Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wicitaanka: Sh. Nuur Baaruud Gurxan

$
0
0

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa marti ku ah Guddoomiyaha Golaha Samafalka iyo Horumarinta Somalia oo ka hadlaya kaalinta laga qaadan karo abaaraha ka jira meelo Somalia ka mid ah.


Donald Trump oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan...

$
0
0

Madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu musaafuriyo labo illaa saddex milyan oo qaxootiga aan la diiwaan gelin ee sharci darada ku jooga Mareykanka.
Donald Trump ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu dhisi doono darbia ee laga hirgelinayo Xuduuda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico.
Wareysi uu siiyay Barnaamijka 60 Minutes ee ka baxa Telefishinka CBS ayuu taageerayaashiisa u xaqiijiyay in kuwa uu musaafurinayo ay ku jiraan burcada iyo kuwa ka ganacsada daroogada.
aEUoeDadka ku jira diiwaanka dambiyada, kuwa ka ganacsada daroogada iyo qaxootiga sharci darada ku jooga halkan sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ku musaafurin doonaaaEUayuu yiri Donald Trump.
Waxaa uu sheegay inuu ka dhabeynayo balan-qaadkiisa Ololaha doorashada markii uu ku jiray ee ahaa inuu darbi ka dhisayo xuduuda Mareykanka iyo Mexico ay wadaagaan.
Donald Trump ayaa dhowaan ka laabtay qaar ka mid ah balan-qaadyadii uu sameeyay markii ololaha uu ku jiray, gaar ahaan barnaamijka Obama Care, oo uu horay ugu tilmaamay mid musiibo ah, isla markaana uu meesha ka saarayo.
Hadalkan ka soo yeeray Donald Trump ayaa ku soo beegmaya, iyadoo banaan baxyada lagu diidan yahay ay galeen habeenkii shanaad, waxaana kumanaan ruux ay dibad baxyo ka dhigayaan magaalooyinka ku yaala Mareykanka.

DAAWO: Cadde Muuse oo si adag u weeraray C/wali gaas...

$
0
0

Madaxwaynihii Hore ee maamulka Puntland Cade Muuse oo ka hadlay Xaalada Gaalkacyo ayaa Sharafta ka qaaday C.wali Gaas iyo C.kariim Guuleed.
Wuxuuna ku sifeeyay Rag aan Xukumin dadka ay madaxda u sheeganayaan, Wuxuuna sheegay in dagaalku aanu ahayn wax lagu Faano, Sidoo kalana wuxuu sheegay in Xalka Gaalkacyo loo aado Kismaayo.

Akhriso: Abwaan Caan ah oo loo doortay Xildhibaan...

$
0
0

Waxaa goorhaw magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug lagu doortay Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ahaa aas aasihii iyo Gudoomiyihi Kooxda Fanaaniinta ee Qeylo Dhaan.
Abwaan Ciyaar Jecel oo kasoo jeeda Beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Wagar Dhac waxaa kursiga Beeshiisa kula tartamayay sadex Musharax oo mid kamid ah aheed Haweeney.
Sida ay Shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Dadban Abwaan Cadi Shire Jaamac ayaa ku guuleestay Wareega koowaad ee doorashada waxa uu helay Codad gaaraya 29- cod halka Musharixiinta kalana ay heleen codad intasa ka yar.Codadka ayaa loo kala helay sida tan:
1-Abdi Shire Jaamac oo helay 29 cod
2-Deeq Xuseen Mirre oo heshay 10-cod
3-Suldan Xaaji Aadan oo isna helay 7-cod
4-Qaasim Maxaed Abdi oo helay 5 cod
Doorashadan ayaa aheed mid aad u xiiso badneed waxaana goobta doorashada ka socotay ka dhacay dabaal degyo iyo mashxarad lagu soo dhaweenayay Guusha Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo horey uga mid ahaa Xildhibaanka Waqtigiisa uu dhamaaday.
?????????????

Deg Deg+DHAGEYSO: Weerar & Toogasho ka dhacday...

$
0
0

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku Dileen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Askarigan ayaa lagu Dilay Suuqa lagu magacaabo Sarif-yaraha, iyadoona Dilka kadib dableydii hubeysnaa ay qaateen qoriga Askariga.
Kooxihii ka dambeeyay Dilkaasi ayaa isaga baxsaday goobta.
Sidoo kale koox hubeysan oo watay baabuur ayaa weerar ku qaaday Askar Ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya katirsan oo ku sugnaa degmada Warta-nabada Ex-wardhiigley waxaana halkaasi lagu dilay hal askari iyo mid dhaawac ah.http://badweyntimes.com/wp-content/uploads/2016/11/toogashp.mp3

SAWIRO: Wasiir Beekoos oo siriq Cajiib ah loo dhigay...

