Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

War Cusub:Puntland Oo aan awoodin Maalgalinta Dagaal...

$
0
0

Maamulka Cabdi Wali Gaas aya soo wajahday xaalad lacag la,aan oo aad u daran kadib markii colad aysan awoodin ay ka bilaabeen magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug.
Warqad ay soo saareen gudi lagu sheegay in ay difaacayaan gobolka mudug ayaa lagu sheegay in Wasarada Maaliyada ay bixiso lacagta shiln soomaliga ah ay hayso kadib markii lacagtii doolarka ah ay ka dhamaatay bankiga Puntland.
Arintaani ayaa ka dambeysay kadib markii dhaqalihii yaraa ee puntland haystay ay galisya ciidamo beeled ay ka soo aruurisay tuuloyinka hoos yimaada waqooyiga gaalkacyo kuwasi oo ilaa iyo hadda aan qabanin wax loo keenaya gaalkacyo.
Hoos ka Daawo warqada gudiga ay soo saaren ee lacagta ay ku dalbanayaan


Garowe oo roobsatay maanta

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Abaaro duhurnimadii maanta waxaa ka curtay magaalada Garowe roobabka dayrta xilli maalmihii ugu danbeeyay abaarta ka jirta dhulka Puntland ay mareysay heerka ugu sareeya.
Roobka maanta ka da,ay Garowe ayaa biyo dhig fiican ku sameeyay jidadka iyo nawaaxiga magaalada, waxaana si weyn ugu riyaaqay curashada raxmada eebe ee cirka kazoo hoortay dadka iyo duunyadda dhulka ku nool.
Kala soco Puntland Post faahfaahin ku saabsan curashada raxmada eebe.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Garowe oo roobsatay maanta appeared first on Puntland Post.

Dowladda Somalia oo ciidan usoo diraysa Gaalkacyo

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Dowlada Federalka Somalia loo dirayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay inay yihiin ciidan kala duwan oo ka tirsan xooga dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay kala dhex gali doonaan ciidamada Galkacyo iyo Puntland ee isku hor fadhiya galbeedka magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa intaas ku daray inaysan u dul qaadan doonin dowlada federalku sii socoshada dhiig ku daata magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in lagala xisaabtami doono Madaxweynayaasha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug sababta ay u joojin la,ayihiin dagaalada kusoo noqnoqday Gaalkacyo.
Lama oga inuu si rasmiya u dhaqan gali doono iyo in kale go,aankan ay maanta soo saartay Dowlada Federalka SoomaaliyaHoos ka dhageyso Warbixin
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/10/War-Cowke-PP-Dowlada-Somalia-Dagaalka-Gal-kacyo.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Dowladda Somalia oo ciidan usoo diraysa Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo shir caalamiya uga...

$
0
0

Garowe (Puntland Post):-Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa uga qeyb galay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar shir goboleedka 63aad ee Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee Waddamada Bariga Badda Dhexe, oo sannad kasta mar lagu falan-qeeyo xaaladda caafimaadka Waddamadaas, go'aanno iyo jiheynna laga soo saaro.
Arrimaha sanadkaan shirka looga hadlayay waxaa ugu weynaa doorashada madaxa hay'adda Caafimaadka Addunka ee Gobolka Bariga Dhexe, waxaana loo doortay Dkakhtar ka socda Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carbta wuxuuna beddeley Madaxii hore oo u dhashay dalka Ciraaq.
Wafdiga Somalidu wuxuu culays ku saaray Madaxa cusub inuu Somaliya caafimaadkeeda gacan ka geysto iyo qoondada shaqaalha Somalidu ku leedahay Hay'adda Caafimaadka adduunka inay ka hesho,wuxuuna balan-qaaday labadaas.
Waxaana la isku raacay shirkaas dhowr qodob oo farsamo ah inay hirgaliyaan dowladaha Gobolku, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

  1. Waxaa si cilmi ah loo soo bandhigay in Hawada Waddamada Gobolku tahy midda ugu liidata sababtana caafimaad xumo weyn. Waxaa la isla gartay in la soo diyaariyo qorshe wax lagag qabanyao
  2. Baahinta adeegga caafimaadka iyo tallaabooyinka loo baahanyahay in la qaado
  3. Adeegga caafimaadka xaaladaha dededegga ah inuu noqdo qayb ka mid ah baahinta adeega caafimaadka
  4. Horumarinta Shaqaalaha caafimaadka ee Gobolka
  5. Ka hortagga iyo daryeelka cudurrada isirka ( genetic & congenital Diseases) la isugu gudbiyo
  6. Xoojinta macluumaadka iyo warbixinta Caafimaadka waddamada Gobolka

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa isla shirkaas si gaar ah wuxuu ula kulmay Isbahaysiga Adduunka ee Tallaallada,Waxayna isla meel dhigeen warbixnno kaddib qorshaha iyo qoondada tallallada sannadaha soo socda.PUNTLAND POST
The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo shir caalamiya uga qeybgalay dalka Masar appeared first on Puntland Post.

