Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Doorashada golaha wakiillada Somaliya uga qayb...

$
0
0


Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana halkaas lagu doortay qaar ka mida mudanayaashii ugu horreeyey ee ka mid noqda golaha Shacabka ee Soomaaliya.
Goobo doorasho oo ku kala yaalla magaalada Garowe ayaa 51 ergo ahi ay halkii kursiba ku kala saarayeen xildhibaannada tartamaya, waxaana mudanayaashii ugu horreeyey ee ku guulaystay doorashada ka dhacday Garoowe ka mid ahaa, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali, Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi, Xildhibaan Siciid Daahir, Xildhibaan Cilmi Cumar Caynanshe, Xildhibaan Axmed Ismaaciil Xaaji, Xildhibaan Maxamuud Xayir iyo xubno kale.
Doorashada ka socota Garowe ayaa la filayaa in maanta oo sabti ah la doorto 12 kursi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey doorashada mudanayaasha aqalka hoose ee ka bilaabantay Garoowe, wuxuuna sheegay in ergo gaadhaysa 14,025 ay dooran doonaan illaa 275-ka xildhibaan ee ka mid noqon doona golaha shacabka ee Soomaaliya.
Warar kale oo naga soo gaadhaya Garoowe ayaa sheegay in hannaanka doorashadu uu xilligan u socdo si habsami ah, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in xalay magaalada laga maqlay rasaas kala duwan oo dhacaysa, hase ahaatee weli laamaha ammaanka ee Puntland arrintaasi kamay hadlin.
VOA


Garoowe: Akhriso magacyada qaar ka mid ah xubnaha...

$
0
0

Magaalada Garowe ayaa maanta waxaa ka billaabatay doorashada xubnaha Puntland u matalaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub, iyadoo wejiga 1-aad ee doorashadaasi loo qorsheeyey in maanta la doorto 12-Xildhibaan. Magacyada lixda mudane ee ilaa iyo hadda la doortay waxaa ka mid ah: Cali Yuusuf Cali Xoosh (Cali Gaab) Cilmi Cumar Cilmi Maxamed Xayir Ibraahim Muuse Axmed Ismaaciil Axmed Ismaaciil Maxamuud Cumar Ismaaciil Waaberi Doorashada oo ilaa iyo hadda socota ayaa xubnaha maanta tartamaya waxaa ka mid ah haween, iyadoo wejiga labaadna uu halkiisa kasii socon doono maalmaha soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhoweeyey bilowga...

$
0
0

Muqdisho, 05 November 2016 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey bilowga doorashooyinka Baarlamaanka oo maanta ka bilowday Garoowe, xarunta Dowlad Goboleedka Puntland. Dowlad Goboleeyada kalena ay ku howlan yihiin in maalmaha soo socda ay bilaabaan doorashooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer [...]

Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Abdirahman...

$
0
0


Guddoomiyaha Golaha wakiillada isla markaan ah musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Abdirahman Cirro, guddoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Abdirqaadir Ismail Xaaji Ismail jirde, hoggaamiyaha xisbiga Waddani mudane Xirsi Ali Xaaji Xasan iyo dhammaanba hoggaanka sare ee xisbiga Waddani, waxa ay tacis tiiraanyo leh u dirayaan Musharraxa M/xigeen ee xisbiga Waddani Mudane Mohamed Ali Aw Abdi iyo dhammaanba reer Ali Aw Abdi, oo ay ka baxday hooyadood Asha Abdi.
Waxana ay marxuumadda Ilaahay uga baryayaan in uu Jannadii ka waraabiyo, eheladeediina uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aammiin

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo sumeeyey ceelasha...

$
0
0

Dadka deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay iney ka war heleen maleeshiyada Al-shabaab xalay iney sumeeyeen Ceelashii ay Biyaha ka cabi jireen dadka halkaasi ku nool. Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xalay saqdii dhexe maleeshiyaadkaasi ay sumeeyey ceelasha biyaha ee ku yaala deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh/Dhexe, si ay u [...]

