Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shir...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyad Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya. Shirkaasi ayaa baaqa laga soo saaray waxaa ka mid ah in dowladaha caalamka ay xayiraada ka qaadaan Xawaaladaha Soomaalida sidoo kale in xooga la saaro sidii dib loo bilaabi lahaa xoolihii ay Soomaaliya u dhoofin jirtay wadamada carabta si looga qeyb qaato koboca dhaqaale ee wadanka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa amaan loo soo jeediyey hanaanka wanaagsan ee ay ku socdaan doorashooyinka ka socdo xarumaha maamul goboleedyada Dalka ka jiro , ayadoo loogu baaqay dowlada Soomaaliya in ay doorashada madaxtinimada ee dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay. Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Max'uud ayaa uga mahadceliyey madaxweyneyaasha IGAD dadaalka ay Soomaaliya ku taageerayaan, maadaama dalku uu horey u dhaqaaqay muddo dhowna Soomaaliya ay furi doonto waddo cusub oo dhanka nabadda iyo horumarka ah, isagoo Ballan qaaday in doorashada waqtigeeda ku dhici doonto, shacabka Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin wax wada qabsi muuqda.


Kismaayo: Saldhig al-Shabaab ay qaraxyadda ku sameyn...

$
0
0

Kismaayo (RBC Radio) Illaa toddobo dagaal-yahan oo al-Shabaab ah ayaa lugu soo qabtay howlgal gaar ah oo ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ka fuliyeen deegaan ku yaalla dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo.
Waxaa la sheegay ciidamada inay beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaallamayaal ka tirsan al-Shabaab,waxaa kolo howlgalka lugu bur-buriyay saldhig lugu sameyn jiray waxyaabaha qarxa,sida ku cad war ka soo baxay AMISOM.
AMISOM waxay kale oo ay ku sheegtay barteeda twitter-ka inay la wareegeen hub isugu jira rasaas iyo hub kaleba.
Docda kale,war ka soo baxay ururka al-Shabaab ayaa lugu sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen ciidamo iskugu jira Kenyan iyo Maraykan, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen sida ay sheegeen maleeshiyada al-Shabaab.
Al-Shabab ayaa sheegatay in miino lagu aasay dhulka ay burburisay baabuur nooca beebaha ah.
Ilaa hadda ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay iska horimaadka maanta dhacay.
Weerarrada lugu beegsanayo al-Shabaab ee ka dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa siyaaday tan iyo bilowgii sanadka hadda gaba-gabada ah.
___RBC Radio

Somalia political leaders slate presidential polls...

$
0
0


Mogadishu (RBC Radio) A new date has been set for the the controversial presidential elections in Somalia after being postponed thrice
According to the Associated Press, Somalia political leaders say the have agreed to hold the polls on December 28 but expect a new parliament to elect a speaker on December 22, before the parliament members elect a president on December 28.
The president is not elected by popular vote. At least 14,000 delegates selected by their clans elect parliament members who then elect the president.
Officials say voting for members of the upper house is almost complete while that for the lower house is just past the halfway mark.
The vote was postponed over disputes over the process, bribery and fraud allegations.
Opposition members insist that the ongoing process to elect law makers is marred by fraud in favour of the current administration's hand-picked members.
The election delays have worried the international community which has expressed interest in having the polls carried out this year.
The delays magnify challenges of holding elections in the Horn of Africa country torn apart by war over the last 25 years, compounded by the threat of Al-shabaab Islamists and where clan rivalries dominate the political scene.
__
Source: africanews

Wareysi safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga

$
0
0

Dawladda Sacuudiga ayaa shaacisay inay joojisay xoolihii Soomaaliya laga soo dhoofin jiray ee dalkeeda la keeni jiray, ka dib markii sida ay sheegtay cudurro laga helay xoollo Soomaaliya laga keenay.

Barnaamijka Waxay ila tahay ee falanqaynta Jimcaha

$
0
0

Maanta barnaamijka waxay ila tahay waxaan ku soo qaadanay xaaladda waddanka Suuriya gaar ahaan qabshada magaalada Xalab ee ciidamada dawladda Suuriya iyo jabka gaaray xoogagga mucaaradka.

