Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Saameynta bixitaanka ciidamada Itoobiya

$
0
0

Hay'ada gargaaraka ee qaramada midoobay ee OCHA ayaa warabixin kasoo saaray xaalada bani aadnimo ee ka dhalatay ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee gobolo Soomaliya ka tirsan


Sharikadda Uber oo dacwad laga helay

$
0
0

Maxakamadda Sare ee UK, ayaa dacwad ay qaaday oo u dhaxeyey sharikkada weyn ee Uber ee caalamka oo dhan taagasida ka kiraysa iyo darawalintooda dalkani Britian waxay dacwadii laga helay Uber.

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya...

$
0
0

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan idiin bilaabi doonaa baahinta qoraalka Taxanaha Taariikhda doorashooyinka Soomaaliya laga soo bilaabo 1959kii - 2012 kaasi oo hada laga sii daayo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Radio Muqdisho. Taxanaha Shuruucda Doorashooyinka Golayaasha Sharcidejinta iyo Madaxweynayaalka ay Jamhuuriyadda Soomaaliya soo yeelatay taniyo 1959 - 2012 Koofurta Soomaaliya - Maamulkii Wasiyadda/Dardaarankii Qaruumaha Midoobay u igmatay Dawladda Taliyaaniga Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS) Doorashada Golaha Sharcidejinta Bishii Maarso 8-da 1959 (Assemblea Legislativa - Legislative Assembly)- 8-da Maarso, 1959 waxaa doorashooyinkii xubnaha Golaha Sharcidejinta loo qabtay dalka Soomaaliyeed ee markaas lagu maamulayey Wasiyadda/Dardaarankii Qarumaha Midoobay u igmatay Dawladda Taliyaaniga, maamulkaas oo loo yiqiin "Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS). Doorashooyinka waxaa lagu maamulay Sharciga Doorashooyinkaa Lam. 26 ee 12ka Diseembar 1958, Laguna faafiyey Faafinta Rasmiga ee Soomaaliya (Bollettino ufficiale della Somalia) lasoo saaray 12 Diseember 1958. Arrimaha ugu muhiimsan oo uu xeeriyey sharciga Doorashooyinka Lam. 26 ee 12ka Diseembar 1958, waxaa ka mid ah: In 90 xildhibaan ee xubnaha Golaha Sharcidejinta lagu soo doortay mabda'a doorashada oo ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta ee loo yaqaano universal suffrage, waxaana lagu meelmariyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntu waxay ahayd mid xor ah, toos ah oo qarsoodi [...]

Fashil Cusub: Hub farabadan oo kusii jeeday Galmudug...

$
0
0

Gaalkacyo (Caasimada Online)-War goordhow ay heshay shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Hub farabadan oo u socday maamulka Galmudug kaasi oo la doonaayay in lagula dagaalamo maamulka Puntland.
Hubkaani ayaa la sheegay in lagu qabtay Deegaanada Ahlu-sunna, kadib markii laga warhelay rarka Hubka ah ee kusii jeeday Galmudug.
Cumar C/laahi Faraweyne oo ah Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyay in Hubkaasi uu ku wajahnaa Galmudug, balse qasdiga Hubka uu ahaa in lagula dagaalamo Puntland.
Faraweyne waxa uu sheegay in Hubka laga soo dhiibay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxa uuna intaa raaciyay in Hubkaasi markiisa hore laga soo qaaday AMISOM, isagoo cadeeyay in lagu arkay calaamada Ciidanka AMISOM ee ka howlgalla Gobolka Hiiraan.
Dowlada Somalia ayuu ku eedeeyay inay u kala eexaneyso maamulada Galmudug iyo Puntland, wuxuuna carab dhabay in Dowladu ay si toos ah u hubeyneyso Galmudug.
Sidoo kale, Dowlada Somalia ayuu sheegay inay u taag la' dahay teeda isla markaana ay difaacan la'dahay deegaanada dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.
Docda kale, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne waxa uu sheegay in mudada ay socto colaada ka taagan Gaalkacyo aysan aqoon Dowlad iyo Galmudug intuba.Caasimada Online
Xafiiska GaalkacyoCaasimada@live.com

Xeer Ilaaliye Cabdullaahi Xuseen oo ku dhintay...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Waxaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Korneel Cabdullaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge), Xeer Ilaaliye ku xigeenkii Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.
Korneelka ayaa in muddo ah lagu dabiibayay Isbitaalka Madiina, maadaama dhaawac culus uu k soo gaaray weerar Kooxo hubeysan dhawaan ay ku qaadeen Gaarigiisa oo marayay Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.
Mid ka mid ah Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Caawa u xaqiijiyay Idaacdda Shabelle geerida Korneel Cabdullaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge).
Weerarkii lagu dhaawac Korneelka geeriyooday ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay Darawalkiisa.
Sikastaba Xarakada Al Shabaab oo Dagaal xoogan kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhabarka u ritay mas'uuliyada Weerarkaasi qorsheysnaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab oo...

