Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Askari ka tirsan Ciidamada oo lagu Dilay Magaalada...

$
0
0

Muqdisho (Sh N Network)--Kooxo hubeysan ayaa Caawa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey ku Dileen Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Dilka Askarigan oo ka dhacay Suuqa Beerta Jaadka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay fuliyeen labo Ruux oo bistoolado ku hubeysnaa.
Goobjooge ayaa u xaqiijiyay dilka Askarigaasi Idaacadda Shabelle, waxuuna intaasi ku daray in dableydii ka dambeysay Dilkaasi ay isaga baxsdeen goobta.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta gaaray, inkastoo aan la soo sheegin hadii ay gacanta ku soo dhigeen raggi fuliyay dilkaasi.
Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal qorsheysan oo lagu beegsado Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.


ka nadiifi cilad walbo oo computerkaaga ama...

Qadar oo u balanqaaday Tunisia bilyan dollar oo gargaar

$
0
0

Dowladda Qadar ayaa u balan qaaday in ka badan bilyan dollar oo gargaar oo lagu caawinayo dhaqaalaha Tunisia.

Doorashada Soomaaliya oo mar kale dib u dhacday

$
0
0

Magaalada Muqdisho gudiga federaalka ee doorashooyinka dadban ayaa ku dhaawaqay in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha oo lagu balansanaa bishan aynu ku jirno soddonkeeda.

Shaqo joojin ay sameeyeen gaadiidka Muqdisho

$
0
0

Gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho ayaa mudo kooban shaqo joojin ku dhaqaaqay, iyagoo ka cabanaya in lagu soo rogay in ay galaan caymis haddii kale aanay ka shaqayn doonin magaalada.

Kooxda Daacish oo sheegatay Weerarkii lagu qaaday...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)-- Kooxda Daacish ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa sheegtay mas'uuliyada Weerar muwaadin Soomaaliyeed uu ku qaaday Jaamacadda Ohio oo ku taalla Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka.
Weerarkaasi oo loo adeegsaday Gaari iyo mindi ayaa waxaa lagu dhaawacay ugu yaraan 8 Ruux, iyadoona Ciidamada amaanka ay toogasho ku dileen C/risaaq Cali Cartan oo ka dambeeyay weerarkaasi.
Qoraal ka soo baxay Ururkan ayaa lagu xusay in kaligii duulka weerarkaasi fuliyay uu ka mid ahaa Xoogaga Kooxda Daacish.
C/risaaq Cali Cartan ayaa ka mid ahaa Soomaalida ku dhaqan Dalkaasi Mareykanka.
Dhinac kale, Weerarkii lagu qaaday Jaaamacada Ohio ayaa waxaa si kulul u cambeereeyay Soomalida ku nool Dalka Mareykanka.
Soomaalidan ayaa ku tilmaamay weerarkii C/risaaq Cartan mid aan sal ku la heyn Diinta Islaamka.
Sikastaba, weerarkan ayaa waxuu imaanayaa xili dhawaan Madaxweynaha la doortay ee Dalkaasi Mareykanka, Donald Trump uu sheegay in Qaxootiga ku nool Mareykanka ay dib ugu celin doonaan dalalkooda.

Booliska Kenya oo Qarax lagula eegtay Magaalada...

$
0
0

Mandeera (Sh M Network)--Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Kolonyo ay la socdeen Saraakiil iyo Askar ka tirsan Booliska Dowladda Kenya waxaa lagula eegtay Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Kolonyada Ciidamada Kenya ayaa Qaraxan waxaa lagula beegsaday waddada xiriirisa Ceelwaaq iyo Dabacity ee Magaalada Mandeera, iyagoo wehlinaya gaadiid ay la socdeen Dad shacab ah.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Mandeera, Job Boronjo ayaa waxuu sheegay in Saraakiisha Ciidamada Kenya ay ka badbaadeen Qaraxaasi uu tilmaamay in ay dhulka ku aaseen Al Shabaab.
Taliye Job Boronjo ayaa carabka ku adkeeyay in Kolonyada Ciidamada uu dul-maray Qaraxaasi, waxuuna tilmaamay in Xoogaga Al Shabaab ay doonayeen in ay weerar gaadmo ah soo qaadaan qaraxa kadib.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Qaraxaasi uusan wax khasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada Kenya ee lala damacsanaa.
Todobaad ka hor, Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Gaadiid Dagaal oo ay la soceen Ciidamada Kenya oo marayay Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan oo dhiig ku daata ka fuliya qeybo ka mid ah Gobolada Waqooyi bari ee Dalka Kenya.

