaraha ka jirra koonfurta Soomaaliya.
Maamulka Buurtinle ayaa u sheegay saxaafada ka howlgasha deeganada Puntland, Burtinle in la dhisay xero loogu talla galay iney degaaan dadka ka soo barakacaya gobalada koonfurta dalka Soomaaliya.
Tan iyo Markii abaaraha ay ka dilaaceen geeska Africa ayaa waxa magaalada degmada burtinle ee gobalka Nugaal si caadi u gaararay qoosas u badan Dusmar , Caruur , iyo Dad Waayeel, kuwaas oo intooda badan ka soo hayaamay gobolka Bay iyo gobolada kale dalka sida: Baydhabo, Diinsoor ,Qoryooleey, Qansax dheere iyo Afgoye.
Maamulka degmada ayaa sheegay in dadkan la dajiyay xero ku taalo duleedka magaalada Buurtinle taa oo lagu magacaabo Xaska tima dheer.
Maamulka waxa kaloo ay sheegeen in tirada ku jirta xerada ay gaareyso 1200-qoys.
Qaar ka mid ah dadka degan xerada ayaa u sheegay RR. in Xeradda ay kijirto dhibaatooyin ay ka mid yihiin Biyo, Cunto iyo hoy la’aan ,
Mana jirro ilaa hadda hey’addo soo gaaray dadka ku xareesan xerada ku taala degmada Burtinle. .
Si kastaba, waa tiradii ugu badneed ee barakacayaal ah kuwaas oo soo gaara degmada Burtinle ee gobalka Nugaal.

Kulan Looga Hadlayay Hormarinta Ganacsiga Puntland oo Garowe ku soo Afmeermay.

$
0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Xarunta Madaxtooyada magalada Garowe waxaa ku soo afmeermay kulan aad ubalaraan oo ay qaadanayeen Madaxda sare ee Puntland iyo Ganacsatada iyo maalqabeenada Puntland.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole wasiiro katirsan Xukumada iyo Ganasatada ugu waawayn Puntland waxaana looga dooday qodobo dhawra.
Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland Xasan Jaamac Faarax oo kulanka kaqaybgalay ayaa gabagabadii warfidiyeenada ugu waramay waxyaabahii looga hadlay iyo waxa ka soo baxay kulanka.
Wasiirka ayaa sheegay in kulanka looga hadlayay qodobo muhiima oo wax utar u ah habsami usocodka Ganacsiga Puntland waxaana uu carabaabay in ay ugu muhiimsanaayeen sidii xal loogu helilahaa dhibaatooyinka soo wajaha Ganacsatada gaar ahaan jidgooyooyinka loo dhigto shixnadaha ganacsi xiliyada ay gooshayaan bada waxaana aad looga dooday dhibaatada Burcad’badeeda sidii loo xalinlahaa.
Dawlada iyo Ganacsatada ayaa istusaaleeyay sida Burcad’badeeda dhibaato ugu yihiin hormarka Ganacsiga amaanka waxaana la iftiimiyay qataraha baaxadawayn ee ka imankara hadaan la ciribtirin waxaana Xukumada iyo maalqabeenada islaqaateen in dhinacwalnaa diyaar uyahay sidii wax looga qabanlahaa.
Waxaa jira qodobo intaa kabaxsan oo aan warfidiyeenada loo soo bandhigan kuwaa oo looga dooday kulanka waxaana jira in dhaliilo badan loo jeediyay Ganacsatada Puntland.
Kulankan ayaa furmay 18-kii September waxaana lagu sheegay in gunaanadkii kulanka in lagu gorfeeyay intii uu socady sidii loo hormarinlahaa Ganacsiga Puntland oo gaabis badan uu kujiro.
Ali Ahmed Abdi
Ali@puntlandi.com

Rabshadihii Yemen oo sii Xoogeysanaya

$
0
0

Duqeymo culculus ayaa ilaa xilli dambe oo xalay ah ka socday magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen. Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in dadkii dibadbaxayey oo ay weheliyaan ciidan horay uga goostay ciidanka dawladda ay qabsadeen xero ay leeyihiin ciidanka Madaxweyne Cali Cabdalla Saalix.

Wareysi arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

Khudbaddii Obama iyo Arrinta reer Falastiin

$
0
0

Madaxweyne Obama ayaa Golaha Guud ee QM maanta hadal ka jeediyey, iyada oo reer Falastiin ay isu diyaarinayaan inay dawladnimo codsadaan.

