Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

XOG: Turkiga Iyo Maraykanka Oo Isku Haysta Arin...

$
0
0

Soomaaliya waxay muddo badan kadib kasoo kabaneysaa dhibaatooyin badan oo dhanka ciidanka ah, waxaana hadda la doonayaa in Soomaaliya yeelato ciidan awood leh.
Waxaa hadda dhismaha ciidanka Soomaaliya isku haysta Turkiga iyo Maraykanka oo mid walbo sheegayo in ciidan soo dhisi doono.Maraykanka
Maraykanka wuxuu doonayaa in Soomaaliya u sameeyo ciidan aan badneyn oo Milatari waliba Kumaandoos ah, kuwaasi oo danahiisa ku fushado, islamarkaana tiro ahaan aan laga badin 1000 illaaa 1,500.
Waxa uu rabaa in ciidankaasi la shaqeeyaan ciidankiisa ugaarsiga ku haya Al-shabaab, mar walbana lagu qaadayo diyaaradaha Maraykanka.Turkiga
Dowladda Turkiga waxay dooneysaa in Soomaaliya ay u tababarto ugu yaraan 30 kun oo ciidan Milatari, waliba si gaar ah loo soo tababaro.
Iney siiyaan ciidankaasi, hub badan, Diyaarado dagaal, Taangiyo iyo sidoo kale agab walbo oo ciidan qaran u baahanA yahay.
Turkiga ayaa ciidankaan la doonayo in AMISOM ay kala wareegaan howlgalka islamarkaana ciidankaan ay dalkooda xasilistaan.
Waa labo arrin oo kala fog, balse Maraykanka ayaa aad u diiddan in Soomaaaliya kusoo laabato awoodeedii hore.


AKHRISO:-Sababaha Ay Kenya Ugu Guul-dareysatay...

$
0
0

Jimcihii waxaa Hague lagu soo gabagabeeyay Dooddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya, 4 maalin oo dhageysiga dacwada socotay, doodda Kenya waxaa ay aheyd mid daciif ah oo waxaa ay goobta u tageen oo keliya in maxkamadda ay ku marin habaabiyaan iyo fasiraad been ah oo MOUga ku saabsan, laakin Soomaalida ayaa ka hadal badisay Nairobi, ka xujo badisay, dhulka ku jiiday, waana laga adkaaday dalka Kenya.Hadaba Maxaa keenay in Kenya laga adkaado,?Is Hortaagga Dacwada:
Kenya waxaa xooggeeda isugu geysay in ay maxkamadda ka hor istaagaan furitaanka doodda, Laakin arrinkaas waxaa uu muujinayaa in eedeysanaha lagu yaqaano wax qaris iyo xeer naceyb!
Kenyaanka waxaa ay ku doodayaan in Soomaaliya ay ku jiro xaalad adag oo mid siyaasadeed iyo amni ah, isla markaana aaney habooneen in xiligan la furo dacwad noocaan ah, taasi oo ku tuseysa in ay marmarsiyo u raadinayaan dib u dhigista dacwada!Kenya waa Caddeymo LaaEU(tm)aan:
Kenya ma heyso Caddeymo iyo wax ku saabsan heshiiska ama MOU-ga in uu ka hor imaanayo aadintaanka maxkamadda ICJ, qareennada Kenya waxaa ku guul-dareysteen iney xaqiiqdaas beeniyaan!Beer-Laxawsi :
Kenya waxaa ay Maxkamadda u sheegtay in la fiiriyo nafta ay u hureen xasiloonida Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab, Laakin Mona al-Sharmani oo Soomaaliya mataleysay ayaa maxkamadda ka hor sheegtay in isla tilaabadaas oo kale ay sameeyeen dalal badan oo ay jiraan Uganda, Djibouti iyo A Burundi!Arrinta Wada Hadalka:
Qareen Ingiriis ah oo Kenya u hadlay waxaa uu sheegay in Soomaaliya aaney Kenya u sheegin in dul-qaadka ka dhamaaday oo maxkamadda u soo carartay, Laakin arrintaas waxaa maxkamadda ka shaafiyay qareennada Soomaalida.
Qareenka Soomaaliya u hadlay waxaa uu sheegay in xataa haddii la raaco doodda Kenya oo ah in MOUga uu dhigayo in la wada hadlo ay Soomaaliya sidaa sameysay, oo labada dhinac ay wada hadleen.
Soomaaliya waxaa ay maxkamadda u sheegtay in labada dal horay u wada hadleen, labo kulan oo ka dhacay Nairobi, kulan ay Kenyaan ka baaqsadeen oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho iyo xitaa soo jeedin kulan kale oo Soomaaliya codsatay in uu ka dhaco daka Djabuti kaas oo Kenya aaney ka soo jawaabin!
Sida in aaney maxkamadda intaa ku filneen, aEUoeMOU-ga 2009-kii ma aheyn heshiis lagu heshiiyay in uu noqdo heshiis kama dambeys ahaEU sidaa waxaa ICJ u sheegay qareen kale oo Soomaaliya u hadlay!Dhagarta Kenya:
Soomaaliya waxaa ay ICJ u sheegtay in Kenyaanka ay dhagar wadaan, waayo waxaa maxkamadda la horkeenay caddeymo ku saabsan in Kenya ay baaritaan ka sameysay badda lagu muransan yahay xataa markii ay Soomaaliya maxkamadda ICJ cabasho u dirtay, waxaa kaloo sii jirtay in ay sidaas sameeyeen inta uu wada hadalka socday iyo ka horba.Yasmada Kenya ee Maxkamadda ICJ:
Qareennada Soomaaliya si dhulka ula jaraan Kenyaanka waxaa ay maxkamadda ka hor sheegeen in Kenya ay yaseyso awoodda maxkamadda iyo xataa goaEU(tm)aab gaaristeeda, arrintan waa dharbaaxo qaanuuni ah oo Kenya loo geystay, waaayo hadalka Soomaaliya waxaa uu ka dhigan yahay, Muqdisho waxaa ay isku dhiibtay ICJ, halka Nairobi ay suaEU(tm)aaleyso awooddiina.GoaEU(tm)aanka Maxkamadda ICJ:
Maxkamadda ICJ, waxaa lagu wadaa in ay goaEU(tm)aan gaarto lix bil gudahood oo maanta ka bilaabaneysa, natiijada waxaa ay noqon kartaa in wada hadalka la sii wado ama in maxkamadda ogolaato in dacwada badda horay loo galo oo dacwada la furo, labada arrinba Soomaaliya waa guuleysatay, waayo waxaa hubaal ah in maalin uun maxakmadda ICJ ay qaadi doonto dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.W/Q: Abdi Aziz Gurbiye

