Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo...

0
0


Nairobi (RBC Radio) Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu ammaanay sida xil kastnimada iyo wadani-nimadu ku dheehneyd ee uu u waajahay arrinta muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo ahaa Wasiirkii u gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada "International Court of Justice" Dooda Dowladda Soomaaliya ee laga hor jeediyay todobaadkii hore ee dhegeysiga doodaha labada wadan.
Intii uu hayay xilkaasi Dr. C/raxmaan Beyle ayaa sidoo kale dacwado ka gudbiyay Shirkaddo dhowr ah oo dalal kala duwan ka socday, kuwaasoo heshiis shidaal baaris ah la galay dowladda Kenya, taasoo keentay in inta badan shirkaddahaasi ay shaqada joojiyaan kadib markii Q/midoobay ay u qortay qoraalo digniin ah oo lagu farayo inay shaqadaasi hakiyaan inta laga dhameynayo muranka xuuduud badeedka.
Dr. Afyare A. Cilmi oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacadda Qatar (Qatar University), ayaa bogaadiyay kuna ammaanay dadaalkiisii iyo dhiiranaantii uu ka muujiyay gudbinta Feylka Dacwada Badda ee dooda Soomaaliya kala hor tagtay todobaadkii hore Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ).
"Nasiib wanaag ka hor imaatinkii iyo joojintii Baarlamaankii FKMG ahaa ee xilligii dowladduu uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmad waa ay hakisay mashruuca Kenya, sidoo kalena bilowgii hore ee dowladda Xasan Sheekh waxa ay ka hortimid heshiiskii is fahamka "MOU", waxaana uu qoray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Dr. C/raxmaan Beyle in heshiiska MOU-ga uu yahay mid aan la tixraaci karin, loona cuskan karin dooda Badda" ayuu yiri Proffesor Afyare Cilmi oo ka hadlayay arrinta Badda.
Dadka ku xeel dheer arrimaha sharciga ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligan ku baraarugsantahay khataraha ka imaan kara heshiisyo deg deg lagu saxiixo, si la mid ah shacabka Soomaliyeed waxay iyaguna doonayaan inay helaan dowlad Hanan karta ammaanka Badda, Berriga iyo Hawada si loo illaaliyo Madaxbanaanida, Qaranimada iyo Midnimada dalka.
Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan xuduud dhanka Badweynta Hindia iyo mid dhuleed, waxaana ka dhaxeeya xiriir Diplomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyo badan leh, hayeeshee Kenya ayaa tan iyo sanadkii 1975-tii ku hamineysay gacan ku dhigista barta kheyraadka shidaalka Ceegaago ee Badweynta Hindia ee ay leedahay Soomaaliya.
___
Wariye madax-banaan
Soomane Cabdi Cige
Nairobi, Kenya
E-mail: soomanecige@gmail.com


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la Kulmay...

0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa hoyga uu degan yahay ee magaalada Muqdisho waxa uu kulamo kala duwan kula qaatay qaar kamid ah safiirada dalalka caalamka ee jooga magaalada Muqdisho, iyaga oo isla soo qaaday xaaladaha guud ee dalka iyo sida ugu wanaagsan ee doorashada qaranku ay u dhacayso.
Qunsulka Dowladda Masar u qaabilsan dalka SoomaaliyaTamer Safwat El-Mahdy oo saaka booqasho ku yimid guriga uu ka degan yahay Muqdisho Maxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn dhambaal hambalyo iyo salaan uu ka sido dowladdiisa usoo gudbiyay M/weynihii hore, isaga oo sidoo kalena uga mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey hoyga Maxweyne Shariif.
Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah Masar iyo Soomaaliya, waxaana qunsulku uu faahfaahin ka bixiyay sida dowladdiisa ay uga go'an tahay taageerada ay lagarab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Qunsulka ayaa ku amaanay Maxweynihii hore,Shariif Sheekh Axmed dadaalkii uu ugalay in Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarkii oo ay hesho dowlad rasmi ah, iyo in 45 sano kadib magaalada muqdisho lagu doortey M/weynaha jamhuuriyadda xilkana loogu wareejiyay si nabad ah, iyo sidoo kale dadaaladii balaarnaa ee dhinaca xoreynta dalka iyo soo celinta ammaanka iyo adeeggii dowladeed ee dalka.
Tamer El-Mahdy qunsulka Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Maxweyne Shariif afar sano kadib in uu maanta u taagan yahay tartanka Maxweynaha Soomaaliya oo dhici doona 30ka November ee sanadkan, isaga oo ku booriyay in madaxda soomaalida ay kala shaqeynayaan sidii loo heli lahaa hogaamiye karti leh oo samatabixiya dalka.
Ugu dambeyntii,madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa qunsulka uga mahad celiyay booqashada uu soo booqdey, wuxuuna u balan qaaday in ay dowladda masar oo ah dal soomaaliya saaxiib fog la ah ay kala shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa iskaashi balaaran oo dhexmara labada shacab iyo labada dowladoodba.
__RBC Radio

