Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shan amar oo lagu soo rogay dadka BOOSAASO

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa magaalada Boosaaso ee Xarunta gacansiga maamulka Puntland ka dhacay kulan u dhexeeyay Wasaarada amniga, Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada amaanka, kaasi oo laga soo saaray digniino dhanka amaanka ah.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo qaatay qalqal galinta ay argagixisada ku heyso amaanka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan deegaanada hoostaga mamaulka Puntland, waxaana amni daradaasi laga soo saaray dhowr qodob oo looga hortagaayo.
Amarada kasoo baxay kulankaasi ayaa waxaa ku saxiixnaa Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Bari waxaana arrinkaas kala shaqeeyay taliska guud ee Booliska Puntland, iyadoona Boosaaso hawlo shaqo uu ka wado taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Afgaduud.
Qodobada iyo awaamirta laga soo saaray kulanka ayaa waxaa kamid ahaa:-
1- Dadka asalkooda kasoo safray misna ka yimid koonfurta Somalia ay qaatan kaararka aqoonsiga muddo Seddex bil gudaheeda kuwaasi oo kala ah Barakacayaasha iyo Ganacsatada.
2- In shaqsi waliba ee kasoo jeeda magaalada Boosaaso uu si degdeg ah ku qaato kaarka aqoonsiga ee muujinaaya inuu kasoo jeedo deegaanka.
3- In wadayaasha iyo milkiilayaasha gaadiidka ka howlgasha Dekada Boosaaso ay qaataan kaarka.
4- Waxaa la mamnuucay in gudaha Dekada Boosaaso lala galo ciidamo istaaf u ah mas'uuliyiinta.
5- Qodobka ugu danbeeya oo ah in Hoteelada ku yaalla magaalada Boosaaso aysan qololka ka kireynkarin qof aysan aqoon.
Taliska Ciidamada Booliska ayaa ka digay in la baal-maro qodobada kor ku xusan, waxa uuna taliska ku goodiyay in talaabo cad laga qaadi doono cidii ka weecata qodobadaasi.
Awaamirtaani ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka Puntland ay walaac ka muujinayaa qalqal galinta kaga imaaneysa dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xog: Keating iyo Madoobe oo ku biiraya shirka…

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa wali magaalada Garoowe ka socda wadahdaladii siyaasadeed ee u dhaxeeyay wafdiga Ra'isul wasaare Cumar iyo maamulka Puntland kaasi oo la filaayo in gudaha asbuucaani laga soo saaro natiijo ka duwan kuwii hore.
Dhex dhexaadinta wada hadalka labada dhinac ayaa waxaa lagu wadaa inay ku biiraan Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating.
Axmed Madoobe iyo Micheal Keating, ayaa qeyb ka noqonaaya mas'uuliyiinta ku sugan magaalada Garoowe ee goob jooga ka noqon doona wada hadalka, si labada dhinac aysan uga beyrin qodobada lagu heshiin doono.
Micheal Keating iyo Madoobe ayaa kulamo gaar ah la qaadan doono Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia iyo C/wali Gaas, si ay waxbadan uga ogaadan shirarkii maalmahaani ka socday magaalada Garoowe, waxaana la filaya in sidoo kale ay labada dhinac u kala garqaadan, maadaama wada hadalka uu iminka maraayo meel xasaasi ah islamarkaana leysa soo hordhigay qodobo kala duwan.
Magaalada Garoowe, ayaa waxaa horaanta asbuucii tagay gaaray wafdi dhowr jiho ka kala socday, kuwaasi oo uu ujeedkoodu yahay in dhex dhexaad ay ka noqdaan wada hadalka gabagabada iminka ah ee labada dhinac u dhexeeya.
Dhanka kale, ujeedka ugu weyn ay wufuuda ugu qulquleyso magaalada Garoowe ayaa ah in ay goobjoog ka ahaadan qodobada lagu heshiiyay oo labada dhinac ay kala saxiixan doonaan.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo SAWIRRO laga soo qaaday ciidamadii loo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Xeryo ciidan oo ku yaala deegaanada Jubbaland ayaa waxaa lagu diyaarinayaa Ciidamo isku dhaf ah oo dagaal la gali doona maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaaya qeybo kamid ah Deegaanada maamulka.
Ciidamadaani ayaa isugu jira Kenyan, Ethiopi-an iyo kuwa Milliteriga Dowlada, waxa uuna qorshuhu yahay in Dagaal fool-ka-fool ah ay ku qaadan Saldhigyada Al-shabaab, iyadoo dagaalka ay qeyb ka noqon doonaan Diyaaradaha Dagaalka Kenya.
Xerooyinka lagu diyaarinaayo Ciidamada ayaa waxaa booqday Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM Major General Mohammedesha Zeyinu kaas oo guubaabo siinaya Ciidamo isugu jira Soomaali, Kenyaan iyo Ethopian.
Ciidamadaani ee u diyaargaroobaya dagaal ay deegaanadaasi kula galaan maleeshiyada Al-shabaab si ay uga xoreeyaan deegaanadaasi ayaa hadaladii guubaabada ahaa ee ugu dambeeyay waxa ay ka heleen taliye Zeyinu kaas oo ugu baaqay in ay u diyaargaroobaandagaal saf balaaran.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xiisad beeleed ka taagan Cadaado iyo Gelinsoor

