Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada Jubbaland oo biyo dhaamin ka sameeyey...

0
0

Kn: Ururka Sadexaad ee guutada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ayaa gurmad biyo ah gaadhsiiyay dadka deeganka waxaana ay halkaas geeyen booyado biyo ah.
Deeganka Goobweyn oo qiyaastii 13 km ujirta magaalada Kismaayo ayuu dhinaca Waqooyi ka xigaa wabiga Jubba, nolasha dadweynaha badan ee halkaas ku noool waxay ku tiisantahay Wabiga Juba oo Deegankan dacasha ku haya.
Marka xiligan oo kale la gaaro Sanad Walba Bada oo halkan uu wabigu kaga darsamo ayaa kusoo maaxata waxaana taasi ay sababtaa in Biyaha Wabigu ay dhanaan noqdaan.
Dadka Deeganka ayaa maal mahan la daalaa dhacayay Baahi dhinaca Biyaha ah iyagoo markii hore biyaha u doonan jiray Deeganka Qaam Qaam oo masaafo dheer ujirta balse waxaa ku faafay dhanaankii bada taas oo sababtay in Biyo la'aan ba'an halkan ay dhacdo.
Ururka Sadexaad ee Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee Fadhigoodu yahay Deeganka AKadeemiyo ayaa gurmad biyo ah gaarsiiyay dadka deeganka waxaana ay halkaas geeyen booyado biyo ah kadib markii ay biyaha macaan ka go'een.
Cabdiraxmaan Maxamed Badqas Taliyaha Ururka Sadexaad ee Darawiishta ayaa sheegay in dadkan ay u baahan yihiin gar gaar dheerad ah isagoo xusay in ay sii wadayaan biyo dhaamintan inta biyaha wabigu ay sidoodi hore kusoo noqonayaan.KismaayoNews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Faransiiska oo baaritaan ku samaynaya ciidankiisa

0
0

Dowladda Faransiiska ayaa ballan qaaday inay faahfaahin buuxda ka bixiso eedaha ciidamadeeda nabad ilaalinta Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe loo soo jeediyay ee ah in ay faraxumeeyeen gabdho yar yar.

Madaxweynihii hore ee Brazil oo la maxkmadaynayo

0
0

Maxkamadda sare ee Brazil ayaa go'aamisay in ay dhagaysato dacwad musuqmaasuq oo siyaasad ahaan xasaasi ah loona haysto madaxweynihii hore, Lula da Silva.

Saalax Cabdisalaam oo loo dhoofin doono Paris

0
0

Xafiiska dacwad oogaha Beljam ayaa ogolaaday in Saalax Cabdisalaam oo ah ninka kaliya ee ka nool dadkii qaaday weerarradii ka dhacay Paris loo dhoofin karo Faransiiska, taasoo ah sidii uu isagu doonayey.

Ciidamada DF oo shacab ah ku laayay Muqdisho

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wararka ka imaanaya Isgooyska Ex-koontarool ee Magaalaad Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi lagu laayay dad shacab ahaa.
Dadkaani ayaa waxaa laayay Ciidamo ka tirsan Dowlada gaar ahaan Milliteriga Somalia, sida ay sheegtay Idaacada SMN oo dadka deegaanka ay u waramayeen.
Ciidamadaani ayaa waxa ay rasaas ooda uga qaaden dadkaasi shacabka ah, waxaana rasaastaasi ku geeriyooday ilaa Afar ruux oo hal meel kuwada sugnaa.
Rasaasta ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa Seddex ruux oo iyaguna shacab ahaa.
Ciidamada Milliteriga ayaa inta badan magaalada Muqdisho ka geysta falal amni darro, halka xiliyada qaar Dareeskooda ay isticmaalaan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ma jirto cid ka tirsan Dowlada oo ilaa iyo hadda ka hadashay falkaasi fool-xumada badan oo ay caadada ka dhigteen Ciidamada Dowlada.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Faransiiska oo baaritaan ku samaynaya ciidankiisa

0
0

Madaxweynihii hore ee Brazil oo la maxkmadaynayo

0
0

Saalax Cabdisalaam oo loo dhoofin doono Paris

0
0

DAAWO:-Qorshaha Ethiopia U Xidhay Wabiga Shabeele Oo...

