Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Martida: Sh. Cabduraxmaan Sh. Muxyadiin Celi oo ka mid ah culumada Suufiyada, waxana uu barnaamijka ka qeyb galayaa isaga oo jooga dadlka Sweden
Martida: Sh. Cabduraxmaan Sh. Muxyadiin Celi
Kumannaan qof oo isugu tagay garoonka Chapecoense
Tobannaan kun oo qof ayaa ka qeybgalaya xus ka dhacayo magaalada Chapeco ee dalka Brazil.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin...
Boosaaso(RBC Radio) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Wasiir kuxigeenka Dakhliga Mudane Maxamed Jibriil Caateeye ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.
Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo uu weheliyo Mudane Maxamed Fibrin Caateeye ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha Cashuuraha,Furdada,Saraakiisha Cashuuraha,dekeda iyo qaar kamid ah shaqaalaha.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney u yimaadeen kicinta cashuuraha qeybahooda kala duwan.
Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in uu si weyn usoo dhaweynayo ganacsatada kala shaqeysay Wasaaradda bixinta cashuurahaas una horseeday go'aankii dowladnimo iney fuliyaan.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland iyo Wasiir kuxigeenka Dakhliga ayaa kormeeray habsami u socodka shaqo ee Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda xarunta dekeda ee Boosaaso.
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Puntland ayaa mudada ay joogaan magaalada Boosaaso,waxay kulamo kor loogu qaaday Cashuutaha la qaadan doonaan ganacsatada gobolka.
Hoos ka daawo Shirka Jaraa'id ee Mudane Axmed Yaasiin Saalax
______
RBC Radio
Xog: Sidee Sanbaloolshe ku noqday madaxa ololaha CC,...
Muqdisho (Caasimada Online) - Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga, dhowaanna noqday xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa laga dhigay madaxda ololaha dooroshada Cumar C/rashiid.
C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hore saaxiibo dhow la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ninkii ka danbeeyay in la rido xukuumaddii C/weli Sheekh ayaa si degdeg ay isu bedelay caddowga koowaad madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana hadda noqday madaxda ololaha doorashada Ra'iisal wasaaraha
Qaabka uu kursiga xildhibaannimo ku helay isagoo ka yimid xilkii safiirnimo ayaa gebi ahaanba ahaa mid qorsheysan iyadoo inuu ku soo baxo kursiga uu qeyb weyn ku lahaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.Sanbaloolshe ayaa la soo weriyay inuusan qarsan cadaawadda uu u hayo Xasan Sheekh isagoo magaalada Jowhar ka sheegay warar fara badan iyo farriimo qalafsan oo uu u diray Xasan Sheekh, taasoo ka danbeysay markii Xasan Sheekh diiday inuu xilka Agaasimaha NISA dib ugu magacaabo taasoo uu dadaal badan ugu jiray, tan iyo intii laga qaaday xilkaasi muranka dhaliyay.
Sanbaloolshe ayaa si weyn u diidanaa xilka safiirnimo ee Turkiga isagoo sheegay inuusan ahayn xil wax faa'iido ah ka helin, wuxuuna go'aansaday inuu iskiis uga tago xilkaasi oo dowladda Cusub la qabsado.
C/llaahi Sanbaloolshe ayaa marar badan ku qancin waayay madaxweyne Xasan Sheekh in dib loogu magacaabo xilka agaasimaha Nabadsugidda ee NISA, taasoo keentay inuu ku biiro taageerayaasha Cumar C/rashiid oo hadda u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo kooxda Damjadiid ayaa si weyn uga horjeeday inuu Sanbaloolshe noqdo xildhibaan, waxayna isku dayeen inay tartanka ka reebaan, taasoo socon weyday, kadib markii uu taageero ka helay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com
Cristiano Ronaldo oo lagu eedeeyay inuusan canshuur...
Qaar ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid ayaa lagu eedeeyay inaysan bixin malaayiin dollar oo canshuuro ah.
Guddoomiyaha KULMIYE oo Kulan Su’aalo ay ku...
Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan su'aalo ay ku waydiiyeen la qaatay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee jaamacadaha magaalada Berbera xalay.
Guddoomiye Muuse Biixi iyo madax kale oo wehelinahya oo weli ku gudo jiray qiimaynta xaaladda abaarta ee weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland ku soo mareen gobollada bariga, isla markaana dhawrkii habeen ee u dambeeyey ku sugnaa magaalo-xeebeedka Berbera, ayaa kulan ballaadhan la qaatay dhallinyaro aqoonyahan ah oo dhammaystay ama ku jira jaamacadaha magaalada, kuwaas oo u badnaa hablo, iyadoo ay wehelinayeen xubnaha hoggaanka Garabka Haweenka xisbig KULMIYE ee Gobolka Saaxil.