UN condemns murder of Radio Shabelle journalist

0
0

The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia Michael Keating strongly condemns the murder of the Radio Shabelle journalist Abdiaziz Mohamed Ali in the Somali capital yesterday by two unknown gunmen.
The perpetrators have not yet been identified. A highly regarded reporter and producer, Mr. Ali became the second Somali journalist to meet a violent death this year. A total of 31 Somali journalists have been murdered since August 2012, according to the UNSOM Human Rights and Protection Group.
"Mr. Ali was an inquisitive, experienced and resourceful journalist who regularly covered press conferences offered by the international community in Mogadishu," said Mr. Keating. "His death represents a great loss to the country's journalistic community, and we extend our thoughts and condolences to Mr. Ali's friends and family."
Earlier this month, UNSOM and the Office of the UN High Commissioner for Human Rights issued a report on the right to freedom of expression that described Somalia as "a dangerous operating environment" that has especially affected journalists and media workers. In 2015, Somalia was ranked as the worst country on the Committee to Protect Journalists' Global Impunity Index list, which documents the lack of accountability for crimes against journalists and media workers worldwide.
UNSOM calls on Somali authorities to spare no effort in bringing the perpetrators of this heinous crime to justice.

Xog Yaa ka danbeeyay in xildhibaanada Hiiraan iyo Sh...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa isa soo taraaya wararka laga helaayo qaabka loo xulaayo Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/Dhexe uga mid noqon doona maamulka cusub ee dhismihiisa uu ka socdo magaalada Jowhar.
Wararku waxa ay sheegayaan in sababta ugu weyn ee xulista Xildhibaanada loogu soo wareejiyay magaalada Muqdisho ay tahay kadib markii Wafdiga IGAD ay walaac ka muujiyeen in mudada ay soconeyso xulista ay ku sugnaadan magaalada Jowhar, waxa ayna taasi bedelkeeda dalbadeen in Muqdisho loo soo wareejiyo xulista.
Dalabka ah in xulista loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu lahaa Gen. Gebra oo isaga xubin miisaan leh ka ah Guddiga IGAD u qaabilsan arrimaha shirka Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo labada Gobol.
Gebra ayaa la sheegay inuu codsaday in Xulista loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho si buu yiri IGAD ay ula socto qaabka xulista Xildhibaanada maamulka cusub uu yeelan doono.
Gebra oo sidoo kale dowlada Ethiopia u qaabilsan dhanka xog uruurinta arrimaha Somalia, ayaa cabsi saa'id ah ka muujiyay in mudada xulista uu ku sugnaado magaalada Jowhar, waxa uuna doorbiday magaalada Muqdisho.
Gebra dartii ayuu Guddiga Doorashada dadban ee Somalia u laalay codsiga boqolaal Soomaali ah oo isugu jira Ergo, Siyaasiyiin iyo Xildhibaanada la dooran doona kaasi oo ah in xulista lagu qabto magaalada Jowhar, hayeeshee waxaa gabi ahaan ka fadli badan Gebra oo aan rabitaankiisa aheyn Jowhar.
Guddiga doorashooyinka dadban ayaa ku adkeysanaaya in xulista Xildhibaanada ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Dowlada Somalia ayaa si gaara u qadarisa Gen. Gebra oo tan iyo dowladii KMG aheyd ee Somalia xiligii C/llahi Yuusuf ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu u joogo howlo Sirdoon.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Madaxa Olimbikada Kenya oo lagu eedeeyay xatooyo