DHAGEYSO:-Tiro Meydad & Dhaawacyo Ah oo Is dhex...

$
0
0

Waxaa deggan Xaalada Deegaanka Godinlabe Ee Gobolka Gal gaduud oo dagaal Xoogan uu ka dhacay kaasi oo dhexmaray Ciidanak Galmudug iyo Isbaarooleey.
Askarta NISA Ee Galmudug iyo Ciidanka Hubeysnaa,waxaana jirtay Dagaalkaasi inay ku biireen Ciidanka Ahlusuna Waljamaaca.
Dagaalkaasi ayaa geystay Khasaaro iyadoo Dhimashada ay ku dhaw dahay 5 iyadoona Lix Kale Ay dhaawacmeen oo qaarkood la dhigay Cusbitaalka Cadaado.
Xaalada ayaa weli Kacsan iyadoo Labo dhinac la kala joogo Deegaanka Godinlabe,Rasaas wiifto ah ayaa Shacab guryahooda ugu tagtay islamarkaana keentay in khasaaro faah faahsan la ogaan waayo.http://www.warqaad.org/wp-content/uploads/2016/10/DAGAALKA-GODINLABE.mp3

Afar qof oo cudurka jadeecada ugu dhintay Somaliland

$
0
0

Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta shaacisay in cudurka jadeecada lagu arky deegaanno ka tirsan gobolka Saaxil oo afar qof u dhinteen ilaa 40 qof oo kalena laga daaweynayo.

Cudurka Jadeecada oo Afar Qof ku Dilay Saaxil

$
0
0

Cudurka jadeecada ayaa ka dillaacay deegaanno ka mid ah gobolka Saaxil ee Somaliland waxaana ilaa inta la ogyahay u dhintay afar qof halka afartameeyo kalena ay u jiifaan xarumaha caafimaadka.

Turkiga: Waxaan dilnay 50 ka tirsan Daacish

$
0
0

Militariga dalka Turkiga ayaa sheegay ineey dileen ku dhawaad konton kamid ah dagaalamayaasha kooxda la magac baxday dowladda islaamka.


Maxay Ethiopia Uga Baxday Deegaano ka tirsan Hiiraan?

$
0
0

Xuseen Barre Aadan ayaa arrimahan ka waraystay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi.

Afar Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Godinlabe

$
0
0

Dagaalka ayaa dhex maray maleeshiyo beeleed hubeysan oo ay taageerayaan kuwa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo cidamada maamulka Galmudug.

Toogasho ka dhacday dibedda Safaaradda Maraykanka ee Nairobi

$
0
0

Booliska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay nin weerar ku soo qaaday sarkaal la tirsan booliska oo taagnaa dibada safaaradda Maraykanka ee Caasimada Nairobi.

Qiso Cajiib Ah Oo Kuu Muujineysa In Qofka Marnaba...

$
0
0

Walt DisneyA wuxuu ahaa ganacsade iyo filim soo saare Maraykan ah oo ku dhashay sanadkii 1901 Chicago, waxaana uu ka shaqayn jiray wargeysa dalkaasi ka soo baxa. Agaasimaha wargeyska ayaa shaqada ka eryay isagoo sheegy in aanu lahayn curinta fikrado cusub oo lagu horumarin karo wargeyska iyo sheekooyin mala awaal ah oo xiiso leh.
Laakiin Walt markii taasi ku dhacday muu quusan wuxuuna goostay inuu noqdo qof leh curinta sheekooyinka khayaaliga ee filimada laga sameeyo inkasta oo uu marar badan ku fashilmay .
LaakiinA Walt ugu danabaystii wuxu curiyay sheekadii uu ku caan baxay ee filimka laga dhigay ee la odhan jiray Barafka Cad aEUoe Snow WhiteaEU .
Maanta Mr.Walt isagoo dhintay sanadkii 1966 haddana shirkaddiisa A Walt Disney Company waa tanA dunida ugu horaysa sheekooyinka khayaaliga ah ee la xiiseeyo filimadana laga sameeyo dunida oo dhan.
Qofka aadmigu ma jirto waxaanu samayn Karin keliya waa dadaal iyo in aanu niyad jabin marka uu ku fashilmo.A Xikmaduna waa aEUoe Marna Rajada gaadhidu yaanay kaa luminaEU.

