Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

US to expand drone hits with secret new bases - The Independent

$
0
0

US to expand drone hits with secret new basesThe Independent... of a US base on Ethiopian soil would further strengthen the Addis government's position, said Roger Middleton, a regional analyst with the Chatham House think-tank, and reinforce the controversial US policy of containment of the Somali crisis. ...and more »


Hay’adda Sharjah Charity International Oo Gargaar Bini’aadannimo Gaadhsiisay Gobolada Hargeysa,Gabiley Iyo Awdal

$
0
0

Hargeysa (OWN) — Hay’adda samafalka oo layidha Sharjah Charity International ayaa shalay ilaa maanta gargaar bini’aadannimo gaadhsiisay ku dhowaad laba kun oo qoys degan Gobolada Hargeysa, Gabiley, Hawd iyo Awdal oo ay ka mid yihiin deegaanada Mashruuaca, ilinta Galbeed, Daarasalam, ilinta Waqooyi, Balegubadle iyo Boon.

Barnaamijkaasi oo ay fulisay Hay’ada  Sharjah Charity International oo laga leeyahay Imaaraada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabka,waxa hadal kooban halkaasi ka jeediyey Wakiilka Geeska Africa ee Hay’ada Sharjah Charity International Mr. Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Baraawe oo ka waramay sababahay kalifay cuno qeybintan waxaanu yidhi “Markii aan aragnay heerka cuno yari ee dalka si loo gaadho qoysas danyar ah oo cuntooyin u baahan.
 
“Waxaan soo dhaweynaynaa Hay’ada Sharjah Charity International  waan uga mahadnaqayaa deeqdan dadka tabaalaysan la gaadhsiiyey insha allaah waxan ka rajaynayaa inay soo kordhiyaan deeqdan oo ay danyartu u baahanyihiin” sida waxa yidhi Cabdilaahi Xuseen oo ka mida dadka danyar ah oo cunooyinka la siyay.
 
Deeqdan ayaa waxay ka koobnayd Daqiiqda, Bariiska Sonkor, Caano iyo Saliid oo ah cuntooyinka dalka loogu jecelyahay ee la isticmaalo.
Xubin  ka mid ah Sharjah Charity International oo la yidhaahdo Rashiid Saalax Binu xamad ka hadlay  qaybinta raashinka ayaa yidhi  “Waxaanu halkan ku nimid amar ka yimid Dr. Suldaan Maxamed Al-qaasim, si aanu uga qeyb qaadano dhibaatooyinka ka jira geeska  Afrika, waxaana aanu Somaliland u nimid inaanu abaaraha ka jira ka geysano waajibaadkayaga. Ujeedadayada dhabta ahina waxa weeye in dadka reer Somaliland ee abaaruhu waxyeeleeyeen aanu gacantayada ku gaadhsiino taakulada aanu u sidno.”
“Waxaanan idiinka mahad celinaynaa sida diiran ee aad noogu soo dhawayseen Somaliland,”ayuu  yidhi. Rashiid Saalax Binu xamad
Isku soo wada duub oo Waxa barnaamijkaasi ay fulisay hay’adani ku diirsaday dadkii baahnaa ee deegaanadaasi ku noolaa ee ay cunto qeybintani gaadhay.
 
Guud ahaan Goboladda Somaliland ayaa waxaa ka jira Abaaro ba’an Roob la’aan cunto yari iyo sicir barar, taasoo sababtay in dad badani ay awoodi kari waayaann inay maareeyaan Noloshii.





Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa
sirshiine@yahoo.com

Abdirahman Ali Ubaxle oo Ku Baaqay in Saxafada laga joojiyo qadiyada ku saabsan Gobolka Saraar, wixii cabasho jirana masuuliyintu ka wada hadlaan.‏

$
0
0

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Asalamu Calaykum wa raxmatu laahi wa barakaatul.
 
Walaalayal  waxaan salaan qiimo badan halkan uga soo gudbinaya dhamaanba  Beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Saraar ( Caynaba ), waxaan salaantaas ka bacdi idiin rajaynayaa wada jir iyo walaaltinimo waarta oo aad ku ilaashataan degaankiina kuna hor marsataan, waxaan leeyahay gacmo wada jir ayay wax ku qaban karaan.
 