0
0

Ninka hogaaminyay kooxda Kenya uga qeyb gashay ciyaarihii olimbikada ee Rio ayaa lagu eedeyay inuu xaday in ka badan 250 kun oo dollar oo loogu talagalay in ciyaartoyda looga bixiyo hoteelada.

Wasiirka amniga ee Galmudug oo ka hadlay weerar saldhig ciidamada

0
0

Maamulka Galmudug waxa uu sheegayaa in xarun ciidamadooda diyaarado weerareen, laguna dilay ilaa 20 askartooda, 16 kalena ay dhaawac yihiin.

Askar ka Tirsan Galmudug oo Duqeyn Lagu Dilay

0
0

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqayn ay gaysteen diyaarado aan haybtooda la garanayn ay xalay ka dhacday bariga gobolkaasi.

Tababarihii xulka qaranka England oo "fadeexad la kulmay"

0
0

Macallimka xulka qaranka ee England ayaa iscasilay kaadib markii lagu eedeeyay isdabamarin.


Madina: Shaqaalaha daabaca Quraanka oo shaqada laga fadhiisanyo.

0
0

In ka badan 1300 oo qof oo ka shaqaynayay madbacadda Quraanka ee Boqor Fahad oo ku taal Madina al-Munawara ayaa lagu wargeliyay in shaqada laga fadhiisinayo.

Daawo: Gabar horumar ka gaartay ganacsiga Teknolojiyada

0
0

Sahro Cabdikarim Ibrahim waa gabadh dhalinyaro ah oo waxbaratay, waxa ay ka hirgalisay magaalooyinka Muqdisho,Hargeysa iyo Baydhabo shirkad dhinaca teknolojiyada ah oo adeegyo casri ah bixisa.

XOG: Galmudug oo ciidamadii ugu badnaa Geysay...

0
0

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu ciidamo cusub u diray degaanada Bariga Mudug ee dhowaan diyaarad Mareykan ah duqeysay.
Ciidamada halkaasi loo diray ayaa wata gaadiidka dagaalka, waxaana aya labadii maalmood ee ugu danbeeay gareen degaanka Jeexdin, ee Bariga Gobolka Mudug.
Dhinaca kale taliyaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayay wararku sheegayaan inuu tegay bariga Mudug, iyadoo aan la ogeyn qorshaha Galmudug.
Degaanka Jeexdin iyo degaanada la xiriira ayaa hore waxaa ugu dagaalamay reer miyi ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana duqeyntii Mareykanka oo lagu eedeeyay Puntland ay sii kordhisay xiisadii labada dhinac.
Magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo weriyay inay ka socdaa bannaanbaxyo iyo kulamo looga soo horjeedo duqeyntii Mareykanka.

Warar horudhac ah oo kasoo baxaaya Qarax lagu...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar horudhac ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax goordhow ka dhacay Afaafka hore Maqaayada Bule Sky ee ku taalla agagaarka Taalada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lala eegtay Maqaaxida xili inta badan dadka ku ganacsada agagaarka Maqaaxida ay u qada doonteen Maqaaxida.
Qaraxa ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah, waxaana xiliga Qaraxa Maqaaxida ku jiray dad farabadan oo u badnaa shaqaale Dowladeed, waxa ayna Maqaaxida ku dhowdaha Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaaya in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa Seddex ruux, sidoo kalane uu dhaawac kasoo gaaray ku dhawaad 9-ruux oo ay ku jiraan shaqaale Dowladeed.
Dadka qaar ayaa sheegaya in geeridu ay ka badan tahay laba Ruux, waxaana iminka kala daadgureynta dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ku howlan gaadiidka Gurmadka qaada ee loo yaqaan Ambalasta.
Waxaa iminka xiran gabi ahaan wadada waxaana halkaasi laga qaadayaa dadkii ay khasaaraha soo gaartay.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay Qaraxa iyo waxyeelada saxda ah.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Ahmed Muumin Seed oo ku adkaystay in uu yahay...