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay shirka...

$
0
0

Addis Ababa(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka madaxweyneyaasha IGAD oo ka dhacay Addis Ababa, Waxyaabaha diiradda lagu saaray shirka waxaa ka mid ah: Soomaaliya oo lagu ammaanay doorashooyinka ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka. Ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa loo jeediyey boggaadin. Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay in [...]

2 Haween oo isqarxiyey oo dad badan ku laayey Najyeeriya

$
0
0

Ciidamadda Nayjeeriya ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof lagu dilay weerar la tuhunsan yahay inay ka gaysteen kooxaha Islaamiyiinta magaalada Madagali ee waqooyiga Bari ee dalkaas.

Crook: It’s Good To Be Bad Af-Soomaali


Barnaamijka Waxay ila tahay ee falanqaynta Jimcaha

$
0
0

Maanta barnaamijka waxay ila tahay waxaan ku soo qaadanay xaaladda waddanka Suuriya gaar ahaan qabshada magaalada Xalab ee ciidamada dawladda Suuriya iyo jabka gaaray xoogagga mucaaradka.

Wareysi safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga

$
0
0

Dawladda Sacuudiga ayaa shaacisay inay joojisay xoolihii Soomaaliya laga soo dhoofin jiray ee dalkeeda la keeni jiray, ka dib markii sida ay sheegtay cudurro laga helay xoollo Soomaaliya laga keenay.

Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Tallaabadii...

$
0
0


Hargeysa(Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa ka hadlay go'aanka ay dawladda sucuudigu sheegtay in ay ku joojiyeen xoolaha somalida qaar gaar ahaan Lo'da.
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, maanta ayaa waxa uu sheegay in xoolaha Somaliland ay caafimaad qabaan, waxaanuu u soo jeediyey dawladda Sucuudiga in ay ka noqoto tallaabadaasi.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Warkaasi wuu na soo gaadhay mana aha war fiican horena taariikgda way ina soo martay tan oo kale tiraba inta la xasuusan yahay laba goor, sannadkii 1983-kii ayaa waxa ay sucuudigu ka cawdeen Lo'da oo ay joojiyeen, imikana sidii oo kale waxa ay ka cawdeen Lo' ay yidhaahdeen xanuuno ayaa laga helay oo waanu joojinay, xoolaha la hakiyey markaa waa xoolaha somalida guud ahaanba dhulka somalida ayey yidhaahdeen toos ayaanu u hakinay, anagu waxaanu xaqiijinaynaa oo markhaatigeedana leh in aanay xooluhu qabin wax xanuun ah in aanuu jirin wax xanuun ah, waxa jira Hay'ado dhinaca xoolaha aanu ka wada shaqaynno ayaa jira iyo maxjarro waaweyn oo caalami ah ayaa ku yaalla berbera, wasaaraddanna waxa ay qabataa waa caafimaadka xoolaha, Hay'do caalmi ah oo eega xanuunada xoolaha sadexdii biloodba mar ama lixdii biloodba mar ayaanu u dirnaa heerka caafimaadka xooleheenna, markaa anagu ma ogin xoolo qaba xanuun meel aanu ku ognahayna ma jirto, dedaal badan ayaanu ku jirnaa waanu ka xunahay arrintaas oo waxaanu dalbanaynaa in aanu dhacsiinno hay'adaha nagala shaqeeya iyo dawladda Sucuudi Carabiya oo ah suuqa ugu weyn waxaanu ku raji weynahay in ay nagula qancaan, arrinkanna aanu markhaatigiisa cadaynno dedaal fara bandanna waanu ku jirnaa imika."
Wasiir Cukuse oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey "Ama Somaliland ha ahaato ama Somalia ha ahaato ama Itoobiya dhinaca somalidu degto ha ahaato neefka xoolaha somaliga ahi waa noloshii waana dhaqaale mana aha neef aynu siyaasadaynayno, haddii ay ka dhacday hadda dhinaca Somalia waa dhacdo saamaynaysa xoolaha somaliyeed oo dhan sidaas ayuu ula dhaqmay sucuudigu, gar iyo gardarabana isaga ayaa inoo ah suuq inagana waxa ina saaran in aynu ku qancinno in uu arrintaas ka laabto sucuudigu."
Somaliland.Org/Hargeysa

