Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Raysal wasaare Cumar oo ka hadlay muranka Badda ee u...

0
0

Garowe-(RBC Radio)-Raysalwasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dacwada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ee ka socoday Magaalada Hayg.
Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ugu horayn u mahad celiyey qareenada iyo khubaradda dowladda Soomaaliya u matalaya dooda ku saabsan muranka badda ee u dhaxayso Soomaaliya iyo Kenya oo ka soconaysa Maxkamada Cadaalada aduunka ee ICJ.
Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in heshiiskii ay dowladda Kenya wada galeen sanadkii 2009- uusan la xariirin wax ku saabsan xuduudda badda labada dal.
Raysal wasaaraha dowladda xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bilowday arimaha xuduudaynta sanadkii 2005-tii xiligaas oo aysan dowlad la ahayn Soomaaliya islamarkaana ay marin habaabisay heshiiska labada dal dhex maray.
Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidookale sheegay in arintaan ay la xariirto siyaasad la doonayo in sumcadiida lagu waxyeeleeyo maadaama uu kamid yahay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya 2016 waxaana uu ku eedeeyey siyaasiyiin leh dano doorasho inay siyaasadaynayaan arinta heshiiska labada dal .
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in taako kamid ah dhulka Soomaaliya ay cid kale qaadato waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku meel uga soo wada jeestaan.Halkaan ka dhegeyso shirka jiraa,id ee Raysal wasaaraha.http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2016/09/Raysal-wasaaraha-Soomaaliya-Cumar-Cabdirashiid-22-09-2016.mp3____RCB Radio


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif...

0
0

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynihii hore ee Dowladdii ku meel gaarka aheyd Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta gaaray magaalladda Muqdisho, waxaana si balaaran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cade.
Diyaarad khaas ah ayaa, Sheikh Shariif Sheikh Axmed ka soo qaaday magaalladda Nairobi, waxaana maanta Duhurkii ay ka soo dajisay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cade.
Mas'uuliyiin, Siyaasiyiin, Oadayaal, Haween iyo Dhalinyaro ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta balaaran ee magaalladda Muqdisho loogu sameeyay Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa magaalladda Muqdisho yimid, xilli Warbaahinta laga mamnuucay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, mana jirin maanta Wariye joogay soo dhaweyntiisa.
Doorashaddii dhacday 2012-kii ayaa looga guulaystay Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxaana la sheegay inuu dalka isaga maqnaa 4-tii sano ee uu xilka hayay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.
Sikastaba ha ahaatee, Ciidamadda Miwdoga Africa ee Nabad-ilaalinta u jooga Muqdisho ee AMISOM iyo Ciidamo gaar ah ayaa la sheegay iney ilaalin doonaan Musharax Sheikh Shariif Sheikh Axmed.RBC Radio

Labada Manchester oo markale kulmaya

0
0

Labada Manchester ee United iyo City ayaa isku arki doona garoonka Old Trafford iyaga oo ay dhex mari doonto ciyaar ka tirsan wareega afraad ee koobka EFL ama League Cup.

Garoonka Muqdisho oo laga mamnuucay kaameero aan ruqsad loo haysanin

0
0

Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku mamnuuceen in weriyayaasha aan loo ogolaan doonin inay gudaha u galaan gagida diyaarayaha ee Aaadan Cadde ee magaalada Muqdisho, haddii aanay ruqso soo qaadan.

Qarax weyn oo goor-dhow laga maqlay degaanka...

0
0

Muqdisho-(SONNA)-Wararka naga soo gaaraya degaanka Tooratooroow oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi goor dhow laga maqlay Qarax aad u weyn. Dadka Degaankaas ku nool ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay iney maqleed Qarax aad u xooggan oo laga maqlay Degaanka Tooratooroow iyo hareerahiisa. Weli lama oga waxa uu yahay [...]

Qaraamada Midoobay oo dib u bilaabaysa Gargaarkii...

0
0

New-Yourk(SONNA)- Iyadoo dhawaan Qaraamada Midoobay ay hakisay gargaarkii Suuriya siin jirtay ,kadib markii duqeyn cirka ah loo geystay Colonyo Gaadiid gargaar Cunto iyo Dawo u siday magaalada Halab, ayaa war maanta ka soo baxay Xarunta Qaraamada Midoobay lagu sheegay inay iminka diyaar u tahay mar kale inay i dib u bilawdo gargaarkaasi.. Warkaasi ayaa lagu [...]