Is-xogwaraysi dhexmaray labada dhinac kadib waxa halkaasi dhallinyarada aqoonyahanka ahi ku waydiiyeen Guddoomiyaha KULMIYE su'aalo fara badan oo nuxurkoodu taabanayey, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka, gaar ahaan shaqo helidda hablaha, baahiyaha aasaasiga ee magaalada Berbera, suurtogalnimada in jaamacad dawladeed laga hirgeliyo Gobolka, qorshayaasha horumarineed ee u yaal xisbiga iyo murrashaxa Madaxweynaha iyo kuwo kale oo taabanaya nolosha.
Dhankiisa Guddoomiye Muuse Biixi oo dhammaan su'aalahaasi uga jawaabay si waafi ah, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay qorshayaasha horumarineed ee barmaamijka siyaasadda xisbiga KULMIYE ku galayo doorashada oo dhawaan la soo bandhigi doono, waxa uu soo bandhigay aragtidiisa ku aaddan sida uu doonayo in mustaqbalka Somaliland noqdo sannadaha soo socda, sida loo horumarin karo Berbera iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay magaalooyink kale.
Jawaabaha murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ka bixiyey su'aalaha aqoonyahanku waydiiyey, ayaa noqday qaar ay si fiican ugu qancaan dhallinyarada oo iyagu halkaasi ku ballanqaaday inay si buuxda u barbar-istaagayaan xisbiga iyo sidii uu Madaxweyne dalka uga noqon lahaa Guddoomiye Biixi.
Kulanka waxa Guddoomiyaha KULMIYE ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Cumar Shucayb, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole), Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, Xoghayaha Dawladda Hoose ee degmada Berbera, Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Gaadhaafi, Guddoomiyaha xisbiga ee Gobolka Saaxil, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga, xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo madax kale.
Somaliland.Org/Hargeysa
Chelsea oo Guul ka soo Gaadhay Manchester City
Kooxda Chelsea ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka soo gaadhay kooxda Manchester City oo ay Etihad Stadium marti ugu ahayd, kulan ka tirsanaa horyaal England ee Premier League-ga.
Chelsea oo qeybtii hore lagu hogaaminayay 1-0 oo uu difaacooda Gary Cahill goolka iska dhaliyay, ayay hadana weeraryahanada Willian, Costa iyo Hazard dhinaca kale u rogeen natiijada ciyaarta 1-3 ka dhigeen.
Danka kale Costa iyo Willian ayaa goolashooda ugu dabaal degay xuska ciyaartoydii reer Brazil ee shilka diyaaradeeda ku geeriyooday.
Chelsea ayaa sii dheeraysatay hogaanka Premier Leaque-ga iyagoo guulaysatay 8 kulan oo xidhiidh ah, waxayna muujisay sida ay u tahay kooxaha ugu cad cad horyaalka.
Kulanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay labada macalin ee cusub Guardiola iyo Conte iskaga hor yimaadaan.PUNTLAND POST
The post Chelsea oo Guul ka soo Gaadhay Manchester City appeared first on Puntland Post.
Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Shaandheyn Weyn ku...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4377/122016 uu caawa xilka qaadis, isku bedel, iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadiisa.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasaaraddaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go'aansaday
1 In Mudane, Xuseen Cabdi Boos, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Cabdirisaaq Waabari Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane, Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Axmed Obsiiye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
5 In Mudane, Maxamed Ibrahim Aadan (Qabyo-tire), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
7 In Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
8 In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland
9 In Mudane, Guuleed Cabdi Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
10 In Mudane, Liibaan Yuusuf Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland
11 In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland
12 In Mudane, Cali Maxamuud Cali Samatar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
13 In Mudane, Axmed Xuseen Rooble (Axmed Joqor), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
14 In Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
15 In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
16 In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Umal (Yucuboole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
17 In Mudane, Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
18 In Mudane, Axmed Maxamuud Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
Gobolada Dalka
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolada Maroodijeex,Sool, Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go'aansaday
1 In Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Cabdi Khayre Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Maxamuud Axmed Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland
Agaasimeyaasha Guud
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go'aansaday
1 In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3 In Mudane, Jaamac Axmed Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5 In Mudane, Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Dawladaha Hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane, Maxamed Geedi Caynaashe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay'adda Dhawrista Tayada (Quality Control) ee Jamhuuriyadda Somaliland
7 In Mudane, Maxamed Aadan Xirsi (Vitamin), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay'adda Maamul Wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland
Wakiilada Somaliland u fadhiyidoona Dalalka dibeda
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ingiriiska (United Kingdom);
Markuu Ka Fiirsaday: Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karto xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go'aansaday
1 In Marwo, Ayaan Maxamed Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom)
2 In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya
3 In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti
4 In Mudane, Sekeriye Xasan Wacays, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden
Hay'adaha Dawladda Somaliland
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad Faqradiisa 3aad, Xarafka (t) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go'aansaday
1 In Mudane, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Naasir Ay-jeex Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta Guddida La Dagaalanka HIV AIDS-ka (SOLNAC) ee Jamhuuriyadda Somaliland
3 In Mudane, Khadar Maxamed Cakule, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland
4 In Mudane, Maxamed Cali Axmed (Daarood), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland
5 In Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland
6 In Mudane, Axmed Daa'uud Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xisaabiyaha Guud ee Qaranka
La-taliyeyaasha Madaxweynaha JSL
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
1 In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Gaarka ah (Special Advisor) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
2 In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Macdanta
3 In Mudane, Cabdillaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
Wuxuu go'aansaday
Ujeedo Xilka Qaadis
1 Mudane, Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha
2 Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
3 Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
4 Mudane, Boos Mire Maxamed, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda
5 Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
6 Marwo, Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta
7 Mudane, Cabdi Maxamed Hirad, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
8 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
10 Mudane, Cismaan Garaad Soofe, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
11 Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Sweden
12 Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Jabuuti
13 Mudane, Cali Aadan Cawaale, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Ingiriiska
14 Mudane, Ibraahim Siyaad Yoonis, Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Biyaha Magaalada
15 Mudane, Cabdi Cali Mahdi, Maareeyihii Hore ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee JSL
16 Mudane, Cabdirashiid Xirsi Dalmar Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Sool
17 Mudane, Nuuradiin Maxamed Cabdillaahi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay'adda Dhawrista Tayada
18 Mudane, Xasan Aadan Geedi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda
19 Mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
20 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
Mudaneyaal iyo Marwooyin
Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudaneyaasha iyo Marwooyinka aan xilalka qaranka u soo igmaday una magacaabay.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Shaqaale ka tirsanaa Shirkada Duulimaadyada ee Juba...
