Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Go’aan Saxaafadda Madaxa Banaan looga mamnuucayo...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Warar Shabelle ay heleyso ayaa ku soo warramaya in kulan Guddiyada Doorashooyinka iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeesheen Villa Soomaaliya laga soo saaray go'aan lagu caburinayo Saxaafadda Madaxa banaan.
Wararka ayaa sheegaya in ay isla meel dhigeen Masuuliyiintaasi in doorashada Madaxtinimo ee dhawaan ka dheceyso Muqdisho ay mamnuuc ka yihiin Warbaahinta Madaxa banaan kaliyana ay ka qeyb gali karto Warbaahinta Dowladda.
Tallaabadaan ayaa ah ku tagri fal iyo Caburin ku foorarta Warbaahinta Madaxa banaan oo beryihii u dambeeyay tabineysay Wararka la xiriira Musuqmaasuqa Doorashooyinka Aqalka Hoose hareeyay.
Waxaana walaac xoogan laga muujinayaa Musuqmaasuqa doorashada Madaxweyne ee lagu wado in dalka ay ka dhacdo.


Daawo Sawirada: Markab Si Sharci Daro Uga...

$
0
0

Shirjaraa'id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Wasiir ku xigeenka Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda F. Soomaaliya Siciid Jaamac Maxamed Qaalib ayaa kaga hadlay xaalufka maraakiibta shisheeye ay ku hayaan xeebaha Soomaaliya iyo heshiisyo sharcidarro ah oo lala galayo shirkado shisheeye ayadoo aysan ka warqabin Wasaaradda
Wasiir ku xigeenka Kalluumeyisga Siciid Jaamac Max'ed Qaalib ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay markab si sharcidarro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya kaasoo lagu qabtay xeebaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Wuxuu sheegay in Wasaaradu ay ku biirtaya Ururro Caalami ah oo ka dhisan ilaa iyo 8 dal oo iska kaashanaya la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah ee xeebaha.
Wuxuu intaasi ku daray in Markabkan uu isku dayay in uu Cumaan galo, marka uu ku arkay in uu qoraal ka yaallo uu socon waayo, isagoo intaasi sii raaciyaay in ciidamo la'aan ay ku guuleysteen qabashada markabkani, kaasi oo siday Kalluun gaaraya ilaa 30 Tan waxaana lagu ganaaxay lacag gaaraysa 65,000 oo dollar.
Wasiir ku xigeenka ayaa u mahadcelinay dowlado iyo hay'ado caalami ah oo gacan ka siinayay la dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah oo Marakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya waxaana uu ka codsaday in ay siyaan qalab ka Sataliteka oo inoo fududeynaya ka hortagga kalluumeyisga sharci-darrada ah.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Magaalada Baydhabo Oo Lagu Soo Gaba-Gabeeyay...

$
0
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay caawa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.
Doorashadan oo galabnimadii maanta bilaabatay ayaa caawa la soo gaba gabeeyay, waxaana lagu doortay Labadii xubnood ee ugu dambeysay ee ka mid noqda Baarlamaanka Soomaaliya.
Kursiga koowaad oo caawa ay ku tartameen Xuseen Maxamed Sheekh iyo Cumar Cali Maxamed ayaa waxaa ku soo baxay Xuseen Maxamed Sheekh oo helay 50 cod.
Sidoo kale kursiga Labaad oo ay ku tartameen Xasan Macalin Xuseen iyo Xasan Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Macalin Xuseen oo helay 40 cod.
Doorashada Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo socotay mudo ka badan bil ayaa gabi ahaan caawa la soo gaba gabeeyay, waxaana soo dhameystirmay 69-ka xubnood ee ka imaanaya Degaanada Koonfur Galbeed.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo caawa lagu soo...