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

0
0

Baydhabo-(SONNA)-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Aaden (Jawaari) ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,halkaasoo si diirran loogu soo dhoweeyay. Waxaa si weyn loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Baydhabo, waxaanu Guddoomiyuhu kulammo ku aadan u diyaargarowga doorashooyinka la qaadanayaa, madaxda Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Ururrda Bulshada iyo Siyaasiyiin. Afhayeenka Baarlamanka, ayaa [...]

Xubno ka mid ah Boliiska Kenya oo lagu waayay weerar...

0
0

Wajeer-Kenya-(SONNA)-Afar ka mid ah Booliska Magaalada Wajeer, ee Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa la waayay , Laba Sarkaalna waa lagu dhaawacay, markii Dableey ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhigga Hamey, ee Magaalada Wajeer. Malleeshida Al-Shabaab ayaa sidoo kale halkaasi ka qaadatay Hub iyo Direys Ciidan, iyagoo horay u kaxaystay Gaari Land Cruiser-ka ah, sida ay [...]


Madaxweynha Nigeeriya oo codsi yaab leh u jeediyay...

0
0

Abuja(SONNA)- Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa weydiistay Qaraamada Midoobay in ay wada hadallo la gasho Kooxda Boko Haram, si loo dhameeyo "ayuu yiri "dagaalka mudada Todobada Sano ah ka socoday dalka Nigeriya , isla markaana loo siidaayo 200 ee Gabdho iskuulka ahaa oo ay kooxdaasi qafalatay. Balse wuxuu Madxweynuhu muujiyay inay adagtahay jihada [...]

UK ayaa kordhinaysa gargaarka ay siiso Yemen oo noqonaya £100 milyan

0
0

UK ayaa kordhinaysa gargaarka bini'aadanimo ee ay siiso Yemen, si ay u caawiso malaayiin qof oo ay saamaysay dagaalka ka socda, ayay sheegtay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga Priti Patel.

Dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo...

0
0

Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeynayaa dhagaysigii doodda ku saabsan muranka-badeedka u dhaxeeyay Qareenada Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dhageysiga Dawcadda ayaa socotay illaa iyo Isniintii la soo dhaafay, taasoo dhexmaraysay Qareennada u kala doodayay Waddamada Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan muranka dhinaca badda ah ee labada waddan ay isku haystaan. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ayaa dhagaysaneysay doodaha oo ay Soomaalidu dacwad u gudbisay, taaasoo ay ku dooneyso in maxkamaddu ay qaaddo dacwadda ku saabsan xadeynta xuduudda badda ee labada Dal ay ku muransan yihiin. Qareennada Dawladda Soomaaliya ayaa maanta jeedinaya dooddii ugu dambeysay ee dacwadda la xariirta Murun-badeedka ay isku hayeen iyaga iyo Dawladda Kenya. Dawladda Kenya ayaa weli ku adkeysaneysaa in Maxakamaddu aaneey qaadi karin Dacwaddaan, iyadoo ku andacoonaysa in maadaama ay Soomaaliya horey ula saxiixatay Kenya heshiis is-afgarad ah loo baahan yahay in labada dhinac ay iyagu is xaliyaan, balse mar walba waxaa ka biyo-diida dhanka Soomaalida.

Meydka Askar Kenyaan Ah Oo Al Shabaab Si Xun Ugu...

0
0

Warbaahinta Qaarkood ayaa soo xiganaya Dad deegaanka ah oo xaqiijinaya in Meydadka Askar Kenyaan ah lagu Arkay Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Al Shabaab ayaa waxay shalay weerar ku qaadeen Deegaanka Hamey Ee Wuqooyi Bari Kenya Saldhig Booliska Kenya ku lahaayeen oo la rumeysan yahay in Ciidan Nolosha ku wateen.
Meydka Labo Askari oo Booliska Kenya katirsanaa ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Jilib iyo Gaari Booliska Kenya lahaayeen oo Shabaabku soo wateen.
Goob Joogayaal ayaa laga soo xigtay oo magacooda iyo Codkooda in la adeegsado ka baqday oo kusugan Magaalada Jilib Ee Gobolka Jubada Dhexe oo Al Shabaab kusugan yihiin

DHAGEYSO:-Salaad Cali Jeelle Oo Si An Caadi Aheyn...

0
0

Dalka soomaaliya ayaa haatan waxa uu cagta saaray ololihii Doorashada oo Murashaxiintu ay sameenayaan wax kasta oo ay ku heli karaan Xilka Madaxtinimada.
Dhowr Murashax ayaa isa soo mutaxay oo midkastaba uu quudareenayaa Xilka sidii uu uga awood roonaan lahaa.
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inuu la yaabay Murashaxiin Xilka u adeegsanaya Caburin murashaxiin kale taasina ay tahay mid aan amaradooda dhaqan geli doonin.
Salaad waxa uu sheegay in Murashaxiintu xilligaan Siman yihiin oo mid ka awood badan midka kale uusan jirin sida uu hadalka udhigay Amarada iska soo daba dhacayana ku sheegay mid aan dhaqan geli dooninHALKAAN HOOSE KA DHAGEYSOhttp://www.warqaad.org/wp-content/uploads/2016/09/cod-11-siyaasi-.mp3

Kenya maxay Ku diiddey in lagu kala baxo maxakamadda...