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay deegaanada Cadaado, Gelinsoor iyo Dhabad.
Colaadaani soo cusboonaatay ayaa waxaa cadeeyay Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobollada Mudug, waxa uuna sheegay in colaadu ay tahay mid ka duwan colaadihii horay uga taagnaan jiray deegaanadaasi.
Nabadoonka waxa uu sheegay in colaada ay tahay mid u dhexeyso maleeshiyaad wada dega deegaanadaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay dib usoo cusbooneysiinayaan Dagaalo beeleedyadii laga soo gudbay.
Nabadoonka waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan Odayaal si hoose uga qeybqaadanaaya colaada, waxa uuna ka digay in dadka deegaanka ee walaalaha ah leyska horgeeyo.
Digniinta iyo hadalka Nabadoonka ayaa imaaneysa xili dhawaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ay kuwada dagaalameen maleeshiyo beeleed kuwaas oo weli xiisadooda ay ka taagan tahay deegaankaasi.
Dhanka akle, waxaan wali jirin cid ka hadashay xiisada taagan oo ka tirsan maamulka Galmudug, waxa ayna dadka deegaanku yihiin kuwo ku hooyda cabsi.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Obama oo difaacay arrin Somalia ay ka geysteen

$
0
0

Washington DC (Caasimada Online) - Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama ayaa difaacay go'aanka Maamulkiisa ku ansixiyeen in si caadi loogu isticmaalo Diyaaradaha Droneska iyo duqeymaha kale ww laagu bar-tilmaameedsado Hoggaamiyayaasha Alshabaab iyo XerooyinkaTababarka ee ku yaalla dalalka Somalia, Yemen iyo Libya.
Madaxweyne Barack Obama ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Shir Jaraa'id ku qabtay Shirweynaha Ammaanka Nukliyeerka oo lagu soo gebagebeeyey magaalladda Washington.
Barack Obama waxa uu qiray in duqeymaha Droneska mararka qaarkood si aan ku-talagal ahayn loogu dili jirey dad Rayid ah, balse, haatan la hagaajiyey Hab-raaca Nidaamka duqeymaha lagula beegsanayo Dadka sida gaarka loo ugaarsanayo.
"Waxaan si kalsooni leh u dhihi karaa inay Hawlgalladda la adkeeyey, iyo in qiimeyn joogto ah lagu sameeyo ka hor intaan la duqeynin dadka iyo goobaha yoolka u ah duqeymahaasi" ayuu yiri Obama.
Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Milliteriga Maraykanka sheegeen inay duqeyn ku dileen Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Alshabaab.
Duqeyntaasi oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday Deegaanka Toorotoorow waxay Maraykanka sheegeen inay ku dileen Taliyihii Hawlgalladad Amniyaadka ee Alshabaab, Xasan Cali Dhoore iyo xubno kale.Caasimada OnlineXafiiska MinneapolisCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xasuusta hadalladii Gaas ee 4.5 iyo is-bedelkiisa