$
0
0

Gede (Caasimada Online)-Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa shaaca ka qaaday inay dileen Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ka qeybqaadanaayay dagaal ka dhacay Deegaan Duleedka ka ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Saraakiisha ayaa sheegtay in Dagaalka ay ku dileen ilaa 11 Sargaal iyo Dagaalyahaano kuwaasi oo dhexda u galau Ciidamada Militeriga iyo kuwa Kenya.
Mid kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalka ay qeyb ka ahaayen Diyaaradaha Kenya kuwaasi oo garaacaayay Saldhigyo dhowr ah.
Waxa uu tilmaamay in Dagaalka uu ahaa mid si dhuumaaleysi ah ay usoo qaaden Al-shabaab, balse markii hore ay heleen xogo ku aadan inuu kusoo wajahan yahay duulaan.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay inDagaalka uu socday muddo saacado ah oo labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayay dadka deegaanka sheegen inay qeyb ka ahaayen duqeymo ay fulinayeen Diyaaradaha Kenya, hayeeshee ay arkayeen Meydadka Al-shabaab iyo kuwa Dowlada oo dhowr ah.
Maleeshiyada Al-shabaab wali kama aysan hadal dagaalkaani la sheegay in lagu laayay.Caasimada Online
Xafiiska GedoCaasimada@live.com

DEG DEG: Sarkaal DF loogu soo Tababaray Talyaaniga...

$
0
0

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Kooxo basoolado ku hubeysan ayaa madaxa ka toogtay sarkaalkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Ismaaciil xili uu marayey agagaarka Suuq-yaraha Sargaduuda ee degmada Waaberi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay oo ka koobnaa labo nin ay horey u sii qaateen Mobile uu watay sarkaalkan dilka ka dib, iyagoo ka dibna goobta ka baxsaday.
Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobta lagu dilay sarkaalkan, iyagoo sameeyey howlgalo ay ku xirxireen dhalinyaro fara badan oo ka tirsan degaanka kuwaasoo ay ku tuhmayaan iney ku jiraan kuwii dilka geystay.
Wararka ayaa sheegaya in Ismaaciil uu ka mid ahaa saraakiil dhowaan ka soo laabtay tababar dhowr bilood ay ku soo qaateen wadanka Talyaaniga, kuwaasoo ay dirtay dowlada Somalia.
Ismaaciil ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa milkiilayaasha mid ka mid ah Shirkadaha luuqada Soomaaliga ku Turjuma aflaamta Hindiga taasoo lagu magacaabo ISMAYUU.

Mas’uul Caan Ka Ahaa DFS oo Geeriyooday (MAGACIISA...

$
0
0

Allaha Unaxariistee Waxaa Maanta ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho Sargaal Sare oo katirsanaa Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya.
Marxuumka ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen Mayoonge kaasi oo ahaa Kuxigeenkii Xeer ilaaliyahaA Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya.
Dhaawac bil ka hor loogu geystay Degmada Wardhiigleey Ee Gobolka Banaadir ayaana la sheegay inuu la jiifay kadibna maanta uu naf baxay.
Geerida Marxuum Mayoonge ayaa waxa saxaafada uxaqiijiyey Qaar ka mid ah Eheladiisa iyadoo uu Ahaa mid ka mid ah Shaqaalaha ugu fir fircoonoo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya.
26-kii Bishii Hore ayaa Marxuumka lagu dhaawacay Weerar Dableey Hubeysan ay ku hor jareen Gaarigiisa kadibna Rasaas ku shanaqeen,xilligaasi waxa dhintay Darawalkiisii iyadoo dhaawacii soo gaaray Mayoonge uu maanta ugeeriyooday.