Muqdisho (Sh M Network)--Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Caawa Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho, waxey ku dileen Nin la sheegay in uu la shaqeynayay Shirkada Duulimaadyada ee Juba Airways.
Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Dilka Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Qalinle uu ka dhacay Xaafada Baqaar-feysal ee Degmada Hiliwaa.
Dableyda dilka geystay oo ku hubeysnaa bistoolada ayaa durbaba isaga baxsaday goobta, sida goobjoogaha uu tilmaamay.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir oo ku aadan Dilka ka dhacay Degmadaasi.
AirSelfie: Qalab Sida Diyaaradda U Duulaya Oo...
AirSelfie waa qalab aad u yar oo sida diyaaradda u duulaya oo qofka isticmaalaya u suurtogelinaya in uu iska qaado sawir.
Qalabkan oo dhumucdiisu aad u yar tahay oo si sahal ah jeebka iyo meel kasta loogu qaadan karo, miisaankeeduna 52 Giraam oo keliya yahay, waxaa ku rakiban kamarad 5 Megapixel ah, oo dadka adeegsanaya u suurtogalinaysa in ay sawirro dusha sare ah iska qaadaan.
Diyaaraddan yar waxaa laga maamulaya barnaamij u gaar ah oo ku jira talefanka casriga ah, kuwa ku shaqeeya nidaamka Android iyo kuwo IOS ku shaqeeya labadaba, waxa aanay awood u leedahay in ay qaaddo qaababka kala duwan ee sawirka, sida sawirka dunida maanta caanka ka ah ee loo yaqaann Selfie kaas oo ah sawirka uu isagu gacantiisa iskaga qaado, iyo sawirro muuqaal guud ah oo ay dusha sare ka qaaddo.
Qalabkani isaga ayaa sawirka nidaamintiisa ka masuul ah, tusaale ahaan marka uu u arko in ay munaasab ku tahay qaadista, kadibna waxa uu si toos ah uu gudbinayaa talefanka gacanta oo uu ku kaydinayo sawirkaas, oo lagu tilmaamay in uu aad uga tayo badan yahay sawirka uu qofku isagu iska qaado.
Qalabkan waxaa ku rakiban kaadhka xusuusta oo awooddiisu 4GB tahay, waxa aanu ku shaqaynayaa baytari 240 Mili-ampere kaas oo diyaaraddan ee sawir-qaadda ah u suurtogelinaya in ay shaqayn karto muddo hal saac oo dhammaystiran ah, ka hor inta aanay mar labaad u baahan in la dabeeyo iyada oo la isticmaalayo xadhig u gaar ah oo dabka toos loo gelinayo ama xadhiga kombiyuutarka ku xidhma ee Micro USB.
Diyaaraddan sawirrada Selfie qaadaysa ee AirSelfie hadda iyada oo weli heer mashruuc maraysa ayaa ay ku jirtaa shabakadda Kick Star si maalgelin bulsho loogu helo, waxa seaEU(tm) la ogol yahay in dadka isticmaalayaa ay soo dalban karaan iyada oo xabaddii laga siinayo lacag u dhiganta 190 Doolar.
Mashruucan oo muddo yar gudaheed ku ururiyey maalgelin lagu qiyaasay 160 kun oo doolar ayaa la qorsheeyey in olaEU(tm)olaha ururita maalgelintiisa la soo gebagabeeyo 24ka bisha bishan maanta bilatay ee Diisambar, bisha saddexaad ee 2017ka ayaanay macaamiishu si rasmi ah suuqyada uga iibsan kari doonaan.