Xoghayaha baarlamaanka oo sharaxay hab-raaca...

$
0
0

Kn: Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horeyn shaaciyey in Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee lasoo doortay ugu horeyn looga baahan yahay iney tagaan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka dadban ee 2016 halkaasi oo iminka lagu diyaariyey shahaadooyinkooda cadeynaya natiijada doorashada ay kusoo guuleysteen marka ay soo qaataan kadibna looga baahan yahay in ay la yimaadaan maamulka Baarlamaanka gaar ahaanna xarunta Villa Hargeysa si loogu diyaariyo diiwaan gelintooda iyo kaararka aqoonsiga.
"maamulka Baarlamaanka waxa uu diyaariyey wax walba oo ay u baahnaayeen iney ku bilowdaan howlaha Baarlamaanka sida diiwaan gelinta iyo kaararka aqoonsiga ee la siiyo Xildhibaanka, bisha 01-December ayey si rasmi ah guddiga doorashooyinka u bilaabi doonaan bixinta shahaadooyinka marka uu mudanaha soo qaatana shahaadada waa in uu la yimaadaa maamulka Baarlamaanka Villa Hargeysa isaga oo wata laba sawir iyo cadeynta qofka" ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).
"si loo dedejiyo howlaha hor yaala Baarlamaanka maamulka Golaha waxa uu diyaariyey wax kasta oo looga baahan yahay, holwadeenadeenna waxey diyaar u yihiin iney shaqeeyaan maalin kasta oo shaqo laga bilaabo 09:00AM Subaxnimo ilaa 04:00PM galabnimo waxaan maamul ahaan aad ugu rajo weynnahay in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka 10aad uu noqdo 06-December-2016 waase marka la helo tirada loo baahan yahay oo ah 184 Xildhibaan waxaanna rajeynayaa mudada kooban ee noo hartay in howlahan lagu qaban doono " ayuu yiri Xoghayaha Golaha Shacabka.
Ugu dambeyntii Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa tilmaamay in fariintiisa ay ku socoto Baarlamaanka Federaalka oo ah labada Aqal oo kala ah Aqalka sare iyo Golaha Shacabka oo marka ay wada joogaan la isku yiraahdo Baarlamaanka Federaalka.KismaayoNews.com


Xildhibaanada cusub ee oo lagu soo rogay amar...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Iyadoo inta badan Gobolada dalka ay ka socdaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa waxaa soo baxaaya in Xildhibaanada Cusub looga baahan yahay Xafiiska Guddiga Doorashooyinka dadban ee 2016.
C/kariin Xaaji Cabdi "Buux" oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Xildhibaanada cusub looga baahan yahay inay tagaan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka, waxa uuna tilmaamay in halkaasi lagu gudoonsiin doono shahaadooyinkooda cadeynaya natiijada doorashada ay ku guuleysteen.
Buux waxa uu sheegay in tagitaanka Xafiiskaasi Guddiga Doorashooyinka kadib Xildhibaanada cusub looga baahan yahay inay iska xaadiriyaan xarunta maamulka G/Banaadir, si ay ugu sii gudbaan xarunta Villa Hargeysa oo loogu diyaariyay hanaanka diiwaan gelintooda iyo kaararka aqoonsiga.
Mr Buux oo arrintaani ka hadlaaya ayaa yiri "Bisha 01-December ayey si rasmi ah guddiga doorashooyinka u bilaabi doonaan bixinta shahaadooyinka marka uu mudanaha soo qaatana shahaadada waa in uu la yimaadaa maamulka Baarlamaanka Villa Hargeysa isaga oo wata laba sawir iyo cadeynta qofka"
Waxa uu sheegay in la adkeyn doono shuruucda waxa uuna Xildhibaanada cusub ugu baaqay inay muujiyaan dhabar adeeg iyo sabar badan, maadaama uu yiri xaqiijinta ay wakhti badan qaadan doonto.
Dhinaca kale, Mr Buux ayaa tilmaamay in fariintiisa ay ku socoto Baarlamaanka cusub oo ah labada Aqal "Aqalka sare iyo Aqalka Hoose"oo marka ay wada joogaan la isku yiraahdo Baarlamaanka Federaalka.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Akhriso : Magacyada musharixiinta xildhibaanada...