$
0
0

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ayaa caawa lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee dalka. Doorashada caawa la soo afmeeray waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Xasan Macalin Xuseen oo la tartamayay musharaxa kale ee isna lagu magacaabo Xasan Xaaji Ibraahim, waxaana ku guuleystay Xasan Macalin Xuseen oo helay 40 cod, halka Xasan Xaaji Ibraahim uu isna la yimid 10 cod. Sidoo kale Xuseen Maxamuud Sheekh Badni ayaa cod aqlibiyad leh kaga guuleystay musharixii la tartamayay ee lagu magacaabo Cumar Cali Maxamed oo aan wax cod ah helin, halka Xuseen Maxamuud Sheekh Badni uu helay 50 cod. Magaalada Baydhabo ayaa caawa lagu soo gabo gabeeyay doorashada xubanaha labada Aqal, iyadoo Aqalka Hoose laga soo doortay 69 Xildhibaan iyo Sideed Xildhibaan oo Aqalka sare. Dhawaan ayaa lagu wadaa in la sameeyo xaflad lagu soo dhaweynayo dhameystirka xubnaha labada Aqal.

Madaxweynaha oo booqday Jubbaland kuna ammaanay...

$
0
0

Kismayo, 05 December 2016 - Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismayo ee caasimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey Mudane Ahmed Mohamed Islam (Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Abdulkadir Sheikh Ali Dini, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Maxamed Jamac Mursal (Geele), Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Cabdiraxmaan Dheere, Xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale. Madaxweynaha Soomaaliya oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamada ah ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa loo soo dhoweeyey si heer sare ah. Madaxweynaha oo weriyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay aheyd inuu la yeesho kulamo wadatashi ah Madaxda Jubbaland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, shacabka iyo xubnaha baarlamaanka labada Aqal si loo dedejiyo inta harsan ee doorashooyinka dalka. Madaxweynaha oo la hadlayey wariyeyeaasha ayaa yiri "Waxaan u imid Kismaayo si aan u dhiirigeliyo isla markaasna ugu ammaano Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo guddiyada doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo suurtogeliyey in doorashooyinka ay u dhacaan sidii loogu talogalay, kuna qabsoomaan waqtigii loogu talogalay. Sidoo kale waxaan halkan u imid inaan wadatashiyo la yeesho Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay [...]

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo si diiran loogu...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismayo ee caasimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey Mudane Ahmed Mohamed Islam (Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Abdulkadir Sheikh Ali Dini, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Maxamed Jamac Mursal (Geele), Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Cabdiraxmaan Dheere, Xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale.
Madaxweynaha Soomaaliya oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamada ah ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa loo soo dhoweeyey si heer sare ah.
Madaxweynaha oo weriyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay aheyd inuu la yeesho kulamo wadatashi ah Madaxda Jubbaland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, shacabka iyo xubnaha baarlamaanka labada Aqal si loo dedejiyo inta harsan ee doorashooyinka dalka.
Madaxweynaha oo la hadlayey wariyeyeaasha ayaa yiri "Waxaan u imid Kismaayo si aan u dhiirigeliyo isla markaasna ugu ammaano Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo guddiyada doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo suurtogeliyey in doorashooyinka ay u dhacaan sidii loogu talogalay, kuna qabsoomaan waqtigii loogu talogalay.
Sidoo kale waxaan halkan u imid inaan wadatashiyo la yeesho Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay si loo dedjiyo doorashooyinka inta harsan."
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Soomaaliya ay maanta mareyso marxlad aan xildhibaanada Qaranka ku soo dooraneyno gobollada dalka oo tartarn dimoqraadiyadeed uu jiro, tanoo ah guul u soo hoyatay shacabka iyo dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaalka hadda socda iyo ka guul gaarista go'aanadii habraaca doorashooyinka waa wax in muddo ah laga soo shaqeynayey iyadoo ujeedadeenu aheyd in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ka sharciyad xoogan kana matalaad fiican kuwii 2012kii oo 135 Madax Dhaqameed ay soo xuleen Baarlamaankii 2012 iyadoo maanta ay in ka badan 14,000 oo Soomaali ah ay soo dooranayaan 275ta Xildhibaan, halka 54ta mudane ee Aqalka Sare ay soo doorteen Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada, oo aan maanta leenahay xildhibaano lala xisaabtami kara.
RBC Radio

23rd Star Screen Awards 2016: Check Out The Complete...