$
0
0

Garowe (Caasimada Online) - Madaxweynaha Maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu xasuusan doonaa haadalo adag oo uu jeediyay markii uu mucaaradayay nidaamka 4.5, waxaana hadda muuqata in C/welli Gaas uu badalay fikradiisa.
Waxaa soo baxaya in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, uu la hadlay wafdiga ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee kusugan magaalaa Garowe waxaana Cumar C/rashiid lagu wargeliyay inuu aqbalo sharuudaha Puntland hal sharuud maahine.
Waxaa dhawaan la filayaa iney hishiis kala saxiixdaan madaxweyne Gaas iyo wafdiga ra'iisul wasaaraha ee kusugan magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.
Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi ka socdo beesha caalamka ayaa la filayaa iney tagaan magaalada Garowe si ay goobjoog kaga noqdaan hishiiska dhacaya.
Dib u xasuuso hadaladii madaxweyne Gaas ee diidmada nidaamka 4.5."Puntland waa hadashay waana diiday 4.5ka.""Haddii dunida oo dhan isku timaado ka yeeli mayno qaata 4.5.""Haddii aysoo kaxaystaan Ban Kimoon xitaa ka yeeli mayno""Taladii 4.5ka waxaan ku celinay shacabka Puntland,waxa shacabku rabo ayaan ku qasbahanay."
Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah u gashay sidii C/welli Gaas kaga dhaadhicin lahaan aqbalida nidaamka 4.5Caasimada OnlineXafiiska GarooweCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xog: Degmo cusub oo gobolka Banadir lagu soo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Muran iyo khilaaf xoog leh ayaa ka taagan qorshe Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ku doonayo inuu degmo cusub ku soo biiriyo degmooyinka Gobolka Banaadir oo ololaheeda muddooyinkii danbe uu ka socday Muqdisho.
Degaanka Garas-Baaley ee xuduudaha jaarka la ah degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ayaa la sheegay in laga dhigayo degmo cusub, taasoo beelo dhowr ah ay isku qabsadeen guddoomiyaha degmada loo magacaabayo iyo dadka u badan degmada cusub.
Ciidamada maamulka Gobolka Banaadir ayaa la geeyay degaankaasi iyadoo muranka uu hareeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda oo ku lug yeeshay ololaha sameynta degmada cusub. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in qorshaha degmada cusub uu ogolaaday, balse la isku hayo magacaabidda cidda guddoomiye ka noqoneysa iyo jagooyinka kale ee degmada Garas-baaley.
Degmada Kaxda oo uu magacaabay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Axmed ayaa sharcinimadeeda muran ka taagna muddo 2 sanadood ah, waxaana beesha degaankaasi ay olole weyn u gashay in loo aqoonsado degmo, taasoo markii dambe suuragashay inkastoo Dastuurka KMG ah uu degmooyinka dalka u aqoonsan yahay degmooyinkii jiray ka hor 1991 intii jiray xiligii dowladii Kacaanka ee Siyaad Barre.
Waxaa la yaab leh maamulka degmadaasi Kaxda iyo dadka degaanka inay ka horjeesteen dhismaha degmada cusub ee Garas-Baale, waxaana hadda arrinta gacanta kula jira guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Xilliyada kala guurka ah ayaa caadiyan waxaa dhacda in la magacaabo degmooyin iyo xitaa gobollo sharci darro ah, iyadoo madaxda markaas xilka ka sii dageysa ay ka faa'iideystaan inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, waxaana la xusuustaa in Sheekh Shariif markii xilkiisu soo dhowaaday uu magacaabay Gobol cusub iyo in ka badan 13 degmo oo ka mid noqday caqabadaha dowladii ka danbeysay ay wajahday.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xog: Tedros Adhanom oo maanta tagaya Garowe

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online) - Warar gaar ah oo aan helnay ayaa sheegaya in maanta uu magaalada Garoowe kusoo wajahan yahay wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr Tedros Adhanom kaasi oo qayb ka ah wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia M.Keating.
Socdaalka wafdigan ayaa la xiriirta shirarka looga hadlay 4.5 kaasi oo muddo ku dhaw asbuuc looga arrinsanayo Garoowe la filayo in lasoo geba gebeeyo, kadib heshiis horudhac oo la gaaray.
Mas'uuliyiintan imaanaya marka laga reebo wasiirka Ethiopia kasocda, waxay dhammaantood horay u yimaadeen caasumadda Puntland iyagoo ka qayb galay kulamo caynkan ah oo ay la yeesheen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo golayaasha dowladda iyagoo kala hadlay aragtidooda ku aadan nidaamka lagu salaynayo doorashada Somalia ka dhacaysa 2016.
Waxaa jira waxyaabo badan oo labada dhinac isku waafaqeen islamarkaana waxaa la filayaa in wafdigaasi kadib laga soo saaro warmurtiyeed ka hadlayo waxyaabihii laga wadahadlay iyo go'aamada soo baxay.
Caasimada Online ayaa shalay xog gaar ah ku heshay in Puntland ay aqbashay nidaamka 4.5, ayada oo ku bedelaneyso arrimo dhowr ah oo dowladda ay u ogolaaneyso. Halkan ka aqri.
Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia ayaa la filayaa inuu goob joog ka noqdo saxiixa heshiiska labada dhinaca.Caasimada OnlineXafiiska GarooweCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Saxafiyiin London ku kulmay oo talooyin soo jeediyay...