0
0

Dalka Ethiopia, waa dal Buuraleey ah oo aad ugu sareeya wadamada kale ee uu la diriska yahay, Waxaana dalkaasi kasoo baxa wabiyo badan, sida wabiga Nile Cad iyo Nile-ka buluuga ah oo afka xabisha lagu yiraa (Abay) kaasi oo kasoo bilaamba laaga Taana ee dalkaasi kuna dhamaada dalka Suudaan., Shabeelle Iyo JUbba, Iyo Wabiga Dawa.HALKAN KADAAWO VIDEO
Wabiyaashaani ayaa waxaa ay gaaraan dhulal la diris ah dalkaasi ethioia, waxaana biyaha dalkaasi ku nool, Masar, Suudaan,Ugandha, Soomaaliya, iyo Waliba Kenya.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xisbiga ANC oo ka shiraya Zuma

0
0

Xubnaha hogaaminta ee ugu sarreeya xisbiga haya tala koofur afrika ee ANC ayaa yeelanaya kulan ay uga arrinsanayaan go'aankii ka soo baxay maxkamadda ugu sarraysa waddankaas

Xog ku saabsan sababta duqeynta loogu dilay Madaxii...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Maraykanka ayaa sheegay in duqaymo uu ka fuliyay Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon, ayaa waxaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay in diyaaradaha Mareykanka ay magaalada Jilib ee ku koonfurta Soomaaliya ku dileen Horjooge lagu magacaabo Xasan Cali Dhoorre.
Qoraalka waxaa lagu xaqiijiyay in Xasan Cali Dhoorre uu maleegay weeraro ka dhan ah dowladda Somalia, muwaadiniinteeda, saaxibadda Mareykanka ee gobolka iyo dadka mareykanka ah ee dibadaha ku suggan.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Xassan Cali Dhoore uu marka laga soo tago inuu ku jiray Horjoogayaasha sar sare ee al-shabab ee xiriirka tooska ah la leh Al-qacidda, uu sidoo kale u qaabilsanaa al-shabab dhinaca amniyaatka, oo hoshoodu tahay amaanka iyo sirdoonka, isla markaana fuliya weerarada iyo qaarajinta.
Xassan Cali Dhoore, ayaa qoraalka lagu sheegay inuu ku lug lahaa weeraro waaweyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho, sidoo kale uu lahaa qorshaha weeraro laga fuliyay meelo ka baxsan Muqdisho, oo ay ku dhinteen ugu yaraan sadex muwaadin oo Mareykanka u dhashay.
Xasan Cali Dhoorre waxa uu sidoo ku lug lahaa maleegida qarax ka dhacaygaroonka diyaaradaha Muqdisho iyo Hoteelo magaalada ku yaalla oo dad Maraykan ah lagu dilay.
Weerarkani waxa Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya dhowr todobaad uun ka dib weerar hore oo ay si abaabulan u fuliyeen diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo kuwa Drones-ka loo yaqan.
Dhoore wuxuu sidoo kale si toos ah masuul uga ahaa- sida lagu sheegay qoraalka Pentigonka Mareykanka weerarkii Bishii March 27keedii sanadkii 2015kii lagu qaaday Hotelka Maka al-Mukarma ee Magaalada Muqdisho, oo ay 15ka qof ku dhinteen, kuwaa oo uu ku jiray qof Somali Mareykanka ah.
Dhanka kale, Xassan Cali Dhoore ayay Mareykanku aaminsanayeen inuu ku howlanaa qorsheynta qaarajinta muwaadiniinta u dhashay Mareykanka ee ku suggan Muqdisho.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somaliland Imisa Ayey Ku Jabtay Go’aamo Aan Laga...