Walaalayaal waxa jirta qadiyad ku saabsan saluug uu Xildhibaan Xariir ka muujiyay Gobolkii laga soo doortay taasina sababtay baaq uu dhowaan saxaafada ka sii daayey, waxaan taa ka odhanayaa xogogaal uma ihi sida wax uga jiraan, waxaanse ku talinayaa si kasta oo wax uga jiraan waxa sharafta iyo walaaltinimadeenu ku jirtaa in ay asturnaato oo si hoose loo dhamaysto wixii degaanku ku kala cabanayo si ayna u saamayn wada jirka dadka walaalaha ah ee degaanka ku wada nool.
Walaalayaal waxaa ayaamahan saxaafada iskaga soo daba dhacayey qoraalo diidmo iyo taageeroba leh oo ku saabsan hadalkii ka soo yeedhay xildhibaanka, waxaana jirta in dadka qaarkii aanayba ogayn oo magacooda uun ay ku arkeen taasina ayna ahayn wax fiican in saxaafada la geliyo magaciisa qof aan arimaha socda wax ka ogayn ama lagala tashan, sidaa darteed waxaan ku talinayaa aniga oo aan halkan cidna ka cambaaraynay in wixii jira lagu dhameeyo si hoose loona xil saaro xilkas baadhitaan ku sameeya sida wax u jiraan.
Walaalayaal dadku waa walaalo wayna is huran yihiin ee yaanay kala fogayn arin si dhib yar loo dhamayn karo, waxaan qabaa in Wasiirka Duulista iyo Maareeyaha Madbacaduba ay yihiin Masuuliyiin loo igmaday Xilal qaran oo ka wada masuulaha waajibna ay tahay inay u xaq sooraan  dhamaanba Bulshada reer Somaliland ee ay xilka u hayaan, hadiise laga cawday oo ay jirto inay kala dhoweysteen waxay ku fican tahay in iyaga wax laga weydiiyo wixii ku cadaadana si wada jira loogala xisaabtamo.
Waxaan qoraalkaygan talada ah ku soo afmeerayaa walaalayaal wada jira oo waxa jira wanaag ha lagu eego, Xildhibaan Xariir isaga oo ay waajibkiisa tahay inuu daryeelka iyo horumarkooda uu daba galo bulshadii soo dooratay hadana waxaan ku leeyahay. Xildhibaan Bulshada isku dhaq oo hadii arinka aad ka dhawajisay uu yahay arin jira oo labadaa masuul ay iska kaa hortaageen xaqii ay lahaayeen bulshada degta degaanka lagaa soo doortay dee waxa kuu furan wado haboon oo aad ugu soo bandhigi karto cida ay khusayso xal waarana lagu heli karo, hadii aanay jirin waxaa kugu waajiba inaad masuuliyiintaa ka xaal mariso eedaha aad saxaafada u marisay.
Sidoo kale waxaan bulshada walaalaha ah ee degaanka wada degan aan ugu baaqayaa inay isku xidhnaadaan si wada jirana u hore marsadaan deegaanadooda oo aan qolana ogolaan inay dulmi ku samayso qolada kale taasi oo inoo sahli karta  horumar wada jira oo degaanadeenu gaadhaan, dhinaca kalena waxan ku baaqayaa in qadiyadani saxaafada laga joojiyo oo aan la isugu jawaabin balse lagu bedelo wada jir iyo cilad saarid dhamaanba bulshada reer Somaliland gaar ahaana reer Caynaba hadii ciladi jirto.
Ilaahay ayaa mahad leh
Abdirahman Ali Ubaxle
Birmingham Uk
ubaxle@hotmail.com

Telesom Shirkad Dhaqaaqday oo Isgaadhsiineed + Shaqaale Aqoon ka Aradan, Hadana qab Waynidu ku wayntahay, Allow jid u bixi….,Qalinkii: Guuleed Gahayr Guutaale

$
0
0

Marka aad tahay Shirkad Ganacsi haddana u adeegta Dadweyaha , waxay bulshada  kuu Macaamiisha ahi u baahan tahay hadalo dabacsan oo ay ka Muuqato Tixgalin, oo ay Hareer socoto Soo dhawayn iyo gacmo Furan.
Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa ah mid ka Aradan soo dhawaynta Dadweyaha iyo Qancintooda, marka aad u eegto Shirkadaha kale ee Dhigooda ah.
 
Hadaad Tahay Masuul Shirkada Telesom ah Akhristow inta uu Miiskaaga kuu soo fadhiisto Ruux ah Macmiishaada una socda Cabasho iyo in uu Masuul Sare oo u gudbiyo Cabasho iyo in la Qanciyo wax uu goconayo una bahaan in aayar iyo si xushmadi ku jirto laga Qanciyo ma odhan lahayd .
 
Inta aad Telefoon iska Qabsato muddana  uu ku hor fadhiyo Macmil kaagu oo aanad Care siinin Waliba inta uu Salaanta Islaamka ah kugu Salaamay aanad ka qaadin taas oo qaadata Muddo aan ka yarayn 15 minit oo waliba aanad hayn shaqo shirkadeed ee aad intaa ku hadlayaysay Arrimo khaas ah, inta aad aayar soo jeedsato hadana Mid kale waa Telefoon e inta aad hadana Qabsato Waraaqna aad Fiirfiiriso adiga oo aan uba jeedin Macmiilkaaga ku hor fadhiya Wakhiga faraha badan.
 