Madaxweyne Maxmuud Cabbaas ayaa wali ku adkaysanaya inuu codsigiisa ah in dawlad madaxbanaan loo aqoonsado ah uu u gudbin doono Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon, iyada oo uu jiro culays xoog badan oo Maraykanka iyo Israel ay doonayaan inay ku baajiyaan in codsigaasi gaaro Golaha Guud.

Warbixin iyo wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Barnaamij uu sameeyay weriye Soomaaliyeed oo laga sii daayay telefishinka Finland iyo barnaamijkaas oo wax lama filaan ah nolosha lamaane isqabay ku soo kordhiyay!

$
0
0

Barnaamij uu sameeyay weriye Soomaaliyeed oo ka shaqeeya telefishinka Finland ee YLE ayaa lala yaabay sida uu wax uga bedelay siyaasadii soo-galootiga ee dalka Finland.

Barnaamijkaas ayuu weriyuhu diirada ku saaray dadka sida sharcidarada ah ku jooga dalka Finland, dadkaas oo runtii qaarkood jirkooda laga gagancsado, qaar kale lagu shaqeysto, kuwa kale ay xanuun la ildaran yihiin halka kuwa badan oo kalena ay dhuumaaleysi ku nool yihiin.

Barnaamijkan oo halkudhig looga dhigay "qarsoodi ku jooga Finland" ayaa dadii daawaday iyo saraakiisha socdaalka ee dalka Finland intaba ku dhaliyay inay dib u jaleecaan dadkan dhowrka kun gaaraya ee ku dhacdareysan dalkan lagu tiriyo dalalka ugu h´horeeye dunida dhinaca daryeelka bulshada.

Maalmo kooban kadib baahintii barnaamijka ayaa waxaa dib u eegista siyaasadda soo-galootiga ee waaxda socdaalka Finland ka faa'iideystay Hooyo Finnish u dhalatay oo heysata wiil yar oo aabihiis loo masaafuriyay Nayjeeriya, aabahaas oo lagu magacaabo JOHN ayaa ka mid ah dadka faraha badan ee in mudo ah halkan sharci la'aanta ku jooga.

Qoyskan kala irdhoobay ee siyaasadda adag soo-galootiga Finland dhibka kala kulmay ayaa waxay hadda heleen rajo kagadaal markii hooyada wiilka yar heysata lagu wargeliyay in dhowaan uu ninkeedi u imaan doonin, ogolaanshaha soo gelitaanka iyo joogitaanka dalkana loo ogolaaday.

Barnaamijkaas waxaad ka daawan kartaa cinwaanka hoose marka aad gujiso ka dib.

http://areena.yle.fi/video/1315425555636 

halgankanet@gmail.com

Pirates appeal conviction in 4th Circuit - Daily Record (subscription)

$
0
0

Pirates appeal conviction in 4th CircuitDaily Record (subscription)Attorneys seeking to overturn the first piracy conviction in a US courtroom in nearly 200 years told a federal appeals panel Tuesday the actions of five Somali men who attacked a Navy warship in waters off Africa did not meet the legal definition of ...and more »

Imminent release of Algerian sailors detained by Somali pirates - Ennahar


Maanso Gurmad (Maansadani waxay ka Hadlaysaa Xeerka (Exclusive Economic Zone-EEZ) oo dhawaan dowlada KMG saxeexday‏,By: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

$
0
0

 
Maansada Gurmad
Maansadan Gurmad waxay ka mid tahay qaylodhaanka shacabka soomaaliyeed  aqoonyahanada iyo waxgaradak suxufiyiinta soomaaliyeed ay ka muujiyeen  Xeerka xadaynta badda soomaaliya oo aan waqtigeedii la joogin xadgudubna loo arkay  oo dhawaan  06.09.2011  Dowlada ku meelgaadhka ahi ku saxeexday heshiis loogu yeedhay wadatashi oo aaysan qayb ka ahayn in laga hadlo bad ee ku saabsanaa maamul wadaaga iyo isfahanka dowlada ku meelgaadhka ah iyo maamulgoboleedyada iyo qaybaha kale ee wax ka maamula wadanka soomaaliya  waxaan  curiyay Maanta oo ay Taariikhdu  tahay  19/09/2011 waxaana sababteeda iska leh  ka dib dhawaaq dheer oo ay  waxgaradka iyo aqoonyahanka soomaaliyeed 
 
 
 
 
Waxaa dhacday   waxaay  umada oo dhami ka  gubteen  dowladan  ku meelgaadhka ah  ee  lagu soo doortay jabuuti ayaa waxay mudo laba jeer ah saxeexday   badda, iyada oo  dhulkii loo taag waayay  ayay hadana ku mashquulsan tahay xadaynta badda. Taasoo shacabka soomaaliyeed ilaa hada ay garan la,yihiin waxa baddii soomaaliya oo awalba la haystay oo  ciidamo deganaayeen hadana loo sii sharciyaynayo  sidaa awgeed  qaylodhaantaas ka timid  dhinaca kala iibsiga bada iyo saxeexyada aqoondarada  iyo heshiisyada qaramada midoobay  lala galo ayaan doonayaa aniga  qaybta iiga beegan inaan ka qaato.
 