0
0

Todobaadkii hore Hotel-ka Maansoor waxaa laga furay shir muhiim ah oo ujeedadiisu ahayd in lagu dajiyo siyaasada cusub ee wasaraada waxabrashada JSL sanadaha soo socda.
waxa isugu yimi aqoon-yahano tiro badan iyo xeel dheerayaasha bahda waxbarashada si loo tuujiyo maskaxda gaaxatay ee qaybaha kala duwan ee aqoon-yanada Somaliland. In kasta oo uu shirku socday mudo gaaban oo saddex maalmood ah hadana waxa laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo lagu hawl galo mustaqbalka. Waa talaabo fiican oo wasiirka cusub lagu amaani karo iyo cid kasta oo maal ama maskax kaga qayb gashay qabsoomida iyo habsami u socodkii shirka. Hase ahaatee sida caadada inoo ah shirka lagama ilaalin soo jeedimaha hanfaduhu ku soo dhex tuuro shirarka noocan oo kale ah oo markiiba si deg deg ah loo la boodo ama markiiba laga dhigo go'aan rasmi ah.
Hadaba fekrada sida lama filaanka ah madasha loogu soo dhex tuuray waxaa ka mid ahaa in dugsiyada hoose/ dhexe af-soomaali wax lagu baro; kama soo horjeedo in wax lagu barto afka hooyo laakiin waxaa ka horeeya in la sameeyo daraasad cilmiyeysan si loo ogaado suurto galinimada iyo saamaynta is badalku la iman karo iyada oo laga eegayo dhincyo badan sida dhaqaalaha ku bixi kara, agabka kala duwan ee waxabrashada, macalimiinta, iyo psychology-ahaan u diyaar-garawga marxalada kala guurka.
Dhanka kale dooda aqoon-yanahda qaarkood waxaa ka mid ahaa in luqadaha ajinabigu ku adagtay caruurta Somaliland, waxase aragtidaa beeninaya cilmi baadhis casri ah oo lagu ogaaday in ardayda yaryar ee dugsiyada hoose/dhexe ay si fudud u baran karaan 5-6 luqadood. Khubarada cilmi baadhistan sameeyey waxay tusaale u soo qaateen caruurta wadamada ururka reer Yurub (EU-da) oo loo yaqaano "Euro kids" kuwaas oo si la yaab leh u barta afafka inta badan dalalka xubnaha ka ah EU-da oo leh xuduudo isku furan oo si xor ah lays-kaga gudbo .
Hadaba caruurteenu kama garaad hoosayso kuwa reer Yurub sidaadaraadeed waxay wax ku baran karaan luqado tiro badan oo ajinabi ah; isla markaa ardayda afka Soomaaliga wax ku barta kama aqoon fiicna kuwa afka Carabiga ama Ingiriisiga wax ku dhigta sida dadka qaarkood qabaan. Geesta kale afka Soomaaliga waxa la qoray dhawaan, waxa loo qoray si qarbo-qarbo ah isaga oo wali taabo gelina wuxuu la burburay dawladii Soomaaliya sidaas awgeed afka Soomaaligu ma gaadhin mana gaadhsiina heer la saxar tiray oo gundhig looga dhigi karo waxbarashada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta qaranku waxay dadweynaha isku tusaan inay yihiin rag iyo dumar wadaniyadu biyo dhigatay markaas ayey soo saaraan go'aamo xagjir ah oo lagu jabo oo dalka waxyeelo u keeni kara ama khilaaf abuuri kara, halkaa kuma eekaadaan waxaad arkaysaa hadana iyaga oo qaranimadii ka tagay oo u ololayna qabiil. Marka diinta lag hadlayo dhamaanteen waxaynu nahay culimo seef la bood ah, marka goobta laga soo baxana ma lihin iiman.
Bal u fiirso tusaalahan kale iyo doodaha lagu gorfeeyo xaqiijinta qadiyada madax banaanida Somaliland iyo xamaasada ka muuqata iyo hadana sida ay madaxdu aanay ugu heelaynan; si kale haddii loo dhigo wadaniyadeenu waa dhalanteed, diinteenu waa ku muraadso, qaranimadeenuna waa ku meel-gaadh.
Gabogabo: wasiirka iyo madaxda kale ee wasaarada waxaan u soo jeedinayaa in mashruuca gacanta loo taagay ee ah in af-soomaali ardayda wax lagu baro iyo kuwa kasta oo la soo jeediyba aad looga fiirsado ama si wayn looga baarandego ka hor inta aan loo gudbin golaha wasiirada. Mar kale madaxda qaranka waxaan u soo jeedinayaa in aan lagu daalin tayeynta waxbarashada Somaliland haddii aan xaqiiqada la waajihin oo si dhab ah aan loo abaarin duruufaha ku xeeran macalimiinta dugsiyada dawladu maamusho.
Cabdiraxmaan Cadamiabdirahmanadami@gmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Khilaafkii Xisbiga Ucid oo Sii Xoogeystay, Cali...

