Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Falanqeyn: Guushii Donald J. Trump

0
0

Madaxa laanta Af-Soomaaliga, Cabdiraxmaan Yabarow ayaa falanqeynaya guushii uu xalay gaaray Donald Trump.


Falanqeyn: Guushii Donald J. Trump

0
0

Madaxa laanta Af-Soomaaliga, Cabdiraxmaan Yabarow ayaa falanqeynaya guushii uu xalay gaaray Donald Trump.

Geeridii ku timid AUN Marxuum Cabdullaahi Safaari oo...

0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Waxaa halkan tacsi tiiraanyo leh ka diraya mas'uuliyiinta kala ah
Wasiir Cabdullaaha Kim-maalin Axmed
1 Ugaaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xasan
2 Mudane Suldaan Bashiir Colaad Kheyre
3 Mudane Cabdi Xaashi Caloore
4 Mudane Xayir Ciise Maxamuud
5 Mudane Maxamuud Axmed Siyaad
6 Mudane Maxamed Carab Yaasiin Maxamed
7 Mudane Axmed Rooble Cali
8 Mudane Salaad Cali Rooble
9 Mudane Xaaji Cabdi Maxamed Xasan
10 Mudane Guuredheere Maxamed Xersi
11 Mudane Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle
12 Mudane Maxamuud Cabdullaahi Wehliye Waqaa
13 Mudane Daahir Cismaan Farakiyaawe
14 Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud
Dhawaan Dadka waxey tacsi u dirayaan Reer Axmed Rooble uu ka geeriyooday Cabdullaahi Axmed rooble (Cabdullaahi Safaari) oo maanta gacan ka xaq-daran ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

Doorashadda Xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo...

0
0

Jowhar(SONNA)Waxaa goor-dhawayd la soo gabagabeeyay codayntii doorashadda Xubnaha Hirshabeelle u matalaya aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay 8 Xubnood oo labo ka mid ah xildhibaanada la doortay ay yihiin haween. Magacyadda 8 Xubnood ee Ku Guulaystay Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Hoos ka Akhriso. 1-Cisman Axmed Macow 2-Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle [...]

SAWIRO: Puntland oo Ciidan Cusub geysay Gaalkacyo...

0
0

Wararka naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay magaaladaas gaareen ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa Puntland, waxayna ciidamadaas qeyb ka qaadanayaan xaqiijinta Amniga C/weli Gaas iyo Madax kale oo ku wajahan Gaalkacyo.
Goobjoogayaal kusugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay arkayeen ciidamadan oo kusugan saldhigyadooda kuyaala magaalada Gaalkacy, waxaana kamid ah ciidamo cusub oo dhawaan tababaro loo soo xiray.
Wararka qaar ayaa sheegaya ciidanka cusub ee galay gaalkacyo in ay ka hortagayaan weerar la sheegay in ay diyaariyeen ciidanka galmudug.

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Xubnaha Aqalka sare...

0
0

Waxaa maanta ilaa caawa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle kasocotay Doorashada Xubaha aqalka sare ku matalata Maamul goboleedka Cusub ee Hirshabelle.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa doortay sideeda xubnood ee aqalka sare ku matalaya maamulka Hirshabelle, waxaana Xildhibaanada la doortay labo kamid ah ay yihiin Haween.
Xubnaha Aqalka sae ee maanta lagu doortay Magaalada Jowhar waxaa ku jira Muuse Suudi Yalaxoow oo horey Xiildhibaan iyo Wasiir uga soo noqday Dowladihii KMG ahaa, Muuse ayaa sidoo kale kamid ahaa Hogaamiyaashii Hubeesnaa ee Muqdisho xili maamulayay.Halkan ka Aqriso Magacyada iyo Qabiilada 8-da xubnood ee Hirshabelle ku matalaya Aqalka sare
1-Muuse Suudi Yalaxow (Abgaal Mudulood)
2-Maxamed Amiin Sheekh (Abgaal Mudulood)
3-Prof Cusmaan Maxamuud Dufle (Ujeejeen Mudulood)
4-Maxamed Xuseen Raage (Xawaadle)
5-Maxamed Cismaan Dhagajuun ( Xawaadle)
6-Cusmaan Xxmed Macow (Jajeele)
7-Naciima Ibraahim Yuusuf (Gaaljecel)
8- Fartuun C/Qaadir Karaama (Jareer Sadex Cumaroow)
Xubnahan maanta lagu doortay Magaalada Jowhar ayaa kamid noqonaya Xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana wali harsan 11-xubnood oo kamid noqonaya Aqalka sare kuwaa oo iyana ka imaanaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

DAAWO: Bannaanbaxyo looga soo horjeedo Trump oo ka...

0
0

Boqolaad dad ah ayaa isugu soo baxay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka iyagoo ka horjeeda doorashada Donald Trump loo doorto madaxweynaha Mareykanka.
Waxaa isu soo baxay dadweyne fara badan oo markii ay ku soo tooseen guusha Trump ka qaaday naxdin, taasoo keentay inay isu soo ururaan oo ay bilaabaan bannaanbaxyada socda.