$
0
0

Magaalada London ayaa lagu qabtay kulan ay ka qeyb galeen bahda Warbaahinta ee ku kala nool qaar ka mid ah wadamada ku yaala qaaradda Europe.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa shaqsiyaad magac ku dhex leh bahda Warbaahinta iyo bulshada Soomaaliyeed.
Ujeedada kulanka ayaa ku saabsaneyd sidii fikrado iyo talooyin loogu biirin lahaa bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee muranku ka dhex taagan yahay.
Kulanka ayaa dhex-dhexaad ka ahaa xal u helista muranka jira ee u dhaxeeya dhinacyada isku heysta hoggaanka bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.
Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa waqti dheer galiyay sidii talooyin xal u helis ah loola wadaagi lahaa dhinacyada uu khilaafku ka dhex jiro.
Kulanka ayaa la isku weydaarsaday fikrado iyo aragtiyo looga gol-lahaa mideynta bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxaana kulanka laga soo saaray baaq talooyin ah oo ka kooban 5 qodob oo kala ah:
1- In dib u eegis lagu sameeyo sharciga u yaala Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, si loo helo sharci dhameystiran oo aan mar kale keenin ama sababin khilaafka ama isku dhac
2- In caasimadda Muqdisho lagu qabto kulan ay ka wada qeyb galaan wakiilo matala dhammaan bahda Warbaahinta dal iyo dibadba.
3- In doorasho cadaalad ah la qabto oo qofka lagu dooranayo aqoontiisa.
4- In ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed iyo doorashaduba ay noqoto mid ka madax banaan dowladda Soomaaliya iyo Ururada siyaasadda.
5- In xilliga doorashada la hakiyo si loo helo waqti lagu saxo khilaafka jira.
Dhammaan qodobada kor ku xusan ayaa ah qodobo ay si wadajir ah u wada-gaareen ka qeyb galayaasha Kulanka.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Real Madrid oo garaacday Barcelona

$
0
0

Soomaalida Daacish ku biireysa oo sii kordheysa

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa sii kordhaaya tirada Soomaalida ku biireysa maleeshiyaadka Daacish, gaar ahaan kuwa ka dagaalanta Dalka Liibya.
Qoraal lagu soo daabacay shabakada Alwasad ee dalka Liibya, ayaa waxaa lagu sheegay in Dhalinyaro farabadan oo ay u badan yihiin Soomaali ay ku biireen maleeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo iminka gaaray magaalladda Sirta ee Bariga Libya.
Maleeshiyaadkaani cusub oo wata gaadiid dagaal ayaa waxaa tirro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 20 kuwaasi oo iminka kamid noqon doona dagaalamayaasha Daacish ee ka howlgala magaalada Sirta.
Soomaalida ku biirtay Daacishta Liibiya ayaa waxaa wehlinaayay muwaadiniin kasoo kala jeeda dalalka Tunisia iyo Algeria.
Dagaalyahanadaasi oo watay Hub iyo Hal-ku-dhegyadda Daacish ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Degmadda Sabratha, oo ay ka soo gudbeen Degmooyinka Abu Najaym, Zamzam iyo Jaref.
Sidoo kale, Degmadda Sirte oo dhacda Bariga Libya, ayaa waxaa si rasmi ah uga taliya maleeshiyaadka Daacish muddo hal sano ah, kuwaasi oo isku sii ballaarineysa deegaanada Bin Jawaad ilaa Bariga.
Docda kale, Kooxda Daacish ayaa isku dayeysa in Xarumo ay ku yeellato Dalka Somalia, waxaana horey ay hogaanka Al Shabaab ugu baaqeen in ay ku soo biiraan Ururkooda.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Heshiiska DFS iyo Puntland oo si rasmi ah loo...

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online) - Waxaa goordhow si rasmi ah loo kala saxiixday qodobadii ay ku heshiiyeen Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamulka Puntland, kaasi oo ka dhacay aqalka maamulka looga arrimiyo ee magaalada Garoowe.
Dadaalka Heshiiskaani ayaa qaatay ilaa Laba asbuuc iyo bar,waxa uuna saxiixaani imaanayaa iyadoo maanta Puntland ay diiday inay Heshiiska la saxiixo sababo la xiriira War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xassan oo ahaa mid shaki galiyay maamulka Puntland, inkastoo Puntland laga qanciyay War-saxaafadeedkaasi.
Madasha Caawa lagu kala saxiixday Heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga magaalada Garoowe.
Heshiiska ay isku fahmeen Wafdiga Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland, ayaa waxaa u kala saxiixay Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali oo matalaayay DFS, halka Puntland uu heshiiskaasi u saxiixay Madaxweynaha maamulka C/wali Gaas. Labada ninba waa reer Puntland.Dhanka Beesha Caalamka waxaa Heshiiska marqaati ka ahaa Diblumaasiyiinta kala ah:-
Ergayga Qaramada Midoobey ee Somalia, Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Wakiilka IGAD ee Somalia, Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia.
Heshiiskan ayaa ka kooban qodobo badan, hoos ka aqrisoCaasimada Online
Xafiiska GarooweCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sawirro Cadeyn ah: Gen. Gebra oo kamid ahaa ragga...