R/wasaare Carte oo Ka Yaabsaday Madaxda Mareykanka

$
0
0

RaaEU(tm)iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Ku xigeenka Madaxa USAID ee Xafiiska u qaabilasan arrimaha Dimuqraadiyada, Khilaafaadka iyo Gargaarga BiniaEU(tm)aadannimada (DCHA) Mr. David Harden, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb Schwartz, iyo wafdi la socday, waxaana kulanka RW Ku-Xigeenka ku wehliyay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Qorsheynta.
Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa kala hadlay Mr. David Harden iyo Amb Schwartz sidii Dowaladda Soomaaliya iyo USAID ay uga wadashaqeeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyadda.
aEUoeWaxaan diyaar u nahay in dalkeenu uu gaaro horumar waara oo ku saleeysan hab loo dhanyahay, xasilooni amni iyo dimuqraadiyad, tasoo fursad weyn siineysa dhalinyarada si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xag-jirnimada, Waxaan maanta leenahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo dhincayada waxbarshada iyo caafimaadka muhiimad gaar ah siinaya; waa midaa waxa aan dooneyno inaan USAID ka wada shaqeeynoaEU, ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte
Mudane Carte ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay tahay saxiib muddo badan garab taagneyd Soomaaliya ee dhinacyada horumarka iyo la dagaalanka Argagaxisada.
RW Ku-Xigeenka ayaa ugu dambaeyntii u mahadceliyay Dowladda iyo Shacbiga Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Military prosecutor dies of wounds from Al shabaab...

$
0
0

The deputy of Somali military court prosecutor Col Abdullahi Hussein Mayonge has died of wounds suffered in an Al shabaab attack in Mogadishu in September, 2016 on Friday.
Confirming the death, a military colleague in the army told Radio Shabelle that Mayonge has passed away at Medina hospital on Friday from his wounds from a drive-shooting in Mogadishu by Al shabaab.
The deputy prosecutor of Somali armed forces Col Abdullahi Hussein Mayonge has been critically injured in September attack and admitted to Medina hospital, where was pronounced dead on Friday evening.
Al shabaab has targeted several Somali army officials in Mogadishu and elsewhere in country since the militant group has been ejected from the capital in 2011 by Somali and African Union force, AMISOM.

Faallo: Fahamka qaldan ee xoriyadda Saxaafadda...

$
0
0

Marka aan siddan leeyahay ujeedadu ma'aha in aan weerar ku ah Warbaahinta madaxabannaan, laakiin ujeedada aan ka leeyahay Qormadan waa laga soo bilaabo anniga oo ah qoraha maqaalka ilaa qofka ugu danbeeya oo ah adiga Akhristaha ah, in aan faham guud ka qaadanno xoriyada saxafadda, iyo sidda qaldan ee warbaahinta ama wariyayaashu u adeegsadaan. Marka dib u eegis lagu sameeyo erayga "xoriyad" waa eray micno ballaaran xambaarsan oo xitaa lagu cadeeyay Diinta Islaamka, hasse ahaatee marka aad dhinaca kale eegto ma jirto xoriyada iska socta oo aan laheyn dabar ama xad soo celiya, sidda maanta in badan oo naga mid ah aan u isticmaalnay. Korarka warbaahinta Soomaalida wixii ka danbeeyay bur burkii dowladdii dhexe waxaa laga dhaxlay in ay soo baxaan kooxo wariyayaal ah oo isugu jirra wiilal gabdho runtii aan laheyn khibrad ilaa xad ku fillan oo salka ku heysa mihnada ay ka shaqeynayaan ee saxaafadda oo u baahan in la ilaaliyo si aysan saameyn xun ugu yeellan bulshada inteeda. Taas ayaa keentay in Idaacadaha, TV-yada iyo Wargeysyada Soomaalida ku soo bataan adeegsiga qaldan ee xoriyada saxaafadda oo loo arkay in wariyuhu u madaxbanaan yahay tabinta, wax kasta oo maskaxdiisa ku soo dhaca isaga oo aan u eegin waxaa [...]

Faallo: Dareenka Shabaab iyo Doorashooyinka Soomaaliya.

$
0
0

Soomaaliya waxaa si hab sami leh uga socda Doorashooyin Qaran kuwaas oo ka dhacay Magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Dalka, iyadoo ay Kumanaan Qof uga qayb qaadanayaan qaabab kala duwan. Doorashooyinka oo noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ay Cod ku leeyihiin Kumanaan Shacab Soomaaliyeed ah tan iyo 1969-kii, waxa ay abuurayaan Mustaqbal cusub oo [...]