DAAWO SAWIRADA:-Arooskii Ugu Yaabka Badnaa Caalamka...

$
0
0

Arooskaani aadka u cajiibka badan ayaa waxa uu ka dhacay dalka Turkiga, kadib markii ay is calmadeen mucaashaqiin kawada tirsanaa beeraaleyda dalkaasi.
Arooska lamaanahaani ayaa waxaa lagu galbiyay dhowr gaari nooca lagu fasho beeraha loona yaqaan Cagaf-cagaf taasi oo lagu muujinaayay in arooska uu yahay mid u dhexeeya beeraaleyda.
Arooska oo ahaa mid galay taariikhda ayaa waxaa ka qeybgalay ku dhawaad 50 gaari nooca beeraha lagu fasho iyadoo mid kamid ah gaadiidkaasi lagu camiray lamaanaha.
Gaadiidka Cagafta ah ayaa waxaa arooska ku wehlinaayay ilaa Seddex gaari oo ay la socdeen dad shacab ah kuwaasi oo duubaayay arooska taariikhiga ah.
Arooska ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ku dhawaad laba kun oo shacab ah kuwaasi oo badi ahaa kuwo daneynaayay maamuuska arooska.

XOG: Xasan Sheekh Oo Qorshe Halis Ah La Damacsan...

$
0
0

Iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho kusoo wajahan yahay RaaEU(tm)iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa waxaa hadane jira qorshe ballaaran oo uu soo maleegayo Xasan Sheekh.
Xasan ayaa la socda taageerada Farmaaaj iyo sida looga diyaar garoobayo in lagu soo dhoweeyo Muqdisho, hase ahaatee wuxuu xilligaan doonayaa in sheekada aaney sidaasi noqon.
Maalinta uu imaan doono Farmaajo waxaa la xiri doonaa waddooyinka gala garoonka Aadan Cadde si aaney shacabka u tagin Garoonka, islamarkaana uysoo dhoweyn Farmaajo.
Xitaa waxaa laga ayaabaa iney noqoto maalin waddooyinka Muqdisho oo dhan la wada xiray, loona ogoleyn wax socod iyo dhaq dhaqaaq shacab ah.
Tani haddii ay dhacdo shacabka ayaa bixin doona Jawaab sida abaabulka iyo xogta hoose aynu ku ogaaneyno.