Xasan oo war culus kasoo saaray doorashada Aqalka hoose

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey bilowga doorashooyinka Baarlamaanka oo maanta ka bilowday Garoowe, xarunta Dowlad Goboleedka Puntland. Dowlad Goboleeyada kalena ay ku howlan yihiin in maalmaha soo socda ay bilaabaan doorashooyinka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo maanta ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilowdaan goobihii lagu ballamay. Madaxweynaha ayaa yiri "Hannaanka Doorashooyinka 2016 waa qorshe qaran oo dalka looga hirgelinayo doorashooyin dadban si 2020 aan u wada gaarno doorashooyin hal qof iyo hal cod ah. Bilowga doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka waxey ka dhigantahay in aan ka dhabeynay ballanqaadkii ahaa in doorashooyinka ay ku dhacayaan waqtigii loogu talo galay."
Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey beesha caalamka taageeradooda ku aadan doorashooyinka iyo sida ay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ugu dhiirigeliyaan dar-dargelinta doorashooyinka. Waxaana muuqata in Soomaaliya ay maanta gaartay heer horumar ah oo doorashooyinku ay ku dhacayaan sidii loogu talagalay, sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashooyinka oo ay muuqato in Soomaalidu ay si Soomaalinimo ah wax u qabsan karaan marka la taageero.
Madaxweynaha oo hadlkiisa sii wata ayaa yiri "Maanta waxaan dalka gaarsiinay in 14,025 muwaadin oo matalaya shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan 275ta xildhibaan ee Baarlamaanka, isla markaasna aan suurtogelinay in doorashooyinku ay ka qabsoomaan gobollada dalka. Dadaalkan waxuu ku yimid Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo shacabka oo si wadajir ah uga wada howlgalay sidii aan u xoojin laheyn sharciyada hay'adaha dowladda isla markaasna loo heli lahaa isla xisaabtan dhab ah iyo matalaad ka heer sareysa tii 2012kii oo ay 135 Madaxda dhaqanka ah ay noo soo xuleen xildhibaanada Baarlamaanka, halka maanta fursad loo siiyey shacabka inay door muuqda ka qaataan, soona doortaan shaqsigii ugu mudnaa ee matali lahaa deegaankaas ama beeshaas."
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashooyinka ay ugu dhici lahaayeen si wanaagsan oo shaqsi walba kaalintiisa uu uga cayaari lahaa. Madaxweynaha ayaa yiri "Sababaha aan u doorbidnay in xildhibaanka uu ku yimaado doorasho oo 51 muwaadin ay soo doortaan ayaa ah in la helo xildhibaano matali kara masiirka Qaranka, isla markaasna leh karti, aqoon iyo hufnaan si Baarlamaanka soo socda uu u noqdo mid fuliya waajibaadka loo igmaday si dalka ay doorasho toos ah oo hal qof iyo hal cod ah ay uga hirgasho. Sidaas daraadeed, ergada lagu aaminay inay soo doortaan xubnihii baarlamaanka u matali lahaa waa inay danta guud ka horumariyaan danaha gaarka ah isla markaasna ay soo doortaan shaqsiga mudan ee xilkan culus ka bixi kara, isla markaasna magaca iyo karaamada Soomaaliya kor u qaadi kara."
Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Al Shabaab oo sheegay in Askar AMISOM ka tirsan ku...

$
0
0

Mahadaay ( Sh. M. Network)-Xarakada Al shabaab ayaa sheegtay inay ku dileen duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe 7 askari oo u dhashay dalka Burundi, kuwaasi oo katirsanaa howlgalka Midowga Africa, ee AMISOM.
Al shabaab waxay sheegtay in weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ay wateen Ciidamada Burundi oo kaoso baxay deegaan lagu magacaabo Biyo Cadde, kuna sii jeeday dhanka deegaanka Jahwayn oo 8 Km u jira degmada Mahadaay.
Weerarka ayaa la sheegay in uu ku billowday qarax loo adeegsaday miino wadada qarkeeda lagu aasay, taasi oo lala bartilmaameedsaday kolonyada ciidamada Burundi, waxaana xigay dagaal toos ah oo mudo ku dhaw hal saac socday.
Al shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dileen 7 askari kuwa kalena ay ku dhawaceen.
Dhanka kale, AMISOM ayaa beenisay sheegashada Al shaabab, oo ay ku tilmaam tay war been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Doorashada Aqalka Hoose oo Garowe ka Bilaabantay

$
0
0

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana halkaas lagu doortay qaar ka mida mudanayaashii ugu horreeyey ee ka mid noqda golaha Shacabka ee Soomaaliya.