$
0
0

Kn: Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa soo saaray xubnaha musharixiinta aqalka sare ee gobolada Waqooyo, waxa kale oo uu guddiga shaaciyey guddi loo xilsaaray doorashada.
Hoos ka AkhrisoKismaayoNews.com

Kursigii Ugu Horeeyay Ee Banaadir Yaa Ku Guuleystay...

$
0
0

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose, taas oo lagu doortay hal kursi.
Doorashadan ayaa sida uu qorshuhu ahaa waxaa lagu dooran lahaa Saddex kursi, balse ma aysan dhicin waxaa lagu doortay oo keliya Hal kursi.
Kursgii ugu horeeyay ee Beelaha Banaadiriga waxaa ku guuleystay khaalid Macow C/qaadir oo helay codad gaaray 29 cod, Shariif Maxamed Muxudiin oo la tartamayay uu helay 21 cod.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in halkeeda ay ka sii socoto, Doorashada Beelaha Banaadiriga, waxaana Beelaha Banaadiriga ay leeyihiin 5 kursi.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Dowladda Mareykanka oo Maxkamad Lagula Koray Kiiska Guuleed Duraan

$
0
0

Xarunta Xuquuqda Dastuuriga ah ee Maraykanka oo fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa maanta xaraysay dacwad ka dhan ah dawladda Mararykanka ayna ku diidan yihiin sii socoshada xarigga Guuleed Xasan Duraan oo 43 sano jir ah, ahna ninka keliya ee Soomaaliga ah ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay.

Eedeymo Musuq-Maasuq Cusub oo Hareeyey Doorashooyinka

$
0
0

Waxaa weli jira eedo la xiriira in siyaasiyiinta ay faro-gelin ku hayaan hannaanka doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka Soomaaaliya.

Dhageyso Puntaland oo Madaafiic ku soo Garaacday...

$
0
0

iyadoo Dhawaan Heshiis hor dhac ah galmudug iyo puntland ay ku kala saxiixden magaalada Gaalkacyo kaasi oo Xal looga Gaarayo dagaalo culus oo gaalkacyo ka dhacay ayaa wali waxa shaki wayn laga muujinaya dhaqan galka heshiiskaasi markii siyaasiyiin iyo ganacstada labada dhinac ay shegeen in wali dhanka puntland ay cidankooda uu dagan yahay goobo u dhaw halkii horay ciidankooda ay u dagnaayen.
Magalada aya waxa Xiliga Habeenkii ah ka Dhaca Rasaas xiliyada saqdhexe taasina waxa ay shaki galisay dad badan oo dagaalka gaalkacyo kadiib magalada dib ugu soo laabtay.

Dowladda Mareykanka oo Maxkamad Lagula Koray Kiiska...

$
0
0

Xarunta Xuquuqda Dastuuriga ah ee Maraykanka oo fadhigeedu yahay magaalada New York ayaa maanta xaraysay dacwad ka dhan ah dawladda Mararykanka ayna ku diidan yihiin sii socoshada xarigga Guuleed Xasan Duraan oo 43 sano jir ah, ahna ninka keliya ee Soomaaliga ah ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay.


Ma doonaysaa inaad maqaarkaaga iyo wajigaagu qurux...