 
 
 
 
 
 
 
Inaan  gaafo maansoo
 
 
 
Geeraar  cugtaayoo
 
 
 
Gabay  sare u sheegaa
 
 
 
Sugaan godkeediyo
 
 
 
Gedaheeda tiriyaa
 
 
 
Maanta igu gar weeyan
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Cadho igu galaysnayd
 
 
 
Galiilyo  iyo ciilbaa
 
 
 
La  godnaa i  badanoo
 
 
 
Ga,ma aan u diidoo
 
 
 
Gaardis igu abuurto
 
 
 
Gibilkayga rogayoo
 
 
 
Gebigay  I haysteee
 
 
 
 
 
 
 
Waxaay gaaf wareergtoo
 
 
 
Marba gees u guurtoo
 
 
 
Marna  guuto cugatoo
 
 
 
Marba  gabi ka boodo
 
 
 
Marba  geedi raratoo
 
 
 
Marba gaado bixisoo
 
 
 
Goobyaal ahaatoba
 
 
 
Maantana godkeedii
 
 
 
Biyo ugu galeenoo
 
 
 
Waa gunaanad sheekadu
 
 
 
 
 
 
 
Waa tii la kala guray
 
 
 
Gaasba meel u kacayee
 
 
 
Midba geedka lagu xidhay
 
 
 
Gobol gobolka loo dhigay
 
 
 
Cududii  gamuurnayd
 
 
 
Muruqii  gigta ahaa
 
 
 
Gorof waata laga dhigay
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Umadii gobta ahayd
 
 
 
Gunta waata laga dhigay
 
 
 
Gaajada u dhimatee
 
 
 
Guunyadiyo xoolaha
 
 
 
Gedi laga sumeeyee
 
 
 
Gufurkii ka soo hadhay
 
 
 
Warshadaha galbeedka
 
 
 
Gurigeena lagu shubay
 
 
 
Gantaalaha la ganayaa
 
 
 
Duqaymaha la gaystaa
 
 
 
Waabeeyo guuniyo
 
 
 
Mariid gaaxday weeyaan
 
 
 
Nugliyeer  gunta u yaal
 
 
 
Cudurada na gaabshiyo
 
 
 
Geerida  dareerka ah
 
 
 
Waa gaadmo cadawoo
 
 
 
Wali gaalka saynta leh
 
 
 
Gulufkiisu waa meel
 
 
 
 
 
 
 
Hayeeshee garaad xume
 
 
 
Ma gartaa  dhibkiisoo
 
 
 
Ma kasoo gadoomaa
 
 
 
Guunyada la siiyaa
 
 
 
Mudo gaaban weeyaan
 
 
 
Xilkan laysku gaadhaa
 
 
 
Mudo gaaban weeyaan
 
 
 
Gaadhiga la fuuliyo
 
 
 
Guryahaa la gelayaa
 
 
 
Mudo gaaban weeyaan
 
 
 
Kala gooshka duniyo
 
 
 
Taaj guudka loo sudhay
 
 
 
Mudo gaaban weeyaan
 
 
 
Gogol lama huraaniyo
 
 
 
Guri waa kan aakhiro
 
 
 
 
 
 
 
Geyigeena waa hore
 
 
 
Ayaa gaalku qaybsaday
 
 
 
Gobolana ka dhigayoo
 
 
 
Kala geeyay gacaloo
 
 
 
Gumaytuhu na kala guray
 
 
 
Waxay nagu galayaan
 
 
 
Abid noo gambiyayaan
 
 
 
Waa geesiyaashiyo
 
 
 
Guray goobuhu dhigay
 
 
 
Iyo gulufkii uu waday
 
 
 
Gocoradu xasuustaan
 
 
 
Hadii uu galbeed jiro
 
 
 
Ama  geeska bari sare
 
 
 
Ama  gudaha aasiya
 
 
 
Haduu gibil cad yahay
 
 
 