0
0

"Faysal iyo Jamaal Wacad illaahay ayey wada galeen, illaahayna waxa uu yidhi wacadka aad gashaan fuliya, Faysalow yaanu wacad alle ku qabane ha ka bixin wacadkii aad gashay" Cali Guray.
"Cali Guray Markii uu Maxamed Biixi Soo Bixiwaayey ee Muuse soo Baxay ayuu Marada Tuuray, Nimankaasina sharcigaan Marinayaa" Faysal Cali Warabe
"Ninkan waligii aan waddo sax ah aan wax ku doonin, oo Murashaxnimo iyo Gudoomiye Booli ah sita, oo kun godobood gadaanka u sudhan yihiin, ayaa xisbigii soo faro galiyey" Cali guray
Hargeysa(Waaheen) Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ee Ucid ayaa si cad u sheegay in Musharax Sharciga ee Xisbiga UCID uu leeyahay uu yahay Jamaal Cali Xusen, waxanay Faysal Cali waraabe ugu baaqen in uu oofiyo balantii uu galay, waxa kale oo ay sheegen in weerarka xisbigooda lagu hayo iyaga oo si gaar ah u magacaabay in Xukumadu doonayso in xisbi Muxaafid ah ka dhigto Ucid.
Gudoomiye Ku-xigeenka Saddexad Mujaahid Cali Guray, Maxamed Haruun iyo Xog-hayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid Xasan Cismaan Aadan (Sabce) ayaa Arrimahaasi si wada jir ah uga hadlay waxanay soo bandhigeen Xeerarka xisbiga sida uu u waafaqsan yahay Murashaxnimada Jamal Clai Xusen.
Cali Guray oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa'id ayaa yidhi. "Musharax sida loo noqdo waxa noo sheegaya Xeerkayaga anigu ma sheegayo, Faysalna awood uma laha in uu noo sheego, waxa intaydaba noo sheegaya sida lagu noqdo musharax xeerka xisbiga ucid, Golaha dhexe waxa uu cod u qaaday, isaga oo adeegsanaya qodobka 27 xubintiisa 1aad iyo qodobka 16aad xubintiisa iyo waliba xarafka sagaalad, iyada oo intaasi oo dhan eegaya golaha dhexe ayuu cod u qaaday dhammaan xubnihii kalfadhigaasi fadhiyey way u codeyen murashaxnimada Jamaal cali Xusen iyo cabdirashiid xassan mataan oo ku-xigeen ahaa, cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna wuu u codeyey, marka Faysal cali waraabe ayaa wakhtigaasi u diray Xeer ilaalinta, Komishanka iyo maxkamada in Nimankaasi yihiin murashaxiintii xisbiga"Ayuu yidhi.
Cali guray wax auu Faysal Cali Waraabe ugu baaqay in uu oofiyo blaantii uu galay. "Faysal iyo Jamaal Wacad illaahay ayey wada galeen, illaahayna waxa uu yidhi wacadka aad gashaan fuliya, marka qofka Muslimka ah ee diin iyo iiman lihi kama baxo wacadka uu galo, waxaanu ku nidhi Faysalow yaanu wacad alle ku qabane ha ka bixin wacadkii aad gashay"Ayuu yidhi.
Cali guray waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga ucid la doonayo in laga dhigo Xisbi Muxaafid ah. "Ninkan waligii aan waddo sax ah aan wax ku doonin, ma jeceli in aan magacaabe, oo wada xun oo xaaran ah wax ku doona, oo murashaxnimo iyo gudoomiye booli ah sita, oo kun godobood gadaanka u sudhan yihiin, ayaa xisbigii soo faro galiyey, marka waxanu isku haynaa Ucid waa xisbi muxaafid ah anaguna xisbi mucaafid ah ma noqon karno"Ayuu yidhi.
Maxamed Haruun iyo Xog-hayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid Xasan Cismaan Aadan (Sabce) oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Murashax Sharciga ee xisbiga ucid uu leeyahay uu yahay Jamal Cali Xusen.
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo u warameyey Telefeshinka Kalsan ayaa waxa uu ka jawaabay hadalkaasi ka soo baxay xubnahaasi waxanu Faysal sheegay in Xisbiga Ucid uu yahay xisbi leh Sharci ciidi ku kafta xeerarka xisbiga ay anshaxmarindoonan, waxa kale oo uu Cali guray ku tilmaamay in mar walba dadka Aflagaadeya, isaga oo sheegay in sababta uu Muuse Biixi u cayayaana ay tahay ka dib markii Maxmaed Biixi Yoonis lagaga adkaday xisbiga Kulmiye. Waxanu yidhi. "Cali guray in uu xisbiga Ucid Burburiyo ayuu doonayaa, Cali guray waa ninkii lahaa Kulmiye hadii nin Awal ahi ka soo baxo Jamal way u dhamaato, Balan B, ayaa leenahay, marka Cali Guray markii uu Maxamed Biixi Yoonis soo bixiwaayey ayuu marada Tuuray, oo wuxu la dagaalamaya Muuse Biixi, marka anaga nagu galgalanmaye Sharciganu marindoona, marka Jilibka Cali Guray reer Axmed ayaa la yidhaahda qof reer axmed ah oo uu keenay ma jirto"Ayuu yidhi.
Waxa kale oo ka jawaabay in Xisbigii Ucid uu Muxaafid ka dhigay "Anagu Xisbiga Kulmiye waanu tartamaynaa waa xisbi nala mid ah, haddii uu Muuse Damac yeeshay dee xaq ayuu u leeyahay laakiin in uu xaasido ma ah, ee waa in uu sidiisa han yeesha, laakiin xisbiyada waddani iyo Kulmiye waanu tartamaynaa"Ayuu yidhi Faysal.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