$
0
0

Wasiiru dowlihii Warfaafinta Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa goor dhow looga guuleystay Kursiga Xildhibaanimo ee Aqalka Hoose, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.
Mr Beekoos oo muddo 12-sano ah ku fadhiyay Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Hubeer ee Mirifle ayaa waxaa si layaab ah uga guuleystay nin dhalinyaro ah oo ku cusub siyaasada, kaasoo lagu magacaabo Cabaas Siraaji.
Cabaas Siraaji ayaa helay 42 cod, halka Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos uu helay 9 cod, waxaana kaddib dabaal deg ka bilowday xaruntii uu ka socday doorashada Aqalka Hoose.
Doorashooyinkii Aqalka Hoose ee ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa ku soo baxay rag dhalinyaro ah, oo siyaasiyiin rug cadaa ahaa iyo kuwo xilal soo qabtay afka ciida u daray.
Xildhibaanada dhalinyarada ahaa ee lagu doortay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ahaa Aadan Isaaq Cali, Maxamed Xasan Idiris Ganaey iyo Maxamed Soomaali.
Dad badan ayaa sheegaya in tani ay bilow u tahay in la gaaray waqtigii Dhalinyarada ay ku guuleysan lahaayeen kursiga Xildhibaannimo, iyagoo meesha ka saaraya Xildhibaanada daaEU(tm)da ah ee mudada kursiga ku fadhiya.

Cabdikariim Wagaafe: Madaxda Puntland madaxtinimo ay...

$
0
0

Minneapolis (RBC Radio) Siyaasiga Cabdikariim Aadam Xasan (Wagaafe) ayaa ku dhaliilay hoggaamiyeyaasha Puntland xaaladda ka taagan magaalada Gaalkacyo,wuxuuna marka sheegay madaxda dowladda inaysan wali qaadaneyn go'aan lugu xasillinayo xarunta gobolka Mudug.
Wagaafe oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ee qurba-joogta ah ayaa wareysi uu siiyay raadiyaha Rajodoon,wuxuu uga hadlay dagaallada soo noq noqday ee ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.
Wuxuu sheegay dagaallada ka dhacaya inay soo bilowdeen markii la dhisay maamulka Galmudug ee u hadda hoggaaminayo,madaxweyne Cabdikariin Guuleed,marka wuxuu ku sheegay Cabdikariin si aan habooneyn inuu ku hoggaaminayo maamulka.
"Tiimka uu hoggaamiyo Cabdikariim ee Damul-Jadiid in ay khalad ka fahansanyihiin nidaamka maamulka qabiliyada in sixun u isticmaalayaan ayaga oo maamul sheeganaya oo laakiin jamciyad magac islaam wadata ay sheegtaan asaga iyo Xasan iyo timaam badan inay meesha ka taliyaan dhibaatada Gaalkacyo ka billaabatay waxay salka ku haysaa maamulka Galmudug nimanka jamadul jadiid ladhaho ayaa aas aasay Galmudug ayagoo magaca beelahooda adeegsanaya,"ayuu yiri siyaasiga Cabdikariim.
Sidoo kale,wuxuu ku eedeyay madaxda Puntland inay u hanqal-taagayaan Muqdisho iyo inay xilal ka qabtaan,taaso sabab u ah inay iibsadaan dalkooda iyo dhulkooda,sida uu sheegay.
"Nin Xamar xilka raba madaxwyne iyo ra'iisul wasaare karaba wax dhibaata kuma hayso in Gaalkacyo lagu dhinto in Puntland laqabsado iyo in dhibaato dhacdo,"ayuu yiri Wagaafe oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ee qurba-joogta ah.
Siyaasiga Cabdikariim Aadam Xasan (Wagaafe) wuxuu farrin u diray shacabka Puntland oo u marka ku wargaliyay hadallada xun xun iyo weerarrada uga imaanaya koonfurta Gaalkacyo inay mas'uul ka yihiin dad aan u dhalan gobolka oo xil doon ah,sida uu sheegay.
"Galmudug waxaan leeyahay nimaankaan idaacadaha ka hadlaya oo leh dad baan xoreenaynayna iyo xuduudo ayaan furanayna waxbaan baabi'inayna 27-sano ayaa dadkaan islaynayeen cid cid hadda dhul kahaysatana ma jirtee beel beel ka xoog badana ma jirtee waxaan u sheegayaa walalahayo hadalaa ay idaacadaha ka yiraahdaan dadka halugoynina dadkagana habaabi'inina coladna ha u abuurin dadkaan wada dhashay,"ayuu ku darey hadalka.
Ugu dambeyntii,wuxuu tacsi u diray dadkii ku dhintay dagaalladii ugu dambeeyay ee magaalada Gaalkacyo ka dhacay iyo kuwa ku dhaawacmay oo u rabbi u waydiiyay inuu u boga-dhayo.
Hoos ka dhageyso wareysiga oo dhammeystiran
http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2016/11/DS401381.mp3
___RBC Radio