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa miisaan culus ku dhex leh qaska iyo Duruufaha Siyaasadeed ee iminka ka taagan guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolada.
Waxaa la rumeysan yahay in Heshiiska mudada dheer ay ka biyo diidaneyd Puntland ee iminka suuragalay in la saxiixo ay sabab u aheyd Dowlada Ethiopia oo kaalin ku laheyd xariiqa Qodobada qaar oo ay la imaaday Puntland.
Puntland ayaa kalsooni buuxda siisay Ethiopia oo ay ka hesho naas-nuujin mid Siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba, waxaana iminka halkaani idinkugu heynaa Sawir qaab qarsoodi ah aan uga qaadnay Gen. Gebra oo maalmo un ka hor gaaray magaalada Garoowe kana mid ahaa Ragga wax kasoo xariiqay Qodobada la kala saxiixday.
Gen. Gebra waxa uu magaalada Garoowe uga horeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, isaga oo Ethiopia ay u xilsaartay kala fududeynta danaha guud ee DF, Puntland iyo in Ethiopia ay macaash Siyaasadeed ku dhex leedahay Siyaasada Somalia.
Gen. Gebra waxa uu diidanaa in laga qaado Sawirada laga qaadaayo Madaxda kale, balse waxaa si qarsoodi ah u suuragashay inaan Sawir qaab hoose uga qaadno Gebra oo ku guda jira Howlihii ay Ethiopia u wakiilatay oo ahaa qaska iyo sii kala fogeynta Soomaalida.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA LAGA SOO QAADAY
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Guuleed oo weerar afka ah ku qaaday Ethiopia

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si adag uga hadlay Dagaalo cirib tir ah oo mudooyinkaani danbe ay wadaan Ciidamada Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Guuleed waxa uu sheegay in Ciidamada Somali-Ethiopia-da ay wadaan qorsho dagaal oo ay ku maja-xaabinayaan dadka kasoo jeeda deegaanka Kaxandhaale oo ka tirsan Mudug, islamarkaana dhacda xadka ay wadaagaan maamulka Galmudug iyo Dowlad Degaanka Ismaamulka Soomaalida.
Guuleed waxa uu sheegay in inbadan ay ka gaabsadeen xasuuqa ay Ciidamada kawadaan deegaanadaasi, waxa uuna ku goodiyay in wixii intaa ka danbeeya ay qaadi doonaan talaabo waliba oo ay ku badbaadinayaan shacabka deegaankaasi ku dhaqan iyaga oo adeegsanaaya awoodooda.
Waxa uu sheegay in Galmudug aysan diyaar u aheyn dagaal iyo colaad, balse Ciidamada Dowlad deegaanka ay mar waliba dhaqan ka dhigteen xasuuqa shacabka, taasina aysan u dulqaadan doonin.
Waxa uu sidoo kale, sheegay in Degaanka Kaxandhaale ay kusoo laalaabatay dilalka gurcan oo Ciidamadaasi ka geysanayaan, taasina ay dareen ku abuurtay maamulka Galmudug, hayeeshee haddii aan wax laga qaban ayuu yiri ay ka bixin doonaan jawaab degdeg ah.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Ra'isul wasaaraha dalka ayay mas'uuliyad ka saaran tahay in Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ay kala hadlaan Dagaalada lagu ciribtiraayo Soomaalida reer guuraaga ah ee ku dhaqan Degaanka Kaxandhaale.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xog: Saraakiil Ethiopian ah oo tagaya Puntland