BIG NEWS:-Soomaaliya oo maanta ka yaabsan doonta...

$
0
0

Wasiirka arimmaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa maanta lagu wadaa inA khudbad uu kaga hadlayo xaalada SoomaaliyaA uu ka jeediyo kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo arrimo badan oo quseeya Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka , la dagaalanka Al-Shabaab , iyo sidoo kale doorashooyinka lagu wado in ay dhawaan ka dhacaan Soomaaliya.
Wasiir Hadliye ooA mataalaya dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wado in uu soo hadal qaado taageerada ay beesha caalamku A siiso Soomaaliya iyo sidoo kale sidii loo kordhin lahaa.
Kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada New York iyadoo ay khudbadaha madaxda caalamka lagu soo qaadayo arrimo badan oo kala duwan.

Arag Sawiro Argagax Leh:-Qofkii 2aad Dabaq iska soo...

$
0
0

Waa dhacdo kale oo laga argagaxo oo shalay jimcihii ka dhacay Dalka Uganda caasimada Kampala kadib markii uu nin dhalinyaro ah iska soo tuuray dabaq aad udheer.
Qeybta Twitterka Ee Dadka Kampala deggan qaarkood ayaa soo dhigay Qoraalo ay kaga hadlayaan Dhacdadaasi uu isku naf gooyey nin lagu magacaabi jiray Sseruwu MosesA oo dhalinyaro ahaa markii uu kasoo booday Dhismaha ganacsi Ee Faibaah Plaza.
A man identified as Sseruwu Moses has attempted suicide by jumping off Faibaah Plaza, a day after a similar incident at Garden City
Waxay tani imaaneysaa bishaan gudaheedii markii 17 jir lagu magacaab jiray Mustapha Lule,uu isna iska soo miidaamiyey Dabaq dheer oo ay deggeneyd Mabirizi Complex,isla Magaalada Kampala.Barely a month after a 17-year-old man, Mustapha Lule, jumped off Mabirizi Complex, in an attempted suicide, another man has followed suit by jumping off Garden City Rooftop, in Kampala. The incident happened yesterday.A He, however, landed on to a vehicle and was severely injured. The Kampala metropolitan police spokesperson, Emirian Kayima, says the man who has been admitted at Mulago hospital, will be prosecuted on charges of attempted suicide.
Afhayeen uhadlay Ciidanka Booliska metropolitan Ee Magaalada Kampala oo lagu magacaabo Emirian Kayima,ayaa sheegay in ninkaasi la dhigay Cusbitaalka Mulago hospital oo dhaawac culus soo gaaray lagu daweenayo.
Dawlada Madaxweyne Uweri Musevani ayaa laga doonayaa inay deg deg wax uga qabato arimahaan soo lab laabtay ee dadka naftooda haligaya.

Xaaladda magaalada Marka oo wali cakiran

$
0
0

Xaaladda magaalada Marka ayaa wali cakiran, inta badan dadkii deganaa waxay ka barakeceen sababo la xiriira dagaalada sokeeye ee ku soo laablaabtay magaalada.

Shil gaari oo geystay qasaaro dhimasho iyo mid...

$
0
0

Muqdisho (SONNA)-Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee duuleedka magaalada Muqdisho. Shilka ayaa yimid ka dib markii Gaari xowli ku socday uu wadada kaleexday kadibna uu jiiray dad maraayay wadada geeskeeda sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ilaa Laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad [...]


Dhacdo aad u fool-xun oo maanta ka dhacday magaalada...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xaafada Waxar-cade adde Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil fool-xun oo uu geystay Aabe Soomaaliyeed.
Aabahaani oo maskaxda looga jiray ayaa dilay canug yar oo uu dhalay, waxa uuna sidoo kale dhaawac halis ah u geystay Hooyada iyo Aabaha isaga dhalay.
Aabahaani dilay canugiisa isla markaana dhaawaca u geystay Hooyada iyo Aabaha dhalay ayaa waxaa lagu soo baraarugay isagoo gacmaha dhiig ku leh oo dhex laafyoonaaya isla Xaafada Waxar-cadde.
Aabahaani ayaa waxa uu sidoo kale isku dayay inuu khaarijiyo laba gabar oo la dhalatay iyo Xaaskiisa oo lugtooda kaga baxsaday kadib markii uu eryaday.
Dadka deegaanka oo ku jahwareeray qabashada Aabahaasi madaxa looga jiray, ayaa markii danbe wargaliyay ciidamada Degmada oo xili danbe lugta ka dhaawacay Aabahaasi, waxa uuna diiday inuu isku dhiibo ciidamada.
Dadka ku dhaqan xaafada Waxar-cade ayaa aad u hadal haya dhacdadaani foosha xun, waxa ayna sheegayaan in Aabahaasi uu damacsanaa inuu geysto khasaare intaa ka badan.
Dhacdada noocaani ah ayaa muddooyinkaani danbe ahaa mid kusoo laalaabaneysay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Gabadh 25 jir ah oo madax ka noqotay magaalada Argungu ee dalka Nigeria