Puntland iyo Galmudug oo 2 Guddi Dhisay

$
0
0

Madaxda Puntland iyo Galmudug oo mar kale Gaalkacyo ku kulmay ayaa soo magacaabay laba guddi oo ka shaqeyn doona heshiiskii xabbad-joojinta iyo sidii colaadda xal kama danbeyn ah loogu heli lahaa.


Somali leader appeals for aid amid severe drought

$
0
0

Somali President Hassan Sheik Mohamud has appealed to the international community to provide humanitarian assistance to people affected by severe drought which is ravaging the Horn of Africa nation.
President Mohamud said several parts of Somalia have been affected by drought especially in regions in northern Somalia.
"I appeal to the international community to immediately come to the aid of the Somali people in the affected areas before the situation gets worsened, it is time that aid is delivered very urgently in particular drought stricken areas of the country," Mohamud said in a statement received on Sunday.
His statement comes after the UN said in September the total number of people facing acute food insecurity across Somalia has risen to five million, or more than 40 percent of the country's population does not have sufficient food.
The assessment report released in Mogadishu reveals the number includes over 300,000 children under five who are acutely malnourished, including more than 50,000 children who are severely malnourished and more vulnerable than any other group.
The president said the drought has widely affected the country, worsening in some areas and called on Somalis spread across the world to do everything to aid their brothers and sisters suffering from severe drought.

Two soldiers dead, several injured in Mogadishu attack

$
0
0

At least one soldier was killed, and two others were injured in an attack at army checkpoint in Somali capital, Mogadishu on Sunday, a witness said.
Confirming the incident, an eyewitness said gunmen in a moving vehicle sprayed an army checkpoint run by Intelligence officers in Wardhigley district.
A passerby civilian is among the two persons wounded in the ambush attack, which was the latest in string of assaults in Mogadishu by Al shabaab militants.
The gunmen sped off in their car, after the shoot-out, the witness said.
In a separate incident, unidentified gunmen shot and killed a Soldier, and seized his gun in Mogadishu's Bakaro market. The gunmen who carried out the attack are reportedly fled the scene.