Ama  gocor madow yahay
 
 
 
Gaaladu mid weeyaan
 
 
 
Godobtoodu waa meel
 
 
 
Ama garo ama ha garan
 
 
 
 
 
 
 
Maxay uga gol leeyihiin
 
 
 
Shacabkoo gumaad gala
 
 
 
Kuwa goosan laga dhigo
 
 
 
Kuwa  goobta laga raro
 
 
 
Kuwa  badan la gaasiro
 
 
 
Cududaha la gooyiyo
 
 
 
Dar qoorta laga guray
 
 
 
Dar gaajo madhisaaa
 
 
 
 
 
 
 
Gedigood la dabarjaro
 
 
 
In  la wada gubaayoo
 
 
 
Idilkood dhib gaadhaa
 
 
 
Waxay uga gol leeyihiin
 
 
 
In la gano dadkeenoo
 
 
 
Nin garaadleh baa oge
 
 
 
Gurmad kaad ka sugaysa
 
 
 
Gacalkaaga maahee
 
 
 
Waa gaado kugu maqan
 
 
 
Geeridaada jeceloo
 
 
 
Gobonimona kula rabin
 
 
 
 
 
 
 
Ileen galaba xaalkeed
 
 
 
Aduun kama gayootide
 
 
 
Markii gaadhka loo diray
 
 
 
Geeskoo dhan loo shiray
 
 
 
Gafanaha  ku naaxiyo
 
 
 
Gosha bahalo loo sudhay
 
 
 
Haday  gawdii joogtaa
 
 
 
 
 
 
 
Baddii nagu gaadaynayd
 
 
 
Afrika u gun dheerayd
 
 
 
Maanyadii gaafnayd
 
 
 
Gadigeed la gadayoo
 
 
 
Gunta waxaa u yaaliyo
 
 
 
Guudkeed ku noolaa
 
 
 
Gacantay u dhiibteen
 
 
 
Giniyaalna siisteen
 
 
 
Iyagoonan garanayn
 
 
 
Waxay uga gol leeyihiin
 
 
 
Ayay qalin ku gaadheen
 
 
 
Saxeexana ku giijeen
 
 
 
Qaarkood ma gaadhinoo
 
 
 
Lama gayn  iskuuloo
 
 
 
Afaf gaar ah may baran
 
 
 
Gundhigeeda sheekada
 
 
 
Isagoon garanaynin
 
 
 
Xaajada gunteediyo
 
 
 
Halkay ula gol leeyihiin
 
 
 
Ma ku giijay qalinkii
 
 
 
Ma galbiyay dalkiisii
 
 
 
Sidii gabadh la guursaday
 
 
 
Sacab maw garaaceen.
 
 
 
 
 
 
 
Go, I waaye xaalkani
 
 
 
Godob aan hadhayniyo
 
 
 
Garan waa gef weeyaan
 
 
 
 
 
 
 
Haddii guurti loo xulay
 
 
 
Oo geedka loo tegay
 
 
 
La galo heshiisoo
 
 
 
La gudoonsho gacalkoo
 
 
 
Godobtii la kala qabay
 
 
 
Laysu soo galiimoo
 
 
 
La gardaasho nabadoo
 
 
 
Gulufkiyo colaadana
 
 
 
Gaar layska geeyaa
 
 
 
 
 
 
 
Garan waayay aniguye
 
 
 
Maxaa  geesiyaaloow
 
 
 
In la gado badeeniyo
 
 
 
Xuduudeeda gaarka ah
 
 
 
Kuma jirin gudoonkee
 
 
 
Golahaa midoobee
 
 
 
Gardarada ku faanoow
 
 
 
Maxaa goobta keenoo
 
 
 
Tolow uga gol leeyihiin
 
 
 
 
 
 
 
Barrigaa la gubayiyo
 
 
 
Kumanaanka gaajadu
 
 
 
Gam ka siiyay ehelkii
 
 
 
Kama ay garaabine
 
 
 
Kama gaysan gacanoo
 
 
 
Gurmad maysan siinine
 
 
 
 
 
 
 
Xeebteena gaarka ah
 
 
 
Guutooyin badanbaa
 
 
 
Gardaro noogu yimido
 
 
 
Guudkeeda joogoo
 
 
 
Maraakiib gurdamaysa
 
 
 
Galabtii timaadaba
 
 
 
Khayraadka gaarka ah
 
 
 
Guranaayay abidoo
 
 
 
Nina kama garaabine
 
 
 
 
 
 
 
Cabirkeeda gaarka ah
 
 
 