Markii uu ku yidhi fadlan wakhti yar i sii aan kugula hadlo wakhti ayaan kula joogee inta aad si cadho ku jirto iyo xanaaq ahi  (Bini aadamnimadana ka baxsan Cadho aad qarsan kari waydayna) maxaad doonaysaa maxaad u socotaa orodoo inankaa Halkaa ka soo jeeda u tag oo waxa aad doonayso waydii kuuguna jawaabay macmiilkii Adiga ayaan ku rabaa oo ah masuul sare sida ka muuqata tabeelahan yar ee hortaada ku dhejisan ee Sales Opertion Manager ee anigu waxaan u socdaa Masuul sare oo aan u bandhigo cabashadayada ee cida qaabilsan ii sheeg ama adigu i qanci ma odhan lahayd Adiga oo weli Koortii yarayd ee aad ku hadlaysay  haya Waar  ninkaas u tag una sheeg waxa aad sheegayso iyo Ninkee iyo Kuwaas hadda waa Dad Shaqaale safan oo dhamaantood ah Shaqaale hoosaad waana kuwii aan ka cabanayay bal adba!!!!!!!.
 
Shirkada Telesom halka ay  gaadhay Haatan ayaa waxa lagu tilmaami karaa shirkada ugu Tayada Xun la macaamilka Macaamisha Shirkada  intii ay Jireen ama ay hanaqaadeen Shirkadaha Wadaniga ah ee umadda u haya adeegayada muhiimka ah !!!.
 
Dad badan oo aan aniga ka mid ahay waxay isla markiiba is Waydiiyaan Shirkadda Telesom marka ay sidan ay ula dhaqmayaan Macaamisha ay ku taagan yihiin Walibana ay jiraan Shirkado kula jira tartan Xoog lihi , Ma Aqoon Daraa, Ma Dad u adeegaya shirkado kale oo xumeynaya Shirkada Telesom baa, Maxayse Masuuliyiinta iyo Mulkiilayaasha Shirkada Telesom ay ugu daawanayaan Dadkan baabiinaya Curyaaminaya Shirkadda Mise waa Inamadan Sidan u galaya macaamiisha Shirkadu waa Siri Daalik!!!!????
 
 
La soco Qaybo kale  maqaalkan ku saabsan Shirkada Telesom, Telesom  Shirkad Dhaqaaqday oo Isgaadhsiineed  + Shaqaale  Aqoon  ka Aradan, Hadana qab Waynidu ku wayntahay, Allow jid u bixi………..
 
 
Qalinkii: Guuleed Gahayr Guutaale
Hargeysa Somaliland
Email:guleedxasan@hotmail.com
Fiiro Gaar Ah:  Fadlan la soco anigu Qoraalkan uma Qorin in aan ku Weeraro Shirkadda Telesom oo aan adeegeeda Isticmaalo haday Tahay Zaad, Mobile , Line iyo Salaam intaba  , balse muujin dareen Macmiileed iyo La dhaqankiisa weeye………..
 
—————————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla, 

WASAARADDA WAXBARASHADA WAA IN DIB LOO BAADHAA, By: yasin ali

$
0
0

Waxan marka hore salamayaa dhamaan dadweynaha Somaliland oo ay ugu horayso bahda saxaafaddu. Intgaa ka dib haddaan u soo noqdo mawduucan yaabka le, waxaynu wada ogayn sanadkan badhtamihiisii markii lagu eedeeyey wasaaradda waxbarashada qaybteeda imtaxaanada in imtixaanada qaarkood ay baxeen. Run ahaantiina maan rumaysan  arrintaa, mar labaad ayay noqotay in isla xafiiska imtixaanka iyo wasiirka waxbarashadu soo bandhigaan deeq wax barasho oo la siiyay Somaliland taasoo ka koobnayd 200 oo heer jaamacadeed  iyo 150 dugsiyo sare ah. Hadaba markii ay qaybiyeen waxay xuseen in ay isticmaaleen ratio ay ku saleeyeen qaybtaa. Hase ahaatee may faahfaahin ratioda u suuragelisay in gobolka maroodi jeex ka badsado laban laab mark la isku daro gobolada Sanaag Togdheer Saaxil iyo Sool. Waxa intaa sii dheer waqtiga ay ku dhawaaqeen oo ah cadayn in ay buuqa iyo xisaabtanka arintan isku dhaafinayaan. Waayo arday ka imanaysa sanaag in la siiyo 24 saacadood in uu ku yimaaddaan Hargaysa oo welibba imtixaan ku galo waa arin aad u adag. Waxan leeyahay arrintaasi waxay iftiiminaysaa in musuqii lagu xamanayay wasaaradda wax barashada qaybteeda imtixaanada ay run ahayd markaa waxa su’aashu tahay wasiirku miyay la ogtahay waxaas haddaanay se la ogayn waa in baadhitaan arrintaa lagu sameeyaa oo weliba gobolada la dulmiyay ay ka dhiidhiyaan arintaa, waayo waxay ku furaysaa waddo caddaalad darro. Waxa iyana meesha soo gelaya cuqdad goboleed loo qaado gobolkan wax boobaya ee maroodi jeex la baxay.  Hadiise ay inuun u hayaan arrintaa wax qiil ah waa in ay usoo ban dhigaan bulshada ku dulman gobolada Awdal, Togdheer, Sanaag, Sool iyo Saaxilba sababta ay sidan wax ugu qaybiyeen. Hadddiise la qancin waayo ardayda ku nool goboladaa aan soo sheegay iyo waalidiintoodaba waa in ay qaadaan talaabada ku haboon, hadday mudda haraadi lahaayeen iyo hadday dacwad furan lahayeenba. Balse hadday arintaasi sidaa ku sii socoto walee inay ka dhici taynu xamar uga soo cararay mid ka darani. Wassalamu calaykum
 