0
0

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Wadani mudane Ahmed Muumin Seed oo isku waday in uu kelidii u tartamo jagada musharraxa M/xigeenka Wadani, ayaa muddaba waxa soo baxayey warar sheegaya in jagadaa lagaga xoog badan yahay, oo uu u tanaasulayo Amb. Mohamed Ali. Hase yeeshee, mar ay saxaafadda madaxa bannaani waraysatay waxa uu hoosta ka xarriiqay in aanu tartanka jagadaasi cidna uga tanaasulay, cidna u xidhnayn ee uu u taagan yahay musharraxa M/xigeenka xisbiga Wadani.

Mudane Seed oo intii uu ku jiray hoggaanka sare ee xisbiga aad uga dhex muuqday, si fiicanna ugu hadli jiray xisbiga iyo siyaasaddiisa, ayaa ku doodaya in uu xisbiga geliyey wakhti, dadaal iyo dhaqaale. Sidaasi daraaddeed uu cid walba uga xaq leeyahay. Laakiin warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in uu guddooniye ku xigeenku si walba ugu qanacsanyahay in uu xisbiga ka mid ahaado, oo xataa haddii uu waayo jagada M/ku xigeenka aanu dhinac kale uga digo roganayn, balse aanu tartanka ka hadhayn.
Dhinaca kale waxa iyana kaadariinta iyo musdanbeedka xisbigu aad uga taxaddirayaan in khilaaf uu hadheeyo shirka golaha dhexe ee xisbiga Wadani u qabsoomi doona toban casho kadib, oo haddii ay musharrixiinta Seed iyo Mohamed ALi iska dhex sharraaan golaha dhexdiisa ay dhici karto in goluhu ku kala qaybsamo. Iyaga oo taasi ka duulaya ayey musharrixiinta labada ah iyo kuwo kaleba wargelinyeen sida ay doonayaan ee xisbigu ku soo bixi karo.
Laakiin beesha uu ka soo jeedo Ahmed Muumin Seed oo bahwadaag siyaasadeed la ahayd xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka Madaxweyne ku xigeenka Abdirahman Zaylici, isla markaana Zaylici uga hadhay in ay talada u daba fadhiayaan shan sano oo kale, ayaan ku qanacsanayn in uu mudane Seed banneeyo musharraxnimada Wadani. Illaa immigana waxa ay ku cadaadinayaan in uu isa sharraxo. Oo aanu cidna ka dhagaysan in uu tanaasulo.
Xisbiga Kulmiye ayaa isaguna aan ka dhex madhanayn in uu qayb ka noqdo sida uu xisbiga Wadani shirkiisa u qabsanayo iyo musharraxa uu la doonayo. Si uu uga faa'iidaysto khilaafka uu la rabo in uu ka dhex dillaaco xisbigaasi. Oo Kulmiye faa'iido u ah.
Calaa kulli xaal, waxa la is weydiinayaa in Mudane Seed uu raaci doono talada musdanbeedka xisbiga uu culayska badan ku leeyahay ee Wadani iyo in uu raaci doono talada odayadiisa ee ka calool waydsan in Seed la dooran waayo.
Sheekadu waa laba daranba mid dooro. Mohamed ALi iyo Seedna waxa aan u rajaynaynaa guul iyo wada jir walaalnimo.
Awdalpress.com