Xadkeedii gudboonaa
 
 
 
Soohdintii garta ahayd
 
 
 
In la guda galaayoo
 
 
 
La soo gaabiyaayoo
 
 
 
Maxay uga gol leeyihiin
 
 
 
Maan garanin xaalkee
 
 
 
Wallee wali gumaysigu
 
 
 
Guryaheena kama tegin
 
 
 
Ged kaluu ku joogaaa
 
 
 
Ama garo ama ha garan
 
 
 
Goosh kalena wuu iman
 
 
 
Guurtida ka hadashiyo
 
 
 
Geesiga  ka qaylshoo
 
 
 
Gobonimo u dirirbaa
 
 
 
Haatan nala gudbooniyo
 
 
 
Inaan gaadh ahaanee
 
 
 
Geyigeena dhawrnaa
 
 
 
Gar bay noo ahaatee
 
 
 
Guusheenu  waa wali!!!
 
 
Waxii faahfaahina ee intaas dheer waxaad kaga bogan kartaa   maqaalada ay ka qoreen aqoonyahanada soomaaliyeed  waa kuwan hoos ku qoran linkisyadoodu :-
 
http://www.shaaciye.com/?nid=3060     Prof:-. yaxye  sheikh caamir
http://somalitalk.com/2011/badda/difaac26.html  Admiral  Faarax  axmed Cumar (Faarax Qare)
 
 
 
 
 
 
Waa  Qalinkii iyo Hal-abuurkii
 
 
 
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
 
 
 
Galayr1977@hotmail.com
—————————————————————————–
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla, 

The rise of Mo Farah - The Nation Newspaper

$
0
0

The rise of Mo FarahThe Nation Newspaper“It's a bit of tribute song,” says Farah, who was born in the Somali capital of Mogadishu but has spent 20 of his 28 years in the urban sprawl of west London. “In the lyrics, it says, 'You are English, but we are proud to be a part of you. ...

Fanaanka Caanka Ah Ee Sir Maxamuud Cumar Oo Soo Saaray Hees Cusub (GO GO MO FARAH) Oo U Qaadayo Orodyahanka Caanka Ah Ee Mo Farah

$
0
0

 
WAAAW, Ku soo dhawaada  Hees cusub  oo magaceeda la yidhaahdo GO GO MO FARAH,waxaana heesta   soo saaray Fannaanka wayn  Ee Sir Maxamuud Cumar , Heestan waxa uu Fanaanku ku dhiiri-gelinayaa  una sameeyey Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah (Maxamed Faarax),  Hadaba  nala dhegaysta  Codkii Halaasiga ahaa  ee Sir Maxamuud Cumar ( Walaaha Sweden), ee    dhegaysi wanaagsan :–
 
 

Oodweynenews.com/London

Burco-Shirkadda Telesom Oo Hal Gaadhi Ugu Deeqday Hay’adda Wanaag Farista Iyo Xumaan-reebista Gobolka Togdheer.

$
0
0

Burco(OWN)-Badhasaabka gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi ayaa gudoonsiiyay gudiga cusub ee wanaag-farista iyo xumaan-reebista gobolka Togdheer gaadhi ay Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ugu deeqday .
Munaasib loo sameeyay wareejinta gaadhigan oo noociisu ahaa Minibus oo Shirkadani ugu talogashay in ay ku hawlgalaan gudiga  la dagaalanka dhaqan xumada iyo maandooriyayaasha   gobolka Togdheer oo halkaasi lagaga dhawaaqay bishii ramadaan isla markaana ka dhacday xarunta Telesom ee Burco ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin kala gadisan oo kala socotay Jaamacadda Burco ,Dawladda Hoose ,booliska ,culimo-awdiinta gobolka Togdheer , Madaxda gudigan iyo marti sharaf kale.