” Madaxweyne Waa Lasoo Maleegay Shirka Adna Waa...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen):- Siyaasi Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa si adag u dhalliilay kulan beelaysan oo Madaxweyne Siilaanyo beel ka mid ah beelaha bariga Burco uu cod ugu weydiinaayey Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu kulankaas ku tilmaamay mid qorsheysnaa oo loo maleegay Madaxweyne Siilaanyo isla mar ahaantaana cid ismuujinaysaa ay ku wiiqeysay haybadda iyo sharafta Madaxweynaha Qaranka Somaliland
Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta Internetka ee uu ku lee yahay Facebook, waxaana uu sida oo kale dhalliilay nidaamka Gaashaanbuuraysiga ah ee Madaxweynahu codka ugu doonaayey Muuse Biixi isaga oo carabka ku dhuftay in Madaxweynaha aanay beel gaari u codeyn balse ay u codeeyeen dhammaan ba beelaha dega Somaliland isla mar haantaana aanay mudneyn in Madaxweynahu uu abaalkooda dafiro.
Qoraalka Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
Maaha milgihii madaxweyne !
Madaxweyne waa masuulka qaranka ugu sareeya waa mideeyaha ummada guud ahaan mid doortay iyo midaan dooran , waxa xilkaasi fuulay ka dib markii uu ka guulaystay cidii tartankaa la gashay.
Axmed waa madaxweyne waayeel ah oo aan filaayay inay ku filantahay in uu taariikh nololeed dahabi ah uu ku gunaanadi doono sharaf iyo in uu ka tago dal iyo dad midaysan
Sidii madaxweynayaashii isaga ka horeeyayba asteeyen ! . Mudane madaxweyne waa lasoo maleegay shirkaa adna waa lagugu shaanbadeeyay allowse sharaftaadii ma dileen
Madaxweyne waxaan muran ku jirin in dhamaan ummada reer somaliland bulshada degtaa aanu jirin reer ama qabiil ama ardaa habayaraate aanad cod ka helini , markaa maanta ma qabataa qof kula soo halgamay kuu codeeyay ood codkiisii madaxweyne ku noqotay inaad ku sagootido waxaa i doortay
GAASHAANBUUR AMA IS BAHAYSI LABA REER AH ?Abaalkaana aad u lingaxdo cid magacaaban .
madaxweyne maanta waxaa safarka kugu weheliyay masuuliyiin aan ahayn Isbahaysiga aad sumaday oo kula wadaaga aragtida kulmiye iyo in muuse lagu dhiso xisbinimo , hadaad ka faqdeen oo faqu ahaa beelo ama reero ma qabataa inaad ka raacdo adigoo odaygii qaranka ahaa ood ka qarsato ? Waabay dhacdee hadii faq qabiil ahayd maxaad ufaafiseen ?
Madaxweyne waad ka tegaysaa xilka qaranka oo xil la wada leeyahay oo la wadaago ceeb uma arko inaad cod u raadiso masharaxa kulmiye saxiibkayo Muuse, milgaha iyo masuuliyada aad u hayso mucaarad iyo muxaafadba sidee ayaad ugu cadayn kartaa inaad qabanayso doorasho xor ah oo xalaal ah ama sidee qaran mid ah oo la yidhaahdo somaliland adiga dabadaa loo heli karaa ?
Madaxweyne waxaan ahay intii kula soo shaqaysay intii kula soo martay mucaarad waxaan kula wadaaga taariikh wanaagsan iyo mid xun , allah ma qadaro taa xune inta kula wadaagta magacaa maantana qoraalkani waa iga magac dhawr maaha mucaarad anoo ah xisbi mucaarad ah . Waa tudhaale aan u muuqan mid is muujin iyo jawaab u isticmaalaya haybada madaxweyne oo cid iga sheegan kartaa aanay jirin .

Trump oo ku hanjabay burrinta heshiis Obama ka shaqeeyey.

$
0
0

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey in uu ka laaban doonno siyaasaddii madaxweyne Obama uu dib ugu soo celiyey xiriirka Mareykanka iyo Cuba marka uu xafiiska la wareego bisha Janaayo ee sanadka fooda inagu soo haya.

SAWIRRO: Wasiir dhistay Guri aysan xabbadaha karin...

$
0
0

Wasiirka gobolka Telangana ee Koonfurta dalka Hindiya ayaa la kulmay dhalleecayn iyo cambaarayn baaEU(tm)an ka dib markii uu degay qasri hanti badan gashay oo ku kacay 7.32 milyan doolar (Todobo milyan sadex boqol iyo labaatan kun) oo ah lacagta canshuur bixiyayaasha laga qaado.
Guriga oo ku fadhiya 9 kun oo mitir oo isku wareeg wuxuu ku yaal faras magaalaha magaaladda Hyderabad, wuxuu leeyahay Musqullo xabaddu ka gudbi karin, Masrax 250 qof wax ku daawan karto, iyo Hool ama goob 500 qof ay fariisan karto. Waxaa intaas dheer in dhamaan daaqadaha guriga aannay xabaddu karin.
Koox wasiirka ay isku diin yihiin ayaa intii aannu u guurin waxay guriga u tageen si ay ugu duceeyeen, waxaase musqulaha xabbaddu karin ee gurigu leeyahay ay dhalisay in dadku ay si wayn u dhalleeceeyaan.
Wasiir K Chandrashekhar Rao ayaa gurigaas Khamiistii u guuray ka dib markii hogaamiye diimeedka Chinna Jeeyar Swamy uu wardi diinta Hinduuga ah ku soo aqriyey.
Mr Swamy waxaa kale oo uu ku fariistay kuriga rasmiga ah ee wasiir Rao si uu u barakeeyo.
Guriga ayaa lagu magacaabay Pragathi Bhavan, waxaana lagu dhisay la tashi dhaw oo ku salaysan hab dhaqan diimeedka vaastu oo lala sameeyey koox quburo ah.
Mr Rao wuxuu si wayn u aaminsan yahay dhaqanka vaastu oo ah dhaqan soo jireen ah oo Hinduugu u adeegsado dhismaha.
Wasiirka ayaa bishan hortaanteedii wuxuu soo jiitay saxaafadda ka dib markii uu isku dayay in uu burburiyo dhisme dawladdu leedahay oo uu aaminsan yahay innaanay ku dhisnayn hab dhaqanka diineed kuwaasi oo nasiib xumo ku ah dawlad goboleedka.