Dibadbax weyn oo ka dhacay Seoul

$
0
0

Dibadbixii ugu weynaa ayaa ka dhacay magaalada Seoul ee caasimada Kuuriyada Koonfureed, kaasi oo ay dadka ku dalbanayeen inay xukunka ka degto madaxweyne Park Geun-hye.

Barnaamijka Caweyska Washington

$
0
0

Barnaamijka Caweyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah fanaanka caanka ah ee Cabdulqaadir Macallin Cumar (Juba), waxaanad kale oo aad ku dhageysan doontaan sheeko xiiso leh oo jaceyl ah.

Guddiga doorashooyinka dadban oo soo gabagabeeyay...

$
0
0

Garoowe(SONNA)-Maalintii labaad waxaa ka bilowday Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland Doorashada Xubnaha aqalak Hoose ee baarlamaanka soomaliaya uga mid noqon lahaa Puntland iyadoona maanta la doortay laba Mudane oo ka mid ahaa 12 Xil dhibaan ee ugu Horeeyay kana haray 10 Mudane oo ay ergooyinku shalay Doorteen. Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka tirsan Guddiga [...]

Sarakiil katirsan ciidamada Puntland Oo Lagu Qabtay...

$
0
0

Sarakiisha Ciidamada Amanka Galmudug ayaa lagu wadaa gor dhow in ay soo bandhigan ciidamo iyo gadiid dagal oo ciidamada difaca Galmudug ay ka qabsadeen Ciidamada Puntland.
Xasan Cabdiraxaman Fantastik Oo Ah wariye ku sugan Goobta lagu soo bandhigayo ciidmadasi dagaalka lagu qabtay ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amanka ay gacanta ku hayaan maleshiyad ka tirsn Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Xasan aya dhinac kale waxaa uu sheegay in xaalada magalada Gaalkacyo ay tahay mid degan .
Hoos ka Dhageyso codka wariye xasan
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/xasan-xa.mp3
XAFIISKA WARARKA.GAALKACYO
SHABAKADDA WARARKA
WWW.HOBYONET.COM
NAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COM
TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Dagaal Culus oo Gaalkacyo ka Dhacay

$
0
0

24 qof ayaa dhintay, in kabadan 80 kalena way dhaawacmeen kadib markii maanta dagaallo culus ay Gaalkacyo ku dhexmareen ciidamada labada maamul. Dagaalkan ayaa imanaya iyadoo madaxda labada maamul ay Abu Dhabi ku saxiixeen heshiis xabbad-joojin ah.

DAAWO SAWIRRO: Puntland oo soo bandhigtay Gaadiid...

$
0
0

Maleeshiyo iyo Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay gaadiid dagaal & Hub ay ku qabsadeen dagaalkii Maanta.
Gaadiidkan ayaa u muuqda inuu yahay mid uu saarnaa qori madfac ah, waxaana dhinaca kale Puntland dagaalka uga dhigtay sarkaal sare iyadoo la sheegayo in sarkaal kale lagu qabtay.
Qasaaraha dagaalka maanta ka dhacay Gaalkacyo ayaa la sheegay inay ku dhinteen in ku dhow 40 askari oo labada dhinac ah.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland...