 
 
yasin ali 
 
aadanweyne@hotmail.com
—————————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla, 
 

Xisbiga UDUB: The Deceitful Voter Register, By: Abdi Halim Mohamed Musa

$
0
0

 
Xisbiga UDUB
___________________________________________
 
Ref: UDUB/XGK/F-2-1157                          Date: September 20, 2011
 
The Deceitful Voter Register
According to the  detailed report prepared on 25 August 2010 by the Electoral Reform International Services (ERIS) on the Preparation of the Voter Register during January-June 2010. ERIS was first contracted to review the state of the Voter Register prepared in 2008 and the readiness of the National Electoral Commission (NEC) to hold an election. Later, ERIS was asked to help NEC with the Presidential Elections. The report notes that on 26 June 2010, NEC held a successful Presidential election, which “generally met international standards” according to outside observers.
bold">
In this August report ERIS, however, concludes that the Voter Register on which the Presidential elections was based contained up to 30% fraudulent or duplicate records after all efforts to cleanup the system were exhausted.
According to ERIS, the registration process was marred from the very beginning with errors in “recording data and a high rate of false, illegal and duplicate registrations”. ERIS also found system problems in the transfer of data to the main database and that some codes were duplicated and some data were lost. ERIS also found that the application AFIS (Automatic Finger Print Identification System) and FRS (Facial Recognition System) was unsuccessful in catching duplicates. The quality of pictures and fingerprint impressions may have been too poor as ERIS could not find inherent problems with the systems. In its later attempt to clean up the system, ERIS used lower thresholds, but the much touted FRS would not correctly identify known, control duplicates.
In a surprising finding, ERIS emphatically concludes that the existing voter registration system should not be re-used. Quoting from ERIS “The system was designed as a one-shot system to generate a register which is then thrown away after use”. ERIS further concludes that biometric data collected through this system were not good enough to allow for the detection of duplicates. The system has no unique voter numbers, has known bugs and produces duplicate civil IDs and voter cards, and the “software was not fit for the purpose”. The system did not have the functionality to correct errors, amend or transfer records and remove deceased voters.
ERIS’s conclusion that the system was disposable is contrary to the often stated selling point- that Somaliland needed this expensive exercise to move its democracy forward and to sow the seeds for viable civil identity and voter registrations cards from this day forward; that this was a treasure. ERIS concludes “it would be easier to start again with an empty register and use the old [current] register merely as one source of supporting evidence”. In other words a new registration may be inevitable and we have to either start from scratch or go back to our old system of no registrations.
mso-bidi-font-weight:bold">
Expert from Creative Associates (Independent American Organization) who had also scrutinized the register accepted same with ERIS that data was corrupted and cannot be re-used, their report showed that the software used to develop the list especially, the FRS software and the combining of the FRS & AFIS has serous defects and therefore cannot be considered of sufficient quality for the production of the list.
Hence it is clear from the report that NEC believes that elections in this current cycle (forthcoming elections for municipality) can still go ahead using the current Voter Register with its 30% fraudulent records and other warts.
mso-bidi-font-weight:bold">
NEC and International Somaliland Election Donors are going to ignore to find a way to accommodate the large number of voters coming of age each since 2008 (Four generations) and legitimate voters who missed the last registration, which is not fair election and will only create endless conflicts and destabilize the hard won democracy of Somaliland.
mso-bidi-font-weight:bold">
 