$
0
0

Last night we witnessed a star studded evening thanks to the Star Screen Awards, 2016. The event was hosted by Baadshah and Dabangg of Bollywood Shah Rukh Khan and Salman Khan.
While Amitabh Bachchan won Best Actor for Pink, Alia Bhatt bagged Best Actress forUdta Punjab.
Ram Madhvani was honored with Best Director for Neerja, whereas Pink won the Best Film at the event.
Star Screen Awards 2016 winnersCheck out the complete list of winners right here:Best Film:PinkBest Actor: Amitabh Bachchan - PinkBest Actress: Alia Bhatt - Udta Punjab?Best Director: Ram Madhvani - NeerjaCritics Choice For Best Actor: Sushant Singh Rajput - M.S. Dhoni - The Untold StoryCritics Choice For Best Actress: Swara Bhaskar - Nil Battey SannataMost promising Debut Director: Tinu Suresh Desai - RustomBest Actor In A Comic Role: Varun Dhawan - DishoomBest Child Artist: Riya Shukla - Nil Battey SannataBest Newcomer (Male): Jim Sarbh - Neerja; Harshvardhan Kapoor - MirzyaBest Newcomer (Female): Disha Patani - M.S. Dhoni - The Untold StoryBest Supporting Actor: Rishi Kapoor - Kapoor & sonsBest Supporting Actress: Shabana Azmi - NeerjaBest Lyricist: Amitabh Bhattacharya - Ae Dil Hai MushkilBest Music: Pritam Chakraborty - Ae Dil Hai MushkilBest Playback Singer (Male): Amit Mishra - Bulleya (Ae Dil Hai Mushkil)Best Playback Singer (Female): Palak Muchhal - Kaun Tujhe (M.S. Dhoni - The Untold Story)Best Choreography: Bosco-Caesar - Kala Chashma (Baar Baar Dekho)Best Editing: Aditya Bannerji - PinkBest Cinematography: Anay Goswami - FitoorBest Action: Jai Singh Nijjar - ShivaayBest Story-Screenplay: Saiwyn Quadras - NeerjaBest Dialogue: Ritesh Shah - PinkStar Plus Ki Nai Soch Award: Alia BhattLifetime Achievement Award: RekhaBest Style Icon Award: Deepika Padukone

Hrithik Roshan Starrer Kaabil’s New Poster With Its...

$
0
0

Rakesh Roshan's Kaabil will be releasing in theatres across India on 25th January 2017 (evening) and will be in theatre from the 6pm show onwards.
Directed by Sanjay Gupta and produced by Rakesh Roshan, the film stars Hrithik Roshan and Yami Gautam. The film will see Hrithik and Yami playing a blind couple, though the actor's action avatar will still be on.
Check out the new poster right here :
Hrithik Roshan's Kaabil New Poster


The Ghazi Attack’s 1st Look Poster: India’s First...

$
0
0

Here's the first look poster of India's first war-at-sea film, The Ghazi Attack.
This much-awaited multi-lingual film features Rana Dagubatti and Taapsee Pannu in lead roles. Karan Johar's Dharma Productions has collaborated with AA Films for this big project.
Reportedly, the film is based on the mysterious sinking of PNS Ghazi, a Pakistan submarine during the Indo-Pak 1971 war. Rana portrays the character of a Navy officer, while Taapsee plays the role of a refugee.
Watch the first look poster right here:
The Ghazi Attack PosterDirected by Sankalp and produced by Matinee Entertainment and PVP Cinema, the film is set to hit the screens on 17th February, 2017.

Daawo Nadiiro Neyruus oo isbadal cusub lasoo ifbaxday

$
0
0

Daawo Nadiiro Neyruus oo isbadal cusub lasoo ifbaxday

Angela Merkel oo dalbatay in indho shareerka laga...

$
0
0

Haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay inay tahay in la mamnuuco xirashada indho shareerka.

Ogaysiis:- Fursado Shaqo Oo Ka Bannaan Baarlamaanka...

$
0
0

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan idiin soo bandhigeynaa fursado shaqo oo ka bannaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Halkan Hoose Ka Akhriso:- REQUEST FOR QUOTATION OF TRANSLATION MANUALS AND GUIDELINES

Shirkii Golaha wada tashiga ee Dowladaha Hoose oo...