Puntland forces retake Qandala from ISIL militants
Somalia's semi-autonomous Puntland troops have retaken control of the seaside city of Qandala located in Bari region from pro-Islamic state militants on Sunday after a combat.
The regional forces have launched last week an assault to drive out the ISIL-affiliated fighters from Qandala, 75Km east of Puntland's commercial and port town of Bosaso.
In mid October, Heavily armed pro-ISIL militants led by former Al shabaab leader Sheikh Abdulkadir Mumin have captured the town from Puntland army.
On Saturday, at least seven Islamic state members were killed in clashes between Puntland forces in Bashaashin village, just 50km west of Qandala town in Bari region, reports said.
“Muniir Abihii Waa Loo Diiday, Cabdiraxmaan Ciro-na...
Nabadoonada Beesha Reer Siyaad Xuseen oo ka jawaabay...
Anigoo ah Nabadoonada beesha reer Siyaad Xuseen Nabadoon Cabdi Adan Cabdille iyo Nabadoon Axmed Cabdi Nuure Xuubeey waxaan jecelnahay inaan halkaan ugu soo gudbino fariin muhiim ah umadda Soomaaliyeed, guddiyada doorashooyinka iyo beel weynta Sade sida aan u arragno dooda ka taagneyd kursiga Waaxda Ilmo Adeeero oo ay si aan sax aheyn warar uga faafiyeen walaalaheen Celi.
Sida lawada ogyahay beesha Sade waxay kala dagtaa Gedo iyo Galgaduud waxaana labada deegaan ka jira dhaqan iyo hab wax qeybsi, gaar ahaan Mareexaan Galgaduud wuxuu leeyahay hab wax qeybsi oo lagu magacaabo afar waaxood waana hab aan ku dhisneyn sida loo wada dhashay balse ku dhisan beelo la isku raaciyey awood qeybsiga iyo wadaaga wax kasta oo soo dhex mara beelahaas waxaana beeshu habkaan ku dhaqmeysay in kabadan sideetan sano.
Nadaamka afar waaxoodka oo ah habka kaliya ee ay isla ogolyihiin beelaha mareexaan Galgaduud ayaa beeluhu waxay isku raacaan sidatan mana ahan sidey dhalasho ahaan isku xiggaan.
Waaxda Bahh Ogaadeen
1 Reer Dalal
2 Reer Xirsi
3 Reer Maxamud Guled
4 Habar Ciise
5 Hawraarsame
6 Reer Sharmarke Rooble
Waaxda Ilmo Adeeero
1 Reer Siyaad Xuseen
2 Celi
3 Reer Cismaan
4 Urmidug
Waaxda Bah Hawiye
1 Bahdarandoole
2 Bah Xawaadla
3 Reer Guled Farax
4 Cali Dhere
5 Bah Habaskuul
Waaxda Wagardhac
Reer Wardheere
Reer Gadiid
Cumar Dheer
Reer Alamagan
Reer Afweyne
Lixaad
Habka afar waaxoodka ee aan kor ku qeexnay ayaa saldhig u ah awood qeybsiga siyaasadeed ee Beesha Sade Galgaduud waxaana marqaati u ah arrimaha soo socda.
1-Qaramadda Midoobey waxay Golle Maamul ka dhistay Soomaliya 1993 -1995 waxaana deeganada mareexaan Galgaduud lagu saleeyey afar waaxood oo ay reer Siyaad Xuseen iyo Celi qeyb ahaan isku raacaan.
2 -Shirkii Carta waxaa mareexaan Galgaduud ka helay afar kursi oo gollaha shacabka ah waxaana lagu saleeyey afarta waaxood waxaana waaxda Ilmo Adeero oo ay kuwada jiraan Celi iyo Reer Siyaad Xuseen kusoo aadey kursi waxaana kursigaas markii la isku qabsadey loo xukumay reer Siyaad Xuseen waxaana nool qaar ka mida guddig gartaas xukumay, balse markii dambe waxgarad reer Siyaad Xuseen ayaa beesha Sade ka aqbalay Codsi ahaa in lagu sharfo janaraal Axmed Warsame oo markaa beeshu qadarinaysay.
Baarlamaanka GalMudug oo tusaale dhaw waxaa lagu qeybsadey 16 xildhibaan oo afarta waaxood ah reer Siyaad Xuseen iyo Celi waxay qeyb ahaan u heleen afar xildhibaan.
In Qeyb ahaan beesha Reer Siyaad Xuseen, Urmudug Celi iyo Reer Cismaan ay saami wadaagyihiin waa arrin cad oo aan wax marqaati ah u baahneyn balse waxaa isweydin mudan maxay Walaalaheen Celi u diidan yihiin xuquuqdaas la Wadaago waxaana xusid mudan in dhamaan sadexda kursi ee kale la waafajiyey habka afar waaxood ka ergo ahaan iyo musharaxiintiisaba.