mso-bidi-font-weight:bold">
Other un-acceptable Findings of the Voter Register
 
mso-bidi-font-weight:bold">

  1. Data of up to 14 centres is completely missing and is not included in the list, a proper audit of the data were not carried out, therefore, the completeness of the rest of the data is unclear.
  2. The number of duplicates found in the same centres some of them totaling hundreds is also additional proof that the observed duplicates are not accidental.
  3. More than 96,000 people who were struck off the register because appropriate technical enhancements of their photographs were not applied as agreed. This means that at least 80,000 genuine voters were being directly disenfranchised.
  4. The disclosure of such sensitive personal data constitutes gross violation of the law, infringement of the right of the individual and fundamental breach of international standards of data privacy.
  5. The data is overdue according to the constitution where the validity of the data to be only six months between the registration and the voting period.
  6. The absence of the corresponding duplicate records of the data and the lack of summary reports shows the list was not intended to be transparent but to be taken on face value, as it is.
  7. The comparison of electoral results of 2005 (parliamentary election) and the total number of registrations in districts where the elections were held in 2005. The average increase is around 106%, but the dramatic difference in the from -39%(Lughaya) to 373% (Caynabo) can be attributed to the levels of duplicate records in each district.
  8. When 30% of the list are in fact fraudulent registrations, as approved. A register containing such high percentage of error cannot be regarded as being a credible voter list. It is clear that this system has failed quite substantially.
  9. The total number of records with no fingerprint data was found to be 629,685 where only 96,780 were discarded.
  10.  Ultimately non compliance with all of the objective criteria & International standards would render this list as unreliable, incredible, and potentially a danger to Somaliland’s democracy.

 
mso-bidi-font-weight:bold">
mso-bidi-font-weight:bold">
Thank you,
 
Abdi Halim Mohamed Musa
Acting Secretary-General of UDUB Party

Dhibaatooyinka shaqo aqooneed (work-experience) ee haysta Masuuliyiinta Xukuumada Hada Jirta.‏By: Maxamed-Nasir M Dhoore

$
0
0

 
Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Waxaan kaloo salaamayaa saxaafada xorta ah. Salaam ka bacdi, waxaa maanta igu kalifay in ann qalinka qaato ka dib markaan arkay war maanta ku soo baxay barta internetka kaas oo tilmaamaya wada hadal dhex-maray Madaxda Xibiga Ucid iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka. Madashaas oo uu Xeer Ilaaliyuhu ka Yidhi Hadalo aad moodo in ay Xisbiyaysan yihiin ama aad moodo in uu la safnaa labadii dhinac ee is hayay mid ka mid ah. Mida kale, waxaan iyadana hore u hayay dhacdooyin fara badan oo Masuuliyiin Xilal kala duwan haysaa ay ku keceen taasoo abuuraysa dareen ah in ay haysato dhibaato shaqo aqooneed. Hadaba, waa maxay dhibaato shaqo aqooneed?
 
Dhibaato shaqo aqooneed waa dhibaato kasta oo kaa gasha aqoonta uu qofku u leeyahay shaqadiisa. Waxay noqon kartaa aqoonta uu qofku u leeyahay farsamada shaqada, waxay noqon kartaa aqoonta uu qofku u leeyahay waxay tahay shaqadiisuba, waxay noqon kartaa waayo aragnimo iyo wax yaabo kale oo fara badan oo dhamaantood ka ciyaara door muhiima marka qof shaqadiisa qabsanayo. Ugu horeeya ee muhiimka ah in uu qofku fahmo si uu shaqadiisa u qabsado qofku waa in yaqaanaa macnaha ama waxay shaqadiisu qeexayso in ay tahay (duty description). Mar haduu qofku fahmo waxay shaqadiisu tahay, waxa sahlanaanaysa in uu fuliyo ama uu aqoon dheeraad ah u yeesho fulinteeda. Hadase waxay u muuqataa in Qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta qaranku aanayba fahan sanayn macnaha shaqaday hayaan. Taasina waxay ku tusinaysaa dhibaatada ka haysata Masuuliyiinta Shaqo-Aqooneedkooda.
Ta labaad, dawlad kasta oo caalamka ka jirta waxa lagu qiimeeyaa sida marba ay masuuliyiinteedu hawshooda u gutaan. Waxaan madaxwaynaha kula talinayaa in uu marka uu magacaabayo cid in aanu eegin reerka uu ka soo jeedo ee uu eego shaqada ma qabankaraa. Waxaad mar marka qaar arkaysaa dhakhtar maaliyad loo magacaabay ama injineer wasaarada caafimaadka loo magacaabay. Taasi waxay ku tusaysaa in aan Maamulka lagu wadin Xul ee ay moodeen xal, taasina waa wax yaabaha ugu waaweyn ee wadanka la hadhay. Marka la xulaayo qof in uu shaqo qabto, waxa la eegaa 3 shay oo kala ah;
 

  1. qofkani shaqadan cilmi ma u leeyahay.
  2. qofkani shaqadan khibrad ma u leeyahay.
  3. hadii uu cilmi iyo khibradba u leeyahay, ma qabankaa, waayo waxa jira qof cilmi iyo khibrad labadaba leh, hadana aan qaban Karin shaqada.

 
Sidaa darteed, waxa lagama maar maan ah in la eego sadexdaa qodob hadii la doonayo in aynu ku talaabsano horumar, musuqmaasuquna u yaraada
 
Allaa Mahad Leh
 
Maxamed-Nasir M Dhoore
Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland ee Gobolada Northwest, USA
Main Office: Seattle, Washington.
Email: dhoore@live.com
—————————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla, 

Hay ada Nabad Sugida Soomaaliya Oo Soo bandhigtay walxa Qarxa iyo Wiil yar Oo loosoo Dhiibay


Maraykanka oo Afrika Saldhigyo ka Sameysanaya

$
0
0

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Maraykanku saldhigyo diyaaradaha aan cidi wadin uu ka sameysanayo Ethiopia iyo Sychelles.