Qalabkii Dawlada Hoose ku Dhisasay Wadooyinka oo...

$
0
0

Hargeysa (Waaheen) Qalabkii Dawlada Hoose ee lagu dhisayey Wadda isku xidha Kantaroolka Galbeed ee Hargeysa illaa Xaafadda Jig-jigayar ayaa FadhiistaY, Ilo xogogaal ah ayaa Waaheen u sheegay in muddo dhawr maalmood ah uu fadhiyo qalabkaasi isla markana ay ku timid Cilad, qalabkan oo ahaa mid casri ah isla markana Dawlada Hoose ka soo iIbsatay Dalka Itoobiya ayaa muddo kooban shaqeynayey, iyada oo wadadii kowaadna lagu dhisayey.

Dowladda Suuriya oo duqeyneysa bariga magaalada Xalab

$
0
0

Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya waxa ay duqeynayaan xaafadaha mucaaradka ay Jimcihii qabsadeen ee Xalab.

Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay dalka Imaaraadka...

$
0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta u duulay dalka Imaaraadka Carabta,halka oo la sheegay inuu ka qayb-galayo shirka ka dhacaya.
Cabdiweli oo maalmo ka hor ka soo noqday dalka Imaaraadka Carabta ayaa lugu sheegay safarka uu dib ugu noqonayo inuu quseeyo sidii uu uga qayb-gali lahaa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhacaya dalkaas.
Madaxweynaha waxaa kalo la sheegay inuu kulamo la qaadanayo mas'uuliyiin dalka ka tirsan iyo ganacsatada,sida laga soo xigtay saraakiil madaxtooyadda ka tirsan.
Safarka madaxweynaha ayaa ku soo aaday xilli maanta baarlamaanka ay su'aalo ka waydiiyeen safaradda badan ee madaxweynaha oo ku soo aadaya xilli ay xaaladda adag ka jiraan gobolka.
__RBC Radio


Warkii ugu danbeeyey ee xaalada degmada Qandala ee...

$
0
0

Qandala(Puntland Post)-Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegaaya in magaaladaas ay ka barakaceen Dadkii ugu badnaa ee ku noolaa, markii ay halkaas dib ugu soo laabatay kooxdii maalmo kahor magaalada la wareegtay.
ku dhawaad afar boqol oo qof oo isaga soo cararay degmada Qandala ayaa soo gaaray Magaalada Bosaaso iyo tuulooyinka ka ag dhow Qandala, waxayna Dadkaasi sheegeen inay magaalada uga soo baxeen baqdin la xiriirta inay kooxda taabacsan Daacish ee la wareegtay Magaalada ay dhibaato u geysato ama dushooda lagu kor dagaalamo.
Kooxda ku sugan degmada Qandala ayaa bilowday inay isku diyaariso guluf collaadeed oo uga yimaada Ciidamada Puntland, waxayna hareeraha magaalada iyo buuraha ku teedsan ka qodanayaan dhufaysyo waaweyn oo ay ka dagaalami karaan hadii ay Ciidamadu soo weeraraan.
Tan iyo markii ay kooxdani la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Qandala waxaa degaanka dul heehaabayey diyaarado dagaal, sidoo kale waxaa xeebta Qandala kusoo dhawaaday Markab loo malaynaayo inuu kamid yahay Maraakiibta dagaalka ee ku sugan gacanka Cadmeed.
Ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaan PMPF ayaa gaaray meel aan sidaa uga fogayn degaanka Qandala, mana jirto talaabo ay illaa iminka qaadeen.
Kooxdan taabacsan Daacish ee la wareegtay Qandala ayaa degaankaas u araka mid muhiim u ah hawl-galkooda maadama ay kulaalayso Badda Gacanka Cadmeed oo aan sidaas uga fogayn Dalka Yemen oo ay kooxaha xag-jirka ee ay fikir wadaaga yihiin siweyn uga hawl galaan.
Kooxdan ayey Dadka degaanku sheegeen inay wataan Illaa 4 gaari oo mid kamida uu qori saaran yahay, mana muuqato awood ahaan inay u babac dhigi karaan ciidamada Puntland waxayse ku sugan yihiin degaan buuralay ah oo ay adag tahay inuu gadiidku maro.PUNTLAND POST
The post Warkii ugu danbeeyey ee xaalada degmada Qandala ee Gobalka Bari appeared first on Puntland Post.

Xog: DF oo xubin sharci darro ah si qarsoon ugu...