Abaalmarinta BBC ee Cayaaryahanka Afrika 2016

0
0

Maalinta Sabtida, Shan ciyaartooy oo loo magacaabay Abaalmarinta BBC ee Ciyaaryahanka Afrika ee sanadka 2016, ayaa la soo bandhigayaa, loona codeynayaa.


Dubai oo la doonayo in laga hirgaliyo tareenada dhaqsaha badan

0
0

Shirkadda tareenada dhaqsaha badan samaysa ee Hyperloop, ayaa heshiis la saxiixday Isutaga Imaaraadka Carabta..

Clinton ayaa sheegtay in Trump la siiyo fursad uu waddanka ku hoggaamiyo

0
0

Hillary Clinton, musharraxa madaxtinimada ee laga guulaystay, waxay sheegtay in loo baahan yahay in madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, la siiyo fursad uu dalka ku hoggaamiyo.

Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Shirka...

0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12 Nov, 2016 si rasmi ah u daah-furay shirka nabadaynta iyo xallinta khilaafka magaalada Gaalkacayo ka aloosan.
Shirkaas oo ay kasoo qayb galeen wufuud ay kala hogaaminayeen Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Michael Keatin iyo Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Sidoo kale Shirka nabadaynta Gaalkacayo waxaa Madaxweynaha Dawladda Puntland kala qayb galay xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, cuqaasha gobolka mudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka nabadaynta magaalada Gaalkacayo ayaa tilmaamay in Dawlada Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay diyaar u tahay tallaabo kasta oo loo qaadayo dhinaca nabadda iyo xakamaynta colaadda magaalada Gaalkacayo." Sanadihii udanbeeyey waxaa Dawladda Puntland iyo shacabkeeda loo geystay dhibaatooyin baaxad weyn oo ay ugu horeeyaan weeraro joogto ah, bara-kicin, iyo in laga hor istaago horumar ay wadeen, waxaa sidoo kale la laayay waxgaradkii furaha u ahaa nabadda, Puntland cidna duulaan kuma aha balse waa waajib diini ah inaan is difaacano sharafta , karaamada iyo maalka dadka Puntland, maanta waxaan isugu nimi in dhibta Gaalkacayo nabad iyo xal waara laga gaaro haddii alle idmo" ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isaguna dhankiisa sheegay oo yiri " Waxaan aaminsanahay in magaalada Gaalkacayo ay ku noolyihiin dad walaalo ah oo isku mid ah, ayna waajib tahay in ay magaalada ku wada noolaadaan, Galmudug ahaan diyaar ayaanu u nahay in xal loo helo xaaladda magaalada Gaalkacayo"
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isaguna hadal kooban jeediyey ayaa dhankiisa tilmaamay oo yiri " Waxaa muhiim ah in wada hadalka maanta furmay uu sii socdo ilaa xal kama dambays ah laga helayo, bulshada Gaalkacayona ay horumar iyo barwaaqo ugu noolaadaan".
Dhinaca kale xoghaya qaramada midoobay u qaabilsan Sooomaaliya Danjire Michael Keating ayaa isaguna sidoo kale yiri'" Dagaaladii u danbeeyey ee Gaalkacayo waxaa ku dhintay 45 qof, waxaana barakacay 90.000 oo qof, dagaalkan ma jirto cid guul ka gaaraysa balse guul darro iyo khasaare ayaad kala kulmaysaan waana muhiim inaad keentaan sidii loo joojin lahaa"ayuu ku soo kooban hadalkiisii.
Ugu danbayntii: shirka nabadaynta ee magaalada Gaalkacayo ka furmay maanta ayaa la isku afgartay in la dhaqan geliyo heshiiskii xabad joojinta ee lagu gaaray magaalada Abu Dhabi 02 Novebmer 2016, isla mar ahaantaana waxaa la isla qaatay in socodsiintiisa guddiyo loo saaro labada dhinac ah.
-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Shirka Nabadaynta Gaalkacayo (Sawiro) appeared first on Puntland Post.

Shirkii Nabadda Gaalkacyo oo qodobo laga soo saaray...

0
0

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ku kulmay magaalada Gaalkacyo ayaa ka wada hadlay xalinta colaada Gaalkacyo, iyadoo kulankooda ay goob joog ka ahaayeen Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya. Shirka ayaa socday mudo, waxaana laga soo saaray qodobada dhowr oo ay ka mid yihiin. 1: In xabbada la joojiyo oo la [...]

Somalia: UAE’s interference is a threat to national...