Obama oo ka Hadlay Somalia

$
0
0

Shirka Golaha Guud ee QM ayaa Obama kaga hadlay in caruurta Soomaaliyeed loo ogolaado inay u noolaadaan si la mid ah sida caruurta kale ee dalalka kale ee caalamka ku dhaqan. Obama waxa uu sheegay in aan gargaarka la xayirin, si uu u gaaro dadka baahida u qaba.

Hadalkii madaxweynaha qeybta hoose ka dhageyso.

Jeneraal Dhega-Badan “Xaalad dagaal ayay xilligan ku jiraan Gobolada dalka”

$
0
0

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Jen. C/kariin Yuusuf Dhega-Badan ayaa sheegay in Gobolada dalka ay xaalad dagaal ka jiraan, isagoo soo hadal qaaday diyaar garow ballaaran oo soconaya. Jen. Dhega-Badan oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay qorshayaal ku wajahan Gobolada ay joogaan Shabaab, isagoo cadeeyay in dhowaan cagta marin doonaan maamulada Alshabaab kana takhasuli doonaan dhowaan.

Soomaaliya iyo Talyaaniga Oo Kala Saxiixday Heshiis Horumarineed.SAWIRRO

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ka
qeybgalaya shirkii guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ahaa ayaa la
kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Franco Frattini oo
ay ka wada hadleenarrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga,
gar-gaarka bani’aadanimo iyo arrimaha siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga Franco Frattini waxey kala
saxiixdeen heshiis horumarineed oo ay dowladda Talyaaniga ku fasaxeyso
lacago ilaa 14, 956, 919 Euro ah (ku dhowaad 15 million euro) oo la
xiriirtay heshiis ay labada Dowladda horey u kala saxiixdeen 26kii
November 1988 oo ku aadanaa inay Dowladda Talyaaniga siin doono deeq
Dowladda Soomaaliya oo la xiriirtay dhiiri gelin waxsoosaarka dalka
Soomaaliya. Heshiiskan waxuu oggolaanayaa in Dowladda Talyaaniga ay ku
wareejineyso lacagtaas Dowladda Soomaaliya si loogu isticmaalo arrimaha
horumarinta sida waxbarashada, biyo-gelinta,caafimaadka, beeraha iyo
xanaanada xoolaha iwm.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Franco Frattini oo ka hadlay
kulanka iyo shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen ayaa
sheegay in Dowladda Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa
xiriirka labada dal, isla markaana loo saacidi lahaa sidii dowladda ay u
hirgelin laheyd mashaariicda muhiimka u ah shacabka soomaaliyeed. Sidoo
kale Wasiirka waxuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha horumarka laga
sameeyey dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta iyo siyaaasadda ee Soomaaliya
oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay sii waddaan caawinaaada
dowladda soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga ayaa
casuumaad rasmi ah u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya si u soo
booqdo Talyaaniga isla markaana uu ula kulmo Ra’iisulWasaaraha
Talyaaniga Silvio Berlusconi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa u
mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga iyo sida dowladda
Talyaaniga ay u saacido dowladda iyo shacabka soomaaliyeed. Sidoo kale
waxuu uga mahadceliyey dadaalka ay u galeen sidii maalinta Jimcaha 23ka
Sept uu u qabsoomi lahaa kulan gaar ah oo loogu tala galay in beesha
caalamka iyo Qaramada Midoobay ay si gaar ah uga wada hadlaan arrimaha
Soomaaliya si xal loogu helo arrimaha Soomaliya, dowladdana looga
saacido sidii ay amniga iyo kala danbeynta u soo celin laheyd. Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in
Talyaaniga uu ka dhabeeyey ballanqaadkii 1988 ee ahaa inuu deeq siin
doono Soomaaliya, isla markaana uu lacagihii uu intaas u hayey ay maanta
saxiixaan inay u soo deynayaan shacabka soomaaliyeed.