$
0
0

Ma doonaysaa inaad maqaarkaaga iyo wajigaagu qurux badnaado oo uu dhalaalo adigoon isticmaalin wax chemicals ah, balse isticmaalaya waxyaabo dabiiciya oo aan waxba kuu dhiimayn?
Haddaba waad noqon kartaa qofka aad rabtid waanad gaadhi kartaa bilicda aad rabtid adigoon isticmaalin chemicals ama Kiriim yada dumarka lagu siro. Waxaan aad uga xumahay in uu noqday jidhka dumarku wax laga ganacsado caalamkan aanu ku nool nahay.
Iyada oo la ogaaday inay dumarku ku bixiyaan lacag faro badan bilicda iyo daryeelka jidhka, Islamarkaana laga faaaEU(tm)iidaysanayo fursadaas oo kolba shirkadi ay soo saarayso kiriim ama daawo ay leeyihiin waxaas bay kaa goyn ama ka hortagi.
Laakiin xaqiiqdu wax ay tahay in Kiriim ama daawo bilaa Chimecals ahi aanay jirin, Markay ugu yartahay waxaa lagu daraa walxaha ka ilaaliya inuu shaygu qudhmin, gaadhina karo ama ooli karo mudo badan iyo waliba midabada. Waa markay ugu yartahay chemicals-yada lagu daro cosmatics-ka maanta.
Kuwaas waxaa inoo dheer chemicals khatar ah oo lagu isticmaalo, saabuunaha, shampooy -yada, make up-yada iyo cosmetic-yada oo dhan oo keeni kara xanuuno ay ka mid yihiin Kansarka.
Haddaba si aynu iskugu qurxino wax yaabaha dabiiciga ah waxaa lagama maarmaan ah inaad markeeda hore aad tahay qof cuna cunto isku dheeli tiran oo u badan khudaarta, caanaha, kaluunka, digiraha iwm.
Inaad tahay qof seexda hurdo ku filan oo habeenkii ah iyo waliba caba biyo kugu filan maalin walba. Intaa wixii dheer waxaan muhiim ah inaad taqaanid waxa aad xasaasiyada aad ku leedahay, Waayo wax yaabaha aanu halkan ku sharixi doono way dhici kartaa inaad xasaasiyad ku yeelatid.
Ogowna waxaa dhici karta wax aad xasaasiyad ku leedahay xaga cunitaanka inuu maqaarka waxba u dhimin, ama wax aanad xasaasiyadA ku lahayn waxaa dhici karta inuu maqaarka wax u dhimo oo aad ka xajiimootid. Haddaba inta aanad korkaagaA marin wax ogow jidhkaagu nooca uu yahay iyo waliba waxa uu dhibsanayo.
Waxaad iska soo qaadi kartaa dhiig aad ku ogaanaysid xasaasiyada jidhka ama ku tijaabi meel jidhkaaga ka mid ah oo bal eeg inaad xasaasiyad ku leedahay.
Intaanad wajiga waxba marin fadlan farahaaga sifiican u maydh, wajigana biyo diiran oo cad ku maydh. Waxaad u samaysaa wajigaaga tuwaal yar oo naacim ah oo u gaar ah oo markasta nadiif ah.
Ogowna inaad wax walba wajigaaga ku tijaabisid waxaa ka fiican inaad baratid wajigaagu nooca uu yahay si aad ula macaamishid waxa ku munaasabaya.
Wax yaabahan hoos ku qoran oo dhami waa wax aad tukaanka cuntada ama jikadaada aad ka heli kartid oo waliba ku siinaya nafaqooyin, nadaafad iyo bilic.
Waxayna kugu caawinayan in uu caafimaadkaagu hagaago haddii uu Allah(swc) kuu qadaro. Markasta isku dar inaad samaysatid in kugu filan markaas uun oo waxba ka dhigin.
Waxa freshka ah baa ka fiican waxa la dhigo, maadama aanu iska ilaalinayso inay bakteeriya ku dhalato.
Wajiga daalan.Waxaad u baahan tahay :

  • Beed/ukun inteeda cad.
  • Malab saafi ah.
  • Boorash/ oat meal.