0
0

Mogadishu (Caasimada Online) - As the United Arab Emirates continues to tamper and interfere Somalia's politics, there are fears that things might take the wrong turn, Caasimada Online understands.
Sources indicate that UAE' envoy in Somalia, Mohamed Al Othmani is against the decision of electing a president from the Hawiye clan.
Mr. Othmani who held a meeting in Mogadishu with some prominent personals from the Darod, Digil and Mirifle clans suggested that the clans should contest for the presidency and all clans should support the candidate that will be proposed.According to Caasimada Online sources, the envoy has vowed to support the Clans and advised the leaders against electing someone from the Hawiye clan. UAE has been on the front line in encouraging the above clans to vie for the presidential elections.
In the meantime, there are fears that if UAE sidelines with some clans there will be a political imbalance in the country which could lead to chaos and conflicts among the Somali clans.
UAE is aiming to endorse two prominent politicians from the aforementioned clans. The two likely candidates UAE is willing to fund their campaigns are Omar Abdirashid and Sharif Hassan.
Others who are yet to be mentioned will also work for the benefit of UAE.
UAE is hoping to build a new government that will be an asset and investment platform in the coming years.
UAE sees the current government as a wasted opportunity after it failed to leave up to its expectations.
Despite the hope in which the people of Somalia have placed in their brethren from Arab countries, these brothers have been unable to guide their sister country on the dangerous road it's stumbling upon.
Clan prejudice and geographical divisions are being transmitted to younger generations by erecting barriers between clans, families and friends in the name of development by briefcase NGOs working secretly for their donor countries.Caasimada Online Mogadishu OfficeCaasimada@live.com

Madaxweynaha Soomaaliya oo Boqorka Sacuudiga uga...

0
0

Muqdisho, 12 November 2016 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud. Madaxweynaha ayaa tacsidan u direy Boqorka Sacuudiga, qoyskii, eheladii iyo shacabka Sacuudiga oo uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee [...]

Madaxweynaha Dalka oo kulan dhiira galin ah u...

0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiiragelin ah u sameeyey Farxaan Hadaafoow oo ah ciyaaryahankii Soomaaliya uga qeyb-galay tartanka Olombikada adduunka ee ciyaaraha naafada. Farxaan Hadaafoow Maxamuud waa ciyaaryahan Soomaali ah oo sannadkaan uga qeyb-galay dalka Brazil ciyaaraha naafada ee Olombikada adduunka isagoo matalaya dalka Soomaaliya, madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan [...]


Madaxweynaha Soomaaliya oo Baaq Ka Soo Saarey Abaarta

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Baaqey in La Caawiyo Dadka Abaaraha ay Saameyeen.

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo heshiis ku gaaray...

0
0

Gaalkacyo (Sh M Network) -- Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si xal looga gaaro colaada ka oogan halkaasi ayaa waxaa Madaxdaasi ay maanta kulan ku yeesheen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Kulanka Madaxweyneyaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka kala socday Ururka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo dhigiisa Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka wada hadlay sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo colaada waayihii dambe ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxuu shaaca ka qaaday in labada Maamul ay heshiiyeen 3 qodob oo ku aadan in Xabad joojin deg deg ah laga dhaqan geliyo Magaalada Gaalkacyo islamarkaana la magacaabo Gudi la socda Xabad joojintaasi.
Waxuu Ra'iisul Wasaare Cumar uu tilmaamay in 20-ka bishan la isugu imaan doono Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, si halkaasi wadahadalka loogu gallo.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxuu sheegay in Maamulkiisa uu diyaar uu yahay heshiis iyo ka shaqeynta nabada Magaalada Gaalkacyo.
Dhiniciisa, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kulanka hadlayay ayaa waxuu sheegay in ay diyaar u yihiin sameynta wax waliba oo lagu xasilinayo colaada Magaalada Gaalkacyo.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Guuleed ayaa sidoo kale waxuu cod dheer ku sheegay in ay sameyn doonaa xitaa hadii loo baahdo tanaasul, si buu yiri xal waara looga gaaro islamarkaana Nabad looga dareemayo Xarunta Gobolka Mudug.

(Dhageyso)Taliye Maxamed Nuur Puntland Awoodii waxay...

0
0


Maxamed Nuur Cali Gedaar Taliyaha Qaybta Gobalka Mudug Ee Galmudug ayaa ka hadlay Xaaladaha Magaalada Gaalkacyo Isagoo ka Jawaabay Eedeyn Maamulka Puntland uga yimid wuxuuna sheegay in ay Puntland dhaqan ka dhigatay Eedeynta Boor isku qariskaa Ee ah in mar walba ay dhahaan Galmudug waa Alshabaab.
G/sare Maxamed Nuur Ayaa Sheegay In ay nasiib daro tahay Hadal ka soo yeeray Wasiirka Howlaha Guud Ee Puntland wuxuuna ku tilmaamay mid hurinaya Colaada Gaalkacyo.HOOS KA DHAGEYSO CODKA TALIYAHA.
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/TALIYAHA-QAYBTA-BOOLISKA-GALMUDUG-MAXAMED-NUUR-.mp3
XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Maxay iska shaabahaan dalalka Afghanistan iyo Soomaaliya

0
0

Dalalka Afghanistan iyo Soomaaliya ayaa meelo badan iska shaabaha, xaga nabadgalyada, qaxootiga iyo khilaafka qabaa'ilka.

Yaa isugu soo haray tartanka abaalmarinta BBC ee laacibka Afrika 2016?

0
0

Ciyaartoyda u tartameyso abaalmarinta BBC-da oo la shaaciyay

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live