Guulaha Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Islam Feruz Iyo Godobta Warbaahinta Somaalida

$
0
0

Ottawa-Sep-21-2011-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha
waxaynu caawa ku soo qadaneynaa sababta ay warbaahintu uga
faaloonweydey haddii ay noqoto BBC-da,VOA-da,wariyayaasha,idaacadayaash
Soomaalida iyo bahweynta ciyaaraha jecel xiddigga da’dayar ee 
Soomaaliyeed (Islam Feruz).
Akhyaartaay haddii aynu jaleecho xiddigihii waaweynaa ee kubadda cagta
ee aduunka PELE,MARADONA,ZICO iyo qaar kale oo farabadan waxay ku soo
koreen balashlayaal,darbijeef iyo iskorisnimo akhirkiina waxay ku caana
maaleen lugahooda dahabka ah maantana aduunka meel aan laga ixtiraameyn
majirto.
Laakiin maxay ku dhacdey xiddigan Soomaaliyeed ee mudaba u ciyaarayey
naadiga weyn ee (CELTIC) maantana la soo wareegtey (CHELSEA)hungurina ka
soo galey naadiyada waaweyn sida Man united,Man City,Chelsea,iyo Real
Madrid in la xaqiro inta lagu meereysanayo Minasota,Toronto,London iyo
meela kale oo farabadan.
Taariikhdu habeen ma aha ee waa sida dayaxa oo kale Isboortigana qabiil
ma galo 4.5-kuna shuqul kuma leh siyaasadna haba sheegin.nacaybku iyo
xaasinimaduna Soomaaliya ayaa ku burburtey ee yan loo soo qaloocinin
xagga isboortiga hana iska daayeen shakhsiyaadka danahooda gaarka ah ku
fushanaya.
Islam Feruz waa laacib Soomaaliyeed taariikhdiisana waxaan kaga soo
sheekeeyey Somali Diaspora News ama qurbejoog.com haddii aan idinyar
xusuusiiyo wuxuu ku dhashey Soomaaliyaa 1995 -6-jirkiisii ayey u
hayaameen waddanka Scotland isaga iyo faamilkiisa qaxootinmo maantana
cagahiisa dahabka ah waxay u soo saareen inuu ka mid noqdo
ciyaaryahanada lacgta leh ee aduunka sida aan horeyba u soo sheegey.
Waxaan ka codsanlahaa xiriir ku sheegyada meelahaa kala dadsan
noockastaba ha ahaadeene ha u kuur galeen ciyaartooda Soomaaliya ku
dhalatey inteyna jinsiyed kale qaadan si ay wadankooda magac ugu soo
hooyaan,miyeena ka xishooneynin marka ay maqlaan MO-FARAH-Somali Born
iyo Islam Feruz.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com-Ottawa
gahuur@hotmail.com
b

Xarakada ALshabaab oo ciidamo soo dhoobay meelo kamid ah magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaal-yahanada Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku soo
qul-qulaayaan qeybaha kala duwan ee magaaladda caasimadda ah ee
Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan walaac xoogan oo shacabka soo
wajahday.
Dagaal-yahano u daacad ah Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku soo
qul-qulaayaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo xoogoodu ay
ka kala imaanayaan Gobolada ay Al Shabaab gacanta ku heyso.
Ciidamadda Shabaab ee sida weyn leh ugu soo qulq-qulaaya magaaladda
Muqdisho, ayaa waxay ka jawaabayaan hadal todobaadkaan ka soo yeeray
Gudoomiyaha Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh
Maxamed Xasan Cumar “Abuu C/Raxmaan”, kaasoo sheegay inay kahor taggi
doonaan weerarada uga imaaneysa dhinaca Dowladda.
Arintaan ayaa waxaa walaac xoog leh ka muujinaaya shacabka ku dhaqan
degmooyinka Dayniile, Yaaqshiid, Heliwaa iyo qeybo ka mid ah degmada
Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kuwaa oo qaarkood dhawaan dib ugu soo
laabtay guryahooda, isla-markaana waxay shalay iyo maantaba ay wadaan
barakac.
Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka soconeysaa gulufyo dagaaleed oo ay
wadaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Xarakada Al
Shabaab, kuwaa oo dhaq dhaqaaqyadoodu laga dareymaayo faruumaha hore ee
ay isku hor fadhiyaan.

Deeq Somaliland gaysay Muqdisho

$
0
0

Hargeysa ayaa maanta waxaa ka amba baxaya laba wafdi
oo sida mucaawino gaareysa 700 oo kun oo doollar oo dadweynaha
Somaliland ay ugu deeqeen Soomaalida ay abaarta iyo macluusha ay heshay.

Labada wafdi oo uu ka mid yahay abwaanka
Soomaaliyeed ee Maxamed Ibraahim Hadraawi, waxaa ay u kala amba baxeen
Muqdisho iyo Dhadhaab.

Wafdiga Muqdisho u baxaya oo uu ka mid yahay
abwaanka weyn ee Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Hadrwaai, waxaa
hoggaaminaya, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland, Xasan Cabdi
Cawad, oo BBC u sheegay in aan hawshani siyaasad ku lug lahayn.


Ra'isal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo New York ku shiray kadibna warbaahinta la hadlay

$
0
0

Ra'iisal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo magaalada New York ku kulmay ayaa kulankoodi warbaahinta uga wrabixiyay.