XOG Cusub: Gebra oo loo wado xilka IGAD ee Somalia &...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Danjirihii IGAD u fadhiyay Somalia Maxamed Cabdi Afeey, ayaa waxaa mar kale loo magacaabay wakiilka Cusub QM u qaabilsanaan doona Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.
War kasoo baxay Golaha ammaanka QM, ayaa waxaa lagu sheegay in Afey uu noqon doono Wakiilka, iyadoo magacaabidaasi kadib dowlada Kenya looga fadhiyo inay soo dhaweyn u sameyso wakiilka cusub.
Magacaabida Afey ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Filippo Grandi oo ah madaxa Hay'adda UNCHR, waxa uuna cadeeyay in shaqsigaasi uu yeelan doono awood islamarkaana ay dowlada Kenya ka filayaan inay u sameyso soo dhaweyn.
Filippo Grandi waxa uu sheegay in Afey lagala xaajoon doono wixii khuseeya Qaxootiga ku dhaqan dalka Kenya.
Mr Filippo Grandi waxa uu sheegay in sababta rasmiga ee loo magacaabay Maxamed Cabdi Afeey ay tahay in uu kasoo warbixiyo xaalada dhabta ah ee Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha Dhadhaab.
Sidoo kale, Maxamed Cabdi Afeey ayaa weli ah wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Somalia, waxaana suuragal ah in Afey lagu bedelo ninka lagu magacaabo Gen. Gebra oo isna xubin ka ah IGAD.
Dowlada Ethiopia ayaa ololo ugu jirta in Gebra lagu bedelo booska Afey maadaama uu xubin ka yahay IGAD, waxa ayna taasi sii xoojineysaa faragalinta Ethiopia ay ku heyso Somalia.
Dhinaca kale, Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in Afey ay ka qaado xilka IGAD ee Somalia, waxa ayna hadal heyntu u badan tahay in Gebra uu qaban doono xilkaasi.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

DEG DEG: Qarax xoogan oo lagu weeraray Maqaaxi ku...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay nawaaxiga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada ayaa la sheegayaa inay ahaayen laba Qarax kuwaasi oo ka dhacay nawaaxiga Baar ku yaalla Hooyooyinka oo lagu magacaabo Blue sky.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxyada ay geysteen khasaaro kala duwan, waxaana halkaasi iminka gaaray ciidamo ka tirsan dowlada.
Gaadiidka Gurmadka ayaa sidoo kale halkaasi ku qulqulaaya waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro kala duwan.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo ilaa iminka halkaasi laga helaayo.
La soco wixii kusoo kordha wararkeena danbeCaasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com


Qolka kaydka heesaha waxa aan maanta idiinka soo...

0
0


Waa codkii Hodan Abdirahman iyo heestii macaanayd ee ahayd! Waa heestee? nagula raaxayso.....
Awdalpress

Yuusuf Garaad oo Bixiyey Xog Badan Oo Ku Saabsan...