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan laamaha amaanka maamulka Puntland ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay wado qorsho ay magaalada Garoowe ugu soo direyso tirro Saraakiil ah.
Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay oo ka tirsan Saraakiisha laamaha amaanka maamulka, ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn Dowlada Ethiopia uu yahay inay waxbadan ka ogaato Maxaabiista lagu qabtay Dagaalkii u dhexeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka dhacay deegaano hoostaga Nugaal.
Saraakiisha ay Dowlada Ehiopia usoo dirsan doonto Puntland ayaa waxaa la sheegayaa inay doonayaan in maxaabiista la qabtay ay ka dhex baadi-goobaan tirro Horjoogayaal iyo maleeshiyaad iyaga u diiwaan gishan kuwaasi oo ay hayaan magacyadooda iyo Sawirro siyaabo kala duwan looga qaaday.
Saraakiisha ayaa sidoo kale la tilmaamayaa inay isugu jiri doonaan Booliska iyo Sirdoonka hay'adaha Ethiopia, iyaga oo maxaabiista ka dhex raadin-doona kuwa Liiska ugu qoran oo la rumeysan yahay inay dhibaato badan u maleegen Somalia iyo Ethiopia.
Si rasmi ah looma oga qorshaha xigi doona raadintooda, inkastoo aan jirin cid waxyeelo gaar ah ay u geysanayaan.Caasimada Online
Magaalada GarooweCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maqaamka gaarka ah ee magaalada MUQDISHO

$
0
0

Sida la ogsoon yahay, Muqdisho oo ah magaalo qaadiim ah, waa caasimada Jumhuuriyadda Soomaaliya. Taariikh ahaan magaalada lama oga faca ay jirto laakinse dadka taariikhda yaqaan waxay sheegaan inay ahaan jirtay magaalo xudun u ah ganacsiga oo badanaaba ka imaan jiray wadamada ay qoyso badweynta hindiya sida Carabta iyo Pershiyanka kuwaas muddo hore oo degay xeebaha gobolka Benaadir.
Kalimada Banadir waxay asal ahaan ka soo jeeda luqada ay ku hadlan umadda Persian ka ah ee Bandar taasoo macnaheedu yahay marso ama deked ayadoo loola jeeday magaalooyin marseedka gobolka benadir ee Somalia ee Muqdisho, Marko iyo Baraawe. Magaca Muqdisho isagana waxaa lagu fasira "maqcadu Shaah" xarunta shaaha Persia.
Magaalada waxaa ku dhaqana dad hodon ah waxaana ka socday waagaas ganacsi xoog leh waxaana qarnigii 13aad booqasho ku yimid bad-mareenka Carbeed ee dalka Moroco u dhashay ee Mohamed Ibnu Batuuta iyo Vasco de Gama oo ahaa Badmareen bortuqiis ah oo isna yimid qarnigii 15aad.
Muqdisho waxaa sannadku markuu ahaa 1430 soo booqday safiir ka socday boqortooyada markaas ka talineysa dalka Shiinaha ee ku abtirsan jiray dhaxaltooyada Ming Dynasty ayadoo Shiinuhu ka jawaabayeen booqasho hore ay Muqdisho ugu dirtay dalka Shiinaha sannadku markuu 1416.
Caasimada waxaa isu soo bedelay xukuumado kala duwan min sannadka 370 ee miiladiga sida (XIMYIR, ISLAAM, HALAWAAN, SHIRAAZI, FAKHRUDIIN, BURTUQIIS, MUDAAR, CUMAAN, MUSTACMARDO TALYAANI IYO INGIRIIS iyo nidaankii wisaayada ee Talyaaniga ee AFIS.
Somalia markii ay xoiyadda gaartay 1960, caasimada Somalia waxay maamulayay Duqa magaalada oo kaashanayay Gole Deegaan oo la oran jiray (Consiglio Municpale ama City Coucnil).
Gobolka Benadir wuxuu ka koobna 8 degmo waxana xukumyay Guddoomiyaha Gobolka (Governor of Benadir Region) ayadoo Degmada Muqdisho uu xukumayay (Commissario Distrettuale).
Nidaamka kacaanka ee 1969 ilaa 1990 ayaa hal meel isugu geeyay hoggaanka caasimada oo Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka oo mid qur ah ka dhigay.
Waqtiga dawlad la'aanta min 1991 ilaa 2000 muqdisho waxaa la gaarsiiay heerkii ugu xumaa inti ay soo jirtay ayadoo la burburiyay dhamaan daarihii iyo guryaha sida quruxda badan u dhisan lana tirtiray oo gacta la mariyay dhamaan dhulkii ay yiiliin wixii taariikh ee soo jireenka ahaa ee yiilay caasimada oo maanta noqon lahaa dhaxal-qaran "National heritage".
Dagaal-ogayaashu waa u suuroobi weysay inay xitaa dhisaan maamul ka shaqeeya bilic soo celinta magaalda oo loo casilay heer tuulo ka hoose ayadoo faras magaalaha Muqdisho uu noqday keyn duur waraabaha soo galo.
Waxaa la mooda in hadda waqtigaas la soo dhaafay ayadoo muddo la hadal haya in caasimada loo yeelo maqaam gaar ah sida ay mar dambe ku hanan lahayd magaca caasimada oo looga gudbin lahaa goof reer leeyahay.
Abuurista maqaamka cusub ee Muqdisho waxaa marka hore ugu horreysay in la abuuro gole deegaan oo ka dhex muuqan karaan dad si ramzi ah uga wakiil dadka Soomaalida ee degena Muqdisho isla makaana ku lahaa dano dhaqaale oo isugu jira hanti ma guurto iyo mid kale oo caasimada loo yiqiin wixii burburka ka horreyay.
Inta laga gaarayo waqtiga in golahaasu doortaan Duqa Magaalada Muqdisho lana joojiyo magaacibista ay dawladdu soo magacaabeyso dawladaas oo iyadaba ku timid dadka la soo soocay oo aan la soo dooran ayadoo dadka soo soocay laftooda aaney jirin cid ay dhaqan ahaan iyo si kale uga wakiil yihiin.
Xoriyada markii Soomaaliya ay gaartay waxaa Duqa Magaalada Muqdisho ahaa Ahmed Muude Hussein waxaana kaalmo u ahaa gole deegaan oo magac iyo maamuus ku leh shacabka dhexdiisa.
Fiiri sawirka hoose. Waxaa ka muuqada Mudane Ahmed Muude Hussein (dhexda) oo ay weheliyaan awooway Haji Mohamed Ossoble "Walayo" qofka geeska xiga ee bidix, Haji Muridi iyo Mr. Martini.
Waa waqti ay booqasho ku marayeen dalka Shiinaha qiyaas 1962 ayagoo marti u ah dawladda hoose ee Magaalada Beijing, Jumhuuriyadda Shiinaha Dadka. Sawirka waxa lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee Bejing kan kalena waxaa lagu qaaday kaawad ama "bridge" webiga Yan Tse-Yeng ee dalka Shiinaha.
Awowahey Alle ha u naxariisto. Laakinse Xaji Ahmed Muude iyo Xaaji Muridi nolol ayaan ku ogaa waxaanse ogenin meel uu ku dambeeyay Mr. Martini. Inta ka nool iyo inta dhimatay Ilaah ha u wada naxariisto.W/Q: Cabdulqaadir Walaayo
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ka macaash SHACAB: Sidee loo qaadaa, yaase qeybsada...