" Inkastoo ay badantahay baahida gobolka ka jirtaa ,Shirkadda Telesom-na ay markasta  diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato horumarka gobolka noocyadiisa kala duwan ,hadana maanta muhiimad weyn ayayu tahay  shirkada in ay ka qaybqaadato arimaha diinta waana arin khayri ah,sidaasi awgeed gaadhigan aanu maanta ugu deeqnay Hay'addan wanaag farista iyo xumaan reebista waxaanu ugu talogalay in ay hay'adu ku hawlgasho maadaama ay bilaa gaadhi tahay si ay ula dagaalanto waxyaabaha fasahaadka keena ee gobolka ka jira " Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Telesom ee gobolka Togdheer Maxamuud Xaj. Ibraahim waxaanu intaasi raaciyay.
"Iyadoo aanu shirkad ahaan markasta ka qaybqaadano hurumarinta dalka iyo mashaariicaha gobolka ka jira hadana imika waxa noo qorshaysan in  aanu dib u habayn ku samayno qaybo ka mid ah xarunta Jimciyadda Sooyaal ee Burco halkaasi oo ay dayacaad badani ka jirto " Sidaasi ayuu Guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo xidhay isagoo dhanka kale-na sharaxaad ka bixiyay adeega Aqoon-maal ee shirkada Telesom dalka keentay oo loo adeegsado qaabab kala duwan oo waxbarashadu ka mid tahay..
Badhasaabka gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi  oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay gaadhigan Shirkadani ugu deeqday gudigan wanaag-farista iyo xumaan-riibista gobolka Togdheer " Anaguu maamul ahaan ku faraxsan talaabadan shirkada Telesom qaaday iyo kaalinta xoogan ee ay kaga jirto horumarinta gobolka ,dhanka kale waxaanu u balanqaadaynaa gudigan wanaag-farista iyo xumaan-reebista in aanu isgarabtaagayno si ay gobolka uga sifeeyaan dadka caadaystay dhaqan-xumada Diin-cayga iyo daraagiska la cabo " Sidaasi ayuu Guddoomiyuhu hadalkiisa ku soo xidhay.

Sidoo kale waxa iyna munaasibadaasi ka hadlay Maayirka Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan (dhagolaab) ,Taliyaha booliska Burco Saleebaan Ducaale Ubaxle Guddoomiyaha Gudiga wanaag-farista iyo Xumaan-reebista C/raxmaan Axmed Raage , Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Burco Prof: Ismaaciil Caraale iyo Shekh Cali Warsame  oo iyaguna dhamaantood digniino culus u jeediyay in ay ka waantoobaan  kooxaha caadaystay in ay gobolka soo galiyaan mukhadaraadka la cabo iyo ,kuwa Dhaqan-xumada wada ee loo yaqaano isla joogta raga iyo hablaha aan isqabin.
Hay'addan wanaag-farista iyo xumaan-reebista oo gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay bishii Ramadaan ee inadhaaftay ayaa oo hada hawlgali-doona ayaa balanqaaday in ay suulin-doonaan arimahan loo magacaabay.

mahad faarax

Amran Bile Ali oo Hanbalyo u direysa Ing Fadumo Cali Madar iyo xunbihii ku guuleystay doorashaii dhawaan ka dhacday Norway‏

$
0
0

 
Waxaan Hambalyo kal iyo laab ah halkan uga dirayaa geesiyada reer
Somaliland Marwo Faadumo Cali Madar oo ku soo baxday doorashadii
dawladaha hoose ee ka qabsoomay dalka Norway, gaar ahaan Magaalada
Oslo oo ay Faadumo ku guulaysatay,Waxa ay usoo hoysay umada reer
Somaliland dedaal aad u badan oo dhinac walba ah sida, horumarinta
dalka iyo arimaha bulshadaba sidaasoo kale waliba raadinta dhinaca
aqoonsiga, waxaa kale oo Dalka Norway ay had iyo jeer caawimo dhinac
kasta ah u fidisaa waxna la qabataa guud ahaan bulshada Soomaalida ah
ee dalkaas ku nool. Waxaan aad ugu farxay guusha balaadhan ee ay Marwo
faadumo ka soo hoysay doorashadan dawladaha hoose, waxaanan Allah uga
baryayaa inuu u fududeeyo hawlaha balaadhan ee ay u hayso
bulshadadeena iyo hawlaha laga filayo inay u qabto cod
bixiyayaasheeda, waxaa kale ee aan halkan ka hambalyaynayaa xubnaha
kale ee iyaguna ku guulaysatay doorashadan. Hamblayo.
dhamaantood waxay muujiyeen dedaal aad u weyn oo dhinac walaba ah,mar
labaad Hanbalyo ayaan leeyahay Marwo Faadumo Cali Madar.
Amran Bile Ali
Gudoomiyaaha Ururka Somaliland Center For Hope
Mahadsanid

Security agencies and war against terrorism - Daily Sun

$
0
0

Security agencies and war against terrorismDaily Sun... in the United States and on American interests in Nigeria while investigations also revealed within the same period that the arrested men had ties to al-Qaeda in the Islamic Maghreb (AQIM) and Al-Shabab, the infamous Somali terrorist organization. ...and more »