0
0

Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay ee ay Midoobeen Gobolladii uu Ingiriisku gumeystay iyo kuwii ay Qarammada Midoobay gaarsiisay xornimada ka dib sannado badan oo gurmeysi Talyaani iyo Ingiriis ay isu beddeleen, waxay noqotay Jamhriyadda Soomaaliya.
Waxay ka koobnaysiddeed Gobol.
GobolkaA Woqooyi GalbeedA oo xaruntiisu ay tahay Hargeysa ayna ka mid yihiin magaalooyinka Berbera ilaa Boorame iyo Zeylac.TogdheerA oo ay xarunteedu tahay Burco ayna ku jiraan inta ka soo hartay Somaliland oo ay ka mid yihiin Laas Caanood iyo Ceerigaabo.
GobolkaA BariA oo ay xaruntiisu tahay Boosaaso.MudugA waxaa laga xukumayay Gaalkacyo waxaana hoos tegayay ilaa Guriceel, Ceel Buur iyo Ceel-Dheer.HiiraanA oo ah sida ay hadda weli tahay.BanaadirA oo xaruntu ay tahay Muqdisho ayna ka mid yihiin Marka, Wanlaweyn iyo Jowhar.Jubbada SareA oo ay xarunteedu tahay Baydhaba ayna ku jiraan Gobollada hadda loo yaqaan Bay, Bakool iyo Gedo.Jubbada Hoose, oo ah labada Jubba ee hadda jira xarunteeduna ay tahay Kismaayo.Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ee SoomaaliyaA
Kacaanka militeriga ee talada dalka la wareegay 21-kii October 1969, wuxuu dalka u bixiyay Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ee Soomaaliya. Wuxuuna xilliyo kala duwan sameeyay 10 Gobol oo hor leh oo laga jaray 8-dii Gobo lee hore u jiray.AwdalA oo ay xaruntiisu noqotay Baki.SoolA oo ay xarunteedu tahay Laas Caanood.SanaagA oo ah Ceerigaabo.NugaalA oo Garowe ah.GalguduudA oo ay xarunteedu tahay Dhuusa Marreeb.Shabeellaha DhexeA oo laga xukumo Jowhar.Shabeellaha HooseA oo Marka laga maamulo.BakoolA oo xarunteedu ay tahay Xuddur ah.GedoA oo Garbahaarreey ay xuddun u tahay.Jubbada DhexeA oo BuaEU(tm)aale ay saldhig u tahay.
Halkaa waxaad ka fahmi kartaa sababta ay dad reer Hiiraan qaarkood ugu doodayaan in ay dhigmaan laba Gobol sida Mudug iyo Galguduud oo Mudug uun isku ahaa Kacaanka ka hor. Waa Gobolka keliya ee ka mid ahaa siddeeddii Gobol ee Lixdankii oo aan weli Gobol kale ka farcamin. Waxaa la dhihi karaa waa Gobolka ugu guunsan Gobollada Dalka.
Waxaad ka dheehan kartaa doodda laga guuleystay ee salka ku haysay in aan Marka hoos tegi karin Baydhaba maaddaama ay hore uga tirsanaan jirtay Banaadir.
Waxaad arkeydaa doodda kale ee iyana laga adkaaday ee ahayd in Gedo ay tahay in ay hoos timaado Baydhaba, labada Jubbana ay isku ahaadaan hal Dowlad Goboleed.Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Federaalku kuma imaan sida labada nimdaam ee ka horreeyay. Wuxuu ka dhashay wadaxaajoodkii snabad iyo dowlad goobka ahaa ee hoggaamiye kooxeedyadii dalka ninba daraf qabsaday ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Waxay ka kooban tahay Dowlad Goboleedyo ay Puntland u horreysay oo iyadu Dastuurkaba ka horreysay, welina aan dalka oo dhan ka wada dhismin.
Nidaamka Federaalku waa mid ku meel gaar ah oo sugaya in ummadda Soomaaliyeed ay Afti ku ansixiso ama ay ku diiddo maalinta loo soo bandhigoFG.Qormadeydu ma xusin 1991 ka dib Gobollada laga sameeyay Somaliland sida Selel, Saaxil iyo Maroodi Jeex iyo kuwa laga sameeyay Puntland sida Cayn iyo Karkaar.