0
0

Dhegeysiga dacwadda Hague ka socota ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysaa labo mid uun bay noqon: in sida Kenya rabto ay noqoto Oo maxakamaddu laasho kiiska Oo ay soo jeediso in ay bannaanka Ku dhamaystaan ama in ay sida Soomaaliya codsatay yeesho maxakamaddu Oo ay aqbasho dabadeedna go'aan ka gaarto.
Haddaba haddii maxamaddu dacwadda aqbasho Oo go'aan ka gaarto labo midkood weeye:
1.in labada dal mid ka mid ah loo wada xukumo
2.ama in labada dal loo qaybsho
Haddaba haddii ay saas wax u dhacaan, kenya haddii badda loo wada xukumo ama qayb ahaan la siiyo mar kasta faa,iido bay qabtaa Oo dhul aysan lahayn bay heshay. Haddii sida xaqu yahay Soomaaliya loo xukumo, waxba ma lumineyso Oo awalba boob iyo dhac bay waddey.
Haddaba sida aan aragno haddii aanu wax khasaaro ah ka soo gaarayn kenya xukunka maxakamadda (verdict), maxay Kenya kalsooni ugu qabiweyday Maxakamadda Oo ay u dooneysaa in bannaanka lagu Kala boxo?
Jawaabta weyddiintan iyada Oo kooban oo cad Oo aan mugdi jirin waxay tahay: Kenya waxay kalsooni 100% ah Ku qabtaa in ay ciiddaas ka badan yihiin siyaasiinta Soomaalida ah ee diyaarka u ah in ay Kenya kaga beddeshaan shilmaan ama dano kale Oo shikhsi ah sida kuwa saxiixay waraaqda Kenya ay cuskanayso hadda taas (MOU) oo ah Waxa kaliya ee ay Ku doodeyso. Si kale haddii aan u dhigno, kalsoonida 100% ah ee Kenya ay siyaasiinta soomaalida Ku qabto Kuma qabto ICJ Oo sababta Oo ah iyada gacanteeda Kuma jirto maxakamadda caddaalladda adduunka.
Aqoonta iyo waayo-aragnimada Kenya u leedahay siyaasiinta soomalida baa waxay Ku dhalisay Kenya in ay Ku dhiirrato in ay Ku dooddo bannaanka baa annaga noo roon Oo aan dhulkooda kula wereegi karnaa.Qore: Saeed AbdiaziziE-Mail: Abdullahi8881@gmail.comMinneapolis, Minnesota USA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka digay Kacdoon dowladda...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Sida ay baahisay Warbaahinta Afka Dowladda Federaalka ku hadasha Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jirta.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in Dalka uu ka dhaco Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira si la mid Kacdoonkii lagu riday Dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii.
"Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah,hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo,marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino,waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday"ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha hadalkiisu ayaa imanaya xilli Shalay Shacab fara badan oo taageersan Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG , Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay isku soo bax soo dhaeweyn ah ugu sameeyeen Muqdisho Mudane Shariif.
Sidoo kale dadweyne intaas ka sii badan ayaa la filayaa in ay soo dhaweeyaan Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Kenya oo billowday Howlgallo ay ku baadi goobeyso...

0
0

Nairobi ( Sh. M. Network)-Booliska Dalka Kenya ayaa bilbaabay howlgallo ballaaran oo u jeedkiisu lagu sheegay soo qabashada ku dhawaad 50 Ruux oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Booliska Kenya, Janaraal Yuusuf Boinnet ayaa shaaca ka qaaday in Dagaal yahanadaasi ka tirsan Al Shabaab ay Shalay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Boolis oo ku yaalla Degaanka Haameey ee Magaalada Gaarisa
Dagaal yahanadan ka tirsan Al Shabaab ee la doon doonayo ayaa Weerarkii Shalay waxey soo qafaasheen Askar iyo Gaadiid Boolis, waxaana Booliska Kenya ay doonayaan in ay dib u furteen Askartii laga qabsaday.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxuu qeexay in Weerarkaasi Al Shabaab ay sidoo kale ku qabsadeen hub iyo darees ciidan oo yaalay Saldhiga Booliska ee la weeraray.
Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dalka Kenya ayaa la soo dhoobay Xadka kala qeybiyay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si ay gacanta ku soo dhigeen Xubno ka tirsan Al Shabaab.
Sikastaba, Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro dhowr ah ku qaaday Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Dalka Kenya, iyadoona weeraradii ugu dambeeyay lagu beegsaday Xarumaha Dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Dalkaasi Kenya