Abaar ba'an oo laga soo sheegayo Koonfur Galbeed

$
0
0

Deegaana ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaliya ayaa laga soo sheegayaa abaaro ba'an oo saameeyey dadka iyo duunyadaba.

2 qof oo ku dhimatay gaari ku qarxay Siinka Dheer ee...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Ilaa labo ruux ayaa ku dhintay gaari ku qarxay bar koontorool oo ay joogeen ciidammada ammaanka ee Soomaaliya,sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka.
Askari ka mid ah ciidamada nabad-sugidda iyo qof saarna gaariga qarxay ayaa dhintay,waxaa kalo qaraxa ku dhaawacmay askari kale oo ciidamada ka tirsan.
Waxaa la sheegay gaari oo nooca raaxadda ahaa inuu qarxay xilli ciidamada ammaanka ay ku baarayeen bar koontorool oo ku taalla deegaanka Siinka Dheer oo ku yaal inta u dhaxeysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalada Afgooye.
Ciidamada ammaanka ayaa soo bandhigay taargo ay sheegeen inuu ku xirnaa gaariga qarxay, taargadan ama sumada ayaa ah mid laga leeyahay maamulka Soomaaliland.
"Gaariga wuxuu qarxay xilli ay ciidamada baaritaan ku wadeen,wuxuuna ku socday inuu gudaha u galay magaalada Muqdisho,"ayaa lugu yiri war ay baahisay hay'adda sirdoonka iyo nabad-sugidda dalka.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay qaraxan maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho,wuxuuna ku soo aadaya xilli maalmo kooban ay nooga harsan-yihiin doorashada guud ee madaxweynaha.___RBC Radio

AKHRISO: Xildhibaannada Aqalka hoose ku matalaya...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Waxaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho wajiga labaad doorashada xildhibaannada Aqalka hoose ku matalaya gobollada waqooyiga,doorashada maanta waxaa dhacday xildhibaannada qaar codad Aqlabiyad leh inay ku soo baxeen.
Doorashada waxaa kalo looga adkaatay xildhibaanno hore,sidoo kale xildhibaanno horay uga mid ahaa baarlamaanka ayaa iyaguna dib usoo laabtay.
Xubnaha ku guuleystay doorashada waxaa ay kala-yihiin:-
1-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya,Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Waxa uuna helay Codad gaaraya 51 Cod halka Musharaxiin la tartamaayay uusan wax cod ah helin.
2-Feysal Cumar Guuleed ayaa ku soo baxay 29 cod, isagoo ka adkaaday musharaxii kale ee la tartamayay Cabdixakiin Cige.
3-Aamina Cumar Jaamac ayaa ku guuleystay 51 cod, halka Faa'iza Axmed Cali oo la tartameysay aysan wax cod ah helin.
4-Cilmi Maxamuud Nuur ayaa isna ku soo baxay 45 cod, waxaana uu ka guuleystay Fanaanka caanka ah Farxaan Xidig oo isna helay 6 cod.
5-Saalax Jaamac Ahmed ayaa isna ku soo baxay kursiga beeshiisa, isagoo helay 50 cod, waxaana uu ahaa kursiga 5aad ee maanta la doortay.
Gobollada waqooyiga illaa hadda waxaa la doortay 11 xildhibaan oo ku matalaya Aqalka hoose,waxaana la sheegay doorashada inay sii socon doonto.
___RBC Radio

Shirkadaha qaada alaabaha culus oo ku soo badanaya dhulka Soomaalida

$
0
0

Dhulka Soomaalida waxaa ku soo badanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dadka u qaada alaabaha, kuwaa oo intooda badan ay maalgashadeen dadka qurba joogta ah.