AK-47 first prize in Somali radio competition for children - Irish Times


TALO IYO TUSAALE: CALOOSHI U SHAQYSTAHA WAKILKA UGA AH SOMALILAND IYO SOMALIA.QARAMADA MIDOBEY AUGUSTINA MAHIGA OO KU TALO JIRA SIDII UU UKALA JAJABINLAHAA..QARANKA SOMALILAND KADIB MARKII AY SOMALILAND MAWQIF CAD KA ISTAGTEY INANEY KA QAYBGALIN GABI AHAA

$
0
0

waxan halkan ka salaamayaa dhamaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada webka caalamiga ah ee oodweynenews.com..aniga oo ugu
hambalyanaya sida wacan ee ay u gutaan hawshooda nooguna dadaalaan sidii ay war walba oo xaqiiqa noogu soo gudbiyaan… intaa gadib..
waxaa malinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya oo isa soo taraya..kooxo falaagooyin ah oo ka soo horjeeda mamulka dawlada somaliland.
kuwas oo qaar kamida loogu yeedho SSC oo ah koox liiska argagixisada caalemka ku jira kana dagaalanta bariga dalka somaliland
iyo kooxda kale ee qaxoontiga ku ah caalemka ee loogu yeedho awdal state..
hadaba walalayaal.. inagoo ah dad 100% islaama oo ashahaadanaya ahna muwadiniin rer somaliland ah oo hadhsanaaya calanka sharafta badan ee tawxiidka ilahey SW ku xardhan yahey iyo nabada wacan ee aynu qayrkeen kaga horeyno…waxaa inagu waa jiba in aynu gacmaha is qabsano meelna ugasoo wada horjeedsano waxkasta oo nabad galyada iyo qaranimasa dalkeena hooyo khal khal galinaya…
intaa kadib hadaan u soo dhaadhaco..maqaalkeyga..waxaa maalmihii ina soo dhaafey dalka canada casimadiisa ottawa ka dhacey shirar uu la yeeshay ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan arimaha somaliland iyo somaliya koox qaxoonti qurba jooga oo la magacbaxdey awdal state.. kooxdaas oo dhawaan laga aasasey wadamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin america canada ..
hadaba shirkas oo ay kaga wada hadleen….arimo dhawr ah oo ay ka mid tahey  sidii kooxdasi uga qaybgalilaheyd shirarka lagu heshiisinayo somalia iyaga oo sita ama magaca awdal state oo ay ku dodayaan inay ka madax bananaadan mamulka somaliland ayaa waxaa uu ergayga qaramada midobey u qabilsan somaliland iyo somalia mr: augustina mahiga ka aqbaley fikirkii iyo codsigii ay wateen isagoo aad u soo dhaweeyey arimaha ay ku donadayan oo ah inay taabacsanyihiin waxii la isku odhan jirey somalia..kana soo horjeedaan qaranimada iyo goni isutaaga iyo midnimada somaliland….tiraba waa markii labaad ee ay dhacdo arintan oo kale isagaoo ninkaa calooshii u shaqeystaha ah ee ergeyga qaramada midobey u qabilsan somaliland iyo somalia uu ku talaabsado falalka noocan oo kale ah ee ka dhanka ah qadiyada somaliland..
taa waxaa ka sii daran xukuumada dalka ka talisa ee aynu dooraney inay sinaan iyo cadaalad ku maamusho dalkeena hormarna gaadhsiiso oo aan arimaha caynkaa ah warba u hayn..kana seexatey xilkii iyo taladii loo dhaariyey inay dalku mamulan si feejignaani ku jito
mushkiladuna ay tahey siyaasada arimaha dibada oo gabi ahaanba khal khal ba bixila…mamulka arimaha dibada somaliland oo ka caajisey hawlihii loo igmadey ee arimaha dibada iyo iyo xidhiidhka caalemka..taasina waata sababtey maanta in uu ninka lagu magacaabo ergey kusheega qaramada midobey u qabilsan somaliland iyo somalia ku kaco falalka caynkan ah kadib markii uu arkey inuu ka faa.ideysan karo hurdada ay ku jiraan.. mamulka somaliland
hadaba waxan kula talinlahaa una soo jeedinayaa dawlada iyo mamulka somaliland ee aynu dooraney..inay hurdada ka toosaan si dag dagana uga jawaabaan dabinada iyo shabakadaha qarsoon ee ay maleegayaan cadawga somaliland ee caalemku..
kuna dadaalaan sidii ay umadan ku kacsan ee bari iyo galbeedba ka qaylinasa ula hadlilahaayeen kuna qancin lahaayeen qadiyada somaliland..iyo jirtaanka qaranimada dalkeena hooyo.. waayo dadkani waa dad muwaadiniin ah oo aad u caqli yar lana duufsadey oo laga dhaadhiciyey in aaney waxba ku laheyn wadanka somaliland..
qofwalba oo somalilander ah waxaa ku waajiba inuu ka hawlgalo hormarka dalkiisa hooyo..kuna fikiro in uu dalkiisa iyo dadkiisa ilaashado kana dhawro waxyeelada iyo wax yaabaha khal khal galinaya nabadgalyada qaaliga ah ee ilahey SW inasiiyey…
mar labaad waxan leeyahey mamulka somaliland waad la gaabiseen masuuliyadii la idiin dhaariyey..ilaheyna runta waa u amaney wax la isku qarinayaana majito ….war dadka la hadla oo ku qanciya qadiyada iyo jiritaanka dalkeena hooyo ee somaliland..
ILAHEY SW DHAMANTEEN DARIIQA TOOSAN HA INA WAAFAJIYO INSHA ALLAH…WA BILAAHI TAWFIIQ..
eagle-express@hotmail.com
ENG:MOHAMED HAJI ABRIRAHMAN ADEM (GERMANY)
 