$
0
0

Gaalkacyo (Caasimada Online) - Dowladda Soomaaliya ayaa xubin dheeraad ah oo sharci darro ah ku dartay Guddiga Doorashada heer maamul Goboleed ee Hirshabeelle.
Guddiyada Doorashada heer Gobol ayaa mid kasta ka kooban 11 xubnood, sida uu dhigayo heshiiskii ay gaareen madaxda Madashada Qaran ee dalka, waxaana 9 ka mida soo magacaabayay maamul Goboleedyada halka ay dowladda federaalka ay dhinaceeda soo magacaabeysay 2 xubnood.
Magacaabidda Guddigayada heer Gobol ayaa ku soo baxay wareegto uu soo saaray Ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid, laakiin waxaa arrimahaas oo dhan sharci darro ku dhaqaaqay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo garab taabasho ka heysta madaxweyne Xasan Sheekh.
Guddiga Doorashada Heer Goboleed ee Hirshabeelle ayaa hadda tiradiisu noqotay 12 xubnood, waxaana xubinta dowladda Soomaaliya ku soo dartay lagu magacaabaa C/qaadir Cumar Kaatib oo ka soo jeeda beesha Sheekhaal - Reer Aw-xasan.
Ujeedka xubintan cusub loogu daray Guddiga Doorashada heer Gobol ee Hirshabeelle ayaa qeyb ka ah qorshe lagu doonayo in xubin Aqalka sare ah ay beeshan ka hesho Hirshabeelle, iyadoo aanay jirin degaan iyo degmo ay ku leedahay labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Damjadiid iyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa hore ugu fashilmay qorshe ay ku doonayeen in Beesha reer Aw-xasan ay ku hesho xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle, kadib markii ay si lama filaam ah ku soo baxday haweeney kasoo jeeda Beesha Ujeejeen, lagana guuleystay musharaxoodii. Fashilkan ayaa dhacay xilli ay magaalada Jowhar ku sugnaayeen kaadiriinta Damjadiid ee Beesha u ololeeya oo uu ka mid yahay xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.
Waxaa xusid mudan in Beesha Sheekhaal ay maamulka Galmudug ka weyday xubin Aqalka Sare ah taasoo keentay in odayaasha iyo siyaasiyiinta beeshaasi ay ku dhawaaqaan inay aqoonsiga kala noqodeen maamulkaasi, balse shaqeyn weyday.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo tagay Carmo, Isku...

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise iyo wafdi uu hogaaminayo oo kormeer Waxbarasho ku maraya Gobolada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay degmooyinka kala ah Carmo, Isku shuban iyo Ufayn oo ka tirsan Gobolka Bari.
Wasiirka Waxbarashada ayaa degmada Ufayn ka dhagax dhigay dugsiga waxbarshada dadka waaweyn iyo dugsiga hoose dhaxe oo la balaarinayo oo booska loo iibiyey, waxayna maamulka waxbarashada ee deegaanka ka wada hadleen xaaladaha waxbarashada iyo sidii howlaha waxbarashada ka socota loo dardar galinlahaa.
Wasiirka waxbarashada iyo wafdigiisu waxay kadib u gudbeen dhinaca degmada Iskushuban oo ah meeshii wasiirku ku dhashay, wuxuuna wasiirku ka dhagaystay bulshada deegaanka baahida waxbarashada ee halkaas ka jirta iyo kormeer indha indheyn ah oo uu ku sameeyay masahaariicda waxbarashada ka socota degmada Isku-shuban.
Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in socdaalkooda uu xooga ku saarayo kormeer lagu sameeyo waxbarashada ka socota deeganada fogfog ee ku yaala Gobolladda Puntland.Daawo sawiraddaAbshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Wasiirka Waxbarashada Puntland oo tagay Carmo, Isku shuban iyo Ufayn appeared first on Puntland Post.

Dhageyso Hambalyada iyo Heesaha

$
0
0

Dhagestayaal ku soo dhawaada barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha, oo aad xilliyadan oo kale dhageysataan. Barnaamijka waxa toddobaadkan la diyaar ah Ibraahim Xasan Daandurey iyo Falastiin Axmed Iimaan.

Telefoonadii Jubbooyinka oo Go'an

$
0
0

Madaxtooyada Jubbaland ayaa VOA u xaqiijisay in adeegyadani ay go’an yihiih, iyada oo falkaasna ku eedaysa ururka Alshabab.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live