BF oo u jawaabay Hawiye fariinna u diray cc & Xasan...

0
0

Nairobi (Caasimada Online)- Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si adag kaga hadlay hadalkii dhawaan kasoo baxay odayaasha beelaha Hawiye.
Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid aheyd xildhibaano ku shiray magaalada Nairobi ayaa sheegtay in beelaha Hawiye oo kaliya aysan go'aan ka qaadan karin maqaamka caasimada Soomaaliya.
Waxay sheegtay in baarlamaanka Soomaaliya uu go'aan kasoo saarayo maqaamka caasimada Soomaaliya kadibna lagu maamuli doono caasimada.
Waxay sidoo kale xildhibaanada ku shiray Nairobi ay sheegeen in baarlamaanka cid aanan aheyn ineysan soo saari karin maqaamka ay yeelaneyso caasimada Soomaaliya.
Dhinaca kale xildhibaanada ayaa ka digay kala qeybinta odayaasha dhaqanka ee Hiiraan, iyaga oo fariin u diray madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Dhawaan odayaasha dhaqanka ee Hawiye ayaa sheegay in gobolka Banaadir cid aan Hawiye aheyn iney marti ku yahay.Caasimada OnlineXafiiska KenyaCaasimada@live..com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kismaayo : Shirweynihii dhalinyarada oo soo xirmey