MadaxweynahaPuntland oo si Diiran Loogu Soo...

$
0
0

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta 27 october 2016 waxaa si diiran loogu soo dhoweyey degmada Carmo oo kamida ah degmooyinka gobolka Bari, sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhoweyn kala kulmay bulshada ku dhaqan degaanka ceel-daahir waxuuna soo kormeeray mashruuca dhismaha wadada ceel-daahir Ceergaabo oo maraya bilow wanaagsan.
Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ee loogu sameeyey degmada Carmo ayaa waxaa ka qayb qaatay Maamulka Gobolka Bari, maamulka degmada Carmo, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, qaar ka mid ah issimada Puntland, qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Carmo iyo saraakiisha ciidamada Puntland.
Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhexlugeeyey degmada Carmo ayaa siwada jira u salaamay bulshada degmada Carmo ee ka qayb qaatay soo dhoweytiisa, waxaana dad weynaha ka muuqdey shucuur ka turjumaysa sida ay ugu farax sanaayeen booqashada madaxweynaha iyo wefdigiisa ee degmada Carmo.
Kadib soo dhoweynta wafdiga Madaxweynaha ee Carmo ayaa kulan ballaaran oo ay isku arkeen bulshada Degmada Carmo iyo Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa lagu qabtay xarunta Tababarada Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, kulankaas oo ay ka qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Carmo.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kudbad muhiim ah ka jeediyay kulanka ayaa bulshada Degmada Carmo uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa Degmada Carmo/ oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Bari.
Madaxweynaha oo la hadlayay bulshadii kulanka ka qayb gashay ayaa sheegay in ujeedka safarkiisu uu salka ku hayo sidii loo sii anba qaadi lahaa xiriirka wanaagsan ee ay bulshada Degmada Carmo la leeyihiin Dawladdooda Puntland." Aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa dadka reer carmo ee wadaniyiinta dhabta ah soo dhoweynta diirran ee ay noogu sameeyeen Degmada Carmo, waxaana ku amaanayaa sida wanaagsan ee ay ugu howlan yihiin ka qayb galka horumarka Puntland, haddii alle idmo waqti badan ayaan ku qaadan doonaa degmada Carmo waana ku hoyan doonaa caawa, inagoo su guud iyo si gaar ahba isu waraysan doona, Soomaaliya ha midowdo, Puntland ha israacdo, Bulshada Carmo ha guulaysteen" ayuu yiri Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.-DHAMMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post MadaxweynahaPuntland oo si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Degmada Carmo ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Cabdixakiim Axmed Xaashi oo Garoowe kaga dhawaaqay...

$
0
0

Puntland Post - Munasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka Jubba Hotel Garoowe,waxaana kasoo qaybgalay Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Haween, Culima-udiin, saldiin dhaqan iyo marti sharaf kale.
Musharax Madaxweyne - Cabdixakiin Axmed Xaashi
Ujeedka ayaa ah ku dhawaqista Musharaxnimadda xilka Madaxweyne ee Soomaaliya 2016ka,Cabdixakiim Axmed Xaashi oo ka mid ahaa masuuliyiintii u tartamayey xilka aqalka sare ee Puntland u matalilahaa Soomaaliya ,balse aan ku guulaysan.
Musharax Cabdixakiim waxaa uu jeediyey khudbad uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan ,waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu go,aansaday in uu isu soo taago xilka Madaxweyne Soomaaliyeed doorashadda dadban ee lagu wado in ay soomaaliya ka qabsoonto sanadkaan 2016.
"Waxaan ka mid ahaa gudiyadii dibu heshiisiinta soomaalidda ,xilliyo kala duwan Ayaan waqti galiyey,waxaan ogaaday in markasta ay jiraan meelo laga gacan bidixeeyo in soomaalidu arrimahooda ka arrinsadaan, lakiin lama garto meelaha laga xagal daacinayo,waaa qorshahayga ku jirta in aan xooga saaro dibu heshiisiin soomaalidu leedahay,taasina ay lafdhabar u noqonayso in ay timaado is aaminaad dhab ah"Cabdixakiin Axmed Xaashi. Cabdixakiim Axmed Xaashi waxaa uu sheegay in hadii uu xilka ku guulaysto uu wax ka qabandoono xoogana saari doono ,

