Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Weerar Askar ka tirsan Ciidamada Jubbaland ay ku...

$
0
0

Kismaayo ( Sh.M.Network)-Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhintay 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar Bambaano oo maanta ka dhacay Xaafadda Guulwade ee Magaalada Kismaayo.
Weerarka ayaa la sheegay in lala Bartilmaamsaday Saldhig Ciidamada maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin Xaafaddaasi Guulwade ee Magaalada Kismaayo.
Qaraxa kadib ayaa la sheegay in Ciidamada Maamulka Jubbaland Howlgallo ay ka sameeyeen meesha wax ka dhaceen ku soo qab qabteen dad gaaraya illaa 200 oo qof sida Goob joogayaal ay xaqijiyeen.
Ma jiro weli wax war ah oo maamulka Jubbaland ay ka soo saareen weerarkaasi maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo howlgallada ka dambeeyeen oo Ciidmadoodu dadkaasi faraha badan ku qab qabteen.


“Daawo Sawirro” Danjire Hussein Haji Ahmed Oo Kulan...

$
0
0

Danjiraha cusub ee dowlada Soomaaliya u soo magacaawday wadanka Koofur Sudan Mudane Hussein Haji Ahmed Mohamud ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee degan wadankan la qaatay kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Soomaaliya ee Juba ayaa waxaa ka soo qeyb galeen in kabadan 120 Xubnood kuwaasi oo matalayeen gudiyada ganacsada ay leeyihiin, waxeyna warbihino iyo xaalada ay ku suganyihiin siiyeen danjiraha cusub iyagoona sheegeen in uu kusoo beegantay magacaabistiisa xili muhiim ah. "waxaan aan aad ugu mahadcelinayaa Diblomaasiyiintii mudada u soo dhabar adeegeen wadida howlaha Safaarada iyo bulshadii gacanta ku siisay" ayuu yiri Danjire Hussein Haji Ahmed. Ugu dambeyn danjire Hussein Haji Ahmed Mohamud ayaa ugu mahadceliyey Gudiga ganacsada Soomaaliyeed ee Koofur Sudan gacansiinta Safaarada iyo midnimadooda, waxa uuna balanqaaday in ay sii laba jibaaridoonaa howlihii ay bulshada u heysay Safaarada. Ahmed Lafoole Juba- South Sudan

General Siciid Dheere oo ka warbixiyay howl-galo ka...

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Taliyaha Ciidanka guud ee Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi ayaa ka warbixiyay howl-galo Dowlada Puntland ka bilowday magaalada Garowe , Islamarkaana daba jooga howl-galo horey loogu magac daray Danab 2.
S/guuto Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inuu ka danbeeyay howl-galkan , Iyadoo la filayo in dhawaan lagu qabto magaalada Garowe shir balaaran oo lagu soo xulayo Xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.
General Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay soo buux dhaafin doonaan magaalada Garowe wafuud iyo dad fara-badan oo ka qeyb qaadanaya soo xulida xubnaha aqalka hoose ee Soomaaliya, Sidaas darteedna loo baahan yahay buu yiri sidii loo xoojin lahaa Amniga magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Ugu danbeyntii General Siciid Dheere waxa uu ugu baaqay qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool magaalo madaxda Puntland ee Garowe inay gacan siiyaan ciidanka howl-galka ka bilaabay magaalada Garowe.Dhagayso
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/10/codadka.mp3
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post General Siciid Dheere oo ka warbixiyay howl-galo ka bilowday Garowe appeared first on Puntland Post.

Jowhar assigned as the new capital of Hiiraan-Middle...

$
0
0

The traditional elders at Jowhar state formation conference have unanimously voted today for a new capital city of the forthcoming Hiiraan-Middle Shabelle state in central Somalia.
Jowhar, the host of the inter-regional federal state conference has been appointed as the headquarters of the Hiiraan-Middle Shabelle state, according to the polls by the elders.
The move comes as the elders from Hiiraan and Middle Shabelle region convening in a meeting in which they are seeking to form a federal state that will become the last travel to the federalism.
Somalia's interior and federal affairs ministry which is sponsoring and facilitating the state formation process said the conference will be wrapped up in mid October and form new state.

Qarax Baabuur oo Muqdisho ka Dhacay

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta uu qarax ka dhacay meel ku dhow isgoyska Banaadir.

Turkiga oo 13 kun oo askeri shaqada ka tiray

$
0
0

Dowladda Turkiga ayaa shaqada ka joojisay 13 kun oo askeri. in kabadan 2500 oo kamid ah waa taliyayaal.

Haweeney u dhalatay Faransiiska oo Yaman lagu afduubtay oo la siidaayay

$
0
0

Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo afduub loogu haystay dalka Yeman ayaa la sii daayay.

Shirka Jowhar: Qaar ka mid ah Ergada oo Caasimad u Codeeyey

$
0
0

Qaar ka mid ah ergada shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo maalmahii ugu dambeyay dood ka lahaa dastuurka maamulka ayaa maanta u codeeyay in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulkaas.