$
0
0

Haweeney 25 jir ah ayaa loo magacaabay madaxa maamul muxali ah oo ku yaalla gobol muslimiintu u badan yihiin oo ku yaala woqooyiga Nigeria.

AKHRISO:- Nabad-doon caanka ah Muqdisho oo Aabihii...

$
0
0

Iyadoo ay socdaan ololaha doorashada ee loogu jiro xildhibaannimada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar xasaasi ah oo ku saabsan xubnihii ugu horeeyay ee aqalka sare.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka mid nabadoonada rasmiga ah ee ka tirsan 135-ta Oday, isla markaana ah Duubka Beesha Wacbuudhan Abgaal ayaa la sheegay inuu ku dhaqaaqay tallaabo uu aabihii uga dhigay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Cali Ugaas Cabdulle oo ah siyaasi iyo Nabadoon hore u soo noqday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir xiligii xukuumadii milateriga oo ah aabaha dhalay Ugaas Maxamuud ayaa la sheegay inuu wiilkiisa ku qortay xilkaasi, iyadoo aan laga wadahadlin, beesha kursigaasi isla lehna aysan wax goaEU(tm)aan ah ka gaarin.
Warar hore u soo baxay oo sheegayay in kursiga Aqalka Sare ee Beesha Wacbuudhan lagu wado in la siiyo Siyaasiga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa raaEU(tm)iisal wasaarihii dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa isa soo tari waayay kadib markii la sheegay inuu ka hor yimid Ugaaska.

Alshabaab oo soo daysay filin muujinaya askari reer Uganda

$
0
0

Alshabaab ayaa soo daysay filin gaaban oo laga arkayo askari ay sheegtay inuu yahay askari reer Uganda oo la qabtay sanad ka hor

Cayaaraha Horyaallada Yurub ee caawa dhacaya

$
0
0

Siddeed cayaarood oo ka tirsan tartanka horyaallada Yurub ayaa caawa dhacaya

Hakad ku Yimid Ganacsiga Suuqa Bakaaraha

$
0
0

Ganacsiga Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha ayaa maanta gelinkii hore hakad galay, ka dib markii suuqa ay xireen ciidamada dowladda Somalia oo howlgallo dhinaca amaanka ah ka sameynayay.

Sharmaarke oo Diiday Go'aanka Guddiga Doorashada

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Cali Sharmaarke ayaa diiday go’aan kasoo baxay guddiga doorashada Soomaaliya oo ku saabsanaa qaabka soo xulista xildhibaanada ka imanaya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.


Fallanqeyn: Dooddii Hillary Clinton iyo Donald Trump

$
0
0

Dooddii ugu horreysey ee dhex marta musharaxiinta Madexweynaha Mareykanka Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa xaley lagu qabtey Jaamacad Hofstra ee gobolka New York.

Falanqayn: Dib u Dhaca Doorashada Soomaaliya

$
0
0

Waxaa soo baxaya aragtiyo kala geddisan oo ku aaddan hadalkii ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ee Soomaaliya, kaasi oo ay dib ugu dhigeen doorashooyinka dadban ee la filayay inay bisha Oktoobar ka qabsoomaan Soomaaliya.

Cumar C/rashiid oo ka biyo diiday go'aankii guddiga doorashada

$
0
0

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Cumar Cabdirashiid uusan ku qanacsanayn go'aanka ay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ku gaareen in doorashada xildhibaannada Hiiraan iyo Sh/dhexe lagu qabto Muqdisho.

Waraysi: Daawo cusub ee qaaxada oo lagu daahfuray Kenya

$
0
0

Dalka Kenya waxaa maanta daaha laga rogay kiniini cusub oo loogu talagalay in caruurta looga daaweeyo cudurka qaaxada ama TB-da.

Daawo: Dood kulul oo dhex martay Trump iyo Clinton

$
0
0

Dood culus ayaa dhex martay musharrixiinta madaxtinnimda Mareykanka, Hillary Clinton iyo Donald Trump oo markii ugu horreysay yeeshay dood si toos ah looga baahinayay telefishinnada.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live