—————————————————————————–
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla, 

Weerar khasaaro geestay oo lagu qaaday degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho (Dhageyso)

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Weerar khasaaro geestay ayaa xalay waxaa lagu qaaday saldhiga degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Weerarkaan ayaa waxaa la sheegay in ay soo qaadeen kooxo hubaysan isla markaana ay bambaanooyin ay ku soo weerareen saldhigaasi.
Qaraxyadaan ayaa markii ay dhaceen ka dib ciidamada dowlada waxa ay fureen faraas badan waxaana ka dhashay khasaaro.
Inta la ogyahay sadax ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkaan xalay lagu qaaday Saldhiga degmada wadajir ee gobalka Banaadir sida uu RBC Radio u sheegay goobjooge halkaasi ku sugnaa.
mana ahan markii ugu horeysay oo dhacdo caynkaan oo kala ah ay ka dhacdo degmada wadajir ee magaalada Muqdisho, ilaa iyo iminkana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ama maamulka degmadaasi.


RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Diinta: Qiimaha nabadgalyada

$
0
0

Darsiga Nabadda iyo Nolosha waa darsi diiniya oo maalinle ah oo ka baxa Bar-kulan, kaasi oo loogu tala galay in sare loogu qaado aqoonta iyo ogaalka ummadda Soomaaliyeed ee la xiriirta diintooda Islaamka.Barnaamijkeenu waxa uu ka kooban yahay darsi diini ah iyo qeybtii su’aal iyo jawaab. Darsiga diiniga ah ayaanu uga hadli doonaa qiimaha ay leedahay nabadgalyada, iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta nabadda adduunka , waxaana soo jeedin doona Sheekh Shardi Mire Maxamuud.Darsiga oo dhammeystiran waxaad ka dhageysan kartaa boggaan qeybtiisa hoose.2011-09-21-Qiimaha-nabadgalyadaMaqaaladda La Xiriira:

  1. Diinta: Ergada iyo xiriirka ay la leeday nabadda
  2. Diinta: Is-jaceylka bulshada
  3. Diinta: Ilaalinta Midnimada

Xildhibaan Ibraahim Yarow: Dowlada KMG waa in ay cadayso mowqifkeeda ku aadan Puntland oo dhibaato ku haysa dadka (Dhageyso)

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaan Ibraahim Isaaq yarrow  oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa baaq u diray dowlada KMG Soomaaliya.
Xildhibaankaan ayaa sheegay in dowlada KMG Soomaaliya looga baahanyahay in ay cadyaso mowqifkeeda ku aadan maamulka Puntland oo ay ku eedeeyeen in ay dhibaateeyaan shacab.
Ibraahim Isaaq Yarow  ayaa sheegay in maamulka Puntland uu dhibaato badan uu ku haayo dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya gaar ahaan gobalada Bay iyo Bakool.
“waxaan masuuliyiinta sar sare ee dowlada KMG Soomaaliya aan ka codsanaynaa  in ay arintaan ka hadlaan oo ay wax ka qabtaan sidaa waxaa yiri xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.
Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili xildhibaanadaan ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool ay shalay ku soo bandhigeen magaalada Muqdisho dad ay sheegeen in uu dhibaato u geestay maamulka Puntland.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Xulka Wararka 8:00 AM

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live