0
0

Kn: Shirweynihii qaran ee dhallainyarada Soomaaliyeed oo magaalada Kismaayo maalmaha 28-31 March ayaa shalay lasoo gabagabeeyay iyagoo kasoo saaray war murtiyeed ka kooban 14 qodob.
Dhallinyarada ayaa shirka kaga dooday arrimo ay ka mid yihiin doorka dhallinyarada ay ka qaadan karaan hormarunta dalka iyo midnimada, shaqo u abuurista dhalinyarada guud ahaan dalka, doorka ay dhallinyarada ku leeyihiin siyaasadda dalka iyo ka hortagga tahriibka.
Wakiillo matalayay ururrada dhaalinyarada 18-ka gobol ee dalka ayaa kasoo qeybgalay shirka, ayadoo intii uu socday ay dhalinyaradu is dhaafsadeen afkaartooda ku aadan sidii dhalintu kaalin uga qaadan lahaayeen siyaasadda iyo horumarka dalka.
Dhammaadka dhirka dhallinyarada waxaa ay soo saareen war murtiyeed ka kooban 14 qodob oo ay kaga dalbanaayaan dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada in la muujiyo doorka dhallinyarada ay ku leeyihiin geedisocodka dalka ee looga baxayo xaaladaha dalka uu ku jiro.
Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada qaranka Faadumo Cabdi Warsame Faadumo Qaran ayaa sheegtay in loo bahan yahay in ficil loo badalo waxyabaha la isla gartay mudadii uu shirku socday waxayna u mahad Celisay Ururka dhalinyarada Jubbaland iyo kasoo qayb galayaasha dhirka.Video
https://www.youtube.com/embed/Le8odFKB9nk" frameborder="0'' allowfullscreen>
KismaayoNews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Khudbadihii Askarta Q…1aad W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
0