Qiyaasta adigu qiyaaso in wajgaaga ama jidhkaaga ku filan. Isku wadda dar kuligood, boorashka yara tun(ridiq) ka dib radi. Kadibna wajiga oo aad biyo cad ku maydhay mari oo ku daa ilaa 25 min kadibna kaga maydh biyo badan oo cad oo meel dhaxaad ah.Wajiga qalalan:
Waxaad u baahan tahay :

  • Avocado
  • Malab
  • Oliven oil (saliid saytuun)

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad far diiris ah.
Wajiga aadka u qalalan:
Waxaad u baahan tahay:

  • Strewberries
  • Double cream.
  • Malab
  • Oliven oil (saliid saytuun)

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
Wajiga iskugu jira mid daalan oo waliba qalalan:
Waxaad u baahan tahay:

  • Beedka inta huruuda/jaalaha ah
  • Malab
  • Oliven oil

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad. Indhahana khiyaar qabow saaro.
Wajiga qoyaya.

  • Waxaad u baahan tahay:
  • Boorash/ oat meal.
  • (saliid saytuunka) Oliven oil.
  • Avocado.
  • Khiyaar/ cucumber.
  • Yoogar/ Yogurt.

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
Wajiga subaga leh:
Waxaad u baahan tahay:

  • Liindhanaan/ lemon
  • Beed inta cad
  • Malab

Isku wadda qas kadibna wajiga oo nadiifa ah saar ilaa 25 min kadib kaga maydh biyo cad.
markad dawooyinka wajiga marinayso ka ilaaasho indhahaaga/ Waxaan rajaynayaa inay ku anfacaan. Waxaan rajaynayaa inaad iska eegtid wixii xasaasiyad ah inshaAllah....

dishkiyaoon Af-Soomaali

$
0
0

- Harman Baweja, Sunny Deol, Ayesha Khanna, Aditya Pancholi, Aditya Pancholi, Prashant Narayanan and Anand Tiwari. Directed by Sanamjit Singh Talwar. Music by Palash Muchhal. 2014 Dishkiyaoon Hindi Movie Online.

Eedeymo Musuq-Maasuq Cusub oo Hareeyey Doorashooyinka

$
0
0

Waxaa weli jira eedo la xiriira in siyaasiyiinta ay faro-gelin ku hayaan hannaanka doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka Soomaaaliya.

XOG: XASAN oo Addis u jooga heshiis qatar ku ah...

$
0
0

Addis Ababa - (Caasimada Online)- Madaxweynaha Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Addis Aababa u jooga hirgalinta heshiis uu horey u sixiixay taliye xigeenka ciidamada xoogga dalka, kaasi oo ahaa in 2 kun oo askari oo Itoobiyaan ah la siiyo madaxtooyada oo ilaaliya xilliga doorashada iyo kala guurka.
Xasan ayaa laga wacay Addis iyada oo lagu qasbayo in uu heer madaxweyne heshiiska ku sixiixo si Itoobiya ay uga hortagto qatar kasta oo kaga imaanaysa ciidanka Uganda ee Amisom oo u Xasan aad uga welwel qabo.
Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaysan u muuqan dhibaatada ka imaan karta in madaxtooyada Soomaaliya la geeyo ciidan Itoobiyaan ah, taasi oo halis ku ah qaranka, waxaana sidoo kale Itoobiya uu u sheegay inuu R/wasaare siinayo Xuseen Cabdi Xalane oo horey usii joogay Addis, oo itoobiya ay rabto in laga dhigo R/wasaaraha cusub ee soo socda.
Xuseen Cabdi Xalane oo looga yaqaanaa madaxtooyada maquustaha maadaama 2 jeer oo hore looga baxay balan ahayd in laga dhigo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.Caasimada Onlinexafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Daawo:-Dayax Dalnuurshe oo hees kala kacsan usoo...

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live