  • Dibu heshiisiin balaran oo la gaarsiiyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ,iyadoo xooga la sarayo isdhexgalka,is aaminaad iyo isasaamixid dhab ah.
  • Ku dhaqanka iyo ku shaqaynta Dastuurka Dalka
  • Dibu soo celinta sharaftii,Midnimadii iyo Hanaankii dowladnimo soomaaliyeed ee loo dhanyahay.
  • Horumarinta iyo kobcinta adeegyadda Bulshadda Soomaaliyeed.
  • Dhismaha ciidankii qaranka soomaaliyeed ,kaasi oo deegaan kasta ciidan laga keenayo ,isla markaana la isku dhafo.

Abwaan Abdiqaadir Shube ayaa isna goobta ka jeediyey gabayo isugu jira guubaabo hogaamiyayasha soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda uu u jeedinayo,dardaaran iyo dowladnimadda ay u bahantahay bulshadda soomaaliyeed.
Wasiirka Dastuurka ,Dimoqradiyadda iyo Arrimaha Faderalka ee Puntland Cali Ciise Oog ayaa u hanbalyeeyey Musharaxa waxaan uu xusay in dowladda Puntland soo dhaweynayso shakhsi kasta oo soomaaliyeed oo u tagan in hogaaminta soomaaliya isla markaana wata qorshe uu dalkan kaga saari karo dhibatada iyo tacadiga ay ka dhaxashay dowlad la,aanta ay mudada kusoo jirtay.
Munasabadda oo saacado badan socotay ayaa waxaa ka hadlay siyaasiyiin,waxgarad,Culimo,Saladiin dhaqan iyo xubn ka mid ah Gudiga doorashooyinka ee doorashadda dadban ee soomaaliya waxaana ay dhamaantood ku dhiirigeliyeen Musharaxa xilka iyo hanka uu isugu soo sharaxay xilkaan Madaxweynenimadda Soomaaliya.PUNTLAND POST
The post Cabdixakiim Axmed Xaashi oo Garoowe kaga dhawaaqay in uu u sharaxan yahay Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya 2016. appeared first on Puntland Post.

Yuusuf Dabageed Oo Si Layaab Leh Uga Hadlay Xilka...

$
0
0

Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa ka hadlay xil ka qaadistii uu shalay ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo sheegay in aan lagu soo wargelin, isla markaana uu ka maqlay warbaahinta.
Dabageed ayaa sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay deg deg ku jirto, isla markaana aan la gaarin waqtigii Madaxweynaha uu xil qaadi lahaa, maadaama uu wali xafiis sameysan.
"Aniga arrintaas waxaa ka maqlay idaacada, iyo website-yada mana la igu soo wargelin, Madaxweynaha waa Madaxweynihii labada gobol xil inuu qof ka qaado qof kalena waa u magacaabi karyaa, dowladnimada ayay ka mid tahay, balse aniga la iguma soo wargelin"ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Waxaa uu sheegay inuu aamisan yahay in xilka looga qaaday dhowr arrimood oo kala dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabeelle, balse uusan diyaar u aheyn inuu sheego.
"Xil ka qaadisteyda xoogaa waqtigii lama gaarin ayaa is leeyahay, Madaxweynaha xafiis ma sameysan iyo teestaato, marka waxaa is leeyahay deg deg ayaa ku jira, wax kale waa caadi"ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.
Wareegto uu shalay soo saaray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa uu xilka uga qaaday Yuusuf Dabageed, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan si KMG loogu magacaabay Cali Jeyte Cusmaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa magacaabay Guddi amniga Gobolka Hiiraan ka shaqeynaya, kuwaasoo ay ka dhex muuqdaan saraakiil ciidan.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com


Dowladda Soomaaliya oo Ka Mid Noqotay Urur Muhiim ah.