Waxaan u aragnaa in ay u diidan yihiin arrimo dhawr ah oo ugu muhiim santahay kursiga oo dhawr goor ay ku fariisteen taasoo galinsiisay inay inkiraan wixii beelaha kala dhexeeyey iyo inay garan waayeen sidii shalay beesha reer Siyaad Xuseen ugu tanaasushay in Janaraal Axmed Warsame la siiyo go'aankaas oo ay rideen Nabadoonada iyo siyaasiyiintii reer Siyaad Xuseen ee ka qeybgalay shirkii Carta.
Waxaan u aragnaa in ay u diidan yihiin arrimo dhawr ah oo ugu muhiim santahay kursiga oo dhawr goor ay ku fariisteen taasoo galinsiisay inay inkiraan wixii beelaha ka dhexeeyey iyo inay garan waayeen sidii shalay beesha reer Siyaad Xuseen ugu tanaasushay in Janaraal Axmed Warsame la siiyo go'aankaas oo uu ridey Nabadoonada iyo siyaasiyiintii reer Siyaad Xuseen ee ka qeybgalay shirkii Carta.
Sidoo kale waxaa beesha reer Siyaad Xuseen isku day day in arrintaa si walaalnimo ah looga heshiiyo balse waxaa ku gacansayray beesha Celi oo ay horboodayaan shaqsiyaad kursi jaceyl dhaafiyey wixii lakala mudnaa meel kastana ku faafinaya been ah in la dhacayo kursi ay leeyihiin beel kale loo dhacayo taasoo ah arrin xaqiiqda iyo runta la fog macnaheeduna yahay hashu ayadaa geedka cuneysa cabaadaysana.
Waxay kale oo walaalaheen Celi diideen talo soo jeedintii guddi Mareexaan oo arrintaa ka tala bixiyey una soo jeediyey Beesha Celi inay tartaman ergadana qeybtooda qaataan waase ku gacanseyreen tallo soo jeedintii waxgarad ka beesha Sade.
Sidoo kale walaalaheen markii talo kasto oo lagu xalin lahaa kala duwanaanshaha noo dhaxeeye ayey waxay bilaabeen in ay qof kasta eedeeyaan sida ay u eedeyeen maamulka GalMudug oo soo jeediyey in beeluhu soo heshiiyaan taasoo ay ku gacanseyreen.
Sidaa Darteed waxaan Cadeyneynaa cide diidan dhaqankii soo jireenka ahaa ee wax qaybsiga, cida diiday soo jeedintii waxa garadka beesha Mareexaan doonayana sadbursi iyo in ay kaligood qaataan kursi ka dhexeeya afar jifo inay yihiin walaalaheen oo gardaro damac aan sax aheyn isku raacay.
Beesha reer Siyaad Xuseen waxay u aragtay kursiga inuu ahaa waqtigii tookeysiga reer Siyaad Xuseen bay waxay ogolaatay in ay ergo yeeshaan tartankan ka qaybgalaan si looga fogaado in hal qolo is laheysiiso kursiga.
Ugu danbeyntii waxen xal u aragnaa in la hirgaliyo tala soo jeedintii wax garadka Beesha Mareexaan oo cadeeyay in kursiga lawada leeyahay loona wada tartamo, sidoo kale waxaa gardaro u aragnaa in ayadoo dhabta laga cararayo la eedeeyo dad kale oo aan qeyb ka aheyn muranku kursiga waaxda Ilmo Adeero.Caasimada OnlineXafiiska CadaadoCaasimada@live.com
Taliska Ciidanka Badda Puntland oo sheegay ineysan...
Boosaaso(RBC Radio) Taliyaha ciidamada Badda Puntland Adm.Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa ka dhawaajiyey ineysan weli qabsan degmada Qandala ee gobolka Bari oo ay haysato Daacish.
Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in ciidamada Puntland joogaan haffa meel u dhaxeysa Qandala iyo Toga Af-bashaashin halkaasoo shalay dagaal ku dhexmaray ciidanka iyo rag ka tirsan Daacish.
"" Xiligan waxaanu ku sugan nahay inta u dhaxaysa Qandala iyo Afbashaashin, 45 ilaa 50km, maadaama qandala galayno, in dhulka la sifaynayo, markaan howshaas ayaanu ku mashquulsanahay, si deg deg ah ayaan u galaynayo"ayuu yiri
Taliyaha Ciidanka Badda Puntland ayaa beeniyey warar sheegayey iney dib u qabsadeen degmada Qandala ee gobolka Bari.
"Waan maqlay in idaacadaha qaarkood ay sheegayaan qof sheeganaya Taliyaha Ciidanka Badda qabsaday Qandala oo xaga Badda ka galeen ,arrintaas waxaan leenahay war jira ma ahan qof aan naqaanana ma ahan ,warka sugan Insha Allaaahu aniga uun baad aga qaadan doontaan"'ayuu yiri
Ciidanka Puntland ayaa ku hawlan sidii ay u furi lahaayeen waddooyinka dhagaxaan iyo miinooyin lagu jaray.