$
0
0

Muqdisho (CaasimadaOnline) - Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa degmooyinka Gobolka Banaadir ka wada olole lagu uruurinayo markii ugu horeysay canshuurta Guryaha la degan yahay, waxaana mudooyinkii danbe la arkayay ciidamada ilaalada degaanka ee Minishiibiyada oo hubeysan, ciidamo kale iyo guddiyada degmooyinka oo wareegaya xaafadaha degmooyinka isla markaana ururinaya dadka aan bixin canshuurta.
Degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley ayay ka dhacday in dadweyne u badan haween oo guryaha loogu tegay la isugu keeno goobo barxad ah oo loo sheego in la xirayo haddii aanay lacagta canshuurta ah bixin, waxaana dadka qaarkood laga qaaday ganaax iyo canshuur wada jira.
Ma cadda qaabka loo qaadayo canshuurta Guryaha oo bilaabtay intii uu guddoomiyaha ahaa Xasan Muungaab, mana jiro warbixin dadka laga siiyay qaabka canshuurta loo dalacayo, tariifada loo gooyay noocyada guryaha kala duwan iyo cidda qaadeysa.
Degmooyinka qaarkood waxaa guryaha caadiga ah ee dhagaxa lagu dalacay lacag Shilin Soomaali ah oo u dhaxeysa 500,000 ilaa 800,0000 halka degmooyinka qaarkood laga qaadayo ilaa 1600,0000.
Xogta ayaa sheegeysa in shirkad gaar loo leeyahay ay la wareegtay qaadista canshuurta guryaha, iyadoo 49% qaadaneysa lacagta canshuurta, waxaana canshuur qaadista bannaanka ka taagan waaxda dowlada hoose ee arrintan qaabilsaneyd.
Shirkadda INTIFAAC ee canshuur ururinta wada ayaa heshiiska lala galay uu yahay mid qarsoodi ay, waxayna ka mid tahay shirkado fara badan oo loo gacan geliyay dakhliga soo gala dowladda iyadoo hay'adihii dowladeed ee u xil saarnaa laga qaatay, lama oga waxa ay ku qaadaneyso lacagta intaas la eg oo aan ka ahayn inay soo daabacdo waraaqaha lacag qabashada.
Canshuurta qaadista guryaha waxaa la socda Aqoonsi ama ID Card loo sameynayo dadka Guryaha leh oo markii hore ka mid ahaa kharashka canshuurta, balse degmooyinka ay lacag kale ka dhigeen iyagoo $12 dusha ka saaray dadka guryaha leh, taasoo ka baxsan canshuurta, waxaana arritan lagu sheegay khidmo ay qaadaneyso degmada.Caasimada Online
Magaalada MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso Cabdi Weli Gaas: Xasan Sheekh waxa uu si...