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa maanta saxiixay Heshiiska Ururka Mideeya dalalka dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IORA. Intii uu socday shirweynihii wasiirada Dalalka ururkaasi oo lagu qabtay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.
Saxiixidda heshiiskan wuxuu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalalka ay ku midoobay IORA, taasoo dhiirri-gelineysa ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto Bad-baadada Badda, Ammaanka, ganacsiga, maal-gashiga, Maamulka kheyraadka badda, dalxiiska & is-dhaafsiga dhaqanka.
Mudane Hadliye oo hadal ka jeediyay shirkan ayaa wuxuu diiradda saarray in Somalia ay tahay xubin muhiim u ah Ururka IORA, ayna xiriir Wanaagsan oo wax-wadaagid ah ay la leedahay inta badan dalalka xubnaha ka ah dalladan, iyadoo aan u mareyno xubinimadeena waxaanu hiig-sanaynaa in aanu sii xoojinno, yagleelno xiriirro cusub oo Wax-wadaagid ah oo dhinac kasta ku shaqa leh oo ah dan wadaag.
Dhanka kale, Wasiirku wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya ka xubin ahaan kala xaajoon doontaa gab ahaan xubnaha IORA ka qayb-qaadasho iyo dano-wadaag horukac ballaaran ka geysan kara dhaqaalaha Somalia Bad iyo Berriba.
Ugu dambeyn, Wasiir Hadliye wuxuu xusay in Soomaaliya ay dhawri doonto Mabaadi'da Heshiiska (IORA) ee ku dhisan Wax-wadaagid iyo Hiigsi Guud oo isku xiran, is-ogol iyo barwaaqada gobolka badweynta Hindiya.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Guurso Gabadha Dabeecadda Xun Waad Ka Faa’iidiye?...

$
0
0

Faylasuufkii Sokhret qisaskiisu caanka ayaa lagu sheegay in xaaskiisu ahayd gabadh aad u xun oo dhibi jirtay mar kasta.
Wakhtiyada uu ardaydiisa la joogo xataa kamay joojin jirin hadalka xun, aflagaadada iyo qaylada. Maalin ayay u timi isagoo ardaydiisa la jooga, oo ku qaylisay ka dibna biyo ayay madax kaga daadisay.
Sokhret ayaa si degan jeebadiisa ugala soo baxay masar oo iskaga masaxay, ardaydiisa ayuu eegay oo ku yidhi odhaah caan noqotay aEUoe.A A Roobku wuxu daaEU(tm)aa Onkodka dabadiiaEUA Oo uu uga jeedo qayladii iyo biyihii ay kay shubtay.
Sokhret ayuu ardaydiisa mdikood waydiiyayA ma guursadaa wuxuunaA ug jawaabay : aEUoe Guurso, haddii ayA noqoto gabadh wanaagsan waxaad noqon Nin faraxsan, haddii ay noqoto mid xuna waxaad noqon Faylasuuf sidayda oo kaleaEU.

Cajiib Xikmaawi La Weydiiyay Qiimaha Aay Leedahay...

$
0
0

Caalimkii Xisaabta caankaA Khawaariisam ayaa la weydiiyay dadka , waxaana uu ku jawaabay :
Haddii qofku akhlaaq leeyahayA wuxu la mid yahayA = 1
Haduu qurux leeyahayna ugu darA tobanA = 10
Hadduu maalqabeen yahay waa boqolA = 100
Haduu qoys wanaagsan ka dhashayna waa kun = 1000
Haddaba haddii halka akhlaaqda la qaado waxa soo hadhaya eber = 000
Sidaasi ayuu qofka aan akhlaaqda lahayn u yahay ebero madhan.
Sh. Shacraawi ayaa yidhi aEUoe Qofka doona inuu helo saaxiib aan ceeb lahayn , bilaa saaxiib ayuu noqdaa, ka doona inuu guursado gabadh aan nuqsaan lahayn , doob ayuu ahaada, ka doona Qaraabo bilaa dhibaato ahna , Rixim goysa ayuu noqdaaaEU
aEUoeHaddii guusha aad gaadhay kaa dhigto kibraani maad guulaysan, haddii fashilkaagu ka digo mid qorshe lehna maad fashilminaEU W.Smith

Nin Ku Toogtay agagaarka Safaaradda Mareykanka ee Nairobi

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegaya in booliiska Kenya ay nin ku toogteen meel u dhow safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Dadka reer Ceel-Baraf oo Codsaday in Lala Soo Gaaro Biyo Nadiif ah

$
0
0

Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM) ayaa Arbacadi ugu baaqay Hey’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa aan dowliga aheynba in ay biyo nadiif ah lasoo gaaraan tuulada Ceelbaraf ee gobolka Shabellaha Dhexe oo ay dhawaan ka xoreeyeen kooxda Al Shabab.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live