Madaxweynaha oo ka digay in shacabka la kiciyo

0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata, wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jirta. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in Dalka uu ka dhaco Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira si la mid Kacdoonkii lagu riday Dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii. "Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah,hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo,marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino,waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday"ayuu yiri Madaxweyne Xasan. Madaxweynaha hadalkiisu ayaa imanaya Xilli Dalku ku jiro kala guur oo ay ka dhici doonaan Doorashooyin iskugu jira mid Baarlamaan iyo mid Madaxweyne Bisha Oktoober ee sanadkan 2016-ka.

Aqoon Intee La Eg Ayaad u Leedahay Jasiiradaha...

0
0

Jasiiradda Lake Titicaca, Waa jasiirad gacanta lagu sameeyay oo ku taalla koonfurta Maraykanka.
Jasiiradan waxa asaasay qabiilada Yoros sababta ay u sameyeen ayaa ah iyagoo doonayay inay ka fogaadaan qabiilooyinka kale isla markaan ay helaan dhul ay iskood u degaan oo ay ugu noolaadan
Dalka Japan gobolka Nagasaki waxa iyana ku taalla Jasiirad lagu magacaaboA Hashima Island taasi oo ka mid ah 505 jasiiradoodA oo aanay dad degenay, laakiin guryo gaboobay ku wada yaallaan. Dhisme ahaan waxay u eegathay sida doonida waxaana iyada lagu magacaabaa Doonida dagaalka.

DHAGEYSO: C.C.C Oo Magacaabay Guddi Cusub Oo La Yaab...

0
0

RaaEU(tm)isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa mar kale ka hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan Somalia.
Cumar C/rashiid oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dowlada Somalia ay sameysay Guddi uu sheegay in loogu magacdaray aEUGuddiga QilaafaadkaaEU oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashooyinka.
Sharmaarke waxa uu sheegay in ujeedka loo aasaasay Guddiga uu yahay inay goaEU(tm)aan ka gaaran haddii ay dhacdo khilaaf ka dhashay doorashooyinka.
Sharmaarke waxa uu sheegay in Guddigaasi ay goobjoog ka noqon doonaan meel waliba oo ay ka dhaceyso doorashada waxa uuna tilmaamay inay leeyihiin awood ballaaran.
aEUGuddiga Qilaafaadka ee aan sameynay waxaan ugu tallo galnay inay dhex dhexaad ka noqdaan doorashada waxa ay leeyihiin awood aan faragalin lagu sameyn dooninaEU
aEUWaxa ay xalinayaan haddii uu khilaaf iyo shaki ka dhasho doorashada, haddii ay dhacdo cabasho in lagu kala roonaaday codka waxa ay awood u leeyihiin inay hakiyaan doorashadaaEU
aEUGuddiganai doorashada kadib waxa ay heystaan muddo hal weeg ah oo lasiin doono doorashada kadib, waxa ay mudadaasi kusoo gaari doonaan goaEU(tm)aan la xiriira run ahaanshiyaha codadka lagu kala batay iyo inay jiraan cabashooyin waxaana socon doona amarkoodaaEU
Sidoo kale, RaaEU(tm)isul wasaaraha waxa uu intaa ku daray in u jeedka ugu weyn ee loo magacaabay Guddigan in uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen Qilaaf dhaca xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka Dalka ka dhacaya gaar ahaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
Dhinaca kale, Guddigaani ayaa la sheegay inay u badan yihiin xubno uu Madaxweyne Xassan Sheekh rabitaankiisa ku keenay mana jirto xubno soo xulay Guddigaani qilaafaadka ahhttp://www.warqaad.org/wp-content/uploads/2016/09/Ra_039iisal-wasaaraha-oo-ku-dhawaaqay-in-la-magacaabay-Guddiga-Xalinta-Khilaafaadka-Doorashada.mp3

Madaxwaynaha Myanmar oo soo dhexgalay gabdho yaryar oo tacadiyo loo gaystay

0
0

Madaxwaynaha dalka Myanmar, Htin Kyaw ayaa amray in dawladdu ilaaliso ammaanka labo gabdhood oo yaryar oo la sheegay in la jir dilay oo lagu qasbay in ay shaqeeyaan mushahaar la'aan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live