Isgaarsiinta ayaa maalintii 9aad ka go'an degmada Qandala ee gobolka Bari marka laga reebo taleefoonada tooreeyada oo ay adeegsanayaan ciidamada Puntland.
_______
RBC Radio
Boosaaso
Daawo: Xubnihii iscasilay ee Madaxweyne Siilaanyo...
Khatarta Caafimaad Ee Cuntada Lagu Kariyo Bacda...
Saynisyahanno ku xeeldheer caafimaadka, cuntada iyo caafimaadka guud ee bulshada ayaa soo saaray digiin adag oo ay kaga digayaan in cuntada lagu kariyo ama muddo lagu kaydsado bacda adag ee Alamuniyaamta.
In cuntada lagu kariyo Almamuunniyaam muddooyinkii u dambeeyey ayaa ay sii badanaysay dunida oo dhan, gaar ahaan hudheelada iyo goobaha cuntada lagu sameeyo oo aad ugu adeesada samaynta noocyo gaar ah oo ka mid ah cuntada. Sidoo kale waxa ay hudheelladani Alamuuniyaamta u adeegsadaan daboolidda cuntada meel ka durusgan loo qaadayo.
Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Caynu-Shams ee dalka Masar ayaa sheegay in cuntada oo la kariyo iyada oo ku duuban Alamuuniyaam ama in hilibka oo Alamuuniyaam ku duuban foornada (Furinka) la geliyo si loo moofeeyaa ay khatar ku tahay caafimaadka guud, waxaa iyaduna la mid ah cuntada oo lagu dhigo muddo iyada oo ku duuban.
War uu Kobciye.com turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Daily Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Dr. Qaadah Basiyuuni oo ka tirsan jaamacadda Caynu Shams ay sheegtay in maaddooyin ku jira Alamuuniyaamta samayskeedu ay sun isu beddelaan haddii dabka ama furinka lagu gubo, kadibna maaddooyinkaas sunta noqday waxa ay u milmayaan cuntada ku jirtay, taas oo halis caafimaad keenaysa.
Dr. Bisiyooni waxa ay intaas ku sii dartay in marka aad cuntada lagu kariyo weel alamuuniyaam ah, ama cuntada oo ku duuban ama ay ku daboolan tahay Alamuuniyaam la karinayo marka heer kulku uu meel sare gaadho ay keenayso sumowgan.
Dhinaca kalaa ururka caafimaadka adduunka ayaa sheegay in Alamuunniyaamta xaddigeeda aaminka ay tahay in jidhku iska xejin karo iyada oo aan caafimaadka waxba yeelin ay tahay ugu badnaan marka alamuunniyaamta jidhka gashay ay noqonayso in 40 kiraamba ay ku hagaagaan hal kiiloogiraam, taas oo macnaheedu yahay in qofka 60 kg miisaankiisu yahay in aanu jidhkiisu u adkaysan karin wax ka badan 2400 oo giraam oo alamuuiyaam ah.
Waxaa xusid mudan in weelka caadiga ah ee cuntada lagu karsado qaarkii uu ka samaysan yahay macdanta Alamuuiyaamta ee ay khubarada caafimaadku kaA digayaan, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in marka laga tago bacda lagu duubo ee Alamuuniyaamta ah, sidoo kalena loo baahan yahay in laga taxaddaro weelka kaba samaysan maadaddan.
Qiso Cajiib ah oo ku Saabsan Nolosha Qoys Sabool ah ...
Waxay ahaayeen qoys sabool ah aan haysan wax dhaafsiisan nolol maalmeedka, habeenimadii ayay gabadhiisu ka codsatay inuu u soo iibiyo Gadhfeedha timaha.
Markiiba wuxuu ugu jawaabay isagoo aad u murugaysan aEUoeMa karayo, waayo saacadaydaba waxa ka goaEU(tm)ay suunkii waan iibsan kari waayayaEU? Laakiin niyadiisa oo ay ogayd lama ay murmin waxayna u muujisay dareen wanaagsan.
Malintii labaad, markii uu shaqadii dhammeeyay ayuu suuqa tegay, waxaanu qiimo yar ku iibiyay saacadiisa, ka dibna wuxuu iibiyayA Gadhfeedhii gabadhiisu ka dalbatay.A A Laakiin markii u guriga yimi wuxuu arkay gabadhiisa oo timaheedii gaabisay , isla markaana gacanta ku haysa suun ay saacadiisa u soo iibisay.
Way is eegen isagoo mid kasta murugoonaya kalagacal awgeed.A Waa lamaane mid waliba uu doonayay inuu dhammaystiro kan kale baahidiisa, isagoo tiisa iskaba ilaabay. Waana dhaqanka iyo akhlaaqda nolosha qoyska wanaagsan.A Waxaanu qormadan ka soo xiganay BuugaA (Qoyska Islaamka)
Taliyaha ciidamada Booliska Puntland oo garoonka...