Waa falanqayn ku saabsan khudbadihii bilowgii hore ay jeediyeen Madaxweyneyaashii Askarta ahaa, ee Soomaalida u talin jiray. Hadal macaanida khudbadahooda iyo qaadhaadhka dacarta khudbadooda ugu dambaysa, ayeynu diirada saari doonaa, si kuwa soo socdaa ugu gaashaantaan ficiladaasi ina soo maray ama Filimkaasi aynu soo daawanay.
Dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke
15 bishii Oktoobar ee Sannadkii 1969-kii ayaa dil toogasho ah lagu diley M/weyne C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana diley askari Beeshiisa ah, isaga oo booqasho ku maray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Meydkii Marxuumka ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu aaso. Ka dib waxa shir isugu yimid Madaxdii intii dalka hogaaminaysay, maadaama oo uu Raysal-Wasaare Cigaal dalka dibada uga maqnaa. Shirkani wuxuu socday muddo shan maalimood ah, waxa isna ka qaybgalay shirka Maxamed Siyaad Barre.
Shirkaasi waxa la isku raacay in Madaxweyne loo doorto Xaaji Muuse Boqor, berrina shirka Baarlamaanka la horgeeyo, waxa isna arrintaasi taageeray Raysal Wasaare Cigaal. Iyaga oo balantaasi halkaasi taalo, ayey 3:00 habeennimo 21/10/1969 habeen Salaasi soo galay koox milateri ahi, oo uu hogaaminaayo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre xukunkii rayidka ahaa inqilaab kula wareegeen. Ka dib waxa xabsiga Afgooye lagu guray madaxdii dalka joogtay. Intaasi ka dib waxa xukunkii la wareegay askar uu horumood ka yahay Maxamed Siyaad iyo kooxdiisii.
Khudbadii ugu Horraysay ee Maxamed Siyaad Barre Jeediyey.
Khudbadii ugu horraysay ee Maxamde Siyaad jeediyo waxa ay ahayd 23/10/1969. Ugu horayn isaga oo ka hadlay sababtii ku kalliftay in ay xukunka xoog kula wareegaan wuxuu yidhi" waxaan doonayaa in aan caddeeyo sababtii noogu wacnayd la-wareegidda dalka oo ay ciidmammada Qalabka sidaa ku tallaabsadeen. Waxa kale oo aan doonayaa dadkeennu in ay ogaadeen in ay wax weliba caadi yihiin, waxa dhibaato ahina aysan ka imaan taladii ciidammada. Dalka oo idili, wuxuu gacanta ugu jiraa xoogga dalka iyo Booliska, dadweynuhuna waa raalli, waana deggan yahay oo waa ku faraxsan yahay.
Lama-huraan ayay ahayd ciidammada Qalabka sidaa in ay talada dalka soo farageliyaan, mana suuroobeyn in la iska indha-tiro xumaantii dalka tiillay, sida musuq-maasuqa, laaluushka, qaraabo-kiilka, tuugeysiga xoolaha dawladda, caddaalad-darrida, xurmo-darrida, diinta iyo qawaanniinta dalka oo sharciyadii ka degsanaa la iska tuuray, dadkiina waxaa loo horseeday in ay ku kacaan wax alle iyo wixii ay doonaan. Ma jirto koox ama qoys raaxo ku noolaan kara haddii aysan qawaanniinta iyo xeerarka maamuus u yeelan, haddii qawaanniinta la tuuro, wax horumar ah ummaddi gaadhi kartaa ma jiraan, waxaynu u soo joognay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahaayeen ku takri-falka xoolaha dawladda iyo hantida Qaranka, cashuurtii dadweynaha laga soo ururiyey ayay madaxdu danahooda ugu isticmaali jireen, dalka oo idilna waxa loo adeegsaday sidii hanti gaar loo leeyahay, taas oo ummadda halis gelisay, gacan cadowna gelin lahayd".
Dhinaca kale Maxamed Siyaad isaga oo ka hadlaya dilkii Madaxweyne C/rashiid wuxuu yidhi" Musuq-maasuqii wuxuu socdaba wuxuu heerkii ugu sarreeyey gaadhay madaxdii dalka in la dilo kolkii lagu dhiiraday burbur ayay Soomaaliya qarka u saarnayd, xaga dhaqaale, iyo xaq siyaasadeedba, taariikhdeenna iyo qarankeennuba halis weyn ayay ku jiraan. Taas baana sabab u ahayd soo fara-gelintii arrimaha dalka aynu soo fara-gelinnay. Haddaynu arrintii dhawaan ka dhacday dalka dib ugu noqonno waxaynu arki karaynaa dal nabad ahi sidii khalkhal loo geliyey. Askari aysan is-aqoon oo wax eed ah lahayn, ayaa diley Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Iyada oo ay joogaan Hogaamiyeyaaashii dalka oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Baarlamaanka ayuu askarigaasi Madaxweynihii rasaas ku furay. Sidee baynu arrimahaasi iyo kuwa kale oo la mid ah oo ay dadka Soomaalidu og yihiin ugu dul qaadan karnaa, waxaan rajaynaynaa annaga oo ilaaha weyn la kaashanayna in aan tirtirno xummaanta dalka ka jirta oo aanu raaxo iyo barwaaqo ugu beddelno, dadkeennana u suurta gelinno nabadda ay u baahan yihiin, umana dulqaadan doonno qas-wadayaasha iyo kuwa qawaanniinta jebinaya."
Isaga oo ka hadlaya xoojinta Diinta islaamka wuxuu yidhi" haddii loo baahdo xoogga aanu haysanno oo dhan ayaanu u adeegsan doonaa, si aynu u xoojinno Diinta Islaamka oo lagu ciyaaray, waxaanu doonaynaa Soomaaliya in aan ka dhigno waddan sharaf leh, dibedda iyo gudahaba, waxaanu dadka Soomaalida ah u horseedeynaa barwaaqada dhulka ku aasan in ay kala soo baxaan, is-kana daayaan baryada ummadaha kale. Dadka Soomaaliyeed, annaga oo ka wakiil ah, ayaanu talada la wareeganay, waxaan jeclaan lahaa dadka Soomaaliyeed oo idil in ay u tafo-xaytaan dhismaha dalkooda, in ay dhisaan ummad xoog leh."
Isaga oo ka hadlaya musuq-maasuqa wuxuu yidhi" sidaad Raadiyaha ka maqasheen, waxa la qabtay Baabuur dawladdu leedahay oo tagsi laga dhigtay, saddex maalmood oo qudha ayaanu talada dalka haynay, danta aannu leennahay tallaabadaas aan qaadnay baa u marag ah." Ugu dambayntii isaga oo dhoolacadaynaya ayuu khudbadiisii ku soo af-meeray " waxaan ku faraxsanahay midnimada Ciidammada Qalabka sida iyo ummadda Soomaaliyeed, ummaddu waxa ay na siisay taageero dhab ah, taasoo aan ka mahadcelinayno. Waad mahadsan tihiin."
Khudbadaasi waxa inooga dhadhamaysa hadallo isugu jira, Macaan, Hanjabaad, Waxqabad mustaqbal, Beerlaxawsi bulsho iyo qiiq isku qarin. Khudbadaasi waxa aynu barbar dhigi doonaa tiisii ugu dambaysay iyo waxa iska beddelay.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somalilandcalicoomay@hotmail.com
La Soco Qaybaha Dambe................................................................
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Taliye cusub oo loo magacaabay booliiska Kismaayo