$
0
0

Shirkii Golaha wada tashiga ee Dowladaha Hoose ee loo yaqaanno "wada jir" ee hannaanka Qaran Dhisidda Dowladaha Hoose ayaa manta lagu soo gabagabeeyay magaalada Mugdisho. Shirkan oo ahaa kii lixaad ayaa kuwii ka horeeyay lagu kala qabtay magaalooyinka kala ah: Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Cadaado taaso looga hadlaayey sidii Goleyaashii Deegaanka ee Dowladaha Hoose lahaan jireen dib loogu dhiso. Wada hadaladaas oo na dhaxalsiiyay 68 dagmo oo lugu heshiiyay in laga sameeyo Goleyaasha Deegaanka balse si hor dhac ah 26 dagmo ayaa lugu sii bilaabo qiimeyntoodii taaso dardar galinaysa hadaba waxa laga soo saarey dhawr qodob oo kala ah: In la xoojiyo Awoodaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha. In laga sii shaqeeyo doorasho 2020 qof iyo cod oo ay shacabku helaan matalaad rasmi ah oo cadaalad ku dhisan. In la xoojiyo xog wadaagga ee Golaha wada jir. In dib u heshiisiin dhab loo sameeyo dadka wada daga. In la sameeyo hab raac loo maro amase hago wada jirka. In dib loo yagleelo machadyadii Dowladaha Hoose lahaan jireen. In la caawiyo oo loo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen iyo qodobbo kale.

Xildhibaanada federaalka ee Jubbaland oo fadhigooda...

$
0
0

Kn: Xildhibaanada labada aqal ee federaalka ee laga soo doortey Jubbaland ayaa u muuqda in ay yihiin kuwa kaliya ee yeeshey saameynta siyaasadeed ee ugu badan illaa iyo hadda.
Xildhibaanada ayaa u samaysmay qaab kudlad camal, waxayna muujiyeen isku duubnaan, iyaga oo yeeshey xitaa cid u hadasha.
Haatan musharixiinta u taagan madaxweynenimada Soomaaliya ayaa usoo kala hormaraya sidii ay xildhibaanadan u qancin lahaayeen.
Waxaa ugu dambeeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan quraac ah la yeeshey xildhibaanada, saacado badana ay yeesheen wadahadal.
Madaxweynaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyey guushii ay ka gaareen doorashadii dhacday magaalada Kismaayo . Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay inay ka shaqeeyaan danaha shacabka kalsoonida siiyey iyo mida guud Qaranka ee loo wakiishay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay guulo waa weyn ay tahay in maanta dadka Soomaaliyeed iyaga oo jooga degaanadooda ay doorteen shaqsiyaadka wakiilka uga noqon lahaa danahooda degaan iyo mida Qaran .
"Shacabka aad wakiil uga noqeysaan Baarlamaanka oo idinku aaminay inaad wakiil uga noqotaan danaha Qaranka ayaa idin ka sugaya waajibaadkiina . Allaah ayaa mahad leh maanta waxay Soomaaliya mareysaa in dad heerarkooda kala duwan oo ay iyagu wakiisheen u doortaan danahooda, oo haddii ay Baarlamaan dowlad Gobolleed iyo madaxdooda tahay ee ay shacabka deegaanka u doorteen in ay ka shaqeeyaan amuurahooda heer deegaan iyo haddii mid heer Qaran tahay oo ay idinku idin doorteen si aad ugu matashaan amurahooda Soomaaliya oo dhan kala dhaxeeya sidaa darteed waa horumar weyn oo ay Soomaaliya gashay"ayuu yiri Madaxweynaha.
"Dhismaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland, waxay keentay wax lagu farxo oo ah in siyaasiyiin badan oo idin ka mid ah in ay yimaadeen degaanadooda oo ay xildhibaano u soo doonteen kuna guuleysateen. Kaliyah doorasho maaheyn waxa ka dhacay Kismaayo ee waxaa la socday dib u heshiisiin maadaama dadkii degaanada Jubbaland ay Kismaayo isku yimaadeen, si nabad iyo dimuqraadiyad ahna isku doorteen, si la mid ah dorashooyinkaan dib u heshiisiinta la socoto waxay ka dhacayaan magaalooyinka Maamul Gobolleedka dhistay sida Baydhabo, Cadaado iyo Jowhar" ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayey Xildhibaanada labada Aqal.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn mid mid uga jawaabay Xildhibaanada su'aalo ay weydiiyeen iyagoona ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh waxqabadkiisa afarta sanno iyo horumarka dhan walba leh ee uu gaarsiiyey Qaranka Soomaaliyeed.
Kulanka Madaxweynaha uu la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa waxaa kaga horeeyay kulamo maalmo ka hor ay Kismaayo kula yeesheen Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.
KismaayoNews.com