Labada ra'iisal wasaare oo New York uga qeybgalay Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee QM ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya iyo Turkigu ay yihiin islamarkaasna ahaan doonaan labada dal oo walaala ah oo dhinacya badan iska kaashaan doona.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mr. Gaas oo xusay booqashadii uu ra'iisal wasaare Erdogan ku tegay Muqdisho ayaa yiri; "Booqashadii Erdoğan ee Muqdisho waxay billow u noqotay booqashooyin is-dabajoog ah oo mas'uuliyiinta Caalamkau ay ku tageen Soomaaliya, taasoo wax weyn ka bedeshay fikirkii Caalamku ka haystay Soomaaliya".

Ra'iisal wasaaraha Turkiga oo isna ka hadlay taageerada ay Soomaaliya u fidanayaan ayaa waxaa uu yiri; "Waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno taageerada aan siinayno Soomaalida, xilli dhowna waxaan dhisi doonaa Cusbitaal qaada 200 oo sariirood, waddooyinka, garoonka diyaaradaha, iskuullo iyo mashaariic kalena waan fulin doonaa".

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay ee aan u kala harin taageerida Soomaaliya shacabka iyo ,maamulka waxay Soomaalidu u hayaan abaal aan doogi doonin oo taariikhda baal dahab ah ka geli doonaa, sidaas waxaa qaba Soomaali badan.

halgankanet@gmail.com

 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland; "Dilalka ka dhacahaya Puntland al Shabaab ayaa ka dambeeya"

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo ka hadlayay dilalka abaabulan ee mudooyinkan dambe ka dhacayay deegaanada Puntland ayaa dilalkaas eedooda dusha uga tuuray xoogagga al Shabaab ee ku xoogga badan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Cabdirashiid Maxamed Xersi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland wuxuu si toos ah ugu eedeeyay al Shabaab dilalka ka dhaca Puntland, wuxuuna shacabka ku abtirsada Puntland ku booriyay in ay barabar istaagaan maamulkaas si loo ciribtiro al Shabaab waa siduu hadalka u dhigaye.

Guud ahaan Puntland gaar ahaan magaalooyinka waa waweyn ee dadku ku badan ayaa waxaa mudooyinkan dhacayay dilal abaabaabulan, dilalkaas oo intoo badan sida dad badani aanooyin qabiil salka ku hayay, waxaana la xusuustaa in gudaha Gaalkacyo dagaal lagula ciidamada Daraawiishta ee Puntland.

halgankanet@gmail.com

Reysul wasaare C/wali oo lakulmay xogayaha guud ee jaamacad carabta.

$
0
0


NEW York:-
Reysul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali oo wali kuguda jira booqashadiisa Laatiin America iyo kaqeyb galkiisa shirkii guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ahaa ayaa lukulmay xogayaha guud ee jaamacada Carabta Nabil Elaraby.

OWN: Halkan Ka Dhegaysta Waraysi Aanu Ka Qaadnay Macallinta Xaafadda “Faysal Fadhfadhle”

$
0
0

 Hargeysa (OWN)- Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi aanu maanta ka qaadnay maccalinta saxaaffa “Faysal Maxamed Fadhfadhle.” isla markaana wax soo baray  arday ka qalinjebisay machadka SIDAM ee bartay culuumta saxaafadda. Waxaana waraysiga la yeelatay Sagal Cabdiraxmaan.
 
 
 
Oodweynenews.com, Hargeysa Office

Ra’isal wasaaraha Turkiga oo sheegay inay Muqdisho ka dhisayaan isbitaal weyn, iskuullo iyo mashaariic kale

$
0
0

Ra’isal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo magaalada New York ee dalka Mareykanka u jooga ka qeybgalka shirka guud ee Qarammada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas  oo isna shirkaas ka qeyb gelaya.
 
Kulanka ay yeesheen Labada Ra’isal wasaare oo qaatay waqti aad u dheer  ayuu Ra’isal wasaare Erdogan wuxuu u sheegay dhigiisa dalka Soomaaliya in dowladda Turkiga ay Muqdisho ka dhiseyso Isbitaal weyn oo qaada 200 sariir, sidoo kalena ay dayactireyso waddooyinka Muqdisho, iyo qeybo ka mid ah garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana ay Muqdisho ka dhisayaan Iskuullo iyo mashaariic kale.
 
Waxa uu Ra’isal wasaaraha Turkiga uu sidoo kale sheegay in ay go’an tahay mar waliba saacidaada dowladda KMG Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaalida.
 
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Ra’isal wasaaraha Turkiga Erdogan sida uu mar waliba u garab taagan yahay ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay isla markaana uga mahad celiyay booqashadii geesinimada lahayd ee Ra’isal wasaaraha turkiga uu ku tagay magaalada Muqdisho bishii hore, taasoo dhiirigelisay mas’uuliyiin badan oo beesha caalamka ka tirsan, kuwaasoo ku dayday Ra’isal wasaare Erdogan oo iyagana Muqdisho ka degay, isla markaana ka qeyb qaatay saaciddaada Soomaalida dhibaateysan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live