Boosaaso(RBC Radio) Taliyaha Ciidamada Booliska Puntlnd oo ku sugan Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobalka Bari oo wehlinayaan Saraakiil sare sare oo kirtsan Booliska Puntland ayaa Maanta kullan la qaatay Maamul-ka Garoonka Diyaaradaha Bossaso iyo Madaxda Laamaha Amaanka.
Kullankan ayaa u jeedkiisu ahaa wargalinta Wareegto Taliska Booliska Puntland uu ku mamnuucayay in Masuuliyiinta Puntland ee aanan ahayn Madaxweynaha,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlmaanka aysan Garoonka bossaso la so galin karin Waardiye iyo Hub intaba.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland General C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Laamaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Bossaso amray in Amarkaas siduu yahay u fuliyaan,Maadama Garoonku yahay halka laga Akhrisanayo Amniga Dalka.
Sidoo kale,Taliyaha Booliska Puntland General Erag ayaa Sheegay in Golayaasha Dowlada Puntland uu sida ugu dhaqsiyaha Badan ugu gudbin-doono Wareegtadan uu ku mamnuucayay in Garoonka Madaxda Dowlada ee aanan ahayn Xubanaha sare ay la yimaadan Waariyaal,kuwaaso uu sheegay in cabsi galin karaan dadka ka so dagaya Garoonka Caalamiga ah ee Bossaso.
Dhinac akale, Taliyaha Booliska Puntland ayaa Maanta Kormeer ku tagay Saldhigyada Mijir iyo Baalade oo ka mid ah Saldhigyada Magaalada Bossaso,isagoona intaas kadib booqday Xarunta Wasaarada Maaaliyada Puntland oo ku taala Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobalka Bari.
Ugu Danbaytii,Taliyaha Booliska Puntland General C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa sheegay in u siiwadi-doono Tirakoobaka Ciidamada Booliska Puntland ee uu u yimid Gobalka Bari iyo Isfahsiinta Laamaha Amaanka iyo Shacabka Gobalka Bari.
_____
RBC Radio
Wasiir Samsan: Dun Xariir ah Iyo Dabayl Caafimaad oo...
By: Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan, Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL"Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Gobannimana hanan kara
Garashana iskaga mid ah
Geeskeenna mooyee
Geyi kale ma joogaan!"
Maalmihii u dambeeyay waxa saxaafadda ku soo noqnoqonayay dad siyaalo kala duwan tafsiir uga bixinayay hadal ay dhowaan marwo Samsam Cabdi Aadan ka jeedisay magaalada Burco. In badan oo dadkaa ka mid ah markii aan hadalladooda dhuuxay waxa ii muuqatay inaanay aqoon shakhsi ah badidoodu u lahayn Wasiir Samsam. Halkan waxaan doonayaa inaan ku iftiimiyo aqoonta shakhsiga ah ee aan u leeyahay marwo Samsam.
In muddo ah ayaannu ka wada mid ahayn kaadirkii Xisbiga Kulmiye. Waxay ahayd halgamaa haladag. Waxay ka mid ahayd xubnihii halganka dheer u soo galay, ee naf iyo maal ba u huray sidii uu Madaxweyne Siilaanyo u fuuli lahaa kursiga ugu sarreeya dalka. Saamaynta culus ee ay Samsam ku lahayd saaxaddii mucaaradka Somaliland waxaad ka garan kartaa sidii loo beegsanayay ee ay bartilmaameedka ugu ahayd xukuumaddii wakhtigaa jirtay, ilaa aakhirkii albaabbada loo laabay ururkeedii SHURO NET. Waxa ka tirsanaa xukuumaddaa oo ay jifo hoose isku ahaayeen Wasiirka arrimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka Hargeysa, kuwaas oo dhammaantoodba ku hawlanaa sidii ay marwo Samsam dhufayska uga saari lahaayeen, laakiin taasi marnaba kama ay duwin himiladeedii ahayd in dalka isbeddal la mahadiyaa ka hirgalo. Sidaas si la mid ah, wakhtigan xaadirka ah cid kasta oo Samsam hadalhaynteeda ku mashquushaa wax saamayn ah kuma yeelan karaan habsami u socodka hawlaheeda.
Markii ay Xukuumaddu talada dalka la wareegtay waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo lagu tilmaamo wasaaradaha ugu shaqada badan ee dalka. Wakhtigaa waxa aan macallin ka ahaa Wasaaradda Waxbarashada aniga oo muddo afar sanno iyo badh ah oo ay Wasaaraddan hoggaaminaysay si dhow ula soo shaqeeyay. Wasaaradda waxbarashada waxay ku wadday dul, dad-isku-wad, diblomaasiyad, maamul-wanaag, iyo dareen feegigan oo garasho, dadnimo iyo dadnimo ku dheehan tahay. Goob kasta oo dalka ka mid ah oo aan hore dugsiyo uga jirin waxay ka hirgalisay adeegyo waxbarasho. Muddadii ay xilka haysay waxa kordhay tirada macallimiinta iyo tirada ardayda. Macallimiintii waaweynayd ee dalka u soo shaqaynaysay muddada dheer ayay markii ugu horraysay siisay xuquuq aan qasnadda qaranka iyo tan dawladda midna laga soo saarin. Mabda'eedu waxa uu ahaa Somaliland oo horumar gaadha iyo qarannimada Somaliland oo taabbagasha. Taa waxa kuu muujinaya munaasibaddii ay xilka Wasaaradda waxbarashada ku wareejinaysay iyo saamayntii ay shaqaalaha wasaaraddaa ku lahayd.