Madaxweynaha JFS oo kormeer ku tagay Xeryaha...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay xeryaha ciidammada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo. Madaxweynaha, kormeerkiisu waxa uu la xiriiray sidii uu u dhiiragelin lahaa ciidammada ku sugan deegaannada Jubbalaan ee xeryaha ku leh duleedka Kismaayo, kuwaas oo qaarkood dhammeystay tababarka isku dhafka ciidammada Xoogga dalka oo lagu bilaabay qeybta 43-aad ee Jubbalaan ka howl-gasha. Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa madaxweynaha warbixin buuxda ka siiyey marxaladda ciidammada ku sugan yihiin iyo tababarka isku dhafka ay qaateen, waxa uu sheegay in weli ciidanku u baahan yahay in la dhammeystiro waxyaabaha ka haray baahidooda dhanka shaqada. Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka xeryaha ku leh Ex Jaamacaddii hore ee Kismaayo, tababarrada ay sida wanaagsan u qaadeen, waxa uu ku dhiirageliyey diyaar-garowga ay u galeen in ay dalka ka difaacaan kooxaha Nabadda diiddan. Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladdu ay xog ogaal u tahay xaaladda ay ciidanku ku sugan yihiin, waxa uu intaa raaciyey in lagu dadaali doonno dhammeystirka baahida ciidanka dhan walba iyadoo la eegayo awoodda dowladoodu leedahay, laakiin ahmiyadda koobaad la siin doono ciidammada Qalabk Sida. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan [...]


Shimbir kasoo duushey Shiinaha oo Soomaaliya soo...

$
0
0

Kn: Shimbir lagu rakibay qalabka la socodka dhaqdhaqaaqa ee casriga taasi oo kasoo duushey dalka Shiinaha ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gaartay dalka Soomaaliya.
Arrintani oo qeyb ka ah cilmi-baaris lagu ogaanayo hayaan shimbiraha qaaradaha isaga goosha marka ay xiliyada isbadalaan ayaa waxaa hormud ka ahaa nin u dhashay Britain oo shimbiraha jecel kaasi oo ku nool magaalada Biijiin ee dalka Shiinaha.
Shimbirtani oo lagu magacaabo Meng oo marka la fasiro micnaheedu noqoneyso Riyo, ayaa waxa ay Shiinaha kasoo hayaantay 6-dii bishii September, 2016, kadibna soo gaartay xeebaha Soomaaliya, kadibna usoo duushey magaalada Muqdisho.
Dadka la socdey dhaqdhaqaaqa shimbirtani oo ay arday ka mid ahaayeen ayaa aad ugu farxay adkeysiga shimbirtani oo la duuleysey shimbiro kale.KismaayoNews.com

Video : Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyey...

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey taleefishinka Jubaland waxa ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay Jubaland.
Waxa kale oo uu ka hadlay arrimo la xiriira Soomaaliya oo ay ka midyihiin qandaraasyo lala saxiixay shirkado shisheeye, aragtidiisa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo waxyaabo kale.Daawasho Wacan
KismaayoNews.com

Gurmad loo samaynayo abaaraha Puntland

$
0
0

Guddiga gurmadka abaaraha ka jira gobolada Puntland ayaa sheegay in haddii sida xaaladdu u xun tahay ay ku sii socoto oo aan roobab la helin dhowrka todobaad ee soo socda, meelaha qaar aysan jiri doonin xoolo la dhaqdo.

Natiijooyinka cayaaraha horyaallada Yurub

Dawladda Suuriya oo qabsatay 70% bariga Xalab

$
0
0

Ciidanka Suuriya ayaa la sheegayaa inay goobo hor leh ku qabsanayaan dagaalka ay kala hor jeedaan fallaagada ee gacan ku haynta Xalab. Askartu waxay iminka gacanta ku hayaan 70% dhulkii ay fallaagada xukumi jireen ee bariga Xalab.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live