Xog Cusub: Ciidamado DFS oo weeraray Jaamacadda...

$
0
0

Koox dabley ah ayaa maanta weerar ku qaaday xarunta ugu weyn jaamacadda SIMAD ee jidka warshadaha, magaalada Muqdisho.
Kooxda weerarka ku qaaday Jaamacadda ayaa dad goobjoogeyaal ah ay sheegeen inay ahaayeen saddex dabley ah oo wadatay gaari, kuwaasoo ku muddooyinkan danbe ardayda u geysanayay dhac ay uga qaateen Mobile-ada gacanta.
Shilka maanta ayaa yimid kadib markii ay arday ka dhaceen Computer Laptop ah oo uu watay, kadibna ilaalada Jaamacadda ay rasaas ku rideen kooxda, taasoo keentay inay kooxda dableyda ah gudaha u galaan jaamacadda.
Rasaas muddo kooban socotay ayaa gudaha jaamacadda ku dhex martay ilaalada Jaamacadda iyo kooxda dableyda ah iyadoo kala carar iyo jaha wareer xoog leh ka dhacay, iyadoo loo maleeyay in Alsahbaab ay gudaha u galeen Jaamacada.
Qaar ka mida ardayga ayaa ka booday daaqadaha, waxaana markii dambe la sheegay inay kooxdii dableyda ahayd isaga baxeen xarunta jaamacadda.
Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Carab ayaa sheegay in dabley gaareysa lix askari oo ku lebisan dareyska ciidamada ay gudaha u galeem Jaamacadda, ayna sababtay in ardayda ay qaarkood jahawareer ku dhacay.
Ciidamo fara badan ayaa markii danbe tegay xarunta jaamacadda, mana jirin cid la qabtay, waxaana xaaladda ay markii danbe ku soo laabatay caaadi

Wasiir Maareeye oo Musuqmaasuqay Ergada rasmiga ah...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo ka mid ah 135-ta Oday ee soo xuleysa ergooyinka ka qeyb galeysa doorashooyinka Labada aqal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya uu Musuqmaasuq xoogan ku hayo Ergooyinka Beelaha Gobollada Waqooyi isagoo u xusul duubayo in uu noqdo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka soo socda.
Waxa uu Tilmaamay Boqorku in Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu u gudbiyay Guddiga Doorashooyinka Ergooyin aan sharci ahayn oo isagu uu soo diiwaan gashaday.
" Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye markii hore aniga ayaa soo qoray, hadana waxa uu is hortaagayaa Ergada Beesha soo xulatay, kuwa uu isagu gacmihiisa ku qortay ayuu horay u gudbistay" sidaas waxaa yiri Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar.
Ugu dambeyn Boqor Maxamed Jamac ayaa cadeeyay in Musuqmaasuq iyo Handadaad uu hormuud ka yahay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayiir Maareeye ay hareysay hanaanka Doorashooyinka Beelaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.


Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garowe kula...