captureWaxay wareejisay wasaarad rejo, ulasho iyo himilo wanaagsan leh. Muddadaa ay wasaaradda joogtay laguma arag eex, qaraabo-kiil iyo wax la mid ah, xataa lagagama caban. Taasi waxay keentay xusuusta aan duugoobin ee ay ilaa maanta ku leedahay shaqaale-weynaha Wasaaradda Waxbarashada.
Samsam maanta waa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, waana markii ugu horraysay ee qof dumar ahi xilkaa qabato. Samsam waxaan u aqaannaa qof qarannimadu ku weyn tahay oo qabiilka ka madhan. Haddii Samsam ay tahay qof taab gaaban ama qolo nacayb, qolo jacayl iyo curfi qabiil ku beeran yahay halkaa may soo gaadheen. Taasi waxay muujinaysaa inay tahay qof hawlkar ah, hal-adag, isla markaasna daacad u ah dalka, dadka iyo dawladda intaba.
Arrinta Burco ee ay ka hadashay na, haddii la dhibsaday iyo haddii la soo dhoweeyay ba, waxay u hadashay sidii aan u aqaannay, waayo, waa qof had iyo jeer ka badheedha waxa ay aaminsan tahay oo aan marnaba qarinnin. Haddii ay gaashaanbuuraysi siyaasadeed oo beelaysan ka hadashayna, been maaha in beesha Samsam ay naf iyo maalba u hurtay in Madaxweyne Siilaanyo talada haaneedo. Sidoo kale ceebi kuma jirto haddii ay maanta beesha Madaxweynaha ku tidhaahdo xilka madaxtinnimo nagu taageera.
Aniga oo aan ka gudbayn xuduudkii Madaxweynaha qaranku u dhigay shaqaale-weynaha dawladda ee ahaa inay dhex ka ahaadaan arrimaha xisbiyada, haddana, marka aan hadalkii Samsam ee Burco fahamkayga ku eego, waxaan u fahmay: ma jirin qof keli ah oo ka mid ah beelaha Somaliland dega oo Axmed-Siilaanyo lagu ballamiyay, sidaas si la mid ah ayay muhiim u tahay in aan Muuse Biixi na loogu ballamin, maadaama oo uu yahay Mujaahid mudan in la qiimeeyo. Beytal-qasiidka hadalkeeda sidaas ayaan u fahmay.
Dhammaanteen hal reer ayaynnu nahay. Waxaynnu nahay reer Somaliland. Sidaa darteed ma mudna in hadal qof yidhi laga dhex baadhno naxli, buqdi, iyo xiqdi. Sidoo kale maaha inaynnu habeen walba Tv-yada isla soo taagto hadallo cunfi ah oo aan adduun iyo aakhiro midna waxtar lahayn.
Ugu dambayn, Wasiir Samsam waxaan leeyahay hankaagii iyo himiladaadii wanaagsanayd halkii ka sii wad, hana dhegaysan hadallada makasta iyo dhengagaalaha. Waxaan ku soo afmeerayaa qormadan tuducyo ka mid ah tixda Daahyaley ee Abwaan Hadraawi."Cadowgaagu duurkiyo
Hadduu doogga cawskiyo
Dareemada ka badan yahay
Adiguna dab baad tahay.
Damal adag hadduu yahay
Adna danab dhacaad tahay.
Baaruudda duushiyo
Dubbe culus hadduu yahay
Derbi soo ceshaad tahay.
Mugdi lagu dayoobiyo
Gudcur dama' hadduu yahay
Qorrax duluca furatiyo
Dayax buuxsamaad tahay.
Hadduu aw dillaaliyo
Qalin duurre faashiyo
Yahay fiqi dammiinana
Cilmi durugsan baad tahay.
Dulin dhiigga miirtiyo
Dulmi hilan hadduu yahay
Xaq dillaacay baad tahay.
Nin qabiil dafkiisiyo
Sita daramalkiisoo
Ku dan qaba hadduu yahay
Qaran dawladaad tahay.
Inta dunidu raarkiyo
Deyrka hoose leedahay
Qof dulmani ku nool yahay
Ilays daaran baad tahay."
Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan
Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL
Email: afhayeenkawaxbarashada@gmail.com
Madaxweyne Siilaanyo oo caawa Istiqaaladii ka...
Hargeysa(Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.
Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqaalad
Ku: Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)
Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
Mudane, Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada. Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan."
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.