$
0
0

Wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayaa maanta tababar socon doona muddo 5-maalmood ah u furtay Madax-qaybeedyada Farsamada Kumbuyuutarrada iyo Tik noolojiyadda ee ICT (Information and Communication Technology) oo dhowaan ku soo baxay imtixaankii ay qaaday hay'adda shaqaalaha rayid ah ee dawladda Puntland.
Madax-qaybeed yadaan cusub ayaa tiro ahaan dhan 9 xubnood oo ku biiri doona 45 Madax-qaybeed oo ay hore u qaadatay dawladda Puntland kuwaas oo ka mid ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu Bangiga adduunku uu ka taageerayo dawladda Puntland.
Munaasabaddii Furitaanka Tababarka ayaa waxaa hadallo kasoo jeediyey xubno meteleyey hay'adda shaqaalaha rayidka ah iyo Wasaaradda maaliyadda, waxaanay ka war bixiyeen habkii loo soo maray qaadashada shaqaalahaani cusub iyo rajada laga filayo marka ay si rasmi ah xafiisyadooda u fariistaan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana oo isaguna goobta hadal ka jeediyey ayaa xasuusiyey Madaxqaybeedyada tababarka loo qabtay in ay ka hawl-geli doonaan xarumo dawladeed oo muhim ah isla markaana looga baahan yahay in ay xilweyn iska saaraan ilaalinta xogta dawladda.
Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Shire Ismaaciil oo tababarka furay ayaa Madaxqaybeedyada cusub ee Farsamada Kumbuyuutarrada kula dardaarmay in noqdaan kuwo is beddel dhab ah ku sameeya nidaamkii hore ee loo maarayn jirey xogta dawladda isla markaana ka dhigaan mid la jaanqaadda qaababka casriga ah iyagoo ka faa'iidaysanaya tiknoolojiyadda casriga ah ee ay adeegsato dunida horumartay.
Madaxqaybeedyadaan cusub ee maanta tababarku u xirmay ayaa geba-gebo u ah wejigii koobaad ee Madaxqaybeedyo gaaraya 54-Madax-qaybeed oo ay qaadatay dawladdu, kuwaas oo ka hawlgeli doona xarumaha kala ah. Madaxtooyada, Bangiga dawladda, Hay'adda shaqaalaha rayidka ah, Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Beeraha, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha iyo wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.
--DHAMMAAD--
The post Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland oo Tababar u furtay Madax-qaybeedyo Hor-leh. appeared first on Puntland Post.


Puntland oo ka hadashay dagaalkii maanta Gaalkacyo

$
0
0

Garowe(Puntland Post):- Shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtay magaalada Garowe Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdulaahi Jaamac (Quraan-jecel) waxa uu kaga hadlay dagaal maanta Gaalkacyo ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Afhayeenka Puntland Quraanjecel ayaa ku eedeeyay dagaalka maamulka Galmudug oo uu sheegey inay jabiyeen heshiis ay dhawaan ku wada gaareen Madaxweynayaasha labada dhinac dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, Wuxuuna sheegay inuu ahaa weerarkii 14aad oo Galmudug kusoo qaado Puntland.
Quraanjecel ayaa sheegay inay dib ugu soo bandhigi doonaan saxaafadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta, Isagoona hoosta ka xariiqay inay guulo la taaban karo ka gaareen ciidamada Puntland.
Dagaalka maanta ka dhacay Gaalkacyo ayaa sida wararku sheegayaan sababay khasaare baaxad leh oo labada dhinac dhimashadoodu gaareyso ku dhawaad 40 , halka dhaawacuna intaas ka badan yahay, waxaana la rumaysan yahay inuu ka duwanaa dagaalka maanta kuwii horey ugu dhex maray Gaalkacyo Puntland iyo Galmudug marka loo eego baaxadda khasaarihii ka dhashay.Daawo Shirka Jaraa,iid ee Afhayeenka Puntland.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Puntland oo ka hadashay dagaalkii maanta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Wasaaradda Haweenka Puntland oo shir balaaran maanta...