Xaaladda dhalinyaradda Soomaaliya ah ee ku xiran xabsiyadda Maraykanka

$
0
0

Toddobaadkan aynu ku jirno waxaa warbixin soo saartay sarkaal sare oo la taliya u ah dowladda Ingariiska, waxa ayna ka digtay in faquuqa lagu hayo qaar kamid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay ay aad uga sii darayso qeyba ka mid ah dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray...

$
0
0


Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 20 December 2016 ku soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland wefti uu hogaaminayo Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Madaxweynaha waxaa soo dhoweynta Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku wehelinayaay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland iyo saraakiil ka mida madaxtooyada Dawladda Puntland.
Ugu horayn madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo dhoweeyey Puntland Ra'iisul wasaaraha soomaliya, waxana uu sheegay in ay kawada hadli doonaan Xaalada Abaarta iyo Doorashooyinka Dalka ka socda.
''waxa sharaf weyn noo ah inaan galabta soo dhoweyno Ra'iisul wasaaraha Dawladda Fadaraalka Soomaaliyeed Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Shamaarke oo ku yimi booqasho gaaban Puntland maanta, Ra'iisul wasaaruhu waxa uu uyimi Puntland hawlo badan oo dalka ka socda gaar ahaan dhamaystirka doorashooyinka 2016 iyo sidoo kale inuu u kuur galo xaalada abaarta ee ka taaagan Dalka, waana ku mahad sanyahay inuu Ra'iisul wasaaruhu noo yimaado nalanaqayb sado culayska ay leedahay baarta ka jirta Puntland, waa soo dhoweynaynaa Ra'iisul wasaaraha waana ku mahad sanyahay booqashadiisa'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Sidoo kale Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhankiisa Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kale ee Dawladda uga mahad celiyey soodhoweyntooda, siidoo kale Ra'iisul wasaaruhu waxa uu ka warbixiy waxa uu daaranyahay Socdaalka uu ku yimi Puntland.
"waxaan mahad balaadhan u jeedinaya Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo masuuliyiintii kale ee nasoo dhoweeyey aniga iyo wefdigayga, waxaan halkan u nimaadnay arrimaha doorashada saan lawada soconona waxaa lagu jiraa xili ay doorashadu gebogebo ku jirto wuxuuna socdaal kayagani salka ku hayey sidii aan u dardargelin halayn dhamaystirka doorashooyinka iyo inaanu madaxweynaha ka wada hadalo sidii ay doorasha inta hadhay loo waajihi lahaa, sidoo kale waxaan lasoconaah in abaar xumi dalka ka jirto illaahay abaarta haynaga saaro, insha allah waxaan baaq ku saabsan Abaarta oo wada jira wada qaban doonaah Madaxweynaha oo aan kula hadlayno beesha caalamka iyo cid walba oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyen "ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay uga baryey inuu ummada diisa ka saaro abaarta uguna bedelo raxmadiisa.

-DHAMMAAD--
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYI-GELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Dhalinyaro Deeq u Uruurisay Abaaraha

$
0
0

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in loogu gurmado dadka abaartu saamaysay, Waiyaha VOAda ee gobolka Minnesota ayaa waraysi la yeeshay laba dhalinyaro ah oo olole u galay sidii qaaraan loogu ururin lahaa abaaraha Somalia.

Xaaladda dhalinyaradda Soomaaliya ah ee ku xiran...

$
0
0

Toddobaadkan aynu ku jirno waxaa warbixin soo saartay sarkaal sare oo la taliya u ah dowladda Ingariiska, waxa ayna ka digtay in faquuqa lagu hayo qaar kamid ah qowmiyadaha laga tirada badan yahay ay aad uga sii darayso qeyba ka mid ah dalkaasi.

Shirkadaha qaada alaabaha culus oo ku soo badanaya...

$
0
0

Dhulka Soomaalida waxaa ku soo badanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dadka u qaada alaabaha, kuwaa oo intooda badan ay maalgashadeen dadka qurba joogta ah.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live