$
0
0

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, ayaa maanta gelinkii danbe 28 November 2016 qasriga madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka socdey hay'adaha UNSOM, UNDP iyo UNFPA.
Weftigan uu madaxweyne ku xigeenku kulan ka laqaatay ayaa waxa ay kala ahayeen Safiirka Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador, Mikeel Lindvall, madaxa UNFPA Soomaaliya Mr. Nikolai Boten, madaxa UNDP Puntland Mr. Sayed Zahabdin, iyo madaxa UNSOM Puntland Mr. Haward Bell.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, Hay'adda maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ee HADMA iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.
Kulankan kusimaha madaxweynaha Dawladda Puntland uu la qaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaliya iyo saraakiisha ka socdey Qaramada midoobey, ayaa lagaga hadlayey arrimo la xiriira mashaaricaha ay ka fuliso Dawladda Sweden Puntland oo ay fududayso UN, Doorashooyinka ka socda Puntland iyo abaaraha baaxada leh ee ka jira Puntland.
Ugu horeyn madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa weftiga ku soo dhoweeyay madaxtooyada, intaasi ka dib waxa ay iska xog waraysteen kusimaha Madaxweynuhu iyo weftigaasi xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona sheegay in xaalada abaareed ee ka jirta Puntland ay marayso meeshii ugu darnayn loona baahan yahay in dadka abaaruhu sameeyeen loo fidiyo gurmad deg deg ah, waxaana uu madaxweynuhu uga mahadceliyey weftiga sida ay uga soo jawaabeen baaqii Dawladda Puntland ee la xiriiray abaaraha.
Sidoo kale madaxweyne kuxigeenka iyo weftiga ayaa ka wada hadlay doorashada aqalka hoose ee ka socota Puntland, waxana ay sheegeen weftigu in doorashadu tahay mid u socota sidii loogu tala galay, Dawladda Puntland-na ay u maraysay habsami u socodka doorashada sidii ugu macquul sanayd.
Dhinaca kale ku simaha madaxweynaha Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa waxa ay ka wada hadleen Safiirka wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya ambassador Mikeel Lindvall, Mashaarica horumarineed ee ay ka wado Dawladda Sweden Puntland ayna fuliso UN-ku, kuwaas oo maraya meel wanaagsan qaarkoodna ay gebogebo ku dhowyihiin.
Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa danjiraha iyo saraakiisha ka socotey Qaramada midoobey ku adkeeyey in mar walba loo bahan yahay in gacan laga geyso gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyen, islamarkana uga mahad celiyey sida ay uga soo jawabeen baqii abaaraha ee dawlada Puntland hore ugu dirtay beesha caalamka iyo cid kasta oo ka qayb qadan karta abaaraha ka jira Puntland.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garowe kula kulmay Safiirka Sweden ee Soomaliya iyo Saraakiil Ka Socdey Qaramada Midoobey. appeared first on Puntland Post.

Ciidanka Dowladda iyo AMISOM oo howlgallo ka wada...

$
0
0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa caawa howlgallo ammaanka lagu adkeynayo ka wada qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Ciidanka oo isugu jira Nabad-sugidda, Booliska iyo militariga oo ay wehliyaan ciidanka AMISOM, ayaa howlgalada ka wada xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Dayniile, waxaana u jeedku uu yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha nabad [...]

Gaadiid dagaal oo Caawa ku qulqulaya Degmada Qandala...

$
0
0

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka ka imanaya deeganada maamulka Puntland ayaa sheegaya in Caawa ciidamo ka tirsan maamul Puntland ay u dhaqaaqen dhanka degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Ciidamada Caawa u ruqaansaday Degmada Qandala ayaa waxaa maanta lagu diyaariyay magaalada Bosaso, waxaana lagu wadaa in Caawa ay kusii dhawaadan Qandala.
Ciidamadani ayaa ku hubeysan Gaadiid dagaal iyo Hub aad u farabadan, waxaana lasoo sheegayaa in qorshahooda uu yahay inay la wareegan gacan ku heynta Degmada Qandala oo ku jirta gacanta Daacishta Somalia.
Ciidamadaani ayaa waxaa hogaaminaya Saraakiil kasoo jeeda Degmada Qandala oo si wanaagsan u kala yaqaan Degmada.
Magaalada Qandala ayaa waxaa bishii hore qabsaday Kooxda Daacishta Somalia, waxaana iminka soo baxaaya warar sheegaya inay isku sii faafinayaa deegaanada kale ee Degmada.
Ma jiro wax dagaal ah oo maalmahaani ka dhacay magaalada Qandala, waxaase jirta cabsi laga qabo in labada dhinac ay fooda isdaraan.Caasimada OnlineXafiiska GaalkacyoCaasimada@live.com

Weerar Ka Dhacay Jaamacadda Ohio

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegaya in weerar uu ka dhacay jaamacadda magaaladaasi oo ay dhigtaan dad badan oo Soomaali ah. Wararka ayaa sheegaya in sagaal qof la dhaawacay kuwaasi oo midkood halis yahay.

Nin Soomaali ah, oo lagu magacaabay Cabdul Cali Carte, oo weeraray jaamacadda Ohio

$
0
0

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka waxay sheegayaan in nin Soomaali ah oo llagu magacaabay Cabdul Cali Carte uu weeraray jaamacadda Ohio.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live