0
0

AMISOM oo xoojineysa tababbarada ay u fidineyso...

0
0

Midowga Afrika ayaa sheegay in saddex bil ee soo socota uu sare u qaadayo tababbarka ciidanka Booliska, oo hadda ka bilowday qaar ka mid ah deegaanada Maamul goboleedyada.
Warbixin ay soo saareen ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in ay xoojinayaan tababbar siinta ciidanka booliska Soomaaliya, iyadoo sharuudaha tababbarka ay ka midtahay dhismaha awoodda ciidan booliska, si ay u xoojiyaan nabadgelyada.
Madaxa Booliska AMISOM ayaa sheegay inay sii socon doonaan tababbarada la siinayo ciidanka booliska, isla markaana ay soo saari doonaan in ka badan 200 sargaal oo heer Federal ah iyo heer maamul goboleed, si ay u xaqiijiyaan amniga deegaanada ay ka howlgalaan
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Mareykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen horjooge...

0
0

Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee drones-ka militiga Mareykanka uu leeyahay ayaa maalintii khamiistii waxaa ay fulisay howlgal lagu dilay horjoogiyaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheeyay dil loo geystay muwaadiniin Mareykan ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Pentagon.
Hassan Ali Dhoore, oo kamid ah horjoogiyaasha Al-Shabab ee xiriirka la leh Al-Qaeda, ayaa Peter Cook, oo saxaafadda u qaabilsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon waxaa uu war qoraal ah ku sheegay in Dhoore uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka isla markaana oo ku lug lahaa weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho.
"Anagoo si dhow u darsayna natiijada howlgalka lagu diley horjooge Dhoore waxaa ay dharbaax weyn ku tahay awoodda, qorsheynta iyo howlgalada kooxda Al-Shabaab ay la beegsadaan dowladda Soomaaliya, muwaadiniinta Soomaaliyeed saaxiibada Mareykanka ee gobolka iyo guud ahaan Mareykanka," ayuu yiri Mr Cook.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel 20 mile u jirta degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose, isla markaana gentaal lagu dhuftay gaari uu la socday horjooge Xasan Cali Dhoore oo ay la socdeen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab xilli fiid hore ah.
Madaxa saxaafadda ee Pentagon Peter Cook ayaa sheegay in Dhoore uu si toos ah ugu lug lahaa weerarkii 25 December, 2014, lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, kaas oo lagu diley tiro kamid ah nabad ilaaliyeyaasha ee AMISOM iyo nin Amerikaan ah oo lagu magacaabo Brett Fredricks oo la shaqeynayay hey'add tababarada ka caawisa howlgalka AMISOM ee Bancroft.
Sidoo kale waxa uu ku lug lahaa weerarkii bishii March 27, 2015, lagu qaaday Hotel Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay 15 ruux oo ay ku jireen muwaadin Soomaali oo heystay dhalashada Mareykanka sida ay sheegtay Pentagon, iyadoo isla weerarkaasi uu ku dhintay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Switzerland Yusuf Mohamed Baribari.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Jubbaland : Magacyada guddiga wasiirada ee abaaraha

0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live