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowlada Puntland ayaa maanta u qabatay Haweenka u sharaxan aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya iyo Kuwa ku guulaystay Xildhibaanada Aqalka Sarre Puntland u matali doona baarlamanka kulan lagu soo dhaweynayo , waxaana kazoo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Wasiiro,Haweenka Xildhibaanada ee Aqalka Sarre , Kuwa musharaxiinta ee u tartami doona Aqalka hoose,Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Puntland, Odoyaal dhaqmeed iyo Marti sharaf kale.
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa faahfaahisay ujeedada kulankaan waxayna sheegtay inuu qeyb ka yahay Kulamo lagu xaqiijinayo in haweenku ay heleen qoondadii %30 ee kuraasta Baarlamanka Soomaaliya.
Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa si adag ugula dardaarantay in Odoyaasha dhaqanku tixgaliyaan kaalinta haweenku ku leeyihiin hogaaminta dalka iyo ka qeybgalka Arrimaha Siyaasadda.
Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland Howard Bell oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in Puntland ay hogaaminayso doorashooyinka Aqalka sarre iyo Kan Hoose ee dalka Soomaaliya, Islamarkaana uu rajeynayo inay door muuqda haweenku ku yeeshaan kuraasta labada aqal.
Waxa uu sheegay Mr Howard Bell inuu soo gaari doono Puntland galabnimada isniinta soo socota Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Isagoona kula kulmi doono Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas magaalada Bosaso, Islamarkaana arrimaha ugu waaweyn ee uu kala hadli doono ay qeyb ka yihiin xaqiijinta Qoondada haweenku ku leeyihiin kuraasta baarlamanka.
Dhinaca kale waxaa kulanka ka hadlay qeybo ka socday Haweenka ku guulaystay Xildhibaanimada Aqalka Sarre, Kuwa u sharaxan kuraasta Aqalka Hoose, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland iyo Odoyaasha dhaqanka, waxayna dhamaantood si isku mid ah isugu raaceen inaan haweenka la duudsiin Karin xaqa ay ku leeyihiin dalka.
Ugu danbeyntiina waxaa soo xiray kulankaan Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo sheegay in Xukuumadiisu door muuqda iyo kaalin mug leh ka ciyaareyso xaqiijinta kuraasta haweenku ku leeyihiin Xildhibaanada ka imaanaya Puntland ee Aqalka Sarre iyo Kan Hooseba.Daawo Sawwirada.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo shir balaaran maanta ku qabatay Garowe appeared first on Puntland Post.

Mogadishu prepares for parliamentary elections

$
0
0

Mogadishu, the conflict-recovering capital of the horn of Africa is preparing to host a parliamentary election later this month, a move that paves the way for a presidential election by the end of 2016.
Somali capital is enjoying a period of relative stability following nearly two decades of conflict. government Security forces and AMISOM beefed up ahead of the upper house chamber election.
Al-Shabaab was forced out of Mogadishu more than five years ago, and the country is preparing for presidential elections later 2016 after the current federal government's mandate expired September 10.
Mogadishu mayor's spokesman said the city's security is improving and more reliable to host the parliamentary and presidential elections scheduled November 30, 2016.
At least 22 people were killed Saturday night after a bomber in a car packed with explosives struck a security forces convoy at Sayidka area in Mogadishu.

Somalia: Tension builds up in Abudwak after clan fight

$
0
0

Tense of fight is reportedly building up in the central town of Abudwak following armed conflict between Galmudug militia and Ahlu Sunna Waljama forces.
Trouble is brewing up between Galmudug State and Ahlusuna after the both sides deployed a heavily armed contingent in the town, where forces from the two sides have both taken defensive positions.
Ahlu Sunna has deployed troops to Huursho, about 10Km away from Abudwak city in Galgaduud region, where they were amassing in the past few days in preparation for battle with Galmudug state forces.
The minister of constitution and reconciliation for Galmudug state administration has announced that they are making efforts to de-escalate the mounting tension in Abudwak, to end the clan rivalry.

South Sudan: Weerar 11 ruux lagu dilay

$
0
0

Ciidamada ammaanka ee Suudaanta Koonfureed, ayaa baadigoobaya nin hubeysan oo ku dilay 11 ruux meel naadi ah oo ay ciyaar ku daawanayeen. Dadka dhintay, ayaa daawanayay horyaalka Ingiriiska.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live