Xasan Sheekh Oo Daaha Ka Qaadey Sir Uu Muddo Qarinaayey

0
0

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay Anadol ayaa ka hadlay doorashada, Miisaaniyadda doorashada, amniga, qabiilka, dacwada badda, dib u doorashadiisa iyo kaalinta Turkiga ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in gacan ay ka heleen AMISOM darteed ay uga adkaadeen Al-shabaab, isagoo intaa raaciyay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu talo-galay.
Madaxweynaha oo ka hadlay in waxa loogu yeero Argigixisada in ay tahay qaddiyad dowli ah, oo ka jirta Afrika, Asia iyo Yurub, Soomaaliyana ay dagaalkaas qeyb ka tahay, isagoo soo jeediyay in dagaalkaas aan qori keliya lagu waajihi Karin oo loo baahan yahay tabab kale sida wacyigelin iyo wada hadal.Doorashada 2016:
Xasan Sheekh mar uu ka hadlayey doorashada 2016-ka, waxaa uu sheegay in sanadkan ay ka qeyb galayaan ilaa 14025, taas oo ka duwan 135-tii oday oo goaEU(tm)aan ka gaari jirtay baarlamaannadii hore, in kasta uu qiray in ay jiraan arrimo farsamo oo doorashada heysta, hadana waxaa uu balla-qaaday in doorashada ay dhici doonto November.Miisaaniyadda Doorashada:
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay lacagta doorashada uga soo aaday oo lagu sheegay 40% halka beesha caalamka ay bixisay 60%, isagoo intaa ku daray in doorashada waxa hortaagan aaney aheyn caqabad miisaaniyad ee doorashada ay heystaan oo keliya arrimo farsamo oo dhawaan la soo afjari doono.Amniga:
Madaxweyne Xasan waxaa uu ka hadlay caqabada amniga ee doorashada, waxaa uu sheegay in dowladda oo kaashaneysa maamul goboleedyada ay wax badan ka aban doonto arrimahaas, waxaa uu ka hadlay dhismaha maamul goboleedka oo Hiiraan/Shabeellada dhexe oo uu sheegay in dhammaan la dhameystiri doonto bishan October.
Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in xukuumadiisa oo kaashaneysa AMISOM ay u diyaar-garawday sugidda ammaanka doorashada, una jawaabi doonaan cid walba oo isku deyda in ay ku ciyaaraan amniga doorashada 2016-ka.Qabiilka:
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ka hadlay heerarkii laga soo maray arrimaha qabiilka iyo sida hadda looga gudbey, Xasan waxaa uu ku dheeraaday xeerka axsaabta kaas oo horay baarlamaanka u ansixiyay isagana uu saxiixay August iyo sida axsaabta dalka ka jirta ay u badali karaan qabiilka.
Xasan waxaa uu hoosta ka xariiqay in qabiilka aan dib loogu laaban doonin, bal uu ka hor imaanayo dowladnimada iyo horumarka, inkasta oo uu sheegay in mararka qaar uu leeyahay faaaEU(tm)idooyin.Dib U Doorasho:
Xasan Sheekh oo ka tirsan murashaxiinta u tartamaya doorashada 2016-ka, waxaa uu sheegay in aaney labo ku murmeyn shaqada uu qabtay dhanka horumarka iyo xasiloonida isla markaana uu diyaar u yahay in uu dhameystiro haddii mar kale la doorto, isagoo shacabka ku dhiirigeliyay in ay doortaan qofka u qalma isla markaana leh Ajenda cad oo dalka horumar gaarsiin kara.Dacwada Badda:
Mar uu ka hadlayey dacwada badda, waxaa uu sheegay in fursadda wada hadalka uu dhamaatay, sidaa darteedna ay aadeen ICJ, isagoo ballan-qaaday in aan laga tanaasuli doonin hal taako oo ka tirsan dhulka Soomaaliya.Kaalinta Turkiga:
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Turkiga ku ammaaney kaalimaha ay ka qaataan arrimaha BaniiaEU(tm)aadamnimada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaale iyo maalgeshiga, isagoo sheegay in booqashada Erdogan uu dalka ku yimid 2011-kii iyo booqashooyinkii xigay ay wax badan ka badaleen arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.
aEUoeTurkiga waa Saxiib Istaraatiiji ah, A Xilli adduunka uu naga sii A jeedo ayuu nasoo aaday, Shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ixtiraan u hayaa Turkiga iyo ShacabkiisaaEU.

Warar Dheeraad ah: Qaraxa Muqdisho

0
0

Laba qof ayaa ku dhimatay lix kale kalena way ku dhaawacantay qarax baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdishu. Saraakiisha amniga ayaa VOA u sheegay in baabuur nooca Toyota Corolla loo yaqaanno uu ku hor qarxay maqaayadda Blue Sky oo ku taalla badhtamaha magaalada Muqdishu.

Qarax ka dhacay Muqdisho

0
0

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live