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online) - Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya inuu ka hor degay heshiiska Puntland iyo xukuumadda Soomaaliya gaareen oo uu doonayay inuu si ula kac ah u fashiliyo heshiiska.
Gaas ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in tallaabada uu qaaday ay ahayd tan Soomaaliya maanta dhigtay halka ay taallo oo saddex sano iyo bar laga hadlayo halkii looga bixi lahaa, wuxuuna muujiyay inuus si weyn uga xun yahay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya, oo uu ku macneeyey mid uu doonayey inuu heshiiska ku fashiliyo.
Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweyne Gaas “Aniga & Puntland-ba 4.5 maanan...

$
0
0

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali gaas ayaa si cad u sheegay ineysan saxiixan hishiiska 4.5 oo kaliya balse ay saxiixeen hishiis dhigaya inaan markale dalka Soomaaliya lagu soo celin nidaamkaasi.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in hishiiskii lagu kala saxiixay magaalada Garowe ay goobjoog ka ahaayeen beesha caalamka, isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyay wasirika arimaha dibada Ethiopia.
Lama yaqaan waxyaabaha keenay in xubnaha beesha caalamka ee ku sugnaa shirka ka sokow inuu si gaar ah ugu mahad celiyo Tedros Adhanam, balse wuxuu sheegay Gaas inuu door weyn ciyaaray Tedros.
Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkii magaalada Garowe uu leeyahay dad damaanad qaadaya haddii 2020 dib loosoo celiyaa nidaamka 4.5, wuxuuna kala jeeday Cumar C/rashiid iyo beesha caalamka.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in nidaamka 4.5 lagu badalayo sanadka 2020 doorashada dhaceyso cod iyo qof, sida hishiiska uu dhigayo.
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2016/04/4.5aaa.mp3
Caasimada OnlineXafiiska PuntlandCaasimada@live.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Heshiiska DF & Puntland oo shaki ka dhex dhaliyay...

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online)-Iyadoo DFS iyo Maamulka Puntland ay si wada jir ah u kala saxiixdeen qodobo dhowr ah oo loo arkay in looga gudbikaro khilaafka ka dhashay 4.5 iyo nidaamka hab Deegaan, ayaa waxaa soo baxaaya kala aragti duwanaan ka dhex taagan maamulka iyo Siyaasiyiinta.
Heshiiskaasi ayaa waxaa wali dhaliil ka qaba Siyaasiyiinta maamulka Puntland oo iyagu sheegay in musiibo ay tahay in laga weecdo go'aanka shacabka Puntland ee ahaa mid ka dhashay aftida laga qaaday.
Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in C/wali Gaas iyo Maamulkiisa ay si cad uga talaabaan wixii ahaa rabitaanka shacabka Puntland, waxa uuna sheegay in meesha laga saaray kalsoonida.
Cali Xaaji, waxa uu sheegay in maamulka hadda jira uu ku dheelay kalsoonida islamarkaana ay mudan tahay in wax laga weydiiyo sababta ay u qaaten 4.5.
Waxa uu tilmaamay in asalba ujeedka laga lahaa aftida Shacabka ay aheyd in lagu wado maro, balse aysan u muuqan mid lagu adeecaayo rabitaanka shacabka.
Dhanka kale, Cali Xaaji waxa uu carabaabay in qodobada lagu heshiiyay ay ka wanaagsaneyd in la raali galiyo shacabka Puntland, balse ay u muuqato in dano gaar ah la hirgalinaayay.
Haddalka Cali Xaaji, ayaa imaanaaya iyadoo Madxaweyne Xassan Sheekh uu sheegay in qodobada lagu heshiiyay aysan noqon doonin mid rasmi ah balse looga doodi doono kulamo kale oo dhici doona.Caasimada Online