Gudiga hirgalinta doorshooyinka oo ka hadlay qabashada lacagta musharaxiinta

$
0
0

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa soo bandhigay koonto bangi oo loola dan leeyahay qabashada lacagaha is-diiwaan galinta musharaxiinta.

Rooney oo ka hadlay mustaqbalkiisa ciyaaraha kubadda cagta

$
0
0

Wayne Rooney oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay meesha uu ka ciyaarsiiyo macallimka cusub ee England.

Samsung oo Joojisay Iibinta Galaxy Note 7

$
0
0

Shirkadda Samsung ayaa joojineysa iibinta taleefon gacmeedka Galaxy Note 7 dunida oo idil, sababo la xiriira walaacyo dhinaca ammaanka ah, waxayna ugu baaqday dadka haysta inay si deg deg ah u joojiyaan isticmaalka taleefonkaas.

Merkel oo Itoobiya uga digtay in la isticmaalo xoog...

$
0
0

Booqasho ay ku tagtay Itoobiya ra'iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa uga digtay masuuliyiinta inaysan u isticmaalin xoog xad dhaaf ah dadka banaanbaxaya.

Samsung oo dalbatay in la iska dhigo Note 7

$
0
0

Shirkadda weyn ee tijnoolajiyada, Samsung, ayaa ku dhiiri gelisay macaamiisheeda iibsaday telefoonka Galaxy Note 7 in ay iska dhigaan, waxaanay shirkadu intaa ku dartay in ay joojinayso iibinta telefoonka noocan ah.

Dowladda Somalia: "Kuma Lug Lihin Celinta Qaxootiga...

$
0
0

Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Faqi ayaa sheegay in safaaradiisa iyo dawladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn qaxootiga Soomaaliyeed ee sida qasabka ah looga celinayo Yurub ee la geynayo Soomaaliya.

Al Shabaab oo la wareegay Deegaanka Ceelcali ee...

$
0
0

Baladweyne ( Sh. M. Network)-Ciidamada Ethiopia ayaa saaka isaga baxay deegaanka Ceelcali ee Gobolka Hiiraan kadib weerar duqeymo aad u celus ah oo Al Shabaab xalay ay ku qaadeen Saldhig ay ku lahaayeen deegaankaasi.
Guddoomiyaha deegaanka Ceelcali ayaa Shabelle u xaqiijiyay ka bixitaanka deegaankaasi isagoo tilmaamay in ay ku soo war geliyeen ka maamul ahaan Saraakiisha Ethiopian-ka ka bixitaanka deegaankaasi ay maanta faarujiyeen una sheegeen in ay Ciidamadooda kala baxayaan halkaas , haddii ay isku filan yihiin Maamulka deegaankaasi ay sii joogi karaan haddii kalana ay naftooda kala baxaan sida uu yiri Guddoomiyaha Ceelcali Yarow Abiikar Cali.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in si buuxda Deegaankaasi ay ula wareegeen Xarakada Al Shabaab.
Waa Deegaankii 7aad muddo 3 bilood Gudahood ah oo Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay isaga huleelaan kadib weeraro kaga yimaaday dagaalamayaasha Al Shabaab.
Meelaha ay horay u baneeyeen waxaa ka mid ah Ciidamada Ethiopia deegaanada Galcad, Moqokori, Rabdhuure, Adan Yabaal iyo kuwa kale oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud, Hiiraan Bakool iyo Shabeelaha Dhexe.
Si kastaba ka bixitaan Ciidamada Ethiopia ee deegaankaasi Ceelcali ayaa ku soo beegmaya xilli lagu guda jiro waqti kala guur ah oo dalka oo dhan ay ka socdaan howlo la xiriira Doorashooyinka.


Al-Shabab oo Qabsatay Deegaanka Ceel-Cali

$
0
0

Maleeshiyada A-Shabaab ayaa la wareegey gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay ciidamdii Ethiopia ee Amisom ay ka baxeen deegaankaas.

Shiinaha: Konton Mas ayaa baxsaday

$
0
0

Saraakiisha bariga Shiinaha ayaa baadi goobaya in ka badan konton mas oo nooca Kobraha ah, oo laga waayay beer si sharci darro ah loogu xannaaneynayay.

Nadia Murad oo kooxda IS ay iibiyeen kadibna xoogeen ayaa heshay abaalmarin xuquuqda bini'aadanka

$
0
0

Gabar Yazidi ah , oo ay qabsadeen IS kadibna xoogeen ayaa ku guulaysatay abaalmarin sare ee xuquuqda bini'aadanka.

Barakac ka Socda Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Barakac xooggan ayaa laga soo sheegayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo maalmihii dhawaa ay dagaallo ka socdeen.

Waxaa hoos u dhacay dacaayadaha Daacish

$
0
0

Warbixin cusub oo ay soo saartay akadeemiyadda ciidanka Maraykanka ee West Point, ayaa sheegeysa in ay hoos u dhacday dacaayada Daacish

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live